Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,651
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Nin-Yaaban;982097 wrote: WoW! A whole cavalry of heavily armed Kenyan forces couldn't take out couple of guy's with nothing more than Ak47's? They need to establish a SWAT team whose mission to respond to these kinda situations and bring it to an end real quick. I hope they are at least looking into that by now. Yaabanee, Kiinyaatiga wey leeyihiin askar si gaar ah u tababaran, Reer Galbeedka ayaana u tababaray, sanadihii u dambeeye la sameeye. Waana kuwaan iyagoo galay Westgate: Balaayo waxee ka dhacday markee ciidamadii kale, waa kuwa booliiska ah, kuwa militariga ah iyo kuwa kale caadi iska ah isla galeen moolkaas, oo aanba iska warqabin, mid walba gees kasoo galay. Iyagii ayaa isdilay, israsaaseeye until in the end even a special force one was killed. Markee isku dhex wareereen ayee gadaal ka garteen inay iyaga dhexdooda isxabadeynooyaan. Probaby by now kuwii moolka galay wey ka baxeen. Uhuru Kenyatta, madaxweynahooda, finally sent a message to take out all the forces from the mall. Waana markee ciidamada militariga bililiqada bilaabeen, when they were retreating ayee dukaamada iska galeen eber ka dhigeen waxee qaadan kareen iyo waxee jabsan kareen. You can see in the clip I posted above, even one military guy fearing for his life and yet still bililiqo ku dhex jiro.
  2. Jacaylbaro;982138 wrote: I welcome anything that draws the line between Somaliland and Somalia ...... This is one of them Have special events/occasions for the damn flag that is far from Somaliland ... This is a good news and progress for Somaliland. This same 'damn' flag waa kan biilkaaga bixiyo in the name of hay'ado aad lacag ku cuntid, oo mar aad Xamar badar u doonatid iyo mar aad Nayroobi badar u doonatid for training. Those international NGO in the name of Soomaaliya and this beautiful flag ayee mishaarkaaga ku bixinaayaan. Talk about biting the hand that feeds. And this beautiful flag waa kii Hargeysa laga suray '60, the one you used to claim you created. It is the same one gobolada Waqooyi qaarkood ka suran today and soon dhamaantood laga wada suri doonaa, as it were.
  3. Jacaylbaro;982138 wrote: I welcome anything that draws the line between Somaliland and Somalia ...... This is one of them Have special events/occasions for the damn flag that is far from Somaliland ... This is a good news and progress for Somaliland. This same 'damn' flag waa kan biilkaaga bixiyo in the name of hay'ado aad lacag ku cuntid, oo mar aad Xamar badar u doonatid iyo mar aad Nayroobi badar u doonatid for training. Those international NGO in the name of Soomaaliya and this beautiful flag ayee mishaarkaaga ku bixinaayaan. Talk about biting the hand that feeds.
  4. Waxaa soo xasuustay mid Soomaali oo waliba sujuu kasii ah oo gabar indhayar qabo oo magaaladaan degan. Meel walba uu tago oo Soomaali joogto wuu keenaa gabadhaan, xataa markuu banooni nala ciyaari jiray. Iyadoo si aqiyaarnimo meesha u fadhiso na fiirsan jirtay. I don't know how she used to be patient about qeyladeena, buuqeena iyo isqabqabsigeena meesha ka socoto markaa banooniga ciyaareyno. Koley wey nala yaabi jirtay filaa.
  5. Kuukaaye mentality waa kaas hee. Tuug la qabtay talo maleh maala dhihi jiray. Kuwa xildhibaanada ah difaacaayo igu daranba. Waa isla tuugo isla og. Aawey wixii u sacabtumaaye tuugadaan meeshaan ku jiray?
  6. Ninkaan Tiiceey maanta Biljam ayaa lagu xiray, asaga iyo saaxiibkiis weynaa Afweyne ee burcadbadeedka hoggaamin jiray, waa sida la yiri. It is on the Guardian website.
  7. Dadka meesha ka muuqdo soo baro horta. Jamaal C/naasir kama muuqdo. Masar was suspended from Jaamacada Carabta for ten years from 1979 for Anwar Saadaad's agreement with Yahuuda. This picture was probably taken between '79 to '81.
  8. RA’IISUL WASAARE SAACID: “Waxaan shacabka Soomaaliyeed oo dhan ugu baaqayaa midnimo maanta oo ah maalintii Calanka” Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa ka hadlay maalinta calanka iyo muhiimada ay u leedahay Soomaaliya. Mudane Saacid ayaa ummada Soomaaliyeed uga hambalyeeyay maalintii ugu horreysay oo calanka Soomaaliyeed laga taagay Soomaaliya oo ay ka soo wareegtay 59-sano taasoo ku beegnayd 12-kii Oktoobar 1954-kii. Isagoo xusay in calanku u yahay astaan muujinaysa halgankii dheeraa ee ummadda Soomaaliyeed ay u soo gashay madax-bannaanideeda. "Maalinta qaaliga ah waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay la yimaadaan midnimo, walaalnimo iyo in la eego waxa naga dhexeeya ee aan la eegin waxa na qaybiya oo kaliya. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa inaan kor u eegno calankeenna qurxoon oo aan u wada guntano sidaan ku difaaci lahayn qaranimadeena iyo sharafteena,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo intaas ku daray in calanku uu yahay kan keliya ee Soomaalida kulmiya. Sidoo kale, ra'iisul wasaare Saacid ayaa tilmaamay in hakad dheer ku yimid habsami u socodkii hannaanka dowliga ah iyo horumarkii dalka. Wuxuuna ku sheegay shirkiisa jaraa’id in Soomaalida qarnigan joogta ayka gaabiyeen in ay gutaan waajibka ka saaran qaranka iyo calanka. Isagoo sheegay in 22-kii sano ee lasoo dhaafay uu hoos dhacay. "Caqabadda ugu weyn ee nagu habsatay, welin na haysta waa qabiilka iyo sida qotada dheer ee uu shacabka Soomaaliyeed u kala qaybiyay. Inkastoo waddaniyiintii u soo halgamay qarannimadeena ay si weyn uga digeen khatarta qabiilka, waxaana hubaal ah in kala qayb-sanaan aanan meelna ku gaarayn, haddana wali ummad ahaan kama aynaan gudbin inaan taageero weyn u hayno qabiilka iyo qabyaaladda," ayuu ra’iisul wasaaruhu ku daray hadalkiisa. Ra'iisul wasaaraha ayaa ugu baaqay ummada Soomaaliyeed in loo baahan yahay in laga gudubo qolo-qolada si aan qaran xooggan iyo hal qabiil oo qura u noqono. Wuxuuna intaas ku daray in dhamaan laga wada qayb-qaato sidii loo dhisi lahaa Sooomaaliya oo nabad kuwada noolata dariskeeda iyo caalamka oo dhan, sharcigu u taliyo, horumarna hiigsanaysa. Ugu dambaeyntii wuxuu ra’iisul wasaaruhu ku baaqay in la iska kaashado la dagaalanka Al-shabaab oo uu sheegay inay diiddan yihiin calanka iyo weliba astaanta Soomaaliya isla markaana doonaya inay shacabka madax-farasho ahaan u haystaan. Xigasho
  9. MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Calanku waa Astaanta Soomaalida oo dhan mideynaya, waana in shacabku muujiyo isku duubni" Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradii 59-aad ee kasoo wareegtay markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taago ciidda Soomaaliya u diray shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa sheegay in calanka Soomaaliyeed uu yahay kii dadka oo dhan mideynayay, wuxuuna intaas ku daray in shacabka looga baahan yahay inay is-cafiyaan ayna muujiyaan isku duubni. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa 12-ka Oktoobar 1954-kii oo ahayd markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taago Soomaaliya, waxaana rajeynayaa in sannadka soo socda aan u dabaal-dagno sannad-guuradiisii 60-aad,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in calanku uu yahay astaanka Soomaaliya mideynaysay loona baahan yahay in dadka oo dhan ay dhexda u xirtaan sidii loo difaaci lahaa loona ilaalin lahaa. “Dalku wuxuu ku taagan yahay jidkii uu uga bixi lahaa dhibaatooyinkii uu kusoo jiray muddada dheer, waxaana shacabka weydiisanayaa inay muujiyaan isku kalsoonaan iyo isaaminaad,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 1954-kii ayaa waxay ahayd markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taago ciidda Soomaaliya, xilligaas oo ay Soomaaliya gacanta ku hayeen gumeystayaashii reer Yurub. Calanka Soomaaliya oo ka kooban laba midan oo buluug iyo xiddig cad oo shan gees leh ah ayaa waxaa hindisay Allaha u raxmadee Maxamed Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa halgamayaashii ururkii dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL. Soomaaliya ayaa lix sano oo maxmiyad ah kaddib waxay sannadkii 1960-kii si rasmi ah uga qaadatay gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska xorriyad, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay ay Soomaaliya ahayd dal xor ah, balse 20-kii sano ee ugu dambeeyay ayay ku jirtay Soomaaliya dagaallo sokeeye. Xigasho
  10. MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Calanku waa Astaanta Soomaalida oo dhan mideynaya, waana in shacabku muujiyo isku duubni" Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradii 59-aad ee kasoo wareegtay markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taago ciidda Soomaaliya u diray shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa sheegay in calanka Soomaaliyeed uu yahay kii dadka oo dhan mideynayay, wuxuuna intaas ku daray in shacabka looga baahan yahay inay is-cafiyaan ayna muujiyaan isku duubni. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa 12-ka Oktoobar 1954-kii oo ahayd markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taago Soomaaliya, waxaana rajeynayaa in sannadka soo socda aan u dabaal-dagno sannad-guuradiisii 60-aad,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in calanku uu yahay astaanka Soomaaliya mideynaysay loona baahan yahay in dadka oo dhan ay dhexda u xirtaan sidii loo difaaci lahaa loona ilaalin lahaa. “Dalku wuxuu ku taagan yahay jidkii uu uga bixi lahaa dhibaatooyinkii uu kusoo jiray muddada dheer, waxaana shacabka weydiisanayaa inay muujiyaan isku kalsoonaan iyo isaaminaad,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 1954-kii ayaa waxay ahayd markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taago ciidda Soomaaliya, xilligaas oo ay Soomaaliya gacanta ku hayeen gumeystayaashii reer Yurub. Calanka Soomaaliya oo ka kooban laba midan oo buluug iyo xiddig cad oo shan gees leh ah ayaa waxaa hindisay Allaha u raxmadee Maxamed Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa halgamayaashii ururkii dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL. Soomaaliya ayaa lix sano oo maxmiyad ah kaddib waxay sannadkii 1960-kii si rasmi ah uga qaadatay gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska xorriyad, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay ay Soomaaliya ahayd dal xor ah, balse 20-kii sano ee ugu dambeeyay ayay ku jirtay Soomaaliya dagaallo sokeeye. Xigasho
  11. Waa sanadguuradii konton iyo sagaalaad ee calanka. Sanadguuro wacan mar kale. Hambalyo inta jecel Soomaaliweyn iyo Soomaalinimo.
  12. "Let me ask you first and foremost, how on earth did these Alshabaab people apparently have the intelligence and ability to repel a Seal team...?" I hadn't watched CNN since '97, but Christiana Amanpour saan maa u dambeysay, an American lapdog inay noqoto. Waagee Xamar kasoo warin jirtay live back in late '92 and early '93. That was some admirable reporter compared to this American lapdog. Seal team ayeeba ka dhigee dad biro laga sameeye, as though bini'aaden ahayn.
  13. For the Soomaali baasaboor holders, the least restrictive countries, to my knowledge, are Maleysiya, Indoneesiya, Bakistaan iyo Suuriya. Those countries are the most lenient to Soomaali passport holders.
  14. Passports of Arab, Muslim states among the 10 worst in the world The passports of seven Arab or Muslim states are among the 10 worst in the world in terms of free access to other countries, according to a recently published Henley & Partners Visa Restrictions Index. Afghanistan, Iraq, Somalia, Pakistan, Palestine, Eritrea, Nepal, Sudan, Sri lanka and Lebanon, remain in the bottom 10 places of the ranking. This means that the citizens of these countries enjoy the least freedom of international travel, according to the index. The passports of Syria and Libya are ranked as the 12th and the 14th worst in the world respectivley. Some Arab Gulf states enjoy the best freedom of travel among Arab countries, but on a global scale, their freedom still appears very restricted. The United Arab Emirates, Qatar and Bahrain are ranked 56, 57 and 59 respectively in the freedom of travel index. Saudi Arabia, Oman, Tunisia are ranked 64, 65, and 65 respectively. Morocco, Algeria, and Egypt are ranked 75, 79, and 79 respectively. Twitter reaction News about the Arab passports ranking spawned a mixture of jokes and complaints among Arabs on Twitter. “Today I heard the Palestinian passport is the 5th-worst to have in the entire world. I was shocked! We have passports?!?” Twitter user @AmerZahr said in a comment. Abdi Aynte @Aynte, from Somalia, tweeted: “Finally a list that #Somalia doesn’t top: its passport is 3rd worst worldwide.” Many Lebanese users tweeted that their passport was ranked among the 10 worst. @patrickgaley, who identifies himself as a journalist, said the Lebanese passport is also “among the heaviest.” Henley & Partners said in a statement on its website that “almost all countries now require visas from certain non-nationals who wish to enter their territory.” “Visa requirements are also an expression of the relationships between individual nations, and generally reflect the relations and status of a country within the international community of nations,” the statement added. Finland, Sweden and the United Kingdom topped the 2013 freedom of travel index with a score of 173. Denmark, Germany, Luxembourg and the United States jointly held the second rank with free access to 172 countries. Belgium, Italy and the Netherlands hold a joint third rank (171) and Canada rose to rank number 4, from rank 6 it occupied last year, of the passports with the most freedom. Alcarabiya
  15. A summarised detailed report of how it unfolded wixii meeshaas ka dhacay on that day by the Guardian. Some excerpts of this report: Confusing and government soldiers killing one another, shooting one another Now with substantial numbers of military or paramilitary personnel on site, the authorities had not yet established a clear command and control structure. With no radio communications between army and police units, KDF soldiers opened fire on what they thought was an armed suspect – but who was in fact one of the commanders of the recce group. The man died, and three police officers and one soldier were wounded in the exchange. After this all units were pulled out of the mall and for the next two hours the operation came to a standstill as heated arguments raged that went all the way to the State House and the office of Uhuru Kenyatta, Kenya’s president. Deliberately demolishing the building That explanation was changed to say that a wire-guided anti-tank shell, an RPG-7, had been fired at one of the support pillars in an attempt to distract a sniper during an operation to rescue survivors from the mall. After the attack several Kenyan army soldiers corroborated this version of events. But a munitions expert cast doubt on it, saying that a weapon of this kind, capable of dislodging the central pillar of the building, would have seriously injured anyone standing up to 20 metres behind it, as well as wounding the person discharging it in a confined space. Moreover, a private security contractor familiar with the operation said that directional explosives used in demolition jobs had likely been deployed to blast a square hole in the roof: "They decided that they were taking too many casualties and would drop the roof on them. There is no way that was an anti-tank munition," he said. Rampant bililiqo by askarta Shopkeepers and store owners returned to find their properties looted. A clothes-shop owner said even his mannequins had been stripped: “They’ve broken everything. All my money is lost over there. All the cash is lost. Everything is shattered over there, laptops gone, everything.” A day later, footage emerged of the inside of Artcaffe showing scores of empty beer and spirit bottles littering the tables and lining the bar, where only Kenyan security forces had any access during the siege. The owners of the second floor Millionaire’s Casino – who had emptied the safe while the siege was still officially underway – returned four days later to discover that while the premises were under government control someone had attempted to shoot their way into the safe. Where are the attackers? The Kenyan government continues to insist that five attackers were killed by its security forces, but has admitted that none of their bodies has been conclusively identified so far.
  16. Kenya's foremost political cartoonist's take on this bililiqo:
  17. Soo jeedin waxaa u dhahay waxee tahay it seems as though you are pointing out, hence recommending. 'Talo' iyo wixii raaco haddee meesha soo galaan waxaa imaaneyso 'advise/advising.' Recommendation iyo advice laba ayee kala yihiin. Kula taliyey = advising La talin = advising Lataliye = adviser
  18. It happens again and again, only the major tragedies making the headlines. This time toban sano kadib to this very month, another masiibo iyo ibtilo. N. B. - If you want to see the original pictures posted in 2003, but aynan ka muuqan on your browser, copy-and-paste each picture's link. Ten years ago in Rome, the funeral of victims who perished in the sea.
  19. Cabaas, doorbid iyo recommendation intee iska galaan. Doorbid ereyga uu isir ahaan ka bilowdo waaba aragtaa, kaasoo ah door. Doorasho iyo doortay labadaanba ereygaas raacaan. Doorbidna wax aad shaqsi ahaantaa u dooratid waaye. Aragti ahaantey ereyga Afsoomaali ahaan ugu dhow recommendation waxaa u maleynaa in uu yahay soo jeedin.
  20. CABDUQAADIR SIIDI OO BEENIYEY INUU YURUB ISKA DHIIBEY OO QAXOOTI NOQDEY Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose C/Qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka hadlay Warar ay Saxaafada Soomaalida baahiyeen oo ku aadanaa in uu iska dhiibay mid kamid ah Dalalka Yurub kadib markii uu ka goostay Wafdigii Dowlada ee ka qeyb galay Shirkii lagu qabtay Dalka Biljimka. C/Qaadir Siidii oo xiligan kusugan Dalka Jarmalka ayaa xusay in ay been abuur tahay in uu baxsaday uuna Yurub iska dhiibay waxa uuna taa badalkeeda sheegay in xiligan uu joogo Dalka Jarmalka uuna u joogo howlo caafimaad. Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa xusay in Madaxda Dowlada Federaalka ay fasaxeen kuna wargaliyay in uu howlo caafimaad ka rabo Yurub dhawaana uu kusoo laaban doono Dalka sida uu xusay. C/Qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sidoo kale sheegay in uu la kulmay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Gobolka Sh/Hoose ee kusugan Dalalka Norwey , Sweden iyo Denmark waxa uuna sheegay in Wararka laga baahiyay ay yihiin kuwa dano siyaasadeed laga leeyahay. Hadalka Gudoomiyaha Gobolka h/Hoose kasoo yeeray ayaa imaanaya xili ay soo baxeen in C/Qaadir Siidii uu ka haray Wafdigii Dowlada ee ka qeyb galay Shirkii ka dhacay Dalka Biljimka taa oo keentay shaki ku aadan halka uu jaan iyo cirib dhigay Siidi. Xigasho
  21. Naxar Nugaaleed;980320 wrote: ^ most of the population speaks both English and Somali and how the heck do wright SMS in Somali Soomaali badankooda Soomaaliya joogo Ingiriis kuuma yaqaanaan, inay gartaana qasab ma'aha. Almiina Carabi iska dheh. Inaa dibadjoog raagay tahay saan lagu garanaa. SMS Afsoomaali waxaa lagu dhahaa fariimaha gaagaaban.
  22. Qof walba meesha fadhiya wuu isla saxsanyahay, mid walba waa 'victim,' oo waa loo gafay ama waa lagu soo duulay ama xaqiisa ayuu ilaalsanaayaa. Mid Soomaalinimo iyo Soomaaliya u fikiro ama u hadlo waa habeenkii xalay tagay waaye. Mar walba waxaa isweydiiyaa Soomaalida shisheeyaha aad iyo aad iskugu dhiibtay, oo hadal kama keenaan dhulkeena la heysto laakiin Soomaaliya laguma heshiin karo. Haddee Xabashi ama mid Kuukaayo ah qabsan lahaa inta ka harsan Soomaaliya, dadkaan camal wey ku qancin lahaayeen. As long as a shisheeye u talinaayo and their rules in place, they would probably be happy, same as it is happening in Soomaali Galbeed iyo NFD and in extension in the xad beenaad towns like Dooloow, Ceelbarde, Feerfeer, Goldogob and Buuhoodle, the towns where Xabashi influence is exercised clearly.
  23. Markaa maalin hore arkay the title of this tragic dhacdo waxaaba igu soo dhacday dhaqankii Reer Galbeedka Soomaaliya geeyeen miyaa aniga oonan waliba sii aqrinin dhacdadaan. Waaba kanaa ninkaan Kanada ka yimid la leeyahay, dhaqankii xumaa kala tagay meeshaan. Rabi ha u raxmado barbaarta yar yar.