Sign in to follow this  
Xudeedi

Nairobi: Puntlanders gather to discuss the future of the lower Juba (Pics +audio)

Recommended Posts

Xudeedi   

Nairobi: Kulan ayay isugu yimaadeen Beelaha ***** ee ku dhaqan magaalada Nairobi,shirkaasi ayaa ahaa mid ay beesha ***** iyo Carab Saalax kaga tashaneeyeen Arimahooda, gaar ahaan Xaalada Juboyinkan ee cakiran.

 

Siyaasiyiin badan oo uu ka mid yahay Raisalwasaarihihii hore ee Dawladii C/Qaasim Salaad Xasan Xasan Abshir Faarax ahna Mudane ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa Kulankaasi Goob Juug ka ahaa, iyo Gudoomiyaha degmada Kismaayo waa wakhtigii C/laahi Mr Tima Jilic, Cuqaal iyo Ganacsato.

 

Dood dheer ka dib waxa la sheegay in Kismaayo ay tahay in Magaalo Istaaraatiiji ah isla markaana u Baahan in la bad baadiyo oo ay Beesha ***** iyo Beesha kale ee Meher Carab Saalax iska Kaashadaan qaabkii dib Magaalada Loogu soo celin lahaa.

 

Waxa La xusay in Beelaha Ugu cududa wayn Jubada Hoose ee ka mid ah Beesha ***** Khaasatan Beesha Cawramale ee Warsangali.iyada oo la sheegay in Dhaqaale iyo Cudud lagu Taageero Ciidamada Beesha ee haatan ku Hadhay deegaanka Kismaayo.

 

Qodobadii laysla soo qaaday waxa ka mid ahaa:

 

1- Xoojinta Jubbada Hoose Gaar ahaan Xarunta Gobolka ee Kismaayo.

 

2- Dar dar galinta Qorida Ciidamada Beelaha Jubooyinkan ee ay Tababarayso Dawlada Kenya.

 

3- Taaba galinta Maamulka laga wado Jubooyinkan iyo Ka Muuqashada Beelaha ***** iyo Carab Saalax

 

4-Isku xidhka Beelaha Dal iyo dibad iyo in Xidhiidh Joogta ah ay Yeesheen Cuqaashaha Beelaha.

 

5-Abuuritaan Sanduuq Dhaqaale oo lagu Maal Galiyo hadba Baahida Deg Deg ah ee markaasi soo is taagta,sida daryeelka Caafimaadka Saraakiisha Beelaha ee Tababarka Ugu jira Xeryaha dalka Kenya.

 

6-in la Abuuro 4Gudi oo kala ah 1-Gudi Dhaqaale 2-Gudiga Marjac ah oo Loo Noqdo 3-Gudi Abaabul ee ka Fadhiisata Shirarka iyo qaabkii loo Agaasimi lahaa.4-Gudi Siyaasadeed

 

Waxa iyana xusid mudan in aad looga hadlay Arinta Laas-caanood oo la sheegay inay tahay Magaalo Muhiim ah oo ka Maqan acanta Beelaha ***** iyo Beesha Carab Saalax isla markaana laga shaqeeyo qaabkii dib loogu soo celin lahaa, sidoo kale Amaan xumada Puntland la soo daristay ayaa si xoogan loo lafa Guray, meeshan aad loogu soo cel celiyay inay Pl tahay Meesha kaliya ee Beelihu Miisaanka wayn ku Leeyihiin isla markaana ay u baahantahy Bad Baado.

 

Hadaba Arimahaasi oo dhan ayaan Waraysi Maqal ah kala Yeelanay C/raxmaan Maxmed Maxmuud Maacir oo ku Hadlay Afka Reer Maakhir Dhawaan hadii eebe Idmo ayaan idiin Soo gudibin Waraysigaasi.

 

Dhahar.com

 

Xarunta

 

Africa

 

103_1939_3.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

DHAGAYSO---- Gudoomiyaha Jaaliyada Maakhir ee Kenya oo ka warbixiyey shirkii beelaha ***** ee magaalada Nairobi...

 

Audio Link: http://www.dhahar.com/article.php?articleid=8988

 

Nairobi: Gudoomiyaha jaaliyada Maakhir C/raxmaan Maxamed Maxamuud oo ka warbixiyey shir ka dhacay magaalada Nairobi oo ay yeesheen beelaha ***** ee isla magaalada Nairobi. Shirkaasi oo looga arinsaney ciidamo Kenya lagu taba barayey oo ah ciidamada dowlada federaalka, isla markaasina loogu talagalay sidii ay maamul ugu sameynlahaayeen jubooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Maakhir:-Jaliyada Kenya oo Baaq ka Soo Saartay Xaalada Jubooyinkan

 

Hadaanu nahay jaaliyada ka soo jeeda Gobolada Sanaag,Haylaan,G.G..Bari iyo Jubooyinka, ee jooga wadanka Kenya waxaan baaq wacyi gelin ah u diraynaa dhamaan jaaliyadaha ka soo jeeda goboladaasi kor ku xusan.

 

Baaqaas oo ah in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada iyo hawalaha ka socda wadanka Kenya, ku waasi oo ku wajahan sidii maamul iyo ciidamo loogu samayn lahaa Gobolada Jubooyinka.

 

Iminkana la xereeyey ciidamo gaadhaya 2500 oo askari iyo maamul ka kooban 170 qof, maamulkaasi oo laga hirgelin doono gobolada Jubooyinka iyo degmooyinka ay ka kooban yihiin oo dhan,

 

Ciidankan oo iminka tababar uga socdo Kenya magaalada Isiolo, oo ah wejigii kowaad ee tababarku ku bilowday,uuna jiro wejig labaad iyo sadexaad loogu talo galay in ay qabtaan gobolada jubooyinka.

 

Sidaa awgeed waxaa looga baahan yahay dhamaan jaaliyadaha ku abtirsada goboladaasi kor ku xusan

 

A) In aynu ka qaybqaadano hawlaha ka socda Nairobi ku waasi oo kala ah sidii qaybteena aynu uga qaadan lahayn ciidamada la qorayo iyo maamulka la dhisayo.

 

B) Hawsha hore waxaa u bilaabay beelaha Ugaadeen iyo ********* oo keliya,sidaasi daraadeed beelaha ***** hada ay bilow u tahay hawshaasi, waxaa loo baahanyahay sidii aynu qaybteena uga qaadan lahayn waxqaybsiga *****ga inaga oo cudud wayn ku leh jubooyinka oo arinku quseeyo.

 

C) Dhaqaalaha waxaa bixinaya dhinaca xeraynta iyo tababarka ciidamada, Dawlada Kenya, waxaase lay nooga baahan yahay in aan :

 

Dhalintii iyo saraakiisii inooga qaybqaadan lahayd tababarka iyo maamulka

 

D)Waxaa ciidanka markii uu tababarku udhamaado la siinayo hub iyo baabuurta Gaashaaman oo ku wa dagaalka ah

 

Waxaa loo baahan yahay in aynu qabteena ka helno

 

Waxaanu aad ugu boorinaynaa ugu war gelinaynaa cidii danaynaysa Jubooyinka iyo dadka dega ee asal ahaan Maakhir ku abtirsada ee ka soo jeeda goboladaasi oo dhami

 

In ay shirar deg deg ah ka yeeshaan arinkasi,oo ay xidhiidh la soo sameeyaan Jaaliyada Maakhir ee wadanka Kenya oo iyadu ku hawlan arinkani.

 

Sidoo kale in ay xidhiidh la sameeyaan duqayda iyo waxgaradka Jubooyinka degan ee reer Maakhir. Si dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadu ay abaabulkaas iyo qaybsigaasi uga qaybqaataan.

 

Nimaan hadlin hooyadii qadisay waxaa inagu badan erayga ah waa layna qadiyay ama meeshaasi cadkeenii lama keenin sidaasi daraadeer nin aad cadkiisa doonan nina ma siiyo.

 

Hadaba halooga qaybqaato hawshaan si ay u hadho xanafteeda iyo hadal danbe oo ay yeelato.

 

Waxaanu baaqaan dhamaan usoo jeedinaynaa qaybaha kala duwan ee bulshada sida Guurtida,Isimada.Aqoonyahanada,Culimaa'udiinta,dhalinyarada ,ururada bulshada iyo haweenkab eek u dhaqan dunida daafeheeda yar iyo wayn

 

Arinkan yaan la dhayalsan jaaliyada iyo ururka dhalinta ee Maakhir Kenya waxay xusul duub ugu jireen mudooyinkaan sidii laysug xidhi lahaa oo xidhiidh joogta ah loogu yeeli lahaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshad Maakhir waqooyi iyo Maakhir koonfurta Soomaalia.

 

Ilaah mahadi haka gaadhee waa hirgalay isku xidhka iyo isku dubaridka bulshada Maakhir koonfur iyo Maakhir waqooyiga Soomaaliya

 

 

 

Jaaliyada Maakhir ee Kenya

 

1:Xasan Hilaali Ugaaska guud ee beelaha ******* ee geeska Africa

 

2.C/laahi Xasan Maxame "C/laahi Goobe"

 

3.Ismaaciil Xassan Guray

 

4.Aadan Xaji Cali "Aadan Ciid"

 

5.C/raxmaan Maxamed Maxamuud "Maacir"

 

7.Saleebaan Cismaan Saalax Gudoomiyaha Golaha Barbaarta Maakhir

 

8.C/salaam Cismaan Bulqaas"Khasnaji"

 

9.Cumar Saalax

 

10.Saalax Bulxan

 

11.Axmed X. Cawad

 

12.Axmed Faras

 

13.Xamse Aadan X.Ciise

 

14.C/qaadir Khaliif C/nuur

 

15.Mahdi Maxamed Maxamud

 

16.Cali Axmed Cali Jiis

 

17.Siciid Maxamuud Xassan

 

18.C/xakiin Timafaras

 

19.Axmed Ciise Abdi

 

20.Axmed Yuusuf Cali Ciid

 

21.Mukhtaar Cabdi Ducale

 

22. Faarax Maxame Aadan" Jiidhaa"

 

23.Axmed Maxamuud Maxamed "Basbaas"

 

24.Jaamac Ayaan Ismaaciil

 

25.Caasho Qaalib Maxamed

 

27.Ubax C/laahi Cartan

 

28.Cali Maxamed Xassan

 

29.C/raxmaan Nuur Cali

 

3.. C/laahi Aadan Ciid

 

31.Maxamuud C/qaadir Muuse "Xidig"

 

33.Maryan Maxamuud Faatax

 

33.Aamino Xirsi Faroole

 

34.Xaliimo Maxamed Cabdale

 

35.Xaawo Canbaashe

 

 

 

wixii faahfaahin ah oo intaa dheer kala xidhiidh numberada hoos ku qoran :

 

Ugaaska beelaha ******* Ugaas Xasan Hilaali +254721337776

 

Indheer Garad C/laahi Xasan Maxamed Goobe +254721661663

 

ama barta internetka ee

 

Makhiryouthforum@hotmail.com

 

ama P.O. Box: 00600 - 3292

 

 

 

Daabacaada:-Jaamac Feyte

 

Dhahar.com Maakhir:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Xaaji: Your greatest ambition is reaching out to Maryan Mursal "Riwaayada recognition", what do you know of the lower Jubba?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xudeedi:

Xaaji: Your greatest ambition is reaching out to Maryan Mursal "Riwaayada recognition", what do you know of the lower Jubba?

I know my cousin Maxammad abu bakr seylici rules it with Kitaab weyn iyo khaamis cad :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

quote:Originally posted by Xudeedi:

Xaaji: Your greatest ambition is reaching out to Maryan Mursal "Riwaayada recognition", what do you know of the lower Jubba?

I know my cousin Maxammad abu bakr seylici rules it with Kitaab weyn iyo khaamis cad
:D
Lol. Maybe you know your cousin rules there and it makes you grin with uneasy joy yet you dread when ina Godane decides to march up North? :D Waxbaa idin haysta - nimankaad ka baqeeyseen inaad ku faantaan hadana. Lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by Xudeedi:

Xaaji: Your greatest ambition is reaching out to Maryan Mursal "Riwaayada recognition", what do you know of the lower Jubba?

:D

 

Thanks Xudeedi. I like the fact our people of Bulo Haji are playing a major political role in the region since that is where they form majority.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Puntlanders and Jubba can't go together unless Puntland = Clan. I thought Puntalnd was on northeastern of Somalia. Can good Xudeedi explain where the relationship is coming from here?

 

 

On the other hand, Xaaji Xunduf, unlike you, Xudeedi calls all Somalia his home, adigu 3da magaaalo xabsi iskaga dhig.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by The Zack:

Puntlanders and Jubba can't go together unless Puntland = Clan. I thought Puntalnd was on northeastern of Somalia. Can good Xudeedi explain where the relationship is coming from here?

 

 

On the other hand, Xaaji Xunduf, unlike you, Xudeedi calls all Somalia his home, adigu 3da magaaalo xabsi iskaga dhig.

Stay current, Zack. You mean 6da Magaalo! You left out the regional capitals of Borame, Erigabo, and Las Anod....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this