Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,658
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. You and I both know wuxuu eeygii Cabdi Ileey ahaa. Marka don't even bother ina noo carfisid xaarkaas Tigrey stooge ahaa.
  2. Filinkii Caarre waa la isla fahmay maadaama meesha marqaan session ka socdo. Inta yar laga soo baryo beesha caalamka dowladda dhexe u soo mariso xaqooda haka soo dhacsadaan the secessionists intuu Muuse Marqaanweyne ku qayili lahaa.
  3. Caarre filinka cusub uu furay waa in laga wada faa'idaa meesha marqaan lee yaalee. Let them isbaaro u dhigtaan inta yar beesha caalamka laga soo tuugsado intuu Muuse Muqayil ku qayili lahaa.
  4. Bankiga Adduunka oo aqbalay codsi ay u jeedisay Soomaaliya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shaaca ka qaaday in Bankiga Adduunka uu aqbalay codsi ay u jeedisay dowladda Soomaaliya, oo ah in loo iibiyo qalabka lagula dagaalo cudurka Coronavirus. “Bangiga Adduunka ayaa dowladda ka oggolaaday inuu usoo iibiyo qalabka caafimaad ee aadka loogu baahannahy si loola dagaalo cudurkan,” ayuu yiri Kheyre oo xalay khudbad uu shacabka kula hadlay ka jeediyey xafiiskiisa. Ra’iisul Wasaaruhu ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ka codsatay deeq bixiyayaasha in caawimaadaha ay bixin jireen loo wareejiyo dhinaca caafimaadka iyo taakulaynta danyarta uu cudurkani saameeyay nolol maalmeedkooda. Waxa uu sidoo kale sheegay inay weydiisteen dowladaha Yurub iyo Maraykankaba sidii Bangiyada iyo Xawilaadaha Soomaaliyeed shaqadooda loogu fududayn lahaa. Kheyre ayaa caddeeyay in la kordhinayo xarumaha lagu daaweeyo dadka uu soo rito COVID-19, lana badin doono baaritaanka si qof waliba uu u helo fursad uu isugu baaro, dowladduna ku howlantahay soo iibinta qalab caafimaad oo qayb ka qaata xakameynta COVID-19. Kheyre ayaa dhinaca kale mar kale faray Ganacsatada dalka inay shacabka u turaan xaaladdan adag ee lagu jiro, Culimaduna ay shacabka kula taliyaan in qof waliba uu gurigiisa ku cibaadaysto maadaama waajibaadka diiniga ah ay ugu horeeyso badbaadinta nafta. Xigasho
  5. Ra'iisul wasaaraha is doing his best helping mitigate Covid-19 crisis. R/W Kheyre oo shaaciyey qorshaha xukuumadiisa uga degan cudurka Coronavirus Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa caawa ka hadlay dhibaatada cudurka Coronavirus iyo sida looga gaashaaman karo. Ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed in ay qaataan talooyinka caafimaad ee dhakhaatiirta iyo wasaaradda caafimaadka dalka. “Masiibada maanta waxaa ka nabad galaya kuwa qaata waanada iyo wax sheega, kuwa dhagaysta talooyinka bahda Caafimaadka. Kuwaas ayaa ah kuwa inay haligmaan ka nabad galay, badqabka bulshada iyo Badbaadin tooduba, maanta waxay ku jirtaa kala maqnaanta mudada cudurku jiro. “In aad eheladaada iyo asxaabtaada ka maqnaato oo booqan waydo xiligan adag waxay daliil cad u tahay damiirka qofka ee aan dadkiisa dhib la jeclayn”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaaraha ayaa cadeeyay in guddiga Qaran ee ka hor tagga cudurka COVID-19 ee isugu jira xukuumadda, culimada, dhaqaatiirta, ganacsatada iyo bulshada rayidka ay kawada shaqayaan sidii loogu gurman lahaa, dadka Soomaaliyeed caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Sidoo kale waxa uu sheegay Khayre in la kordhinayo xarumaha lagu daaweeyo dadka uu soo rito xanuunka Corona, lana badin doono baaritaanka si qof waliba uu u helo fursad uu isku baaro. Dowladda ayuu sheegay in ay ku howlantahay soo iibinta qalab caafimaad oo qayb ka qaata xakameynta COVID-19. Bangiga Adduunka ayuu sheegay Kheyre in dowladda Soomaaliya uu ka ogolaaday in uu usoo iibiyo qalabka caafimaad ee aadka loogu baahannahy si buu yiri loola dagaalamo cudurkan. Ra’iisul Wasaare Kheyre waxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ka codsatay deeq bixiyayaasha in caawinaadaha ay bixin jireen loo wareejiyo dhinaca caafimaadka iyo taakuleynta danyarta uu cudurkani saameeyay nolol maalmeedkooda, sidoo kale dowladaha Yurub iyo Maraykanka ayuu sheegay in ay ka codsadeen sidii Bangiyada iyo Xawaaladaha Soomaaliyeed shaqadooda loogu fududeyn lahaa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda, ganacsatada, dhaqaatiirta, bulshada rayidka iyo culimaduba ay wadaan dadaal xoog leh oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee caawinta u baahan, isla markaana ganacsatada Soomaaliyeed iyo wasaaradda maaliyaddu ay isla garteen in la yareeyo saamaynta dhaqaalaha ee ka dhasha cudurka Coronavirus. Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale Ganacsatada faray in ay shacabka u turaan xaaladdan adag ee lagu jiro, culimaduna ay shacabka kula taliyaan in qof waliba uu gurigiisa ku cibaadaysto, halka dhakhaatiirtana uu ku bogaadiyey in la joogo xilligii loo baahnaa.
  6. Amnesty International ayaa warbixin ka diyaarisay xariga wariye C/maalik Muuse Coldoon. AUTHORITIES MUST RELEASE IMPRISONED JOURNALIST CABDIMAALIK MUUSE COLDOON Amnesty International is calling on the Somaliland authorities to immediately and unconditionally release detained journalist Abdimalik Muse Oldon who was arrested and arbitrarily detained a year ago today for exercising his right to freedom of expression. Amnesty International is concerned that the journalist who was detained solely for peacefully exercising his human rights is now at heightened risk due to the COVID-19 pandemic. Read the full report on Xigasho
  7. Somali health workers contract COVID-19 At least six health workers including doctors in Somalia have contracted coronavirus, officials said Thursday. According to the country's Health Ministry, the officials contracted the virus from a patient in the capital Mogadishu. Dr Ibraahim Guled, the secretary general of Somali Medical Association, is among the infected. Somalia confirmed its first COVID-19 case in mid-March. Since then, a total of 80 people have been diagnosed with the disease. Five people have also died, along with two regaining health. The African nation, in order to contain the pandemic, imposed a night curfew in Mogadishu from Wednesday. Schools and universities, meanwhile, are already closed. Hospitals, pharmacies and food stores are not subject to the restrictions, as per Somali police chief Abdi Hassan Mohamed Hijar. The virus, which was first detected in Wuhan, China late last year, has spread to 185 countries. It has killed more than 137,000 people and infected over two million. Xigasho
  8. DF oo xaqiijisay in maanta Muqdisho ay dad kale ugu geeriyoodeen Coronavirus kuwo badanna laga helay Dowladda Soomaaliya ayaa caawa xaqiijisay in ay geeriyoodeen seddax qof oo kamid ah dadkii uu gudaha dalka ku haleelay cudurka COVID-19, waxayna gaartay tirada guud ee dhimashada shan qof. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in sidoo kale maanta la diiwaan geliyay 20 xaaladood oo cusub. Tirada guud ee kiisaska laga diiwaan geliyay dalka oo dhan ayaa hadda gaartay 80 xaaladood oo Coronavirus ah, ayada oo ay muuqato in cudurka uu sii fidayo. Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa mar kale ka dalbatay bulshada in ay si saxan u qaataan talooyinka caafimaadka, kuwaas oo ay sheegtay in qofka ay ka kaalmeyn karaan in uu ka badbaado cudurkan. Ugu dambeyntii waxa ay sheegtay wasiir Fowsiyo in dadaal xoog leh ay ugu jiraan sidii loo xakameyn lahaa cudurka COVID-19 uu haatan u muuqda mid si xowli ah bulshada ugu sii dhex faafaya.
  9. Kheyre oo digniin xooggan u diray ganacsatada dalka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa digniin xooggan u jeediyey ganacsatada Soomaaliyeed, isaga oo uga digay inay kordhin qiimaha maciishadda dalka Kheyre ayaa arrintan sabab uga dhigay maadaama shalay ay dhaqan gashay canshuur dhaaf ay dowladda u sameysay maciishadda daruuriga ah ee dalka lasoo geliyo. Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa yimid ayada oo ay jirto cabsi xooggan oo laga qabo inay yaraato maciishadda dalka soo gasha, sababo la xiriira cudurka Coronavirus, taasina ay horseedo in ganacsatada ay sare u qaadaan qiimaha maciishadda, kadibna ay dhalato xasarad xagga cuntada ah. Si arrintan looga hortago, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya waxay maalinkii Talaadada ku dhowaaqday in canshuur dhaaf loo sameeyay qaar ka mid ah cunnada quutul daruuriga ee dalka soo gasha, taas oo lagu sheegay qoraalka in looga hor tegayo koror ku yimaada qiimaha maciishada. Talaabadan ayey sheegay dowladdu in loo golleeyahay in saameyn aysan ku yeelan maciishada dalka tallaabooyinka looga hor tegayo faafidda cudurka Coronvirus. Raashinka canshuur dhaafka loo sameeyay waxaa kamid ah Bariiska iyo Timirta oo ay sheegtay xukuumaddu in loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 100%, halka Burka iyo Saliidda loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 50%. Xigasho
  10. Xabashadii ayaa xadbeenaadkii xirtay, but Muuse Marqaanweyne jaadkiisa ma joojin karo. Dowladda dhexe waa inay arrintaan faragishataa, ban Xabashi jaad from Waqooyiga. 'Soomaaliland' oo caddeysay in aysan awood u lahayn joojinta Qaadka Soomaaliland ayaa gacmaha ka taagatay wax ka qabashada qaadka ka yimaada dalka Itoobiya, xilli ay sii kordhayaan kiisaska cudurka Coranavirus ee gudaha degaanadaas. Inta la ogyahay illaa shan qof ayaa laga helay cudurka Covid19. Waxaa xusin mudan in Somaliland ay kaga duwan tahay qeybaha kale ee Soomaaliya, waxaa magaalooyinka caanka ah sida Hargeya, Berbera, Boorame iyo Burco laga helay cudurka. Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Koore, ayaa saxaafada u sheegay in Somaliland aysan lahayn awood ciiddan oo ay ku joojiso Qaadka. Wuxuu tilmaamay ciiddamada ay haystaan in aysan ka badnayn sugida amniga gudaha. “Waxaanu qiimeynay waayo aragnimadii badnayd ee labadii jeer ee jaadka la joojiyay, 1983, 1984 iyo tii Ingriisku joojiyay ee 1950. Waxaan ku ogaanay in joojintu Qaadku u baahan tahay ciiddan valunteer ah,” ayuu yidhi Saleebaan Koore. Itoobiya oo ah meesha uu qaadka ka yimaado cudurka Coronavirus ayaa ka dillaacay, inkastoo fiditaankiisu yar yahay marka loo eego dalalka geeska Afrika sida Kenya iyo Jubuti oo cudurku aad ugusii faafayo. _____________ Secessionists cannot stay away from cooska jaadka even if their lives depend on it.
  11. Waa wareey, guryo si heersare ah loo dhisay. Intee Xamar kaga yaalaan? Darusalaam? I hope kuwa sawirka hoose ka muuqdo si condo u dhisan if it is individually sold that the owners pay maintenance fees in order to maintain the quality and security of their homes. Otherwise dhirkaas iyo quruxdaan kama sii muuqan doonaan if each dayaco. This also reminds me haddaan gurigeena Xamar saan u dhisano. Waa lix boos, which can fit a lot of three-dabaq apartment, laamina saaran, xaafadda Hodan ku yaalo inta u dhaxeyso Isgoysyada Bakaaraha iyo kan Dabka.
  12. Waa ogaa 'deeqda' Imaaraadka inay tahay qashin. Read on. Deeqdii Imaaraadka ay shalay keeneen Muqdisho oo noqotay wax aan la fileyn Caasimada Online ayaa xog ka heshay wixii ay siday diyaaradii ay soo dirtay dowladda Imaaraadka ee shalay kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay keentay deeq caafimaad oo uga timid Imaaraadka Carabta. Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 23 tan oo lagu sheegay agab caafimaad oo looga hor-tago cudurka Coronavirus. Hase yeeshee, xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo tan caafimaadka ayaa Caasimada Online u sheegay in markii la furay baakadaha laga waayey wax dawo ama qalab kale oo caafimaad, balse ay siday oo kaliya Saabuunta gacmaha lagu meyrto. Arrintan ayaa la sheegay inay ka yaabisay mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah. Saraakiisha noo warantay ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxa ay sheegeen, xataa in aysan xaqiijin karin in Saabuunta Imaaraadku ugu deeqay Soomaaliya ay tahay mid dili karta fayruska korona, si la mid ah alkolada. Caadiyaan saabuunta gacmaha ayaa loo adeegsadaa kaliyaa nadaafadda, waxaana badanaa la dhigaa musqulaha, mana cadda in midda Imaaraadka ay ka duwan tahay maadaama aan weli la tijaabin. Arrintaan ayaa waxa ay aad uga yaabisay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo iyagu markii hore sheegay in dowladda Imaaraadka ay kala wareegeen deeq caafimaad oo iskugu jirta dawooyin iyo qalab kale oo lagula tacaalo cudurka Coronavirus. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa galabta dowladda Imaatadka Carabta ugu mahad celisay deeqdaas, waxaana lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda in dowladda Soomaaliya ay kaalmadaas caafimaad u aragto hadiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal. “Soomaaliya waxa ay uga mahad celinaysaa Imaaraatka kaalmadooda caafimaad, waxa ayna u aragtaa haddiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaan caga badan ku taagneyn tan iyo horraantii sanadkii 2018-kii, waxuuna gargaarkaan noqonayaa kii ugu horeeyey ee Imaaraadku kasoo dejiyo Muqdisho, intii uu jiray madmadowga siyaasadeed ee xukuumadaha Muqdisho iyo Dubai. Xigasho
  13. Dowladda Soomaaliya oo canshuur dhaaf u sameysay raashiinka qutul-daruuriga ah Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa canshuur dhaaf u sameysay raashiinka qutul daruuriga ah ee dalka soo galaya si uusan sicir barar u dhicin inta lagu guda jiro la dagaallanka xanuunka COVID-19, sida uu sheegay Wasiirka wasaaraddaasi Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle . Wasiir Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay si quta-dheer u fahmeyso cawaaqibka dhaqaale xumo ee ka dhalan kara suuq la’aanta haddii dadka ay guryahooda ku xaroodaan si cudurkaan looga adkaado, waxa uuna sheegay in raashiinka qutul-daruuriga ah sida burka, timirta, bariiska iyo saliidda canshuur dhaaf kala duwan loo sameeyay. Raashiinka sida bariiska iyo timirta ayaa loo sameeyay canshuur-dhaaf boqolkiiba boqol ah , halka burka iyo saliidda Wasaaraddu u sameeyay canshuur dhaaf boqolkiiba konton ah. Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dhaqaalaha kasoo galo canshuurta uu yahay waxey ku shaqeyso dowladda, sidaas darteedna ay ku dadaalayaan in shaqaalaha qaranku ay si toos ah u helaan mushaaraadkooda, maadaama hadda ay si toos ah qaar ugu shaqeeyaan guryaha. Xanuunka COVID-19 ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida, si gaar ah waxa uu u taabtay waddamada Afrika ee xiriirka la leh Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha.
  14. ...excuses like this happen. One of the lamest excuses. It is about time dowladda dhexe la hadashaa dowladda Xabashada to stop their poison exportation. Read on. _______________ 'Soomaaliland' oo caddeysay in aysan awood u lahayn joojinta Qaadka Soomaaliland ayaa gacmaha ka taagatay wax ka qabashada qaadka ka yimaada dalka Itoobiya, xilli ay sii kordhayaan kiisaska cudurka Coranavirus ee gudaha degaanadaas. Inta la ogyahay illaa shan qof ayaa laga helay cudurka Covid19. Waxaa xusin mudan in Somaliland ay kaga duwan tahay qeybaha kale ee Soomaaliya, waxaa magaalooyinka caanka ah sida Hargeya, Berbera, Boorame iyo Burco laga helay cudurka. Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Koore, ayaa saxaafada u sheegay in Somaliland aysan lahayn awood ciiddan oo ay ku joojiso Qaadka. Wuxuu tilmaamay ciiddamada ay haystaan in aysan ka badnayn sugida amniga gudaha. “Waxaanu qiimeynay waayo aragnimadii badnayd ee labadii jeer ee jaadka la joojiyay, 1983, 1984 iyo tii Ingriisku joojiyay ee 1950. Waxaan ku ogaanay in joojintu Qaadku u baahan tahay ciiddan valunteer ah,” ayuu yidhi Saleebaan Koore. Itoobiya oo ah meesha uu qaadka ka yimaado cudurka Coronavirus ayaa ka dillaacay, inkastoo fiditaankiisu yar yahay marka loo eego dalalka geeska Afrika sida Kenya iyo Jubuti oo cudurku aad ugusii faafayo. Xigasho
  15. Madaalihii hobolada Waabeeri Cumar Shooli oo Muqdisho ku geeriyooday Fanaankii caanka ahaa, madaalihii hobolada qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi, Cumar Cabdulle Shooli ayaa caawo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, isagoo muddooyinkii ugu dambeeyay lagu dabiiyay isbitaalka Aadan Cadde. Fannaanka ayaa u geeriyooday cudurka Sonkorta oo muddo la dheer uu la noolaa, markii dambena sariirta soo jiifiyay, sida ay sheegeen qaar kamid ah carruurtiisa oo kula jiray isbitaalka Aadan Cadde, iyagoo ka cabanayay in Aabahood uu waayay garabkii dowladda Fannaanka oo maalmo kahor wareysi bixiyay, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka waayay qaymihii uu qarankiisa ku lahaa, isagoo sheegay inaanu jirin hal masuul oo xaaladiisa caafimaad ka warqabay ama isbitaalka kusoo booqday. Guddoomiyaha golaha abwaaniinta Soomaaliyeed, Abwaan Xirsi Dhuux, ayaa sheegay Cumar Shooli iyo fanaaniinta lamidka ah inay hantidooda ahayd dhaxalkii faneed ee ay uga tageen qaranka Soomaaliyeed. Xigasho
  16. Eebboow Xamar nabadeeda u siyaadi - aamiin.
  17. DF oo WAR cusub ka soo saartay xaaaladii maanta ee Coronavirus ee dalka Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa bogaadisay kaalinta dhaqaatiirta, kalkaaliyaasha iyo howlwadeenada kale ee caafimaadka ay ka qaadanayaan la dagaalkanka cudurka COVID-19. Wasiir Fowziya Abiikar ayaa caddeysay in sideed kamid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed laga helay Coronavirus, maadaama dhakhaatiirtu ay safka hore uga jirto la dagaalanka cudurkan, iyadoo ku amaantay in naftooda ay u hurayaan, badbaadinta bulshada inteeda kale. Dhakhaatiirta uu ku dhacay cudurkaas ayey sheegtay in ay ku howlanaayeen gudashada waajibaadkooda, waxayna Alle uga barisay iyaga iyo dhammaan dadka kale ee cudurkani ku dhacay in uu caafiyo. Wasiirka Caafimaadka Fowziya Abiikar ayaa cadeysay in maanta aan la diiwaan gelin xaalad cusub oo COVID-19 ah, balse ay jiraan dad maanta baaritaano lagu sameeyay oo jawaabahooda weli la sugayo. Ugu dambeyntii Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in dowladdu ay dadaalkeeda isugu geyneyso sidii looga hortegi lahaa khatarta cudurka Coronavirus, waxayna bulshada mar kale ka dalbatay in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaadka ee loo soo jeedinayo.
  18. KHEYRE oo amray lacag deg deg loo siinayo maamul Goboleedyada & gobolka Banaadir Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la-tacaalidda cudurka COVID-19. Go’aankan ayaa lagu gaaray kulankii joogtadaa ah ee ay xalay mareegta internet-ka ku yeesheen Guddiga Qaran ee ka Hortagga COVID-19 oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu guddoominayey. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa wasaaradda maaliyadda ku amray fudueynta lacag min hal Miyan oo dollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka oo maamulka gobolka Banaadir uu ku jiro. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kheyre ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimmadda ay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka caabuqan. Dhinaca kale, Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee deegaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin. Dhinacyadii ka qeyb-galay kulankan ayaa waxay soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah. Xigasho
  19. Reer Afrika need this, however dhaqaalo lagu gato lama haayo. People are dying because simple lack of breathing.
  20. Oh, maan. The Tigrey agent thinks we are some fishes with some flimsy memories. As always giving Cabdi Ileey a glowing admiration while at the same time always downplaying Ileey's atrocities and gross human rights abuses against other Soomaalis in Soomaali Galbeed, including continued rapes of innocent Soomaali girls by his Tigrey-trained war criminal militia and torturing Soomaali elders.
  21. Soomaaliya oo xirtay xadka ay la wadaagto Itoobiya Ciidamo dheeraad ah oo kuwa Boolis ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay la geeyey xadka dheer ee ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo xakameeyo cudurka Coronavirus. Wararka ayaa lagu sheegaya in ciidamadaasi ay fulin doonaan amarkii ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo HirShabelle, kaas oo ahaa in la xiro xadka labada dal. Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo wafdi uu hoggaamanayo ayaa booqasho ku tegay deegaanada dhaca xadka, isagoona u kuur galaya xaaladda guud iyo sida ay u howlgalayaan ciidamada Booliska la geeyey halkaasi. Sidoo kale Jeyte ayaa shaaciyey in haatan wixii ka dambeeya la hakiyey dhaq dhaqaaqa xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, si bulshada looga bad-baadiyo Fayruska Corona. Tallaabadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ay qeylo dhaan ka soo yeereysay madaxda HirShabelle, kuwaas oo ka cabanayey furnaashaha xuduuda labada dowladood oo maalmihii u dambeeyey laga soo gudbinayey Qaad fara badan. Dowladda dgexe ee Soomaaliya ayaa wada dadaallo lagu xakameynayo cudurka saf-marka ee Coronavirus, iyadoona horay u xirtay xadka ay dhanka gobolka Gedo kala wadaagto Kenya, sidoo kalena joojisay duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah intaba. Xigasho