Sign in to follow this  
Showqi

A list of all the things Al Shabaab banned

Recommended Posts

Dhubad.   

Ninkii nabiga caayaa hala toogto!

 

Now imagine, if Al-shabaab were ruling Somaliland, lots of people would have been executed for this. Rag badan baa dhegta dhiiga loo dari lahaa smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ I think the notion of freedom of speech is essential to the democratic institutions of Somaliland, unlike, of course, the anarchic and barbaric hordes of Al-Shabaab who do not advocate and agitate for such lofty principles.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This toddobaad's ban: Tacsi. No more tacsi grieving is allowed in Jowhar.

_________________

 

Maamulka Xarrakatul Shabaab ee Gobolka Shabeellada Dhexe oo soo saaray amar ku wajahan inaan la dhigi karin tacsi

 

Maamulka Xarakatul Shabaab ee Gobolka Shabellada dhexe ayaa soo saaray amar ay ku mamnuucayaan in qoyska laga dhigto aysan dhigi karin Tacsiyo isla markaana aysan qali karin xoolo.

 

Madaxa Dacwadda ee Maamulka Xarrakatul Shabaab ee gobolkaas Sheekh Abuuxamsa oo saxaafadda kula hadlay degmada Jowhar ayaa sheegay in qoysaska ay dadka ka dhintaan aysan dhigi karin tacsi, isagoo sheegay in qoyskii lagu helo laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

 

"Shacabka ku nool Gobolka Shabeellada dhexe waa inay ka digtoonaadaan inay dhigaan tacsi markii uu qof ka dhigto, ciddii lagu helana waxaa la horgeyn doonaa sharciga Islaamka" ayuu yiri Sheekh Abuuxamsa.

 

Mas'uulkan wuxuu amarkaan ku sheegay mid lagu doonayo in dadka looga digo inay ku dhacaan dambi, isla markaana lagu noolayno dhaqankii suubanaa ee Asxaabada, waana amarkii ugu horreeyay oo amar noocan ah ay soo saartay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

 

Dadweynaha ku nool magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa qaabak kala duwan uga hadlay amarkan, waxaana qaarkood ay sheegeen inay raacayaan halka kuwo kale ay sheegeen inuu yahay amar ka baxsan dhaqankooda.

 

Gobolka Shabeellada Dhexe oo ka mid ah gobollada dhinaca waqooyiga kaga beegan Muqdisho ayaa waxay Xarrakatul Shabaab gacan ku hayntiisa la wareegeen bishii May ee sannadkii hore, kaddib markii ay kula dagaalameen maamulkii Dowladda Soomaaliya ee gacanta ku hayay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Just another mamnuucid in today: Dumarka cannot sell jaad in Kismaayo, but men are allowed to.

 

Haweenka Kismaayo oo laga mamnuucay iibinta qaadka

 

Saraakiisha ururka Al Shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa ku dhawaaqay maanta inay haweenka magaalada Kismaayo ka amnuuceen iibinta qaadka.

 

Arrintan ayaa ka dambeysay kulan maanta ka dhacay magaalada Kismaayo oo dhexmaray ganacsatada qaadka iyo saraakiisha Al Shabaab ee Kismayo.

 

Kulankaasi ayaa looga hadlay amar ka soo baxay maamulka Al Shabaab oo faraya haweenka inay mudo 30 cishe ah ku soo gabagabeeyaan ka ganacsiga qaadka.

 

Sheekh Xasan Yacqub Cali oo ka tirsan saraakiisha sare ee maamulka Kismayo ayaa u sheegay haweenka qaadka iibiya in mudadaas bisha ah ay uga baxaan shaqada qaadka, wixii ka dambeeyana aan la ogolaan doonin in qaad ay iibiyaan haween.

 

Warar laga heley ilo madax banaan ayaa sheegaya in ganacsatada haweenka ay ka cudurdaarteen fulinta amarkaasi iyagoo ku dooday inaysan heysan shaqo kale oo ay qabtaan, hase yeeshee saraakiisha maamulka Shabaab ayaa ku adkeystey in amarkaasi uu fulayo.

 

Kulanka ayaa la sheegay inuu ku soo dhamaaday isafgaranwaa ay ku soo kala tageen ganacsatada qaadka iyo maamulka Shabaab, waxaase markii uu kulanku soo dhamaaday ka dib maamulka Shabaab uu ku dhawaaqay amarka haweenka looga mamnuucayo qaadka.

 

Kismaayo waxay ka mid tahay magaalooyinka ay maamusho Al Shabaab, waxaana qaadka looga keenaa dalka Kenya.

 

Illaa hadda ururka Shabaab ma aysan mamnuucin iibinta ama cunista qaadka, hase ahaatee waxaa ganacsatada qaadka oo qaarkood magacooda ka gaabsaday ay sheegeen in go’aankan uu dhabarjab ku noqon karo hawshooda.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

MMA, Toosh wayn aa kadaba qaadatay ragaan, waa in rooboow laguu sheegaa :D

 

On a seriouse note, chewing/selling Qaat should be banned completely for everyone!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

MMA is only pissed off at Al-Shabab, because they have refused to issue new building permits in Baidoa for Mud Huts to be constructed. So this has gotten personal for that poor soul. :D

 

To MMA:

 

C'mon man, get with the program, yo: Dhiiqada iska daa ee bulukeeti ku dhiso guryaha!

 

I sympathizer with the building co-coordinators of Baidoa. You can't expect them to always clean after your mess every time the river flood its banks. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waala ogyahay dadka cariish iyo mundulo kusoo koray, waaba haddee permanent ahaan u dhisan yihiin. And they are not Reer Baydhabo, who happen not to be geeljiro; jeeljiros always on the move with their huts on the back of the camels waala yaqaan dadkee ahaayeen. smile.gif

 

And no, I am not Reer Baydhabo whatever you are alluding to.

 

Dhubad, run lee la sheegoyaa. As long as they keep banning whatever any mad man among them decides each night to be banned, this thread will chronicle it. Expect hoosgundi to be banned soon. Qamiiska Afghan-style ayaa la ogolaan doonaa bas. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Just another mamnuucid in today: Dumarka cannot sell jaad in Kismaayo, but men are allowed to.

Waxaasaa diin la yidhaahdaa dee ,,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

 

Maamulka Xarakatul Shabaab ee Gobolka Shabellada dhexe ayaa soo saaray amar ay ku mamnuucayaan in qoyska laga dhigto aysan dhigi karin Tacsiyo isla markaana aysan qali karin xoolo.

Ayoow ayoow, Sabtiina waa la mamnuucay haye :confused:

 

Tuujiye,Maaddeey, Nuune, Sab dambe oo la cunaayo ma jirto aa la dhahay :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Latest, just in.

______________

 

Shabaabka oo Mamnuucay TVyada Guryaha la Dhigto

 

Kooxaha Islaamiyiinta Somalia ayaa dadka deegaanada ay maamulaan qaarkood ku amray inay soo wareejiyaan TVyada iyo diishashka guryaha u yaala, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidaas qortay.

 

Amarkan oo ay soo rogtay Alshabaab ayaa sidoo kale waxa uu dadka uga digay in qof kasta oo qaadan waayao amarada loo arki doono jaajuus, islamarkaana tallaabo laga qaadi doono.

 

Sida ay leedahay Reuters xubno ka tirsan Alshabaab aya ammarkan soo rogay ayaga oo adeegsanaya sameecado iyo mikrafoono lagu rakibay baabuur, kuwaasi oo marayay meelaha ay Shabaab ka maamuusho koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Deegaanada amarradan lagu soo rogay ayaa waxaa ka mid ah Buuloburde iyo Bardaale, waxaana dadka halkaasi ku nool loo qabtay inay ku fuliyaan amarradan inta ka horeysa bisha barakeysan ee Ramadaan.

 

Caasimadda Online si madax banaan uma xaqiijin karto warkan ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, mar aan isku dayna inaan la xiriirno xubno Alshabaab ka tirsanna nooma suurta galin.

 

“Dadka waxaa loo sheegay inay soo wareejiyaan Diishyada iyo Taleefishinada, waxa ay ka cabsi qabaan inaan u adeegsano arrimo kale” wiil maagciisa ku koobay Abshir oo degan Buuloburde ayaa sidaas u sheegay Reuters.

 

Horey ayaa ururka Xisbul Islam waxa ay u mamnuuceen daawashadii cayaaraha addunka, ayada oo lab qof u dishay arrintaas darteed.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aah, it never gets boring. Mamnuucida of the week is...bunka!

______________

 

Shabaabka Jowhar oo cunista bunka mamnuucay kadib sabab la yaab leh

 

Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ee G/Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Shabaab ay maanta makrafoono la wareegayeen xaafaha degmada Jowhar ayagoo ku baaqayey inuu mamnuc yahay isticmaalka quudka bunka.

 

Maleeshiyada Shabaab ayaa sabab uga dhigtay mamnuucida bunka Jowhar in bunka laga keenay dalka Itoobiya oo cadowga Islaamka ah sida ay hadalka u dhigeen.

 

Isticmaalka bunka Soomaliya waxaa uu ka yahay muqadas ama caado dhaqameed dadku ay wanaag u arkeen, waxaana inta badna la isticmaalaa xiliyada munaasabadaha diiniga oo culimada diinta loo diyaariyo taas oo noqotay astaan diimeed.

 

Shabaab ayaa horey u mamnuucay waxyaabo daruuri u ah nolosha ayagoo mar walba daliil uga dhigaya waxyaabaha ay ayaga u tacasubaan madhab ahaan

 

______________

 

Itoobiya lagu marmarsiyoona. Qof walba iska garan karo meesha ee ula jeedaan iyo sababta ee u mamnuuceen bunka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

inay soo wareejiyaan TVyada iyo diishashka guryaha u yaala

Si ay iyagu u daawadaan miyaa ??

 

 

qof kasta oo qaadan waayao amarada loo arki doono jaajuus

Markaa waa in la dilo miyaa jaajuuska ??

Share this post


Link to post
Share on other sites

Almamnuuc wa fiya mamnuucdii ugu dambeysay is just in -- and it is, (surprise, surprise):

 

Shabaab oo haweenka degmada Jowhar ka mamnuucay xerashada dharka jilicsan

 

Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa haweenka ku dhaqan gobolkaasi ku amray inay qaataan dharka jilicsan iyagoo ganacsatada uga digey in ay iibiyaan dharka nuucaasi ah.

 

Gudoomiayah Maxkamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee degmada Jowhar Sheekh Abuu Yuusuf oo maanta qaar ka mid ah saxaafada kula hadlayay magaalada Jowhar ayaa waxaa uu farey ganacsatada dharka ku iibisa gobolkaasi in aysan ka ganacsan Karin dharka qafiifka ah.

 

Sidoo kale haweenka isticmaala xijaabka ayuu uga digey Maamulku inay qaataan dharka qafiifka ah, waxaana gudoomiyaha gobolkaasi ee Al Shabaab u sheegay in digniintaani ay timid kadib markii haweenkii dhawaan la amray inay qaataan xijaabada adag ay bilaabeen inay qaataan Xijaabo qafiif ah.

 

Gudoomiyaha degmada Jowhar waxaa uu intaasi ku daray in talaabo waafaqsan shareecada Islaamka ay ka qaadi doonaan cidii ay ku arkaan iyadoo xiran ama iibsaneysa dharka qafiifka ah.

 

Ma’ahan markii ugu horeysay ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay dadka ku soo rogaan amaro nuucaani oo kale ah, iyadoo amaro kuwaani la mid ah ay dhowr jeer oo hore ay ku soo rogeen gobolada ay ka taliyaan ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this