Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. mayee inantu ma wayna ee in ay dacas isla dhacday uun baa la moodaaye waar niyow aniga wixii gaboobay oo dhan waa a igu diray ,, markaa calankaasi wuu ila fool xun yahay ,,,,, wixii cusub caalamkaa jecel markaa kaygaan ka jecelahay imika ,,,,,
  2. hehehe ,,,, there hasn't been fun dee ,,,, just busy as hell Soomaali ,, show halkana way ku qayilaan ,,, below idin degtay Actually anigu waan ka raystayba SOL during the outage ,,,,,
  3. aboo ani afaan nin beytaa ,,,, maal yatee ?
  4. Hunguri, sxb inantu way qurux badan tahaye yaanaan cawryin dee Haye ,,,,, sheekadu weli way socotaa sow maaha ?
  5. loooooooool ,,,, ciraaq ma calan bay lahayd Yeah ,, been busy here and there ,,, it is almost 3am now and i'm still up ,, imagine how ya been ?
  6. Originally posted by Tuujiyee: The show!!!! Hosted By: ina Baqti Lagde Produced By: Admin iyo Ciyaalka xaafada T: wlc to our show everyone!!!!!! Today we have a special person from SOL.. This girl is one of the biggest faces in SOL and I think we would all Agree to that.. Before I call out my Friend KOOL KAT, I would like to give a little back ground about her. KK waa gabar aad iyo aad u da' yar laakiin meela kale iyo qeeba kale u waa weyn, waa gabar edab iyo rabsho isku darsatay, waa gabar saqajaanimo iyo sheeqnimo isku wadata, waa gabar hadaan iraahdo alaahu mustaciin caqli iyo dee wax kale isku daba wadata iyo more!!!! Ka ma sii hadli karee bal aan u Yeero K,K T: Please wlc my Friend KK KK: Hi!!!! (walking like bajaq wiligeed kabo taako xiran) T: Hello KK wlc!! KK: Haa aboo ehehe! (jumps to T for a hug) T: Naa naga tag weesada hana jibininee!! KK: Alla!! T: ma socodka baa ku dhibiya? mise waad suuxdaa? hanugu soo dhicin KK: Alla waraa is daji qashin yahoo salaan lee iga aheedee T: salaanta gaalada ma fiicna! KK: waa yahay wadaadka hahahaha T: ii waran? soo adigaa nuurayee yaa kuu nuurshay? KK: yaa kalee!!! NINKEYGA!!! hahahahaha T: wale in uu shaqo culus kaa qabtay farxadada bee ka muuqataa!! KK: ahahahaha T: Bal ii waran maxaa qabataa..soo adigaa luuq kaste taaganee? KK: waraa aflagada jooji yaah bajaq yahoo!! I work and take care of my family T: SOL ka waran iyo xaladeeda? KK: Sol naago aan jirin baa ka buuxaan iyo niman foodlayaal ah! T: Adigaba ma adaa jira soona kukan fooda dheer aad u qabtid shimbir laga naxshay! KK: waraa in aa i ceysid maad ii keentay mise wax kale? T: ka soco.. Bal maxaa cusub? KK: Ohio baan ku maqnaa hahahaha it was beautiful T: war Ohio ha ii faaninee wax kale ii sheeg kk: walaahi was nice!! T: war ileen balaayo naa kalay, ma foolxumada aad ka heshaa? KK: waraa naag danbe hadaa i dhahdid boorsadaan aan wijiga kaaga dhufanaa walaahi faankuulo yahoo!! T: Xoog badnidaa wa rati baad ku quraacataa!! KK: waraa F off T: naa adigana B off KK: bye (gets up kicks the table and leaves) T: war ileen balaayo xoog badnaa naagta ma ranboo baa ku haaya..anaga wax arki weynay... T: thats all for our show..see you next time with our Guest Northner!!! Wareer Badanaa!!!
  7. Waxaa Saaka degmada Boocame ee gobolka Sool uga Furmay shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Isimada iyo wax garadka Gobolada sool Sanaag iyo Cayn kaasoo lagaga arinsanayo xalaada colaadeed ee goboladaas soo food saartay,shirkaas oo saaka ka furmay dugsiga farsamada gacanta ee Boocame. Waxaa Madasha shirka ku sugan Isimada Goboladaasi kor ku xusan oo ay weheliyaan in ka badan 50 masuull oo ka mida ah Maamulka Goboleedka Puntland, Inakastoo shirka boocame ku magacaaban yahay Shirwayne ugaara beelaha *********** ayaa hadana waxaa jooga isimo iyo masuuliyiin ka socda beelaha kale ee ***** gaar ahaan kuwa garoowe. Oo ay ka mid yihiin Suldaan Siciid Maxamad Garase, Islaan Ciise iyo Suldaan Subeyr Xaaji Maxamud, isimadaas oo furitaankii shirka ka sheegay inay soo dhowaynayaan wax alaale waxii ka soo baxa kulanka beelaha ***********.. Furitaankii Shirka maanta ayaa lagu sameeyey gudi ka kooban 9 xubnood, gudigaas oo shaqadoodu noqonayso soo diyaarinta ajandayaasha looga doodayo kulanwaynaha taariikhiga ah ee beesha *********** , Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka hadlay furitaanka shirka beesha *********** ayaa sheegay in shirkan ay ka soo baxayaan go’aano u horseeda bulashada *********** midnimo iyo hor’umar ay ku sameeyaan dhulkooda.. Dhinaca kale Shirka beesha *********** saaka uga furmay boocame oo ah shirwayne ay beeshu kaga tashaynayo aayaheeda siyaasadeed iyo tan nabadgelyaba ayaa ku noqotay waxay aad uga argagaxaan maamulada Puntland iyo Somaliland , Maamulka lamagac baxay Somaliland ayaa hada ka bilaabay magaalada laascaanood dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan inay ku fashiliyaan shirka boocame kaas oo ay Somaliland u aragto in aanay dan ugu jirin, sidoo kale Somaliland ayaa isku dayday inay shirka boocame u dirto dad siyaasad ahaan taageersan taas oo aan ilaa hada suura galin.. Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa iyadu ku guulaysatay inay rag udirsato shirka beesha *********** wallow isimada beesha ee ku sugan boocame ay dhamaantood taageeraan siyaasada puntland , Puntland ayaa la qabtay Somaliland walaaca ah in shirka boocame ay ka soo bixi karto waxay beesha *********** ku midaysantahay taas oo aan dani ugu jirin maamulka Puntland .. Sidoo kale madaxwaynaha Puntland Gen: Cadde muuse xirsi ayaa khadka telefonka kaga qaybgalay furitaankii shirka ee maanta , shicibwaynaha gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ayaa isweydiinaya hadiii shirku yahay shir beeleed waa maxay sababta keentay Hogaamiyaasha Maamulada qaar iyo madax dhaqameedyada Gobolka Nugaal iyo Bari.iydoo aad loo hadal hayo ujeedada ay shirka u fadhiyaan iyo saamaynta ay ku lyeelan karaan. Axmed Cabdi Laahi Afnugaal.com Laascaanood
  8. A Saudi woman has been sentenced to 200 lashes and six months in prison after she was the victim of a gang rape. The sentence against the 19-year-old Shia woman from Qatif, in the Eastern Province of the country, was passed because she was in the car of a man who was not a relative at the time of the attack, which contravened strict Saudi laws on segregation. A court had originally sentenced the woman to 90 lashes and the rapists to jail terms of between 10 months and five years but increased the punishment after an appeal, saying the woman had tried to use the media to influence them. advertisement According to the Arab News newspaper, the woman was gang-raped 14 times. Her offence was in meeting a former boyfriend, whom she had asked to return pictures he had of her because she was about to marry another man. The couple was sitting in a car when a group of seven Sunni men kidnapped them and raped them both, lawyers in the case told Arab News. The former boyfriend was also sentenced to 90 lashes for being with her in private. The victims' lawyer, Abdul-Rahman al-Lahem, was also ordered to face disciplinary action after he spoke to the media about the original sentence. "My client is the victim of this abhorrent crime. I believe her sentence contravenes the Islamic Sharia law and violates the pertinent international conventions," he said. "The judicial bodies should have dealt with this girl as the victim rather than the culprit. "The court blamed the girl for being alone with unrelated men, but it should have taken the humane view that it cannot be considered her fault." The crime of rape can carry the death penalty in Saudi Arabia. HERE
  9. hadhwanaag 2007-11-17 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md.Axmed Xaaji Daahir Cilmi ayaa maanta Daboolka ka qaaday inay Ciidamada Somaliland ee jiida hore Gobolka Sool oo kaashaanayaa Shacbiga Ku nool Magaalada Laas-caaood ay gaadheen Magaalada Tuuladda Tuko-Raq oo ka mid ah tuulooyinka dacalka u saran Xadka Jamhuuriyada Somaliland ee dhinaca Garoowe. Sida waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu ku Saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee Magaalada hargeysa. Guushan ayaa ka danbaysay ka dib markii dhawaan Badhasaabka Gobolka Sool Cali Sandulle uu kormeer ku tagay isaga iyo odayaal kale Tuuladda Gamballa oo hore nin ka mida Ilaaladdii Badhasaabka loogu dilay, taasi ayaa keentay ayuu Warsaxaafadeedku yidhi in odayaasha iyo dadweynaha ku dhaqan jiidaasi kala doortaan Nabad iyo Dagaal, waxayna jawaabtii noqotay in ay doortaan Nabad, sidaasi ayuu ciidankii Qaranku iyo shacbiga jiidaasiba ay ku gaadheen si Nabad gelyo ah Ilaa Tuuladda Tuko-Raq. Sidoo kale waxa War-saxafadeedka lagu sheegay inay isla maanta Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo weftigii uu hogaaminaayey ay gaadheen Tuulada Tuko-Raq oo ay halkaasi kulamo kula yeesheen Salaadiinta, Cuqaal iyo Wax-garadka Jiidaas. “Waxaan uu Hambalyo u dirayaa dhamaanba shacbiga reer Somaliland gudo iyo dibedba, gaar ahaana shacbiga ku dhaqan Gobolka Sool guusha nabada leh ee ay ku gaadheen jiida hore ee xadka Somaliland” ayuu Wasiirka Warfaafintu ku soo Geba-gabeeyey Warsaxafadeedkiisa.
  10. Waxaa saaka ay ciidamada maamulka Somaliland gaadheen tuulada Gambadhe iyagoo waliba horay halkaasi u dhaafay gaadhayna duleedka magalaada Tukaraq oo ay wax yar ujirsadeen ciidamada iyo masuuliyiin la socotay oo ay kamid ahaayeen wasiiro.......... Ciidamadan saaka gaadhay halkaasi ayaan horay loo ogayn iyagoo saaka mar qudha ay tuulada Gambadhe ku waa bariisteen ciidamo boqolaal kor udhaafaya oo wata baabuurta dagaalka kuna wajahan dhinaca tukaraq ay ku dhex arkeen shacabku tuulada Gambadhe iyaga oo dhex lugaynaya. Ciidamadii saaka halkaa tagay oo ay la socdeen masuuliyiin kamid ah Golaha wasiira ayaa waxa ay u khudbadeeyeen tuulada sidoo kalena waxa ay gaar ula shireen Odayaasha dhaqanka ee tuuladaas si ay ugala hadlaan xaalada magaalada iyo amnigeeda iyo sidii magalaada loo soo gaadhsiin lahaa hurumarkeeda iyadoo shirar kaasi ay ku dhamaadeen isfaham. Kadib shirkaasi ayaa waxa ay ciidamada maamulka Somaliland usii gudbeen dhinaca Tukaraq oo ay ku maqnaayeen saacado waxaana ay markii danbe ciidamada maamulka Somaliland iyo masuuliyiintii la socotay oo ahaa kuwo kasoo jeeda Gobolada Sool,sanaag iyo cayn ay dib ugu soo laabteen dhanka magaalada Laascaanood iyo halkii ay horay udaganaayeen. Mar aan wax ka waydiiyay qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Tuulada Gambadhe sida ay u arkayeen ciidamada maamulka Somaliland ee saaka yimi Tuulada Gambadhe ayaa waxa ii sheegeen in saaka ay yimaadeen ciidamo fara badan ayna wax dhibaato ah ugaysanin halkan una sheegeen inaysan jirin ciidamada ka socda Puntland oo halka ku sugnaa wararkaasina ay ahaayeen been abuur. Sidoo kale waxaan iyana si goona ah saaka ula kulmay markii aan gaadhay tuulada ganbadhe dhalinyaro ka mid ahaan jirtay ciidamadii daraawiishta Puntland kuwaas oo ii sheegay inay iska dhigeen tuutihii ciidamada sababa ugaara iyaga , Ciidamada maamulka Somaliland ee saaka gaadhay aagaasi ayaa waxaa hogaaminayay abaanduulaha ciidaamada maamulka Somaliland Coll:Ibraahim Caydiid Dhadhable waxaana markii uu kusoo laabtay tuulada ganbadhe oo aan kaga hadhay waydiiyey waxa ay ka dooneen tuulada tukaraq isagoona sheegay inay soo eegayeen in hadhaagii Puntland jooga halkaasi iyo inkale waa sida uu hadalka udhigaye , waxuuna intaasi ku daray in tukaraq ay hada joogaan ciidamada beeleedyo ka amar qaata isaga .. Hadaba waa markii ugu horaysay ee ciidamada maamulka Somaliland ay gaadhaan agaasi tan iyo intii ay dagaalka siyaasadeed ku la wareegeen gacan ku haynta magaalada Laascaanood kalana wareegeen maamulka Puntland ,ciidamada Somaliland ayaa fadhiisinkooda ugu horeeya uu yahay halka lagu magacaabo maraaga oo ah duleedka magaalada. Axmed C/laahi Afnugaal.com Laascaanood
  11. Ciidamada qaranka Somaliland oo la wareegay dhamaanba Tukoraq iyo nawaaxigeedaba: Warsaxaafadeed uu wasiirka warfaafintu soo saaray Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Qaranka Somaliland Mudane Axmed X.Dahir Cilmi oo loo qaybiyay saxaafda isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada wararka ee qarannews ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadda Qaranka J.S.L oo kaashanaya shacbiga ku nool Gobolka Sool gaar ahaan jiida Tuko-Raq ay maanta oo sabti ah gaadheen Tuuladda Tuko-Raq oo ka mid ah tuulooyinka dacalka u saaran xadka J.S.L ee dhinaca Garoowe. Guushan ayaa ka danbaysay ka dib markii dhawaan Badhasaabka Gobolka Sool Cali Sandulle uu kormeer ku tagay isaga iyo odayaal kale Tuuladda Gamballa oo hore nin ka mida Ilaaladdii Badhasaabka loogu dilay, taasi ayaa keentay ayuu Warsaxaafadeedku yidhi in odayaasha iyo dadweynaha ku dhaqan jiidaasi kala doortaan Nabad iyo Dagaal, waxayna jawaabtii noqotay in ay doortaan Nabad, sidaasi ayuu ciidankii Qaranku iyo shacbiga jiidaasiba ay ku gaadheen si Nabad gelyo ah Ilaa Tuuladda Tuko-Raq. Waxa isla maanta Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo waftigii uu hogaaminaayey waxay kulamo kula yeesheen Tuuladda Tuko-Raq Salaadiin, Cuqaal iyo Waxgaradka Jiidaas. Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta waxa uu Hambalyo u dirayaa dhamaanba shacbiga reer Somaliland gude iyo debedba gaar ahaana shacbiga ku dhaqan Gobolka Sool guusha nabada leh ee ay ku gaadheen jiida hore ee xadka Somaliland. Allaa Mahad Leh Axmed X. Dahir Cilmi Wasiirka W/Warfaafinta.
  12. Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa saaka aroortii hore dhaafay tuulada ganbadhe oo 30km bari ka xigta xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ,Sida uu hada noogu soo waramayo wariye Axmed Cabdi Laahi oo ku sugan magaalada laascaanood ............. Ciidamada Somaliland ayaa gaadhay tuulada ganbadhe ka dib markii ay haleen war sheegaya in ciidamo Puntland ah ay soo gaadheen xalay goor danbe deegaankaasi sida uu u xaqiijiyey Afnugaal abaanduulaha guud ee ciidamada Somaliland Col: Ibraahin Caydiid oo hada ku sugan Airportka diyaaradaha laascaanood . Ciidamada Somaliland ayaan wax iska caabin ah kala kulmin tuulada ganbadhe , iyadoo ay ciidamadii Puntlandna dib uga gurteen tuulada buura-wadal oo 90km dhanka garoowe xigta magaalada laascaanood, wararka iyana ka imaanaya tuulada tukaraq ayaa sheegaya in ay iyana isaga baxeen halkaasi maleeshiyo beeleedyo ku sugnaa tan iyo intii maamulka Puntland laga saaray magaalada laascaanood .. Mar aanu talafonka gacanta ku la xidhiidhnay abaanduulaha ciidamada Somaliland Col: ibraahin Caydiid ayuu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka baxsho sababaha ay u tageen tuulada ganbadhe, isagoona intaasi ku daray in ciidamadiisu ay hada ku sugan yihiin inta udhaxaysa tukaraq iyo tuulada ganbadhe Axmed cabdi Laahi Afnugaal.com Laascaanood
  13. Laascaanood: Dufcadii Labaad Ee Ciidan Boolis Ah Oo Maanta La Qarameeyay Laascaanood (Qaran) Waxa Maanta Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool lagu qarameeyay 70 Askari oo Booliis ah oo lagu kordhiyay 138-kii Toddobaadkii hore lagu aasaasay Ciidanka Booliiska ee degmada Laascanood. Xafladii loo sameeyay qaramaynta 70-ka Askari oo lagu qabtay Saldhiga Booliiska , waxa ka qayb galay wefdiga Xukuumada iyo Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ee ku sugan Laascaanood, Odayaasha iyo Maamulka Gobolka Sool. Wasiirka Hawlaha guud iyo Guryaynta Mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in dhismaha ciidanka Booliisku uu ahmiyad u leeyahay sugida Nabad gelyada waxana uu ciidankaasi la qarameeyay ka dalbaday in ay ka soo dhalaalaan Masuuliyada culus ee ay shacbigoodana u hayaan. ‘’Waxa la idinka baahan yahay inaad hanataan Nabad gelyada kana faa’iidaysataan Tababarada ciidanimo ee la siiyo ciidanka Booliiska Somaliland’’ ayuu yidhi Wasiirul dawlaha Waxbarashada Maxamuud Garaad Maxamed oo xafladaasi ka hadlay. Waxana Wasiirul dawluhu amaanay odayaashii iyo waxgaradkii ciidankaasi soo xulay. Hogaanka Tababarada iyo kormeerka Booliiska Somaliland ayaa xafladaasi ka hadlay , waxana uu sheegay in 50 Askari oo kale oo Booliis ah maalmaha fooda inagu soo haya la qaramayn doono. Hogaanku waxa uu intaasi ku daray in ciidankani isla Maanta bilaabayaan hawshooda sugida Amaniga. Cumar Maxamed faarax
  14. looooool ,,, so that is how the did teach you the driving ?
  15. It'll stick to the minds of all Somalis forever .... very sad indeed.
  16. U said the UN said there is 50,000 displaced in LA ,,,, I'm just asking you the source sxb ,,, don't be mad hadaanad garanyn