Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Laascanood(QARAN)-Waxaa maanta markii ugu horaysay uu irirada ufuray Duqa Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool Axmed Daahir Xasan xafiiska Dawlada hoose tan iyo intii maamulka Somaliland uu la wareegay gacan ku haynta Gobolka Sool oo uu kala wareegay maamulka Puntland. Waxaa kasoo qayb galay xaflada wayn ee loo dhigay furitaanka xafiiska Degmada Laascaanod dadwayne aad ufara badan oo ay fureen maamulka Somaliland isagoo hore ugu furaan jiray maamulkii Puntland ee ka arimin jiray Gobolka Sool muddo shan sanadood ah. Dadwayanaha kasoo qayb galay ayaa ahaa dadwayne boqolaal kor udhaafaya iyo waliba masuuliyiin ka socda maamulka Somaliland ee hadda ku sugan Gobolka Sool iyo waliba Odayaal dhaqameedyo matalayay shacabka Gobolka Sool. Xaflada ayaa ugu horayn waxaa furay Duqa Degmada Laascaanood oo si wayn ugu soo dhaweeyay halkaasi dhamaanba bulshadii ka qayb qaadatay xaflada isagoo si wayn uga mahad celiyay bulshadaasi waxaana uu sheegay in uu xafiisku hadda wixii ka danbeeya uu si rasmi ah ufuran yahay. Sidoo kale Duqa Degmada Axmed Daahir Xasan ayaa waxa uu sheegay in ay hadda wixii ka danbeeya ay hawl gali doonaan dhamaanba xafiisyada Dawlada Somaliland ee ay ku leedahay Gobolka Sool si dagdag ahna loo furi doono dhamaaba xafiisyadaasi. Xafladan maanta ka dhacday hoolka shirarka ee Dawlada hoose ayaa ahayd xafad ku bilaabatay jawi daganaansho ah oo ay dadka halkaasi isugu yimi ay si wayn ugu faraxsanaayeen xafladaasi iyadoo ay halkaakisna ay ka hadleen dadawayne fara badan iyo waliba masuuliyiin. Isku soo wada duuboo waa markii ugu horaysay ee xafiiska Dawlada hoose si rasmi ah loo furo oo ay furaan maamulka Somaliland tan iyo intii dhidibada loo aasaasay oo ay ka furaan Gobolka Sool iyadoo uu horay xafiiskani u shaqayn jiray oo uu ufuraa maamulka Puntland. Source: Afnugaal
  2. Buuhoodleh(QARAN)-Madax-dhaqameedyada degaanka Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, ayaa ku gacansaydhay dalab uga yimi Jen.Cadde Muuse oo ka codsaday inay yimaaddaan magaalada Garoowe oo xarun u ah maamulka Puntland. Sida ay xaqiijiyeen warar lagu kalsoon oo Jamhuuriya ka heshay Buuhoodle, ayaa sheegaya in Garaad Abshir Saalax oo ka mid ah madax-dhaqameedyadayada Sool oo maalmihii ina dhaafay ku sugnaa magaaladaasi uu dadaal xoog leh u galay sidii uu madax-dhaqameedyada Buuhoodle ugu qancin lahaa inay aqbalaan farriinta uga timi Cadde Muuse, haseyeeshee uu ku guuldarraystay kadib markay ku gacan-saydheen, waxana Garaad Abshir uu dib ugu noqday tuulada lagu magacaabo Widhwidh oo ka tirsan degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer. Sida uu ku soo warramay weriyaha Jamhuuriya ee Gobollada Bari, Keyse Axmed Digaale, ujeeddada uu ku doonayo Jen.Cadde Muuse madax-dhaqameedyada ayaa lagu tilmaamay inay tahay sidii looga tashan lahaa xaaladda Sool ee hadda gacan-ku-haynteedu u wareegtay Somaliland, isla markaana ay madax-dhaqameedyadu u samayn lahaayeen abuubul iyo olole dagaal oo lagu qaado ciidamada Somaliland ee hadda ku sugan Laascaanood. Sidoo kale waxa khilaaf xooggani soo kala dhexgalay Garaad Saleebaan iyo Madaxwene-ku-xigeenka Puntland oo ay aad isugu dhowaayeen, kadib markii Garaad Saleebaan ku eedeeyay Mr.Afqudhac inuu masuul ka yahay guuldarrada soo gaadhay ciidamada Puntland, taasina ay keento in maamulkii Laascaanood ku wareego dhinaca Somaliland. Garaad Saleebaan ayaa la sheegay inuu olole iyo abuubul dagaal ka wado degaanka Xuddun, inkastoo la sheegayo inuu kala kulmay diidmo xoogan shacbiga degaankaas. Dhinaca kale, wararka ka imanaya dhinaca Garoowe ayaa muujinaya in shacbiga Puntland oo ku eedaynayo khasaarihii iyo guuldaradii ku habsatay ciidamadooda ay masuul ka ahaayeen malleeshiyooyinka reer Sool oo ay iyagu jabiyeen, sidaa darteed ay ku adkaysanayaan waxgaradka iyo aqoonyahanka Puntland in aan dagaal dambe la galin ilaa inta ay reer Sool dhinac isku raacayaan. Sida ay sheegayaan dad xogogaal u ah oo ku dhowdhow Jen Cadde. Ololaha iyo soo rogaal-celinta dagaal ee uu ku hawlan yahay Cadde Muuse ayay ku tilmaameen inay adag tahay inuu si fudud oo dhakhso leh ugu guulaysto ururinta iyo iskukeenida ciidamo xooggan oo dagaal gala, inkastoo ay saraakiil sarsare uga yimaaddeen magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba. Waxa iyana su'aal taagan ah waftiyada ka kooban masuuliyiintii reer Sool ee hada ku sugan magaalada Laascaanood doorka ay ka qaataan dejinta xaalada sool ka taagan, iyagoo lagu tilamaamayo inay ahaayeen kuwo xidhiidhka ay la lahaayeen bulshada halkaas uu ahaa mid taabgaaban, qaarkoodna ay tahayba markii u horreysay ee gaadhaan Laascaanood oo iyagu aan dhaafi jirin caasimadda Hargaysa. Rabshadaha ka jira Laascaanood ayaa ah kuwo kordhay intii waftiyadaas gaadheen magaalada, arrimahaas oo u muuqda farriin ku socota masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ee halkaa ku sugan oo ay ay hortaal furdaaminta xaaladda ka jirta magaaladaasi iyo kasbashada dadweynaha, waxayna noqonaysaa hawlgalkii ugu cuslaa ee masuuliyiinta reer Sool ee ku jira golayaasha qaranka Somaliland loo diro, guusha arrimahaasina waxay ku xidhnaan doonaan hadba sida ay u wajahaan iyo isku xidhnaantooda. Source Jamhuuriya
  3. Hargaysa(QARAN)-Shirkii golaa wasiirda ee shalay ayaa gabi ahanba wax uu xooga saaray ama uu ku saabsanaa xaalda guud ee gobolka Sool ee Somalilnd gobolkaasi oo in mudo ahaba dayacnaa kana danbeeyay gobolada kale ee dalka Somaliland kadib markii ay xagaasi ay ka amarku taaglaynayeen shuftada ka soo duusahy Somaliya gaar ahaan kuwooda isku magacaaba Puntland ee ******teeniya, taasi oo mudo dheer laga codsanaayay in ay gobolkaasi si nabadgalyo ah uga baxaan, taaso oo ay ka dhaga adaygeen, ka hor intii aan xukumada Somalilnad iyo shicibka reer Sool iska xoraynin maamulka hororka ah ee Cadde Muse, hadaba waxa warsaxaafdeed kulankii shalay ee golaha wasiirada lagaga hadlaayo ka soo saaray afhayeenka madaxtooyada Somaliland qoraalkaasina waxa uu u qornaa sidan hoos ku xusan. Shirkii golaha wasiirada oo uu godoominaayay Madaxwaynaha JSL Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo ka dhacay qasriga madaxtooyada shalay oo Isniin ahayd waxaa ka mid ahaa arimaha lagu falan qeeyay xaalada ay kusugan tahay magaalada Laascanood, magaalo madaxda gobolka Sool oo ay hada gacanta ku hayaan maamulka Somaliland ee gobolka Sool Waxaa uu madaxwaynuhu shirka usheegay in ay laga maar maan tahay in sifiican looga tageero baahiyaha kala duwan ee ka jira gobolka Sool oo in mudo ahba dayacnaa. Hadaba si taa looga howl galo waxa golaha wasiiradu ay isku raceen in cashuuraha dalka laga qaado oo dhan 2% in la saaro is loogu daboolo baahiyahaa ka soo kordhay gobolka. Shirku waxaa kale oo uu isku raacay in golaha wasiiradu ay horeed ka noqdaan in mushaharkooda halbil ay ugu deqaan kuna cawiyaan baahiyaha deg dega ah ee ka jira gobolka Sool. Shirka golaha wasiirada waxaa uu tibaaxay arimaha ugu muhiimsan ee ay laga maar maan tahay in si deg dega wax looga qabto inay yihiin nabad galyada iyo xasiloonida gobolka taas oo ay hada ku guda jiraan maamulka Somaliland ee gobolkaas iyo waftiga balaadhan ee ka socda xukuumada Somaliland iyo xildhibaanada golayaasha oo hada ku sugan magaalada Laascaanood.
  4. Somaliland cabinet meets to discuss the needs of Sool Hargeisa(Qaran)-In its weekly cabinet meeting, chaired by President Daahir Riyaale Kaahin, the Somaliland council of ministers discussed the current situation in the Sool region, and in particularly of Laas Canood, which is once again under Somaliland administration. A communique issued at the conclusion of the meeting, President Riyaale stated that it is imperative that the government and the people of Somaliland offer the utmost support the residents of Sool. In order to meet the needs of the region, the cabinet unanimously agreed to increase by 2% all government levies. As well the increase in levies, the cabinet wholeheartedly agreed to donate their individual monthly salary to the residents of Sool. It was also agreed by the cabinet that in order to safeguard and elevate the level of stability in the region, it is necessary to expand and increase the delegations from both the executive and legislative branches of the republic who are currently in Laas Canood for discussions with the elders and the residents of Sool.
  5. Jacaylbaro

    BORAMA

    loooooooooooool ,, may be anigaa kharaabiye ah that is why aan kuwa kelena u soo jiito
  6. Jacaylbaro

    Khatman

    Dad baa waashay ,, Omer, you better call hunguri coz he has this kind of Khad called Aabbaa Yaabay
  7. Jacaylbaro

    BORAMA

    Walaahi waan idinka yaabay Meeshiiba waxaad u bedesheen uunsi, foox iyo malmal ,,, Inaalillaahi I'm just back from the beautiful Borama but i've to think again if i will post pictures ,,, coz the whole thread is changed into something else. I knew Hunguri would hijack topics ..... crazy one iga dheh.
  8. Jacaylbaro

    BORAMA

    I'm off to Borama today ..... i'll be back in 2 days Insha Allah. Expect lots of pictures .....
  9. Originally posted by Hunguri: quote:Originally posted by SheekhaJacaylka: quote: Originally posted by Hunguri: Ahahahaha Waar maad ka daysid Bal hadda halkan eeg. Illeeyn Af Af loo hayaa baáye Puntland Maqqaan bay sidaa Muunad iyo Sharafe Sayyidkii ka Maah maah kolkuu Taleex Misaalaayey Magaalooyin badan baa ku yaal Oo Mihiim Gal ahe Waa Gobol Mur iyo Maydi Midha ka buuxaane Madarka iyo Beerihii Galgala Mooskii laga beerye Macaluul Mataal Darxumo iyo Maato leétaaye Bal Maxaad ku gali Gobol waliba waa is maamuliye Niyow, Maamulka cayda noogadaa. Hadii kale Cawjad ayaanu ilkahaa cad cad kaaga soo saaraynaa looool .... Hmmmmmmmmm ,, maanta ma is tidhi gabayadii igu gaaxday baad iga soo qufaysaa ,, waar hoy u kaadi ... Bal gabay xayir aan u saaro markanna: Puntland Maqqaan baa ka maqan Muunad iyo Sharafe Sayyidkii ka Maanyaab kolkuu buurta midhmidh uga tuuray Magaalooyin badan baa ku yaal Oon muhiiba ayane Waa Gobol Mur iyo Maydi Midha ka le'deene Madarka iyo Beerihii Galgala Midh kamuu hadhine Macaluul baa taal Darxumo iyo Maato leétaaye Imisaan ku lahaa ka joog ,,,, looooooooooool Ahahahahaha,waar Sheekhoow waa sidee. Dee kaygii uun ayaad farsamysy. Almuhim, intan uun ayaan ku odhanayaa. Puntland waa Gobol Bad lagu meerayoo Baahi aan mudane Waa gobol markay qurux tagtana lala masaynayne Waa gobol ishii milicsataa Mohasho daynayne Waa meel Mahiigaan ka daó Guga mullaaxdiise Muguc wada Xareediyo,Manqiyo,Togagu waa Muushe Dooxadii Nugaal waa Magool Kolay ku tahay Milayga Jiilaale Macaluul mataal darxumo iyo maato leétaaye Waxba yaanu gabaygu ilasii durkine Waxaan kusoo gaabshay Daruurtii Xareed lihi marbeey meel u xilataaye Hanba la hadh Shaydaanku yuu durbaano kuu tumine Ahahaha hadii kale oo aad dayn waydo miyaa xaqiiq meel fog ayaad ka doonaysaa lol Bugland waa Gobol Bus lagu meerayoo Baahi aan waayine Waa gobol markay qurux tagtana laga ordaayaaye Waa gobol ishii milicsataa wiswiska daynayne Waa meel aan Mahiigaan ka di'in Guga mullaaxdiise Muguc wada Xareediyo,Manqiyo,Togagu waa waxaan jirine Dooxadii Nugaal maaha Magool Kolay ku tahay Milayga barwaaqeed Macaluul baa taal darxumo iyo maato leétaaye waxba yaanuu gabaygu ila durkine waxaan ku soo moosay Ninyahow hunguri waa waxaa soomalidii laayay waa waxa adigana riyada kuuugu wacan maalin iyo leylba Buglaantaasi ma jirtee inaga daa beenta iyo dheesha Inagaa is ah oon sinaba u kala maarmayne naq baa ka da'ay sool sida mulaaxdiiye mar dambe yaan kaaa maqlin magaca aad sheegtay degdeg baan ku qoraye walee inaan u fadhiisan marka dambe ...
  10. Jacaylbaro

    BORAMA

    I'm off to Borama today ..... i'll be back in 2 days Insha Allah. Expect lots of pictures .....
  11. Red-sea na marmar buu isku dhex yaacaa
  12. looooooooooooooool ,,, i think that would be a very good answer to Xiin for his call of war. He should listen to reer Sool themselves.
  13. Originally posted by AAliyah416: quote: Since LA is part of Somaliland the role of the Suldaans, Garaads and Boqors is clear in the constitution. You are still being stubborn about this aren't you? Face the reality that LA is not part of Somaliland and will never be. The fact is LA is under the control of SL by force and nothing else. Adigana goormaa joogtaa? 1889 ayaa joogtaa. Worse, what an old foreign white man did ayaa aaminsantahay. At least in '60s, our forefathers did agree, without anyone forcing, to unite. MMA You made an excellent point walaal. However, don’t waste your time on these hypocrites (Jacaylbaro and his group no need to name the rest am sure they know who they are...) wa salaamu alaikum Aaliyah ,,, stop pretending you're from LA ... just a lil advise. Sorry for the qarxis
  14. The city is peaceful ,,, if anyone wants to leave it is his/her choice but nothing is happening there. Just fears and it will be over soon IA.
  15. sharmarke you forgot yourself niyow
  16. Big enough to make you run for your life
  17. where the shaydaan did some good???? i need an example dadkaygoow ciyaal miidhan baad tihiim ma idinkaa waxba ka ogaa siyaad barre ..... anaga na waydiiya anaguu meesha noogu yimide
  18. kk, imisay ahayd da'daada saxda ahi markaas ??