Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,649
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Watching this clip below - from Nayroobi to Muqdisho - really saddened me the abuse Xalane is committing against Soomaali economy and people. They are importing anything and all without any consideration, and without paying any taxes, duties, levies and fees. These fruits and vegetables also bring non-native diseases as well. Watch what this large cargo blane is unloading. Truly, laheystiyaal is'heysta ayaa nahnay. Dad loo tashtay aanan isogeyn.
  2. Axmed Madoobe iyo Kenya oo isku raacay qorshe ku saaban doorashada 16-ka kursi ee yaalla Garbahaarey Maxdaxweyhaha Jubaland oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa halkaasi ka wada shirar uu la leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya iyo beesha caalamka. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Axmed Madoobe iyo saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ay ka wada hadleen sidii ciidamada Kenya ee ku sugan gobollada Jubooyinka ugu qeyb qaadan lahaayeen sugida amniga halka ay ka dhacayso doorashada 16-ka kursi ee taal Garbahaareey. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Dowladda Kenya iyo Axmed Madoobe heshiis ku yihiin in doorashada kuraasta 16-ka ah lagu qabto magaalada Ceelwaaq ee xuduuda labada dal, halkaasi oo ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin. Haddii uu hirgalo qorshaha Axmed Madoobe iyo Kenya ma jirto cid ka hor istaagi karto in amniga doorashada ay sugaan maadaama ciidamada Kenya ay qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Dhinacyo kala duwan oo Kenya ay hormuud u tahay, beesha caalamka iyo Axmed Madoobe ayaa doonaya in doorashada lagu qabto Ceelwaaq, kadib markii ay cadaatay inaan la tegi karin Garbahaarey. Dhinaca kale, haddii doorashadaasi lagu qabto Ceelwaaq waxaa fursad weyn doona murashaxiinta ay wataan Villa Somalia, waxaana cad in murashaxiinta kasoo jeeda beesha Mareexaan ee mucaaradsan Villa Somalia ay kusoo bixi doonaan Doorashada 16-ka kursi ee yaalla Gedo ayaa caqabad ku ah soo gaba-gabeynta doorashooyinka xildhibaanada baarlamaanka iyadoo xiligaan tirada harsan ay gaarayaan 29 xubnood. Axmed Madoobe ayaa isku dayaya inuu doorasho ku qabto deegaan ay ku qanacsan yihiin dadka kasoo jeeda Gedo, balse uu sidoo kale awood buuxda ku yeelan karo, wuxuuna Ceelwaaq u arkaa magaalo buuxin karta labadaas shardi. Axmed Madoobe ayaa la filayaa in maanta uu dib ugu soo laabto magaalada Kismaayo, waxaana kadib guddiga doorashada Jubaland ay ku dhowaaqi doonaan go’aan la xiriira halka lagu qabanayo doorashada kuraasta Garbahaarey.
  3. Nayroobi ayuu toddobaadyo iskaga baashaalaayaa. Kuwaan uu la kulmaayo Xamar kula kulmi karay, but he doesn't see Xamar as his capital. Shameless. Madaxweynaha Jubbaland oo dhaliilo culus u jeediyay dowladda Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbalad Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka qeybgalay kulan ay lahayeen Wakiilada midowga Yurub ee Soomaaliya oo looga hadlayay waqtiga kala guurka ah ee howlgalka AMISOM, arrimaha amaanka Soomaaliya iyo qorshaha ATMIS ee lagu badalayo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Madaxweynaha ayaa ugu horayn ka hadlay xaalada amaanka Soomaaliya oo uu sheegay in wali aysan aheyn mid fadhisa, islamarkaana aysan muuqan hanaan isku xiran oo lagaga shaqaynayo amniga dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM uu shaqo wanaagsan soo qabtay bilowgii, kaas oo lagu xoreeyay qeybo badan oo dalka ka mid ah, islamarkana natiijooyin wax ku ool ah laga gaaray, hayeeshee sanadihii danbe uu noqday mid fadhiid ah oo aan u shaqeyn sidii loogu talagalay taas oo sababteeda ay leeyahiin dowlada Federaalka ah iyo wadamada ciidamadu ay ka joogan Soomaaliya iyo deeq bixiyayaasha. Wuxuu intaas ku daray in dowlada Federaalka ah ay ka gaabisay hanaanka isku xirka amniga qaranka oo ay dowladda Ciidamada u isticmaashay arrimaha siyaasada taas oo qeyb weyn ka ah gaabiska dhinaca amniga ah ee ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale inay dayacday fursadahii hogaaminta howlgalka AMISOM iyo diyaarinta Ciidamo qaran oo dalka oo dhan laga qoray oo mustaqbalka la wareega amniga dalka. Waxaa uu sidoo kale sheegay madaxweyne Axmed Madoobe in Dowlada Federaalka ah ay ka baxday heshiisyadii amniga ee ay wada gaareen dhamaan saamileyda Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah sida heshiisyadii amniga ee Baydhabo iyo London ee sanadkii 2018, dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in ay qeyb ka yihiin gaabiska ku yimid howlgalada AMISOM iyagoo faragalin ku sameeyay siyaasada gudaha ee Soomaaliya isla markana dhumiyay shaqadii ay ciidamadoodu u joogeen dalka. Ugu danbayntii madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab guul laga gaari karo hadii la helo isku xirnaanta Hay’adaha amniga Soomaaliya iyo in la qaado howlgal midaysan oo dalka oo dhan ah si ayna iskugu gurman Midowga Yurub iyo deeq bixiyayaasha ayuu madaxweynahu xusay in baahi weyn loo qabo isla xisabatan dhab ah oo la xiriira deeqaha amni ee dalka la siiyo inay noqdaan kuwo miro dhal ah oo laga gaari karo.
  4. Of course Muuse Muqayil and co. waala ogyihiin and fund them via Dahabshiil. Until dowladda dhexe completely regulates xawaaladaha iyo mobile transfares waxaan ma dhamaanayaan. Imagine if the shoe was reversed, calaacalkooda iyo Reer Koonfur baa na xasuuqaayo tan iyo aakhiro samaanka ayee la calaacali lahaayeen.
  5. Denmark fast-tracks new law to welcome Ukrainian refugees Denmark on Wednesday passed legislation allowing Ukrainians fleeing the war in Ukraine to start working, going to school and receiving social benefits soon after arrival in the Nordic welfare state. The law, which was fast-tracked in parliament, allows Ukrainian refugees to apply for temporary residency in Denmark for up to two years, effectively bypassing the slower process of applying for asylum. Integration Minister Mattias Tesfaye said in a statement he wanted the first residence permits to be granted at the weekend. “After that, it will be a few days before we can start getting Ukrainian refugees as colleagues, and our children will have new schoolmates,” Tesfaye said. Ukrainians coming to Denmark would be provided with rights similar to those offered to citizens within the European Union, as well as relief and accommodation. Lawmakers wanted the bill, effective as of Thursday, to ensure optimal conditions for Ukrainians “to be able to continue their lives quickly and efficiently and to actively be a part of Danish society.” More than 3 million people have fled Ukraine so far, data from the United Nations refugee agency (UNHCR) shows. The Danish government expects to receive upwards of 20,000, documents related to the bill showed. Since Russia’s invasion of Ukraine on Feb. 24, a total of 1,733 Ukrainians have sought asylum in Denmark, according to data from the Danish Immigration Service. The law has drawn criticism from leftist parties who said it discriminates against refugees who have fled other war-torn countries, such as Syria, but don’t obtain the same rights. Denmark’s ruling Social Democratic government has carried over the wealthy Scandinavian country’s decade-long tough stance on immigration, which it says is necessary to protect Denmark’s cherished welfare system and integrate the migrants already in the country. In Poland, which has received nearly 2 million people from Ukraine, authorities on Wednesday began issuing national identification numbers to the refugees so they can access social services and benefits, and more easily find jobs.
  6. Cunsurnimadaan maalin caddeeyga ah ila arka: Denmark will not seize jewelry from Ukrainian refugees: Prime minister Denmark will not seize jewelry from Ukrainian refugees *unlike Syrians and Africans* who sought refuge in the country from 2016 onwards, its prime minister said Friday. “Ukraine is in our immediate region. It is part of Europe. It's in our backyard,” Danish Prime Minister Mette Frederiksen told public broadcaster PR. “Denmark has a special responsibility in relation to the Ukrainians, who are on the run from Russian missiles and cluster bombs, which now also hit civilian targets.” DR noted the country adopted a law in 2016, known as jewelry law, that gave authorities the right to seize valuables and large sums of money from refugees. “Clearly, there is a difference between refugees and how we receive them,” it said. The broadcasting service said the government is working on a special law that would allow Ukrainian refugees to benefit from social subsidies and have their children easily enrolled at schools. Russia's war on Ukraine, which began on Feb. 24, has drawn international outrage. The EU, US, UK, among others, implemented tough financial sanctions on Moscow that received condemnation at the UN General Assembly and UN Human Rights Council. Moscow has been further isolated, with its planes barred from flying in European, US, and Canadian airspaces. According to the UN refugee agency, more than 1.2 million people have fled Ukraine to neighboring countries. In the second round of peace talks Thursday between Moscow and Kyiv, the two sides agreed to create humanitarian corridors to evacuate civilians.
  7. Why don't they start a branch in their deegaan instead other deegaano dhib iyo qaxar ugu horseedaayaan whereas their own families live in peace deegaanadee ka imaadeen. Heck, he is a secessionist, too and does not believe Soomaali unity. Sheekh Aadan Sunne oo shaaciyay inuu ku biiray Al-Shabaab Sheekh Aadan Sunne oo goordhoweyd la hadlay idaacada BBC-da ayaa xaqiijiyay in uu ku biiray xarkaada Al-Shabaab, kadib markii uu ka baxsaday deegaanada Somaliland. Waxa uu sheegay Sheekh Aadan in uu ku sugan yahay dhulka ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab, uuna u kala gudbi doono dhamaan wilaat-yaadka ay gacanta ku hayaan, si uu uga qeyb-qaato arrimaha faafinta dacwada. “Wadankii aan ku dashay ee aan ka ahaa Nin ku howlan dacwada Islaamka ayaa waxa ku timid carqalad xoogan oo kaga timid nidaamka ka jira goobtaas. Waxaa si cad loogu faafinaya (Somaliland) dhaqan badal iyo diimaha gaalada, oo hadda ka hadasho aad adiga u cadiban tahay oo cida wadana lagu ilaalinayo,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in Garsoorka iyo dhamaan laamaha amniga ee Somaliland ay gacanta ugu jiraan madaxda sare, islamarkaana ay bulshada reer Somaliland u dhiban yihiin. “Waxaa hadda ku suganahay qeybaha wilaat-yadka Islaamka ay gacanta ku hayaan. Waxaa dhex mushaaxaya oo u kala gudbaya wilaat-yaadka 11-ka ah ee gacanta ku hayaan xarakatu Shabaab al-mujaahidiin.” Sheekh Aadan Sunne ayaa ku dooday in deegaanada Al-Shabaab ay ka jirto masuuliyad Diimeed oo xaq ah, islamarkaana uu kala qeyb qaadanayo waxkasta oo awoodiisa iyo aqoontiisa ah, kalana qeyb qaadanayo, sida uu sheegay. Ugu dambeyntiina waxa uu beeniyay in uu deegaanada Al-Shabaab u tagay si uga qabto xil sare, wuxuuna ku cel-celiyay in halkaas u tagay faafinta dacwada iyo masuuliyad diimeed oo la xiriirta faafinta dacwada. Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan shaacisay in Sheekh Aadan Sunne iyo qoyskiisa ay ka baxeen Somaliland, islamarkaana aysan jirin cid wax u dhintay isaga iyo qoyskiisaba, kadib markii uu maamulka xiray dhowr jeer.
  8. Hormuud ayaa maalgalisay dhisida masaajidkaan sida la yiri, war suuqeedka saas lahaa in 2019.
  9. Haa, degmada Hodan waaye, isbitaalka Digfeer ilaa Shaneemo Ekwatoore inta u dhaxeyso ayaa laga dhisaayaa sarahaan. Maqaayado, dukaamo and cafes casri ah ku yaalo also. The map below is where I am talking about. I have been to where it says Karmeel Hotel and Restaurant. Below is the picture Karmeel.
  10. Dhismaa ku socotay markaa tagaaye Xamar 2019. Garoonka agtiisa ku yaalaa. Laakiin masaajidkaan hoose isbitaalka Digfeer ku dhex yaalo ayaa arkay. Meel leer carfeyso leh oo degan ayuuba ku dhex yaalaa. Weird not many people were there oo dadka isbitaalka booqdo bannaanka ayee iskaga tukadaan.
  11. Rep. Ilhaan Cumar is in the Foreign Relations committee. This secessionist beenta isku aqrinaayo ha iskaga baashaalo beentiisa about some paid politicians. We had seen many of them pass in here in the last two decades and leave as a defeated souls.
  12. Muuse Muqayil wax soo dhaweeyo intuu waaye ayee receptionist doonteen soo dhaweeyaan:
  13. Guuleed has fewer than a dozen selected votes. Kheyre ayaaba dhaamo.
  14. Maxaa shaxaadkii yaraa beesha caalamka laga helaaye lagu qasaariyey. Did anyone ask baasaboorka Jabuuti ee ku socdo yet?
  15. What a waste of marqaamid money that could have been used for abaar-affected people:
  16. Here is Maareeye oo sharxaayo maadaama ururo siyaasadeed jirin oo meesha the cursed 4.5 lagu joogo:
  17. If you read what Maareeye is saying above, there are already spoilers oo shirkaan ajendihiisa rabo badalo. Ololo siyaasadeed ayee rabaan ku badalaan oo shaqsiyo gooni ah lagu taageero.
  18. Ha isbaheystaan haddee isaaminaayaan. Cali Mahdi iyo Caydiid iyo tolkooda ayaa isaamini waaye, let alone beelo kale.
  19. I remember telling Galbeedi right on this site this very issue a few years ago. I guess it is becoming a reality. Maareeye oo shaaciyey arrin lama filaan ah iyo qorshaha ****, **** & **** Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta, haatana ka mid ah xubnaha loo doortay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa soo saaray qoraal xasaasi oo ku saaban shirka ka dhacaya Baydhabo ee ay leeyihiin madaxda siyaasadda ee Beelaha ****, **** & ****. Mareeye ayaa shaaca ka qaaday in Beelaha ****, **** & **** ay dhowaan ku heshiiyeen in marka ay dhammaato doorashada socota la xoojiyo isbaheysigooda gaarka ah. Sidoo kale wuxuu ka shifay qorshaha shirka ay ku leeyihiin Baydhabo, isaga oo tilmaamay inuu ku saabsan yahay wax ka beddalka awood qaybsiga xilalka dowladda, gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka. “Shirar ay yeesheen Madaxda Beelaha ****, **** & **** mudooyinkii lagu jiray arimaha doorashooyinka dalka ayaa lagu heshiiyey in marka ay dhamaato doorashada Xildhibaannada DFS la xoojiyo isbahaysiga ka dhexeeya labadan beelood oo lagu magacaabo (D&DM alliance) oo laysugu tago Magaaladda Baydhabo si looga tashado in wax laga bedelo qaabka 20kii sano ee ugu dambeeyey loo kala qaadanayey xafiisyada waaweyn ee looga talayo dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Maareeye. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in hadda ay isbeddaleen qaar ka mid ah siyaasiyiintii iyo madaxdii ku howlaneyd shirkaasi, isla-markaana ay doonayaan in xilalka sidoodii loo daayo. “Nasiib daro, waxaa hada muuqata in qaar ka mid ah madaxdii shirarkaas ku jiray is bedeleen oo ka shaqeynayaan in kuraasta sidoodii loo daayo oo Baydhabo loo tago taageero dad gaara oo keliya,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey. Ugu dambeyn Maareeye oo kasoo horjeedo qorshaha lagu maja-xaabinayo shirka Baydhabo ayaa soo jeediyey in wada-tashi la isugu yimaado Muqdisho, ka hor shirka Baydhabo. “Xildhibaano labada dhinac ah oo aanu arintaas iska aragnay waxaanu ku heshiiney in shirka Baydhabo ka hor Xamar lagu shiro oo laga heshiiyo Agendaha Shirka iyo in aan la bedelin ujeedkiisii,” ayuu gabagbadii ku yiri qoraalka uu soo saaray wasiir hore Maareeye. Arrintan ayaa la aamisan yahay inay saameyn weyn ku ku yeelatay Villa Soomaaliya oo la rumeysan yahay inay kala fur-furtay qaar ka mid ah madaxdii waday qorshahan, iyadoo adeegsaneyso Madaxweyne Lafta Gareen, maankana ku heyso dib u doorashada Farmaajo. Xigasho
  20. Madax wareer siyaasadeed oo haysta Rooble Ismariwaaga ka taagan doorashada ay tahay in lagu qabto Magaalada Garbahaarey ayaa noqotay caqabadda ugu weyn ee xilligan uu wajahayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Garbahaarey oo ah deegaan doorashada 2-aad ee Jubbaland ayaa waxaa yaala 16 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland. Maamulka Gobolka Gedo oo gadaal ay ka riixeyso Villa Somalia ayaa si buuxdo isku hortaagay inay magaaladaasi yimaadaan guddigii uu Ra’iisal Wasaaruhu u magacaabay in ay soo qiimeeyan xaaladda Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaarey. Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidii guddigaasi ku teggi lahaayeen Magaalada Garbahaarey ayaa haatan u muuqdo mid quus ka muujinaya, haddii aanu albaab kale u furmin. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Rooble uu Khamiistii Safiirka Mareykanka ee dalka u joogga Larry André u sheegay inay caqabad ka haysato doorashada Garbahaarey, oo aan halkaas doorashu lagu qabin karin. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sidoo kale Safiirka Mareykanka ku wargeliyay inaanan magaaladaasi lagu qaban karin wax doorasho ah, bacdamaa waqtigii lagu heshiiyay in doorashada golahaasi lagu soo geba-gabeeyo ay ku egtahay 15-ka bishan. Rooble iyo Axmed Madoobe ayaa isku raacay in doorashada laga wareejiyo Garbahaarey oo la geeyo Kismaayo, balse ma cadda xilliga ay ku dhowaaqi doonaan. Ma cadda tallaabada xigta ee Mareykanka uu qaadi doono, inkastoo uu dhawaan sheegay inay xayiraado ku soo rogayan kuwa caqabadda ku ah habraaca doorashada dalka. Si kastaba ha-ahaatee Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa mar kale qarka u saaran in dib u dhac uu ku yimaado, oo ay dhaafo 15-ka Maarso.
  21. But what option does this former satirist have now? Magaalooyinka Ukraine dhulka ayee la simi doonaan Ruushkaan aanan naxeynin.
  22. Jeesoow has been re-selected again. His loyalty to Farmaajo has paid off. Doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta ka dhacday magaalada Baledweyne [Ergagaan Barbaarta afka duuban ka cabsaneyso ayaa xushay. ] Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta magaalada Baledweyne ku qabtay doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne. Kursiga koowaad ee doorashadii Maanta ka dhacday Baledweyne oo tirsigiisu yahay HOP 030 waxaa kusoo baxay Daahir Amiin Jeesow, kadib markuu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa ee Cali Cabdullaahi Xeefow, waxaana hab gacan taag ah oo loogu codeeyay Xildhibaan Jeesoow uu helay dhamaan codadkii ergada oo ahaa 101 cod. Kursiga labaad oo tirsigiisu yahay HOP 010, waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Axmed Cismaan Gureey oo helay 90 cod, kadib markuu tanaasulay musharax Cabdinaasir Maxamuud Cabdi, waxaana kursiga horay ugu fadhiyay Cabdirisaaq Jindi. Kursiga sadaxaad ee doorashada Maanta ka dhacday Baledweyne oo ahaa midkii ugu tartanka adkaa doorashada kuraasta Baledweyne taala ee la doortay waxaan kursiga kuwada tartamay sadax musharax oo kala ahaa Cabdimaalik Cabdalla, Cabdi Daahir Guure, iyo Cumar Cismaan Waasuge oo horay ugu fadhiyay kursiga, waxaana tartanka adkaa kuso baxay Cabdimaalik Cabdalla oo helay 58 cod, halka Cabdi Daahir Guure uu helay 30 cod, iyadoo Cumar Cismaan oo ahaa Xildhibaankii hore uu helay 7 cod.