Sign in to follow this  
Maaddeey

Siciid Mire Xaydar oo Xamar ku geeriyooday

Recommended Posts

Maaddeey   

Mid ka mid ah Fannaaniinta Caanka ah ee Soomaaliyeed xalay ugu geeriyooday xanuun awgiis Magaalada Muqdisho

 

Axad, June 20, 2010 (HOL) − Waxaa xalay ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Siciid Mire Xaydar oo ka mid ahaa fannaantiinta caanka ah ee Soomaaliya, kaddib xanuun uu Isbitaalka ugu jiray dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay.

 

Marxuum Siciid Mire Xaydar ayaa waxaa isla maanta lagu aasay Qubuuraha KM-13 ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu aasay Qabri ku dhow midkii Aabbihiis Mire Xaydar Cawaale oo horay ugu geeriyooday Muqdisho.

 

Abwaan Max'ud Max'ed Sahal (Shiddo) iyo Abwaan Xasan Max'ed Max'ud (Jacayl) oo aqoon wanaagsan u lahaa Marxuum Siciid Mire Xaydar ayaa sheegay inuu ahaa fannaan qayb ka qaatay dhismaha kooxidii Heegan oo uu ka tirsanaa.

 

"Marxuum Siciid Mire Xaydar wuxuu ku dhashay 1955-kii Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud, wuxuuna ku koray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, isagoo sidoo kalena kusoo barbaaray Degmooyinka Xudur iyo Luuq, maadaama uu Aabbihii ahaa Askari" ayuu yiri Abwaan Max'ud Max'ed Sahal (Shiddo).

 

Sidoo kale Abwaan Shiddo wuxuu sheegay inuu fanka Soomaliyeed kusoo biiray sannadkii 1971-kii isagoo kusoo baxay tartankii heesaha hirgalay oo uu ka qaybgalay, wuxuuna ku biiray Kooxda Heegaan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

 

Abwaaan Xasan Jacayl ayaa isaguna sheegay in Marxuum Siciid Mire Xaydar uu ahaa fannaan aad u cod wanaagsan, isla markaana lagu xusuusan doono heeso kala duwan oo uu ka tagay, wuxuuna xusay inuu ahaa nin aad u dabeecad wanaagsan.

 

Tan iyo markii ay Soomaaliya gashay burburka waxaa dalka ku dhintay fannaaniin iyo Abwaanno fara badan oo ay ka mid ahaayeen: Xuseen Aw-Faarax Dubad, Cabdi Muxumad Amiin, C/lla Nuuradiin Axmed, Axmed Nuur Jaangow, Bashiir Ibraahim Cabdi, Xasan Diiriye Faarax, Habboon C/llaahi, Saafi Ducaale iyo Fannaankii kale.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

allaha unaxariisto marxuumka, danbigiisa dhaafo

 

but why is maaddeey posting this?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

I didn't know I was restricted, xaa dhacay?.

 

Nin Muslima oo dhintay, oo Soomaaliyeed soow maaha?

Dhamaan fanaaniidinta Soomaaliyed ee kala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo qaarkoda la Hadley idacaada Shabelle ayaa waxaa ay u tacsiyeeyeen geeraabadii Saciid Mire xeydar, waxaana fanaankasi uu caanka ku ahaa heesa dibacsan iyo kuwa nabi amaank ah inkastoo qaar kamid ah fanaaniintii ka hadashey geerida fanaanka ay sheegeen in mudooyinki danbe uu fanka ka fariistey.

www.shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

dont mind me, i have suspicious mind lakin being you i thought your interest in fanaanin were very very limited

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

His timeless line is unforgetable.

 

"Waloow dhaylo aad tahay

oo hadana la dhaqankiyo

Dhunkashada ku wacan tahay,"

 

Allah yarxama.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Abtigiis & Tusbax:

His timeless line is unforgetable.

 

"Waloow dhaylo aad tahay

oo hadana la dhaqankiyo

Dhunkashada ku wacan tahay,"

 

Allah yarxama.

Aamiin.

 

Waa runtaa A&T saaxiib S.M.X. (AUN) heeso iyo cod si gaar ah loo tilmaami karo ayuu lahaa.

 

Hawl-wadaagta Bari

Wardhiigleey agteediyo

Hodan waaxyaheediyo

Derbiyo isku waabkii

Ma illowdey wacadkii

 

sadarro ka mid ah heestii Warmoogeey Naftaydaay oo sida miraga laga dhadhansan karo uu hoobalku uu naftiisa ku canaanayey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

ilaahay ha u naxarito eheladisana sabar iyo iman haka siiyo.

Dunidu wa labo galin. Ilaahay inteena nool xaqa hanawafajiyo.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this