Sign in to follow this  
Showqi

A list of all the things Al Shabaab banned

Recommended Posts

Originally posted by Dhagax-Tuur:

Google search: "Alshabaab" + "Mamnuucay" = Natiijada inteeda badana waxay ka timi the ever so reliable Dayniiledotcom site.

 

Mamnuuca qaar ka mid ah waa diinteenii, marka dadow don't make fun of it. Qaar mamnuuca la sheegayna waxay u badan tahay cantarabaqash.

First, Dayniile hal war uu qoray kuma qorno. The news meesha ku qoran were all verified, admitted by kuwaas Barbaarta la baxay themselves. All the bans were reported from myriad Soomaali and non-Soomaali sites, too, if you just checked.

 

Tan labaad adiga lahee 'mamnuuca qaar kamid ah waa diinteenii,' i noo sheeg waxee tahay mamnuucadaas marka.

 

Tan sadexaad, hal mid oo been laga wariye kuwaas sheeg intaadan lasoo boodin waa kutiri kuteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Miskiin, the harmless enjoyment of music would be an example of what some wadaads consider to be against diinta. But no free Somali is gonna listen to what some silly surwaalgaab has to say about the evils of music. Al Shabaab waxay doonayaan inaynu nashiid af carabi iyo qashin kale dhagaysano oo fanaaniinta afkeena hooyo ku heesaya inaynu ka dhigno dad xun oo dambi weyn galay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dheere_Mansor.JPG

 

Look at this wannabe Pashtun. Waa yaab. Sababta ee Pashtunta u gishtaan koofiyadaas ma ogyahay horta mise wax diimeed uu mooday.

 

Yaa u sheego inay tahay koofiyad qaboowga iskaga celiyaan. Last time I knew Soomaaliya winter kuma ogeyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Dheere_Mansor.JPG

 

Look at this wannabe Pashtun. Waa yaab. Sababta ee Pashtunta u gishtaan koofiyadaas ma ogyahay horta mise wax diimeed uu mooday.

 

Yaa u sheego inay tahay koofiyad qaboowga iskaga celiyaan. Last time I knew Soomaaliya winter kuma ogeyn.

Si daacad baan u qoslay. Mindless wannabe Pashtuns :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Naxar Nugaaleed, Miskiin-Macruuf, Peasant and Rhazes thank you very much for your input.

 

 

Originally posted by Dhagax-Tuur:

Google search: "Alshabaab" + "Mamnuucay" = Natiijada inteeda badana waxay ka timi the ever so reliable Dayniiledotcom site.

 

Mamnuuca qaar ka mid ah waa diinteenii, marka dadow don't make fun of it. Qaar mamnuuca la sheegayna waxay u badan tahay cantarabaqash.

Dhagax-Tuur, here I will give you three incidents that involves with Xisbul Islam. You tell me weather it is cantarabaqash or not.

 

Xisbul Islam oo qirtay in ay Afgooye Dhaqtar kudileen.

 

Kadib markii shabakadda wararka ee Mareeg.com ay duhurnimadii maanta si deg deg ah kusoo bandhigtay in Xisbul Islam ay dileen dhaqtar caan ah oo dad badan ay E-mailo noogu soo jawaabeen in aan ka been abuuraneyno ayaa warkii soo cadaaday.

 

Ururka Xisbul Islam ee kusugan Degmada Afgooye ayaa afkooda ka qirtay in ay dileen Dhaqtar caan ka ahaa degmada Afgooye uuna rasaasta ku furay mid kamid ah maleeshiyaadka xisbiga.

 

Dilka Dr-ka ayaa yimid kadib markii Askari ka tirsan Ciidamada Maamulka uu faray dhaqtarka in uu damiyo xabad Sigaar ahayd oo xiligaasi u shidnayd Dhaqtarka taasoo Maamulku uu sheegay in uu kamadax adeegay Dhaqtarka daminta Sigaarkii uu cabayay taasi oo sababtay in gacan ka hadal uu dhaxmaro askarigii iyo Dr-kii xabada Sigaarka ah ay u shidnayd iyadoo ugu danbayntiina dhalisay in uu Askarigaasi tacshiirad huwiyo Dhaqtarkii iyadoo durbadiiba uu Dr-ka ku quurbaxay goobtaasi.

 

Afhayeenka Maamulka Xisbul Islam ee degmada Afgooye Sheekh Cali Sheekh Cumar ayaa cadeeyay in waxa dhacay uu yahay wax sax ah dilkana uu jiro lakin ay gacanta kusoo dhigeen ninkii dilka geystay.

 

Waxa uu sheegay in ay soo taagi doonaan maxkamadda Shareecada Islaamkana lagu xukumi doono isaga oo iminkana xabsiga kujira.

 

Lama garanayo in xukunka lagu fulin doono ninkani maadaama si bareer cad uu u dilay dhaqtar caan ka ah Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.

 

 

Xisbul Islam took action and this is what they did to the Axmaq who shot Dr. Cusmaan Macallin Axmed (Bidaaree)

 

Islaamiyiinta oo xukun dil ah ku fuliyey askari ka tirsan Ciidankooda.

 

Muqdisho, Nov,08 2009, 10:38 AM-ET,(SOMINA)- Kooxda Xisbul-Islaam ee uu hogaamiyo wadaadka ay Mareykanku la xariiriyaan ururweynaha Alqaacidda ee Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta xukun qasaas ah ku fuliyey askari ka tirsan ciidamadooda, sida ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal iyo saraakiishooda.

 

 

Cabdiqaadir Maxamed Cabdi oo ah askariga la qasaasay ayaa waxaa ay saraakiisha Dhanka Cadaaladda ee Xisbul Islaam ay sheegeen inuu todobaadkii hore ku dilay Degmada Afgooye oo 30KM dhanka koonfur kaga beegan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Dhakhtar lagu magacaabi jiray Dr.Cusmaan Macalin Axmed oo ka tirsanaa dhaqaatiirta ka howlgasha Afgooye.

 

 

Dr. Cusmaan ayaa la dilay ka dib markii uu ka biyo diiday amar uga yimid Askariga maanta la toogtay oo ahaa inuu demiyo iskana tuuro sigaar uu Dhaqtarku markaas cabayay.

 

 

Sheikh Cusmaan Siidoow Xassan oo ah madaxa Garsoorka ee maamulka Xisbul Islaamka ee Afgooye, ayaa fagaaraha askarigan lagu toogtay kaga dhawaaqay go'aankan dilka ah ka dib markii uu sheegay in Cabduqaadir maxkamad ururkooda hoostagta ay saareen.

 

 

Goobta xukunkan uu ka dhacay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Boqolaal dad ah oo ay ku jireen saraakiisha Xisbul Islaam ee Afgooye iyo ehelada Dhaqtarkii uu askarigan hore u toogtay.

 

 

Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa hore loogu eedeeyn jiray in askartooda ay dadka dilaan oo aan wax qasaas ah lagu fulin ee uu askarigaas shaqadiisii ciidanimo iska sii wadanayay.Laakin xukunkan maanta ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee kooxaha Islaamiyiinta ah ay ku fuliyaan askari ciidamadooda ka tirsan oo dad rayid ah si sabab la'aan ah u toogtay.

 

 

Maalinimadii Jimcaha ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ku eedeeyay kooxaha Dowladdiisa ka soo horjeeda iney sawir xun ka bixinayaan Diinta Islaamka islamarkaana ay baneysteen dhiiga dadka Muslimiinta ah sida uu hadalka u yiri.

 

This one happen just couple weeks ago

 

 

Somali's killed for watching World Cup

 

Somali fighters from the Hizbul Islam group have killed two people and arrested dozens for violating a ban on watching World Cup football matches on television.

Witnesses said masked men from the group raided houses on Sunday and Monday in the Afgoi district, 30km south of the capital Mogadishu, to make sure their ban stands.

 

"Hizbul Islam killed two people and arrested 35 others, all World Cup fans," Ali Yasin Gedi, vice-chairman of the Elman rights group, told the Reuters news agency on Tuesday.

 

"Islamists unexpectedly entered houses in Afgoi district and then fired (at) some people who tried to jump over the wall to escape."

 

Hizbul Islam and another group, al-Shabaab, which are widely seen as al-Qaeda's proxies in the region, control large swaths of the country and much of Mogadishu.

 

The groups enforce their own strict interpretation of Islam, routinely banning sport, music and dancing.

 

"Hizbul Islam unexpectedly knocked on our doors. They jumped over our wall. It was midnight and my two sons and others from the neighbourhood were watching the World Cup," Ismail Sidow, a resident, said.

 

Some residents in al-Shabaab-controlled areas are furtively watching the world's biggest sporting event, which is being staged in Africa for the first time, using makeshift satellite dishes to capture foreign broadcasts from South Africa.

 

"The first goal of the World Cup (scored) by South Africa is itself very great - we should be proud of it," Mohamed Muhidiin Xute, a member of Somalia's Football Federation, said.

 

Three years of fighting in the anarchic Horn of Africa nation has left 21,000 people dead and forced 1.5 million from their homes.

 

Only small pockets of Mogadishu pital remain in the hands of a UN-backed government and African Union peacekeepers

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Dheere_Mansor.JPG

 

Look at this wannabe Pashtun. Waa yaab. Sababta ee Pashtunta u gishtaan koofiyadaas ma ogyahay horta mise wax diimeed uu mooday.

 

Yaa u sheego inay tahay koofiyad qaboowga iskaga celiyaan. Last time I knew Soomaaliya winter kuma ogeyn.

lol...Waan la yaabay markii aan koofidaan ku arkay anba. Wax walba diin baa la moodey waxaan awalba copy bay ahaayeen oo wixii buuraha Afgaanistaan laga gashto ama laga sameeyo ayey raacayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hales   

nashiid af carabi iyo qashin kale dhagaysano oo fanaaniinta afkeena hooyo ku heesaya inaynu ka dhigno dad xun oo dambi weyn galay.

Your the one who is full of crap by insulting the nasheed, orod diinta baro ninyahow, your the same guy that attacked the legitimacy of Al Bukhari.

 

As for the koofiyads, its something the Russians also use to wear and is not exclusive with the Pashtuns and so long as its wearing material it can be used for all types of purposes and in their case im sure its symbolic.

Theres nothing wrong with emulating their Muslim brothers in Afghanistan; as long as its symbolic its approvable no matter what it may be originally used for.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Some of the stuff in the list provided are banned under Islamic Sharia low and some of the other stuff are blatantly propaganda like the banning of bras! So what is the problem here?

 

If you don’t like Al-shabaab for whatever reason that is fine, I don't like them at all as I feel they create more fitnah than they claim to solve but that doesn’t mean I oppose when they say listening music is haram or no niiko in the aroos is haraam.

 

Look no one is perfect here we are all sinners but don't go up against Islamic Sharia that is all !!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab oo mamnuucay meherka ayan iyagu sameyn

 

Ururka Alshabaab ayaa sheegay in cid uusan isagu isku mehrin ayan ku aroosi karin deegaanada ay shabaabiyiintu ka taliyaan ee dalka Soomaaliya. War qoraal ah oo kasoo baxay ururka Shabaab ayaa amraya dadka doonaya in ay isaroosaan in ay tagaan xafiiska ugu dhow ee Shabaabka si la isugu mehriyo kadibna loogu fasoxo in ay aroos galaan.

 

Arrintan ayaa si weyn uga fajicisay dadka Soomaaliyeed maadaama ay tahay arrin aad u cajaa’ib ah oo horay oo kale ceykeeda aan loo arag.

 

“Waa hadal aad loola yaabay waxaana tani ay ka mid tahay caburinta ay ku hayaan shacabka waxaanse leenahay shacabka Soomaaliyeed hadii uusan kuwan iska qaban dhib ka weyn ayay keeni doonaan,” sidaasi waxaa shabakadan u sheegay oday magiciisa kusoo gaabshay Xaaji Iidle oo dagan xaafada Suuqa Xoolaha oo Shabaabiyiintu aad ugu xooganyihiin.

 

Si kastab ahaa ahaatee waxaa laga dhur sugayaa qaabka uu markani dhaqan gal uga noqdo deegaanada Shabaabku maamulaan iyadoo ay xitaa imaankarto in kuwii raba in ay aroos galaan ay u guuraan dhulalka dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM joogaan si arooskooda ay ugu dhigtaan si xoriyadi ku jirto.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab oo Bakaaro ku dilay nin waalnaa

 

Maliishiyooyin ka tirsan ururka Alshabaab ayaa xalay suuqa Bakaaraha ku dilay nin waalnaa oo la oran jiray Cabdi Maxamed Kaahiye (Goobe)

 

Ninkan oo ahaa nin iska hadal badan maskax ahaana wax u dhimanaayeen ayaa waxaa uu ka shaqeyn jiray musqulo ku yaala Bakaaraha oo dadku ay lacag ku galaan waxaana inta badan uu hor joogi jiray musqulaha si uu lacagaha uga ururiyo dadka musqulaha gala waxaana aan la garanayn sababta keeni karta in la dilio ruux madaxa looga jiro shaqadiisuna ay ceynkaa ahayd.

 

Waxaase la ogyahay in uu ahaa nin hadal badan oo mararka qaarna
shidan jiray foox isagoo tusbax weyn wata
, isla markaana sheegi jiray in uu yahay Ahlusuna waxaana suuragal ah in heysashadiisii tusbaxa iyo fooxii uu shidan jiray awgeed loo dilay.

 

Ehalada Marxuumka ayaa saaka u cadeeyay saxaafada dilkiisa waxaana lagu wadaa in maanta laa aaso.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin Aflagaadeeyay Nabigga NNKH oo lagu dilay gudaha Soomaaliya

 

Gudoomiyaha Al-shabaab ee Gobolka Bakool Sh. Aadan Yare oo saxaafada ayaa sheegay inay toogasho ku dileen nin aflagaadeyay Nebi Maxamed [CSW], kaasoo ay Maxkamada Degmada Xudur ka gaartay go'aan kama dambeys ah.

 

Sh. Aadan Yare wuxuu sheegay in ciidamadooda amaanka ay soo qabteen ninkan, kadib markii ay soo sheegeen dad goobjoog ka ahaa markii uu Nebiga caayay, isaguna uu ka qirtay Maxkamada horteeda dambiga loo haystay.

 

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Max'ed Guuleed wuxuuna ahaa 21-jir, isagoo ku xirnaa xabsiga degmadaas afartii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana dilkiisa loo adeegsaday rasaas.

 

"Waxaa maanta 11:45-daqiiqo lagu toogtay degmada Xudur Max'ed Guuleed Xoosh oo ahaa nin dhalinyaro ah oo caayay Nebiga, wuxuuna dambigiisa ka qirtay Maxkamada horteeda" ayuu yiri Sh. Aadan yare, isagoo intaas ku daray inay dilayaan ruux walba oo dambigan lagu helo.

 

Dadweyne badan ayaa kusoo ururay barxad weyn oo ku taala bartamaha Xudur halkaasoo lagu dilay marxuumka, waxaana ilaalinayay ciidamo badan oo Al-shabaab ka tirsan, iyadoo dilka uu noqonayo kii ugu horeeyay noociisa ee ka dhaca Somalia.

 

"Afkeyga masoo marin karo aflagaadada uu ninkaas u geystay Nebiga, waxaana uu sheegtay inuu yahay Muslim, balse waxaa go'aan ka gaartay xukunkiisa Maxkamada degmada Xudur" ayuu yiri Sh. Aadan yare.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegay in marxuumka uu qaylinayay markii la tooganayay
, uuna ahaa nin safar ah oo halkaas ku marayay gaari uu kasoo raacay dalka Kenya, iyadoo gudoomiyaha Gobolka Bakool uu sheegay in ninkaas uu ka yimid S. Africa.

 

Ururka Alshabaab ayaa uga mamnuucay telefishinka Afka Soomaaliga ku hadla ee Universal deegaanada ay maamulaan war ku saabsan Kartoon laga sameeyay Nebi Muxamed [CSW] oo uu baahiyay.

 

_______________

 

To them, the victim always wuu qirtaa his/her alleged crimes. Always, regardless how grave the consequences might be.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this