Sign in to follow this  
Showqi

A list of all the things Al Shabaab banned

Recommended Posts

I can't believe he is now justifying sababta carabka loogu gooye -- yacni, he must have committed a 'crime' against Barbaarta, perhaps basaasnimo. Unbelievable. War see ka noqotay widaayga.

 

No one deserves carabka laga gooye. In la dilo ayaa u dhaanto instead. It is perversion and far from of any tenet of Islaam they claim to represent. Another myopic view (of many) of theirs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Latest mamnuuc news: Taraawiixda oo la mamnuucay (well, sorta) iyo ...

_______________

 

Shabaab oo 20 macallin dugsi Qur'aan dhigaya cayriyay iyo taraawiixda oo laga joojiyay masaajidada Kismaayo ku yaala

 

Maleeshiyadka Kooxda Shabaab ayaa muddo 5 maalmood ah u qabatay inay uga baxaan magaalada Kismaayo 20 Macallin oo dadka barayay Qur’aanka Kariimka ah, iyagoo dhinaca kalena amar kasoo saaray tukashada salaadda Taraawiixda.

 

Xasan Yacquub oo kamid ah Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ee Gobollada Jubbooyinka ayaa ku amray 20 kamid ah macallimiinta dugsiyada Quraanka Kariimka ee caanka ka ah gudaha Magaalada Kismaanyo inay muddo 5 maalmood gudahood uga baxaan Magaalada Kismaayo, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa Amarkaan kasoo yeeray Horjooge Xasan Yacquub oo kamid ah Maleeshiyada Kooxda Shabaab.

 

Arrintaan ayaa welwel xooggan ku abuurtay dadweynaha ku dhaqan gudaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose maadaama ay macallimiintaasi caan ka ahaayeen gudaha Gobolka Jubbada Hoose.

 

Sidoo kale Horjooge Xasan Yacquub ayaa mamnuucay in wax ka badan 11 Rakaco la tukado salaadda Taraawiixda ah ee lagu tukado masaajidada ku yaala Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, mana cadda ujeeddada rasmiga ah oo ay ka damacsan yihiin Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab arrintaani.

 

Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ayaa horay albaabada isugu dhufatay Masaajiddo badan oo ku yaalla Gudaha Degmada Kurtunwaareey iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo ka mamnuucay in lagu tukado salaadda Taraawiixda.

 

Waxaana sidoo kale xusid mudan in Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Koxda Shabaab uu masaajid ku yaalla magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ka sheegay inay diinta ka baxeen dhammaan Beelaha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan sida uu hadalka u dhigay, waxeyna arintaasi sababtay in ay Jamaacadii ku tukaneysay Masaajidka ay durbadiiba faarujiyaan iyagoo ka carreysan hadalka foosha xun ee ka soo yeeray horjoogahaasi maleeshiyo ee ka tirsan Kooxda Shabaab.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidoo kale Horjooge Xasan Yacquub ayaa mamnuucay in wax ka badan 11 Rakco la tukado salaadda Taraawiixda ah ee lagu tukado masaajidada ku yaalla Magaalada Kismaayo

Jaahilnimadu waa taas haddaba .............. Ilaahow na astur.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo oo Laga Mamnuucay Salaadda Tahajudka (salaatul leyl)

 

Maleeshiyaadka Alshabaab ee gacanta ku haya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa habeenimadii xalay shacabka u dhaqan magaaladaasi ku diiday in ay masaajiyada ku tukadaan salaada Tahajudka.

 

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa lagu arkayay wadooyinka magaalada Baydhabo iyagoo koox koox u socda, xaga ay qaarkood hortaagnaayeen iridaha masaajidda iyagoo dadka u diidayey in ay galaan masaajiyadaasi si ay ugu tukadaan salaada Tahajudka.

 

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa shacabka magaadaaasi ku sheegay inay ku tukadaan salaadda Tahajudka guriyahooda, si cadna ugu sheegay qofkii isku daya in uu salaadaasi uu ku soo tukada masaajidyada magaaalada Baydhabo inuu la kulmidoono ciqaab adag.

 

Masaajidka la yiraahdo Carabka ee ku yaala magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale xalay salaadii cishaha kadib lagu arkayey qaar ka tirsan horjoogayaasha maleeshiyaadka Alshabaab oo dadkii ku tukaday salaada cisha ku wargalinayey in aysan u soo laaban si ay masaajidkaasi ugu tukadaan salaada Tahajudka.

 

Shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaan ilaa iyo haatan si toos ah loogu sheegin sababta dhabta ah ee loogu diiday in ay masaajiyada ku soo tukadaan salaada Tahajuda xili lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan gaar ahaan tobankii maalmood ee ugu danbeeyey oo ah wakhtiga la tukado salaada Tahajudka.

 

Dhanka kale waxaa ila habeenimadii xalay masaajiyado ku yaala magaalada Baydhabo ee xaafadaha fog fog laga maqlayey iyadoo salaada Tahajudka la tukanayo, balse waxaan ilaa haatan la ogeyn talaabada ay ka qaadeen dadkii ku tukanayey masaajiyadaasi maleeshiyaadka Alshabaab ee magaalada Baydhabo kuwaas oo shacabka magaaladaasi ka mamnuucay in ay masaajiyada ku soo tukadaan salaada Tahajudka.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bistooladaha, buufimaha, baaruudka ciyaalka ku ciyaaraan maalmaha Ciidaha waala diiday, laakiin bistooladaha, qaraxyada dhabta ah in loo soo dhiibo ciyaalka waala ogolyahay. War adduunkii kor ahaa hoos uu noqday, kii hoos ahaana kor aaday. Minii la yaabo...

 

Alshabaab oo Kismaayo ka mamnuucay iibinta alaabta carruurtu ku cayaarto Ciida

 

Wareegto goor dhow ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha maamulka Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa ganacsatada waxaa looga digay in ay iibiyaan alaabaha yar yar ee ilmaha ay ku cayaaran xilliyada Ciida.

 

Alaabaha maamulka uu mabnuucay in la iibiya ayaa waxaa ka mid ah bistooladaha caruurta, baaruuda ay caruurta qarxiyaan, buufimaha iyo agabyo kale.

 

Maanta ayaa waxaa gudaha suuqa imatooriya lagu arkayay ciidamo fara badan, waxaana ciidamadaasi ay jawaano iyo baca ku arurinayeen alaabaha maamulka uu digniinta ka soo saaray.

 

Xasan Awlibaax oo isaga ah gudoomiyaha ganacasatada Kismaayo waxaa uu shaaca ka qaaday in alabahaan ay waxyeelo ka soo gaarto caruurta yar yare ee adeegsado, islamarakaana waxa uu saxafada u sheegay in ganacasatada looga baahan yahay in ay u hogaansaman amarka maamulka, waxaana uu tilmaamay in dhamaan goobaha ganacsiga magaalada Kismaayo looga baahan yahay in ay joojiyaan iibinta alaabaha qarxa ee caruurta ay ku dheelaan maalmaha munaasabadaha ah.

 

Hadalka ka soo baxay maamulka Kismaayo ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli dhowrkii asbuuc ee ugu danbeeyay ay caruurta si wayn u iibsanayeen alaabahaan maamulka uu waqtigaan ka soo saaray awaamiirta.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab Baydhaba oo xiray Xaruun lagu daweyn jiray Cudurka Qaaxada oo ay Maalgalin jiray Haya’dda World Vision...

 

Dadka ku dhaqan Magaalada Baydhaba ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in rrurka Alshabaab ay albaabada isugu dhufteen xarumo caafimaad oo hoos-tagi jirtay hay’adda World Vision oo ka mid ah saddex hay’adood oo horraantii bishii la soo dhaafay laga mamnuucay inay ka shaqeeyaan deegaanada ay maamulaan Ururka Alshabaab.

 

Waxaana la sheegayaa in xarumahaan caafimaad ee la xiray lagu daweyn jiray dadka qaba cudurka qaaxada, waxaana la sheegay in bukaannadii dawooyinka ka qaadan jiray xarumahaasi ku yaala Baydhabo la amray in mar qura la siiyo dawooyinkooda.

 

Waxaa ka mid ah degmooyinka laga xiray hay’adaasi Baydhabo, Diinsoor iyo Bardaale oo ka tirsan Gobolka Bay iyo degmooyin ku yaalla gobolka Bakool oo ay ka mid yihiin Xudur iyo Waajid, waxaana lagu amaray shaqaalihii ka shaqeyn jiray xarumahaasi inay shaqada ka tagaan oo ay joojiyaan howlahooda.

 

Xarumaha ay World Vision lahayd ee ku yaalla degmooyinka Bu’aale, Saakow iyo Jamaame oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa albaabbada la isugu dhuftay iyana sida ay xaqiijinaayaan dadka deegaanadaasi ka soo jeeda.

 

Dhan kale, hay’adda World Vison DIAKONIE iyo ADRA ayaa horay looga mamnuucay gobolada Shabaabku ka taliyaan waxaana lagu eedeeyay inay faafiyaan diinta gaalada, kuwaasoo laga joojiyay howlihii ay ka hayeen gobollada ay Alshabaab ka taliso.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaana la sheegay in bukaannadii dawooyinka ka qaadan jiray xarumahaasi ku yaala Baydhabo la amray in mar qura la siiyo dawooyinkooda.

:mad: :mad: :mad: .... Wax kasta farahay la galeen Nacallaa ku yaalle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Ciid Mubaarak JB and Maaddeey,

 

War kuwa Al shabaab la leeyahay waxaa ka sii daran Ummadda dhageeysanaysa khuraafaadkooda, ee u dulqaadaneeysa dilka iyo xasuuqa ay shacabka masaakiinta ah ku hayaan maalin walba. Waxa ay ku leeyihiin Al shabaab xaqa ayey ku taagan yihiin oo waa in Al shabaab la taageeraa.... :mad: War dadku indha adakaa oo qaabdaranaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Originally posted by Jacaylbaro:

quote: waxaana la sheegay in bukaannadii dawooyinka ka qaadan jiray xarumahaasi ku yaala Baydhabo la amray in mar qura la siiyo dawooyinkooda.

:mad: :mad: :mad: .... Wax kasta farahay la galeen Nacallaa ku yaalle.
Wejigooda iyo wujuuhdooda weliba.

 

:mad: :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

alshabab are confused, they got it about 40% right but they are going about it all wrong. but whether you like them or not. All logic and history shows they will take over Southern Somalia, with little skirmishes with other groups looking like a normal daily occurance. But the impact it will have on the world will be greater. Ethiopia will piss itself, Egypt will without doubt jump on the situation and form a coalition with them, the arab world and international jihadists will support and fund them to the extant that they could be a dominant power in the region.

 

On the other side, Somaliland will get the same support if not more from the western world leading to the extent that eventually they will clash...its xaram to kill a muslim, regardless of he is practising or not so neither side will fight, if they know the koran. if there somali ignorant people then they will most likely wipe each other out.

 

Allah knows best.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Idaacadda Hiiraan oo laga mamnuucay Cashiro diini ah

 

Horjoogayaasha Alshabaab ee B/weyne ayaa Idaacadda Codka Hiiraan ka mamnuucay iney sii deyso casharo diini ah oo ka baxa idaacadda oo ay aqriyaan mashaa’iq si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya.

 

Horjoogayaasha oo maanta kulan la qaatay Agaasimaha Idaacada Codka Hiiraan, Cabdi Macalin Aadan, ayaa ku wargaliyay in maanta wixii ka danbeeya uusan idaacadda ka sii deyn Karin Cashirada Diiniga ah oo ay aqriyaan Mashaa’iqda kala ah Shiikh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haruun, Shiikh Max’ud Ow cabdulle Cariif iyo Shiikh Abuukar Xasan Maalin.

 

Horjoogayaasha ayaa sidoo kale Agaasimaha ku amray in Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, aan loogu yeeri karin shiikh, isla markaana ay dowladana ugu yeeraan dowladda ridada ah iyo in aysan marnaba idaacadda ka sheegi karin howlaha ay qabtaan Ahlusunna Waljameeca isla markaasina aysan magacooda xusi karin.

 

Al-shabaab ayaa sheegay in Culumaa’udiinka ay ka mamnuuceen in cashiradooda laga siidaayo idaacadda ku sheegay in qaarkood ay xiriir la leeyihiin wadamada Reer Galbeedaka.

 

Horjoogayaasha ayaa Agaasimaha u sheegay in idaacadiisa ay keensan doonaan Cashiro iyo Muxaadarooyin ay aqrinayaan qaar ka mid ah Al-shabaab oo uu ka mid yahay Fu’aad Shangalo.

 

Agaasimaha Idaacadda Codka Hiiraan Cabdi Macalin Aadan, ayaa Horjoogayaashii Al-shabaab ee uu manta la kulmay u sheegay in uusan marnaba aqbali Karin amarkan, isala markaasina uusan ku hadli Karin Codka Alshabaab.

 

Agaasimaha ayaa sidoo kale Shabaabka u sheegay in Idaacadda ay ka iibsadaan ama ay xoog kula wareegaan maadaama uusan aqbali karin amarkan ay dul dhigeen, waxuu kaloo agaasimaha sheegay in wixii maanta ka danbeya aan idaacadiisa laga sii deyn doonin wararka Alshabaab

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Sheekh Xasaan iyo Shangoole in la sii daayo ay u baahanyihiin. Wax fahan@Agaasimaha.

 

Agaasimaha his days are numbered. Ilaahay ha u fududeeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this