Sign in to follow this  
Wiil Cusub

Anti Rayaale Song hit in hargeisa

Recommended Posts

This is realy great song with good lyrics:

 

....Soo Dhaadhadhac ka dhaadhac

Dhiishadu ma buuxsantee ka dhaadhac

Dilaal noo dhuuntow ka dhaadhac.

Dhalaan qadiyoow ka dhaadhac.

 

Xilkaanu kuu dharinay dhismaha Somaliland

dhantaashay dhaqaajin wayday.

Dhul iyo daaraba xaraashay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fannaanad Shaqadeedii ku weyday Hees ay Qaaday oo ku Lid ah Daahir Rayaale

 

SDWO (Hargeisa 05/10/09) Xukuumadda somaliland, ayaa shaqadii iyo mushaharkiiba ka joojisay fannaanada lagu magacaabo Saado Cabdi Xaashi (Saado Qaran) oo ka mid ah kooxda fannaaniida Ciidanka Qaranka, kadib markii ay dhawaan iyada iyo koox kale oo fannaaniin ahi ku luuqeeyeen hees si weyn u dhaliilaysa waxqabadka Madaxweyne Rayaale oo la yidhaahdo Dillaal Noo Dhuuntay.

 

Fannaanada Saado Cabdi Xaashi oo xalay go’aanka shaqada iyo mushaharka lagaga joojiyey uga waramaysay Idaacadda Radio Horyaal, ayaa sheegtay in arrintaasi la xidhiidho heestaas cusub ee ay wax ka qaaday, sidaana ay masuuliyiinta Ciidanka Qaranku ugu caddeeyeen qoraal ay shaqada iyo mushaharkaba kaga joojinayaan. Waxa kale oo fannaanadu sheegtay in masuuliyiinta Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiisku ku wargeliyeen in guriga ay degan tahay oo ay dawladdu leedahay ay ka guurto.

 

“Anigu sida runta ah heesta waan qaaday, afar fannaan baanu ahayn markaa laba ayaa kooxda milatariga ahaa aniga iyo inan, kadib shalay [sabtidii doraad] ayaan mushaharkii doontay, waxa la igu yidhi musharkaagii laguma siinayo oo waxa xannibay hoggaankii fannaaniinta kooxdiina. Waxaan ku idhi maxaa sababay, dabadeedna waxa la igu yidhi hoggaankaagii la xidhiidh, markaa telefankiisii waanu isweynay, laakiin warqadii shaqada la igaga xanibay ayaa la i tusay,” ayey tidhi fannaanada Saado Cabdi Xaashi (Saado Qaran)

 

Fannaanada oo la weydiiyey asbaabta shaqada lagaga joojiyey ee warqadaasi lagu qoray waxay ahayd, waxay ku jawaabtay, “Haa sababtu way jirtay oo waxay ahayd heesta, waxaanay warqadu ka timi Madaxtooyada. Waxaanay tilmaamaysaa in aniga oo dawladda ka tirsan aan dawladii aflagaadeeyey, aniguna aflagaado aan sameeyey may jirin ee hees baan qaaday, fannaanadna waan ahayn, wacyigan taagana waan ka hadlay.”

 

Saado Qaran oo la su’aalay waxa iyada ganaaxa ku gaar yeelay, maadaama ay horeba u jireen fannaaniin heeso kale qaaday oo aanay jirin wax tallaabo ah oo laga qaaday, waxay tidhi; “Wallaahi anigu ma garan karo, waxaaba taa ka daran oo aan la yaabay waxa weeye inankii aanu isku kooxda ahaynba lagama jarin mushaharkii ee waa la siiyey, markii aan idhi sababta ay ku timi in laba qof oo isku koox ah midna la siiyo midna laga jaro, waxa la iigu jawaabay isaga codkiisa lama garan ee kaaga ayaa adiga la gartay. Aniga xitaa guriga aan deganahay waxa la igu yidhi si degdeg ah uga guur, taas oo uu Wasiirku yidhi inkasta oo aanu aniga ugu odhan sida la ii sheegay.”

 

Source: Jamhuuriya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (HWN)- Madaxa Hoggaanka Wacyigelinta ee Ciidanka Qaranka Mr. Cali Bare Xuseen, ayaa ka hadlay fanaanad ah oo ka tirsan kooxda fannaaniinta ciidanka qaranka ee Gaashaan oo sheegtay in mushaharadii laga joojiyey, kadib markii ay qaaday hees madaxweyne Rayaale loo tiriyey oo lagu magacaabo ‘Dillaal Noo Dhuuntayoow.’

 

Mr. Cali Bare Xuseen oo xalay Jamhuuriya soo booqday si uu jawaab uga bixiyo warraysi fannaanada Saado Cabdi Xaashi (Saado Qaran) ay habeen horre siisay idaacadda madaxabannaan ee Radio Horyaal oo cadadkii Jamhuuriya ee shalay ku soo baxay, ayaa caddeeyey in aanay haba yaraatee waxba ka jirin sheegashada fannaanadaas ee la xidhiidha in mushaharkii laga joojiyey.

 

Madaxa Hoggaanka Wacyigelinta ee Ciidanka Qaranka oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Inantaa fannaanada ah waxay ka tirsan tahay kooxda fannaaniinta ciidanka qaranka ee Gaashaan, waxaanan idiin caddaynayaa in aanu jirin wax mushahar ah oo laga joojiyey iyo ruqsad shaqadii lagaga joojiyeyba, cid ay kala kulantay madaxda xukuntana ma jirto, markaa hadalkeeda ay warbaahinta siisay ee ku sheegtay in mushaharadii laga joojiyey waa been abuur ay iyadu samaysatay.”

 

Taliyaha oo aannu weydiinay inay jiraan wax tallaabo ah oo ay hadda damacsan yihiin inay ka qaadaan fannaanadan, waxa uu ku gaabsaday inay marka hore kulan la yeelan doonaan, iyagoo weydiin doona waxa ku kellifay inay tidhaahdo madaxdii ciidanka qaranka ayaa mushaharkii iga joojiyey.

 

Hadalka uu jawaabta ka bixiyey madaxa hoggaanka wacyigelinta ciidanka qaranku ee ay fanaanada Saado Cabdi Xaashi ku sheegtay in mushaharradii laga joojiyey oo ku soo baxay cadadkii shalay ee Jamhuuriya waxay ku tidhi; “Anigu sida runta ah heesta waan qaaday, afar fannaan baanu ahayn markaa laba ayaa kooxda millatariga ahaa aniga iyo inan, kadib Sabtidii ayaan mushaharkii doontay, waxa la igu yidhi musharkaagii laguma siinayo oo waxa xannibay hoggaankii fannaaniinta kooxdiina. Waxaan ku idhi maxaa sababay, dabadeedna waxa la igu yidhi hoggaankaagii la xidhiidh, markaa telefankiisii waanu isweynay, laakiin warqadii shaqada la igaga xanibay ayaa la i tusay,” ayey tidhi fannaanadu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Saacadaada ka hortow abidkaaba saarow miyaa sheekadu... Riyaale macalinkiisii buuba bara dheereeyey, khaldaamiintii wuxuu isugu qasay dimquraadiyad iyo socialism... innaa fajacnaa, wa amankaagnaa smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ :D

 

Riyaale nin xun ma ahan, meesha ragii udhiibtay ayuuna nabad kula joogaa dadka malaayo ee hala iska daayo, meesha ha iska sii haysto ilaa Alshabaab uga imanayaan, markaasna si nabad ah Godane xukunka ha ugu wareejiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this