Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,680
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    325

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. The way Ruushka invaded Yukreyn seems weird to me. Rushing quickly in advance to Kyiv, without securing around it and other major cities; helicopters flying very low when the land below is enemy land and in hostile territory. It seems like Ruushka is treating its Yukreyn forces as minuscule threat.
  2. Khadiijo Almaqsuumi iyo taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir oo xildhibaanno noqday Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka billaabatay Doorashada kuraasta Banaadiriga oo buuq badan uu hareeyay todobaadyadii lasoo dhaafay, kaddib markii musharixiinta iyo beelaha ay isku qabsadeen kuraasta lagu loolamayo. Kursigii ugu horreeyay Banaadiriga ee lagu doortay Muqdisho waa HOP#084, waxaa ku guuleystay Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji, taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir. Fahma Axmed Nuur ayaa Banaadiriga ku metashay Baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya, kursigaan waxa uu ka baxay diiwaanka, 5 kursi ee Banaadiriga labo kamid ah waa Dumar halka saddexda kale ay yihiin Rag si loo dhammeystiro qoondada Haweenka ee 30% kuraasta Baarlamaanka Federaalka. Khadiijo Maxamed Almaqsuumi, danjiraha Sooomaaliya ee Bakistaan, ayaa ku guuleysatay HOP#034, kurisgaan waxaa Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya ku fadhiyay Xildhibaan Khaalid Macoow Cabdulqaadir. Cumar Shariif Maxamed (Jeeg), Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamarweyne ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay HOP#266, waxaa Baarlamaanka 10-aad ku fadhisay Biibi Khaliif Maxamed. Culeys ka taagnaa doorashada Kuraasta Banaadiriga ayaa la xaliyey kadib markii la qanciyey odayaashii tabashada qabay taasoo keentay in guddiga doorashada uu fasaxo kuraastaan.
  3. Kuraastii la boobay maanta dhacday: Muqdisho: Doorashada kuraasta aqalka hoose ee reer Banaadiriga oo lasoo gabagabeeyay Guddiga hirgalinta doorashada kuraasta reer Banaadiriga ayaa Muqdisho kusoo gabagabeeyay doorashada shan kursi oo ay barlamaanka Soomaaliya ku leeyihiin bulshada Banaadiriga. Xildhibaannada aqalka hoose ee kusoo baxay doorashada maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, waxay kala yihiin, sidatan; Cumar Shariif Maxamed (Jeeg), kursiga 226. Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Cadde, kursiga 105. Maxamed Nuur Abuukar, kursiga 265. Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi, kursiga 034 iyo Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji oo kusoo baxay Kursiga 084. Kuraasta reer Banaadiriga ayaa soo gabagabowday iyadoo ay kuraasta qaarkood ka taagan yihiin cabashooyin, xilli uu guddi raysal wasaaruhu u xilsaaray ay sheegeen in ay xal ka gaareen cabashada odayaasha. Kursiga uu muranka badan ka taagnaa, waa kursiga ay kusoo baxday Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi, oo ah xaaska, madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed. Si kastaba ha ahaatee, waxaa maanta lasoo gabagabeeyay kuraasta labo deegaan doorasho oo kala ah. Muqdisho iyo Dhuusomareeb. Xigasho
  4. If Orangecon was still president, Yukreyn ciyoow wuu dhiibi lahaa:
  5. Wow, this reminds me Saadaam Xuseen's speeches in 2003. Xaalka ma sahlana.
  6. Wikipedia: Somalia Battalion (Russian: Батальон «Сомали») is one of the military units of the Donetsk People's Republic in Ukraine which participates in the ongoing war in Donbas against Ukrainian army. The battalion's full name is 1st Separate Tank Battalion Somalia (previously 1st Separate Tactical Battalion Group Somalia).[1] The battalion took the name "Somalia" because, according to its former commander Mikhail Tolstykh alias Givi, its members are as fearless as Somalis.[2] According to Givi, 70% of the battalions personnel previously fought in the 1st Slavyansk Brigade.[3] The unit is permanently stationed in Donetsk and Makiivka.[1]
  7. Wixii laga sheegay iyo buun buuninta intaa iska deysid aqriso qoraalada uu ku qori jiray Soomaalitalk labaatan sano ka hor. Aragtidiisa ayaa ka arkeysaa wuxuu aaminsanaa markaas. Aniga waagaas ayaa aqrin jiray. Sanado ka horna waxaaba ogaaday inuu qabo gabar aan ilma habreed nahay ilmaheeda eedadooda.
  8. Now I know why he is not as belligerent as he was before. Ileen waxba meesha kuma haayo and had given up. Xasan Sheekh oo laga fara-maroojiyay kuraasta beeshiisa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gebi ahaanba la dhaafiyay kuraastii beeshiisa, ayada oo aan laga tix-gelin doorashadooda iyo go’aamada laga gaarayo. Afarta kursi ee beelaha uu kasoo jeedo madaxweynihii hore ayaa wax la tashi ah laga siin dhamaan kuraasta beelaha **** ee Galmudug, halka Musharaxiinta kale ee kasoo jeeda deegaankaas laga tix-geliyay kuraastooda. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kursiga u dambeeyay ee beelaha uu kasoo jeedo Xasan Sheekh oo doorashadiisu qabsoomeyso 25-ka bishaan ayaa si gaar ah loogu xiray Cabdirisaaq Xusul oo uu wato Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin. Arrimahan ayaa banaanka u soo saaraya dagaalka tooska ah ee madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor uu la galay madaxweynihii hore, oo ay si weyn isku hayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday. Xasan Sheekh ayaa kamid ahaa xubno diiday inay la kulmaan Qoorqoor dabayaaqadii sanadkii dhamaaday, xili ay taagneyd xiisad siyaasadeed culus oo u dhaxeysay Farmaajo iyo Rooble oo la dhinac ahaayeen mucaaridka. Sidoo kale waxay arrintaan sii xoojinaysa dooda ah in madaxda dowlad goboleedyada ay saameyn xoogan ku leeyihiin doorashada Golaha Shacabka oo aheyd in loo madax-baneeyo Odayaasha dhaqanka. Si kastaba, Qoorqoor ayaa kuraas dhowr ah si qaawan ugu boobay xulafada Farmaajo-Fahad, kuwaasi oo qaarkood ay ka dhalatay xiisado xoogan, hase yeeshe ugu dambeyntii loo meel-mariyay.
  9. Guddiga xallinta khilaafadka doorashada oo fasaxay kursiga Fahad Yaasiin Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada heer federal ayaa fasaxay 6 kursi oo uu ku jiro kursiga uu dhawaan ku guulaystay Fahad Daahir Axmed, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo. Guddiga xallinta khilaafaadka ayaa sheegay in ay warbixin ka heleen guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Hirshabelle, kuwaas oo u sheegay in aanay jirin cabasho rasmi ah oo lagasoo gudbiyay doorashada kuraasta lagu doortay Hirshabeelle. Guddoomiyaha guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya Muuse Geelle Aadan, ayaa dhawaan kursigaan hakiyay. Guddiyada doorashada waxaa saameyn ku yeeshay khilaafka siyaasadeed iyo loolanka ka dhaxeeya madaxda ugu sareysa, taasoo keentay in go'aanno is khilaafsan ay guddiyadu soo saaraan.
  10. With Muuse Muqayil's Jabuuti baasaboor waliba. Markaas ayuu beri sawiro been ah dalkugal ayaa baasaboor beenaadkii naloo saaray asagoo leh.
  11. Former SOL member Abtigiis (Cagjar) says there is more free speech in Soomaali Galbeed than Ingiriiska iyo Mareykanka. Ma saxsanyahay? Madaxweyne Mustafe Cagjar " Xorriyatul qawlka degaankeenna ka jirta, Ingiriis & Maraykan toona kama jirto Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, ayaa mar uu ka hadlayay kulankii xildhibaannada, waxa uu ka hadlay arrin inta badan laga hadlo oo ah arrinta xorriyadda hadalka. Waxa uu Madaxweyne Mustafe cagjar xusay in xorriyadda hadalka ee ka jirta degaanka Soomaalida aysan ka jirin dunida inteeda kale, oo uu tusaale usoo qaatay Ingiriis iyo Maraykan, oo uu sheegay in wadamadaasi uu jiro ganaax ladul dhigo qofkii ku xad gudba xorriyadda hadalka. Waxa kale oo uu sheegay inay muhiim tahay ka dowlad ahaan in lala qabsado arrinta ganaaxa qofkii ku xad gudba xorriyadda hadalka, oo xariggii qofka loogu baddalo ganaax kale oo xanuujiya, haddii laga fiirsan waayana qofkii la xiro. Xorriyadda hadalka ayay in badan dowladdu ka hadashay, horey waxay dowladdu u sheegtay in dadku aysan horey ula qabsan xorriyadda hadalka, maadaama in badan shacabka lasoo cabudhin jiray, balse waxay dowladdu carrabka ku adkaysay in wax walba xad leeyahay, qofkii xadkaas ku xad gudbaana laga tallaabo qaadayo. Xorriyadda hadalka ayaa deegaanka Soomaalida ka hirgashay wixii ka dambeeyay isbaddalkii ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida dabayaaqadii sannadkii 2018, xilligaas wixii ka dambeeyay dadku fikirkooda ayay si xor ah u cabbiraan, iyadoo dowladduna ay intii dambe billowday inay ka tallaabo qaado ciddii ku xad gudubta xorriyadda hadalka. Xigasho
  12. Maxamed Xasan Cirro: Guddoomiyaha guddiga doorashada wuxuu abuurayaa xasarad cusub oo doorashada lagu jahwareeriyo Guddoomiyihii hore guddiga doorashada Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga heer federal ee doorshooyinka inuu abuurayo xasarad cusub oo lagu jahwareerinayo doorashada golaha shacabka. Guddoomiye Muuse Geelle ayaa shalay sheegay in guddgigooda uu hakiyay natiijada kursiga Fahad Yaasiin iyo kuraasta kale oo horey loogu doortay koonfur galbeed. “Kursi doorashadiisa horey loo dhameeyay, waa un nuuc xasarad abuur ah. Waqtigii 25-ka bisha wuu dhow yahay, halkii dardar galinteeda iyo dhameystirkeeda xoogga la saari lahaa, in loosoo nooleeyo cabaqado horey looga gudbay waa xasarad abuur,” ayuu yiri Cirro. Cirro wuxuu tilmaamay inay gacme shisheeye dagaalkooda soo dhex galiyeen guddiga doorashada. Wuxuu sheegay caqabadihii isaga ka hor yimid ee horseeday inuu meesha ka baxo ay haatan haysataan madaxda guddiga doorashooyinka. Guddiga doorashada ayaa dhexdiisa isku khilaafsan kuraasta uu hakiyay guddoomiyaha guddiga doorashada, waxaana xubnaha kasoo horjeeda arrintaan ay sheegeen inuusan jirin wax fadhi oo gudidigu ka yeeshay arrintan.
  13. Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga uu billaabanayo howlgalka cusub ee lagu beddelayo AMISOM Talaado, Febraayo, 22, 2022 - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo ATMIS, uu billaabanayo bisha abril ee sannadkan. Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa kowda bisha March howlgalka cusub u gudbin doona golaha ammaanka, si ay waajibaadkooda ugu meel mariyaan. Agaasimaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Maxamed Siciid Samatar ayaa sheegay inuu howlgalkani ku eg yahay dhammaadka sannadkan 2022, isagoo sheegay in ciidamada Soomaaliya ay kadib la wareegayaan masuuliyadda amni ee dalka. Agaasimuhu wuxuu sheegay muddada uu heshiisku socdo in Soomaaliya laga caawinayo dib u dhiska ciidamada qalabka iyo in laga qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran ee Soomaaliya. Samatar wuxuu sheegay howgalka ATMIS, inuu yahay howlgal ay dowladda Soomaaliya kaalin buuxda ku leedahay soo magacaabida taliyayaasha howlgalka, halka uu sheegay in AMISOM aysan Soomaaliya wax talo ah ku lahayn sida uu u shaqeeyo. Midowga Yurub ayaa maalgalin doona howlgalkan, waxaana laga yaabaa inuu qaato muddo saddex sano ah, waa haddii daruufaha ku xeeran dib u dhiska ciidamada Soomaaliya lagu xallin waayo muddadaas loo qabtay ee sannadka ah. Xigasho
  14. African Union, Federal Government of Somalia, international partners conclude discussions on new AU mission Officials from the African Union (AU), the Federal Government of Somalia (FGS) and international partners have adopted key documents providing a roadmap for establishing a new mission to replace the current African Union Mission in Somalia (AMISOM). In 2007, the Africa Union peace and Security Council authorised the deployment of African troops. This was mandated by UN Security Council and since then AMISOM troops have had subsequent mandate renewals. The current mandate will end on 31 March 2022. The adoption on Wednesday, marked the conclusion of discussions between the Technical Teams from AU and the FGS to agree on a framework for a new mission which will eventually hand over security responsibilities to the Somali security forces. The text adopted after ten days of deliberations included a draft Concept of Operations (CONOPs), Joint Proposal, and options on Logistics Support. The documents contain details on the mandate, composition, size, structure of the proposed transition mission that will succeed AMISOM. The Director-General in Somalia’s Ministry of Defence, Hassan Said Samanthar, said a committee including officials from the AU, Federal Government of Somalia (FGS), the European Union (EU), and the United Nations (UN) would meet to discuss the documents starting 14 February 2022. The documents will then be submitted to the AU Peace and Security Council and UN Security Council by 7 March for final consideration and adoption by 31 March 2022, paving the way for the new mission. Somalia’s Minister of Defence, Abdulkadir Mohamed Nur, was happy with the discussions and said it was a significant milestone. “We welcome our international partners’ support in the realisation of the full capabilities of the Somali security forces,” said the Minister Nur. He explained that through the support of partners, Somalia gradually take over security responsibilities from the African Union. The Minister said once established, the new Transition Mission will implement the objectives of the Somalia Transition Plan, which is a priority for the FGS. The Chief of Policy Development in the AU Peace Support Operations Division, Zinurine Algahli, noted the importance of capacitating the new AU Transition Mission and the Somali security forces. “We are very mindful of the plan that we have developed for the new mission to support the efforts of the Somali security forces. Both entities need the required support, in terms of logistics and finance, to be able to implement the plan effectively,” Alghali noted. The Head of AMISOM and SRCC, Ambassador Francisco Madeira, noted the documents were mutually developed and were a true reflection of the spirit and letter of the Somalia Transition Plan. “The aspects of operations, institution building, and stabilisation, which are clearly outlined in the Transition plan, have been captured in a manner we all understand,” said Ambassador Madeira. Ambassador Madeira however noted that under a new mandate, degrading Al-Shabaab would require capacitating the Somali security forces and the new AU Mission with force multipliers and enablers. “For that, we need the right type and adequate quantity of enablers for both the Somali security forces and the new mission. We also need multipliers, to be able to support the Somali security forces. Therefore, securing adequate, assured, predictable and multi-year funding for the Mission’s operations and access to suitable equipment is pivotal.” Ambassador Madeira said. The EU Senior Policy Advisor in the Horn of Africa, Charles Stuart, lauded all stakeholders for the commitment and tenacity during the negotiations and pledged the EU to support the transition process. “Be rest assured that the European Union is committed to supporting a comprehensive political and stabilisation process,” he said. The Deputy Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, Anita Kiki Gbeho, noted that the adopted texts provide clarity and reiterated UN support for the transition process. “We hope that this work that has started will continue and that at the end, we will be able to say we are better able to support the Somali Transition Plan; that there will be clarity about how we all come together in support of ensuring a transition that is possible from AMISOM to ATMIS and from ATMIS to the Government of Somalia,” said Gbeho. Also present at the meeting was the new Deputy Head of AMISOM, Fiona Lortan and representatives from the AMISOM troop-contributing countries including Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya and Uganda.
  15. I was just telling the other day to this long time colleague - who is of Ukrainian descent - that Putin really wants to take these two regions officially and permanently. I told him Putin is moving all these soldiers near the borders to distract by taking these regions to make the West feel that war has been averted. It exactly happened as I said.
  16. Alshabaab oo sheegatay qaraxii lala eegtay kolonyo ciiddan oo galbinaysay madaxweynaha Puntland Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax maanta lagu weeraray kolonyo ciidan oo galbinaysay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, xilli madaxweynaha iyo wafdi la socday ay gudaha usii galayeen magaalada Boosaaso. War kooban oo kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay, in beegsigooda uu ahaa madaxweynaha Puntland, balse uu ka badbaaday weerarkaas, waxayna sheegeen inay ku dileen askar kamid ah ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Deni. Qaraxa Boosaaso ka dhacay ayaa kusoo aaday xilli ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay islamarkaana ay magaalada ku suganyihiin siyaasiyiin doonaya in xildhibaanno loo doorto. Qaraxa maanta ka dhacay Bosaso oo ahaa mid lagusii qariyay laamiga dhinaciisa ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka ciiddan ee sugayay amniga madaxweynaha Puntland. Ugu yaraan labo askari oo lagu kala magacaabo, Fanax iyo Maxamed Dheere, ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxa, afar kalena ku dhaawacmeen. Laamaha amniga ayaa ku guul daraystay in ay wax ka qabtaan qaraxyada Boosaaso kusii kordhaya.
  17. Qarax miino oo lagu weeraray Kolonyo galbineysay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni Kolonyo ciiddan oo galbinaysay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu weeraray Qarax miino, iyagoo sii galayay magaalada Boosaaso. Qaraxan oo ahaa mid horey loosii diyaariyay ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka ciiddan ee sugayay amniga madaxweynaha Puntland, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Labo askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxan, tiro kaloo intaas ka badan ayaa ku dhaawacmeen, waxaana qaraxa kadib rasaas furay ciidanka, lamase oga khasaaraha ka dhashay. Waa markii ugu horraysay oo madaxweyne Deni qarax lagu weeraro, waxaana arrintaas ay kusoo aadaysaa xilli magaalada Boosaaso xaaladdeeda amniga ay sii xumaanayso. Alshabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay weeraro qaraxyo ah ka geysanaysay magaalada Boosaaso. Xigasho
  18. Xildhibaanadii ugu badnaa oo maanta usoo baxay Farmaajo Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan lagu doortay xildhibaanadii u horeeyay ee deegaan doorashada labaad ee maamulka HirShabelle, waxaana ku soo baxay xubno ay wataan garabka Farmaajo. Kuraasta lagu doortay maanta Beledweyne oo ahaa lix kursi ayaa waxaa la rumeysan yahay in u gacan gelinta kooxda Farmaajo ay ka dambeeyaan madaxda HirShabelle oo gacan saar la leh madaxweynaha muddo xileedkiisu dhaamaday. Kursiga 1-aad HOP#086: Waxaa ku soo baxay saaxiibka weyn ee Farmaajo ahna La-taliyihiisa amniga qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo sidoo kale hore u ahaa Taliyihii NISA, waxaana kursigaan ka taagneyd dood badan, hase yeeshe ugu dambeyntii waxaa qaatay Fahad. Kursiga 2-aad HOP#015: Waxaa dib ugu soo laabatay kursigaan Marwo Xiis Xasan Aadan oo hore ugu fadhiday, waxayna kamid ah xubnaha loo xiray ee taageerada ka helay xulafada Farmaajo. Kursiga 3-aad HOP#008: Waxaa kursigaan kusoo baxay Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore) oo ah mulkiilaha Radio Danan ee magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa ninkaan wata kooxda Farmaajo. Kursiga 4-aad HOP#274: Kursigaan ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, oo markii hore uu ku fadhiyay, wuxuuna taageero ka helay kooxda Farmaajo, asaga oo aan taageero ka haysan beesha iska leh kursiga. Kursiga 5-aad HOP#109: Waxaa kusoo baxay Cabdifatax Qaasim Maxamuud oo hore ugu fadhiyay kursigaan, ahna Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga, wuxuuna taageero weyn u yahay Fahad Yaasiin, saaxiibka Farmaajo. Kursiga 6-aad HOP#074: Kursigan oo ahaa midka u dambeeyay ee maanta la qabtay ayaa waxaa kusoo baxay Cabdikariin Cumar Xuseen, waxaana meesha laga saaray Wasiir kuxigeenkii hore ee Gaashaandhiga Cabdullaahi Colaad Rooble oo ay kooxda Farmaajo ku tuhuntay in uu xiriir la leeyahay qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta. Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ka socota ayaa inta badan u muuqata mid magaca ka sidata doorasho, waxaana ku soo baxa dooranayaal hore loo sii ogaa guushooda. Xigasho
  19. Musharaxa madaxweyne ee kaliya ee u hambalyeeyey xildhibaan Fahad Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa noqday musharaxii ugu horreeyey iyo kan kaliya ee uu u hambaleeyey xildhibaan Fahad Daahir Axmed oo maanta lagu doortay Beledweyne. Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan u hambalyeynayaa Xildhibaannada lagu doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Beledweyne ee ka mid noqonaya Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo waajibaadka ka saaran ummadda Soomaaliyeed.” Qoraalka ayaa waxaa raacsanaa muuqaal ay ka muuqdaan sawirada xildhibaanada maanta la doortay, oo uu ku jiro sawirka Fahad. Tallaabada uu qaaday Kheyre oo ka duwan xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta, oo uu ka tirsan yahay, ayaa dhalin karta su’aalo horleh oo ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Fahad. Fahad ayaa xubno badan oo musharaxiin madaxweyne ah waxay ka tirsanayaan cadaadis xooggan iyo dhibaatooyin, waayna u arkaan inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay xadgudubyadii uu Farmaajo dalka ka gaystay shanti sano ee uu madaxweyne ka ahaa. Kheyre ayaa horey waxaa loogu xantay inuu weli ku xiran yahay Fahad, islamarkaana laga yaabo inuu taageero ka helo haddii uu gadmi waayo Farmaajo. Waxaa sidoo kale jirtay eedeymo ku saabsan inuu yahay isha Fahad u dhex fadhisay Golaha Midowga Musharaxiinta, oo uu xogtooda uu u gudbiyo, waxaana hambalyadiisa maanta ay xoojineysaa tuhunadaas. Tallaabo ka duwan Kheyre, waxaa qaaday musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo weerar ku qaaday Fahad kadib markii maanta la doortay. “Horta Baarlamaankii shalay hor muuqadkiisa la diiday, maanta ka mid noqoshadiisa badbaado ma laga doonay? Dadkii la iska qarinayey, isla sawirkoodu ma loo baahday? Xildhibaanadii taleefanada lagu dhagaysan jiray, garbo buuxis ma laga doonay? horta sow lagama quusan xukun baqdin gelin iyo kalitalis? In halkaa lagu soo dhaco, halgan adag oo naf, hanti, waqti iyo tamar ku kacay ayaa laga soo maray,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
  20. He is ignoring too tahriibiyaasha ka buuxo jeelalka Liibiya. The majority of the returned ones by dowladda dhexe to Xamar are Reer Waqooyi. Heck kuwii maalin dhawayd xadka Turkiga iyo Giriiga qaboowga ku dilaaye qaarkood were Reer Waqooyi dhalinyaro tahriib ku socday.