Cawaale

Nomads
  • Content Count

    1,272
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cawaale

  1. gooni;783086 wrote: Huuno ilaahay nama nebcee diinta islaamka si fiican u baro inta calaacalka iska daysid,. dadna aduuunkaa looga gooyaa waxay geysteen waana kuwa khayrka badan kuwana dib baa loogu dhigaa xisaabta alle waana kuwa dhibka badan Nin-Yaaban;783396 wrote: Runtaa. Haddii kale waxaan lahaa? Aaheey..Soomaalida iyadaa isu nacab ah.
  2. Faah faahin ayaa ka soo baxeysa qarax ismiidaamin ah oo saaka aroortii ka dhacay Magaalada Beledweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo qaraxa ahaa mid aad u xoogan oo gil gilay Magaalada oo idil. Sida ay sheegayaan wararka Gaariga qaraxa fuliyay ayaa ahaa gaariga dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka, kaasoo laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa, waxaana kaxeynayay ruux naftii hure ahaa. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ka hor la maqlay rasaas la sheegay in Askari ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo taagnaa banaanka hore Xarunta uu riday, ka hor inta uusan gaariga ku soo dhowaan, kadib markii uu ku amray inuu joojiyo gaariga, balse ka dhaga adeegay. Wariyeyaal ku sugan Magaalada Beledweyn ayaa soo sheegaya in qaraxa uusan geysan qasaare sidaa u weyn, gaar ahaan dadka rayidka ah oo xilliga uu dhacayay aanay goobta ka ag-dhoweyn, balse ay jiraan guryo qaar oo bur bur ku yimid. Sidoo kale lama sheegi karo qasaaraha gaaray Ciidanka Itoobiya, inkastoo gaariga aanu u gelin gudaha Xarunta Gobolka, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Beledweyn. Hase ahaatee Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxa ismiidaaminta ee lala beegsaday Xarunta Gobolka, kaasoo ay ku sheegtay inay ku dileen Askar badan oo saf ku jiray, balse ma aanay cadeyn tirada askarta. Laakiin warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in gaariga qaraxa fuliyay uu markii hore damacsanaa inuu isku qarxiyo Hotelka Madiina oo ay degan yihiin, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, balse Ciidamo isku gadaamay Hotelka oo ammaankiisa sugayay ay gaariga celiyeen inta aanu soo gaarin laamiga looga galo. Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ayaa isku gadaamay goobta qaraxa ka dhacay, waxaana socda howl gal ballaaran oo ay ka wadaan Xaafadaha Magaalada oo idil, iyadoo uu hakad ku jiro dhaq dhaqaaqa guud ee magaalada oo Bandow ah. Qaraxan ismiidaaminta ayaa noqonaya kii u horeeyay muddo saddex sano kadib ka dhaca Magaalada Beledweyn, kadib weerarkii ismiidaaminta 18-kii June sanadkii 2009-kii lagu dilay Wasiirkii hore Amniga Col. Cumar Xaashi oo xilli isaga saraakiil Odayaal ku sugnaayeen Hotelka Madiina lagu qaaday.
  3. ^A grenade that is thrown at an army convoy in El-ade is not as significant as the reason behind his presence in SOL. eJihad.
  4. Blue, stop giving advice to the sheikh, dooteer guruuga. take it from him Now my question to the good dooteer is why did u leave somalinet? and what do hate/like about SOL. Mahadsanid dotoore.
  5. Abwaan, Sow arin la yaab le ma aha in nin aad ku leedahay "Walaalkeen" despite your differences, in uu isaga ku gaaleeyo, because of the same differences!. Maanka hanoo taliyo, Maskaxdana ha shaqeyso wamal xayaatu Dunyaa Illaa mataac al ghruur. Maki Xaaji Banaadir.
  6. W'Salaam W'W. Jimca Wanaagsan Aay Juxa. Maanta our imam was in hurry. Salaadda dhan Due minuto uuba ka dhigay. Qaabkiisa aan u jeedaa dagaal aa la siinaa nooh. Oday dhib badan aa nala degan xaafadda. Ar ninkaan maaddeey lakkad ahaa? Maanta mama Caasha aa kaa dhex guuxuuso yaah?
  7. Madax ahow, ama maato(Shicib) ahow waa laguu hayn sxb. Ii was sheekadaa...
  8. I think publishing such videos at this time does NOT bring any good.
  9. Gotta love taliban and their love/hate relationship with women. If Sigmund Freud was alive today, he would definitely have them examined. Too bad for them he is not around and nobody else would except such impatient patients
  10. Qaar kamid ah haweenka Muslimaadka ah ee ku nool wilaayada Bay iyo Bakool ayaa bilaabay in ay ka baraa'a qaataan Raggii qabay oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee gaalada la shaqeyso. Taariikh cusub ayay soo hooyeen Haweenka Muslimaadka ah ee Bay iyo Bakool kadib markii ay cadeysteen in ay kala diin yihiin Raggii qabay oo Itoobiya iyo Mareykanka u shaqeeya. Inkabadan 12 Haween Muslimaad ah ayaa maanta Maxkamadda wilaayada Bay iyo Bakool iska xaadiriyay kadibna waxay ku dhawaaqeen in ay iska fasaqeen Raggii ay muddo sanada ah u dhaxayeen. Xaaskii uu qabay Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed ayaa magaalada Diinsoor ka sheegtay in ay iska fasaqday Ninkeedi oo ay markii hore walaalo wada nool ku ahaayeen diinta islaamka markii uu safka cadawga ku biirayna ay laba xayndaab kala naqdeen. Yaasmiin Xasan Warsame ayaa muddo 34 sana ah u dhaxaysay Madoobe waxayna u dhashay carruur isugu Gabdho iyo wiilal balse maanta ayay soo afjartay la noolaashiyihii Madoobe. Arrinta xiisaha leh ayaa ah in Intabadan carruurta Madoobe ay kamid yihiin ciidamada Mujaahidiinta waqti horana ay ka baraa'a qaateen Aabahood oo ay wax wada cunaan Ilma Doofaar iyo Ilma Daanyeer. "Kadib markii aan fahmay diinteena Islaamka waxaa waajib igu noqotay in aan ka Baraa'aqaato Madoobe Nuunow oo aan xaas u ahaa 34 sano ilmana aan u dhalay, waxaan maxkamadda islaamka horteeda ka cadeynayaa in aan ka fasaqday Madoobe" ayay tiri Yaasmiin. Shamso Cabdullaahi ayaa iyana kamid aheyd haweenkii maanta ku dhawaaqay in ay iska fasaqeen raggii qabay ee katirsan DKMG ah, haweenkii maanta iclaamiyay in ay iska fasaqeen xildhibaano,wasiiro iyo saraakiil DKMG ah katirsan waxay gaarayeen 13 haween ah. Dowrooyinka diiniga ah iyo dacwada ay ducaadda islaamka u qabtaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa sababtay in dad badan fahmaan diintooda islaamka ayna qaataan waxyaabaha awaamirta ah kana tagaan waxa alle ka reebay. Source:http://somalimemo.net/index.php/component/content/article/1-warar/362-madoobe-nuunow-iyo-xildhibaano-kale-oo-xaasaskii-ay-qabeen-ay-ka-fasaqdeen-maxay-tahay-sababtu-warbixin
  11. NGONGE;770907 wrote: Mo odhan "waan idin salaamay", saaxib. Wuxu yedhi "Waa la idin wada salaamay". Ma khalad baa in aan ku idhaahdo "adiga iyo?"..it's actually polite, methinks. Ngonge, Waa la idin wada salaamay means literally "You all have been greeted" Hadaba why would u say "You and.."? I fail to see why you have chosen to ask that? I mean the sensible question here would be "Me and.." instead of "You and.."..Illayn the man said "Waa la idin wada salaamay" NOT "Waan idin wada salaaNay. Wax fahan:) Was it Nuune whom you asked the a question, he usually has invisible company most of the time.
  12. I wished Kool Kat was with me nooh. Indhaha adag ha ka madoobeysee. Markaa u baahantahay somewhere in Tdot ay cadees ku caboosaa.
  13. ^Juxa, It was in funeral so i let it pass. Dadkeenna ilaahay ha u sahlo.
  14. I was with my niece the other day when a 40-something lady approached us, apparently she knew me from somewhere. She said Assalamo Alikom and then asked me if the young girl holding my hand was my sister? I told he she is my niece, then she said "Oh that explains it".! I asked her now knowing her ill mind what she means by that? She was so ignorant that she didn't even consider the little girls feelings..she said " Inanta waxaan u heystay madow afrikaan ah, ma cunugan gubatay baa Soomaali ah baan lahaa" she added "Is she born to a foreign father, Jamaican perhaps? So are we rude? Hell yes. PS.I don't even know the women.
  15. I should call my friend AbdiSalan Ato. This will make a good low budget movie
  16. Hope you guys are not celebrating the Ethiopian incursion into Somalia. I mean comon? Beledweyn has all being breathtaking. Beledwyne Allahayow ka dhig meel xor ah!
  17. Welcome home Nina. This got me giggling wallahi. "Considering the fact that Im ignorant in everything Africa....I need tips on where to find a nice appartment." Africa is not block Abaayo. joking. Where is MMA and Nuune? they are the real Africans here.
  18. Xaaji, I don't want to burst your bubble here, but this whole thing is a joke. As for Abdikasim opposing this, i don't think that too gives any credibility to to this. The gentlemen above met Madam Muna in the African civil societies center. BTW If the the Somali Embassy in Cairo wants to do something about this, at the very least they can talk directly to the Egyptian authorities not to Hadhawanaag. Somalis in Egypt are one, despite your wet dreams sxb. I remember in Arta days when Abdikasim was elected president Egypt did something that aggregated Somalia(..Some Somalis) and there was Anti-Egypt demos in Mogadishu. The same thing can happen now with little help from Tarzan, the Somalis in Egypt and Aljazeera. Egypt dividing Somalia. The Syrians(Pro and Against Assad) did it. The same thing with Libyans. what do u think?
  19. You know what always strikes me? Is how our people do anything for the sake of LEADER. I mean this love and support could vanish in blink of eye IF Faroole chooses to dismiss the road map. What will they do markaa? NOTHING. The something happens everywhere. Look at Western Somalia, the Pro-government/Ethiopia mobilizes the people when ever necessary. Tarzan of South Somalia did the same thing in Farmaajo days. Aidid and Ali used to do. Also not forget the Borama flag wavers. Even the Kenyans have managed to do so now Kismao. If you are standing up, do it for cause and be genuine.
  20. Waxaa la igu dhahay the lack of proper street lighting is hindering rescue workers trying to help the victims. Pray for them in uu Ilaahay nabad yeelo.
  21. DEG DEG: Gaari ay saarnaayeen Taageerayaasha Degmada Wada Jir oo goor dhow ku rogmada agagaarka Isgoyska Dabka War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Shir gaari qasaare baaxad leh geystay uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Dabka, kadib markii gaari kuwa xamuulka oo ay ka buuxeen taageerayaasha degmada Wada Jir uu kula rogmaday halkaas. Qasaaraha oo aan wali la heyn tiradooda ayaa goob joogayaal ay sheegeen in dhimasho iyo dhaawac fara badan uu ka dhashay shilka oo ahaa mid aad u xumaa. Wararka ayaa intaa ku daraya in gaariga rogmaday uu hada ku dul jiifo qaar ka mid ah dadkii saarnaa, iyadoo ay socdaan gurmad la doonayo in dadka laga soo dhex saaro gaariga. Mar aan la xiriirnay Gudoomiyaha degmada Wada jir Axmed Daaci ayaa inoo sheegay inuu ku mashquulsan yahay tirakoobka iyo qasaaraha uu geystay shilka, isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay. Ciyaartii Sema Finalka ee Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo galabta ay isaga hor-yimaadeen degmooyinka Wada Jir iyo Yaaqshiid ayaa bar bar dhac gool iyo gool ku dhamaatay, iyadoo degmada Yaaqshiid ay markii dambe ku badisay rigoorayaal la dhigay oo ay ugu soo baxday Finalka. Tartanka ciyaaraha degmooyinka oo ah mid xiiso gaar ah leh ayaa waxaa u soo daawasho taga boqolaal dadweyne ka kala yimaada 16-ka degmo, iyadoo Maamulada degmooyinka ay u sahlaan dadweynaha gaadiid ay ku tagaan garoonka, si ay taageero ugu noqdaan Ciyaartoyda degmooyinka. Wixii ku soo kordha qasaaraha shilka kala soco wararkeena dambe Source: jowhar.com
  22. Showqi ciyaal umul tooryo waaye illeen. MMA waanba ogahay asiga asoo Buraashad asiga la eg wato aan arki jiray. Hodan meesha boorash maa la qeybinooyaa. Guys, Horta horoow ma u arkoosiin in kooxda Hiliwaa(Huriwaa) ay saraawiil dhaadheer xeranyihiin? That is because wali scars-kii AS aa ku dambeeyo. Mamnuuc.com Waaberi/Shibis/Boondheere/Yaaqshiid.
  23. Subax Wanaagsan trollers. Shaaxayga sinjabiil(ginger) aan ku rabaa. Qofka na marti soorooyo yaa waaye horta?