-
Content Count
17,713 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
326
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Ninkaan waa u fiirsaday, oo dhowr safir laga soo qaaday markaan arkay, sida uu u fariisto waxaa moodaa in uu ciyaal 'yo-yo' camal yahay. Muxuu mar walba u kala balaqaa lugihiis, oo sinta dambe ugu fariistaa? Protocolkiis kistoo ka qaldan ee dad advice gareeyo waa in uu hire gareyaa.
-
Originally posted by Munira002: MMA,Islam is a comprehensive religion that covers all facets of human life, while the West was enveloped in its Dark Ages,Islamic teaching laid the foundation for scientific, thought and paved the way for the scientific developments we see in the world today.Also,the Muslim World was at the height of learning and development. It is a known fact that the Renaissance was due in great part to the advancement and transmission of knowledge from the Muslim Civilization. Waa gartay walaashiis, ee waxaa ula jeeday Muslimiinta iyagoo dhulkaan iyo taariiq soo jireedkaan leh wali kama faa'ideysan. Dhulka ay maanta Muslimiinta degaan waa dhulalkii ilbaxnimada, horumarka iyo soo saarka ugu horeeye oo ka bilowday. Qaarkood oo ahaa Mesopotamia [maanta ah Ciraaq iyo Suuriya], Fircooniintii, Beershiya [Persia], Reer Andalus, Cismaaniyiintii iyo meelaha kale. Muslimiin haddaan nahnay kama faa'ideysan. Midda labaad aan ka faa'ideysan is qeyraadka, sida today's gold, shidaalka [oil]. Jabhad, it is obviously biased, and has a Western tendency, especially if the top is so far led by Acropolis in Greece. As you said the judges are Greek, so what do you expect? I was reading a few months ago about this new project and how furious some Egyptian officials got at by the simple reason of comparing those 'modern wonders' to ancient ones, like Pyramids of Giza. Some Canadians too were infuriated since CN Tower in Koronto was left out, especially since CN Tower was considered a 'modern wonder' by some.
-
Waxaa si rasmi uga socda Gobolka Hiiraan Socdaalka Nabbada oo ay horkacayaan Duqayda iyo wax garadka golbolka Hiiraan. Socdaalka Nabadda oo ilaa iyo hadda socda mudo asbuuc ah ayaa dadka reer Hiiraan si wanaagsan u soo dhaweeyeen. Socdaalka oo looga gol lahaa siddi loo sii adkeeyn lahaa nabadda ka jirta deegaanka Hiiraan isla markaana loo xalin lahaa qilaafyadda yar yar ee ka dhexjira beelaha degan deeganadaas ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xarunta Cilmibaarista iyo Wadatashiga Soomaaliyeed ee loo yaqaan CRD. Geedi socodkaan soo meel kastaa oo ay tagaan si khiiro leh loogu soo dhaweeynayo, ayaa waxaa ay maalintii shalay ahayd gaareen deegaanka Buqda Caqable. Si aad qiiro leh ayaana loogu soo dhaweeyay, iyadda oo odoyaasha deegnaakuna ay dadku ku guubaabiyeen is walaaleysiga iyo isku soo dhawaanshaha dadka degan degaanka. aa markii ugu horeeysay oo ay socdaal ku maraan odayaalka iyo wagaradka gobolka oo wada socda deeganka gobolka. Socdaalka mar mar waxaa uu isku rogayay mid dabaal-deg ah. Oo dadka dareemayeen in ay yihiin dad isku mid ah oo ayan jirin qabiil-qabiil. Mid ka mid ah odayaasha shirka ka soo qayb-galay ayaa yiri” “Mar hore ayaa iigu danbeeysay dareen Soomaalinimo in aan dareemo, shacaba Soomaaliyeed hadii uu sidaan oo kale isku dhexmaro iyadda oo cod nabadeed lagu hadlayo, dhibka Soomaaliya heyastaa waa uu dhamaan lahaa” Socdaalka Nabadda waxaa uu uu sii gudbi doonaa degaanada ay ka mid Matabaan, Baletweyn iyo Maxaas. Talooyinka ka soo baxyaa socdaalka ayaa waxaa ka mid ah in socdaalka noocaani ah ay Xarunta CRD ku baahiso dalka oo dhan. Deegaan kastaa oo dukhaydu tagtana waxaa lagu magacaabayay gudo nabadeed oo ku biro gudo gobol oo arimaha Nabdda gobolka ka shaqeeya. ' [i don't see any ubiquitous baroon (tikniko) guarding odeyaasha. Waa wax lagu farxo taas.] [Haweenka oo laga maarmaanka ah ayaa ka muuqan laakiin.] Xigasho Waa wax lagu deydo oo mudan. Soomaali Maryooleey should follow this daunting task in every region.
-
Dhacdadaan haddee runtahay, waaba foolgabax, as the qoraalka says. Actually, it is more than embarrassing. Xabash ha kugu booteyso adigoo dhulkaaga joogo, haddana kii xataa hoggaan iyo jago sheeganaayo. See loo baari karaa qof dhulkiis joogo by a shisheeye, oo amartaagleyn ah maadaama diyaaradda ayba Adisababa joogin, but dhul Soomaaliyeed? Haddana qofka la baaraayo waaba qof hoggaanka ugu sareeysa ee gobolka qof sheeganaayo. Soomaali midnimo, isbiirsi, isbaheysi iyo iskaashi waa diidee, Xabashi minan walba ay deganyihiin ha ugu amartaagleyso. Walaahi halhal ay noo qabteen, intii qabiil this iyo qabiil that lagu haayo, magac Soomaali hoos ka bixi doonaa, markuu ka baxana ogaadda -- I promise you this -- magac qabyaaladeedkaas Soomaalida caabuddaan ka hormari doono oo meesha ka siibmaayo, maadaama magac iyo jiritaanka Soomaali ka baxay meesha isku heyn lahayd. Maalintii taas la gaaro, yaa laga shaleyn.
-
what about ciyaalsuq Ciyaal suuq is a two-words word, so it cannot be on the list. When it is one word, as a noun, it can be ciyaalsuuq, but that is usually given as a nickname, a place name or a group name, which is not what we have in the list.
-
Dhabal bost.
-
Mogadishu Pictures: Paradise is within reach!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Libaax-Sankataabte's topic in General
Buuxo, dadka iskumid ma noqon ayaandaro. Dad ayaa ismoodo inay Kanadiyaan, Mareykan, Ingiriis, Iswiidish, Dane, Finnish, Oostaraliyaan iyo wixii lamid ah yihiin, xataa iyagoo dalka joogo. Baasaboorkaas been u sheegay, LoL. Sujuugii Nayroobi ku dhashay waayadii hore bilaash ayaa loola yaabi jiray markee Keenyaati iska dhigaan, Afsawaaxili baasna ku hadli jireen markii Afsoomaali loogula hadlo. Here is another mysterious Canadian flag, right behind that junior stooge. The "office" belongs to Soomaali "ambassador" to Kenya, Max'ed Cali Ameerika, who used to live in Kanada. -
It seems those so-called major 'wonders' always are located currently in Muslim lands or were built by Muslims. It always seems that. The new list on that site has those: - Taj Mahal - Hagia Sophia - Timbuktu - Pyramids of Giza - Petra
-
Dowladda Federaalka oo Haween Soomaaliyeed u diiday Shirka ay uga qeybgeli lahaayeen Dalka Talyaaniga Jimco, Juun 01, 2007 - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday in ay shir u tagaan Dalka Talyaaniga Haween Soomaaliyeed oo martiqaad ka helay Dowladda Talyaaniga. Go’aanka Haweenkan loogu diiday ka qeybgalka shirka ka dhacaya Talyaaniga ayaa waxaa uu ka soo baxay shir ay Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in aysan jirin wax ogeysiin ah oo ay shirkaas ka heystaan, sidaas darteedna aysan Haweenkaas Talyaaniga u dhoofi doonin. Dowladda Talyaaniga ayaa casuuntay 100 Haween ah, kuwaasi oo loo casuumay in ay ka qeybgalaan shir Talyaaniga ka dhacaya, waxaana casuumaaddaas ku dhawaaqday Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga haweeneyda lagu magacaabo Patrizzia Sentanelli oo dhawaan booqasho ku tagtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa sheegay in ay shirkaas u arkeen mid lagu carqaladeynayo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho, bacdamaa sida uu yiri ay isku soo beegmayaan waqtiga la qabanayo labada shir. Cabdi Xaaji Gaabdoon waxaa uu sheegay in haddii arrimaha shirka Haweenka lagu soo wargelin lahaa Dowladda Soomaaliya aysan taasi dhibaato ahaan lahayn balse haatan ay u muuqato in shirkaas lagu carqaladeynayo shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in go’aanka ay qaateen Golaha Wasiirrada Soomaaliya uusan wax u dhimi doonin Xiriirka ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Go’aanka ka soo baxay Golaha Wasiirrada ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi uu dalka Dibadda uga maqan yahay, isla markaana uu shirka go’aankaas lagu gaaray uu shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha Xasan Abshir Faarax. Xigasho Stooges as always never surprise you. Yaab ayee leeyihiin, dumarkii ayaaba ka fakan la.' Iyaga maa tikidka ka bixinaayo, oo hoteeladda dajinaayo markee isleeyihiin ka reeba inay tagaan shirkaas. Horta haba u diidaan kuwee awood u leeyihiin maadaama badanaa dibadaha ka tagi doono.
-
Mogadishu Pictures: Paradise is within reach!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Libaax-Sankataabte's topic in General
Guriga walaasheey ku yaalay Huriwaa aan kusoo xasuustay sawirkaan, aad ayuu ugu egyahay, siiba barandada iyo dhirta. I like unique, colourful flowers laga helo Soomaaliya, qaas ahaan guryaha Xamar, some imported, yea, but dalal kale kuma arkin those same flowers. Buuxo, perhaps the Canadian flag is there because the owner of the that new hotel -- called 'Tropical Village,' which can be seen one of the pictures -- are Soomaali-Canadian. Perhaps. Otherwise it doesn't make sense. -
I don't get it, we all seem to barking at the wrong trees…just google on the historical wonders these people (M.Dheere, Yeey, Qanyare, Indhacade, Yalaxoow, Dahir aways) You are comparing the feeble Father of Stooge of Xabashadda and other warlords to Xasan Daahir Aweys. I am not a defender nor apologist of Aweys, never was and neither a fan of his ideologies. However, that is out of bounds by comparing him to those dagaal'oogiyaashaan, some stooges of Xabashadda. Korneel Daahir Aweys may have fought in the civil war, wars as brief as they were, but he did not fight for his clan, he did not fight for power and certainly not for Xabasho. He did fight for an ideology, a common one from Marooko to Indoneesiya to Afgaanistaan.
-
Kuwani berina wax kalay soo wadaan!!! Ka waran kuwa Xabashadda -- Soomaali's numero uno nemesis; cadowgooda koowaad, labaad iyo sadexaad, no doubt -- keenay, isla Xabashadaas xasuuqay dadka maatida ahaa u sacabtumay, haddana leh waa ku fiicanyihiin oo guryahooda maxee ugu bixi waayeen. Haddana leh waa 'argagaxiso.' Haddana magaaladdii intii ka badbaaday dhulka la simay. Haddana kuwii kale masaakiinta geeljiriyaasha iska ahaa Mareykanka diyaaradihiis miigga weyn ku duqeeye, ku garaacay, kuwaas lagu yiri 'argagaxiso' kale ayaa tihiin, oo waa ku haboonyihiin. Kuwaas dadka magaaladda ka tirtiray, ka baabi'iye, ku xasuuqay, oo Xabashaddii ay keeneen kufsaday gabdhaha Soomaaliyeed -- the most repulsive, abhorrent, repugnant act any Soomaali with the littlest damiir ku jiro cannot withstand with -- kuwaas maxaa ka dhihi lahayd noo sheeg hee? Waa in la isla barbardhigaa waxa dhacaayo, oo la iska indhatirin. The question is, indeed, kuwaas bari maxee soo wadaan?
-
Howlwadaag, Huriwaa, Shaaqshiid ...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Originally posted by Juje: Allah uu Naxariisto inti dhimatey....however the act of killing people who work for the TFG should be condemned....waa dad masruuf iyo hunguri uu raadsanayo carrurtooda..killing them is despicably out of order and does not bear any logical reason. Nin qof aan waxna ka galabsan diila uu maleynmaayo in uu dan Soomaaliyeed iyo mid diinba uu adeegayo. There are many ways you can opposse this TFG and confronting it, murdering minor workers is certainly not one of them. Sidaan horey u iri, hunguri iyo jago raadis ayee ka tahay. Waa baahnaan karaan ama ma baahnaan karaan. Qoys iyo reer baahan ayaa sugaayo. Waxaas iyo wax lamid ah waa jiri karaan. Haddee saas yihiina aad ayaan ugu xumahay dilkooda iyo ugaarsigooda, waana taas aan ugu tacsiyeeye, oona u furay threadkaan. Inkastoo aan violence iyo wax lamid ah si walba ugu soo horjeedo, haddana iskuma dhigmaan dadka la qaarjinaayo. Kuwa dibaddaha ka tagay, minankooda iyo qoyskooda oo ku nabad qabaan ka dhaqaaqay, oo iyagoo qabyaalad caabudaayo, damiir Somaalinimo iska tirtiray, inay Xabasho occupation u shaqeyaan u tagay dalkooda, kana doorbiday inay ku sugnaadaan dalalka shishe ay deganyihiin, jago, jeeb buuxis iyo wax kale raadinaayo -- kuwaas habayaratee -- let's just say kuwaas waa another case. Aan kala saarno dadka marka. Iskuma dhigmaan masaakiin hunguri raadsanaayo dalka ku sugan, oo saan first post ugu qoray, iyo kuwa uus buuxis u tagay dalka, qabyaalad caabudana, oo dal iyo danta guud aanba waxba ka galin. Kuwa dambe -- waa kuwa dibaddaha ka tagay, calooshood u shaqeystiyaal qabyaalad caabudo -- haddee wax ku dhacaan iyagaa isku geystay, dadka dalka jecel Soomaaliyeedna naxariis kama sugayaan saan u maleeyo. U tacsiyeey xataa ma iiga suurowdo kuwaas. Kuwaas -- aan ku celiyee mar kale, waa kuwa qurbaha ka tagay qabyaalad caabud u tagay inay ugu shaqeyaan Xabasho -- let them lay the sariir ay gogladeen. Or other words, let them eat the doolsho they made, as unmacaan as it is. -
This is the original translation that accompanied the list. Ciyaal = children Ciyaalka = the children Ciyaalkeena = our children Ciyaalkaanaa = man, these children! Ciyaaloow = oh, children Ciyaalkeenoow = oh, our children Ciyaalkaasba = those children, too Ciyaalkaanba = these children, too Ciyaalkeena = our children Ciyaalkooda = their children Ciyaalkee = which children? Ciyaalkiisa = his children Ciyaalkeeda = her children Ciyaalkaaga = your children Ciyaalkeyga = my children Ciyaalkaas = those children Ciyaalkaan = these children Ciyaalbaas = unruly children Ciyaalkoow = children, children! [i missed this one from the list, soori.] Ciyaalkeenoow II = he who brought those/these children in [Many of you did not get this one; however, the word may consist two words of 'ciyaal keenoow,' which might have made more sense. This where you got the confusion from.] So it seems our sister Buuxo got the closest. Buuxo, yes your licence boostadda uu kusoo jiraa. Aaliya, Puuja and Kreepy, your Afsoomaali is not that bad, so rejoice. Anyone got any simple Soomaali test?
-
Waxaa maqli jiray absolute power corrupts absolutely. Awood adduunyo ayaa naga badatay meel walbaa iska duqeyneynaa? Runtii waxaan wax loo adkeysan karo ma'aha. U.S. Navy strike reported on Qaeda suspect in Somalia WASHINGTON (Reuters) - The U.S. military launched a strike against a suspected al Qaeda target in northern Somalia on Friday, CNN reported. A U.S. Navy destroyer targeted the suspect from off the coast of the African nation, the cable news network said, citing unidentified sources. There was no information about the results of the attack, it said. The target was a suspect in the 1998 bombings of U.S. embassies in Kenya and Tanzania, which killed 240 people, CNN said. The destroyer's guns appeared to be targeting a single person, perhaps moving in a convoy, according to the report. A Pentagon spokesman would not comment on the details of the CNN report. "We recognize the importance of working closely with allies to seek out, identify, locate, capture, and if necessary, kill terrorist and those who would provide them safe haven," said spokesman Bryan Whitman. "The very nature of some of our operations, as well as the success of those operations is often predicated on our ability to work quietly with our partners and allies." The United States launched air strikes in Somalia in January targeting three top al Qaeda suspects but killing their allies instead, U.S. officials have said. hose suspects also were wanted for the embassy bombings. Reuters
-
I even hear Adiss Ababa is not even theirs(historically)? Haa, magaalo Oromo ayee ahayd oo la dhihi jiray Finfine. Late 1800s ayee Xabashadda qabsatay oo magac cusub ula baxday, Adisababa. It is within Oromo boundary, not Amxaar [Xabashta].
-
Guddoomiyihii Degmada Howlwadaag oo Caawa la dilay Jimco, Juun 01, 2007 - Alle ha naxariistee waxaa Caawa la dilay Guddoomiyihii Degmada Howl-Wadaag marxuum Xasan Cali Siyaad (Xasan Fareey), kaasi oo ay dilkiisa ka dambeeyeen labo nin oo Bastoolado ku hubeysnaa. Marxuumka ayaa markii la dilayay waxaa uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday Salaaddii Maqrib, kaasi oo ku yaala isla Degmada Howlwadaag, waxaana sida la sheegay uu ku sii jeeday gurigiisa. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay labada Nin ee dilka geystay ay ku meereysanayeen halka ay Guddoomiyaha ku dileen, mana suurtagelin in la sheego intii aysan dilka fulin. Waa Guddoomiyihii seddexaad oo lagu dilo magaalada Muqdisho, waxaana horay loo dilay Guddoomiyayaashii Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa , iyadoo dilalkoodana ay ku soo beegmeen xili aysan hagaagsaneyn xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho. Magaalada Muqdisho ayaa beryahan waxaa ka dhacayay dilal loo geysanayay Dad rayid ah iyo Saraakiil ka tirsanaa Ciidamadii Soomaaliya iyo weliba qaraxyo lala beegsanayay fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan, iyadoo falalkaasina la sheegay in ay ka dambeeyaan kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Dalka Soomaaliya. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maamulka Gobolka Banaadir oo laga toogtay Seddex Guddoomiye Degmo ayaa wuxuu mar kasta sheegaa in uu wax ka qabanayo amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho, tiiyoo ay sii kordhayaan dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah, Saraakiisha Ciidamada iyo weliba mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir. Xigasho Masaakiintaas Eebba ha u naxariisto. Hunguri intee radinayeen naftooda ku waayeen. Dowlad ku sheegaan inay faragishtaan maba habooneen awal. Mar labaad Eebba ha u naxariisto.
-
What do you see in this map, created in mid and early 1800s? Taken long before European gumeysidoon arrived most of the continent. You see something on Soomaali lands. All the Soomaali lands are united, including Soomaali Galbeed, put on same colour. The only current land missing is in deep southwest, NFD and some parts of Jubbooyinka, which Soomaali expansion had not reached as a full then. If you even look closer, the lands of Xabash and Soomaaliya are not coloured the same. Yes, take a look again. The Xabash lands is coloured more light blue, in their historical small respective land.
-
Please spread this info to your Families
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Chimera's topic in General
Xaalka sababta keentay meesha kuma soo qorin. Waalidkooda intee kasoo xadeen, in the name of so-called abuse ayee dad kale inay u dhiibaan rabaan. Laakiin qaraabo ama asxaabta ehelka malaha miyaa ciyaalka? Soomaalida badankooda qaraabo ayee ku fakadaan markee saan dhacdo, oo u dacwoodo. -
Now you are close.
-
Meesha Chuck Norris mucaaradkiis ileen waaka buuxeen. Ninkaas, though, must have some fans otherwise he wouldn't have lasted this. Some jilaa aan u qalmin acting: Chuck Norris, Steven Seagal, Van Damme and Martin Lawrence. Old favourite actors Soomaalida ka heli jireen oo laga fiirsan jiray old Shaneemo Nasar, Shaneemo Xamar, Shaneemo Banaadir, Shaneemo Shantaraale and Shaneemo Misiyoone I used to hear (and how Soomaalis changed their names): Faranka Neero [Franco Nero], Kalint Istuud [Clint Eastwood] and Lee van Cleef [Liibaan]
-
Puuja, even though you did the most, but ku noqo once again, especially the the ones that have bolded letters, ciyaalkaanba and ciyaalkaasba. They are different from ciyaalkaan and ciyaalkaas. That is why I bolded the last two letters for a reason.
-
How good is your Afsoomaali? Do you think it is moderately good? This is a simple test, with anyone whose Afsoomaali is questionable in the middle and above average can pass off in a minute. The test has a simple almost twenty close words consisting and based one base word taken as an example, which differ in meanings, some slightly. You should translate them, as best as you can. PS - They are not anagram, acronym or attached two words, i.e. ciyaal faaycali or ciyaal maama or ciyaal la'aan or ciyaal xun. Those following are one-word words that can be made in any other noun Soomaali word. Ciyaal = children/kids, as an example Ciyaalka = ? Ciyaalkeena = ? Ciyaalkaanaa = ? Ciyaaloow = ? Ciyaalkeenoow = ? Ciyaalkaasba = ? Ciyaalkaanba = ? Ciyaalkeena = ? Ciyaalkooda = ? Ciyaalkee = ? Ciyaalkiisa = ? Ciyaalkeeda = ? Ciyaalkaaga = ? Ciyaalkeyga = ? Ciyaalkaas = ? Ciyaalkaan = ? Ciyaalbaas = ? Ciyaalkeenoow II = ?
-
Another daljecel oo dhab ka ah. He is the former daljire to Hindiya and the caretaker post-civil war of that embassy. Md. Max'ed Cismaan Cumar wrote a very detailed, balanced historical book about Soomaalis and Soomaaliya, which I keep forgetting to buy it from his sons' famous restaurant where they sell it, Macmacaanka Xamarweyne here in Koronto. ------------- Soomaaliya: Qaran Gacanta loo Geliyay Cadawgiisa Maxamed Cismaan Cumar mosman65@yahoo.com May 10, 2007 Waxa ka dhacay dalka Somaaliya maanta waa wax aan loo dul qaadan karin, ahna dhibaato in laga soo kabsado waqti qaadan doonto. Waa dhibaato xad-dhaaftay adkeysiga bani-aadanka. Waxuu dhaliyay musiibad aan maskaxda qaadi karin. Iska dhegatirka ama faro ka qaadka dilka loo geystay maalin kasta shacab aan waxba geysan, oo ay ka mid yihiin dumar, carruur iyo waayeel oo ay ku dhinteen gantaalada culus ee ciidanka Ethiopia ay ku soo tuuraayeen xaafado ka mid ah magaalada muqdishu, gaar ahaan meelaha ay dadka ku badan yihiin, waxaa loo qaadan karaa in kooxaha loo yaqaal “mujtamaca adduunka” ay is yiraahdeen “maxaa naga galay” haddii la dhameeyo shacabka Soomaali, dalkana laga tirtiro khariidada adduunka. Shaki kuma jiraan in “mujtamaca adduunka” oo ay ka mid tahaya Qaramada Midoobay ay ku dhaqmaayaan tayda ah “waxba ma arkin”, “waxna ma maqlin”. Waxaa yaab leh halkii ay mareen dadkii faraha badnaa oo had iyo jeer wadooyinka magaladaha isu soo baxi jiray iyagoo ka mudaaharaayo gardarrada iyo daandaansiga lagu haayo dadka dabarta darran iyo kuwa aan is daafici karin. Aaway dhalinyaradii geesiyaasha ahaa oo ka wada iman jiray kuna soo qulquli jiray caasimada adduunka iyagoo sita boorar looga soo horjeedo dilka iyo xasuuqa shacab weynaha? Munaafaq-nimo xad malaha. Waxaa jiri jiray in xitaa haddii qof xayawaan (sida eyga) uu asiga leeyahay garaaco, dad badan si adag uga soo horjeesan jiray oo bannaanbax ka sameyn jiray iyagoo ku andacoonaayo in ay u dagaalamaayaan xuquuqda xayawaanka. In bannan baxyadaas ay ula jeedo gaar ah leyihiin, waxaa ku tusaaya in dhowaan meello badan oo ka mid ah caasimadaha reer galbeedka oo bannan baxyo looga soo horjeedo Dawladda Suudaaan laga qabanqaabiyay kaas oo lagu taageeraayey dadka gobolka Daarfuur ee dalka Sudaan oo waxa sidaas loo buun-buuninaayo oo halkaas ka dhacay, dhimasho ama barakac dadweyne, aan marna la bar-bar dhigi karin waxa loo geystay ummadda Soomaaliyeed. Markii ummad dhan waddooyinka lagu dilay ama ku dhaawacmay bombooyin guryahooda lagu soo aadiyay, carruurtana ku dhaawacmay ama ku dhintay iyagoo dibadda ku ciyaaraayo ama kuwa yaryarna sariirta jiifa, waxaa u soo bannnaan baxay, oo weliba codkooda la cuna- qabateeyey, waxay ahaayeen Soomaalida ku nuul dibadaha, oo isugu jira rag iyo dumar, yar iyo weyn, hase yeeshee aan qayladoodana dheg loo dhigin. Gabartii lagu keenay TV-ga Al-Jazeera oo sheegtay in iyadoo reerka u kululeynaysa contadii bariday bomb kurigooda ku soo dhacay oo dadkii deganaa oo dhan ku dhaawacmay. Cabsi laga qabo in, iyadoo jidka la goynaayo ay bomb disho, ayaa dadka ku qasbay in maalin kasta suuqa loo bixin oo waxii baryay loo kululeeyo reerka. TV-ga Al-Jazeera waxaa kale ay daawadayaashooda tustay wiil jiifay sariir isla isbitaalkaas oo ama hal jir ah ama ka yar, oo cunaha ilaa caloosha oo dhan ka saran yahay faasho oo u ekaa in caloosha ka gaartay bombadahii faniinkooda. Sidoo kale, asigana waxuu ku soo dhawacmay bombadii ku dhacday gurigooda. Boqolaalo dhibaato oo noocaas ah ayaa dalka ka dhacay oo cid magdhaw siinaysa aan jirin madaama nidaamka ay ku dhaqmaan kuwa ku andacooda in ay la dagaalamaayaan argaxisada adduunka, Somaaliya iyo dalalka kale ee diinta Islaamka haysta dadkii ay ku dilaan: carrur, dumar iyo waayeel, ay ku sheegaan qof laga shakiyay ama lagu tuhmay inuu ka mid ahaa argagixiso. Ma jiraan wax su’aali kara ama u dacwoon kara in maxkamad lagu qaado kuwa wax dilay. Sharcigooda ayaa u fasaxaayaa in ay dilaan ciddii ay rabaan. Ma dhicin in kooxaha lagu sheego “mujtamaca adduunka” ay si toos ah ugu baaqeen in kuwa si gardarrada ah ugu dilay shacabka Somaaliyeed in ay joojiyaan baabi’inta ummadda iyo burburinta hantida dadweynaha. Waxaase xusid mudan in bishii April 23, 2007, ay Modowga Yurub ay soo saareen war cad ay ku “warsanaayaan in ciidanka Dawladda Somaaliya iyo kooxaha ka soo horjeedo ay joojiyaan dagaalka, isla markaasna taageereen dowrka Midowga Afrika ay ka ciyaaraayaan dalka.” Midowga Yurub waxay iska indha tirtay ama ka war-wareegtay in ay soo qaado maga Ethiopia, kaas oo xitaa qalabyada warbaahinka Maraykanka ay qoraan: “Ethiopia inay la dagaalameyso Soomaalida iyagoo ku andacoonaayo in ay gacan siinaayaan ciidanka Dawladda”. Tank ayaa lagu dhameeyay dadka. Tank ama waxii la dhihi jiray gaarida gaashaaman, oo ay Dawladda leedahay waxaa ugu dambeeyay dalka labaatan sano ka hor oo ay jireen tankiyo weli dhaqaaqaayo. Suurto gal ma tahay in Labaatan iyo toddoba Wasiiro Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ee isku sheega inay adduunka ugu ilbax-sanyihiin, in xitaa midkooda uu fahmi waayey cawaaqibta ka iman karta Ethiopia oo soo weerarta, qabsatana dalka Somaaliya, nooc kastaba ha ku soo gashee, iyadoo la ogsoon yahay xiriirkooda taariikhiga ah siduu yahay. Ma dhici kartaa in ay ku fikiri waayeen in aan labadaas dal la iska horkeenin ama in la kala ilaaliyo?. Markii la wada maqlay oo adduunka ku faafay, idaacadaha iyo TVyada sheegeen, dilka faraha badan iyo dhibatada shacabka Somaliyeed la gaarsiiyay ayay garteen in ay iyagana ku biraan kuwa leh: “aad ayay uga walwalsanahay.” Midowga Yurub, mucaawino lacageed ayay meel dhigeen, hase yeeshee, ay sheegeen in isticmaalkiisa ku xiran yahay “wada hadal in uu dhex maro Dawladda iyo kuwa ka soohorjeedo”. Intuusan weli hirgelin qorshahii Midowga Afrika ee ahaa in uu ciidan u diro Somaaliya, kumayaalo oo Somaali ah ayaa ciidanka Ethiopia kali ah, ama ay dileen ama dhaawaceen. Kuwo kalena guryahooda ay dhulka dhigeen iyo dad tiradooda lagu qiyaasay 400,000 ay bara-kiciyeen, iyagoo hiil iyo hooba ka helaayaan Midowga Yurub iyo Maraykanka. Somaalida waxay aad iyo aad uga xumaatay cambaareyn la’aanta dawladda shisheeye oo soo weerartay qabsatayna dalkooda, iyadoo ay xubin ka tahay Qaramada Midoobay. Sida horeyna u dhacay, haddana, Golaha Ammanka waxuu door biday in uu ka aamuso in la jebiyo go’aankiisa uu soo saaray 5ii Disembar ee 2006, oo qodob ka mid ah qoraayo: “4. Waxuu ayidaayaa sida ay IGAD qorshaheeda yahay in dawladaha deriska la ah Somaaliya aysan geynin ciidan Somaaliya.” Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yusub Maraykanka iyo Qaramda Midoobay waxay ku heshiiyeen in shacabka Somaali lagu xukumo in ay dembi gashay markii ay u sacab tuntay, guushii Midowga Maxkamadaha ay ka gaareen qabqableyaashii dagaalka, sida la ogyahay, cuna qabateeyay dalka iyo ummadda muddo toban iyo lix sano. Somaalida lixdii bilood ay Maxaakimka dalka qaarkiisa gacanta ku qabsatay uu ahaa, taariikh lama iloobaan, madaama ay muddo dheer ku noolaayeen dulli iyo dandarro oo ay ka mid ahaayeen kufsi iyo xasuuq iyo jidgoys. Xitaa kooxaha u dooda xuquuqda insaanka, ma su’aali karaan haddii Ethiopia iyo Maraykanka ku andacoodaan in gabartii isbitaalka ka hadleysay ee reerkeeda oo dhan bomb dhaawacay iyadoo cunto kululeyneyso ay cuntada u diyaarineysay “argagaxiso” ama wiilkii yaraa, ay yiraahdaan, waxaan tuhun-sanahay in hadduu weynaado uu noqonaayo al-Qaacida. Maraykan dan kama laha in Somaaliya nabad iyo xasilooni gaarto. Waxuu ku andacoonaayaa in uu la dagaalamaayo argagixiso oo ay madax u tahay al-Qaacida, oo saddex ka mid ah ay ku qarsan yihiin Somaaliya. Arrintaan waxaa suurtowda inay tahay marmarsiiyo lagu daboolaayo in ay dalka ka leedahay dan strategic ah, iyadoo ku xisaabtameyso in Somaaliya ay ku taallo meel aad iyo aad strategic u ah. Run ahaan, Somaalida dembiga loo haysto waa ahmiyadda ay leedahay iyo meesha ku taallo. Ma aha markii ugu horeysay oo Somaaliya lagu cambaareeyo in ay qarineyso argagixiso. Markii ay xukunka haysay dawladdii TNGda, waxaa la faafiyay war ku-tiri-ku-teen ah oo dhahaayey in meel la yiraahdo Shimbiraale ay xero ku leedahay al-Qaacida. Markay arrintaas run u qaateen, ayaa wariyeyaal Maraykan ah isla markii Xamar dayaarad ka qaatay oo tagay isla Shimbiraalehii la yiri waxaa jooga al-Qaacida. Waxay soo waayeen wax raad ah ama u ek meel laga guuray. Shimbiraale, waxay usoo arkeen in ay tahay meel xitaa shimbirta ay hebeen ku nasan karin. Markale, warkii ku-tiri-ku-teenka ahaa ayaa isla ilahii markii horeyna faafiyay, soo if baxay. Markaan, iyadoo aan la xaqiijinin, Maraykanka, waxuu hawl geliyay uu mushahar boqolallo kun dollar ah u qoray dagaal oogeyaashii dalka dan-darreystay. Dagaal oogeyaasha markay keeni waayeen argagixisadii la raadinaayay, si loo sharciyeelo mushaharadii ay qaateen, ayay dagaal la galeen Midowga Maxkamadaha, halkaas oo ay ku guul darreysteen. Markii laga guuleystay dagaal oogeyaasha, ayaa Maraykanka go’aansaday inuu aqoonsado Dawladda Federaalka oo la sameeyay 2004, laba sano ka bacdi markay jirtay. Maraykan markuu laba sano diidanaa in uu aqoonsado Dawladda Federaalka, ayaa danta ku qasabtay, si uu “awoodeeda” sharciyeed u isticmaalo. Madaama uu ogyahay in dawladda ay awood lahayn, waxuu kaga faa’iideystay inay warqad cad ah u saxiixdo Ethiopia iyo Maraykan in sidii ay rabaan ay dalka ka yeelaan oo meeshii ay rabaan dayaarado ama tankiyo ku garaacaan, iyadoo sabab loogu dhigaayo la dagaalanka argagixisada. Qorshaha lagula dhaqmaayo waxaa dejiyay Maraykan. Meelaha la garaacaayo iyagaa tilmaamtiisa bixiyay. Ethiopia waxay weerartay gegadaha dayaarada Muqdisho iyo Balledoogle, bishii Disember 2006. Bishii Jannaayo 7, Markii Maraykanka ku duqeeyay dayaradda dagaalka C-130, meel ay u tilmaamsadeen in ay joogaan argagixiso, halkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 70 qof oo xoolo raac ah oo ka nasanaayay daalkii maalintaa oo ay ku soo daaleen caws iyo biyo u raadin xoolahooda. Halkii ay fadhiyeen oo dab ay kaneecada iskaga fogeeyaan u shidnaa, ayaa si toos loogu garaacay dadkii iyo xoolahii. Dadkaas si gardarrada ah loo dilay iyo kuwa magaaladda bombooyinka lala dacay oo dhintay ama dhaawacmay iyo khasaaradaha faraha badan ummadda la gaarsiiyay, xisaabta mubaaxda ah aan cidna loo qabsan karin miyaa lagu daraa? Wax yar oo tala ayan jeclaan lahay inaan u jeediyo dalalka reer galbeedka, Midowga iyo Maraykanka anigoo og caqliga ayku shaqeyn jireen uu ahaa sida ganacsiga loo yaqaan kala bax. Beryahii hore xiriirka dalalkaas iyo dalalka soo koraayo ama dunida saddexaad, meel fog ma gaari jirin sababtoo ah xiriirka waxuu ku xirnaa shaqsiga markaas kursiga ku fadhiyay, oo ay u badnaayeen kuwii isticmaarka ku wareejiyay kursiga, oo galbeedka u aqoonsan jiray in asiga keligii loo dhiibo waxii xisaab ah ee dalka loo soo qorsheyn jiray. Dan lagama gali jiray meesha aay ku baxayso mar haddii shaqsigaas laga dhameysan karo danta la leeyahay. Sida la ogsoon yahay, malaayiin oo dollaarka Maraykanka ayaa lagu warejin jiray bunuugta Yurub, gaar ahaan kuwa ku yaalla dalka Switzerland oo caan ku noqday meelaha ay madaxda Afrikaanta ku shubtaan lacagtii dalkooda iyo shacabkooda la siin jiray oo diwaankana deyn ahaan loogu gelin jirey. Somaaliya waa tii ay ku magac baxday “Qabrigii Mucawinada Shisheeye.” Dhanka kale, dalalka kale, sida Shiinaha, oo macaamilo xoog leh la lahaa Afrika, xiriir waa la lahaan jiray dawladda ama qofka kursiga ku fadhiya, hase yeeshee, mucaanidda dalkaas waxaa loo jeedin jiray mashaariic wax u tara dadweynaha, sida dhismo waddooyin iyo mashaariic ma guuraan ah. Matalan, Somaaliya waxay u sameysay Dawladda Shiinaha, waddo dheer oo isku xiraayo Koonfur iyo Waqooyi, Tuullo sportiga loo isticmaalo, sida garoomaha kubbadda cagta, kuwa kolayga, kuwa tennis iwm iyo Hotel weyn oo qaada martida dalka u timaada ka qayb gal ciyaaraha sportiga. Waxaa kale ay sameysay, Golaha Murtida iyo Maweelada iyo iwm, iyo ay gacan ka geysatay horumarinta beeraha iwm. Reer Galbeedka mar dambe ayay fahmeen in wax ummadda anfacaayo inay hirgeliaan. Waxay hagaajiyeen dekeda Xamar iyo ay dhiseen aqalka Golaha Ummadda. Waxaas ayaa dadka u haraayaa, in kastoo hadda aan wada burburinay. Weligeed soconmeyso siyaasadda ah ka faa’iideyso qofka markaas jagada haayo, lana ilaawo shacabka. Dawlad way timaada wayna tagtaa. Hase yeeshee, shacabkaa waa haraa, isla maarkaasna waxuu awood u leeyahay in uu dawladda doorto ama rido. Toban iyo shanta million ee Yuuro oo Midowga Yurub sheegtay inay diyaarisa, waxaa loo isticmaalaayaa mashruuca Midowga Afrika ay u dejisay Somalia oo ku saabsan ciidamada ay direyso. Ethiopia keli ah, oo weliba aan ku jirin dawladaha loo oggolyahay in ay ciidan Somaaliya keenaan, ayaa hadda boqolaalo dishay. Yugaandana door hosaad ah ayay ka ciyaaraysaa, hase yeeshee, kama madax bannaana dembiga laga galaayo ummadda Somaaliyeed. Qaybta labaad waa loogu talo galay in lagu qabto wada hadal siyaasadeed. Su’aasha waxay tahay, Midowga Afrika, horta, raalli maka yahay in wada hadal dhaco. Runta marka loo sheego, jawaabta waa maya! Maxaa yeelay Midowga Afrika waxay taageersantahay waxa ay ka wadaan Ethiopia iyo Maraykanka dalka Somaaliya. Madaama ay haddeer gacan sareyaan, Midowga Afrika, meel marsiin maayo qorshaha Mdowga Yurub. Su’aasha kale ee meesha ku jirta waxay tahay, sidee wada hadal u dhici karaa iyadoo dalka ciidamo shisheeye haystaan? Dhanka kale, dhamaan waxa faraha kula jira arrimaha Somaaliya waxay jecelyihiin in dalkaas dhulka la dhigo; dhawaaqa way wadaayaan, hase yeeshee, marna, tilaabo lillaahi ah qaadi maayaan si khilaafka u dhammaado. Arrintu waa “Qabta maqalsii, waxna ha u qaban.” Dhibaatada ugu weyn ee Somaaliya haysata waa dhexdeenna oo naloo kala qaybiyey kooxo oo dhinacyo kala duwan ka soo jeedo. Waxaa naloo qorsheeyay in aan dhexdeenna is baabi’ino. Waxaa nala ilawsiiyay danteenna guud ee qaranimada. Ilaa laga helo Somaali oo ku mideysan danta dalkooda, ama ayiga ayaa is dilaaya ama kuwa ay la safan yihiin maanta ayaa berito dilaaya. Qofka maanta ka qayb qaadanaayo burburinta dalka, waxuu berito markuu indhaha kala qaado ogaanaayaa in waxa uu burburiyay aqalkiisa ahaa. Hal shey waa in maskaxda lagu haayaa: Qofka qiyaano dantiisa si uu cadaw ugu faa’iideeyo, asigana waxaa ugu dambeystii dilaayaa kii uu la jiray, maxaa yeelay kan dambe waxaa u cad in qofkii dantiisa qiyaanay in uu asigana qiyaanaayo. Xigasho
