Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,655
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Yes, Rooblaawe wuxuu hoosta ka galay the usual failed, isbaardoon, corrupt tolkiisa ku jiro like Indhacadde and C/raxmaan C/shakuur. They are completely silent of his ongoing hijacking attempt of the silections. Wey arki doonaan fashilka meesha uu ku dhamaado. Farmaajo asagaa keensaday tuugaan haka saarto. Kheyre, who was extremely loyal ku him for years, raaligalin ha siiyo.
  2. Siihaye Rooblaawe really has bad, amateur advisers oo aanan sharciga dalka iyo xeerarka caalamka midna kala aqoon. Haddii shisheeye la burinaayo madaxweynaha saxiixiisa la rabaa, wasiirka arrimaha dibadana soo gudbinaayo. Rooblaawe iyo fashilkiisa ma dhamaado, just like the ten million he claimed would be returned to Imaaraadka.
  3. Deni is said to recall his selected xildhibaanno back to Garoowe. Did he sense Rooblaawe iyo tuugnimada uu wada?
  4. Not dowladda, but Tusbaxyare Baahane. He was probably told to let go the seats he is taking hostage and to hold Garbahaareey selections. Wuu isceebeeyey. Plus wasiirka arrimaha dibadda oo shaqadiisa tahay arrimahaan probably refused to issue this letter.
  5. Secessionist, madaxweynaha ayaa ku qafiiftay. Nothing to do with him and everything to do the afarta xildhibaan shahaadooyinka aqoonsiga loo diiday, three which are from KG, plus the removal of KG representative from guddiga doorashooyinka heer federaal after he and others issued a statement.
  6. Waaw, just waaaw. Tuugada siyaasiinta Soomaalida sheegto and yet still difaaco this wanted criminal, damiirkee ka dhinteen.
  7. This guy, Baahane, must stopped. Howl aan loo dirsan ayuu kursigiisa kusii fadhiyo ayuu rabaa. It is not about Farmaajo or him, it is prolonging this so-called elections in order to stay in that little power of his and xoolihii yaraa sii dhaco. Statement posted on Facebook: DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO JOOJISAY WADASHAQEYNTA RW ROOBLE EE ARRIMAHA DOORASHOOYINKA Baydhabo, 5ta Abriil, 2022: Dowlad Koonfur Galbeed waxay caddeynaysaa in go’aanka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka. Dowladda Koonfur Galbeed marnaba ma aqbali doonto damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka. Dowladda Koonfur Galbeed waxay si dhaw ula socotay in Ra’iisul Wasaaraha uu si sharci darro ah oo dano siyaasadeed ay ku jiraan uu u hor istaagay kuraas habraac sax lagu doortay, wuxuuna ka dhaga adaygay inuu joojiyo faragelinra qaawan ee uu ku hayay doorashooyinka Koonfur Galbeed. Dowladda Koonfur Galbeed waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la wadaagaysaa in laga bilaabo xilliga ay warqaddan soo baxday ay joojisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha taabbo-gelinta doorashooyinka, uuna lumiyay kalsoonidii hoggaaminta doorashada dalka oo haatan u baahan in laga samatabixiyo. Dowladda Koonfur Galbeed waxay qaadaysaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso sarreynta sharciga iyo nidaamka Federaalka ah ee ay Soomaali ku heshiisay, waxayna cod dheer ku sheegaysaa in carqalad kasta oo doorashada ku timaado uu masuul ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. DHAMMAAD
  8. It is no coincidence suu tuugii weynaa ee 30/30 meesha u yimid, in amaankii yaraa gacanta ka sii baxeyso. Nin isbaaro iyo xatooyo ku maqan ayee jago u dhiibteen.
  9. It is not the same area, this is close to badda Tansaaniya, plus badda Soomaaliya has a lot of known blocks from Mudug to NFD.
  10. Now the desperation is quoting the nobody, useless Twitter trolls.
  11. Dhulkaan dhul dowladeed ahaa ayaaba la isku heystaa. Tuugnimo ma dhamaato, yaab. Qofkii xasuusataa xasuusto Bashiir Raage Shiiraar qofkuu ahaa, qabqable iyo ganacsade isku ahaa. Kuwii aasaasay kooxdii Maxkamadaha kuwii ka soo horjeeday oo la "Ladagaalanka Argagaxisada" la baxay uuna ku jiray sanadkii 2005. Qoyska Bashiir Raage oo kiis xasaasi ku eedeeyey Cabdullaahi Maxamed Nuur Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa lagu eedeeyey inuu boobayo dhul u dhow garoonka Aadan Cadde oo uu lahaa Allaha u naxariistee ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo bilo ka hor ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Sahro Cabdi Jaamac oo ah xaaskii marxuum Bashiir Raage Shiiraar ayaa maanta warbaahinta la hadashay ayadoo codsi ka dhan ah wasiirka amniga u dirsatay Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha iyo Duqa Muqdisho. Dhulkaan oo ah garaash weyn oo ku dhex yaalla Xalane waxaa dhex yaalla gaadiid nooca xamuulka qaada ah, kunteenaro iyo baaldoosarro, waxaana gaadiidkaas lahaa ganacsade Bashiir Raage Shiiraar. Sahro Cabdi Jaamac ayaa sheegtay in wasiirka amniga uu galay damaca dhulkaas kadib markii uu geeriyooday seygeedii Bashiir, isagoo garaashka ku hor jaray kunteenarro iyo dhagaxda waaweyn ee wadooyinka lagu jaro. Waxay sheegtay in agoonta Bashiir laga biili jiray garaashkaan uu ku qabsaday wasiirka amniga, iyadoo sheegtay in awooda dowladda iyo xilka uu haayo uu ugu awood sheegtay. “Cabdullahi Maxamed Nuur hadii uu dhulkaan leeyahay, wuxuu soo aadi lahaa intii uu noolaa Bashiir Raage, balse markii uu dhintay ayuu ciidan iyo dhagax nagu hor jaray, meeshaan waxaan ilmaha uga soo saaraneynay qutulyoomka, waxaan idinka codsanayaa inaad naga qabataan ninkaan nagu handadaya shaatiga dowladda,” ayey tiri Sahro Cabdi Jaamac oo ah xaaskii ganacsade Bashiir Raage Shiiraar.
  12. Waa runtaa but that baarlamaan had seasoned independent-minded xikshibaanno who funded themselves, unlike current new one. Waxa hadda la sameeyey Soomaaliya waligeeda kama dhicin and I don't rhink madaxda maamul goboleedyada will easily give up this newly acquired power of selecting xildhibaanada ee rabaan anytime soon. Jid xun ayaa bilowday.
  13. Waxaa i soo xasuusisay my old man, Rabi ha u raxmadee. Reer qole kale faradheer ka soo jeedo ayaa duqa walaashey ka soo doontay. Both of them were studying in qurbaha and it was in mid 1980s. Reerkii markii laga aqbalay doonashada laba lo' ayee keeneen for meherka. My father kept his tongue tight, though he knew tolka would be offended since geel wax aanan ahayn lama qali jirin, for generations. He accepted labadii lo' oo markee baxeen ayuu laba geel diray oo jeebkiisa ah. Meeshii laba lo' iyo laba geel lagu qalay. I don't think they knew kuwii keenay lo'da.
  14. Don't forget many of his close ministers failing to become xildhibaanno. Like Cadaala oo TV qaranka isbaaro u dhigtay, like Mr. TikTok, like Mr. 30/30...
  15. Rooblaawe Baahane baahidiisa ma dhamaato oo sal malaha. Villa Somalia oo fashilisay qorshe uu Rooble Xamar ku keeni lahaa Bankiga Masar Villa Somalia ayaa fashilisay qorshe uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku doonayay in Muqdisho looga furo Bangkiga Masar Dubai (Banque Misr), sida ay ogaatay Caasimada Online. Furitaanka bankigan cusub ayaa ujeedkiisu ahaa in meesha looga saaro SWIFT-ga Turkiga ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu isticmaalo, laguna beddelo mid Imaaraati ah. SWIFT waa nidaamka caalamiga ah ee isku xira Bankiyada caalamka, islamarkaana fududeeya inay lacagaha hab electronic ah isugu gudbiyaan. Heshiiska Bangkiga Masar Dubai (Banque Misr) looga furayo Muqdisho ayaa waxaa daba-yaaqadii Febraayo saxiixday guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyo wakiilada Bankiga Reer Masar. Bangkiga Masar Dubai oo Muqdisho laga hirgeliyo waxa uu fududeyn lahaa in lacagaha ka imanaya Imaaraadka Carabta, gaar ahaan kuwa loogu talo-galay ololaha doorashada lasoo mariyo, maadaama Bankiga Dhexe uu maamulkiisa gacanta ugu jiro madaxweyne Farmaajo. Si kastaba, waxaa aakhirkii diiday ku-xigeenka guddoomiyaha bankiga iyo shan qof oo guddi ka ah bankiga, taasi oo meel cidlo ah kusoo riday guddoomiyaha, waxaana arrintan ay ku timid oloel ay gashay Villa Somalia si looga hortago qorshaha Rooble. Villa Somalia ayaa qorshahan u aragtay qatar dhaqaale oo shaki galin karta doorashada iyo rajada uu ka leeyahay Farmaajo in dib loo doorto. Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo tagay Jabuuti, Masar iyo Imaaraadka ayaa aakhirkii diidmo kala kulmay Farmaajo oo u sheegey in ay caqli xumo tahay in xilligan bankigaas laga furo Muqdisho oo lacagaha lagu mucaaradayo ay soo maraan. Rooble iyo saaxiibadiis oo sidoo kale cadaadis xoogan kala kulmayay bankiyada gudaha oo arrintan diidan iyo Turkida ayaa aakhirki u muuqdey kuwa looga adkaadey isku daygooda oo malaayiin doolar oo macaash ah bil kasta ay ku faa’iidi lahaayeen. Xigasho
  16. Runtii Carab qamiisweyne ma xishoodaan. Walaalahooda Iiraan ayee saas ugu baqaayaan oo kii walaalkooda dulmi iyo gumeysi ku haayo ayee aadayaan. Ceebeey tacaal ayee afkooda ku dhahaan. Taas iyagee heysataa maanta. Shame on them. At least host the meeting ayagoo afar dal ah ayee meeshaas gumeystaha ah aadaayaan.
  17. He has his job as per presidential executive order jagada lagama qaadi karo any wasiir until new dowlad dhalato. Same digreeto also controls any minister and ministry, that they cannot reach any deals with international organizations. So waa wada siihaye jagooyinkee ku fadhiyaan.
  18. This tells us one thing: You know absolutely ZERO about cultures of Reer Koonfur Galbeed. 'Cow herders' kulahaa. Reer Bakool were never reero dhaqdo lo'. Waa reero geeleey, plus beeraha Madhaayta ii Mooragaabeey. Ditto to Reer Baay who are beeraleey and geeleey. Reer Shabeellaha waa reero beero. Anyway, if Deni Uuseey iyo his reer ari yar yar can dream, yaa u diidaayo Laftagareen with 77+ xildhibaanno he completely controls. What does Deni control? 40?
  19. Madaxweyne Laftagareen oo sheegay in sannadkan ay rabaan in ay wax hoggaamiyaan Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabad sagootin loogu sameynayay xildhibaannada Koonfur-Galbeed ku metelaya labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan guddiyada heer federal iyo midka maamulka, odayaal dhaqameed iyo qaar badan oo kamid ah ergadii ka qeyb-gashay doorashadii soo dhammaatay. Madaxweyne Laftagareen oo khudbad ka jeediyay munaasabadda oo ka dhacday Baydhabo, ayaa xildhibaannada kula dardaarmay in ay muujiyaan midnimo, qalbi fiicnaan, kalsooni, daacadnimo iyo wada-shaqeynta dhexdooda ah. “Sannadkan ma rabno in nala hoggaamiyo oo waxaan rabnaa in annaga aan wax hoggaamino. Waxaan rabnaa in aan goyno masiirka Soomaaliya iyo meesha uu maraayo in aan naloo yeerinin oo aan annaga hoggaamino”, ayuu yiri. Waxaa uu sheegay in si gaar ah uu ugu faraxsanyahay in 77-da xildhibaan ee Koonfur-Galbeed ay dhammaantood dooranyihiin, uuna sahaadada xildhibaannimo guddoonsiiyay mid kasta oo kamid ah xildhibaannadaasi, isla markaana ay uga dhigantahay in uu gutay waajibaadkiisii ugu dambeeyay. “Maadaama xildhibaannada ay usoo dhammaatay nidaamkii doorashada, hadda waxa aan sugnaa waa iyaga. Waa in ay maraan waajibaadkooda dastuuriga ah”, ayuu raaciyay. Balse waxaa xusid mudan xubnihii shalay madaxweynuhu uu guddoonsiiyay shahaadada waxaa kamid ah xubno kuraastooda uu hakiyay guddiga FEIT ee heer federal. Guddiga doorashooyinka ee heer federaalka ee FEIT ayaa ugu dambeyn 14-ka bisha Abriil bixin doona shahaadada rasmiga ah iyo kaararka aqoonsiga ee caddeynaya xildhibaannimada guud ahaan. ---------------- Laftagareen completely has the backing of 77 xildhibaanno from labada aqal uu asaga soo xushay, plus kuwa Jubbooyinka tolkiisa ah. Now I understand why he completely sidelined all independent-minded, seasoned politicians from Koonfur Galbeed. He is cooking something. We will see.
  20. Blah blah, yada, yada, the never-ending wailing secessionists, lamenting about a loooong gone leader. Imagine if kuwaan isqarxiyo ee afka duuban ee maalgaliyaan Koonfurta laga maalgalin lahaa, how their incessant wailing would have been? Dad iskubo haddee yihiin and not like wailing habro-like, they would have moved on like Rwanda amd built the country. Rwandans, it is them who experienced tremendous tragedy and genocide. Yet they live among the people who were the culprits. If you want the so-called justice, start from the biggest cheerleaders of Kacaanka who to this day live amidst in Waqooyiga. Start with Feysal Dhurwaa, Daahir Riyaale, Siilaanyo and the ones who passed away.