Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,658
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. DF Somalia oo war cusub kasoo saartay isbitaalka Martiini oo lagu daweeyo dadka qaba Coronavirus War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in isbitaalka Martiini loo dhammeystiray qalabkii caafimaad ee loo baahnaa, kaas oo ka mid ah isbitaalada lagu dabiibo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus. Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda degdegga ah ACU ee Isbitaalka ku xirtay 20 sariirood oo loo dhammeestiray qalabkii loo baahnaa si loogu baxnaaniyo dadka xaaladoodu aadka u adagtahay, sida lagu sheegay qoraal goor dhaw kasoo baxay xukuumadda. Isbitaalka waxaa sidoo kale laga howl geliyay Dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal takhasus u leh xirfadaha loo baahanyahay, kuwaas oo kala ah 10 dhakhtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka Digfeer horay uga howlgeli jiray. Saraakiishaas caafimaad ayaa hada qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19, waxaa sidoo kale qoraalkan lagu sheegay in dhawaan ay ka howl billaabayaan Martiini la taliyaal sare oo caafimaad, kuwaas oo ku takhasusay maareynta cudurrada faafa iyo cudurrada ku dhaca neef mareenka. Isbitaalka Martiini oo lagu howl billaabay bishii hore Maarso16-keedii ayaa lagu qaabilay 218 bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay, halka afar kamid ah bukaannadii la jiifiyay ay ka bogsadeen xanuunka COVID-19, sida lagu sheegay warbixintan. Haatan Martiini waxaa jiifa oo lagu baxnaaninayaa 17 bukaan, waxayna xukuumaddu sheegtay in lasii dardar gelinayo horumarinta isbitaalkan. Ugu dambeyntii dowladda federaalka ayaa mar kale bulshada ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad, si gaar ah waxaa looga deyriyey in dadka qaba xanuunada daaha hadii uu ku dhaco cudurkan ay gelayaan xaalad halis ah.
  2. Dadkii ugu badnaa oo maanta Muqdisho ugu geeriyooday Coronavirus iyo kuwa kale oo badan oo laga helay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay warbixintii Coronavirus ee 24-kii saac ee u dambeyey, waxaana lagu shaaciyey in dadkii ugu badnaa ay gudaha dalka saacadihii lasoo dhaafay ugu dhinteen cudurkan. 6-qof ayaa lagu sheegay inay 24-kii saac ee lasoo dhaafay Soomaaliya ugu geeriyootay xanuunka COVID-19. Sidoo kale 49-qof oo ah kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah ayaa loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafa, sida lagu shaaciyey warbixinta wasaaradda caafimaadka. 30 kamid ah 49-ka qof ee maanta laga helay cudurkaas waa lab ama rag, halka 19-ka kalena ay dumar yihiin. Warbixinta caawa ka soo baxday wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in laba qof ay kasoo bogsatay xanuunkaas, waxayna noqoneysaa tiradii ugu badney oo bogsasho ah oo hal maalin la shaaciyo. Tirada guud ee gudaha dalka Soomaaliya dadka laga helay Coronavirus ayaa gaartay 286 kiis, waxaa u geeriyootay 14 ruux, hal ay ka bogsatay 6-qof. Warbixinta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya laguma xusin halka ay ku kala noolyihiin dadkaas loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay in ay qabaan Coronavirus, sidoo kale laguma xusin goobaha ay ku kala noolaayeen kuwa dhintay iyo kuwa ka bogsadayba. Xigasho
  3. Ciidamada DANAB oo la wareegay deegaano cusub Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 16-aad ee Danab ayaa la wareegay deegaano ku yaalla dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay saaka ku qaadeen howlgal qorsheysnaa. Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Ismaciil Cabdi Maalik oo u warramaya Idaacada Codka Ciidamada ayaa sheegay inay gaareen deegaanada Dhanaane, Gandarshe iyo Jilib Marko oo ay horay ugu sunaayeen kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in ay si nabadoon ku qabsadeen deegaanadaasi, kadib markii ay isaga baxeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaasi iyo sidoo kale dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada milatari ee ka socda K/Soomaaliya.
  4. Ahahaha, what a fitting title. Cadnaan, I don't know how you can go to the lowest depth of boosaneero cesspool of where the sewage-dwelling creatures breathe in while still holding your breath while engaging with those creatures. Gacan ayaaba kuu taagay for tolerating that, especially sewage dwellers projections - since those lowest creatures always claim to be garacyadii Qureyshta, then discarded offspring of habro Xabashis, then the orphans of British and now apparently unwanted creatures of Yahuuda. All with no avail after centuries of baryo and claiming.
  5. Maamulka gobolka Banaadir oo bilaabay ololaha buufinta Covid-19 Maamulka gobolka Banaadir ayaa daahfuray ololaha lagu buufinaayo xaafadaha magaalada Muqdisho si looga hortago cudurka faafitaanka badan ee Caronavirus, wuxuuna maamulku sheegay in ololahan uu sii socon doono. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud (Cumar Filish) ayaa ayaa xariga kajaray ololahan wuxuuna sheegay in aay muhiim tahay in laga hortago cudurkan oo kiisaskiisu aay sii badanayaan marka la’eego gudaha Soomaaliya. Agaasimaha waaxda caafimaadka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aay wadaan qorshe lagu yareeynaayo faafitaanka Covid19, waxaana uu sheegay inaay isticmaaleen ant-virus ama kahortaga faayriska. Gudoomiyaha arimaha bulshada gobolka Banaadir Basma Caamir ayaa sheegtay inaay buufin doonaan dhamaan xaafadaha gobolka Banaadir, waxaay sheegtay in cudurkan uu leeyahay kahortag islamarkaana aay ku dadaali doonaan in laga hortago. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoojin doono ololaha kahortaga cudurka Covid19. Gudoomiyaha ayaa sheegay in shacabka looga baahanyahay in aay qaataan talooyinka caafimaadka. “Xiliga habiinkii ah oo bandoow uu jiro ayaan buufin doonaa magaalada oo dhan, waxaan ku buufineeynaa jeermis dilayaal, anaga iyo dowlada federaalka waxaan isla qaadanay inta laga tirtiraayo Covid19 in lasii wado buufinta iyo wacgigalinta” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir. Ololahan ayaa imaanaya xili magaalada muqdisho laga helay kiisas aad u badan, waana halka kaliya ee aay ka socdaan baaritaanada islamarkaana kiiskan uu aad ugu fiday. Caronavirus ayaa dhib badan ku haaya caalamka, waxaana Soomaaliya laga dareemayaa qal-qalka ku aadan cudurka, maamulada dalka iyo dowlada federaalka ayaa wada dadaalo ku aadan kahortaga cudurkan.
  6. Galmudug oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug, Naciimo Maxamed Catoosh ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeeyey ee cudurka halista badan Covid-19 laga helay deegaanada maamulkaasi. Wasiirada ayaa sheegtay in qofka laga helay xanuunka haatan lagu hayo isbitaalka weyn ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Sidoo kale Naciimo Maxamed Catoosh ayaa carabka ku dhufatay inay jiraan dad kale oo looga shakiyey cudurka Coronavirus, kuwaas oo ay shaacisay nay ku kala sugan yihiin magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Caabudwaaq oo hoostaga maamulkaasi. Wasiir Naciimo ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in ka maamul ahaan ay diyaariyeen isbitaal haddii ay xaalado soo baxaan lagu daaweeyo. Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanada Galmudug inay muujiyaan taxadar, islamarkaana ay qaataan talooyinka caafimaadka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu marba marka ka dambeyso cudurka Covid-19 uu ku sii baahayo gudaha dalka, kaas oo kiisas ugu badan laga helay Muqdisho. Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ayaa illaa iyo hadda shaacisay kiisas gaaraya illaa 237 qof, iyadoo dhimashaduna ay mareyso 8 ruux.
  7. Another useless maamul goboleed squabbles: CORONA oo Khilaaf cusub ka dhex abuuray labada maamul ee HirShabelle iyo Puntland Waxaa haatan soo shaac-baxay khilaaf xoogan oo u dhexeeyo labada maamul ee HirShabelle iyo Puntland, kaas oo ka dhashay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus ee dhowaan ka dilaacay Soomaaliya. Khilaafka ayaa yimid, kadib markii Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) uu faray ganacsatada deegaanada maamulkiisa in aysan raashin u iib-geyn karin deegaanada kale, sida maamullada Galmudug iyo HirShabelle. Deni ayaa arrintaan oo saameyn ku yeelatay reer Hiiraan ku sheegay mid lagu xakameynayo cudurka Covid-19 oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya. “Waxa aan halkaan ugu soo jeedinayaa Ganacsatada reer Puntland, inaga oo eegeyna go’aamadii xannibaadda aan soo saarnay in la joojiyaa Badeecadaha loo iibgeeyo meelaha ka baxsan Puntland si aan qiimo koror u imaan.” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni. Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ee HirShabelle, Cali Jeyte Cismaan oo ka jawaabay arrintaan ayaa shaaciyey in wax laga xumaado ay tahay hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland, isaga oo sheegay in ganacsatada maamulkaas iyo kuwa gobollada dhexe uu ka dhexeeyo xiriir ganacsi oo aad u xoogan. Sidoo kale Jeyte oo warbaahinta ugu warramayey magaalada Beledweyne ayaa raalli-gelin ka dalbaday Madaxweyne Deni, wuxuuna wacad ku maray haddii uu bixin waayo inay qaadi doonaan tallaabo ka daran mida ay qaadeen, sida uu hadalka u dhigay “Haddii uusan Deni Raalli gelin iyo ka laabasho ka sameyn hadalkiisa, waxa aynu qaadi doonaa tallaabo ka daran tan uu qaado, Puntland waxaa dadka Hiiraan uga yimaado Raashinka kasoo dega Dekeda Boosaaso, balse halkaan waxaa laga qaadaa Khudaarta, Caanaha, Xoolaha iyo badeecado kale” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay haddii ay sii socoto arrintaan inay kor u qaadi doonaan ka maamul ahaan lacagaha Canshuuraha ee xoolaha iyo Khudaarta laga qaado gobolka Hiraan ee la geeyo deegaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. “Ganacsatada waxa aan u ballan qaadeynaa in aan Canshuur dhaaf u sameyno badeecadaha ay ka keensadaan Puntland, taa badalkeed waxa aan kordhineynaa Canshuurta Xoolaha iyo Khudaarta laga qaado Gobolka Hiiraan.” ayuu markale yiri Jeyte. Khilaafkaan ayaa durbo saameyn ku yeeshay xiriirka ganacsi ee HirShabelle iyo Puntland, iyadoona dhibaatada ugu daran ay wajahayaan ganacsatada labada dhinac. Xigasho
  8. Ra'iisul wasaaraha meeting with guddiyo from maamul goboleed on Covid-19:
  9. Turkey to produce 5,000 ventilators by end of May – Erdogan Domestically produced, 100 respirators were delivered to Istanbul's new Basaksehir City Hospital which is now partially operational. A massive undertaking, the private-public initiative will eventually handle some 30,000 patients on a daily basis. Turkey on Monday delivered its first batch of 100 domestically produced ventilators to country's new mega-hospital in Istanbul with 5,000 more to be mass-produced and delivered by end of May. "Standing on its own feet, Turkey is portraying its power at a time where international organisations have lost their purpose," Turkish President Recep Tayyip Erdogan said via video link at the inauguration on Monday. The Basaksehir City Hospital can provide health services to 23,600 patients over an indoor space of 1 million square metres, the project website said. Turkey will produce 5,000 medical ventilators by the end of May, in a bid to meet potential demands in the country, Erdogan said. “While the world is facing difficulties, Turkey has successfully overcome hurdles to make its own medical ventilators,” the Turkish president said. Expandable critical care services Health Minister Fahrettin Koca said the new facility, "has 2,686 beds, which all have intensive care equipment," and "all of the beds can be used for intensive care when necessary." Technology Minister Mustafa Varank promised to deliver the "5,000 ventilators by the end of May," having already delivered some of the home-produced devices. Xigasho
  10. Ra’iisul wasaare KHAYRE oo hal arrin ka dalbaday Ruushka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Khayre oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa faah faahin ka bixiyey wadahadal qadka taleefanka ah oo uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergey Lavrov. Khaye ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay Ruushka ka dalbatay inay ka gacan siiyo la dagaalanka cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu Sergey Lavrov kala hadlay xoojinta xiriirka labada iyo adkeynta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka. “Waxaan wada-hadal muhiim ah la yeeshay Wasiirka Arimaha Dibadda Ruushka H.E Sergey Lavrov. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ku aadan dadaallada lagu xakameynayo Covid19.” ayaa qoraalkiisa ku yiri R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya. Ruushka ayaa la filayaaa inuu ka jawaabo codsiga Khayre, islamarkaana uu Soomaaliya u soo diro qalab caafimaad iyo dhaqaatiir ka qeyb qaadata xakameynta Covid-19. Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya oo marba marka ka dambeysa sii kordhaya ayaa illaa hadda waxaa la diiwaan-geliyey illaa 237 qof oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.
  11. Cadnaan, qashintaan maxaa meesha noogu keentay. She is just another hapless, long lost secessionist sewage-dweller, who, instead of leaving their vermin on SOL, drops her garbage on Twitter.
  12. Money transfer receipt by Kenyan media ‘fake’ Taaj says, warns legal action The Somalia based money transfer company Taaj has dismissed as fake a receipt published by a Kenyan newspaper alleging the company was used by an intelligence official to transfer money to the militant group Al-Shabaab and warned of legal action. A statement from the company which is affiliated to Somalia’s leading telco Hormud Telecom noted the alleged receipt was fake and that it did not issue it. “Taaj wants to inform the public there is no way it issued such a receipt and that it has established the receipt is fake,” the company said adding the document was ‘forged’. The Star published the receipt Friday alleging it had received a leaked document from Kenya’s intelligence agency claiming it was investigating allegations Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) was aiding Al-Shabaab to attack Kenya Defence Forces in Somalia. Somali government dismissed the reports as ‘false and misleading’. “The Federal Government of Somalia rejects this type of malicious attacks, and smear campaigns targeting the government and its agencies,” a statement from the Ministry of Information Saturday read in part. Taaj called on The Star to pull down the story adding it will take legal action. Xigasho
  13. Why are a disproportionate number of people from ethnic minority backgrounds dying from Covid-19? Coronavirus does not discriminate - but some evidence has suggested it does affect some communities far more than others. The government has announced a review into the disproportional impact Covid-19 has on ethnic minorities in the UK, including British Muslims. One report, from the Intensive Care National Audit & Research Centre, has found 30 per cent of Covid-19 victims were from Black, Asian and other minority backgrounds, whilst people from these backgrounds make up just 13 per cent of the UK's population. Nowhere has Covid-19 hit minority communities more than those working on the frontline of the NHS, where doctors and nurses have been trying to save their lives of their fellow Britons. Downing Street announces review into why ethnic minorities worst hit by coronavirus Those from ethnic minority backgrounds constitute two thirds of NHS deaths; on Friday two more doctors from BAME backgrounds lost their lives to the virus, it was announced. ITV News has been examining the causes, we have learnt that socio-economic factors such as deprivation, underlying health conditions and cultural differences, like inter-generational households which more common in ethnic minority communities, could lead to an increase in the transmission of Covid-19. A delay in the translation of government guidelines from English to other languages has also been touted as a reason why the outbreak could be having a more of an adverse affect on some people from ethnic minority backgrounds. "Health literacy is definitely an issue in Black and Ethnic Minorities, again, this is partly linked to socio-economic deprivation and language barriers that may exist," Dr Hina Shahid told ITV News. "Cultural and faith factors may also change a way a person perceives health or health information. We know that there is also this mistrust in health and healthcare professionals and also accessing healthcare itself." She added: "People tend to present when they are sicker and that can make it more difficult to treat so we do have a big role to play in assembling or disseminating the correct information in ways that people can understand, in ways that take into consideration their beliefs about health and illness because that's how the message is going to resonate for them." She continued: "We are seeing people from Somali, Sudanese communities, from Bengali and Pakistani communities from Iranian and Afghani and Turkish communities - so it is spanning across the spectrum." "The issue we have when we just break down those communities into BAME, we lose those differences and so it is important to desegregate this data and looking at all the different ethnicities and also looking at faith and religion...which we know is an important determinate of health - we don't have this data so it makes it difficult to unpick and understand what is going on." Somali community leader Mohamed Ibrahim, director of London Somali youth forum, told ITV News he believes whilst there are socio-economics differences; but cultural differences - which could lead to more disproportionate ethnic minority Covid-19 cases and deaths - have a part to play. Within the Somali community, he said many feel the need to visit loved ones who are ill with virus symptoms, or go to a family or friend's house to pay their respects for someone who has died from Covid-19 as culturally this is what many would do. Mr Ibrahim added: "The issue of social distancing from a Somali context is to be honest alien to us, we shake hands, we go to our houses for condolences." "The other issue is that when you have families that are visiting each other where there are funerals, condolences, we do share this with other communities...but for us it's more alarming." Read and watch more
  14. Soomaaliya oo laga helay 29 kiis oo cusub oo COVID-19 ah Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay warbixintii maalinlaha aheyd ee ku saabsaneyd xaaladda COVID-19 iyo dalka . Maanta oo keliya ayaa waxey wasaaraddu sheegtay in laga helay 29 ruux oo la bukoonaya Coronavirus, kadib baaritaanno lagu sameeyay. Dadka laga helay ayaa waxey kala yihiin 21 rag iyo 8 dumar ah sida ku cad diiwaanka wasaaradda , halka isu-geyn wadarta guud ay tahay dadka xanuunkan qaaday 164 ruux, sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in mid kamid ah bukaannadii xanuunkaan qaaday uu ka bogsooday. Lama soo werin guud ahaan maanta cid xanuunkaasi ugu geeriyootay dalka, balse horay waxaa ugu geeriyooday 7 ruux. Soomaaliya waxey kamid tahay dalalka ku yaalla bariga Afrika ee uu saameeyay Bushiga Corobavirus.
  15. RW Kheyre “Waa in aan meel iska dhignaa kala aragti-duwanaanta si aan uga hortagno Covid19” Raisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shir gudoomiyay kulanka joogtada ah ee gudiga kahortaga cudurka faafitaanka badan ee Covid19, ayaa madaxda maamul-goboleedyada ugu baaqay inaay ka hortagaan cudurka. RW Kheyre ayaa madaxda u sheegay inaay meel iska dhigaan kala aragti duwanaanta dhanka siyaasada islamarkaana aay muhiim tahay in meel loogasoo wada jeesto ka hortaga iyo daweeynta cudurka Covid19 si looga badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed. RW Kheyre ayaa dardaarankan u jeediyay wasiirada maamul goboleeedyada oo qadka internetka uga qeyb-galay kulanka joogtada ah ee gudiga ka-hortaga cudurka Covid19. “Xili adag ayaa lagu jiraa, maanta qof kasta oo wasiir ah waxaa looga baahanyahay inuu bixiyo dadaalkasta oo lagu badbaadinaya shacabka Soomaaliyeed, waan ogahay inaay dhibaato jirto, waan ogahay inaay caqabado jiraan laakiin maanta waa inaan bixinaa dadaal dheer, sidoo kale waxkasta oo kala aragti duwanaan ah oo noo dhaxeeysa waa inaaysan naga hor-istaagin dadaalkeena, xafiiskeeyga saacad walba waa idiin diyaar” ayuu yiri RW Kheyre. Kheyre ayaa ku booriyay maamulada in meel loogasoo wada jeesto xanuunkan faafitaanka badan ee Caronavirus, wuxuuna amaanay dadaalka wasaarada caafimaadka dalka. Maamulada qaar ee kajira dalka iyo xukuumada RW Kheyre ayaa waxaa u dhaxeeya qilaaf adag oo dhanka siyaasada ah, waxaana qilaafkaas uu saameeyay geedisocodka horumarka Soomaaliya. Xigasho