Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SHUKAANSI

Recommended Posts

Wiilo   

Waxaa aad ii cajaa'ib galiyay markii aan arkay web site la yiraahdo www.Shukaani-online.com oo ay leeyihiin Soomaali.

 

Back to the Topic:

 

Waa maxay shukaansi? Maxaase lagu tilmaami karaa shukaansigu? Shukaansi waa Xodxodasho ama sheeka dhex marta wiil iyo gabar ayaga oo isla markaana iska damacsan inay is guuradaan. Waxaa kaloo la oran karaa gaabsi shukaansigii wuu jiraa balse waxaan jirin damac guur oo waa waqti dhumis ujeedada markaa laga leeyahay waa in la sheekaysto muddo yar kadibna lagu kala talo.

 

Shukaansigu wuxuu fududeeyaa marka hore is baraxo dhex marta labada qofood (wiilka iyo Gabadha) ayagoo baranaya waxa qof waliba uu jecelyahay sida uu damacsanyahay haddii ay ahaan lahayd guur wax barasho iyo kan ugu muhiinsan ee ah dabciga qof kasta uu leeyahay. Aalaaba wuxuu dhaliyaa jaceel naxariis iyo waliba guur lays guursado.

 

Haddaba shukaansigu sidiisaba waa sidee yaase bilaaba (who initiates first move) Aalaaba waxaa bilaaba wiilka asiga oo weydiiya gabadha macadeeda, inay wiil kale la sheekaysadto, inuu la sheekaysankaro iyo in kale. Markuu intaa ogaado (wiilku) buu ku dhaqaaqaa tii markaa u fudud haddii ay ahaan lahayd la sheekaysasho shukaansi iyo haddii kalaba.

 

Shukaansigu si haddii loo eego wuu fiican yahay oo wuxuu abuuraa xiriir wada hadal dhex mara labada qofood xitaa haddii ay is guursadaan wuxuu fududeeyaa isla markaana dhaliyaa is fahan ama is afgarad ka dhex dhasha ama dhex mara gabadha iyo wiilka wuxuu kaloo sahlaa ka hortagaa ama yareeyaa qilaafyada dhex mari kara gabadha iyo wiilka.

 

Si haddii loo eegana shukaansigu wuu xun yahay maxaa yeelay wuxuu dhalin karaa in labada qofood (wiilka iyo gabadha) ku dhacaan dambiyo Allaah uu raali ka'aheyn iska markaana u soo jiidi kara ceebo kala duwan xaga bulshada waa haddii gabadha iyo wiilka ay ka tagaan dowrridda diinta ama ku dhaqanka diinta muddada ay isla socdaan taas oo uu shaydaanka aalaaba ka faa'iidaysto. Shukaansigu ma fiicna inuu dheeraado oo uu qaato sanado wuxuu ku fiican yahay kolka gabadha iyo wiilka ay is bartaan isna af gartaan inay soo af jaraan oo ay guur ku gaba gabeeyaan ayagoo iska dhowrraya inay ku dhacaan falal xun xun Rabina ka dheeraadaan.

 

Haddaba maxay tahay anigu (Wiilo) shaqsi ahaan aragtidayda ama sida aan u arko shukaansiga. Runtii way ila haboon tahay in gabadha iyo wiilka is shukaansadaan ayagoon wax dambi ah ku dhacayn iskana ilaahinaya carada Allaah ujeedadooduna tahay inay heer guur ka gaaraan ayagoon ku dheeraannayn shukaansigooda amaba xiriirkooda is barasho.

 

Waxaan qalad u arkaa in gabadha iyo wiilku isla socdaan muddo fara badan kasoo qaad isla socodka sadax, afar, shan sano laysla socdo. kadib lays guursado ayadoo markaa aysan jirin wax daruufo ah oo hortaagan inay is guurasaan. Soomaali waxay tiraahdaa "xunba iyo xiiso way dhacaan" runtii waxay ku haboon tahay inta laysku xiiso qaba in lays guursado (Ma lihi ha lays guursado laba bilood ka dib) balse kolka lays barto si wanaagsan ee go'aanna lagu gaaro heer guur in howshu layska dhameeyo lagana dhowrsanaado dhibaatooyin kale ama in dambi lagu dhaco.

 

Intaa oo aragtidayda ah marka aan soo idhi ama soo qoray intee muddo ah baan siin lahaa shukaansi aniga? Ugu badnaan sanad ama sanad iyo lex bilood runtii ka badan ma siin laheyn maxaa yeelay goorta aan shukaansiba ogolaanayo waa goor aan runtii damac sanahay inaan qoys ama famil yeesho oo aan diraad u ahay inaan noqdo hooyo. Intaa ka badan information waa qalad raali iga ahaada maxay oran jireen waa "Secret" arin aqsoodi ah ama private ah.

 

Shukaansi waa iga dhan yahay oo waxaan filayaa inaan ka idhi enough qofkii haya ra'yi kale waan soo dhawaynayaa anigoo waliba idinku mahad celinaya aragtidiinna. Until next time Somalis smile.gif

 

Wabillaahi Towfiiq:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wow ,,, that was really nice article ,,, kan waa in Internetka lagu soo daabaco ,,,, oo soomaalida lagu dhex faafiyo ,,,

 

Haye ,, Wiilo ma dhamaysay mise weli waa socdaa topic ga ????

 

Lemme visit da site ,,, that was gooood actually ,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

J'baro walaalkiis anigu waxaan filayaa inaan idhi wixii ama sidii aan u arkayay shukaansi iyo wuxuu ahaa/yahay. Balse waxaan u xiiso qabaa aragtida walaalahay sida ay u arkaan shukaansiga iyo waliba ayaga damacooda shukaansi smile.gif Aniga aragtidaydu waa iga intaan.

 

 

Wabillaah:................

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qac Qaac   

we see from the writings above us by Wiilo. that she put lots of thoughts on this topic of shukaansi.. well said.. well written.. and with that i name expert on shukaansi..

 

and ppl should come to u, and ask u advices from now on about this topic (shukaansi).. u should start giving out advices about it.. as a matter of fact u should be a guest to some sort of tv interview and should be asked questions about this topic.. or better yet u should write books about this issue.. and become a writer too.. excellent peace..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

WIILO~~~~Masha Allaah , si wanaagsan baad u qortay,,waxaadna taabatay shukaansigii saxda ahaa ee soomaalida,Yaa salaam.

 

 

Waxaa jirta in labada qofi marka ay is

shukaansadaan in mid waliba is dhawro,,oo kakale aanu si dhab ah u baran,runtna lagaaro inta badan guurka ka dib,,laakin waxaa dhici karta hadii in mudo ah oo aan aad u dheerayn la wada socdo,,in qof waliba kan kale barto,,markaasna nadiija wanaagsan la gaari karo,,laakin wax deg degga ahi ma wanaagsana.

 

 

PS.MIda kale KELMADA "shukaansi" kan wiilasha iy gabdhaha ka sokow waa noqon karaa in qof qofkale shukaansado si uu wax uga helo,,jinsiga aydoonaan hanoqdeen,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Qac Qac Sxb from now on your are my manager, publicer, and agent so u r responsible of everything that I do u make the deals for me. So now what I want from u is that u get me on my own TV show and a contract deal of me writing a book about shukaansi. Thanks. :D

 

Farxan (nice name by the way) walaalkiis u r right shukaansigu waxuu noqon karaa siyaabo badan waa runtaa marka aad rabto inaad qof wax ka qaadato waad sirsirtaa taasina waa shukaansasho nooc ka mid ah. But in this case we were talking about real shukaansi na'mean.

 

Runtii aniga qoraalkaa dheer ee aan qoray waxaan only ku sheegay sida aan u arkay shukaansi wuxuu yahay laakiin waxaan sugayaa aqayaarta kale sida ay ku sheegaan shukaansi ama ay ku macneeyaan. Marka soo daaya warka 'cause I can't waite see your piont of view about this :D

 

Wabillaah:..............

Share this post


Link to post
Share on other sites

WIILO SHUKAANSIGA NOOCAAN AH IMASOOGAARIN WAXAAN UMALEENAYAA IN UU YAHAY KII XAMAR ANIGU WALI WAXAAN JOOGAA DUURKII BUDUNBUTO MEESHAAN JOOGO BUR INTA QAADANO AYAAN GABDHAHA GAADNAA KADIBNA MADAXA INTA UGADHUFANO AYAANU INTA AY SUUXSANTAHAY HOYGEENA GEEYSANAA :D:D:D

CAVEMAN STYLE SHUKAANSI :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

ORGILAQE sxb shukaansiga dagaalka ah maxaa waaye :confused: Waad iga yaabisay I dont think shukaansi noocaas ah inuu jiro haddii uu jirana wallaahi waa dhib intaa bud madaxa la iiga dhufan lahaa wallaahi anigana waan ku dhufan lahaa sheekada dhanna waxay isku badali lahayd DAGAAL runtii :D

 

 

Go figure:...............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

That is funny but aint going such place man, bud kulahaa waxaanba u maleeyay for a second in maxada laygu dhuftay :D Raali iyo Nus ayay iga ahaanayaan ragaas.

 

 

Go figure:............

Share this post


Link to post
Share on other sites

you are not going to let all those hand made "budh" go to waste are you?.You will be dissapointing quite a lot of men denying them a chance to show you their skills :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

On the expense of my head huh :confused: raali iyo nus again. Ayagaa shaqo isku leh ulahooda hala tageyn :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this