Sign in to follow this  
Showqi

A list of all the things Al Shabaab banned

Recommended Posts

Shabaab oo ka mamnuucay gobollada ay ka taliso hay'ado laga leeyahay Mareykanka iyo Soomaaliya

 

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka talisa dhul ballaaran oo Soomaaliya ka tirsan ayaa maanta shaacisay inay gobollada ay ka taliso ka mamnuucday inay ka shaqeeyaan hay'ado laga leeyahay Mareykanka iyo Soomaaliya.

 

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa hadalkan ka sheegay mudaaharaad looga soo horjeedo hadal uu dhawaan ku sheegay baadari Mareykankan inuu ku gubayo Kitaabka oo ka dhacay Muqdisho.

 

"Maanta wixii ka dambeeya waxaan ka mamnuucnay inay dalkeenna ka shaqeeyaan dhammaan hay'adaha Mareykanka laga leeyahay, waxaana ka xusi karaa Mercy Corps, MEDAIR iyo Horn Releif oo Soomaaliya laga leeyahay, balse oo xiriir la leh Mareykanka" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

 

Hay'adahan shaqooyinka laga joojiyay oo ka shaqeeya caafimadka, gargaarka deg-degga ah iyo dib u dhiska, halka Horn Releif ay iyadana saacidi jirtay dadka ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya.

 

"Dhammaan hay'adahan aan soo xusay kama shaqeyn karaan gobollada ay Xarrakatul Shabaab ka taliso, waayo waxay dhibaato ku hayeen dadka Muslimiinta ah ee ku nool gobollada dalka," ayuu yiri Afhayeenka Xarrakatul Shabaab.

 

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaanay ahayn markii ugu horreysay oo ay ka mamnuucdo gobollada ay ka taliso hay'adaha reer galbeedka, iyadoo bishii Ogoosto ee sannadkaan shaqooyinka ka joojisay saddex haya'dood oo ay ku eedeysay inay aasaaseen kaniisado ku yaalla dalka Sweden iyo Mareyanka.

 

Hay'adaha shaqooyinka laga joojiyay ayaan wax hadal ah kasoo saarin amarka kasoo baxay Xarrakatul Shabaab ee looga mamnuucay inay ka shaqeeyaan gobollada ay maamulaan Soomaaliya.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wax ka badan sadax baabuur laguma galbin karo aroosyada

 

Maamulka xarakada Al-Shabaab ee gobalka Hiiraan ayaa amaro ka soo saaray xafladaha aroosyada ee laga dhigo gobalkaasi Hiiraan.

 

Maamulka gobalka Hiiraan ee xarakada Al-Shabaab ayaa si buuxda u mamnuucay in aroosyada xaflado waa weyn loo dhigo.

 

Arintaan ayaa waxaa lagu shaaciyay war qoraal ah oo ka soobaxay xafiiska guddoomiyaha maamulka xarakada Al-Shabaab ee gobalkaasi Hiiraan Sheekh Yuusuf Cali Ugaas.

 

Warqada qoraalkaa ayaa waxaa lagu sheegay in aroosyada aan loo isticmaali karin wax ka badan sadax baabuur xiliga la agbinayo arooska.

 

Dadka ku nool gobalka Hiiraan ayaa waxaa loogu baaqay in ay u hogaansamaan amarkaan lagu soo rogay.

 

Xarakada Al-Shabaab ayaa dhamaanba gobalada ay maamulaan ee koofurta Soomaaliya horay waxa ay ugu soo rogeen amarada caynkaan oo kalaa.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka degmada Saakow oo haweenka ka mamnuucay ka ganacsiga jaadka

 

Maamulka Xarakada Alshabaab ee degmada saakow ee gobolka J/dhexe ayaa ka mamnuucay haweenka ku dhaqan degmadaasi ka ganacsiga qaadka, iyadoona uu maamulku sheegay in arintaasi tahay mid aysan ogoleyn shareecada Islaamka.

 

Gudoomiyaha Degmada Saakow Sheekh Ridwaan oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in go’aan manta kazoo baxay maxkamadda sare ee degmada Saakow looga mamnuucay haweenku in ay ka ganacsadaan qaadka, isagoona sheegay in ay awaamiirtaasi dhaqan gelin doonaan laga bilaabo maanta.

 

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada amaanka degmada Saakow ay bilaabi doonaan howlgallo ay ku xaqiijinayaan sidii loo dhaqan gelin lahaa go’aanka kazoo baxay Maxkamadda sare.

 

Go’aanka maanta kasoo baxay maamulka degmada saakow ee gobolka J/dhexe ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka degmada Kismaayo uu hore usoo saaray awaamiir ceynkan oo kale ah oo haweenka looga mamnuucay in ay ka ganacsadaan qaadka.

 

____________________

 

Haa hee, ragga waa loo ogolyahay inay ka beecmushtaraan jaadka, dumarka kaliya oo meel ay ka shaqeystaan awalba weysanaa lee loo ogoleen. Badow awood kuu helay siduu rabo ayuu kuula dhaqmaayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabaab oo haweenka degmada Jowhar ka mamnuucay xerashada dharka jilicsan

 

Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa haweenka ku dhaqan gobolkaasi ku amray inay qaataan dharka jilicsan iyagoo ganacsatada uga digey in ay iibiyaan dharka nuucaasi ah.

 

Gudoomiayah Maxkamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee degmada Jowhar Sheekh Abuu Yuusuf oo maanta qaar ka mid ah saxaafada kula hadlayay magaalada Jowhar ayaa waxaa uu farey ganacsatada dharka ku iibisa gobolkaasi in aysan ka ganacsan karin dharka qafiifka ah.

 

Sidoo kale haweenka isticmaala xijaabka ayuu uga digey Maamulku inay qaataan dharka qafiifka ah, waxaana gudoomiyaha gobolkaasi ee Al Shabaab u sheegay in digniintaani ay timid kadib markii haweenkii dhawaan la amray inay qaataan xijaabada adag ay bilaabeen inay qaataan Xijaabo qafiif ah.

 

Gudoomiyaha degmada Jowhar waxaa uu intaasi ku daray intalaabo waafaqsan shareecada islaamka ay ka qaadi doonaan cidii ay ku arkaan iyadoo xiran ama iibsaneysa dharka qafiifka ah.

 

Ma’ahan markii ugu horeysay ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay dadka ku soo rogaan amaro nuucaani oo kale ah, iyadoo amaro kuwaani la mid ah ay dhowr jeer oo hore ay ku soo rogeen gobolada ay ka taliyaan ee Soomaaliya.

 

___________________

 

Maya, it is not about dirac iyo wixii la mid ah in la mamnuucay. That long ago iskiis isku mamnuucay dirac iyo wixii lamid ah. Waxa hadda la mamnuucay oo 'dharka qafiifka' ah waa jilbaabada jilicsan. To them, the ideal dumar dress is illustrated in this sawir:

 

gab.jpg

 

Jawaanadaas in la gishto ayee rabaan, a bonus being wearing winter gloves in a 30 degree celcius environment. Lord.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia’s Al Shabaab Warns People Against Using Drugs Offered By AMISOM

 

Mogadishu, Somalia (AHN) - Somalia’s Al Qaeda-inspired group Al Shabaab has warned people against getting drugs from African Union peacekeepers in Mogadishu, an Al Shabaab official told reporters on Monday.

 

Sheikh Ali Mohammed Hussein, the insurgent group's chairman of the Banadir region, said Mogadishans should not use medicine offered by AMISOM, claiming that the drugs may have been contaminated with the HIV virus. Hussein said AMISOM’s medicine came from an unnamed organization that he claimed wanted to spread the virus throughout the country.

 

“We are telling the people not to use or visit AMISOM bases searching for drugs. Somali people must not be treated with them,” Hussein was quoted as saying.

 

The Al Shabaab claims appear to be designed to placate the Al Qaeda terrorist network led by Osama bin Laden.

 

Al Shabaab has ordered three international aid agencies--World Vision, Adventist Development and Relief Agency, and Diakonia--to stop serving in Somalia in two months, claiming they are "actively propagating Christianity" in the Horn of Africa country. Other aid organizations also have been warned against taking over the agencies' work, or action would be taken against them.

 

Al Shabaab had already imposed a ban on more than 20 aid organizations, including United Nations and international aid agencies working in southern and central Somalia.

 

 

HERE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarakada Al Shabaab oo hakad galisay qaadkii ka soo dagayay Garoonka KM-50

 

 

Afgooye : (Sh. M. Network) Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa hakad galiyay duulimaadyadii iyo diyaaradihii qaadka keeni jiray Garoonka diyaaradaha ee Lambar 50 ee gobolka Sh/hoose iyadoo arinaasina ay walaac ka muujiyeen ganacsatada qaadka iibisa.

 

Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si Kumeel gaar ah u mamnuucay in uu qaad ka soo dago garoonka diyaaradaha ee KM-50 kadib markii shalay ay la wareegeen gacan ku heynta garoonkaasi oo qaad uu uga soo dagi jiray ganacsato Soomaaliyeed habeen ka horna ay hubkii kala wareegeen ilaalada garoonkaasi.

 

Qaar ka mid ah ganacsatada qaadka ee dalka Kenya oo Shabelle la hadlay ayaa shaagay in diyaaradaha qaadka ee dalkaasi ka imaan jiray ay ku soo wajahanyihiin garoonkaasi islamarkaana uu wahadal u socdo Masuuliyiin ka tirsan Xarakada Shabaab kuwaasi oo ay sheegeen inay ka wadahadlayaan sidii ay uga laaban la haayeen go’aanka lagu hakiyay qaadka.

 

Masuuliyiinta horkaceysay Ciimadamada Xarakada Al Shabaab ee la wareegtay garoonka diyaaradaha ayaa ku wargaliyay ganacsatada qaadka inay maanta hakad galiyaan keenista qaadka islamarkaana ay ka war sugan amar dambe oo iyaga ka soo baxa.

 

Qaadka laga soo dajiyo garoonka diyaaradaha ee KM-50 ayaa waxaa ka ganacsatada haween iyo rag farabadan kuwaasi oo noloshooda iyo mid caruurtooda ku maareeya waxyaabaha ay ka haleen qaadkaasi, waxaana ilaa iyo hadda si dhab ah aan loo ogeyn ujeedada ka dambeysay la wareegista Garoonkaasi ee Xarakada Al Shabaab iyo waqtiga ay ka qaadi doonaan Xanibaada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarakada Al-Shabaabka oo mamnuucay Adeega Zaad Service ee Shirkada Isgaarsiinta Hormuud

 

Xarakada Alshabaab ayaa bayaan ay maanta soo saareen waxay kaga mamnuuceen adeega Casriga ee Zaad Service loo yaqaan, kaasoo bilihii u dambeeyay noqday adeeg dad badan u fududeeyay wax kala ganacsiga, iyadoo si buuxda uu uga howl galay Gobolada Koofureed.

 

Bayaankan oo ka soo baxay Xafiiska Siyaasada Shabaab ayaa lagu sheegay in la mamnuucay adeegaas, kadib markii loo arkay inuu luminayo Shilinga Soomaaliga, isla markaana sare u qaadayo Doolarka oo hada ah kan wax lagu ganacsado Soomaaliya.

 

Shabaabka ayaa qiil uga dhigay mamnuucista adeegaas inuu sii yaraanayo wax ku kala iibsiga lacagta Shilinga oo hada noqday mid aan qiimo laheyn, isla markaana Shilinga kan ugu weyn iyo midka ugu yar uu yahay Kunka Shiling.

 

Muddo saddex bilood ayaa loo qabtay in Ganacsatada lacagaha ugu keydsan inay hantidooda bad baadsadaan oo ay kala baxaan, taasoo ah muddo aad u dheer.

 

Adeega Zaad ayaa la rumeysan yahay inuu laf dhuun gashay ku noqday Shirkadaha Xawaaladaha oo bilihii la soo dhaafay ahaa mid aan lacaga lagu kala xawilin, taasoo yareysay dhaqaalihii soo geli jiray.

 

Shirkadaha Xawaaladaha ayaa aaminsan in bariiskooda ciid ay ugu shubtay Shirkada Hormuud, taasoo ka dhigeysa inuu hada soo baxay loolan dhinaca ganacsiga.

 

Adeegan Zaad ayaa ah mid Mobilkaada aad ku shubaneyso lacag, taasoo ay waxna ku iibsan karto, isla markaana intii lacag badan aad jeebka ku qaadan laheyd ay kuu fududeysi in Mobilkaada aad ku wadato.

 

Warkan ka soo baxay Shabaab waxaa uu farxad u yahay Shirkadaha Xawaaladaha oo u faruuryo qaniinayay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud, mana jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka sare ee Hormuud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haddee saan ku socoto, mar dhow neefsashada ayaa la mamnuuci doonaa. Qof neefsan karo ma jirto la dhihi doonaa. Sii aqriso.

_______________________

 

ALSHABAAB OO MAMNUUCDAY LOOXA QUR’AANKA LAGU BARTO

 

Deegaanada ay maamusho kooxda Shabaab ayaa waxaa guud ahaan laga mamnuucay looxa Qur’aanka Kariimka ah lagu barto iyadoo culees la saaray dugsiyada Qur’aanka.

 

Xog iyo warbixino hoose oo soo gaaray shabakada shacabka.net ayaa xaqiijinaya in Shabaabka ay Kismaayo ka soo bilaabeen mamnuucida looxa Qur’aanka lagu baranayo.

 

Dhammaan magaalada Kismaayo ayaa dugsiyada laga waayay todobaadkii la soo dhaafay dugsi Qur’aan loox lagu dhiganayo waxaana sidoo kale jiray deegaano Jubooyinka ka mida oo ay soo mareen gudi u xilsaaran joojinta looxa Qur’aanka lagu baranayo.

 

Sidoo kale Gudiga masuulka ka ahaa tirtirida astaanka sanadaha soo socotay ee Qur’aanka lagu baran jiray ayaa waxa ay soo mareen Shabeelaha Hoose iyadoo ay ka joojiyeen magaalada Marka iyo Baraawe halka deegaano kale laga biya diiday amarka kooxdaasi wallow wadahadal uu u socanayo.

 

Waka ayaa intaasi ku daraya in gudigan oo qeyb ka aha Waaxda Dacwada Ee Alshabaab ay gaarayaan magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo ay shabaab ka taliyaan.

 

Dhammaan dhulka gudigaasi ay gaareeen ayaa waxaa dugsiyada Qur’aanka ardayda dhigata la faray in ay qaataan libis gaar ah sida qaadashada qamiis iyo koofiyad iyo sidoo kale buugaag Qur’aanka lagu barayo caruurta.

 

Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ayaa sidoo kale lagu amray in caruurta la baro tarbiyada Islaamka iyadoo si gaar ah loogu tarbiyaynayo jihaadka sida ay inoo cadeeyeen odayaal ka caraysan diida looxa Qur’aanka lagu barto.

 

Waxaa horay loo xasuusta amar Shabaab ay soo saareen oo dugsiyada Qur’aanka Kariimka iyo iskoolada caadiga ah lagu faray in la badalo yunifoomka ay ardayda xertaan.

 

Libiska ardayda magaalada Jowhar wax ka barata dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ayaa la faray in la badalo islamarkaana qamiis ay qaataan ardayda iyadoo sidoo kale la amray machadyada in lagu dhigo kitaabo la geyay oo la barayo caruurta wax baranaysa.

 

Amarkan cusub ayaa waxaa lala xiriirinayaa in ay soo agaasimeen madaxda Dacwada Alshabaab oo la xasuusto in ay horay u fareen in aan la baran Karin English-ka iyo sidoo kale libisyada iskoolada qaar oo la diiday waxaana dhammaan arimahan ay noqonayaan cadaadis weji cusub ah oo ardayda Qur’aanka baranaysa iyo kuwa Maadiga barana soo wada wajahay.

Xigasho [Maqaalka waala tifaftiray si aqrinta u sahlanaato.]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this