
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Bismilaahi Raxmaani Raxiim. Mudane Iyo Marwooyin, waad salaamantihiin Dhamaantiin. Xaalka maanta dalku uu marayo dhamaanteen waan kawada warqab-naa, sidaasi daraadeed waxaan jecelahay in aan warbixin kooban marka ugu horaysa idinka siiyo xaaladda dalku marayo. Safarradii ugu danbeeyey ee aan ku tagay magaalooyinka Jabuuti iyo Nairobi waxay ku jihaysnaayeen kuwo watada tashi iyo falanqayn ku saabsan dalku maanta xaalada uu ku jiro, waxaana soo baxday in halka uu maanta marayo dalku ay tahay mid aan loo adkaysan Karin. Kulankii aanu wada yeelayan madaxda dalalka shiyeeye dhamaanatood waxaanu uga waranay maanta dalku hadduu sidan ku sii socdo in uu gacanta u galayo xoogaga kale oo aanu u sheegnay in aanay dani ugu jirin dhamaan dawladaha aduunka, waxaana noosoo baxaday in dhamaan ay iska indha tiryaan xaalada maanta dalku marayo. Dawlada maanta waxaan ka ahayn labada madaxtooye ee Baydhabo iyo Muqdisho gacanta uguma jiro, waxaana Gaalkacayo ilaa xuduuda dalka Kenya Gacanta ku haya kooxaha ka soo horjeeda dawladda, waxaanay arrimahan oo dhami ku yimaadeen xukuumadii sanad ka hor la magacaabay ee hadda aan shaqada hayn oo ka soo bixiweyday hawlihii iyo waajibaadkii loo xilsaaray. Mar haddii uu maanta dalkii halkaa marayo waxaan aniga ay ila tahay in aan sidaas lagu sii eegan Karin, loona baahan yahay in go,aan laga qaato. Ugu horayn waxaan u sheegayaa ummadda Soomaaliyeed in maanta dalkii Soomaaliya khatar horl eh soo food saartay, taas oo ay aad u soo baxday muddooyinkii ugu danbeeyey in kala qaybsanaata gudaha iyo danaha caalamku ka lee yahay Soomaaliya ay sii murgiyeen xaalada dalka ka taagan sidaasi daraadeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa qodobadan. 1-In la muujiyo isku duubni iyo midnnimo 2-In danaha gaarka ah laga horomariya danta guud oo laysku dayo in la badbaadiyo dalka, dib u heshisiintuna socotaa. 3-Soomaali waa in ay ka sii shaqaysaa sidii ay danaheeda iyadu u dhamaysan lahay meelna looga soo wada jeedi lahaa xal u helida dhibaatada dalka jirta. 4-Soomaalidu waa in ay aad ugu feejignaadaan faragalinta shisheeye ee Soomaaliya kala dhantaashay ee u diiday in uu salka dhigo dalka Soomaaliyeed Waxa kale oo aan doonaya in aan maanta shacabka Soomaaliyeed runta jirta la socodsiiyo, haddii hore laysugu xaman jiray in arrimaha Soomaaliya cid ka socon waayeen, waxaan maanta shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in aanan noqon doonin Nin loo tuso in uu is hortaagay geedi socodka nabada, sidaasi daraadeedna waxaan shacabka u sheegayaa in aan Iska Casilay shaqadii aan u hayey ummadda, maadaama afartiisano iyo bilihii aanu hogaanka haynay ilaa maanta aysan jirin wax is badelay, aniga ooh ore ugu balan qaaday in aan shaqadan iska wareejin doono haddaan waxba ka qaban kariwaayo dhibaatada dalka ka jirta, maantana aan fukinayo balantii aan hore u qaaday. Waxaana shacabka Soomaaliyeed leeyahay maanta anigu Nin weyn ayaan ahay oo waxbadan u soo joogay, wax badana Og,aduunyaduna waa muddo kooban oo aad noolaanaysid, ugu horayn waxaan ka codsanayaa Cafis iyo musaamax shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo uu joogo, laysna wada cafiyo, danta guudna laga wada shaqeeyo,halkii ay Soomaali waligeed iska soo horjeedi lahayd, in maanta meel loowada jeesto, waxaana qabaa in maanta lala shaqeeyo cidkasta oo ummadda Soomaaliyeed midayn karta, ciday doonaanba ha Ahaadeene , qofkuna wax waa hagaajin karaa, waxna waa halayn karaa, waana guulaysan karaa waana guul daraysan karaa,maadaama uu u adeegayo shacabkiisa. Waad salaaman tihiin dhamaantiin. C/laahi Yuusuf Axmed. Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya.
-
........
-
Winners Losers and the fate of Somalia :post TFG
Jacaylbaro replied to General Duke's topic in Politics
caafada xaa la dhahaa ?? -
HAMBALYO HAMBALYOO HUNGURIYOOW ,,,, Lakin nafta ha iska jarin niyow yaan lagaa dul jiidine ,, Noqda kuwii isku waaree isku farxa ee ubad khayr qaba kala hela ....
-
Winners Losers and the fate of Somalia :post TFG
Jacaylbaro replied to General Duke's topic in Politics
Tolow maxaan ka wadaa ?? -
Xidigo, anigu waxaan aqaanaa xagu gebi, xagu gebi guntu walac ...
-
Winners Losers and the fate of Somalia :post TFG
Jacaylbaro replied to General Duke's topic in Politics
I thought Lazie inay geeriyaysan tahay ,,, bal maxay meeshan ka qabanaysaa ?? -
Winners Losers and the fate of Somalia :post TFG
Jacaylbaro replied to General Duke's topic in Politics
The secessionist’s are the clear winners here. The rest of us have bad grades, Puntland gets a (D) The clan courts and the armed groups of Mogadishu get a (F) your group get a Horrible (HF). .... loooooooool@HF ,, -
They just know how to stone, karbaash and kill ..... anything else ??
-
Breaking news: President Yusuf to resign on Saturday...
Jacaylbaro replied to General Duke's topic in Politics
Good for him ..... it would have been even better if he did this some few months ago. -
Winners Losers and the fate of Somalia :post TFG
Jacaylbaro replied to General Duke's topic in Politics
The issue of SS will be solved Insha Allah ,,, I don't support any sort of violence unless it is necessary. -
hadhwanaag 2008-12-24 (Hadhwanaagnews) Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay si rasmi ah uga digtay masiibada ka dhalan karta, haddii ay dawladda Itoobiya ciidamadeeda kala baxdo dalka Somaliya. Xukuumadda Somaliland waxa ay bulshada caalamka ku canaanatay inay ku fashilantay inay ciidamo nabad ilaalineed u diraan Somaliya, iyadoo islamarkaana sheegtay in doorka Itoobiya ee Somaliya uu mudanyahay in la bogaadiyo. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo dhawaan u waramay Wargeyska Ethiopian Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay aqoonsiga Somaliland, waxaanu sheegay inuu aaminsanyahay inuu darbiga xaaraanta ah ee hortaagan aqoosniga Somaliland uu jebin doono hoggaamiye Afrikaan ahi. Wasiirka Md. Ducaale, oo la weydiiyay dalka u horeeya ee uu u malaynayo inuu aqoonsan doono Somaliland, ayaa waxa uu ku jawaabay “Aad ayaanu u farxi doonaa haddii dal keliyi na siiyo aqoonsi. Markii ay dawladda Bangaladhish la aasaasay, wuxuu ahaa wadanka jaarkooda kii u u horeeyay ee aqoonsaday waxaanay ahayd Hindiya. Qaramadu way midoobaan, waanay kala tagaan, qaddiyadda Somaliland-na waa la mid. Hoggaamiyayaasha Afriku way ogyihiin inay waajib ku tahay inay aqoonsadaan Somaliland, maxaa yeelay taas way ku fashilmeen, muwaadiniinta Somaliland ee ku hoos nool jiritaanka Dimuqraadiyadda iyo nabadgelyadu waxa ay waajahayaan khatar. Taariikhduna dadka Somalialnd wanaag ayay u xukumi doontaa, hoggaamiyayaashu waa inay indhahooda furaan. Waxaanu aaminsanahay in hoggaamiye wanaagsan oo Afrikaan ahi uu jabin doono darbiga xaaraanta ah oo uu aqoonsan doono Somaliland. Ilaa goorma ayaa dadka Somaliland laga dafiri doonaa aqoonsiga, ? sababtoo ah ma haysano ictiraaf, sababta ah in aanaan ictiraaf haysan ayaanu u awoodi weynay inaanu daymo ka helno hay’adda IMF iyo bangiga adduunka. Haddii ay wadamadu marka hore annaga na aqoonsadaan, waxaanu xubin ka noqon doonaa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Wadmada IGAD iyo Midowga Afrika nagama aqbali karaan hadda inaanu ka noqono xubin, maxaa yeelay wadamo gaar ah ayaa diidan inay na siiyaan aqoonsigaas.” Wasiirka oo la weydiiyay sida ay Somaliland u aragto ka bixitaanka ay dawladda Itoobiya sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso dalka Somaliya ayaa waxa uu ku jawaabay, “Dhammaan Afrikaanku waa inay Itoobiya uga mahadceliyaan doorka ay ka ciyaartay Somaliya, Afrikaanka oo keliya maaha, xiitaa bulshada caalamku waa inay ku mahadiyaan waxa ay halkaas ka qabatay. Itoobiyaanku waxa ay dhiigooda u daadiyeen danta Somaliya , Itoobiya wax badan bay u hurtay Somaliya, waxaanay dawladda Somaliland doorka Itoobiya u haysaa tixgelin gaar ah. Inkastoo ay Itoobiya dedaal badan gelisay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Somaliya, bulshada caalamkaa fashilisay markii ay ciidamo nabad ilaalin ah u soo diri waayeen. Dawladda Meles Zenawi waxa ay Afrika iyo dunidaba ugu tabarucday wax weyn. Waxa ay ilaalisay nabadda gobolka ugu yaraan imika, haddii aanay Itoobiya geli lahayn Somaliyana lama qiyaasi karayn waxa ay samayn lahaayeen xag jirku. Gobolku waxa uu noqon lahaa qas. Haddii ay ciidamada Itoobiya ka baxaan Somaliya, dawladda ku meegaadhka ahi waxa ay waajihi doontaa khatar deg deg ah. Fikirkayga, haddii aanay ciidamo nabad ilaalineed joogin Somaliya khatar aad u sii badan ayaa ku habsan doonta wadankaas. Ma go’aamin karo waxa ay Itoobiya samayn doonto, laakiin fikirkayga ka bixitaanka Itoobiya ee Somailya waxa uu abuuri doonaa madhnaanshiyo maamul oo aan heerkiisu hore u dhicin, natiijaduna waxa ay abuuri doontaa masiibo hor leh. Laakiin annagu waanu iska difaaci karnaa xag jirka Somaliya. Haddii ay dawladda Itoobiya go’aansato inay ciidamadeeda kala baxdo Somaliya waa inay si jadwalaysan uga baxdaa, bulshada caalamkuna waa inaanay dhego adaygin, waa inay si deg deg ah ugu diraan ciidamo nabad ilaalineed.” Source: www.geeska.net, Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa
-
And they will say she is a Meles's girlfriend just to fight .....
-
And it goes on .....
-
Winners Losers and the fate of Somalia :post TFG
Jacaylbaro replied to General Duke's topic in Politics
Duke has finally spoken ..... now leave the old man alone The winners are clear in the demise of the TFG. It is the secessionist camps that apart from the Hargaysa bombings and the emergence of Goodane have largely been spared the blood shed and problems of the south. They have even made some gains on the ground. The main problems facing Somaliland is that it has a paper army, that Riyaale is very unpopular with the major clan and has now tended to become more authoritarian and corrupt. If the new election goes well the project of the secessionist will be on course, thus it is important that the election is seen as fair and not rigged, a new face will probably help rejuvenate the secessionist cause even further. -
The news was false .... but there are tensions.
-
WAS A FALSE NEWS ..... SORRYYYY
-
nuune ,,,,
-
Originally posted by Balayga-Cas87: jacaylbaro, I know you must be well aware that that was the flag which was first raised in Hargeisa, so therefore I still aknowledge it as my own even though I may display the SL flag - this is due to the situation we are in atm. I said history sxb ,,,,, HISTORY
-
I might be asking for trouble but questions should be raised
Jacaylbaro replied to Coloow's topic in Politics
Baadiyow, you can post the news of what you like and who you support ,,,, we will read them even if it is a crap .... -
waar that is reer burco style dee ,,,,
-
waar that is reer burco style dee ,,,,
-
SOME PHOTOS OF THE MEETING BETWEEN PRESIDENT RAYAALE AND MELEZ
-
Labadeena Kaadh Maysla Kaashanaa ..... That was the proposal in the refugee camps ,,, and it comes like a song.
-
Christopher Hitchens, signs his book that denies the existence of God
Jacaylbaro replied to Jacaylbaro's topic in General
The same reason you are trying to comment ....