Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,667
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    325

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Heshiiska Jabuuti hal baan ka leeyahay Qofkasta oo u dhuun daloola siyaasada iyo taariikhda dalka Soomaaliya, wuu ku qoslayaa heshiiska ka dhacay dalka Jabuuti. Inta aan khaladka layga fahmin, waa aan taageersanahay heshiis, maxaa yeelay ilaah baa yiri heshiisku waa khayr. Qofkasta oo daawaday barnaamijkii (warlord next door) ee laga soo daayey channel 4ka dalka Ingiriiska isla markaana si toos ah loo soo geliyey shabakada Youtube, waxa uu ogaanayaa in aysan waxba gacan iyo gunti midna aysan inoogu jirin, oo aan nahay dad iyo dal la haysto. Dhanka dawlada kama imaan karo heshiis, aan ku dhisnayn maslaxad dal kale, mucaaradkuna kama imaan karo heshiis ay ka midaysan yihiin. Waxa ka dhacay Jabuuti waxa ay ahayd siminaar Soomaalida lagu xusuusinayey in aysan dalkaan lahayn cidkale, in uu wadankii bur-bursan yahay, oo waxa laysku dayayey in xididkii wadaniga ahaa ee ka dhintay dagaal huriyeyaasha lasoo nooleyn karo. Maxamed Cawad Cabdalla oo ah wakiilka UNta waxa uu u sheegay wariyeyaasha caalamka in uu heshiiskaan ahaa kii afar iyo tobnaad laga soo bilaabo maalinkii la saarey Maxamed Siyaad Barre. In uu horumarona ay ku xiran tahay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan. Waxa uu Cabdilaahi uu saxiixay in Itoobiya laga saaro dalka sida uga dhaqsaha badan uguna dhow, meesha ay Maxkamadaha Islaamiga ogolaadeen in ay joojinayaan xabada ka socota Muqdisho. Been haddii aan laysu sheegayn, Cabdilaahi Yusuf dalka kama saari karo Itoobiya iyo cidkale, Maxkamadahana ma joojin karaan dagaalkaan joogtada ah ee ka socda dalka meelo ka mid ah. Dad Cabdilaahi Yuusuf ugu dhow dhiig ahaan iyo siyaasad ahaanba ayaa sheegay in hubkii lagu tuurey Cabdilaahi Yuusuf markii uu aadayey dalka Jabuuti uu ka imaanaayey xaga xeradii ciidanka Asluubta halkaas oo ay haatan dagan yihiin ciidamada Itoobiya. Itoobiya in ay ka baqday culayska uga iman kara caalamka shaki maleh, taas waxa daliil u ah, in uu ninkii u talinayey dalka Soomaaliya Generaal Gabre uu tagay Jabuuti. Sidoo kale safiirka u fadhiya Itoobiya dalka Jabuuti, waa uu diidanaa in shirka laga saaro. Waxa taariikh cad ah oo meel walba ku qoran, in dadkii ay Itoobiya u dhiibtey Gobolada Soomaali Galbeed (********ya) ay noqdeen kuwo dalka ka baxsaday, kuwo ay laysay iyo kuwo ku raagey xabsiyadooda. Sheekh Shariif Shiikh Axmed iyo kuwa isaga ku xiran waa danwadaag niyad fiican oo qunyar socod ah. Waa dad raba in ay dalka dawlad fiican ka dhalato oo waa dad raba in cadawga dalka laga saaro. Shiikh Xasan Daahir Uweys iyo qaybtiisana waa dad niyad fiican oo mayal adag, laakin labadan koox xalka isku si uma arkaan, kuwa uu qabiilku diloodey maahanee waxa ay ka siman yihiin in uu dalka ka dhasho dawlad Muslim ah oo uu ilaah raali ka yahay. Kuwa qunyar socodka ah, iyo kuwa mayalka adagba uma taliyaan dhalinta dagaalka ka wada dalka gudihiisa. Soo jug-jug meeshaadii joog maaha. Sida ay ka dhawaajinayaan dad u dhuun daloola siyaasada Soomaaliya waxa ay sheegayaan, in Itoobiya laga saari doono dalka meelo ka mid ah, in lasoo kordhin doono ciidamada UNta. In mucaaradka aaminsan in lakala sooco diinta iyo siyaasada (secular) la siin doono jagada Ra’iisul wasaaraha, ka dibna Cabdilaahi Yuusuf marka uu wakhtigiisa dhamaysto loogu dari doono laba sano. Waxa intaa lagu daraa, in beesha uu ka dhashay Shiikh Xasan Daahir Uweys si gooni ah loola shiro, si ay markaa u joojiyaan taageerada ay u fidiyaan wiilashooda. Xigasho
  2. Shirka Jabuuti, showr aan sharax badan laga bixin Hoggaan halgankiisii iyo hawshiisii kahor yimid I nkastoo jinsiyadaha kala duwan ee caalamka kajira ay qoloba qolada kale wax un uga duwan tahay haddana banii’aadamka waxyaabaha uu kukala duwan yahay waxaa kabadan waxyaabaha uu wadaago. Bal jinsiga Soomaaliga layidhaahdo waxaa ladhihi karaa waxaa jiro waxyaabo badan oo ukali ah. Waxyaabaha aan annaga kali lannahay waxaa kamida tusaale ahaan: 1 - Dal aan dawlad lahayn 18 sano dadkiisana ayna umuuqan dad dawlad rabo ama tabayo. 2 - Dal iyo dad magac leh oo dhul iyo xuduud leh cid iskudubariddayna oo magaca u bixisayna aan lagaranayn. 3 - Maxkamado aan dawlad lahayn oo haddana wax kala xukumayo. 4 - Magaalooyin dhisan oon dawlad maamusha lahayn balse wax walba oo kale leh. 5 - Iyo ugu danbayn hoggaamiyayaal iyo wafti meel loo dirsaday oo iskudaray inay goostaan, inay 360 darajao iswareejiyaan iyo inay dhagraan saaxiibadoodii ay islasoo halgameen islanasoo rafaadeen sabab la’aan, illeen qofbaa xitaa yidhaa waxbaan kacadhooday oo sidaa iskubadalee. Anigoon sheekada sii dheeraynaynin ayaan jeclaystay inaa xoogaa yar farta kufiiqo waxa ay laba Shariif kukaceen. Inkastoo Shariif Xasan Sheekh Aadan aan asaga lalaba yaabayn oo uu horey uga qaybqaatay sharciyaynta qabsashada gaalada madoow ay qabsatay dalkeenna, oo uu un kasoo cadhooday Odayga Axmaaradu gardaadisay markuu waayey wuxuu rabay, ee waxaa aad loola fajacay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ladhihi karo wuxuuba caalamd u ahaa kacdoon sal u ahaa, islaanimada iyo Soomaalinimada baryahan soo udgayey, inuu intuu hoosta kala xidhiidho gaalo cad cad iyo kuwo mad madow oon innaba hayaaraatee aan dadkeenna iyo dalkeenna midna wanaag iyo ixsaan uhayn haddana qalinka ugu duugo ogolaasho inay dadkeenna dullaystaan asagoo sheeganayo inuu matalo Soomaali yahayna masuul darajo sare leh. Nimankii saaxiibbadiis ahaa oo afka goostay lehna annaga lamana soconno waxa Jabuuti kasocdo shuqulna kuma lihin ayuu damcay inuu magacooda wax kusaxiixo, waa il adayg iyo dhagar aad looga argagaxay loogana yaabay. Waxaa aad looga naxay waa qofkii dammiir Islaanimo kujirtee in dhabarka loo duway dadkii safka lugu wada jirey, in kooxdii Soomaalida ahayd ee uu cadowgu iskasoo hormariyey si ay ugu ceeb asturaan lahor fadhiisto, in lala qaxweeyo gaal madoow oo gacmaha kuwato dhiiggii culamada muslimiinta, dadkeennii maatada ahaa ee uu kas iyo kibir uxasuuqay iyo dhallinyaradii diintooda inay difaaceen u istaagay. Waxaasoo dhan waxaa kasii daran in lasaxiixay in labadbaadiyo Tigreega fartay qaadaanbaa lajabiyey ee ay uhadhay inay dabada jeediyaan ayagoo saynta iskaqaniinsan iyo in askartii Tigreega ee sheegatay inay dawlad tahay in loogu yeedho dawlad oo la ictiraafo oo lasiiyo xuquuq iyo sharaf ayna marnaba mudnayn. Hasha maankayga gaddaye mamasaarbay liqday Waxaa laga sheekeeyey oday soomaali ah oo caqligiisa iyo fahamkiisa laga yaabay, qolo ayaa isku dayday baa layidhi inay xujeeyaan (imtixaanaan). Kolba xujo ayaa loo keenaa wuuna furaa, markii laga quustay ayey qolo kutashatay inay odayga u helaan xujo uusan furi karin. Waxay soo qabteen hal geela gudunta ama masaarta inteeda birta ah ayey liqsiiyeen, dhuunta ayeyna u istaagtay, hashii marka waxna cabbi wayday waxna cuni wayday illeen birbaa dhuunta ufadhido oy kumargatayee. Odaygiibaa lalasoo doontay loona keenay oo layidhi bal hadda xujadanna fur oo hasha waxa hayo sheeg. Odaygii hashiibuu dhinac walba kamaray si walbana ufiiriyey, wuu arkay inayna hashu cudur saa usii wayn qabin laakiin meel un laga haysto. Markuu kuwareeray meella saari waayey waxa hasha hayo ayuu erayadan kor kuxusan kudhawaaqay oo uu yidhi “hasha maankaygay gaddaye ma masaarbay liqday”. Hadda shirka Jabuuti aadbaa loogu jaho wareeray loolana yaabban yahay waxa laga danleeyahay iyo ujeeddada kadanbayso, waxayse ubadan tahay inuu yahay iskuday lugula dirirayo diinta islaamka ee Geeska Afrika iyo jihaadka islaamiga ah ee kabillowday Soomaaliya. Nin masuul ah oo ay ummad dhan wakiilatay inuu mathalo oo xuquudeeda u doodo una difaaco inuu inta is dhagatiro oo hoteel iskuxidho gaalada cadawga ah wax alla waxay rabeen usammeeyo waa arrin aad loo qariibsaday lana fahmi waayey. Waxaanse shaki kujirin inayna arrinta shirqoolka kabillaaban jabuuti ee uu jirey xidhiidh qotodheer oo muddo usocday qolyaha heshiish kusheegga waday iyo shariifyada saxiixay labadaba. Dagaal faraha la’isaga gubtay ayaa socdo hadafkuna waa in cadowga duullaanka ah la’iskadhiciyo oo meeshuu kayimid dib loogu celiyo, Muxuu yahay marka heshiishkan aan la’islana ogayn loona diyaargaroobin ee sidii khudbo sireed hoosta la’iska xodxotay. Xadgudubka ay laba Shariif iyo wafdiga lasocda sammeeyeen [/b] Inay meel lafadhiistaan danbiilaayaal dagaal oon mudnayn ixtiraam in maxkamad lasoo taago oo ciqaabta ay mutaysteen lamariyo mooyee. Inay aqoonsadeen dawlad aan jirin oon aasaas iyo raad toona lahayn ahna wax gumayste cadow ah soo unkaday kuna amar kutaagleeyo danihiisana kufushado. Inay sidoo kale lashowraan gaal madoow oo dhiiggii muslimiinta soomaalida iyo kuwii Itoobiya kuhoos noolaa gacmaha kuwato. Inay saxiixaan qodob lagu dalbanayo in ciidamo shisheeye lakeeno soomaaliya. Afartaa qodob way kala xun yihiin kalana daran yihiin, waxaana ugu daran kan ugu hooseeyo oo ah arrin aad uhalisa larabana in lugu badbaadiyo Itoobiyo oo ay kabaxdo Soomaaliya iyo bad qabto, waayo shaki kuma jiro in lajabin haddayna iskeed ucararin maxaa yeelay Itoobiya awood umalaha inay kawaddo soomaaliya dagaal daba dheeraado. Ciidamada larabo in lakeeno kasokow inay Itoobiya culayska kaqaadaan, wax kale oo loo keenayaa inay maamul kusheegga sii ilaaliyaan meeshana kusii hayaan sidoo kale kahortagaan inuu dhasho nidaam islaam kusalaysan illeen wax kale looma guuxayo waa colaad iyo nacayb islaamka loo qabo darteede. Marka ninka sheeganayo inuu mujaahid yahay ama ahaa gaalana ladirirayo say kudhici inuu qodob caynkaas oo kale oo kasoo horjeedo wuxuu u dirirayey inuu saxiixo asagoo waliba og inaan cidna kuraacayn arrintaas oo uu kaligii kunoqon. Labo mid unbay tahay; in laga tanaasulay wixii loo halgamayey ee la aaminsanaa ama in la’iskhasbay oo cadaadis iyo handadaad kadib la’isku khasbay, wax udhaxayn karo labadaas kama muuqato meesha. Waxaa laba Shariif kahoos baxday : Inay hubsadaan inuu ururka ay magaciisa wataan waxna kusaxiixayaan uu raalli kayahay heshiishka, maxaa yeelay saxiixid wax lasaxiixo kaligeed macno yeelaysan mayso mar haddayna jirin cid diyaar u ah inay aqbasho oy fuliso heshiiska. Inay qadariyaan ururka ay kujireen mabaadi’diisa iyo ahdaaftiisa oyna kaligood iska amar kutaaglaynin ayagoon oggolaasho kahelin dadkii ay iskujaalka ahaayeen illeen meesha geel laguma dhacayee, oo hadday ayaga lanoqotay inay heshiis caynkan oo kala ah galaan inay kabaaxan ururka oy marka raadsadaan ayaga wixii la’aragti ah oy heshiis markaa galaan intii ay shabbad ayna lahayn kaligood oo docda lugula dhaggan yahay wax kudhufan lahaayeen. In hubsadaan in Tigreega meesha qabsaday diyaar uyihiin inay fuliyaan waxa lugu heshiini, haddiise ay dhacdo hadhow inay diidaan inay fuliyaan cid dammaanad qaadayso inay kahirgalini heshiiska. Ummadaha Midoobay ma’aha urur awood uleh inuu fuliyo waxayna saddexda dal ee Vitoda kuleh ayna wadin sida Maraykan, Faransiis iyo Ingiriis, ayagoon marka saddexdaas dammaanad lawada ogyahay oo saxiixan kahelin way adkaani inuu ballan loo qaaday fulo. Hadalka oo kooban Qofkii Muslim ah oo kaqayb qaatay hawshaas gurracan waa inuu faraha kalabaxo oo uusan islaamka iyo dadkiisa dhibaatayn maxaa yeelay waxa ay saxiixeen waa wax aan qof diin iyo dammir leh u cuntamin, iskadhaaf mujaahidiinta naftooda u huray oo u sitaagay jihaadka barakaysan ee waxaan aqabali karin dadka meelaha kale joogo ee niyadda kala jiro. Suurtogal noqonmayso hawl kummannaan mujaahidiin ah ay nafttoda usoo hureen qaarna u curyaamoobeen, sidoo kale shacab fara badan iyo culumo farabadan loo xasuuqay darteed in layidhaa waa la heshiiyeey ee halla illoobo oo gaaladii cadawga ahayd iyo kuwii askarta u ahaa soo hoos fadhiista hana idiin taliyeen oo waxay rabaan ha idinku sammeeyeen. Markay Reer Galbeedka intuu muddo ah lahaayeen wadaadada qaarbaa qunyar socod ah oo lala hadli karaa illeen waxbay ogaayeen, dadbay hoosta kawada xidhiidhayeen, dadbay wax isku ogaayeen. Laba Shariif marka aragnay qadiyadda Soomaaliya meeshay kajoogtay ee waxaan sugaynaa illaa iyo inta ay diyaar uyihiin inay u adeegaan qoloda hadda gacanta kudhigtay. Xigasho
  3. Suldan, Somaliland is recognized and happy days are ahead because a diplomat downplayed the crimes against humanity (commited by the TPLF), by claiming, "AI went to Hargeysa". Lets get the popcorn out shall we? It is sad to resist not to laugh at this, but one has to since wax kale aanan dhihi karin on this tragic comedy. Eebboow.
  4. Kan leh Soomaalitalk.com so ma ahaan jirin Reer London, Ontario? Waa hore u wareegay Minnesota u maleynaa. Shabakadaas Afsoomaaliga kaliya qoraalada lagu qoro ku jeclahay, inkastoo dhawaantaan qoraalo Ingiriis soo giliyaan.
  5. No reason has been given for these forced closures; however it could be under the pretext of martial law, which was announced this week. Among the stations closed are HornAfrik, Radio Voice of the Holy Koran, Capital Voice and Al Jazeera and Shabelle Media Network. Xigasho The TFG repeatedly closed major independent media outlets such as Shabelle Media Network, HornAfrik, and other smaller radio stations serving Mogadishu, claiming the broadcasts incited violence. Several journalists were detained for long periods without charge, apparently in an effort to suppress independent reporting. At least eight journalists were killed in the course of the year, making it the most dangerous year for Somali journalism since 1991. On the morning of August 11, Mahad Ahmed Elmi, a talk show host with HornAfrik radio, was shot in the head by two men armed with pistols. Just a few hours later, Ali Iman Sharmake, one of the owners of HornAfrik, was killed in a roadside explosion as he returned from his colleague’s funeral. On October 19, the acting manager of Shabelle Media Network, Bashir Nur Gedi, was shot dead at close range outside a cafe in Mogadishu. Several high profile journalists from Shabelle Media Network and HornAfrik fled the country after the killings. Threats to the media continued with a series of brief detentions of journalists and raids on local radio stations. On September 16, Somali government troops fired on the Shabelle Media compound and briefly detained 16 staff members, alleging that a grenade was thrown from the building, which Shabelle vehemently denied. The following day, government troops besieged the station with gunfire, allegedly injuring one staff member slightly and damaging equipment. Shabelle radio was closed for two weeks and returned to the air on October 2, after government troops withdrew from the area. On November 12, TFG forces again closed Shabelle radio without any explanation. Xigasho And do I have to remind about the other journalists killed in Xamar the past year alone, including Cali Iimaan Sharmaarke and Mahad Axmed Cilmi? The puppet entity you support and its master routinely do waxaas iyo wax ka daran -- but were you in this rushing mood to post those articles?
  6. Originally posted by xiinfaniin: ^^Adeer Nur ii qor horta! Liqaayena ii qor. Kolbaa kuwaa murmi doonee, Sophistana ii qor.. edit: sadexdaa iisii qabo. We need -- should this idea be implemented, that is -- we need regular participants in this particular section; also dad regularly comment ka sameeyo too. Dadkaa magacowday dad saas ah ma'aha. Sophist sometimes ugu dhow, and knowing and having met the brother personally, wuu u qalmaa being a member of that said Editorial Board, waaba haddii la sameeyo. I do also agree with Che, too, that sister Lois Lane be a member as well.
  7. Originally posted by Kool_Kat: quote:Originally posted by Castro: Try translating this: "Ani lee baraakadaada bukeen karaaye, ani lee bukeen karaaye." (LOL) And all these years, I thought it was 'Ani lee baraakadaada kugeyn karaayee, ani lee ku geyn karaayee'... Ceebeey tacaal... :eek: Ku geyn karaa kulahaa. Tan "beydaankaa, soo hoobiyee, halahoo isii, midig ka dhaw, bidix ka dhaw, sii sii malaboow, sanjab, sanjab" maxaa u maleyn jirtay iyadana? In beydaanka fruitka la cunaayo laga hadlaayo? Castro kaba sii daran needing its translation. Muxuu ciyaal Boondheere ahaa. Balaayo baraako bukeysay. Sahro Dawo iyo Jaangoow maa qaaday taloow? Heesaha Banaadiriga gacan, xusul iyo lug u taagay sida hoosta ugu giliyaan the unsuspecting maryooleey. That song is too XXX-rated, yet few understood the words' true meaning.
  8. Nuune, imaada yaaqeey. I think the organizers do sponsor teams too, inkastoo laba organizer jiraan. We need to see new Soomaali teams from other European communities, like Finland, Ireland iyo Denmark. Kuusha, aniga iyo Tuujiye intaa ku kulmeenaa, sawirka hoos fiiri [already laughing knowing saa u qosli doontid]. Meeshaan ma taqaanaa hee? Ar gadaal wali Tim Hortons iyo Wendy's ma laga dhisinee. Xalwada aan kaa sugeynana inta kasoo gad yaah. Intee kale hee, inta lee nooh.
  9. Tuujiye, I might be there on the opening day on Kowda Luulyo, Eebba hadduu idmo. If aad aadeysid adigana ila soo socodsii. Will there be again two tournaments at the same time? I hope not. If I miss the opening, then the final noqonee inaa imaado, but hopefully the opening imaaanaa. MMA, hayeh, amaa i dhahdaa hee Xamdi aa ku banaan bexeysiin idinkoo t-shirts calanka Somaliya horay ugayaal, kan Canadana gadaal uga masawiran yahay? Haa nooh, Kuusha, finaanadeey calanka Soomaaliya laga sameeye, oo baluugta ahayd, oona "Waryaa™" trademark geeska garabka ugu qorantahay imaanaa. Aw gaaboow aa ahayee, kistoo taag taagso yaah saa ii aragtid, haddii kale dadka ku dhex dhumaa ma la iga arkaayee, wah. -------------- Nuune, when will a Soomaali team from Ireland ever arrive in Koronto to participate? I am sure a good Soomaali team, capable of playing a decent soccer game can be found in Ireland. Kamoon. Heck, a Soomaali team from Australia even arrived here a few years ago. I hope inaynan jirin any logistical problems. Just got tired seeing xiito xiito players of several teams from UK year in and out.
  10. Xaajiyada maxaa finaanada ugu qoran? "Blood to...?" Dahab aaba meesha dhan qabsaday iyo biriq biriq. Aroos lee iga dheh.
  11. Cunug yar oo qurxoon. Intee ka keentay sawirka, yacni intee waaye meesha ee joogto ka wadaa?
  12. Baddacas is not your classic "secessionist" nor a "separatist," particularly far from the hardcore ones, who speak or write as though they are not even Soomaali, delusional wada ah. Our brother believes, in the end, Soomaalinimo, combined with Muslinimo. I don't think he will have any misgivings about Soomaalis united in a true, strong Soomaaliya and Soomaalis all being equal in where a just and true caddaalad lagu wado dhaqmo. Kii ku leh Soomaaliya kama hadli kartid kaama xigo first and, secondly, kuwa badanaa saas leh iyagaa ka daran the so-called "secessionists." Waa kuwa kaaro Xabashi soo kaxaystay, iyaga dulsaarana ku xasuuqay kumanaan masaakiin Soomaaliyeed. Kuwaas would be the last to preach about anything Soomaalinimo and anything that concerns Soomaaliya. Period.
  13. Why do some folks routinely post misleading titles? Do they read the articles they supposedly post mise expect us not to read and fall gullibly the deceptive title only? Where does it say Sh. Aweys accuses Shariifka being a "CIA informer?" Mise we are not reading the same qoraal?
  14. Originally posted by Che -Guevara: LooooooL@Nazi Speaking of etymology,does anyone know where the name Maana Boolyo (xaafad in Xamer) originated from. Cara take a shot. I think it did originate from the Talyaani word, monopolio. Of course, Ingiriiska as well borrowed it, via Latin, calling it monopoly. Why was it named or how it originated? I don't know, koley in uu suuq ahaan jiray u maleynaa, later expanding to xaafad. A lot of Talyaani terms loogu wici jiray xaafadaha, iskoolada, kuliyadaha Xamar ku yaalay. Kuwii iskoolada were wiped out by the Kacaanka, a few good things it did, hence we are glad we call them Xaawo Taako, Cismaan Geedi Raage, Baarbe, Yaasiin Cismaan. Many of them used to have Talyaani names. Some stuck to this day, though: Martiini, Kaasabalbalaare, Fiya'eejito, Fila Soomaaliya, Ansalooti, Aargada... ----------- Isqor bilaa liis is an oraah [a saying], not maahmaah. It is also important to note it is isqor bilaa liis, not lis, where the milking confusion part arises from. It is shaqaldheer, liis, not lis. It means qof meel iska sharaxay without being invited and who has the least concern of it. It also laga wadaa qof u hadlo qof kale isla qofkaas laga hadlaayo joogo meesha, and without specifically being addressed or requested to talk on the behalf of that person. And yes, the word 'liis' Ingiriis kasoo jeedaa, list. I think the phrase explains itself. One who invites him/herself where his/her name is not on the list, yacni asagaaba qofka isqoraayo. Go to and see your typical Soomaali aroos xafladiisa and you will see plenty of uninvited isqorayaal guests at there, and criticizing shamelessly arooska iyo aroosada for no reason at all -- bariis qalalan ayee meesha keeneen; ma aragtay see isku soo caddeysay; muxuu ku arkay taasna qaabka daran ninkaas; see ugu dheertahay ma aragtay; yaa yiri isla ciyaara wax ciyaar yaqaano ma'ahee... Maba isoga no body invited them to be there in the first place.
  15. Waxaa ku nacay waa ultra-nationalists, waa Reer Turkiga, well most of them. Diin camal ayee nationalism u aamisanyihiin. Well, being nationalist is good, but waxooda is too much. Jarmalka was and always my favourite team, the earliest memory I remember being the World Cup of 1986 and I had been a fan of them ever since. Roomaniga [Rummenigge], Matiyoos [Matthaus], Foolar [Voller], Berehme [brehme], Kalinsmaan [Klinsmann], Biirhoof [bierhoff] iyo kuwaan cusub. Not to mention their former exciting coach [and player] Bakinbaawar as Soomaalis used to call him. Turkina now Islaanimo ula jiraa and being the underdog. Either kii raayo final imaado no problem ku qawaa. Beri iyo beridambana Talyaaniga hala reebo iyo Holland as well.
  16. Why don't you volunteer yourself, Xiimaayoow? I mean to lead that editorial board itself. Name your fellow members of the group that you find decent and are not blinded or shackled with some ideology -- be it clan, group, et cetera -- people in any given agreement. Then SOL members' will vote to approve. It will be a yearly basis and will rotate. What do you think?
  17. We will see who will sing a different tune, brother, come Oktoobar 9th, Eebba anagoo caafimad qabno hana gaarsiiyee. It is not a defeatist not, it is a realistic as one can see it, without being swimming in some utter, hapless optimistism [not optimism]. Waxa waxa saxiixay waa Soomaali siyaasi ku sheeg, taas niyadaada haka saarin, plus how Xabashi will always sabotage any agreement that would see Soomaalis united and in strong. Xabashi did not lose thousands of its soldiers to go home when four mere months from now passes because some two men called Shariifs and their opposite Xabashi puppets signed a paper, a paper as meaningless in power to do anything as those who signed it. Xabashi sabotaged the C/qaasin's TNG, when it united the then ununitable [lack of a better word] warlords to form SRRC back in 2000. It didn't lose a single soldier then and it did whatever to sabotage that nascent adminstration. Imagine now? Been yaanan la isku sheegin. I hope, again, this latest shir succeeds for the sake of all of us who want to see and long a peaceful Soomaaliya again, but don't be surprised if we say I told you so when that day comes and this shir ship's hadn't sailed yet from its Jabuuti port.
  18. So how would one come up with one? SOL is not a news site; SOL is a forum, a discussion board. Already some are accusing it being leaning to one side or to another, all unfounded accusations. However, the moment SOL makes editorial [or the leader as our fellow forumers in UK might call it], then all accusations would be fired from left, right, down and above. And if it was done from the benefit of all, as a board consisting from all sides, then I don't foresee how four-sides of Oodweyne, Duke, Kashafa and Juuje [and they are only listed for example's sake] would agree of anything in Soomaali politics. If these four fellow forumers were members of SOL's editorial board and can come up weekly, centric point of view with an official site's stance of a collaborated writing form in agreement [or not], then it can be done. Otherwise...
  19. Some of us had been in self-imposed silent mode about this new Jabuuti agreement. We are silent because we don't want another spectacular disappointments when our hopes are too high. We are also silent because we don't want to lessen others' high hopes. However, we also see the reality. The reality of how this agreement to reach its destination is doomed from day one, unless we are in some utopic daydreaming euphoria. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa ah lan alifsheey humaadi albaqri miki toosaaw, loola jeedo wax day one socon karin, four months [in this case] kuma hagaagaayo. The official accord, as understood by the majority, stipulates Xabashi troops must be out from the occupied Soomaali soil [excluding Soomaali Galbeed, of course] within 120 days, right from the day it was signed of Juun 9th; the agreement also underlines in those same days Qaramada Midoobay troops will be deployed. This is not another thread against or for that accord signed in Jabuuti, in the day of Juun 9th in the year of 2008. This thread will chronicle how this agreement will not be possible, wouldn't be tenable and, above all, another dead Soomaali "heshiis" that would join the long list of the lost causes of Soomaali dib u heshiisiin agreements along with high-held hopes in the dustbin. It would also try to document if it can be reached within in those four months time frame. Or even in six months. So far 12 days ayaa kasoo wareegatay, and not a single Xabashi soldier left. Oh, forget about the little truce that had to be observed, as was per agreed. Already it was broken numerous times, however again ma rabno dad badan inay ka niyo jabaan. We hope the best, but yaanan indhaha la iska tirin at the same time. I hope to be wrong, but this thread will validate that ominous I-told-you-so some sceptics rightly believe, come Oktoobar 9th, Eebba hana gaarsiiyee. This is the 12th day since that agreement was signed and nothing is accomplished so far. It is tragic business as usual, innocents dying, starving and Xabashi troops still doing the xasuuq.
  20. Saasaa lagaa rabaa, raggeedi. Waxba haka cabsan kuwa rabo inay ku saxaan, iyageeba tooda heysataa, gibberish qoro. Qofaa qalad galin waxba ma barto. Never shy away from writing, reading and ku hadalkiisa afkeena hooyo hodanka ah.
  21. Dabshid, adigana hoggaankaan dalac bilaashka ah isku soo sharax nooh. Mise Maakhir needs you too miyaa?
  22. Hmm...aneeba teeda i heysataa lately when it comes to salaadda. Ever since as yariis a little boy as I can remember salaad ima dhaafi jirin, but lately, Eebboow noo dambi dhaaf. Marka maxaa dad kale tooda galnaa, anaga teena na heysato, nin or naag walba teeda heysato. Eebboow, rabiyoow raxmaan, na soo wada hanuuni adigaa qaadir ahee -- aamiin.
  23. Waraa Balaqoow shimee Koronto timid? I see the soccer tournament u timid, the Soomaali Week. Haye, laba group mee u kala baxeen once again this year? I hope not. Anyway, waxba kama qabo. What do you think on Kowda Luulyo day, which fortunately happens to be a holiday in Kanada as well? Inaa banooni sii ciyaarno waaye waliba, ha i dhihin dhafa dhaadheere haddaan hilfaha kuu qaadin. Kuusha, adiga xalwo ma lagaa rabo, ee daango iyo looska lee diyaari, meesha sidii shaneemo camal ka dhaceysee.
  24. Heshiiska Jabuuti: Faaqidaad iyo xog dheeri ah Tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiiska Jabuuti, 11 kii qodob uu ka koobnaana ay soo gaareen warbaahinta waxaa soo baxay aragtiyo kala duwan iyo faaqidaad la saaray qodobadaasi iyadoo dhanka kalana aysan meesha ka marnayn mawqifkii ay horey u qabeen dadka qaar wax faaqidaya iyo xog yari ku gadaaman falanqayntaasi. Inta diiddan iyo tafsiirkeeda Dadka qaar waxay kolkii horeba sheegayeen inaan shirka wax wanaag ah kasoo baxayn qoloda Isbahaysiga ka aaddayna ay sharci darro ku aadday halkaasi, wixii kasoo baxana aysan sharci ahayn. Mawqifkan oo ragga Isbahaysiga ee Asmaro ku sugan qabaan iyo inta taageertaba waxay uun heshiiska ka raadiyeen wax taageeraya dareenkoodii hore ee diidmada ahaa iyagoo inta aadka u diidan usii kala qaybsan yihiin laba garab; Kooxda Asmara oo qabta in meesha qalad lagu aaday iyo talo aan loo dhammayn isla markaana aan la keeni nwax cad oo ciidamada Itoobiya dalka kaga baxayaan iyagoo dhanka kalena kusii giijinaya in xitaa aan ciidamada QM looba baahnayn hadday xattaa Itoobiya badalayaan oo taasi ay tahay jallaafo loo dhigayo guul ay aaminsan yihiin inay faraqa usoo gashay Iskacaabinta. Garab kale oo kasii xag jira ayaa jira oo iyagu aaminsan inaanba cid lala hadlaaba jirin oo mujaahidiinta kaliya ay intay ku qaadataba dagaalka wadaan ilaa ay guul buuxda ku xaqiijiyaan xabadda, wax ayna aaminsan yihiin in heshiiska oo mira dhal noqdaa uu halis ku yahay mashruucii Islaamiga ahaa ee ay iyagu wadeen oo ay doonayeen inay siday u fahmeen mashruucaa kaligood dalka ugu xukumaan iyadoo cid kale aysan shaqo ku yeelan karin talada dalk , marka laga reebo Islaamiyiin Caalami ah oo ay talo wadaag yihiin iyo in iyaga u hogaansanta. Labada garab ee heshiiska markii horeba sii diidanaa waxay heshiiskii ku fasireen inaysan ku cadayn bixitaan Itoobiya balse loo sharciyeey inay dalka joogto, madaxdii Isbahaysigana ay qadiyaddii khiyaaneen, heshiikana muqaawamadii lagu dhabar jabiyey sidaa darteedna ay madax cusub samaysan doonaan. Shabaabku iyana waa kasii xag jiraan oo waxay taagan yihiin kooxda Asmara qudheeda ee hoteellada iska dagtay ee isku jirka ahayd ama qawmiyiinta ahayd in jihaadkoodii dhammaaday oo kii Islaamka oo ragooda wadaan uu haatan soo haray. Marka laga yimaado qolyahaa mawqif cadba markii hore shirka kasii lahaa wax wanaag ahna aan ka sugayn balse u taagnaa sidii ay uga fal celin lahaayeen unasoo bandhigi lahaayeen ceebahiisa amaba u fashilin lahaayeen waxaa jira qaybo kale oo aragtiiyo kala duwan ka qaba. Sug oo Arag (Wait and See) iyo xog dheeri ah Waxgarad badan iyo shacabba waxay ku jiraan u dhimrin iyo ka warsugid maalmaha soo socda waxa heshiisku ku danbayn karo. In badan waxay qabaan haddii heshiska ay ka dhalanayso ciidamada Itoobiya oo dalka ka baxa muddo afar bilood iy waqti ku dhawba iyo ciidamo QM oo bedalaya la helo inuu heshiisku guul yahay iyo tallaabo xagga wanaagga loo qaaday. dadkani waxay isugu jiraan kuwo raji badan ka qaba inay taasi xaqiiqowdo iyo kuwa shaki ku jiro oo sugaya waxa kasoo naaso cadaada heshiiskan. Madaxda Isbahaysiga ee heshiiska saxiixday oo aan qaarkood la xariirnay heshiiska ka dib waxna ka waydiinay qodobada la saxiixay iyo muranka ka dhashay iyana waxay na siiyeen mawqif ka duwan waxa ay saaxiibadoodii ay is khilaafeen ka faafinayaan aad uga duwan. Ugu horreyn raggan waxaan weydiinay tafsiirka qodobka toddobaad ee uu buuqa ka dhashay kaasoo in badani leedahay in kastoo lagu xusay faqradihiisa a ) iyo b ) in muddo 120 habeen gudahood dhacayo isbedel ah in ciidamo QM la doonayo iyo in kuwa Itoobiya baxyaan isla mudadadaa hadana uusan cadayn. Faqrada [ A ] waxa loo fasiray inuu codsi uun yahay muddo 120 habeen gudahood balse aysan ahayn in mudadadaa gudaheeda ay ku dhacayso ansixinta iyo keenista, halka faqrada [ B ] ay tan ku xiran tahay oo haddii aysan markaa imaan ciidamada QM 120 habeen gudahood ay markaa Itoobiyaanku si joogi doonaan. Xubnaha shirka ka qayb galay ee aan waraysannay waxay innoo sheegeen in qodobka toddobaad ay ku cadahay in ciidamada QM ay ku imaanayaan mudada 120 gudahood ee codsi uusan 120 habeen u baahnayn oo saxibaba codsiga lagu sameeyey isla saacaddaa. Macnaha iyo tafsiirka luqadeed ee la isku qatay ka sokow waxay innoo sheegen in si fiican looga dooday arrimaha oo markii hore xataa uu qoraalka ahaa in 60 habeen gudahood lagu ansixiyho keenista, lixdanka kalana lagu keeno ciidamada, balse markii danbe loo dhigay in ansixinta iyo keenistaba isla noqoto muddo 120 habeen gudahood, iyadoo QM ku doodeen in ansixinta ay ku xiran tahay markii la helo ciidamadii aadi lahaa oo taa la kariyo, markaa anxisinta waqti uma baahnaa laakiin qalqaalinta ciidamada ayaa waqti u baahan markaa sidaa la iskugu furay labada lixdan. Cumar Idris oo ka mid ahaa madaxda aan waraysanay ayaa sheegay in haddiiba ay dhacdo in la isaga baxo heshiska ama muran tafsiir la damco in dib loogu dhigo fulintiisa ay markaasi halkii kasii wadi doonaan dagaalka ay ciidamada Itoobiya kula jiraan. Waxa lagu dhawaaqay waa xabbad joojin ee hub dhigis ama dhiibis ma aha. Haddii 90-ka habeen ee xabbad joojinta billawgeeda horeba ay muuqan wayso iimaanshaha ama jadwalka bixitaanka Xabashida, markaasi waxaa hakanaysa xabbad joojintii waxaana halkeedii kasii socon doonta iska caabintii meleteri maadaama heshiiskii iyo sababtii xabadda loo joojiyayba ay meesha ka baxday. sidaana waxaan kasoo xiganay mas'uul kale oo aan waraysanay. Waxa kale uu innoo sheegeen in heshiiska markii hore uu u qornaa in 45 cisho gudohood kuwa Itoobiyana ku baxaan kuwa QM-na ku yimaadaan, waxayse qubaro shirka joogtay sheegeen inay adag tahay in ciidamada QM ee laga keenayo dunida muslimka ay adag tahay in waqtigaa lagu helo sidaa darteen waxaa laga dhigay 120 habeen oo ah mudada ugu danbaysa ee la rabo inay ku yimaadaan cidamada QM, kuwa Itoobiyankana ku baxaan, waxaase dhici karta kala wareegga labada ciidan inuuba dhoco intii aysan afar bil buuxsamin. Waxay noo xaqiijiyeen xubnaha aan waraysanay in jawiga guud ee wadahdalku ahaa in ciidamadaa la helo mudadadaa gudaheeda, kuwa Itoobiyana waqtigaa ku baxaan oo marka qoraalka qofba si u fahmi karo marka laga yimaado ay jawiga wadahadlka aad ugu caddayd haddii aan ciidamada QM la helin, kuwa Itoobiyana bixin mudadaa gudaheeda aysan jirin heshiis meel mar noqon kara ama miro dhal ah. War jiraaba cakaaruu iman, haddii asbuucyada soo socda la arko sansaan muujinaysa sida madaxda aan waraysanay wax u dhigeen waxaan shaki ku jirin in Soomaali badan ay qorshahan taageeri doonto, madaxda Isabahaysgia ee heshiiska saxiisadayna loo arki doono geesiyaal marka ay arrintu u hirgasho sida ay u dhigeen macanaha heshiiska, inkastoy jiri doonaan kooxo mar walba diidanaan doona in nabad lagaaro haddii aysan waxa ay rabeen oo dhan xoog kuwada helin. Haddiise sida dabacsan ee mugdigu ku jiro ee ay qolyaha awalba diidanaa ama shaki inta qabtaahi u dhigtay ay arrintu noqoto, waxaa markaa mugdi soo wajihi doonaa mustaqbalka siyaasadeed ragga Isbahaysiga u saxiixay heshiiska, haddii aysan is daba qaban oo aysan qiran in wixii ay ka filayeen heshiiska looga baxay, soona hungoobeen, isla markaana ay halkii kasii wadaan iska caabinta iyo dagaalka ay hakadka geliyeen. Ugu danbayn waxaa quman in la ogaado cid walba oo marka horeba horey ka diiddan ama horey rajo ka qabtaahi la ogaado halka ay ka imaanayso xog badanna la raadiyo waxa soo socdaana la arko ee aan degdeg iyo caadifad lagu salayn taageero ama diidmaba. Goobjoog