Sign in to follow this  
Suldaanka

General Gaani, Siyad Barre's ruthless right hand man found dead in his hotel

Recommended Posts

Nairobi Oct. 19, 2004 (Haatuf) Gacan ku dhiigle Maxamed Xaashi Gaani oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka Mbagathi ayaa shalay isagoo meyd ah laga helay qolkii uu degganaa ee hotelka 680 ee magaalada nairobi, halkaasoo la sheegay in ilaa habeen hore uu ku jiray isaga oo meyd ah.

 

sida la sheegay meydkiisa ayaa laga helay Qolkiisa kadib markii la jebiyay, Sida ay ku waramayaan shaqaalaha Xaruntaas iyo xigtaddiisu waxa ilaa shalay la garaacayay qolkiisa xiligaas oo uu meyd ahaa inkastoo ayna weli arrintaa dhakhaatiirtu xaqiijin hase ahaatee waxa uu noqonayaa qofkii sedexaad ee ka tirsan Baarlamaanka oo ku geeriyooda Madasha Mbagathi.

 

Gacan ku dhiigle Gaani oo ahaa sarkaal ka gaadhay dhinaca ciidamada derajada Janaraal waxa uu ahaa taliyaha qeybtii 26-aad ee Ciidamadii Siyaad Bare oo fadhigoodu ahaa Hargeysa, isaga oo xasuuq ka gaystay 1984kii magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo sheekh kadib markii uu dhacay dagaaalkii buuruha ee ay soo qaadeen Xoogagii SNM.

 

Balse waxa la bedelay 1985-kii wuxuuna mar noqday wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga, isaga oo dowladdii Cartana ka mid ahaa qabqablayaasha baarlamaanka ee lagu soo doortay, isaga oo in muddo ah ku sugnaa magaalada Nairobi halkaasoo uu kaga horeyey ergadii Carta ee uu hogaaminayeen C/qaasim Salaad Xasan.

 

Gen. Gaani waxa uu ahaa nin axmaq ah oo aan haba yaraatee aan wax naxariis ah u lahayn Somaliland xiligii uu isagu xukumi jiray xiliyadii horaadkii ilaa badhtamihii sideetamaadkii.

 

Wali waxa Somaliland ka sii muuqda nabaradii uu u gaystay isaga oo xataa shakhsiyan amaradii uu bixin jiray ka sokow isagu sigaarka ku bakhtiin jiray maxaabiista isaga loo soo xidh xidho islamarkaana suuqyada magaalooyinka ku jiidi jiray baabuur dadka oo nool iyo iyaga oo mayd ahba inta uu gawaadhidii ciidamda uu dabada kaga xidho.

 

 

Shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee mudada labada sano ah ka socdey Kenya ayuu ka qayb qaatay isagoo ka tirsanaa musharaxiintii isu soo taagey tartanka Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Imbagati oo uu soo gaadhey kaalintii ugu danbeysey ee tartankaasi, balse uu ka guulaystey Prof.Dalxa oo ay ku wada jireen wareeggii ugu danbeeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"The Just" is one of the 99 names of Almighty Allah and "justice" is what allah will provide in day of judgement.

 

Ilaahay samir iyo imaan ha ka waraabiyo intii u dhibaatada u geystay een awood u helin inay aduunka kula xisaabtamaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Istaqfurulaah Al-Cathiin, they called that a newspaper, they forgot it is Ramadan, wargayska Haatuf magaca ayuu iska diley un subxaanalaah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Inti dhimatey Allah uu naxaristo. Lakiin Nuune huuno how would you describe Hitler, Musolini and co. if you were to write an article about them. It does not mean if someone dies his/hers role in this World is forgotten. If they build a Mosque and looked after Orphans they will be praised but if they indiscrimanately and continuosly murdered people cause of their clan linage they will be reccorded and mentioned after their name is raised. Though everyone would face the consequences of his/her actions in the hereafter. Ganni is not different. He was brutal and murdered innocent civilians in hundreds and he will be remembered for that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its Ramadan. I'm fasting at this particular moment, and I know that Allah is most just. However, I'll go one step further than Suldaan and Pray to Allah that Gaani's flesh tastes eternal Hell Fire. Amiin to that!

 

P.S. Allah hears the prayers of the faithfull!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   
Xarago, huuno bal aan kuu soo koobo, ma diidani inuu dad laayay ama uu danbiile ahaa, laakin ula jeedadaydu waxaa waaye qof dhintay ma wanaagsano in la sii hadal hayyo qofkaasoo waliba aan ognahay inuu muslim yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

War dadkan sow wax ma cafiyaan ambase ma hilmaamaan? Haday Ramadan tahayna, talow ma samraan miyaa, waa amakaage?

 

Illaah hana wada siiyo iimaan iyo awood aan wax ku cafino kuna kala roonaanno. Aamiin.

 

Inta dhimatey Allaha u naxariisto, aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Changed   

Gen. Gaani waxa uu ahaa nin axmaq ah

Acuudi billahi minasheydani Rajeem the Guy is dead cut him some slack

 

i would like to state ALLAH FORGIVES THOSE THAT FORGIVE

ALLah U Naxarista ameen; muslim waaye and ALLAH HA NA SOO HANUUNIYO

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

When Cigaal, Cabdiraxmaan Tuur and others from Somaliland died we all wish them naxariis even thought many of them were accused of heavy crimes when they were alive na'mean.

 

Suldaanka, Spadez and Xarago, you are good people na'mean. You should be above going after a man who is dead and can't even defend himself na'mean.

 

No one is defending Gaani's actions. No single nomad came forward to do so na'mean. Just let the man rest in peace na'mean.

Share this post


Link to post
Share on other sites

All of us beleive that Allah is Just...but imagine this..At the Day of Judgement..when everyone is being judged for the good and the bad things they have done..and your sins include backbitting or bad words about someone you beleived was goin to hell..and instead due to those extra sins you go to hell..Inaa Lilaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun that is a bad scenario brothas...

 

just remember the way Allah will punish/reward him for his deeds so is you. Think about that...

 

Salaamaat..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Why am I not suprised? In here there are people calling for forgiveness, and that we are in the month of Ramadan and hence we should stir from condenming others. So I ask where was all this in your venom attack on S/land CID in regard to the 'alleged' story of the 15 year old. Or is it 'la jifiyana banan' in regards to other matters?

What a naked hypocrisy by some SOL users.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this