-
Content Count
17,658 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Wasaaradda caafimaadka oo sheegtay in maanta 2 ruux ay u geeriyoodeen COVID-19 gudaha dalka, 60 xaalad oo cusubna ay soo kordheen War kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ee Jamhuuriyadda fadaraalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay halka uu marayo xanuunka samfareenka ah ee COVID-19, kaas oo aad ugu sii fidayo gudaha Soomaaliya . Warka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in maanta oo qura ay soo kordheen kiisas gaaraya 62 xaaladood, kuwaas oo kala ah 44 rag ah iyo 18 dumar ah , kiisaskaan ayaa waxaa la diiwaan-geliyay 24- saac ee u dembeeyay. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur oo sidoo kale xubin ka ah guddiga ka hortagga COVID-19 ee Soomaaliya ayaa waxey tilmaantay in dadkii horay uu xanuunkaan usoo ritay ay laba kamid ah ka bogsadeen. Sida ku cad war bixinta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya wadarta guud ee dadka qaaday xanuunka COVID-19 ayaa waxey gaarayaan 390 ruux, halka guud ahaan bukaannadii u geeriyoodana ay yihiin 18 qof. Dowladda Soomaaliya ayaa waxey qaadday tallaabooyin dhammaan la doonayo in lagu xakameeyo faafidda xanuunkaan samfarka ah ee uu caalamka u caal la’yahay xalintiisa, waxeyna mas’uuliyiinta dowladda shacabka farayaan in la qaato awaamiirta iyo talooyinka dhaqaatiirta caafimaadku jeedinayaan. -
Northern Vs Southern Somali:
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Come Learn Somali's topic in General
By the way, both of you welcome to SOL forum. -
Northern Vs Southern Somali:
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Come Learn Somali's topic in General
Yes, Waqooyi dialect has more Carabi words, including beyd (egg), daqiiq (flour) and digaag (chicken). In Koonfurta, they use the original Cushitic Soomaali words of ukun, bur and dooro, respectively. Northerners also use English words such as maayor (mayor), biriij (bridge), barasaab (regional leader). Barasaab is actually an Indian word. In Koonfur, again they use Cushitic original Soomaali words of duqa magaalada for mayor and guddoomiye gobol for regional leader. Then there are words like biriij (bridge) and tuweel (towel) folks in the North use. In Koonfurta they use the Soomaalinized Talyaani words of buundo and shukumaan. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Coronavirus 'devastating Somalia's economy' Somalia's finance minister has told the BBC that Covid-19 is having a devastating effect on the economy. Abdirahman Duale Beyle said remittance flows have dried up because so many Somalis abroad have lost their jobs due to the virus. He added that government revenue has shrunk by 40% because it is unable to collect taxes. Mr Beyle said he believed some people would starve as a result of the crash in remittance flows. About $1.5bn (£1.2bn) a year are remitted to Somalia, significantly more than foreign aid, and many families depend on the cash for their survival. It helps people pay for school fees, medical help or simply to buy food. One of the largest money transfer companies in Somalia says remittances from the UK have fallen by 50%. The country is already affected by Islamist militancy, clan fighting, regular droughts and floods and a locust invasion. It is possible the hit to the economy from coronavirus will bring it to its knees. But there is one glimmer of hope. A $5bn injection of funds from the World Bank and International Monetary Fund - together with improved financial discipline - have made Somalia eligible for debt relief for the first time in 30 years. The World Bank has just released a report saying that sub-Saharan Africa could lose $37bn in remittances because of coronavirus. BBC -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Kuwait oo ballan qaad u sameysay xukuumadda Ra’iisul wasaare KHAYRE Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa wadahadal dhanka telefoonka ah la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Sidoo kale Ra’iisul wasaara Xasan Cali Khayre iyo dhiggiisa Kuwait ayaa ka wada hadlay xaaladda uu haatan ku jiro dalka, gaar ahaan cudurka faafa ee COVID-19. “Waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda, waxay isla soo qaadeen sida Kuwait ay Soomaaliya garab uga siin karto xakamaynta saf-marka ah ee Covid 19.” ayuu lagu yiri war qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Khayre ayaa sidoo kale ka dalbaday Kuwait inay ka gacan siiso la dagalaanka cudurkan oo ah mid safmar ah, islamarkaana dhibaato ku haya dalal badan oo ku yaalla caalamka. Al-Sabaax ayaa dhankiisa u ballan qaaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in xukuumaddiisa ay ka caawin doonto mida Muqdisho xakameynta Coronavirus. Dowladda federaalka ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu xakameynayo COVID-19 oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, waxaana horay deeqo kala duwan ay uga heshay wadamada Imaaraadka Carabta, Shiinaha iyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
RW Kheyre oo sheegay inaay maamulada gaarsiin doonaan qalab caafimaad Raisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlaayay barnaamijka kahortaga cudurka Covid19 ayaa sheegay inaay dhawaan sugayaan in dalka uu soo gaaro qalab caafimaad oo dowladu aay dalabtay. Waxaana uu sheegay in qalabkaas uu muhiim u yahay kahortaga cudurka Covid19. RW Kheyre ayaa sheegay in qalabka caafimaad uu muhiim u yahay guud ahaan cisbitaalada dalka islamarkaaana qalabka loo qeybin doono maamul-goboleedyada Soomaaliya. Xasan Cali Kheyre ayaa qeybaha bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inaay meel ugasoo wada jeestaan kahortaga cudurka Covid19, oo hada ku faafaya gudaha Soomaaliya, waxaana kiisaskiisu aay gaareen 328 qof. “Waxaan dalbanay qalab caafimaad oo muhiim u ah ka hortaga iyo latacaalista cudurka Covid19, dhawaan ayuu nasoo gaari doonaa, waxaana u qeeybin doonaa maamulada dalka si aay uga hortagaan cudurkan” ayuu yiri RW Kheyre. RW Kheyre oo hadalkiisa sii wada ayaa yiri “Dhamaan hay’adaha caalamka oo aan laxariirnay waxaan ka codsanay inaay meel iska dhigaan wax walba oo kale islamarkaana xooga la’isugu geeyo ladagaalanka masiibadan, waxaan ku bogaadinayaa inaay nala qaateen”. Dowlada federaalka ayaa hergalisay cisbiyaalka Martiini oo ah goobta lagu karaantiilo dadka qaba cudurka Covid19, waxaana lasheegayaa in cisbitaalka aay kajiraan qalab iyo daawo la’aan. Cudurka Covid19 ayaa ilaa hada soo ritay dad kabadan 300 qof waxaana jira cabashooyin ku aadan qalab iyo daawo la’aan kajirta goobaha loo qorsheeyay in lagu daweeyo dadka qaba cudurka Covid19. Hasa’ahaatee dowlada ayaa maalinwalba ku celcelisa in aay wadaan dadaalo balaaran. Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Wasiir Beyle "Maamul goboleedyada shuruudaha buuxiyay waa la siiyay lacagtii loogu talogalay" Wasiirka maaliyadda dowladda federalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka jawaabay sababta dowladda u bixin la’dahay lacagihii halka milyan ahayd ee ay u balanqaaday inay siinayso dowlad goboleedyada Soomaaliya. Wasiir Bayle wuxuu sheegay in lacagtaasi loo diray dowlad goboleedyadii buuxiyay sharuudihii ka horeeyay lacagtaas. “Lacagahaasi waxay ahaayeen lacago loogu talo galay in wax looga qabto ka hortagga xanuunka, laakiin lacagahaasi waxay u baahan yihiin sharuudo ku xiran iyo maamul, cidii soo gudbisayna waa loo fasaxay,” ayuu yidhi wasiir Beyle. Dhawaan Puntland iyo Jubbaland oo ah labada maamul ee uu khilaafka kala dhexeeya dowladda federalka, ayaa sheegay in aysan lacagtaas soo gaarin. Maamulada kale ee dalka weli kama hadlin lacagtaas. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
DF oo shaacisay in kiisaska dhimashada iyo kuwa cusub ee Coronavirus ay kordheen Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay kordheen dadka u geeriyooday cudurka Coronavirus iyo kiisaska cusub ee dalka laga diiwaan geliyey. Wasaaradda ayaa sheegtay in laba qof oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 41 xaaladood oo cusubna ay soo kordheen kadib baaritaanno lagu sameeyay dad badan oo lagu arkay astaamaha Cudurka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowziya Abiikar Nuur oo kamid ah guddiga kahor tagga COVID-19, ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba ruux oo kale. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in deegannada dowlad gobaleedka Galmudug laga diiwaan geliyay xaaladdii ugu horeysay ee COVD-19 ah. Sida ay wasaaradda ay sheegtay, 40-ka kale ee bukaannada cusub ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho. 31 kamid ah bukaannda cusud waa rag, 10-nna waa haween. “Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ayaa noqotay 328 qof, bukaannada bogsooday guud ahaan waa sideed, sidoo kale bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 16,” ayaa lagu yiri qoraalka. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa dhammaan Soomaalida ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19. -
Itoobiya oo xirtay xuduuda Tog Wajaale halkaasna ku daabushay ciidamadeeda milatariga iyo booliiska Saraakiisha ciidamada millatariga ee ka kala socda Itoobiya iyo Somaliland ayaa kulmay oo ka wada hadlay sidii loo fulin lahaa ka hortagga faafitaanka COVID-19 ee ku teedsan xadka magaalada Wajaale. Ka-qayb-galayaasha waxaa ka mid ahaa Jeneral Zewdu Belay, Taliyaha Qaybta Bari ee Ciidamada Difaaca Itoobiya iyo Gaashaanle Sare Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka miltaraiga Somaliland iyo sidoo kale xubno ka tirsan booliska federaalka Itoobiya iyo saraakiil kale oo rayid ah. Sareeye Guud Zewdu Belay, Taliyaha Qaybta Bariga Ethiopia, ayaa kulanka ka sheegay muhiimada la isugu yimid inay tahay sidii la xoojin lahaa dadaalada wadajirka ah ee lagu joojinayo dhaqdhaqaaqa dadka si looga hortago faafitaanka Coronavirus. Sareeye Guud Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Guud ee Ciidamada Somaliland, ayaa sheegay in COVID-19 ay durba waxyeelo ba’an u gaysatay ummadaha horumaray ee adduunka oo dhan. Si taas loo gaaro, wuxuu bogaadiyay howsha ay wado dowladda Ethiopia ee ah ka hortagga faafitaanka viruska isla markaana yareyso waxyeelada uu leeyahay Wuxuu sheegay inuu ku raacay talaabooyin la qaadayo oo lagu joojinayo isu socodka dadka ee xuduudaha. Wuxuu sheegay Somaliland inay horayba u fulinaysay tallaabooyinkeeda si ay dadkeeda uga hor istaagto inay dhaqdhaqaaq ka sameyaan aagagga xudduudka ah ee Jabuuti iyo Itoobiya waxayna sii xoojin doontaa ayuu yidhi tallaabooyinkaas. Xilligan, ciidamada difaaca federaalka iyo booliiska federaalka Ethiopia ayaa si wada jir ah u maareynaya xuduudaha u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland isla markaana hakinaya dhaqdhaqaaqa dadka. Ciidamadu waxay booqdeen kontoroolka Tog Wajaale, oo durba la xiray. Xigasho
-
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida oo ka codsaday jabhadda TPLF inay raali galin ka bixiso xasuuqii shacabka Soomaaliyeed u geysteen Madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar ayaa ka codsaday mas'uuliyiinta Jabhadda Xoreynta Tigreega inay raali galin ka bixiyaan xasuuqii baahsanaa ee ka dhacay qaybo badan oo kamid ah gobolka xilligii TPLF ay hogaamineysay xukunka EPRDF. "Halkani, waa mid ka mid ah meelaha xadgudubyada xuquuqul insaanka ee ay u gaysteen dadka Soomaalida ah saraakiisha Tigreega. Halkan waxaa ku yaal mid ka mid ah xabaalaha ay TPLF ku dileen sagaal xubnood oo qoys ah," ayuu madaxweynuhu ku sheegay farriin muuqaal ah. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay intii uu hoggaanka hayey booqashooyin uu ku tegay goobo kala duwan oo dilalkii ugu badnaa ay ka dhaceen intii lagu jiray xukunkii EPRDF ee burburtay laba sano ka hor. Guud ahaan, 30-kii sano ee la soo dhaafay, qaar ka mid ah xubnaha TPLF ee ku jira maamulka federaalka iyo jeneraalo militari oo uu ku jiro General Abrha ayaa xasuuq aan loo meel dayin iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka u gaysanayay shacabka Soomaaliyeed. Sida uu sheegay madaxwaynuhu, waqti xaadirka ah, kooxda TPLF ayaa ku hawlan cabsi gelin si ay u sii xajiso xaqiiqda xasuuqii loo gaystey dadka soomaaliyeed si ay u qaawiso ama ay u diido arinta guud ahaanba. Xigasho
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Machadka Hano Academy ayaa soo saaray dhowr kun oo qalabka afka iyo sanka lagu xirto ah {Face mask} si ay uga qeyb qaataan ka hortagga cudurka Covid19. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka sida dhaqsaha u faafa ee COVID-19. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) "Laga bilaabo habeenka ugu horreeya ee bisha Ramadaan, Bandowga xilliyadda habeenkii saarnaa magaalada Muqdisho ayaa muda hal saac ah laga soo horumariyay xilligii hore. Bandawga waxuu bilaaban doonaa 7:00 Fiidnimo, waxuuna ku ekaan doonaa 5:00 Arroornimo." -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalkeenna. -
Ma Eritareeya ayuu deganyahay mise Yahuudda la deganyahay?
-
I thought the baxnaano project was for IDP barakacayaasha
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to cadnaan1's topic in Politics
Cadnaan, is this even a real statistic? I mean we just see a low-resolution cropped list, which does not include many major cities in Soomaaliya. Even if it is a real number, is it even related to the current undertaking of Baxnaan social assistance program? -
Kenyans Outraged After Govt Burns Fish Worth Ksh5 Million The decision by the government to torch 761 bags of dried fish on Saturday, April 18, worth Ksh5 million that was intercepted in Mokowe, Lamu County after being smuggled from Somalia has sparked fury from Kenyans. Kenyans wondered why the fish could not have been inspected to determine if it was fit for human consumption then distributed to the public if it met safety standards. A multi-agency security team at Mokowe seized the consignment after being ferried from after Mogadishu and Kismayu in Somalia via Lamu's Kiunga border point. The contraband weighed around 12-tonnes and was packed into sacks which numbered 761. Speaking to Kenyans.co.ke, Lamu County Commissioner Irungu Macharia who presided oved the burning of the dried fish give the reasons behind the action. "We decided to burn the fish because it was contraband. You know contraband is goods whose duty has not been paid. "The goods were from Somalia destined for the Kenyan market. When it gets into the country, you are never sure about the destination. It can go to Mombasa or anywhere else, I don't really know where the buyers were," he stated. Irungu further gave the rationale behind ignoring suggestions of confiscating and distributing the fish to the needy, especially at a time when many Kenyans were out of work over Covid-19. "You know Ivory costs a lot of money, why don't we sell it and inject the cash to our economy? "The fish could not be distributed because contraband is contraband no matter the value, so when you get contraband you have to make sure that you destroy it," he asserted. Impounded Ethanol This was inconsistent with a March 2020 decision by the government, in an effort to address the shortage of hand sanitisers amid measures to prevent spread of Covid-19, ordered the use of seized ethanol to manufacture free hand sanitisers for public use. Irungu explained why this approach was not used with the impounded fish, "They used ethanol to make sanitisers because that is an extraordinary case due to the crisis, so you cannot compare ethanol with other contraband." A number of Kenyans expressed their anger at the decision by the government to burn the dried fish. "Why not distribute it to the needy...bunning of food is an abomination in the African culture," on netizen stated. "State should apply the same wisdom in money recovered from corruption, we are sufficient, we got no problems at all," quipped another. "Instead of destroying all those bags, they should have been tested and checked if they're fit for human consumption, during this Covid-19, they could have saved one or two families if not three but our government are failures," one more netizen argued. Xigasho
-
Jaadka la gubaayo markee arkeen ayee aargoosi bilaabeen. Sad for their own people, though. Kenya oo gubtay shixnad kalluun ah oo Soomaaliya laga keenay Dowladda Kenya ayaa gacanta kudhigtay oo gubtay shixnad kalluun ah oo ka kooban 12 tone oo laga keenay Soomaaliya, si loogu iibgeeyo dalkaas. Kalluunkaan ayaa ku qiimaysnaa lacag dhan Sh5 million oo ah lacagta Kenya ah, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaaa kalluun si sharci darro ah lagusoo geliyay dalka Kenya. Hay’adda amniga Kenya ayaa sheegay in kalluunkaan oo ku jiray 761 kiish ay koox ganacsato ah kasoo safriyeen Muqdisho iyo Kismaayo, waxaana lagu qabtay gobolka Xeebta ee Lamu. Kalluunku wuxuu ku wajahnaa magaalada Mombasa sida ay booliisku sheegeen. Laamaha amniga ayaa dadweynaha hortooda ku gubay kalluunka, iyagoo sheegay inay tilaabo adag ka qaadidoonaan cidii isku dayda inay mar dambe isku dayda tilaabo nuucaan ah. Xigasho
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
I know inay Soomaaliya jaad la'aan ka dhacday, but didn't realize meesha aad joogtidna marqaan la'aan kugu heyso. Rabi haka qabto dadweynaha Soomaaliyeed meel walba ay joogaan cudurkaan baas waqti ciyaar ciyaar iyo qosol qosol ah mala joogee, jeega dheere. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda degdegga ah (ACU) ee Isbitaal Martiini ku xirtay Labaatan (20) sariirood oo loo dhammeestiray dhammaan qalabkii loo baahnaa si loogu xanaaneeyo dadka uu soo rito #COVID19 ee xaaladoodu aadka u adagtahay -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Bashiir Qaasim Maxamed oo xaaladdiisa caafimaad la gula tacaalayo Isbitaal Martiini ayaa dhaqaatiirta ku dadaalaya dib-u-kabashadiisa uga mahad celiyay sida ay ugu taaganyihiin daryeelkiisa iyo daryeelka bukaannada kale ee isbitaalka jiifa