Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. but he is still a brownfaced ,,,,, i'm just looking for a white faced kid dee
  2. Jacaylbaro

    Noobie

    So the Interpol has officially opened an office in SOL ??
  3. where are the whitefaced people ??
  4. Don't welcome at all ,,,,,,,,,,
  5. horta bal naagaha meeshan aan ku arko aan kala saaree i suga ,,, blonde, mid timo cad, mid timo cas, mid timo madow, mid dhukuran ,,, Hmmmmmmmmm ,,, i sug bal
  6. Hargeysa, 10 November, 2007 (SL Times) – The speaker of Somaliland’s lower house of parliament, Abdirahman M Abdillahi (Iro), confirmed yesterday that the government had submitted to parliament, this week, the recent government revised ‘Press Law’ sanctioned by its council of ministers early in the year. In a television interview, the speaker was asked by SLTV, “was it true that parliament received from the government its revised version of the current press law?” “Yes, I can confirm that the said ‘Press Law’ has been handed to the house registrar, although I have not had the opportunity to study this draft [press law], and I have transferred it to the appropriate house select-committee responsible for media matters to review, prepare and present it and their recommendations for the house debate”, said Iro. In reply to the question, “how do you see this new press law that the government wants to put in place of the current one?’ The lower house speaker said, “I cannot answer this, because, I have not read this new law. I can say at least that we will make sure that this new press law complements the old law and must be in agreement with and reflect the current law and its core articles.” “We will be very cautious in establishing whether this new press law contradicts or fits the press law in use in the country at present”, the speaker added. Asked to comment on recent press reports that the government’s new ‘press law’ seriously undermines the present ‘independence’ enjoined by the local media and the tradition of Somaliland having one of Africa’s most liberal media laws and a free press environment? The speaker explained that “our constitution gives the media and freedom of speech the highest of priorities and places a special distinction over all other articles. I, therefore, believe that it’s not possible to harm or take away from our media its independence or undermine the free-press tenants enshrined in the constitution.” Meanwhile, SL Times has seen the government’s new ‘Press Law’ which is currently being reviewed in parliament. The government’s new press law is made up of 28 pages, divided in five major segments/parts and is composed of nineteen chapters containing a total of 120 articles, each article having many clauses and sub-clauses. To give a brief account of just some of the sweeping changes which the government has drafted in this new press law: 4th Segment Subtitled-Law to publishers, printers, etc, etc… Part 1 [printers] Article 85: The owner and manager of the printing firm will be solely responsible for printing such material as deemed in this law as ‘non permissible’. [pg21] 5th Segment Subtitled-Non-permissible propagation Part 1 [Non-permissible types of propagation] Article 98 Clause d: ”Any thing which propagates ideas/perception which are or leaning towards being anti-state and national policies, tarnishes national unity or derails beliefs and perceptions of the country’s citizens.”[pg24] Clause e: “Anything which taints/puts down the morale of the nation and its wellbeing or is intentionally insulting to a person’s character and honour. [pg24] 5th Segment Subtitled-Non-permissible propagation and type of penal/felony classification Part 2 [Penal type/classification] Article 99: Anyone found in breach of this law [press law] is liable to a fine of not more than 20million Sl/sh ($3,333 USD) or a prison sentence not more than two years. [pg 25] Article 102: A Media company/publisher’s operations can be temporarily suspended and shutdown by the minister of information or his deputy by ministerial order for closure of the publisher’s operations, if the publisher is found to have propagated material contravening this press law can be taken to court in order to have the publisher suspend operations or assets liquidated by the ministry of information. The publisher has the right to appeal to a court of law against such suspension. [pg 25] Source: Somaliland Times
  7. Laascaanood (Jam)- Munaasibad lagu maamuusayey ciidan boolis ah oo loo sameeyey Laascaanood, ayaa shalay lagu qabtay Qaybta Taliska Booliska Gobolka Sool ee magaaladaas, waxana askarta cusub la guddoonsiiyey dirayska ciidanka Booliska Somaliland. Sidaana waxa weriyaha Jamhuuriya ee Gobolka Sool, Cabdiqani Xasan Faarax (Gadari) u xaqiijiyey Taliye-xigeenka Hoggaanka Booliska Somaliland, Maxamed Xaaji Nuur. Waxaannu taliyuhu intaa ku daray inay tirada dhallinyarada ah ee hadda loo qarameeyey ammaanka magaalada Laascaanood dhan yihiin 138 (boqol iyo siddeed iyo soddon) askari oo bilow ah, kuwaas oo la guddoonsiiyey qalabkii, dirayskii iyo labmarkii ciidanka Booliska Somaliland, iyada oo sida uu Taliye-xigeenku sheegay tirada bilayska oo hadda la dhaariyey noqon doonaan kuwo si rasmi ah uga hawlgala nabadgelyada Laascaanood, isla markaana waxa uu xusay inay qorshaha ugu jirto in tiro intaa ka badan la qarameeyo, balse ay xilligan cutubka cusub si toos ah u shaqo geli doonaan, iyada oo la siin doono tababarro. Haddaba, si aan arrintaas warar dheeraada uga helo ayaa waxaan waraysi la yeelanay taliye-ku-xigeenka hoggaanka ciidanka booliska Somaliland, Maxamed Xaaji Nuur ayaa waraysi kooban oo weriye Gadari la yeeshay waxa uu u dhacay sidan: Su’aal. Taliye, ciidan intee le'eg ayay haatan qaramayseen? Jawaab. Way socdaan hawlaha ciidanka lagu qorayo ilaa hadda waxaanu qaramaynay askar booliis ah oo dhan 138 askari oo ah aasaaskii kowaad ee magaalada Laascaanood. Walina waa socota waana la qori doonaa. Hadda 138 ayaan hawlahoodi dhammaystirneen. Waxa kale oo aanu siinay askari walba lanbarkii dirayskii qalabkii ay ku hawlgali lahaayeen iyo wacyigalintii askartan cusub ayaa waxa ka muuqata in ay shaqo diyaar u yihiin oo waad aragtaa, laga bilaabo iminkana sidaas ayay ku hawlgaleen si ay u xasilliyaan nabagalyada magaalada. S. Ciidankani ma ciidan tababar loo dirayaa, mise waa ciidan tababaran oo haddeerba sida aad sheegtay hawlgalaya? J. Duruufo jira awgeed, horta marka hore ciidanku wuu hawlgalayaa marka tababarka la furana kolba qayb ayaa geli doonta ilaa iyo inta ay ka dhammaanayaan, waxaanan ku rajo waynahay in marka iminka dugsiga la furo in ay qaybi gasho tababarka. S: Ciidanka aad haatan qorteen imisa saldhig ayaad u kala qaybinaysaan oo magaalada ah mise waa hal saldhigga oo kaliya? J. Taa waanu ka fakari doonaa, magaaladana sahan guud ayaanu ku samaynaynaa waan isku jaan-gooynaynaa, sida ay u kala muhiimsan tahayna waan u kala qaybinaynaa rugaha jira ee saldhigyada . Kolley waa lagama maarmaan in meeshii boolis lahaaba in qayb la geeyo. Wariye C/qani xasan faarax (Gadari), Laascaanood. Jamhuuriya Online
  8. hadhwanaag 2007-11-12 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Ciidamada Booliska ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa maanta Xabsiga u taxaabay 10 qof oo isugu jiray Masuuliyiinta Urur Siyaasdeedka Qaran iyo qaar ka mida taageerayaashooda Iyada oo qaar kalena la raad-goobayo Xadhiga tobankan qof oo todoba ka mid ahi ahaayeen taageerayaasha Ururka Qaran oo lagu qab-qabtay Magaalada Burco, kadib markii ay Saaka abaabuleen banaan bax ay kaga soo hor-jeedaan Xadhiga Madaxda Ururka Qaran ee ku xidhan Xabsiga Man-dheera muddo 3 bilood iyo in ka badan. Sida uu ku soo waramayo Weriyaha Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ee Magaalada Burco Cabdi Salaan Maxamuud Ducaale [il-kacase] inay Xadhiga raggan oo ahaa dad shiciba inay ka danbeysay, kadib markii ay Sameeyeen banaan bax ay kaga soo hor-jeedaan Xadhiga Hogaanka Ururka Qaran. Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo aanu wax ka weydiinay Xidhiga dadkan ay xidh-xidheen ayaa waxa uu yidhi. “Waxaanu dadkan u xidh-xidhnay iyaga oo aan wax fasaxa ka soo qaadan Gobolka ayey Banaan bax Sameeyeen, sababta keentay inaanu dadkan qab-qabanaana waa taas” Halka, Sadexda kale oo qaar ka mid ahi ay yihiin Masuuliyiinta Sar sare ee Ururka Qaran ayey Saaka Ciidamada Boolisku ka soo qab-qabteen aqaladooda oo Xabsiga loo taxaabay, kuwaas oo kala ah Af-hayeenkii Ururka Qaran Maxamed Cabdi Daa’uud, Muxyadiin MursalGaboose iyo Cismaan Yuusuf Gaboose oo saaka Subaxnimadii laga soo qab-qabtay aqaladooda. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali [Cirro] oo ka hadlayey xadhiga Masuuliyiintan ayaa waxa uu sheegay inay xubnahaasi abaabulayeen banaan bax aanay ruqsad u heysan oo ay Wasaaradu diiday oo ay rabeen inay maanta [isniin] ka dhigaan Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Md. Ismaaciil Cali Cirro waxa kale oo uu sheegay sida ay Boolisku Warka ku heleen inay dadkaasi ku hawlanaayeen nabad-gelyo daro oo ay hub uruursanayeen. Dhinaca kale, Maxamed Cabdi Daa’uud oo ka mida Guddida Fulinta ee Urur Siyaasadeedka Qaran oo saaka abaaro 6:30 Subaxnimo laga soo qabtay isaga oo wakhtigaa aqalkiisa ku sugnaa, oo ku xidhan Saladhiga Kood-buur ee Magaalada Hargeysa oo aanu Caawa khadka tilifoonka Gacanta ee Mobile-ka kula xidhiidhnay ayaa waxanu wax ka weydiinay sida uu u arko Xadhigiisa, waxa uu yidhi “Xadhigeyga waxaan u arkaa mid sharci darro ah oo dulmiya oo keli-talisnimo ah oo aan loo soo marin dariiqii saxda ee Sharcigu jideeyey, waayo waxay ahayd inay Waaran Xadhigaygau si-taan, ee may ahayn in Sida Digaaga Xero na lagu soo Xareeyo” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Ilaa imika waxaan u xidhanay ma garanayo, in nala sii daayo iyo in kale-na ma garanayo”. Maxamed Cabdi Daa’uud waxa uu ku dooday inuu Dastuurka Somaliland u fasaxayo inay dadka Muwaadiniintu shucuurtooda ku muujiyaan banaan bax, isla markaana banaan baxan ay ogeysiiyeen Wasaarada arrimaha Gudaha, oo aanay wadin wax khal-khal gelinayaa Nabad-gelyada. Si kastaba ha ahaate, Boolis fara badan ayaa saaka lagu arkayey Wadooyinka waaweyn iyo Magaalada Hargeysa qaarkood, kuwaas oo ka baqo qabay inuu mudaharaad dalka ka dhaco, halka ay tibaaxayaan wararka naga soo gaadhaya Magaalada Burco-na inay Boolisku kala didiyeen dad banaan baxayey oo Baabuur Saarnaa. Xadhiga raggan ayaa daba socday Mudaharaad ay ku dhawaaqeen Guddida Hogaanka Ku meel gaadhka ee Urur Qaran inay maanta oo ah Isniin inuu ka dhaco la filayey Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, kaas oo ay ku tilmaameen inay kaga soo horjeedeen Xadhiga Gudoomiyihii Ururka Qaran Maxamed Cabdi Gaboose iyo labadiisii ku-xigeen Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid oo muddo sadex bilood iyo in ka badan ku xidhan Xabsiga mandheera, balse ay Xukuummadu is-hortaagtay inuu dalka ka dhaco banaan baxaasi.
  9. Faysal baa Laascaanood ka soo cambaarayn doona hadaa
  10. Kan Xamar lagu xasuuqayo iyo kan Falastiin lagu dilayo iyo kan Afganistan lagu dhibaayo intuba waa isugu kay mid ,, waana wada islaam.
  11. It is funny when you have a full room of people from almost every country ,,,,, I've a Indonesian roommate I've a Combodian friend Ethiopian colleague Pakistani friend French colleagues and so on ............. I just enjoy the beats of the different accents ,,,,,,,,
  12. I'm secretly taking some swimming lessons
  13. Walee inaan wax idhaahdaa rabtaane maydun joogi ?
  14. I was surprised when this lady told me her nick name is YAREEY
  15. oo canbaarayni maxay tari ,,,,, tii carabtu ay 60 ka sanno wadayba waa hal bacaad lagu lisaye
  16. Muqdisho waxa ka dhacayaa waa xasuuq aan geedna loogu soo gabban ,,,, Ilaahay baan u baryayaa inuu guusha siiyo kuwa xaq u dirirka ah.
  17. KKKKKKKKKKKKKK ,,, Waar orodoo LA adiguna soo booqo
  18. Xukuumadda Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa si adag gaashanka ugu dhufatay codsi uga yimid dawladda KMG ah kaasi oo ku aadan xujeyda Soomaalida ee sannadkan daneynaysa in ay gutaan waajibaadkooda xajka. Codsiga ayaa xukuumadda Sacuudigu ay ku gacan-saydhey ayaa ahaa mid dawlada federaalku ay ka codsatay sababo ah in dadka qaar aysan haysan baasaboorka cusub ee dawladda KMG ah ee loo yaqaan E-Passoport iyadoo loogu badalayo waraaqo caddeyn ah oo aqoonsi ah. Xukuumadda Sucuudigu waxay sheegtay cidii aan sidan passoport la aqoonsan yahay aysan gudaha u gudbi kari doonin waddankeeda, isla markaana aanay jiri doonin waraaqaha ay dawlada federaalku ka codsatay ee ah in lagu galayo dalka Sucuudiga oo ay adeegsan lahaayeen dadka xujeyda ah. Dawlada federaal ayaa wakhti sii horeeyey waxay ka codsatey dawladda Sucuudiga in dadka aan weli qaadan baasaboorka cusub, isla markaana laga joojiyey kii hore qaataan waraaqo ay ku gali karaan dalka Sucuudiga, laakiin waxaa si wayn uga soo horjeesatay dawlada sucuudiga. Dawlada federaalka ayaa horey shacbiga ugu sheegtay inaan marnaba la ogolaan doonin in lagu safro passaportkii hore iyadoo dadka laga codsadey inay qaataan passaportka cusub ee dawladda KMG ah ay dhawaan soo daabacday. Ku dhawaad dad gaadhaya ilaa 150-qof oo Soomaaliya ayaa guta waajibaadkooda xajka barakaysan sanad walba kuwaasoo ka kala taga guud ahaan gobolada dalka. afnugaal.com
  19. hadhwanaag 2007-11-12 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Wefti baldhaan oo Ka Socday Xisbiga Mucaarid ah ee UCID ayaa shalay Socdaal hawleed oo aan hore loo shaacin ku tagay Magaalada Laas-caanood ee Gobolka ee Gobolka Weftigan oo uu Hogaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe,oo ay ku wehelinayaan Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Ururkaasi Aadan Maxamed Mirre [Waqaf], Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Maxamed Xasan Baashe [Talaata-codle],Gudoomiyaha Waqooyi Ameerica Muuse Cali Geedi,iyo Cismaan Af-gaab. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe oo ay Caawa[xalay] shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com tilifoonka Mobile-ka gacanta ku wareysatay si aanu wax uga weydiino Socdaalkooda ay ku tageen Gobolka Laas-caanood ayaa waxa uu sheegay inay u jeedada Socdaalkoodu la xidhiidho xog-ogaal u noqoshada Xaalada Magaalada Laas-caanood wakhtigan ku sugan tahay. Iyo weliba sidii ay Deeq Mucaawimo ah oo isugu jirtay Marakaneecooyin, iyo Dawooyin ay u gaadhsiin lahaayeen Ciidamada Qaran ee Jiida Hore. Md.Faysal waxa uu sheegay intii ay dhexda ku sii jireen inay Dawooyin iyo marakaneecooyin u qeybiyeen Taliska Ciidamada Qaranka ee Ku sugan Oog,isla markaana waxa uu xusay inuu Masuuliyiinta Degmada Caynaba,iyo Wadama-go’o uu gudoonsiiyey deeq qalab Sports ah oo isugu jirtay Direys iyo Kubado, kuwaas oo ay Masuuliyiintii Deeqahaasi guddoomay ay uga mahad-celiyeen. Waxaana la filayaa inuu safarka weftigu qaato muddo sadex Cisho ah, Waa markii ugu horeysay ee uu Guddoomiye Xisbi Mucaarid Socdaal Hawleed ku tago Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool, tan iyo intii ka danbeysay markii ay guud ahaan gacan ku haynta Magaalada Laas-caanood la wareegeen Maamulka Somaliland. Waxaana halkaasi weftiga uga sii horeeyey oo ku sugan Wufuud Badan oo ay horkacayaan Wasiiro u dhashay Deegaanka iyo qaar kaleba oo ka socda Xukuummada Somaliland.
  20. Xisbiga Saddexaad ee ugu weyn axsaabta siyaasadda ee dalalka Midawga Yurub ayaa si rasmi ah ugu baaqay wadamada xubnaha ka ah Midawga Yurub inay aqoonsadaan Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland. Xisbigan oo magaciisa la yidhaahdo ELDR European Liberal Democratic Reform oo ka hawlgala 27-ka wadan ee uu ka kooban yahay Midawga Yurub, isla markaana ah isbahaysi axsaab siyaasadeed oo ka kala jirta wadamada Midawga Yurub oo ay midaysay afkaarta la yidhaahdo Liberalism (Ilaalinta afkaarta xorta ah iyo isu tanaasulka ku dhisan) ayaa shirweynihiisii sannadkan oo lagu qabtay 18-19 October, magaalada Berlin ee xarunta dalka Germany waxa laga soo saaray baaq lagu taageerayo qaddiyadda madax banaanida Somaliland, iyada oo xubnaha wadamada Midawga Yurub-na u xisbigu ugu baaqay inay si guud iyo si gaar ahba u aqoonsadaan qaranimada Somaliland. Shirweynahan oo shantii sannadoodba hal mar uu xisbigu qabsaday, waxa ka soo qayb gala ergooyin tiradoodu kor u dhaaftay 600-700 oo qof, waxaana lagu doortaa hogaanka siyaasadeed ee shantii sanadoodba mar hagaya siyaasadda xisbigaasi ee wadamada Midawga Yurub ee uu ka hawlgalo xisbigu. Xisbigan waxa uu kaga qayb galaa doorashooyinka ka dhaca wadamada Midawga Yurub si gaar ah oo dal dal ah iyo si guud oo ah tartanka loo galo xubnaha aqalka Baarlamaanka Midawga Yurub oo ay tiradiisu dhantahay 785 Mudane, waxa uu ku leeyahay 104 Mudane, halka ay labada xisbi ee mudanayaasha ugu badan lihina ay kala leeyihiin 178 oo uu leeyahay xisbiga la yidhaahdo Socialists Party of European Socialists iyo xisbiga Conservative European People’s party oo isaguna leh 216 Mudane. Sidoo kale, xisbigan shirweynihiisii Berlin ku taageeray qaddiyadda madax banaanida Somaliland waxa ay xubnihiisu jagooyin sar-sare ka hayaan 11 dal oo ka mid ah 27-ka dal ee Midawga Yurub, iyada oo ay shan dalna xubnaha xisbigani Ra’iisal Wasaare ka yihiin, waxaanay kala yihiin wadamada Estonia, Denmark, Filand, Belgium, iyo Romania. Sida ku cad warbixinta xisbiga waxa xubno ka ah in ka badan 170,000 oo ka mid ah dhalinyarada afkaarta xorta ah ee Midawga Yurub. Haddaba, Xisbiga ELDR ayaa war murtiyeedkiisa uu ku taageeray qaddiyadda madax Banaanida Somaliland waxa uu ku yidhi. “Go’aanka shirweynaha xisbiga ELDR ee Berlin ee 18-19 October ee Somaliland. 1. Afar maalmood ka dib markii ay madax banaanideeda ka qaadatay Boqortooyadda UK, waxay heshiis midaw ah la gashay dalka cusub ee isna madax banaanidiisa qaatay ee Somalia. 2. Ka dib markii uu dhacay Kelidii taliyihii Siyaad Barre, isla markaana ay Koonfurtu gashay xaalado qalalaase iyo dagaalo hor leh, Maxmiyadii Ingiriisku waxay ka baxday midnimadan, waxaanay jeexatay jid cusub oo barnaamijkeedu yahay dimuqraadiyad iyo suuq xor ah. 3. Somaliland waxay ku dhawaaqday in aanay midnimo dambe kula sii jiri doonin jaarkeeda (Somalia). Xisbiga ELDR waxa uu ugu baaqayaa Midawga Yurub iyo wadamada xubnaha ka ah inay aqoonsi diblomaasiyadeed siiyaan Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay si firfircoon ugaga ololeeyaan Midawga Afrika inuu aqbalo Somaliland aqoonsigeeda, iyo in aanay ahayn gooni u goostayaal, balse ay yihiin dal dimuqraadi ah oo ka baxay midnimadii ay kula jiray dal fashilmay (failed state)”. Waa markii ugu horeysay ee xisbi ka tirsan xisbiyadda siyaasadeed ee wadamada reer Yurub si rasmi ah ugu dhawaaqo taageerada qaddiyadda Somaliland tan iyo intii lagu dhawaaqay sannadkii 1991-kii. Talaabadani ayaa la filayaa inay wax ka bedeli doonto siyaasadda ay dalalka Midawga Yurub kula dhaqmaan Somaliland, haddii ay Xukuumadda Somaliland si wanaagsan uga hawlgasho, isla markaana isticmaasho xubnaha xisbigan ee wadamada Midawga Yurub mansabyada sar-sare ka haya. Haatuf
  21. Laascanood(QARAN)-Madaxada sar sare ee xusbiga UCID, oo ay horkacayaan gudoomiyaha xisbigaasi mudane Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiye ku xigeenka mudane Adan Waqaf ayaa booqasho ku jooga gobolka Sool, waftigani oo shalay ka soo kicitimay caasimada Somaliland ee Hargaysa waxa ay kormeer ku soo mareen aaga hore ee ciidamada qaranka, halkaasi oo ay ciidnaka ku gudoonsiiyeen daawooyin iyo maro kaneecooyin fara badan oo ay ugu deeqeen ciidmada qaranka iyaga oo ku wareejiyay maamulka sare ee aagaasi ee cidmada. Waftiga oo caawa ku sugan magaalada Laascanood ayaa waxa warbixin kooban shabakada Qarannews, siiyay gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga UCID, mudane Adan Mire Waqaf. Mr Waqaf oo socdoolkooda faah faahin kooban ka siinaaya Qarannews isga oo ku sugan magaalada Laascanood waxa uu sheegay in si aad iyo aad u heersaraysa loogu soo dhaweeyay magaalada Laascanood iyo goob kasta oo ay tagaan ama booqdaan, waxa uu xusay oo sheegay in hada magaaladu ay xasiloontahay oo wax waliba ay caadigoodii ku soo laabteen, kadib markii ay dadweynhu ******** xaqiiqdii iyo nabadgalayda taamka ah ee ka jirta magaalada Laascanood. Waxa uu noo sheegay in ciidamada Somaliland iyo shicibka reer Soola ay aad iyo aad isu fahmeen dadkuna ay aad uga mahad sheeganayaan ciidanka Qaranka iyo maamulka gobolka Sool ee cusuba, wax walibana ay caadigoodii yihiin hada, mana jirto ayuu yidhi buuqii iyo jidadkii la xidhaayay oo jidkastaaba waa furanyahay wax walibana caadigoodii ayay u socdaan. Xiligaasi uu mudane Waqaf siinaayay warbixintaasi kooban Qarannews, gudoomiyaha xisbiga UCID, waxa uu mashquul ku ahaa hawlo kale oo la xidhiidha socdaalkooda, nooma ay suurto galin in aanu wax ka waydiino socdaalkooda,hase ahaatee Mudane Waqaf waxa uu noo sheegay in socdaalkoodani uu ahaa mid qaran ee aanu ahayn mid xisbi, sidoo kale waxa uu sheegay in ay u kuurgalayaan xaalada gobolka, isla markaasna maalinta barito ah ay booqanayaan goobaha adeegyada bulshada ee magaalda Laascanood, waxa uu mudane Waqaf aad u amaanay maamulka gobolka Sool, oo uu ku tilmaamay maamul dhab ah oo gobolka ka wada horumar, waxa uu aad ugu duceeyay dhamaanba dadka gobolka oo uu xusay in ay walaalahood garabtaagaynyihiin markastaba. Sida ay doontaba ha ahaatee waftigani waa waftigii ugu horeeyay ee noociisan ah ee ka socda xisbiyada qaranka ee Somaliland ee booqda magaalada Laascanood tan iyo intii ay dadka gobolku iska saareen maamulkii Puntland ee duulimaadka ku qabsaday mudo hore, dhanka kalana waxa isla magaalada Laascanood ku suganb waftigii ka socday xukumada Somaliland ee iyagu gurmadka deg dega ah soo gaadhsiiyay gobolka, iyada oo gobolka ay fooda ku soo hayaan tageerooyin kala duwan oo loogu talo galay in wax loogu qabto gobolka Sool, iyada oo xukumada Somaliland ay si fiican adeegyada caafimaadka iyo kuwo kaleba wax weyn uga qabatay hada.
  22. with all those rap nebi-amaan music coming from Djibouti someone would open a night club and play thsoe songs for dancing. Some of those songs you really think it is 50 cent ........