
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Q.M oo wada qorshe ay khad cagaaran ay ku marinayso magaalada Muqdisho si ay xafiisyo uga furato Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Somalia ayaa waxaa inta badan ka jira dagaalo ay iskaga hor yimaadaan ciidamada Dawlada KMG ah ee Somalia iyo kooxaha Islaamiyiinta ah kuwaas oo kasoo horjeeda jiritaanka iyo Dastuurka Dawlada KMG ah ee Somalia goobo badana gacanta ku haya oo kuyaal caasimada wadanka Somalia. Waxaa shalay soo gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Somalia wafdi balaadhan oo ka socda Q.M kuwaas oo shirar kala duwan la yeeshay laamaha kala gedisan ee Dawlada gaar ahaana Raysal wasaaraha Dawlada Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo Golihiisa wasiirada iyadoo wafdigaasi uu wado qorshayaal fara badan oo U.N-ku xafiisyo uga furanayaan Muqdisho. Wafdida ayaa waxaa hogaaminayay kuxigeenka Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Charles iyo Saraakiil sar sare oo ka socota Laamaha Ammaanka, Siyaasada iyo Sama Falka Qaramada Midoobey iyadoo wafdigani doonayaan in U.N-ku xafiisyo ay ku shaqeeyaan ka furtaan caasimada Somalia ee Muqdisho. Wararka aanu ka helayno xafiiska Raysal waraaha ayaa waxa ay tibaaxayaan inuu Raysal wasaaruhu ka aqbalay qorshaha khadka cagaaaran lagu marinayo caasimada Somalia ee Muqdisho khadkaas oo ay ku shaqayn doonaan xafiisyada U.N-ka iyo laamaha kale ee ajanabiga ah kuwaas oo ka hawl geli doona caasimada Somalia ee Muqdisho. Hadaba arintan ayaa waxaa horay usoo jeediyay wakiilka Q.M u qaabilsan arimaha Somalia Ahmed Walad Cabadalla kaas oo xusay in xafiisyada Q.M ee Somalia ee ka furan Nairobi laga soo rari doono ayna khadka cagaaran ku shaqaynayaan sida wadamada Afgaanistaan iyo Ciraaq kuwaas oo Q.M xafiisyo ku lee dahay.
-
Berbera (SDWO 11/11/09)- Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa xukun dheer oo min 24 sanno ah ku riday laba nin oo hore loogu qabtay falal argagixiso oo ay ku doonayeen inay somaliland ka fuliyaan. Labadan eedaysane oo la kala yidhaa Ibraahin Jaamac Axmed iyo Saleebaan Cabdillaahi Carab kadib markii maxkamaddu ku heshay dambiga loo haystay, ayey ku riday xukun min 24 sanno ah, iyadoo xukunka maxkamadu ku dhawaaqday uu goob-joog ka ahaa eedaysane Ibraahin Jaamac Axmed, halka eedaysanaha labaad Saleebaan Cabdillaahi Carab isagoo maqan la xukumay. Ibraahin Jaamac Axmed oo intii aan xukunkaasi ku dhicin Maxkamadu wax ka weydiisay eedaha loo haysto, iyadoo Maxkamadda horteedana la keenay agabka loo adeegsado qaraxyada, sida Baaruud, rimoodada loo adeegsadoo qaraxyada la hago iyo qallab kale oo badan, ayaa dafiray in ay wax ka jiro eedahaas loo soo jeediyey, haseyeeshee waxaa isla goobtaas kaga markhaati furay toddoba xubnood oo askartii soo qabatay ah. Geesta kale, waxay maxkammadu xoriyadiisa u soo celisay Jaammac Cabdi Faarax oo isag iyo labadaas nine e la qabtay ay ciidanka boolisku gacanta ku dhigeen 13-kii October ee sannadkan, kuwaas oo qaar ka mid ah lagu soo qabtay Xarunta gobolka Togdheer ee Burco.
-
Berbera (Jam)- Maxkamada Gobolka Saaxil, ayaa xukun 24 sannadood oo xadhig ah shalay ku ridday Ibraahim Jaamac Axmed iyo Saleebaan Cabdillaahi Carab, kuwaasoo ay ku caddaadeen inay qorshaynayeen falal argagixiso oo lala maagannaa in laga fuliyo magaalada Burco, xarunta Gobolka Togdheer badhtamihii bishii October ee sannadkan. Mr. Ibraahim Jaamac Axmed oo ah muwaadin u dhashay Somaliland oo ciidammada ammaanka ee Burco xabsiga u taxaabeen 13 October 2009, isla markaana lagu qabtay miinooyin iyo qalab kala duwan oo ah noocyada loo adeegsado qarxyada, ayaa Maxkamadda Gobolka Saaxil isaga iyo Saleebaan Cabdillaahi Carab oo maqane ah ku xukuntay min 24 sannadood oo xadhig ah, halka xorriyaddiisii loo celiyey Jaamac Faarax Cabdi oo maxkamaddu sheegtay in waxba lagu waayey. Sidoo kale, waxa eedaymaha maxkamaddu u cuskatay xukunka Ibraahim Jaamac Axmed u wehelinayey nabarro culus oo u geystay wadaad khudbad ka jeedinayey masaajid ku yaal magaalada Burco maalin Jimce ah, kaasoo khudbaddiisa ku diray kooxaha is-qarxiya iyo kuwa xag-jirka ee ku gabada diinta islaamka. Maxkamadda Gobolka Saaxil oo ammaankeeda shalay aad loo adkeeyey waxa la horkeenay oo ay dhegaysatay ilaa toddoba markhaati oo ku caddeeyey eedaymaha loo haystay ninkan, halka Mr. Ibraahim Jaamac Axmed ka dafiray dhammaan dembiyada lagu soo oogay, iyadoo maxkamaddu xukunkeeda u cuskatay qodobadda 214,234 iyo 440 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Sidoo kale waxa Maxkamadda Gobolka Berbera dhegaysatay khubarro aqoon u leh miinada iyo walxaha qarxa, kuwaas oo sheegayay in qalabka lagu qabtay ninkan loogu talogalay in lagu burburiyo ugu yaraan afar ka mid ah xarumaha waaweyn ee ganacsiga magaalada Burco.
-
Maxkamada Gobolka Saaxil ayaa shalay xukun dhan 24 sanadood oo xabsi ah ku xukuntay Ibraahim Jaamac Axmed, oo lagu eedeeyey inuu ku hawlanaa falal Argagixiso oo lala magaanaa Magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, isla markaana waxaa maxkamada caddayn ahaan loo soo hordhigay waxyaabihii uu qarxinta u adeegsanayey. Ninkan ay Maxkamadu 24-ka sanadood ee xadhiga ah ku xukuntay, ayaa ah muwaadin reer Somaliland, iyada oo Maxkmada Gobolka Saaxil ay sida oo kale 24 sannadood ku xukuntay isagoo maqan Saleebaan Cabdilaahi Cara boo isna dembigaas oo kale ku eedaysan, halka ay Maxkamadu sheegtay in waxba lagu waayay oo ay xoriyadiisii u celisay Jaamac Faarax Cabdi. Waxa ninkan la xukumay lagu soo qabtay Magaalada Burco 13-kii Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, waxaana Maxkamadu sheegtay in lagu soo qabtay Miinooyinka budadda ah, rasaas, rimuudo iyo walxo kale. Ibraahim Jaamac Axmed, waxa kale oo lagu eedeeyay inuu nabaro culus ku dhuftay nin sheekh ah oo khudbad ka jeediyay Masaajid maalin Jimce ah Magaalada Burco, kaas oo duray kooxaha Argagixisada ah iyo kuwa xag-jirka ah. Maxkamada waxa la horkeenay oo ay dhegaysatay illaa todoba qof oo ku markhaati furayay dacwada loo haystsay ninkan, hase ahaatee isagu wuxuu gaashaanka ku dhuftay in aanu qabin dambiga lagu soo eedeeyay. WaxaanaMaxkamadu waxay xukunkan u cuskatay Qodobadda 214,234 iyo 440 ee Xeerka Ciqaabta Guud.
-
Somali Region Of Ethiopia Clan Elders Support Puntland. Video Proof
Jacaylbaro replied to Cowke's topic in Politics
U mean ONLF are not O folks ??? -
,, sow ma aragtid ,,, lol
-
I'm really worried about u if this is your favorite ,,,,
-
Originally posted by Blessed.*: ^LOL. Alhamdulilah you've lived to tell the tale, eh? I'm planning a visit to SL soon and can't get these planes and the killer roads out of my head. It feels more like a preparation for death than a holiday. What planes do Jubba / African use? If you want to take my advice ,,,, African Airways is the most stable and reliable one. Their problem is they only land in Berbera but they have buses to take you to Hargeisa. Not bad at all ,,,, you can see watch the nature for 2 and half hours ,,,,,, and anyone else can arrange a special transport for u ,,,
-
looooooooooooooooooool@NG ,,,
-
Somali Region Of Ethiopia Clan Elders Support Puntland. Video Proof
Jacaylbaro replied to Cowke's topic in Politics
Playing the Qabiil card ,, eh ?? -
Near AFGAL store or next to Dhakhsaale ??
-
Originally posted by UZTAAD: president Faroole who is a banker with no experience of security affairs
-
It is a good day today to confess ,,,, if you have any. ehem ...........
-
Morning CL .......... any confessions today ?? ,,
-
Inaalillaaahi ,,,,,,,,,,,,,,,,,, I know worse stories happen in that part of the world. Very sad indeed ...........
-
ONLF is under full siege sxb ,,,, look at the very dear site of SOL ,, you can't even post their link let alone something else ,,,,
-
MORE INFO + VIDEO
-
Keep extending the deadline bro ,,,,
-
Thousands of people displaced by fighting in Somalia are ending up in the relatively peaceful neighbouring territory, Somaliland. Once part of Somalia, it is now a self-declared republic in the troubled Horn of Africa region, and has been seeking international recognition of its independence since 1991. Al Jazeera's Mohammed Adow, in Burao, the main city of Togdheer province, says the complicated nature of local politics is blocking relief efforts. Somaliland is a former British protectorate in north western Somalia. In 1960, it gained its independence and united with what was then Italian Somaliland to form the Somalia republic. In 1991, it declared independence after Mohamed Siad Barre, the Somali military leader, was overthrown. Political unrest Tension over the Somaliland presidential election, which was due to have been held on September 27, has given rise to fears that the self-declared territory could become a failed state like its neighbour Somalia. The polls have been postponed indefinitely due to serious differences between the political parties since 2008. This uncertainty has led to increased concern about Somaliland in the international community, and a flare-up of political animosity within the territory. Recent violence, particularly in the capital Hargeysa, has shown that the crisis in Somaliland has changed from being political to one of security and stability. Despite the unrest in September, Somaliland has a relatively stable democracy. It has a population of 3.5 million people, according to government estimates, and is a relatively stable democracy even though it has not been internationally recognised. This is partly because it has developed a unique hybrid system of government. The row over elections - largely seen as a test for this fledgling nation - threatens to divide it.
-
Details later ,,,, ehem
-
It is being investigated by the CID ..... someone was caught trying to sell it.
-
Just got one Pic of the Graduation ceremony held in Bosaso:
-
Onlf Shabab Are responsible for current instability in Puntland
Jacaylbaro replied to Cowke's topic in Politics
Onlf & Shabab Are responsible for current instability in Puntland Wuxuu yidhi: Mar la yidhi ridaa guul Gallad hoose wadatoo Cidi aanay garanayn Marna gacal xijaabtoo Gunno iyo xusuus iyo Laga gooyey samahoo Godka lagu illaawoo Isa-soo galluubtiyo Nin gargaar u dudayoo Gibil doorsan lagu sheeg Marna aayad gaaroo Xidid iyo gun dheeroo Rabbi soo guddoonshiyo Deg la yaab leh lagu sheeg Marna duni gablooshoo Isa soo guraysoo Socotoo gudbaysoo Guuraysa lagu sheeg Marna caashaq guunoo Goobaayey beeshoo Rida Garo jeclaadoo Guur-doon ah lagu sheeg