Sign in to follow this  
Showqi

A list of all the things Al Shabaab banned

Recommended Posts

Ismalura   

Alshabaab is a big cruel joke Walahi.

 

Of all the things oo la mamnuuca waxaa iiga daran A) cunto calanka mareykanka aan la keenin; so how much food do you have for the hungry....? When you are starving I don't think it matters whic flag is on the food and I am sure it is not haram to eat such food.

b) Women should not wear a bra...well how did you notice? I though that they were supposed to avert their gaze.

My conclusion: Musiibo weey nimankaas !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismalura   

Maxaa halkana ma la iiga daba yimid oo sawrikeyga maa la igu heystaa? That is why I am not going to melsheey joogaan wadaado isku shegaas !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Cabdulaahi Cali Shuuke oo ah 30 jir ayaa waxa loo soo bandhigay saxaafada isaga oo carabka lagasoo gooyay.

 

Dallada ururada Bulshada gobalka Banaadir oo soo bandhigtay ninkani ayaa waxay ku eedeeyeen dhaqdhaqaaqa Alshabaab inay iyagu bilaaben falal cusub oo ah carab goyn.

 

„Waa fal laga naxo waana ficil ku cusub dalka horay waxay u dili jireen dadka ama madax ka goynjireen hada waxay bilaabeen in muwadininta ka jaraan carabka iyaga oo nool“ sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha dallada Bulshada rayidka Muxyadiin Xasan Faarax.

 

Hooyada dhashay wiilkani oo ka warbixineysay qaabka looga jaray carabka wiilkeeda aya waxay tiri: wiilkeyga waxa uu ka shaqeysanjiray suuqa bakaaraha waxa uuna ahaa Xamaali ku shaqeysta gaari gacan isaga oo alaab kasoo qaaday suuuqa Bakaaraha una socday Xamar weyne aya waxa qabsaday kooxdani madaxa u duuban waxayna ka jareen Carabka hadana ma hadli karo waa carab la aan. Waxay hadalkeda ku dartay in wiilkeeda ay ku quudiso cirbada lagu duro geelka.

 

Ugu danbeynti ayaa waxa loogu baaqay hay’adaha caawiya dadka taakta daran inay caawimaad u fidiyaan wiilkan dhalinyarada ah .

 

Sawriada iyo isha warka halkan ka gal.Sawriada iyo isha warka halkan ka gal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xisbulislaam oo mamnuucay ciyaarihii Isboortiga ee deegaanka Lafoole Bisha Ramadaan

 

Maamulka ka arimiya deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa mamnuucay tartan isboorti oo lagu maamuusayay bisha barakeysan ee Ramadaan oo deegaankaasi dhawaan ka furmay.

 

Maamulka Xisbulislaam ayaa amar ku bixiyay cidii u hogaansami weyda amarka lagu mamnuucay ciyaarta kubbada Cagta oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid munkar ah ay tallaabo ka qaadi doonaan.

 

Dhalinyarada ku dhaqan deegaanka Lafoole iyo nawaaxigeeda ayaa ka xumaaday baaqashada tartankaasi Isboort ee lagu maamuusayay bisha Ramadaan ee barakeysan, taas oo ay qabanqaabadeeda soo wadeen mudo laba bilood ah.

 

Maaha marki ugu horeysay oo amaro nuucan oo kale ah ay kooxaha Xisbulislaam iyo Alshabaab ay soo saaraan amaro ku aadan daawashada iyo ciyaaraha kubbada cagta oo dhalinyarada inta badan ay aad u xiiseeyaan kuna nastaan xilliyada ay firaaqada leeyihiin.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

WHO oo laga mamnuucay Jubbooyinka

 

Sarkaalka hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO u qaabilsan ka hortagga cudurada caruurta ayaa sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab ay ku wargaliyeen howlwadeenada WHO in aysan wax howl ah qaban karin Kismaayo.

 

 

Dr. Dubad oo Radio Barkulan la hadlay ayaa sheegay in ay jireen xarumo caafimaad oo ay warbixinada iyo xaaladda caafimaadka ee gobolada Jubbooyinka ka qaadan jireen balse haatan loo diiday in ay wax xog aruurin ah sameeyaan.

 

Sarkaalkaan ayaa sheegay in ay sameeyeen isku dayo ay kaga dhaadhicinayaan horjagayaasha Shabaabka in ay oggolaadaan howlaha muhiimka ah ee ay WHO u heyso shacabka Jubbooyinka balse wax guul ah waa laga gaari waayey.

 

Dhaqtarka ayaa sheegay war saxaafadeed dhawaan ay soo saareen maleeshiyaadka Shabaab ay ku sheegeen in aysan muhiim u arkin howlaha WHO ka wadaan Jubbooyinka.

 

Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa deegaanada ay haystaan ka mamnuucay hay’adaha samafalka, waxeyna taasi keentay in ay sii xumaadaan xaaladaha bini’aadanimo ee ka taagan deegaanada ay maamulaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Cawaale:

Kan kaa koreeyo fiiri, il adeegiisa.

 

Cayaaraha bisha ramadan ayadoo aheen eeba dadku ku banbeeyeen maahinoo.

Maadeey Maadkeer mar mar ma'ogi see ka noqoto. I don't think qof been been ku sheeganaayo carabka laga gooye. Kuwaas Barbaarta la baxayna wey ka suurowdaa inay waxaas falaan iyo wax ka daran. Their perverse actions is so...

 

Walaahi aad ugu naxay wiilkaas maskiinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Originally posted by Cawaale:

Kan kaa koreeyo fiiri, il adeegiisa.

adi & Ani kan indha adag aan isla fiirinno:

Hooyada dhashay wiilkani oo ka warbixineysay qaabka looga jaray carabka wiilkeeda aya waxay tiri: wiilkeyga waxa uu ka shaqeysanjiray suuqa bakaaraha waxa uuna ahaa Xamaali ku shaqeysta gaari gacan isaga oo alaab kasoo qaaday suuuqa Bakaaraha una socday Xamar weyne aya waxa qabsaday kooxdani madaxa u duuban waxayna ka jareen Carabka

Sababta "carrabka looga jaray" sida meesha ku qoran waa inuu Bakaaraha ka xamaalan jiray, Xamarweyne'na, alaabna ka soo qaaday Bakaare una waday Xamar weyne!. Meeqaa Xamar Weyne deggan oo Bakaare ka xamaasha?, waxaas waa sheekooyinkaagii ee naga daa sxb.

 

Ps. Post'igaaga waa irrelevant!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

i know its irrelevant for you. the Ulima, the Ijma and the mothers cry isn't! why would my hadal be.

 

Maadkeer, jihaadka(Qitaalka) badi waa ramadaan, xamar aad soco, 17-a bisha waa soo dhowdahay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^Irrelevant because the thread is about the things AlShabaab banned. WAX FAHAN!.

Maadkeer, jihaadka(Qitaalka) badi waa ramadaan, xamar aad soco, 17-a bisha waa soo dhowdahay!

Again, irrelevant! stay with me; ninka maxaa carrabka looga jaray? muxuu dadka kale ee Xamarweyne deggan Bakaarana ka xamaasha uga duwanyahay?.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Again, irrelevant! stay with me; ninka maxaa carrabka looga jaray? muxuu dadka kale ee Xamarweyne deggan Bakaarana ka xamaasha uga duwanyahay?. [/QB]

Ninka isga weydii nooh. i am sorry he can't answer to you. thanks t your folks!

 

We have another thread for trolling. Wax ma fahantaa ninyahow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this