Sign in to follow this  
General Duke

Puntland road projects under way

Recommended Posts

aShir looga hadlay dhismaha Wadada Lafa Gorayo ee tegaysa Caluula oo ka dhacay Hotel Panarama (Daawo Sawirada)

Last Updated::2007-02-12 13:02:06

 

wadada_caluula_110207_3.jpg

 

Bosaso:- Waxaa xalay Hotel Panorama ee magaalada Bosaaso ka dhacay shir looga hadlayey Sameynta Wado cusub oo tagta degmada Caluula ee gobalka Bari.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Puntland mudane Maxamuud Muuse Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Dekadaha Mudane Siciid Maxamed Raage,

 

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadidka Maxamuud Bile Dubbe, Labada Wasiir ku xigeen ee Maaliyadda Yaasiic Cartan & Yaasiin Tamaad, Labada wasiir ku xigeen Wasaarada Kaluumeysiga iyo Dekadaha Cabdiweli Geyre iyo Maxamed Axmed Cilmi, Barasaabka Gobolka Bari Musse Geele Faroole, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka, iyo Marti sharaf kale oo badan.

 

 

Xafladan ayaa waxaa soo agfaasimey Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis, waxaana ugu horeyntii ka hadley Maxamuud Siciid (Macow) oo ka socda Hay'adda gacanta ku haysa Dhismaha Wadada Lafa Goroyo magacadeena la dhaho HORAD.

 

Maxamuud Siciid Macaw ayaa soo bandhigey sida ay ku bilaamatay Mashruuca wadada Lafa Gorayo, waxa uu sheegay kadib markii loo adkeysan waayey dhibaatada ka haysata dhinaca jidadka Deegaaanada hoosyimaada Deg. Caluula in shacabka ku dhaqan deegaankaasdi ay garteen in ay iskod isugu tashadaan, waxa ayna ku bilaabeen in ay wadada ku bilaabaan gacantoodaan wax u qabtaan arintaas oo Gumeystihii Talyaanigu u babac dhigi waayey isla markaasna uu ka joogsadey in uu halkaas waddo geeyo.

 

 

Macow ayaa sheegay in uu ahaa bud-dhiga jidkaasi Madaxweynaha Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi oo isagu dhiiri gelin iyo balanqaadba baxshey waxaana uu u saarey guddi ka shaqeeya ururinta lacagaha sidoo kale waxa uu warqad u qorey International Communityga kana codsadey in wax lagala qabto arintaas taas oo ay ku heshay Wadadu in Hay'adda INRA ay bixiso 43% lacagta loo baahan yahay ee dhan $560,000,00.

 

Macow ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland uu balanqaadey in uu baxsho $150,000,00, halka bulshadda ku dhaqan deegaanka Caluula ilaa Baargaal ay qaateen in ay baxshaan lacag dhan $120,000,00 macow ayaa sheegay in hawshaan in ay qabsoonto abaalkeeda uu lee yahay Madaxweynaha Puntland ee u soo jeestey waxkaqabashadda kaabayaasha dhaqaalaha ee nooluhu u baahan yahay.

 

 

Waxaa goobta lagu soo bandhigey Filim muuqaal ah oo laga soo duubay nidaamka wadada iyo rag injineero ah oo tegey goobta shaqadu ka socoto kuwaas oo ka kala socdey Hay'adda NESHA iyo Hay'adda ku hawlan dhisadeeda Filimkaan ayaa waxa uu ahaa mid dhinac dadku aad ugu farxeen marka ay arkeen kheyraadka rabbi ku manaystey dhulkaas sida TIMIRTA ee beerta SAYN iyo MEYDIGa, iyo weliba Biyaha qulqulaya goobahaas ee jowda haya.

 

 

Intaas kadib waxaa goobta ka hadley Faarax Xaaji Mire oo ah Madaxa Xiriirka Bulshadda ee Shirkadda Golis waxana uu ka warbixiyey Inshirkadda Golis ay sanadkii la soo dhaafey kaalin mugweyn ka qaataday waxqabadka Dalka, islamarkaasna 700.000.000sh,so ku bixisey waxqabadka sanadkii la soo dhaafey oo keliya kuwaas oo ay kaga qaybqaadatay Nabadgelyada, Caafimaadka, Nadaafadda iyo Kaabayaasha dhaqaalaha.

 

Prof.Adam Shiikhdoon ayaa halkaas ka soo jeediyey qorashaha sanadkan ee Shirkadda Golis waxana uu sheegay in ay dooanayaan in laba jibaaraan waxqabadka ay dalka u hayaan waxyaabaha uu taabtey waxa kamid ahaa in sanadkaan ay doonayaan in ay hirgeliyaan mashruuc loogu fiiqaayo indhaha dadka badan 200 oo qof, sidoo kale waxa uu goobtii kaga dhawaaqey in aduun dhan $10.000 arin taas oo ahayd mid aad loo bogaadiyey looguna duceeyay.

 

Gebogebadii barnaamijka ayaa waxaa xirey Madaxweynaha Puntland mudane Maxamuud Muuse Xirsi, Madaxweynaha ayaa sheegay in muhimadda uu siinaayo kaabayaasha dhaqaalaha sidii wax looga qaban lahaa oo ay ugu horeyso jidadka, biyahana muhimad weyn ayaan siineynaa ayuu yiri Madaxweynuhu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

wadada_caluula_110207_6.jpg

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dhamaystiraayo wadad Lafa gorayo isla markaasna ay qorshaha ku jiraan wadooyin kale oo badan oo ay kamid yihiin:

 

Gaalkacyo - Jariiban,

Garowe - EYL,

Lascanod - Buuhoodle,

Bosaso - Qandala.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Wadada Qandala iyo Jariiban gacanta lagu hayo kuwa kalena dhawaan la bilaabayo.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in lacagtii wadada Lafa Gorayo qaybtii Dawladu ugu talo gashey gacanta lagu hayo dhawaana lagu wareejinaayo maamaulka gacanta ku haya wada, sidoo kale madaxweynaha ayaa mahadnaq u jeediyey Shirkadda Golis waxana uu sheegay in shirkadaha wax u qabta dalka aan lala simeyn shirkadaha aan waxba u qaban isla markaasna lala xisaabtamayo kuwa aan canshuuraha bixin.

 

Isku soo duubo xafladdan ayaa kusoo dhamaatey jawi wanaagsan iyo yididiilo.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

wadada_caluula_110207_4.jpg

 

Maxamuud Siciid Macaw ayaa soo bandhigey sida ay ku bilaamatay Mashruuca wadada Lafa Gorayo, waxa uu sheegay kadib markii loo adkeysan waayey dhibaatada ka haysata dhinaca jidadka Deegaaanada hoosyimaada Deg. Caluula in shacabka ku dhaqan deegaankaasdi ay garteen in ay iskod isugu tashadaan, waxa ayna ku bilaabeen in ay wadada ku bilaabaan gacantoodaan wax u qabtaan arintaas oo Gumeystihii Talyaanigu u babac dhigi waayey isla markaasna uu ka joogsadey in uu halkaas waddo geeyo.

 

 

Macow ayaa sheegay in uu ahaa bud-dhiga jidkaasi Madaxweynaha Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi oo isagu dhiiri gelin iyo balanqaadba baxshey waxaana uu u saarey guddi ka shaqeeya ururinta lacagaha sidoo kale waxa uu warqad u qorey International Communityga kana codsadey in wax lagala qabto arintaas taas oo ay ku heshay Wadadu in Hay'adda INRA ay bixiso 43% lacagta loo baahan yahay ee dhan $560,000,00.

 

Macow ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland uu balanqaadey in uu baxsho $150,000,00, halka bulshadda ku dhaqan deegaanka Caluula ilaa Baargaal ay qaateen in ay baxshaan lacag dhan $120,000,00 macow ayaa sheegay in hawshaan in ay qabsoonto abaalkeeda uu lee yahay Madaxweynaha Puntland ee u soo jeestey waxkaqabashadda kaabayaasha dhaqaalaha ee nooluhu u baahan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

wadada_caluula_110207_2.jpg

 

Waxaa goobta lagu soo bandhigey Filim muuqaal ah oo laga soo duubay nidaamka wadada iyo rag injineero ah oo tegey goobta shaqadu ka socoto kuwaas oo ka kala socdey Hay'adda NESHA iyo Hay'adda ku hawlan dhisadeeda Filimkaan ayaa waxa uu ahaa mid dhinac dadku aad ugu farxeen marka ay arkeen kheyraadka rabbi ku manaystey dhulkaas sida TIMIRTA ee beerta SAYN iyo MEYDIGa, iyo weliba Biyaha qulqulaya goobahaas ee jowda haya.

 

 

Intaas kadib waxaa goobta ka hadley Faarax Xaaji Mire oo ah Madaxa Xiriirka Bulshadda ee Shirkadda Golis waxana uu ka warbixiyey Inshirkadda Golis ay sanadkii la soo dhaafey kaalin mugweyn ka qaataday waxqabadka Dalka, islamarkaasna 700.000.000sh,so ku bixisey waxqabadka sanadkii la soo dhaafey oo keliya kuwaas oo ay kaga qaybqaadatay Nabadgelyada, Caafimaadka, Nadaafadda iyo Kaabayaasha dhaqaalaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aaway qaybtii Gobolada Sanaag, Cayn, Haylaan ee Buugaagta UNESCO ugu deeqday Puntland.....

 

Assalaamu caleykum, Waxaan akhriyey qoraal cabasho ah oo uu Wasiirka Tacliinta P/land kaga cabanayo Webka SomaliTalk, Webkaas oo uu ku eedaynayo inuu been abuur ka sameeyey Wasaaraddiisa kaas oo ku saabsan Buugaagtii P/land loogu deeqay oo lagu sheegay in Suuqyada Garoowe lagu xaraashayo.

 

Haddaba waxaan la yaabay Wasiirka oo ay isaga iyo Agaasimayaashiisu soo qoreen sida ay Buugaagtaas u qaybiyeen oo ah sidan hoos ku qoran:-

 

Gambool Garoowe ............................602 Book

Buurtinle Nugaal ..............................132 Book

D/sare Boosaaso .............................602 Book

Najax Boosaso ................................287 Book

White Tower/Boosaaso ....................132 Book

Shaafici/Boosaaso .......................... 35 Book

Qardho Karkaar .............................. 287 Book

Muuse Yuusuf/Laascnood ................. 287 Book

Xuddun Sool .................................. 30 Book

Cumar Samatar/Gaalkacyo Mudug ...... 602 Book

Galdogob Mudug ............................. 132 Book

Total Guud .................................. 3128 Books

 

Gobolka Bari 1021 Book

Gobolka Nugaal 734 Book

Gobolka Mudug 734 Book

Gobolka Sool 317 Book

Gobolka Karkaar 287 Book

Gobolka Sanaag -----???

Gobolka Cayn -----???

Gobolka Haylaan -----???

 

Laascaanood waxaa ka furan 2 Dugsi oo sare, Waxaa saami helay mid keliya, Buuhoodle waxaa ka furan 2 Dugsi oo sare haddana midna lama tirin, Xuddun waxaa ka furan 2 Dugsi oo sare mid baa sandareero la siiyey, Fiqi-fuliye waxaa ka furan Dugsi sare lama tebin, Ceerigaabo waxaa ka furan 2 Dugsi oo sare midna lama tirin, Badhan waxaa ka furan Dugsi sare lama tebin, Waxaana dhici karta inay jiraan Degmooyinka kale oo la mid ahi.

 

Guud ahaan waxaan la tebin 8 Dugsi oo sare oo guud ahaanba ku yaalla 4 Gobol oo ay P/land tirsato waa Sool, Sanaag, Cayn iyo Haylaan, Halka Gobolka Bari oo keliya laga siiyey 1021 Buug.

 

Haddaba waa yaabe! Wasiirku muxuu dulmiga intaas le’eg ugu badheedhay oo uu sidaas wax ugu qaybiyey? Haddiise ay sidaas la noqotay oo aanay dad badani la ogeyn miyaanay caqli-xumo u ahayn inuu misana weliba isagu Weriyeyaal xaqiiq soo helay cambaareeyo oo uu raalli gelin weydiisto.

 

Waxaa jirey Gabay uu Cali Cilmi Afyare Xukuumaddii Millateriga ahayd u tiriyey oo ay ka mid ahayd:- (Gargaarkay shisheeyuhu baxshaan waw gudboonnahaye, Boosaaso gaadhsiiya waad gelin karaysaane).

 

Haddaba Horjoogayaasha maamula P/land waxaan kula talin lahaa inay xaqsoor u sameeyaan Deegaannada ay sheegtaan inay ka taliyaan, Hana ******** inuu nin weliba waxa shacabka u hor marsado leeyahay oo ay ka horreeyaan.

 

Wasiirka ina Siciid Awnuurna waxaan kula talin lahaa inaanu ceebihiisa dadka dunida ku filiqsan usoo bandhigin, Soomaalidu waxay tidhaahdaa:- (Nin Guri Quraarad ah ku jiraa wax ma shiidho).

 

Waxba ha la yaabina waxaaba dhici karta inuu Wasiirkani yahay Wasiirka Maamullada Soomaaliya hadda ka jira Min Bari ilaa Bogox ugu caddaaladda badane, Wasalaamu caleykum

 

www.somalitalk.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   
Originally posted by General Duke:

[QB] $560,000,00.[/b]

 

$150,000,00[/b], $120,000,00 QUOTE]

 

Too many Zeros there don't you think? I didn't know Garoowe was thast "rich"?

 

6 zeros make a million....just incase math isn't your forte.

 

All and all, I think this will help all "Somali" business man to navigate the region better. Good job..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

It's obvious that you're not the brightest nor educated Jaylaani.

 

Those amounts are 560 thousand, 150 thousand and 120 thousand dollars.

 

If you can't even cope with this, than just give up nigga. Life is way harder than this.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Wrong again. The period should be between 56.000,00 or 56.000,-. But that wasn't the point was it.

 

Let's end this here, it's getting embarrassing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this