Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Latest from Laascaanood

Recommended Posts

Wararkii ugu danbeeyey ee aanu caawa ka helayno magaalada laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in caaw fiidkii ay soo galeen ciidamo beeleedyo dheeri ah kuwaas oo ku biiray kuwii hore u joogay koonfurta magaalada laascaanood , ciidamadaas oo ay wataan saraakiil iyo xildhibaaano Somaliland ah balse ka soo jeedaa gobolka Sool..

 

 

Ciidamada beeleedka taageersan Maamulka Somaliland ayaa gacanta ku haya durdurka laascaanood iyo wadada isku xidha degmada kalabaydh iyo laascaanood taas ah meesha biyahaa wiyeerka iyo xareeduba ka soo galaan magaalada, waxaana ay wararka caawa na soo gaadhayaa sheegayaan in maleeshiyo beeleedku ay cashuur qaadis ka bilaabeen wadada howdka uga baxda laascaanood taas oo ay soo maraan gawaadhida baradhada ka keento Ethiopia iyo gawaadhida caanaha keenta, kastamkaas oo hore lacag aad u badani ka soo gali jirtay maamulka gobolka ee dhinaca dowlad goboleedka Puntland..

 

Col: Ibraahin Caydiid dhabdhable oo isagu ah sarkaalka hogaaminaya ciidamada beeleedka taageersan mamulkaa Somaliland ee hada gacanta ku haya koonfurta laascaanood ayaa waxaa gurigiisa magaalada laascaanood kula shiray maanta odayaal ay isku jifo hoose yihiin kuwaas oo uu hogaaminayey Caaqil, Jaamac Biixi iyagoona waydiiyey waxa uu damacsan yahay , waxaana uu u sheegay in uu soo gaadhay magaaladiisa uuna hada la joogo reerkiisa wax dhiba ahna uusan wadin

 

Dhinaca kale waxaa isna hada kula shiraya odaayasha magaalada xildhibaan dhakool shirkaas oo ka socd guriga uu ku leeyhay laascaanood , wararka ayaa intaasi ku daraya inay jiraan qoritan ciidaan oo caawa ka socda guriga xildhibaan dhakool, ciidamadas oo la sheegay in lagu kordhinayo kuwa hada ku sugan magaalad..

 

Guud ahaan magaalada laascanood ayaa kacsan iyadoo marba marka ka danbaysa la dareemaya korodhka ciidamo beeleedka ee kusoo badanaya magaalada , kuwaas oo qaar ka mid ah ay caawa roondo k sameeyeen toga geeda qarsay halkaas oo ay kusoo qabteen dhalinyaro la sheegay inay dumarka ku dhibaan halkaasi xiliga habeenkii ah ..

 

Majiraan wax wara oo kasoo baxay maamulk gobolka ee dhinaca dowlad goboleedka puntland iyo dowlada dhexe toona oo ku saasan xaalada cakiran ee ka taagan laascaanood.

 

 

Xigasho: Afnugaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abaanduulaha ciidanka Qaranka iyo Ciidan uu watto oo xoojiyey ciidan beeleed deganaa Laascaanood Iyo Cade Muse oo lagu daawaynaayo cisbatal ku yaala dalka Imaaraadka

 

 

Laascaanood(Qaran)- Abaanduulaha Ciidanka Qaranka,Ibraahim Caydiid Dhab-dhable,oo watay Guuto ka tirsan ciidamada qaranka e ee kusugan jiida hore ee Gobolka Sool,ayaa soo xoojiyay Ciidan beeleed degan duleedka Koonfureed ee Magaalada Laascaanood,kuwaasi oo ka soo horjeeda Puntland.

 

 

 

Abaanduulaha Ciidanka qaranka oo watay Guuto ka tirsan Ciidamada Somaliland,oo sida wararka ka imanaya magaalada Laas-caanood,ay xaqiijiyeen in ay wateen ilaa Toban Gaadiidka tiknikada ah,waxa lagu war helay subaxnimadii hore ee saaka,mana jirin wax dagaal ah oo ay kala horyimaadeen maleeshiyada Putland ee ku sugan ,gudaha magaaladaas.

 

 

 

Sidoo kale,Ciidan beeleedka ay ciidamada qaranku xoojiyeen,oo uu wato Sarkaal magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamed Dalbac,ayaa ciidamada ka yimid dhinaca Somaliland,u arkayay xoog cusub,oo u soo kordhay,waxana imika ku sugan fadhiisinka Ciidamadaasi degan yihiin, Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland,oo iyagu in muddo ah ku sugnaa halkaas iyo Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Ibraahim Caydiid Dhab-dhable.

 

 

 

Sida ay caawa sheegeen dad ku sugan magaalada Laascaanood,maamulka Puntland,ayaa ku hawlan olale ay ku doonayaan in ay dadka ku horkeenaan ciidamada Somaliland ee aagaasi ku sugan,isla markaana u yeedhay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Gobolkaasi ee ay xulafada yihiin iyo xubno hore looga eryay Pumtland, oo uu ka midyahay Xaabsade, hase ahaatee arintaasi uma eeka mid macno weyn samaynaysa sababta oo ah ciidamda galay Laascanood waa dad u dhsahay Laascanood isla markaasna ka soo hor jeeda maamulka Puntland.

 

 

 

Dhanka kalana waxa magaalada Laascanood laga dareemayaa barakac ay baro kacayaan dadka shicibka ah ee iyagu la socda xaaladaha colaadeed iyo saan saanka ay leeyihiin, odayada iyo waxgaradka reer Laascanood ayaa isku dayaaya in ay xaalada dajiyaan hase ahaatee meesha waxa dul hoganaysa awood ciidan oo xoogan, taasi oo ay hada hormood ka yihiin dadka reer Sool ee diidan ama ka soo hor jeeda maamul goboleedka Puntland, doonayan in ay faraha kala baxaan arimaha gobolkooda oo ay dib u dhiciisa ku eedeeyaan maamulka Puntlland.

 

 

 

Gobolka Sool ayaa aad uga danbeeya gobolada Somaliland oo dhan iyo dabcan gobolada ******teeniya, taasi oo hada dadweynaha reer Sool ay ku soo hambabareen dhibkeedana ay dusha ugaga tuurayaan maamulka Cade Muse.

 

 

 

Cade Muse ayaa xiligan ku sugan dalka Imaaraadka Carabta xagaasi oo lagu daawaynaayo, Cade ayaa lagu soo waramayaa in uu Cisbatal xagaasi ku yaala loo qaaday oo lagu daawaynaayo, lama sheegin sababta uu u galay cisbatalkaasi hase ahaatee warar ayaa sheegaaya in lagaga soo booday xaga wadnaha, waloo ayna jirin warar rasmi ah oo xaqiijinaaya wadne xanuunkiisaasi in uu u galay cisbatalkaasi oo uu dhawr maal mood uu ku jiri doono, iyada oo xaaladiisa caafimaad aad looga dayrinaayo, lama oga inta maal mood ee uu ku jiri doono xagaasi iyo goorta uu ku soo laaban doono Garoowe, warar aanu ka helnay Garoowe ayaa sheegaayay in uu isla maantaba uu ku soo laaban doono Garoowe oo uu caafimaadkiisu wanaagsanyhay hase ahaatee warkaasi ma rumoobin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Ee JSL Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Ciidamada Somaliland Joogaan Laascaanood

 

 

Hargeysa(QRN)-Abaanduulaha Ciidamada Qaranka ee Jamhuurayada Somaliland Mudane Kornayl Ibraahim Caydiid Axmed oo uwaramayay idaacada ku hadashada afka Somaliga ee bbcsida ayaa sheegay inay magaalada Laascaanood uqaybsan tahay laba qaybood, kala tahayna dhinac taageersan Somaliland iyo dhinac taageersan Puntland.

 

Waxaanu Col:ku shaaca ka qaaday inaanu jirin ciidan beeleedyo soo gallay magaalada Laascaanood laakiin ciidamada soo gallay magaalada Laascaanood ay yihiin ciidamada qaranka Ee Jamhuuriyada Somaliland. Waxa kale oo uu sheegay inaanay ciidamada qaranku lakulmi wax iska caabin ah magaaladana kusoo galleen si nabada.

 

Waxa kale oo taliyuhu sheegay inay jiraan ciidamo labada dhinac ah oo wali isku horfadhiya meel toban kiilo mitir galbeed ka xigta magaalada Laascaanood oo lagu magacaabo Abeesalay. Ciidamada Puntland ee halkaas fadhiyaana maaha kuwo iska caabiyi kara ciidamada Somaliland, manna aha kuwo uqaybsami karaya inay ka dagaalamaan laba aag, taliyahahu waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay habaysanyihiin oo ay u tabo baranyihiin ilaalinta xuquuqal iinsaanka iyo iyaga oo u tababaran sugida amaanka guud ee meelkasta oo ay qabsadaan taliyuhu waxa uu sheegay ciidamada qabsaday Laascanood ay yihiin qaar u dhashay gobolka Sool iyo gaar ahaan magaalada Laascanood, taliyahu waxa uu ku nuux nuuxsaday in ay xukumada Somaliland ka go'antahay sugida xuduudka Somaliland, waxa aanu sheegay in gobolkani Sool ka mid yahay gobolada Somaliland, waxa uu sheegay in markii ay soo galayeen magaalada Laascanood ay ciidamadii Puntland ee ku sugnaa magaalada Laascanood ay is yidhaahdeen difaaca hase ahaate ay u taag waayeen isla markaasna waxa uu sheegay in dagaalkaasi iyaga hal askari uu kaga dhintay, ma uu sheegin khasaaraha soo gaadhay ciidamada Puntland ee iyaga halka askari ka dilay, waxa kale oo taliyhu sheegay in ay odayaal neeleedyo dhan ahi uu la kulmay isla markaasina ay kulankoodaasi wax macno lahi ka soo bixin, waxa uu sheegay in ay soo dawaynayaan odayaal dhaqameedka dhex dhexaad ay u arkaan, waxa aanu sheegay taliyaha ciidanaka qaranka Somaliland in ay ciidamadiisu nabad iyo dhiig daataba diyaar u yihiin waxa aanu sheegay in ayna dib uga laaban doonin magaalda Laascanood oo uu sheegay in uu u dhashay tahayna gobolkiisii.

 

 

Source Borama News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Actually nobody knows .............

 

It is sad indeed that people are leaving the city, military personnel are everywhere and war is on the corner.

 

Both sides should avoid that but it doesn't seem to be the case or they'll listen .......

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Sheeka war is the solution. As I suggested many times before there is a good ol'war needed in the North. It looks like I am getting what I wished for so sit back, relax and see the outcome.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

Originally posted by me:

Sheeka war is the solution. As I suggested many times before there is a good ol'war needed in the North. It looks like I am getting what I wished for so sit back, relax and see the outcome.

^Yep! from the comfort of your Sofa,watching TV and with a cup of tea!.. :mad:

 

 

Waraa Jac,if you dont know the situation whats up with this propaganda? :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jamster   

I have just heard that the Cutub from Qardho CM has abandoned the Puntland Daraawiish in the heat of day. This morning saw the most heated battle between Punt ciidan and Somalil.

 

Allow umadaada kala qabooji.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Sorry, ma dagaal baa bilaabmay? I didn't even know. This is serious. Update us people. I always thought it was a flirtation with war and not actual war.

 

Allow na badbaadi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^It looks this would be it. The TFG is supposedly send men and money too. Reer Laascaanod should have decided their own fate along time ago, and not be caught between these dimwits from Garow and Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waa ayaandarro in bil Ramadan ay Soomaali dhiigooda qubayaan. Ilaahow kala qabooji, kii gardaranna ummadda ka qabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

In this case, WAR is the ONLY way forward for this region, all other alternatives have been tried and exhausted for many times in the past... like it or not the inexorable moment has arrived ..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this