Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,658
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Wasiiradda iyo inta kale guddiga ka hortaga qaran ku jirto oo ku shiraayo si Zoom teleconference ah.
  2. Somalia government confirms 35 more Coronavirus cases The Federal Government of Somalia on Monday confirmed 35 new cases of the novel Coronavirus, bringing the total number of COVID-19 cases in the country to 60. 32 of the new cases were registered in Mogadishu, while two cases were recorded in Hargeisa and one was found in Borama, making it the first Corona case in the town. In the daily COVID-19 update, Health Minister, HE Fowsia Abikar Nur explained that 52 of the confirmed cases are recovering in their houses where they self-isolated. One more patient is recuperating at an isolation center in the Halane camp. Minister Fowsia reiterated pleas to the public to stay at their homes, observe social distancing, and offer special care to the elderly and people with chronic illnesses.
  3. What is up with Abtigiis and his sudden antagonistic, hostile actions towards to halgamayaasha JWXO? And now he is demanding apology from them for their long struggle. Yaab. Madaxweyne Cagjar: ONLF waa in raaligelin buuxda ay ka bixiso xasuuqii ay geysatay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo ka hadlayey dagaalkii jabahadda ONLF ayaa sheegay in intii ay ku guda jireen halgankaasi ay dileen dad badan oo shacab ahaa. Cagjar ayaa ka dalbaday hoggaanka sare ee ururkaasi oo haatan soo afmeeray dagaalkii uu waday inay raaligelin iyo garowshiyo buuxda ka bixiyaan ‘xasuuq’ uu sheegay inay geysteen, xilligii ay dagaalka ku jireen, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxda ururka ONLF waa in ay ka xishoodaan shacabka, waa in aysan dadku u sheegin in dagaalka uu ahaa mid ehel, balse ay dadka u caddeeyaan in dagaalkooda halganka ee gumeysi diidka lagu laynayayay rayidka.” ayuu yiri Madaxweyne Cagjar. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in hoggaanka ONLF ay horyimadaan shacanka, una cadeeyaan khaladaadkii ay horay uga galeen. “Hoggaanka ONLF waa in ay shacabka hor yimaadaan oo ay u caddeeyaan dagaalka, looma baahno in xiligaan dadka murugsan dib loo dhaawaco maskaxdooda, dadka gubanayo ee ehelkooda la dilay waxa kaliya ay u baahan yihiin waa in raalli gelin buuxda lasiiyo” ayuu markale yiri Madaxweynaha is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya. ONLF oo muddo dheer dagaal dhiig badan uu ka daatay ka waday dhulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sanadkii 2018-kii heshiis la gashay Ra’iisul wasaaraha wadankaasi, Dr. Abiy Axmed oo isbedallo ballaaran sameeyey, tan iyo markii uu talada la wareegay. Xigasho
  4. Waa istusnimo deeq ah from inkaarqabiyaashii Imaaraadka, but nonetheless anything helps. Imaaraadka oo gargaar caafimaad ku wareejiyey dowladda Soomaaliya Diyaarad sidda gurmad caafimaad, kana timid dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa saaka soo caga dhigatay garoonka Aadan Cadde. Deeqdaan oo ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay ka hortaga cudurka Coronavirus. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ayaa keentay todobo tan oo gargaar ah oo ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya iyo 20 tan oo ka timid hay’adda WHO. Waa gargaarkii ugu horreeyey ee uu Imaaraadku soo gaarsiiyo Muqdisho , tan iyo markii uu ka dilaacay cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Sidoo kale Imaaraadka ayaa horay gargaarkaan mid la mid ah uga dajijyey magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee maamullada Somaliland iyo Puntland. Soomaaliya ayaa la daala dhaceysa xakameynta cudurkaan oo marba marka ka dameysa soo ridanayo dad hor leh, waxaana tirada haatan ay mareysaa illaa 60 kiis. Xigasho
  5. Madaxweyne Waare: Doorasho uma soo jeedno illaa uu Coronavirus dhinac noo dhaafo Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo u warramay BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi oo uu cabsi xoog leh ku abuuray cudurka Coronavirus, kadib markii uu u geeriyooday wasiiru dowlihii wasaaradda cadaaladda HirShabelle, marxuum Khaliif Muumin. Waare ayaa wareysigaan ku sheegay in cudurka uu saameyn ku yeeshay howlaha guud ee maamulkaasi, islamarkaana la joojiyey kulamadii golaha wasiirada iyo baarlamaanka. “Annaga hadda labo arrimood ayaa noogu daran, maskaxdeenna, tamarteenna iyo walwalkeennana aan isugu geyneynaa. Midda koowaad waa saameynta caafimaad ee uu keeni doono cudurkaan, Alle hanaga fududeeyee, tan labaad ee kasii walwalka badanna waa saameynta iyo dhibaatada dhinaca dhaqaalaha ee ka dhalan doonta.” ayuu yiri Waare. Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo wax laga weydiiyey arrimaha doorashada maamulkaasi oo fooda nagu soo haya ayaa sheegay in illaa xaaladda Corona dhinac u dhacdo aysan u oollin talo ku saabsan doorashada, sida uu hadalka u dhigay. “Alle hanaga fududeeyee, haddii aysan nagu dheeraanin, oo uu dhammaado waqti doorashada la qaban karo, dabcan in uu Alle naga fududeeyo ayaan rajeyneynaa, laakiin taladaas ma aha talo maanta noo taalla, waa talo aan u gali doonno si wadar ah oo ka tashi ah, waqtigii uu Alle arrintaan dhinac noo dhaafsiiyo”. ayuu markale yiri. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan xaalad karantiil ah Madaxweyne Waare iyo dhammaan xubnaha kale ee maamulkiisa, kadib geeridii ku timid Wasiir Khaliif oo Axadii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ugu dhintay cudurka faafa ee Coronavirus. Xaaladda COVID19 ee Soomaaliya ayaa haatan ka sii dareysa, iyadoona kiisaskii ugu badnaa cudurka ay shalay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
  6. Galbeedi, Soomaaliya gurigaaga ka soo shaqee iyo shaqo joojin kama soconeysee ee Rabi ayaa ummadeena u maqan. Dowladda dhexe dadka danyarta Muqdisho degan toddobaadyo wey quudin kartaa. However, quudinta itself makes people congregate. Goobahaa degantihiin la idinku keenaa haddii la dhaho xataa ma sugi karaa meesha u horeyso la geeyo ku yaacaayaan.
  7. When did you become to garbage-talk like a sewage-dwelling vermin rat on SOL? Muuse Marqaanweyne as the old odey dhaqameed say waxba kama qaadi karo.
  8. Saalax, Muuse Muqayil odeyaashii soo baraarugay ayuu u booteeyo rabaa. Jawaab fiican ayuu siiyey odeygaan. Suldaanka 'Somaliland' oo ka jawaabay hanjabaaddii uu Muuse Biixi ugula kulmay ku baaqa midnimada Soomaaliya Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa maanta si kulul uga jawaabay hanjabaadii uu dhowaan u direy Madaxweyne Muuse Biixi, kadib markii uu sheegay Suldaanku in midnimada umadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas. Suldaan Maxamed ayaa kamid ahaa Salaadiin ka hadlay wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi oo dalbanayey inay qeyb ka noqdaan wada-hadaladaa si looga gaaro natiijo wax ku ool ah. Suldaanka ayaa hore u sheegay inay muhiim tahay dib u furida wada-hadaladaasi, isagoona carabka ku adkeeyay midnimada iyo wada-jirka ummadda Soomaaliyeed. Suldaanka ayaa hanjabaada Muuse Biixi ku tilmaamay mid aan meesha oolin, isagoona sheegay haddii uu ka fiirsan waayo arrinkaasi inay reer Somaliland ka tashan doonaan oo shir-weyne iskugu iman doonaan. Sidoo kale waxa uu Suldaanku shaki galiyay heerka aqooneed ee uu Madaxweyne Muuse Biixi u leeyahay arrimaha siyaasada, isagoona si dad-ban u sheegay inuusan u aqoonsaneyn Siyaasi hogaamin kara. “Madaxweynaha waxaanu leenahay, Arrinku meel aanu taagnayn inaad gaadhsiisaan waa Fool-xumo. Madaxweynaha isku gefi mayno. Dadka Koonfureedna waxba hadal u dhigan mayno” ayuu yiri Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Wuxuuna intaas kusii daray Suldaanku “Meel aanu Arrinku nala gaadhin haddaad gaadhsiiso, Qaranka Somaliland baa ka wada-hadli. Ninka siyaasiga ah anigu waxaan u aqaan Ninka Jaamacad ka sita Shahaado, Siyaasada Jaaamacad baa looga soo baxaa oo Kuliyad dhan baa looga soo baxaa siyaasada”. Hadalka kulul ee Suldaanku uu maanta uga jawaabay Hanjabaadii Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kor usii qaadaysa xiisada kala dhaxeysa, xili ay ku kala aragti duwan-yihiin qaabka loo wajahayo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Lamana oga in Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ay talaabo ka dhan ah ka qaadi doonto Suldaankan iyada oo hore ugu hanjabtay, maadama ay hore u dhacday in Salaadiin iyo Siyaasiin kale oo aaminsan fikirka midnimada umadda Soomaaliyeed xabsiyada Somaliland lagu guray. Xigasho
  9. Madaxweynaha HirShabelle iyo xubno kale oo Jowhar ku xanuunsan kuna jira karantiil Wararka ka imanaya Jowhar ee xarunta HirShabelle ayaa sheegaya in halkaasi ay ku xanuunsanayaan madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, wasiir ka tirsan xukumadiisa iyo xubno kale oo ka mid ah maamulkiisa. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan maamulkaasi ay wajahayaan xaalad xanuun, waxayna dhamaantood la kulmeen wasiiru-dowlihii maanta u geeriyooday xanuunka COVID-19, kaas oo dhawaan laga keenay magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle. Ma jirto cid xaqiijin karta in xanuunada haya xubnahan ay yihiin Coronavirus, hase yeeshee masuuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa sheegay in madaxweynaha xanuusan yahay islamarkaana uu muddo 7-aad ah ku jiray xaalad is karantiil ah. “Ma’suuliyiin badan oo ka tirsan HirShabelle ayaa xanuunsan mana heestaan wax daryeel ah,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa mar wax laga weydiiyay in Madaxweynaha HirShabelle ku xanuunsanayo Jowhar waxa uu yiri “waa maqlay in madaxweynaha xanuunsan-yahay balse intaas kuuma dhaafi karo.” Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Hirshabeelle waxa uuna sheegay in HirShabelle aysan haba-yaratee ka muuqan diyaar garowga cudurkaan iyo wacyi gelintiisaba. “HirShabelle waa dayacan-tahay mana jirto wax dedaal ah oo socda oo wacyi-gelin ah waxayna dadkaan ku jiraan xaalad halis ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Cusmaan Barre oo la hadlay Radio Kulmiye ee Muqdisho. Xigasho
  10. Dowladda malaayiin Soomaaliyeed dhaqaalle ee ku quudiso uma heyso. Waxa kaliya Rabi ka sakoow ugu baxsan karno cudurkaan waa dhalinyarada aad ugu badan Soomaaliya, duqooshinkana ku yar. Saas ee tahayna 50 jirka Soomaaliya joogo, badankooda sokoroow, dhiigkar iyo subagga wada qabo waxee u dhigantaa 75 jirka ku nool dalalka Reer Galbeedka. 50 jir iyo inta ka weyn, siiba kuwa qabo jirooyinka aan kor ku sheegay, Rabi ayaa u maqan. Cudurkaan baas wuu wada jiidan doonaa, qalabkii lagu neefsanaaye ku filana dalka ma yaalo.
  11. Madaxweyne Farmaajo oo kulan talo wadaag ah, kuna saabsan ka hortagga... M.FACEBOOK.COM Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa...
  12. Muqdisho, Abriil 12, 2020 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad, dhaqaale iyo bulsho ee dalka waxa uu la qaatay culimo, dhakhaatiir, ganacsato iyo madaxda hay’adaha dowladda ee qaabilsan caafimaadka, wacyigelinta iyo dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa warbixino ku saabsan saameynta cudurkan safmarka ah uu ku leeyahay nolasha dadkeenna ka dhageysta Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Sidoo kale, Kulankan oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Guddiga Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Golaha Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa Madaxweynuhu waxa uu u soo bandhigay wel-welka ku aaddan sida shacabka Soomaaliyeed aysan wali ugu baraarugsanayn halista faafidda cudurka COVID-19. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba ina saaran marxaladdan adag, iyada oo ay lagama maarmaan tahay in aan dadaal, talo iyo tabarba isugu geyno samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalkeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta iyo xubnahan uu la kulmay in ay xoogga saaraan sidii la isu waafajin lahaa ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka iyo fududeynta culeysyada nololeed iyo dhaqaale ee ka dhalanaya dadaallada xakameynta cudurkan halista ah. Dhammaad Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya E-mail: media@presidency.gov.so Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/ Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOffi cial/ Twitter: @TheVillaSomalia
  13. Somali region organized COVID 19 testing in Jijiga University Laboratory facility for COVID 19 virus testing organized the Jijiga University, in Somali regional state, is launched on Saturday in the presence of the region’s acting president, Mustafa Mohammed Omar. State-affiliated Fana Broadcasting Corporation (FBC) reported that the facility could test up to 240 samples per day. Samples from individuals showing COVID 19 related symptoms used to be sent to Addis Ababa where there is a testing facility, and had to wait for days to get results. A month or so ago, Ethiopia had to send samples from individuals to South Africa to determine if they have contracted COVID 19 virus. Now it is a different story. Ethiopia tests hundreds of people every day. As of April 11, 3500, people have been tested. Apart from the Federal government, regional governments are conducting tests on their own. Amhara regional state and Somali regional have become the latest to organize testing for COVID 19. So far, no individual from the Somali region is confirmed to have contracted the pandemic. On Saturday, Addis Ababa City Administration and Tigray regional state announced that a house-to-house screening would be conducted starting from next week.
  14. Two in critical condition in Mogadishu as Health Minister warns of ‘gradual spread’ of COVID-19 Two COVID19 patients at Mogadishu’s De-Martini hospital are in critical condition, the Ministry of Health has said warning of ‘gradually spread’ of the disease in the country. Health Minister Fawziya Abikar said Sunday the two patients were under intensive care following a deterioration of their situation. She however noted the rest of the patients are ‘progressing well’. “The disease is gradually spreading within the population as individuals with no travel history have tested positive,” the minister said calling for observance of protocols and measures set out by the ministry. Noting the elderly were more vulnerable, the minister urged Somalis to play a greater role in securing and supporting them. The minister also called on the public to be vigilant and report any cases by dialing the number 449 for emergency support. Somalia has since recorded 25 cases after four more people tested positive Saturday. Two people have recovered from the disease. Xigasho
  15. Rabi ha u raxmado xildhibaan goboleedka. Ingiriiska ayuu ka tagay amuuba asaga geeyey dalka. Rabiyoow ummadda Soomaaliyeed ka haay cudurkaan dilaaga ah - aamiin.
  16. Wasiiru dowlihii cadaaladda HirShabelle oo u geeriyooday cudurka CORONAVIRUS Wasiiru dowlihii Cadaaladda maamul goboleedka HirShabelle Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu geeriyooday cudurka Coronavirus oo ku dhacay. Khaliif Muumin ayaa ka mid ahaa 9 qof oo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay Jimcihii shaaca ka qaadday in laga helay cudurka Coronavirus. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle oo dhowr ah, kuwaas oo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay geerida Khaliif Muumin. Xildhibaan Khaliif ayaa todobaadkii hore loo soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii uu ku xanuunsaday magaalada Jowhar, laguna arkay astaamaha lagu garto cudurka Coronavirus. Waxa uu noqonayaa qofkii labaad ee inta la ogyahay gudaha Soomaaliya ugu geeriyooda cudurka Coronavirus. Khaliif ayaa cudurka ku qaaday gudaha dalka, mana jirin wax safar dibadeed ah oo uu dhowaanahan galay. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inuu billowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhaxdeeda (community spread), waxaana laga cabsi in cudurka uu gaaray dad badan oo ku sugan gudaha magaalada. Waxaa jirta cabsi xooggan oo la xiriira inay jiraan dad aan laga war-hayn oo cudurka uu gaaray ama u dhintay ayaga oo aan la diiwaan-gelin. Shacabka Muqdisho qaarkood ayaa werinaya dad dhintay oo lagu arkay caalamadaha cudurkan balse ma jirto cid xaqiijin karto maadaama aan tijaabo la marin. Xigasho
  17. Alloow ka badbaadi cudurkaan ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta adigaa waaxid ahee.
  18. In Afmaay - also in the original proto-Soomaali - gaal means geel, a camel. Waxaa arkaaye some folks in Waqooyi Laasgaal magaca ka badaleen thinking it has to do with 'gaalo' markee magaca u badaleen Laasgeel.
  19. Feysal Dhurwaa quuqdiisa waa inuu asagana dhiibtaa. Faysal Cali Waraame oo si adag uga horyimid qorshihii uu Abiy u weeciyay Khayre Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlay qorshaha cusub ee la sheegay in Abiy Ahmed uu mas’uuliyada wada-hadalada DF iyo Somaliland dusha ugu saaray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba ogoleyn wada-hadalo uu qeyb ka yahay Khayre, midaasi noqoneysa fashilkii labaad ee ku yimaada qorshayaasha Abiy Ahmed. Faysal ayaa ka horyimid aragtida uu aaminsan-yahay Abiy, kaasi oo ahaa in Somaliland aysan rabin Farmaajo balse ay Khayre macquul tahay inay aqbalaan, maadama aysan xasaasiyad weyn ka qabin sida Madaxweynaha. Guddoomiyaha ayaa banaanka keenay in qorshaha Abiy Ahmed ee wada-hadalada uu yahay mid uu ku wiiqayo jiritaanka Somaliland, isla markaana uu ku rabo inay midoobaan Soomaaliya iyo Somaliland oo sheegata inay ka madax-banaantahay Jamhuuriyada. Faysal Cali ayaa gebi ahaanba diiday in wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan dalal ay kamid tahay Itoobiya, oo uu sheegay inay u xaglinayaan dhanka Soomaaliya. Lamana oga in mowqifka Faysal ay ka wada socdaan Madaxweynaha Somaliland oo isagu ka gaabsaday ka hadalka arrinkaasi, balse si guud u sheegay inay diyaar u yihiin in wada-hadalo la furaan dowladda Soomaaliya, marka laga baxo xaalada ka dhalatay Corona ee dunida saameysay. Xigasho
  20. Somalia Trademarks Office resumes operations after almost 30 years The Somalia Trademarks Office resumed its operations at the end of 2019, when Ministerial Decree 1/2019 was issued by the Ministry of Commerce and Industry, stipulating that trademark registrations are once again possible in this former Italian colony and British Protectorate. Background Following the overthrow of President Siad Barre in 1991, Somalia entered into civil war and the northwestern region declared its independence, becoming the Republic of Somaliland. In the following years several attempts to restore a central government in Somalia failed, with powers shifting from local administrations to warlords and business and religious leaders. In 2006 the Transitional Federal Government gained control of zones that had been in the hands of the Islamic Courts Union. Only in 2012 was there sufficient stability to establish democratic institutions. In August 2019 a provisional constitution was passed and the Federal Government of Somalia was constituted. Since then the country has been trying to re-establish several institutions, which culminated, with regard to IP rights, in the decree that resumed operations at the Trademarks Office in late 2019. The previous trademark situation Trademark registrations did not exist in Somalia for 28 years. In more recent years a solution for protecting trademarks was adopted in the form of cautionary notices. These were advertisements in a local newspaper, preferably a leading one, in which a specific entity described an IP asset and claimed ownership of it. The aim was to acquire sufficient public recognition of ownership. This is a standard proceeding in many jurisdictions where IP rights are not provided by law or specific means to acquire such rights are not determined. The new trademark situation Thanks to the decree it is now possible to file trademark applications at the Trademarks Office, which was established under the Ministry of Commerce and Industry. However, the decree does not provide much more detail than the fees for trademark registration ($1,000) – it appears that the Trademarks and Patents Law (1975) still governs this area. While trademarks registered before 1990 appear to no longer be valid, previous registrations may be taken into account by courts in some cases. Because the 1975 law is being followed, the Trademarks Office is classifying applications using the old Italian system of 49 classes. Only single-class applications are being accepted. One of the major concerns is that applications are not being published in a trademark gazette and, consequently, there are no opposition proceedings. It is understood that the office is conducting examinations on absolute and relative grounds before granting applications. It also appears that proceedings are fast, with registration certificates being issued within one month. Registration is then valid for 10 years after the filing date. While it may be true that Somalia is still to approve much-needed trademark laws, the decree is an important first step in establishing a functioning IP system in a country that has many more important problems to solve. Xigasho
  21. Perhaps he should rename himself Saleebaan Gaal Gaaldhalay. Perhaps then internashinal kamyuuniti gaalada ka buuxo might give a look.
  22. Maxaa jidkaan ku luggeeye habeen iyo maalin oo aan fadhiistay daarahaan bilooyin ka hor. Daarta nalalka badan waa maqaayadda Liido Beach. Nabad la'aan waa nolol la'aanee, Eebboow Xamar nabadeeda u siyaadi - aamiin.
  23. DF oo shaacisay in cudurka Coronavirus uu bulshada Muqdisho ku dhex faafayo iyo kiisas cusub oo la helay War-Saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in cudurka Coronavirus uu ku faafayo gudaha dalka, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Ilaa afar kiis oo cusub ayey shaacisay wasaaraddu “Waxay wasaaraddu xaqiijisay maantay 4 xaaladood oo cusub oo la xariirta caabuqa COVID-19, taas oo tirada guud ee xaaladahada caabuqa COVID-19 ka dhigaysa 12 kiis” ayaa lagu yiri warkan oo goor dhaw kasoo baxay wasaaradda caafimaadka. Qoraalka wasaaradda waxaa lagu sheegay bulshadu aysan ka digtooneyn cudurka, taas oo ka liftay in si fudud ay isku qaadsiiyaan. “ Waxay Wasaaraddu cadaynaysaa in uu bilowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community transmission)” Afarta ruux ee maanta laga helay cudurka Coronavirus ee wasaaraddu shaacisay dhamaantood waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedka in aysan dalka meelna uga bixin. Sidoo kale qoraalka wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyey in laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee wasaaradda ay ka mid yihiin dadka laga helay xanuunkan. “Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka 2 Sarkaal oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaankooda”ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale wasaaradda caafimaadka waxa ay qoraalkan ku xaqiijisay in qofkii ugu horeeyey uu galabta cudurka Coronavirus ugu geeriyooday gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kaas oo aan dalka meel uga bixin. “Waxaa sidoo kale geeriyooday Allaha u naxariistee xaaladdii ugu horraysay ee la xariirta caabuqa COVID-19, Somali 58 jir ah, kaas oo noqnaysa dhimashadii ugu horraysay wadanka gudihiisa”ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda caafimaadka waxay sheegtay in ay ku mashquulsantahay raadinta dadka ay xariirka la sameeyeen dadkan cusub ee laga helay cudurka, iyaga oo ku sugan gudaha dalka oo aan sameyn wax safarro dibadda ah. “ Wasaaraddu waxay bulshada Soomaaliyeed mar kale ku adkaynaysaa inay guryohooda ku ekaadaan kana taxadaraan caafimaadkooda iyo badqabkooda. Fadlan inagala qayb-qaata xakamaynta cudurka oo raaca tilmaamaha caafimaad ee sida joogtada ah idiinla wadaagayso Wasaaradda Caafimaadka” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Xigasho