Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,651
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. This dude Maxamed bin Salmaan suu u qabsaday xukunka aabihiisa ka jiifo Sacuudiga sharaf beel xun u soo jiiday. Whatever he touches backfires spectacularly, whether it is Yeman, Qadar, Lubnaan, Soomaaliya and this. His policies seem like qof aad u fudud inuu yahay. If it wasn't Trump and Zionist supporters in Aqalka Cas, there would have been a real coup in Sacuudiga by now. This Maxamed Bin Salmaan is totally failing and ever isolating his country.
  2. Cadnaan, try to find Afmaxaa word u dhigma 'friend' in afka Ingiriiska. Mar hore uu ka tirtirmay. Friend in Afmaay waa widaay. Careys Ciise Kaarshe saararkiisa haddaa dhageysatid ereygaan widaay ayuu isticmaalaa maadaama uu Reer Jubbooyinka ahaa and was very familiar with Afmaay. Tusaale kale dowladii Kacaanka markee ereyada qaarkood bixineysay waxaa ka mid ahaa ereyga caanka ah ee horseed, laga wadana vanguard. Hor waala gartee 'seed' intuu ka yimid Reer Afmaxaa ma isweydiinin. Ereyga seed oo Afmaay ah Afmaxaa kan ugu dhow waa 'aadid.' Reer Afmaay 'intee seedaasa?' ayee isdhahaan markee qof weydiinayaan intee u jeedaa ama intee u socotaa ama intee aadeysaa. Dowladii Kacaanka ma isticmaalin 'horaadid,' yacni kuma habooneynin naxwi ahaan, instead preferring the old Soomaali word 'seed.' Also the word hear in Afmaxaa maxaa lagu dhahaa? Maqal? Maqal Afsoomaali ma'ahee. In Afmaay, it is 'dheeg' oo ka soo jeedo dhago. In Afmaay 'i dheegahaaytee' waa ma i maqleysaa in Afmaxaa. Closest Afmaxaa could be 'i dhageyso,' but dhageyso is listening, not hear. Hearing waa maqal. Hearing and listening are tototally different. Also inuu Afmaayga aad ugu fac weynyahay ereyga 'geel' ayaa ka garaneysaa meeshuu ka soo jeedo. Afmaayga geelka gaal ayaa loogu yaqaan. Meelo badan iyo qabiillo badan magaca 'gaal' ayee wataan, not geel. Sida qabiilka Xasan Sh, Sh. Shariif iyo xirtooda ka soo jeedaan oo aabihii geelka laga wado. Sida qabiilka kuwa geelka jecel laga wado oo Hiiraan degan. Meelaha qadiimiga caanka ah waxaa ka mid ah 'laasgaal' oo Waqooyiga ku taalo. Also qabiilkee wadaagaan iljeex iyo reer Afxaayoow ku hadlo magac Afmaay ah ee wadaagaan oo laga wado dawn in early morning ama waaberi. Also qabiillada degan Bari, Sanaag iyo Sool qabiilkee kor ka wadaagaan magac Afmaay ah ee wataan, most of them mana oga. In Afmaay, magacaan means nin weyn. One can go on and on about this.
  3. Galbeedi, barbaar koris ayaan ku jiraa hadda, waa ogtahay qurbahaan carruurta gacan adag lagu haayo loo baahanyahay. Rabi hadduu ka dhigo inta la noolyahay in the near future, who knows.
  4. PA, wixii naceyb u qabo una waasho Soomaaliya hormarkeeda, iyaga iyo their qashin hearts ayee jirtaa. Soomaaliya hore ayee u socotaa non-stop.
  5. R/Wasaare Kheyre oo Kulan la qaatay Mas'uul ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir. Kulanka oo ka dhacay qasriga ra’iisul wasaaruhu ka deganyahay magaalada Riyaad ayaa horudhac u ahaa kulan uu ra’iisul wasaaraha XFS uu yeelanayo madaxda sare ee boqortooyada Saudi Arabia. Kulanka ay wada qaaateen ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaaa goob joog ka ahaa Wasiirrada arrimaha dibada Axmed Ciisa Cawad iyo Wasiirka Warfaafinta xukuummadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle. Xigasho
  6. Shalay, wuxuu la kulmay boqorka himself. Without being begged or loo calaacalo, they are forced to meet and welcome ra'iisul wasaaraha officially by all of them - from boqorka, dhaxalsugaha wiilkiisa ah iyo wasiirka arrimaha dibadda.
  7. R/W Kheyre oo la kulmay Max’ed Bin Salmaan Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sucuudiga ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan bin C/casiis. Kulanka oo ka dhacay qasriga Boqortooyada ayey ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan bin C/casiis uga wada hadleen danaha labada qaran. Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa Boqortooyada uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo iyo isgarab istaagga Sucuudiga ee shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed. Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan bin C/casiis ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maamul wanaagga, Siyaasadda, dhaqaaalaha iyo amniga, waxa uuna ballan qaaday in Sucuudigu ay sii wadayaan taageerrida dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa shalay qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salmaan bin C/casiis Al Sacuud oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa. Xigasho
  8. Haa, oraahdaan ninka Afgooye is just another classic Reer Afgooye Afmaay. In other interior regions, it would have been lankii dhalaalaba, lan kalaa dhoobo inka jara.
  9. Oh, Che. You really dignify this sewage-dweller who lives for the tiniest crumbles of responses from the decent members. The sewage-dweller ironically names Diinsoor, whose own name is 'diin' and 'soor,' meaning where religion is welcomed and honoured. But muxuu ka yaqaanaa waxaas the sewage-dweller, who lagu soo koriyey 'diintaada was' iyo 'nabiga iyo aabahaa...,' words which cannot be repeated on here. Regularly insulting both diinteena suuban iyo nabigeena (NNKH). The sewage-dweller who confusingly claims to be the product of the illegitimate offspring between cohabitation between an unknown Carab iyo islaan Xabashi ah. They would be the last to speak about others' Soomaalinimo. This same sewage-dweller historically worshiped and fought for anything gaal, be it gaalkii caddaa ee Ingiriiska ama gaalkii madoowaa ee Xabashida. To this very day still worshiping and fighting for them.
  10. Galbeedi, Afmaay is as diverse as Afmaxaa. Have you ever heard a Reer Afgooye person speak? They speak the easiest and most diluted Afmaay. There are huge dialectical differences. There is Dooyoow afmaay, spoken in Jubooyinka and those deegaano close to it, sida Qansaxdheere and Diinsoor. Then there is the interior ones. Then the Bakool variation. The closer Afmaay gets close to Afmaxaa area, the diluted it becomes. It is vice versa as well, the close Afmaxaa gets close to Afmaay deegaan, the diluted Afmaxaa becomes. That is why Afmaay is understood easiest by Afxaayoow speakers iyo those who speak Banaadiri. A lot of interchangeable between those lahjado. It is also why Afgooye is called af gooye, it is the historical border between Afmaay and Afmaxaa, waa meeshee iskugu imaadaan and ku kala baxaan. It is still to this day. Of course, Afmaay waa aqaanaa, in kastoo Ciyaal Xamar iska ahaa and not as good as my my old man, Eebbe ha u raxmadee. He always spoke Afmaay 100%. I had never ever heard him speaking any other than Afmaay, whether the guest was Maxamed Abshir Mataan, Cali Mahdi or some random neighbour, Afmaay ayuu kula hadli jiray. They were forced to understand, unlike ciyaalkaan maanta qashinka ku koray, including kuwa wasiiro dowla sheeganaayo. Also baarlamaankii lixdamaadkii Afmaay ayaa lagu hadli jiray, those farodheer who needed turjumaan would get one.
  11. Five-to-one and Saalax still putting the sewage dwellers right back into boosaneero holes they crawled from. It reminds me whack-a-mole game:
  12. Dowlada Jarmalka oo boqol malyan oo dollar ugu deeqday Soomaaliya Dowlada Jarmalka ayaa sheegtay inay lacag gaareysa boqol malyan oo dollar ugu deeqeyso dalka Soomaaliya taaso Jarmalku ku taageerayo Soomaaliya. Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya ayaa ugaga dhawaaqday deeqdan lacageed munaasabad lagu xusayay midowga labada Jarmal oo lagu qabtay xarunta midowga Yurub ee magaalada Muqdisho. Munaasabadan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha golaha shacabka, wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano, diblomasiyiin iyo xubno kale. Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya oo ugu horeyn ka hadashay munasabadda xuska ayaa aad uga hadashay xiriirka Jarmalka iyo Soomaaliya, iyada oo tilmaamtay in Jarmalka uu ka go’an yahay xoojinta xiriirka labada wadan. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay xuska munaasabadan inay wax weyn uga dhigan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama Jarmalka uu ka mid yahay saaxiibada Soomaaliya. Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa u hambalyeeyay dhammaan dowladda iyo shacabka Jarmalka, wuxuuna tilmaamay in Jarmalka uu hawlo baaxad leh ka hayo Soomaaliya. Xigasho
  13. Kan dhagaxa ah ayaa ugu dhow wax qadiimi ah, laakiin dhagaxa maxaa ku qoran? y1X3p? Haddee xarfahaan iyo lambaradaan yihiin, qadiimi iyo kala dheer.
  14. Dariishadihii, iridihii iyo cirkii laga soo xiray is already bringing results dowladda dhexe wanted.
  15. ...after 27 years of non-stop zombie marqaamid by dying secessionists, the realization dawned on an official secessionist. Welcome back to reality, Edna Aaden. __________________________ SOMALILAND oo shaacisay suuragal nimada ah inay la midooban SOOMAALIYA Maamulka Somaliland ayaa daaboolka ka qaaday inay diyaar u yihiin wadahadal iyo midow ay la yeeshan Soomaaliya inteeda kale. Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aysan caqabad ku aheyn midowga Soomaaliweyn hase yeeshee ay doonayan in marka hore ay hubiyaan in Soomaaliya ay diyaar u tahay midnimada. Haweeneyda lagu magacaabo Adna Aadan Ismaaciil oo ah Ergeyga Somaliland u qaabilsan wadahadalka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay suuragal tahay in ay dib u midooban labada dhinac. Adna Aadan waxa ay sheegtay in midowga labada dhan uu ku imaankaro keliya in Soomaliya ay marka hore diyaar u tahay in la dhowro nidaamka dowladnimo, maadaama ay Soomaaliya ka jiraan sharciyo kala duwan. Iyadoo u warameysay Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayey tiri, “Somaliland diyaar ayey u tahay inay la midowdo Soomaaliya inteeda kale waa haddii laga helo Soomaaliya shuruudaha, waayo labada dhanba waxa ay doonayaan nabad” “Midowga labada dhinac waxa uu yahay mid ku xiran in Soomaaliya marka hore ay hesho dowlad dhameystiran oo ay soo doortan shacabka” Adna ayaa sheegtay in Somaliland ay ka tanaasuli karto gooni isu taagga haddii Soomaaliya inteeda kale ay ka dhalato dowlad ay shacabka doortan islamarkaana garawshiyo ka bixiso tabashada Somaliland. Adna waxa ay carab dhabtay in Somaliland aysan caqabad ku aheyn wadahadalka labada dhinac, waxa ayna taa bedelkeeda sheegtay inay aad usoo dhaweynayaan wadahadal iyo midow dhexmara labada jiho. Dowladaha Holland iyo Denmark ayaa dhawaan bilaabay dadaalo ay wadahadal iyo midow uga dhex abuurayan Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo ka gadoodsan Soomaaliya inteeda kale. Danjirayaasha labada dal ee ka howlgala Kenya ayaa horaantii asbuucii tagay wadahadal la yeeshay mas’uuliyiin ka kala socda labada dhinac waxaana lagu wadaa in Somaliland ay muujiso tanaasul. Dhinaca kale, wadahadallada Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa in dhawaan ay ka bilowdaan magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya. Xigasho
  16. I didn't know Barwaaqo became a wannabe Sarah Huckabee Sanders, the distorter of truth in Aqalka Cad. Eniwey, next time make triple sure what you are posting doesn't fire back.
  17. Somali leader welcomes new envoys of Germany and France Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed has received credentials from ambassadors of Germany and France at his office in the state house in Mogadishu In a statement released by the presidency, Somali President Farmaajo welcomed received the new Ambassadors of France and Germany Aline Kuster-Menager and Annett Gunther. Mr. Farmaajo wished the heads of diplomatic missions success in their work and expressed confidence that their work would contribute to strengthening ties and developing cooperation between the countries. The President assured his readiness to contribute to deepening of friendly relations between Somalia and France and Germany, after meeting at his office in the state house in Mogadishu. “President Farmaajo today receives credentials from the new French and German Ambassadors to Somalia Aline Menager and Annett Günther respectively. HE Farmaajo encouraged them to work closely in improving the bilateral ties between Somalia and their respective countries”. Germany and France have joined the western countries reestablishing their long absence diplomatic presence in Somalia as the Horn of Africa country is recovering decades-long bloody conflict. French Ambassador Aline Kuster-Menager expressed her gratitude for his welcome and good wishes, stressing that she would exert maximum efforts to raise the Somali-French friendly relations to a qualitatively new level. The trio sides discussed the strengthening of bilateral relations and cooperation between their nations and means of enhancing them to serve the common interests of the two friendly countries and peoples. Somalia has been on its way to make a diplomatic come back across the world after more than two decades of war and extremists violances by Al Qaeda linked Al Shabaab group. Xigasho
  18. Dowladda dhexe qaladkeeda wey garatay and as I wrote awalba hoggaanka sare wey ku kala qeybsanaayeen, that baaq from wasaaradda amniga was a published without a higher consensus.
  19. Kulankii Mukhtaar Rooboow iyo DF oo soo dhamaaday iyo isfagarad lagu gaaray Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu soo dhamaaday kulankii u dhaxeeyey xubno ka socday Dowladda Soomaliya oo uu hoggaaminayey Taliyaha Nabadsugidda Qaranka Xuseen Cismaan xuseen (Caloolkuus) iyo musharaxa u taagan xilka Maamulka Koonfur Galbeed Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur. Kulankaan oo soo bilowday Xalay isla markaasna bilowgiisii aan si fiican la iskula fahmin ayaa daqiiqado ka hor kusoo dhammaaday Magaalada Baydhabo. Sida uu Caasimadda Online u xaqiijiyey mid kamid ah xogheynta Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Dowladda iyo Musharaxa ayaa gaaray heshiis iyo isfagarad. Kulanka oo lahaa qeybo kala duwan ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu heshiyey inuu Rooboow sii wato musharaxnimadiisa isla markaasna uu noqdo hoggaamiye hoos imaado Dowladda Dhexe kuna shaqeeyo amarada Dowladda sida ay xogta hoose ku heshay Shabakadda Caasimadda Online. Dowladda Soomaaliya ayaa Mukhtaar siisay raaligelin ku aadn warqaddii kasoo baxday Dowladda inkasto arrintaan aan la hubin. Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay soo saarto waraaq kale oo ay ku caddeyneyso inay ka laabatay go’aankii hore ee ahaa in Abuu Mansuur laga joojiyo musharaxnimadiisa. Ilo ku dhow labada Dhinaca ayaa xaqiijiyay in Hotelka uu Wafddiga degay ay gacanta ku hayaan ilaalada Mukhtaar Roobow,waxaana uu Mukhtaar u sheegay taageerayaashiisa in uusan dhib jirin sidaas darteedna ay nabad ku seexdaan. Kulan ay xalay goor dambe yeesheen ayaa Mukhtaar loogu sheegay in aysan jirin waxa suuqa la geliyay ee ah in la xirayo. Wafdigii Dowladda ka socday oo ay ku jireen qaar ka tirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed ku matalo Dowladda Dhexe ayaa la filayaa inay saacadaha soo socdo kasoo duulaan Magaalada Baydhabo maadaama uu soo dhammaaday kulankii labada dhinac u dhaxeeyey. Dhanka kale Sida ay ogaatay Caasimadda Online, madaxda dalka ayaa isla ogeyn waraaqdii kasoo baxday Wasaaradda Amniga, waxaana la xaqiijiyey in waraaqdaas laga soo qoray Xafiiska Ra’isulwasaare Kheyre uusan xataa war u heyn Wasiirka Amniga. Sidoo kale waxaa soo baxayo warar kala duwan oo ku aadan in Waraaqdaas cadaadiskeeda ay ka timaaday Beesha Caalamka, iyadoo warar aan la hubin sheegayaan in Beesha Caalamka aysan lug ku laheyn isla markaasna aysan ka warqabin waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Amniga. Xigasho
  20. Galbeedi, Beyle ha u gafin, see camal. I had never seen in post-civil war a wasiir as professional as he is. A wasiir who knows from A to Z in his ministry. In short time, he completely modernized wasaaradda maaliyadda. So he deserves to lead the highest office. Men like him are one in a million in Soomaaliya.
  21. Magaceeda iyo muuqaalkeeda dhawaantaan maba arag Caasho Cabdalle. Dadka ugu karti badan baarlamaanyadii kumeelgaarka Soomaaliya soo maray ahaan jirtay. I used to see her in Nayroobi, gaar ahaan at hoteellada Islii, between the years 2009-2011. Iyada, xildhibaan Dalxa, xildhibaan Jinniboqor iyo xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf hoteellada waa weyn ee Islii lagama weyn jirin.
  22. LoL at 'nephew.' Haddee Laftagareen hooyadiisa tahay qoloda Farmaajo automatically nephew miyaa. Xataa waxaa laga yaabaa hooyadiisa inay tahay qoloda Buuloxaawo iyo Garbahaareey dego. Farmaajo farac ahaantiisa waa Reer Galgaduud haddii meel lagu sheegaayaba.
  23. Cadnaan, dowladda dhexe inay ku kala qeybsantahay laga yaabaa. It appears there is internal division, one side being kan baaqa wasaaradda magaciisa ku qoran, Isloow. Also Shariifka can only be defeated by either Rooboow or former finance minister Farkeeti from Australia. Rooboow seems to be a people's guy in Baydhabo, plus he has the $ one needs. The populace are also tired masuqmaasuqa iyo wax qabad la'aanta baahsan by Shariifka. He can't even try to open jidka u dhaxeeyo Buurhakaba and Afgooye, the issue Rooboow already promised to solve. There is also a third candidate, Saransoor, but taageero badan ma heysto.