Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,660
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Ah, the sewage-dwelling lurking rat busta ayuu iska soo jafay boosaneeradii markuu ugu adkeysan waaye karbaashka fellow sewage-dwellers vermin. Seeftaan iyo cagtaan sida quraanshada camal ayee idiinku istaageysaa, no mercy yaa boosaneero ku nool parasites, waligiinba isku soo habar wacda sidii dhoocilaha camal. Then again what do you expect sewage-dwelling creatures? At least my karbaash of your fellow sewage-dwellers made you to come out from your sewage rat hole.
  2. The gravedigger’s truth: Hidden coronavirus deaths Fewer than 100 people have died of Covid-19 in Somalia, according to official figures. But BBC Africa Eye has found that cemeteries are filling up fast in the country, whose healthcare system has been devastated by three decades of conflict. It's been looking into the reality of coronavirus in Somalia, following two young doctors in the fight of their lives. Watch the video
  3. Somalia secures $25 million grant to fight COVID-19 The African Development Bank said on Monday it had approved grants worth about 25.1 million U.S. dollars to Somalia to shore up government efforts to mitigate impacts of the COVID-19 pandemic. The lender said the government will use the funds to carry out three interlinked responses to the pandemic that will enhance the health system, safeguard livelihoods and social protection, and support labor force productivity and economic activity. The Horn of Africa nation has so far confirmed 3,178 COVID-19 cases, 1,521 recoveries and 93 deaths as of Sunday. UN agencies and partners said they have scaled up their responses despite operational challenges due to COVID-19 containment measures such as most staff working remotely, in restricted environments, or from home. Somalia has also experienced swarms of locusts over the past year that have increased food insecurity. Xigasho
  4. 27 July 2020: Update on COVID-19 in Somalia. > New cases confirmed today: 18 > Somaliland: 10 > Puntland: 8 > Male: 16 > Female: 2 > Recovery: 22 > Death: 0 ------------------------------------ Total confirmed cases: 3,196 Total recoveries: 1,543 Total deaths: 93 For more information, please visit: Website: www.moh.gov.so Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19 WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia
  5. Anigaba waa jeclahay sanadka dambe hadduu Rabi idmo. Sidaa Islii 2011 iskugu aragnay isku arkeynaa, Eebbe ha idmo.
  6. I don't understand why Duufaan iyo Cadnaan give an iota of air to the sewage-dweller vermin oo boosaneerada u hooseyso ku nool. Don't give this creature a fresh air. Cagta hoose uu ka hooseeyo saara sidii baraanbaro camal. Oh, I am wrong even to compare it to baraanbaro. Baraanbaros are decent.
  7. Che, Xamar iyo xaafadaada Huriwaa 1991 kugu dambeysay u maleynaa. Soo caro gadiso soo arag mar. Xamar dhib walba gaaray la'aanteed Soomaaliya iyo Soomaali ma jirto.
  8. Republican cons will pull what Reagan and his goons did in California on late '60s after they saw the rise of Black Panther self-defence militia.
  9. Turkiga abaal weyn ayee naga mudanyihiin. Waxaa rajeynaayaa kheyraadka dalkeena soo saaro inaa u iib geyno, siiba dhirta qudaarta.
  10. Maxaa ka jira in Internet-ka Soomaaliya loo jaray arrimo siyaasadeed dartood? Wasiirka wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee xukuumadda Soomaaliya, Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa faah-faahin ka bixiyey adeega Internet-ka oo shalay gabi ahaan ka go’an magaalada Muqdisho. Ugu horreyn wasiirka ayaa beeniyey in dowladda Soomaaliya ay Internet-ka u jartay arrimo siyaasadeed, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya arrintaasi. Wasiir Canshuur ayaa carabka ku dhuftay in cilad aan la fileyn ay ku timid fiilada Fiber Optic ee soo dhexmarta badda hoosteeda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan lagu howlan yahay in la ogaado ciladaasi iyo meesha ay ka dhacday, si loo farsameeyo. “Waxaa si cad u sheegayaa waxa dhacay waa cilad farsamo, laakiin ma’ahan cilad siyaasadeed iyo howlo kale.”ayuu yiri wasiirka boostada Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliyeed aysan dhibaato ku aheyn shacabkeeda, islamarkaana loo baahan yahay in aan la’iska eedeyn. “Tecnolojiyada, aqoonta iyo waxyaabaha dhaqaalaha saameynaayo, marna dowladda ma siyaasadeyso.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka. Adeegga Internet-ka oo ay inta badan ku xiran yihiin dadka Soomaaliyeed ayaa maqnaashiyihiisa wuxuu saameeyey koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale jira khasaare badan oo ka dhashay, walow aan la shaacin karin inta uu la’egyahay. Xigasho _______________ Waa cilad farsamo.
  11. Many of us are agreeing this ambassador. Anyway, I welcome this speech of ra'iisul wasaare Kheyre, dalkana u turay. I hope to see him asagoo madaxweyne qaran ah in the immediate future. Waa qof karti leh oo howl adag.
  12. Shan waxyaabood oo lagu xusuusan doono xukuumadii R/W Xasan Cali Kheyre Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa khudbaddii uu ka jeediyay Muqdisho waxa uu ku sheegay in xukuumadda uu madaxda ka ahaa ay ku guulaysatay arimo muhiim u ah siyaasadda dalka. Xasan Cali Kheyre ayaa nodqay ra’iisal wasaarihii ugu mudada dheeraa ee Soomaaliya soo maray burburkii kadib, isagoo xilka hayay ku dhawaad saddex sano iyo bar ama 1247 maalmood. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod uu Sabtidii u qaaday xukuumadda Kheyre kalsoonida kala laabtay. “Golaha markuu arkay barnaamijka xukuumadda ee in dalka ay gaarsiin doonto doorasho qof iyo cod ah, sannadka 2020-ka oo ku saleysan dimuquraadiyad iyo rabitaanka shacabka. Wuxuu (golaha) arkay in xukuumadda ay ku fashilantay ballanqaadkii ahaa diyaarinta hannaan iyo qorshe cad oo lagu gaarayo doorasho qof iyo cod ah”, ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Haddaba maxaa u qabsoomay Kheyre intii uu xilka hayay, maxaa se lagu xasuusan doonaa? Waxaan halkan ku soo koobnay qaar ka mid ah waxyaabihii u qabsoomay iyo kuwa lagu eedeynayo in xukumaddiisu ay ka gaabisay. Deyn cafinta Kheyre ayaa sheegay in xukuumaddiisii ay dib u habeyn ballaaran ku sameysay nidaamka maaliyadda Soomaaliya oo ay “soo celisay kalsoonidii uu caalamka ku qabay hay’adaha dhaqaalaha dalka, taasoo saamaxday in Soomaaliya laga cafiyo deyn lagu lahaa muddo dheer.” Waxa uu sheegay in arintaasi ay xukuumaddiisii gelisay dedaal iyo waqti badan. Inkastoo aan weli Soomaaliya si rasmi ah looga cafin deynta lagu qiyaasay inay ka badan tahay 5 bilyan oo dollar, ayaa Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF bishii March ee sanadkan waxa ay sheegtay in dalku gaaray marxaladda ugu dambeysa ee hannaanka deyn cafinta ee loo sameeyo wadamada faqriga ah. Arintaasi ayaa horseeday in Soomaaliya ay soo ceshato xiriirkii ay la lahayd hay’adaha maaliyadda caalamiga ah, taasoo horseedi karta hormarinta dhaqaalaha dalka iyo in malaayiin qof laga saaro saboolnimada ay ku nool yihiin. Dib u dhiska ciidamada Xukuumaddii Kheyre ayaa bilowday hannaan diiwaangelin rasmi ah loogu sameynayo ciidanka Soomaaliya, si loo ogaado tiradooda saxda ah iyo tayadooda. Waxaa sidoo kale jirtay in dowladda Soomaaliya ay si muuqata ugu tiirsanaatay ciidamo boqolaal ah oo ku tababartay xerada Turkiga uu ka dhisay Muqdisho ee TurkiSom. “[Hawlaha aan qabanay] waxaa kamid ahaa inaan dib u habeyn ballaaran oo dhaxalgal ah ku sameyno ciidamada qaranka oo maanta soo gaaray meel ay u diyaarsan yihiin inay la wareegaan amniga guud ee dalka,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre. Sidaa oo ay tahayna, xukuumaddii Kheyre ayaa waxaa lagu dhaliilay inay ciidamadaasi qaarkood u adeegsatay qaab siyaasadeed. Horraantii bishii March 2019, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ayaa magaalada Beled Xaawo kula dagaallamay ciidanka Jubbaland oo uu hoggaaminayay wasiirka amniga maamulkaas Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan). Maraykanka ayaa dhaliilay ciidamadaasi ay dowladda geysay gobolka Gedo, waxaana uu ku tilmaamay kuwo laga weeciyay qorshihii sugidda amniga dalka iyo la dagaallanka Al-Shabaab. La dagaalanka musuq maasuqa Kheyre ayaa khubaddiisii “iscasilaadda” ku sheegay in xukuumadda uu hogaaminayay ay waxbadan ka qabatay la dagaallanka musuq maasuqa Soomaaliya. Inkastoo ay jireen agaasimayaal ka tirsan wasaaradaha dowladda oo loo xiray musuq maasuq, haddana ma jirin cid inta maxkamad loo soo taagay lagu riday xukun ku aaddan wax isdaba marin dhaqaale. Cabdirashid Axmed oo ahaa lataliyaha Kheyre ee dowlad wanaaga iyo isbedallada laga sameynayo dalka ayaa BBC-da u sheegay in waxbadan oo khaldan ay ka dhaceen intiii uu xafiiskaasi joogay. “Soomaaliya waa waddan shaqooyinka la qabto oo dhan ay maalgeliso beesha caalamka. Xafiiska ra’iisal wasaaraha waxa uu sameeyay hannaan mashaaciida dalka oo looga wareejiyo wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada oo la isugu keeno xafiiskaasi, si loo kontoroolo dhammaan qandaraasyada, dhaqaalaha iyo tirada shaqaalaha ku lugta leh,”ayuu yiri yiri Cabdirashiid. Sida ay shaacisay hay’adda caalamiga ah ee la dagaallanka musuq maasuqa ee Transparency International, Soomaaliya ayaa sanadkii 2019 noqotay dalka ugu musuq maasuqa badan caalamka, waxaana ay gashay kaalinta ugu hooseysa ee 180/180. Sii aqriso
  13. I personally think what guddoomiyaha baarlamaanka pulled the other day was illegal. No question about that. And it was of course supported by many - with different political views - who u ciil qabay ra'iisul wasaaraha, who himself and his core supporting xildhibaanno were out of Muqdisho. I think guddoomiye Maxamed Sheekh C/raxmaan Mursal was incensed by not being invited to shirka Dhuusamareeb. He was also infuriated by in baarlamaanka dhexe la dhinac maro and many of the resolutions it passed discarded.
  14. Who is this odeygaan wareersan again? Nin wareersan u egyahay, then again iyaga dhan wada wareersan, from Waraabe to Muuse Muqayil.
  15. And finally thank you for your honourable concession speech of accepting baarlamaan dhexe' hasty, illegal removal of your premiership:
  16. If good men of madaxweyne Aaden Cabdulle Cismaan iyo ra'iisul wasaara C/rashiid Cali Sharmaarke isgaranwaa siyaasadeed ku kala tageen in 1964 at the nascent of jamhuuriyadda Soomaaliya, anything is possible in siyaasadda Soomaaliya. So, it is no surprise madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul Kheyre isfahan la'aan ku kala tagaan as well. I just want to say aad iyo aad ayuu u mahadsanyahay ra'iisul Xasan Cali Kheyre. Mahadsanid for you reforms, for your government's transparency, for appointing capable, seasoned ministers (C/raxmaan Beyle and Fowsiya Abiikar to name a few). Thank you for your tireless efforts of getting deenta Soomaaliya lagu leeyahay laga cafiyo. Thank you for transforming the Soomaaliya's military into a capable one and registering each soldier to receive direct deposit for their wages - no middle men to siphon. Soomaaliya that was Febraayo, 2017 is not the same Soomaaliya that is Luulyo, 2020. Thank you for the least for modernizing the office of the prime minister itself, transitioning it from this: To this: From making prime minister's office itself from this: To this: I cannot list on here all your achievements, but real patriot Soomaalis will not forget you and I personally hope to call you my president sooner.
  17. Saamileyda reer Somaliland ee Astaan Cable oo ka hadlay xariga maamulaha guud Cabdimanan Yuusuf Gudoomiyaha Board-ka Astaan Cable, ahna wakiilka inta badan saamileyda Somaliland ee Shirkadda Astaan Cable ayaa cambaareeyay xariga loo geystay Cabdimannan Yuusuf Maxamed oo ah maamulka guud ee shirkada Astaan bartamahii bishaan. HALKAAN KA AKHRISO BAYAANKA SHIRKADDA ASTAAN: Anigoo ah Axmed Maxamed Jaamac, Guddoomiyaha Board-ka Astaan Cable, ahna wakiilka inta badan Saamileyda Somaliland ee Shirkadda Astaan Cable waxaan cambaareynayaa xarigga lagula kacay Cabdimannan Yuusuf Maxamed oo ah Maamulka Guud ee Shirkadda Astaan, oo 17-kii bishan July lagu xidhay magaalada Hargeysa, iyadoo aan loo soo marin sifo sharci ah, isla markaana loo oggolaan qareen iyo ehelkiisu inay booqdaan. Xarigga Cabdimannaan maalmo ka hor waxaa si sharci-darro ah culeys loogu saaray in la iga wareejiyo saamigii aan ku qornaa shirkadda Astaan Cable ee aan wakiilka uga ahaa ganacsato badan oo reer Somaliland ah anigoo haatan dalka ka maqan, kuna sugan dalka India si looga dhigo in shirkadda Astaan Cable 100% laga leeyahay Koonfurta Soomaaliya, ka dibna qiil loogu sameeyo sidii loo dhici lahaa hantideeda, taas oo ah wax ka baxsan sharciga, kana hor imaaneysa maalgashiga dadka u dhashay Somaliland, isla markaana saameyn xun ku yeelan doonto ganacsatada reer Somaliland ee maalgashiga ku sameeya koonfurta Soomaaliya. Fekerka Astaan Cable in Hargeysa laga hirgeliyo aniga ayuu igu dhashay, waxaana ula tagay Shirkadda Astaan, waxaana ku guuleystay inaan saami xooggan ka soo ururiyo ganacsato badan oo reer Somaliland ah, sidoo kalena soo helo rukhsaddii ay shirkaddu ku hawlgaleysay. Waxaana ku shirkownay aqoonta farsamo iyo waaya-aragnimada Astaan ee ay u leeyihiin adeeggan iyo hantidii reer Somaliland iyo aqoontii aan u lahayn warbaahinta Somaliland. Isku-biirinta hantida reer Somailand iyo aqoonta farsamo ee Astaan waxaa ka dhashay Shirkadda Astaan Cable, waxayna gaadhay guulo waaweyn oo ay sabab u ahaayeen hal-abuur cusub. Shirkadda Astaan Cable waxay magaalada Hargeysa ka shaqaaleysiiyay in ka badan 120 shaqaale joogto ah oo reer Somaliland ah oo ka shaqeeya qeybaha kala duwan ee shirkadda. Waxaan fursado dhaqaale u abuurnay ganacsiyada yaryarka ah ee qalabkeena ku sii iibiya gudaha caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo boqol ku dhow. Waxaan soo nooleynay fankii hore oo sii duugoobayay, inagoo fursado dhaqaale u abuurnay fannaaniinta iyo kooxaha miyuusigga. Waxaan xiiso u yeelnay isboortiga Somaliland, gaar ahaan horyaallada. Waxaa nasiib darro ah in markii shirkaddu ku guuleysatay oo hanatay dareenka macaamiisha Somaliland in la soo maleegay qorshe la doonayo in lagula wareego, loogana dhigo inay tahay shirkad aan laga lahayn Somaliland oo xoolaheedu xalaal yihiin, waxaana arrintani gadaal ka riixaya dad doonaya inay sameeyaan adeeg noocan oo kale ah oo horay isugu dayay inay saami xoog ah naga qaataan. Astaan Cable maanta waxay mudneyn in billad Sharaf lagu siiyo waxyaabaha ay soo kordhisay Somaliland ee ma mudneyn in lagu dhibaateeyo hal-abuurka ay soo kordhiyeen iyadoo loo adeegsanayo awood dawladeed. Ganacsatada kale ee hore suuqa hore ugu jidhay ama kuwa cusub ee haatan qalabka rakibanayo ee doonaya inay suuqan soo galaan waxaan ku soo dhoweyneynaa gacmo furan, waxaana ku boorrineynaa inay suuqa ku soo galaan tartan nadiif ah, balse aysan ku soo gabban awoodda dawladeed. Waxaan ka codsanayaa inta samaha jecel inay noo hiiliyaan, isla markaana muujiyaan in Somaliland la wada leeyahay. Waxaan rajeynayaa in sharcigu guuleysan doono. Axmed Maxamed Jaamac Guddoomiyaha Board-ka, ahna Wakiilka inta badan Saamileyda Somaliland ee Astaan Cable. ________________ Dowladda dhexe can do something by withholding the funds to Muuse Muqayil's regime.
  18. I know this creature boosaneerada ku nool for more than 17 years on here SOL. This creature's other name was banned before after breaking site's rules. It always wanted, begged me to address and I had never given that satisfaction because as I said cagteyda hoose ayee ka hooseysaa this creature.
  19. DF oo shaacisay go’aan lama filaan ah oo la xiriira ka qeyb-galayaasha shirka xiga ee Dhuusamareeb Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday go’aan lama filaan ah oo la xiriira ka qeyb-galayaasha shirka xiga ee la filayo in saddex toddobaad kadib uu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda qorsheyneyso in shirkaas ay ka qeyb-galaan xubnaha mucaaradka dowladda ee kala hoggaamiya xisbiyada dalka ka jira. Maareeye ayaa sheegay in shirkii dhowaan lagu soo geba-gebeeyey Dhuusamareeb ay dhinacyadii ka qeyb galay ee madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ay ahaayeen dad ka wada tirsan dowladda balse ay meesha ka maqnaayeen kaalintii Xisbiyada dalka, oo muhiim u ah siyaasadda dalka. Waxaa uu sheegay inay waajib aheyd Madaxda Xisbiyada inay dowladda Federaalka kala doodaan arrimaha doorashooyinka dalka, balse taasi aysan dhicin, waxaana uu si cad u sheegay in shirka soo socda ay ka qeyb-geli doonaan. Wasiir Maareeye oo ka qeybgalay barnaamij ka baxayay Warbaahinta Dowladda ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in dhinacyada saamileyda siyaasadeed ee dalka ay ka wada hadlaan doorashooyinka, islamarkaana dowladda Somaaliya ay qorsheyneyso in xisbiyada mucaaradka ay ka qeyb-geliyaan shirka la filayo in uu 15-ka Bisha Agaust ka dhaco magaalada Dhuusamareeb. Hadalka Maareeye ayaa imanaya xilli ay isbedello ay ku yimaadeen aragtidii Villa Somalia ee doorashooyinka dalka. Horey ayaa madaxweyne Farmaajo u diidanaa inuu maamul goboleedyada kala hadlo doorashada, isaga oo ku doodi jiray inay matalaan xildhibaanadooda, taasi oo ugu dambeyn uu ka tanaasulay kadib markii uuu ka qeyb-galay shirka Dhuusamareeb. Beesha Caalamka ayaa marar badan ku celisay in dowladda ay doorashooyinka kala tashato dowlad goboleedyada iyo mucaaradka, waxaana hadda muuqata in ugu dambeyn ay dowladda qaadatay taladaas. Shirka 15-ka August ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo nooca doorasho ee dalka uu qaadanayo, ayada oo ay kasoo shaqeyn doonaan guddi dhowaan la dhisayo oo ka kooban dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe. Share this:
  20. Rabi ha u raxmado iyada iyo Hodan Naaleeye. Naftooda ayee u hureen dalkooda horumarkiisa.
  21. Don't give a little attention to the sewage-dwelling vermin who craves all attention since marfish laga xiray. This creature loves all attention all the time like a lost puppy. And unlike dadka is-huba oo guri edeb lagu soo barbaariyey, this boosaneero creature eey waxba ma dhaamo. In fact, I am insults eeyo to call this creature one. This creature will always be under cagteyda hoose.
  22. 23 July 2020: Update on COVID-19 in Somalia. > New cases confirmed today: 10 > Somaliland: 10 > Male: 8 > Female: 2 > Recovery: 4 > Death: 0 ------------------------------------ Total confirmed cases: 3,171 Total recoveries: 1,499 Total deaths: 93 For more information, please visit: Website: www.moh.gov.so Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19 WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia
  23. Muuse Muqayil waa tuug muqayil ah oo bilaa xishood ah. Maalin uu islaan dhul ka dhaco, mar uu agoomo dhul ka boobo, mar... A classic case of drug addict awood yar helay. Wuu ogyahay meesha la iskaga daba imaanaayo marka ka gaarsii waaye.