Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,649
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. The new alliance might have already happened: Saciid Deni, Sheekh Shariif iyo Khadiijo Diiriye oo dhabar jabiyay Jubbaland Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in doorashadii guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka oo ay ku tartamayeen toban murashax ay ka abuurmeen isbaheysiyo siyaasadeed oo cusub. Doorashada ayaa waxaa wareeggii koowaad ugu cod batay afar musharax oo codadka u kala helay sidan: 1. Maxamed-weli Cabdalle Axmed: 59 cod. Waa xildhibaan ku cusub baarlamaanka islamarkaana ku fadhiya kursigii C/weli Muudeey oo loo diiday inuu u dhoofo magaalada Baraawe ee deegaan doorashadiisa, taageerana ka helayay Villa Somalia 2. Maxamed Cali Cumar (Caanonuug): 58 cod. Waxa uu kasoo galay maamul goboleedka Jubaland, taageerayayna Axmed Madoobe iyo Deni, taageeradaas oo ku dhisneyd heshiis hoosaad horay u dhex maray labada maamul in Puntland qaadato Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare, iyo in Jubbaland ay hesho guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka hoose. 3. Sacdiya Yaasiin Xaaji (Samatar): 52 cod. Waxay deegaan doorashadeeda tahay Puntland waxayna si lama filaan isugu soo sharaxday guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka baarlamaanka, taasoo meel ka dhac ku aheyd heshiiskii ay horay u gaareen Puntland iyo Jubbaland, kana hortimid dalab uu Saciid Deni hordhigay oo aheyd ineysan is-sharxin. 4. Khadiijo Maxamed Diiriye: 21 cod. Waxaa dhisayay Kutlo uu hoggaamiyo Aadan Saransoor waxayna ka goosatay Nabad iyo Nolol. Waxaa dhacday in Maxamed-weli Cabdalle Axmed oo ku horeeyay cododka ugu badan ee xildhibaanada ayaa si lama filaan ah ugu tanaasulay Sacdiya. Deni oo diidan sideey wax u socdeen, xadgudubna ku ah heshiiska siyaasadeed ee Puntland iyo Jubbaland ayaa wuxuu xiriir lasoo sameeyay Khadiijo maxamed Diiriye isagoona u balan qaaday 300,000 dollar si ay cododkeeda ay ugu tanaasusho Caananuug oo Jubbaland ka socday isagoo ugu talagalay inuusan burburin heshiiska labada maamul. Khadiijo Diiriye oo ogolaaday dalabka Deni ayaa waxay u tanaasushay Caananuug iyadoo kaamirooyinka qabanayaanna waxay cod dheer ku tiri iyadoo farta ku fiiqeyso “Aniga iyo Beene Beene cododkeena waxay aadayaan Caana-Nuug.” Nabad iyo Nolol oo meeshaasi fursad qaali ah ugu soo baxday ayaa u wareegay xildhibaanad Sacdiyo Yaasiin oo taageero ka heleysa Xisbiga Himilo Qaran ee Shariifka. Guuldaradaasi Caananuug ku habsatay oo sababteeda laheyd Khadiijo Diiriye iyo Saciid Deni ayaa dhanka kale xildhibaanada Himilo Qaran ee Shariifka waxay dhankooda caddaawad u arkeen in Caananuug oo Axmed Madoobe taageerayay uu soo baxo codkoodana u wareejiyay xildhibaanad Sacdiyo. Isku soo wada duub natiijadii doorashooyinka Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee kusoo gabagabowday in xildhibaanno kasoo jeeda Puntland ay ku wada guuleysteen guddoomiye kuxigeenada labada aqal inkastoo siyaasad ahaan aysan madalin Puntland laakiin deegaan doorashadoodu ay tahay Puntland. Waxayna taasi guul u tahay Nabad iyo Nolol iyo xisbiga Himilo Qaran oo meel bannaan fursad qaali ah ka helay, lamana dhihi karo guuldaro usoo hoyaday Nabad iyo Nolol.
  2. Some Reer Sanaag also claimed then that Shaatigaduud inuu iyaga ka soo jeedo. So...
  3. Neefkaanaa Soomaali sheeganaayo and many corrupt politicians take his and his master's - Matt Bryden's jaajuus institute Sahan's - advises.
  4. Dowladdaan hadda jirto, especially when Xasan Kheyre was a ra'iisul wasaare, united the support of millions of Soomaalis from every clan, some ardently and unbelievably. They did this not because of financial or political interest, just for the sake of political ideology. That alone is overachievement. That is why they are fiercely loyal to dowladda, regardless how many times the corrupt qabyaaladists tried to cause division. I don't think neighbouring countries pay close to that amount to their soldiers. I remember Kiikuuyada, it was around $300.
  5. Sh. Aaden Madoobe was said to have paid millions of dollars to buy votes financed by some shisheeye - tsk tsk - via Shariifka.
  6. Qoorqoor ayaa siray u keenay, I guess. Now Qoorqoor himself cannot stand Rooblaawaha. He should have named as a ra'iisul wasaare the most loyal to him to this day, Cali Yare Cali, guddoomiye ku xigeenka Banaadir.
  7. What kind of BS is this? Secessionists want to circlejerk themselves. RRA was formed in late 1995 after Caydiid's invasion of Koonfur Galbeed. That time, secessionist habrooyin were fighting among themselves or barely recovering from it. The financiers behind RRA were KG diaspora, mainly Reer Ingiriis and Australia. There was a documentary made by a UK-based Reer KG man in 1999 showing all the leadership RRA in the countryside organizing their final offensive to liberate Baydhabo. Some of the clips from this documentary can be seen on Youtube now. Top leaders were the late Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud, Ibraahin Xaabsade, Cabdalle Deeroow, the new speaker Sh. Aaden Madoobe and Qalinle among others. I watched this documentary in 1999. The VHS was sold to raise funds for RRA.
  8. Blame Farmaajo, don't bother with kaas baahan tusbaxa yar. Farmaajo asagaa Rooblaawe gacanriisa ku keensaday. Kheyre daacad u ahaana sadex sano iyo bar saacado ku buriyey.
  9. Laftagareen could have stood behind Saransoor, who had a little bit of gentleman's agreement to support. But Laftagareen wiilka yar ayuu kaga kalsoonaa because it was him, Xasan C/nuur, who stood beside him for weeks markuu Baydhabo qabsanaaye in late 2018. Saransoor was his lataliye for years after he conceded him to be Koonfur Galbeed leader. Hadduu Saransoor taageeri lahaa inay kursiga helaan laga yaabay, but Saransoor is independent-minded oo la iskuma haleyn karo hadduu helo kursiga. Saransoor's concession hadaljeedin was a revenge against Laftagareen iyo Farmaajo. I know Saransoor and his brothers very closely, especially his younger brothers who are very close to my family.
  10. Sheekh Aadan Madoobe oo durba wajahaya go’aanka kiis xasaasi ah Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya, kadib doorasho saacado badan qaadatay. Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Xasan Cabdinuur. Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay 163 cod, halka Xasan Cabdinuur uu ka helay 89 cod. Durbadiiba waa la dhaariyay, howasha ugu horreysay ee hor taalla ayaa waxay ay tahay sida laga yeeli doono arrinta gobolka Gedo iyo xildhibaannada lagu soo kala doortay Garbahaarey iyo Ceelwaaq. Doorashada ayaa qaadatay wakhti aad u dheer, kadib markii saacado ay u xayirneyd arrinta xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq oo xildhibaano taageersan Villa Somalia ay diideen inay kulanka ka qeyb-galaan, waxayna qarka u saartay in ay baaqato doorashadii lagu doortay Madoobe. Ugu dambeyn ayaa waxaa arrintaa lagu xaliyay in codeynta laga reebo 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq ayada oo sababta lagu sheegay inaysan haysan kaararka aqoonsiga. Kaararka aqoonsiga ayaa waxaa bixiya xoghayaha baarlamanka Cabdikariim Buux, waxaase meesha ka marneyn ogolaanshaha guddoomiyaha Golaha Shacabka. Sheekh Aadan Madoobe wuxuu ku xiran yahay mucaaradka, gaar ahaan Shariif Sheekh Axmed, waxaana aad loo filayaa inuu sameeyo sida ay doonayaan oo ah in la fasaxo kuraasta Ceelwaaq, balse su’aasha waxay tahay sidaas ma sameyn doonaa mise wuxuu qaadan doonaa tallaabo uu dhexdhexaad isugu muujinayo. Arrinta kale ee jirta ayaa ah in xildhibaanada Ceelwaaq ay soo ansixiyeen guddiga doorashada heer federaal, oo sidoo kale ah kan soo ansixiyey Aadan Madoobe. Sidaas darteed, Aadan Madoobe uma fududa inuu sharci-darro ka dhigo go’aanka guddiga isaga soo meel-mariyey. Wax ay ahaataba waa go’aan la filayo inuu Aadan Madoobe qaato, waxayna noqon kartaa inuu xaaladda kusoo xumeeyo Farmaajo oo guuldarro kala kulmay doorashadii golaha shacabka oo looga adkaaday murashaxiisa Xasan Cabdinuur. Waa markii labaad ee Aadan Madoobe uu hoggaamiyo golaha shacabka, isaga oo sidoo kale horey usoo noqday afhayeenka baarlamanka muddadii u dhaxeysay 31-ka Janaayo 2007 ilaa 25-ka May 2010.
  11. That happens sometimes, most recently guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare on yesterday. Because most corrupt xildhibaanno can be re-bought in the corrupt auction after first rounds concludes.
  12. Aaden Madooba wuxuu saaxiib la yahay Sheekh Shariif. Some will interpret this as a mucaaradka win, but there is a caveat. The third and fourth candidates, C/llaahi Balaak iyo Aaden Saransoor respectively, are also Aaden Madoobe's fellow clan members from Bakool. Out of the four seats that clan had MPs, three were candidates for xulashada. The fourth seat is held by Sareeda. Marka asagee ugu shubeen codkooda directly, which was around 55 votes. Xasan C/nuur oo Laftagareen macruuf dhow la ah, Laftagareen ayaa watay. Saransoor - who holds my own sub-clan's xildhibaan seat - was very close to fellow erstwhile RRA member Laftagareen until musharaxnimada two weeks ago. Laftagareen tried to pressure him and told him not to become a candidate. Taas ayuu ka xanaaqay and now doomed kan uu watay.
  13. The sixth estate had spoken: Beesha caalamka oo ugu baaqday madaxda Soomaalida inay is xakameeyaan, doorashadana si nabdoon lagusoo gabagabeeyo Beesha caalamka oo bayaan soo saartay, ayaa ku baaqday in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxyna soo dhoweysay doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022. Beesha caalamka waxay ku boorrisay madaxda Soomaaliya inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta oo waxyeelayn karta dhameystirka geeddi socodka doorashada. “Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay beesha caalamka. Bayaanka kasoo baxay beesha ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta loo madlan yahay in la qabto doorashada guddoonka barlamaanka, inkastoo uu khilaaf xooggan ka taagan yahay xildhibaannada gobolka Gedo inay ka qeyb galaan doorashada. Lama oga inay maanta qabsoomi karto doorashada guddooonka barlamaanka, inkastoo guddiga doorashada uu ku adkaysanayo in doorashada la qabanayo.
  14. Odeyga warkiisa laguma jiro see u egtahay.What a farce meesha lagu haayaa. Guddoomiye Dhabancad oo baaq u diray xildhibaanada Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Dhabancad oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay hoolka lagu wado inay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa baaq u diray xildhibaanada ka maqan hoolka. Guddoomiye Dhabancad ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay si deg deg ah usoo xaadiraan hoolka si ay u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, oo uu sheegay inay maanta dhici doonto. Cabdisalaan Dhabancad, oo dhanacyada ay ka taagnaayeen dhowr xildhibaan iyo guddoomiyaha guddiga doorashada golaha shacabka, ayaa ciidamada ammaanka ugu baaqay inay xildhibaanada u fududeeyaan soo gelista hoolka doorashada. “Aniga iyo xildhbaano kale waxaan joognaa halkii lagu ballamay, waxaa hoolka joogo xildhibaano aan badneyn, waxaana xildhibaanada maqan ka codsanayaa inay soo xaadiraan teendhada, waxaan maqlay in xildhibaano badan jidadka laga celiyey, jidadka waa la furay hadda anaga ayaana codsanay,” ayuu yiri guddoomiye Dhabacad. Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo aaday xilli inta badan xildhibaanada Golaha Shacabka loo diiday inay soo galaan hoolka, waxaa kaliya hadda gudaha ku jiro xildhibaanada mucaaradka oo watay ciidamo aad u hubeysan. Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo katirsan Golaha Shacabka ayaa goor sii horeysay sheegay in Ciidamo Boolis ah ay Xildhibaanada u diideen inay tagaan Goobta doorashada ee Teendhada Afisiyooni. Qoraal uu Xldhibaanka soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Mas”uuliyad daradii dalkeenna hogaan kiisa haysatay shantii sano ee lasoo dhaafay ay khaatumadeedii kusii guda jiraan waa sida uu hadalka u dhigay. War kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ayaa looga hadlay howlaha Doorashooyinka Dalka gaar ahaan tan Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, khilaafaadka taagan iyo Dhinacyada caqabadda ku ah geedi-socodka. Qoraalka ayaa ugu horreyn lagu soo dhaweeyay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Baarlamaanka Federalka, Beesha Caalamka ayaa ku tilmaamtay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka Doorashooyinka Soomaaliya. Waxa ay ka digeen qalalaase iyo dib udhac markale dhaawaca geedi-socodka Soomaaliya, Beesha Caalamka ayaa soo jeediyay khilaafaadka siyaasadeed ee jira in xal loo helo si loo dhammeystiro doorashada Dalka.
  15. Mahad Salaad Geeljire loo diidanyahay meesha maro asaga iyo xirtiisa:
  16. Meesha waa faaruq and it is duhur now in Xamar. Don't think it will happen today.
  17. Xildhibaanno galay Teendhada Afisiyooni oo ku baaqay in xildhibaannada kale ay yimaadaan Qaar kamid xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saaka tagay Teendhada Afisiyooni, halkaasi oo la filayo in ay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka. Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar, oo kamid ah mudanayaasha galay goobta doorashada ayaa ugu baaqay xildhibaannada kale in ay yimaadaan, isagoona rajeeyay in maanta ay dhici doonto doorashada guddoonka Golaha Shacabka. “Waxaan joogaa Teendhada Afisiyooni, Xildhibaannada waxaan leeyahay soo dhaqsada. Maanta wax dhaafaya ma jiraan. Musharraxiinta ayaa laga rabay in ay soo dhaqsadaan, walina ma aysan imaanin”, ayuu yiri. Mudane Jacfay, ayaa intaasi raaciyay in aysan jiri karin xildhibaan la celin karo. Dhinaca kale Xildhibaan Nuradiin, ayaa kamid ah xildhibaannadii galay Teendhada. Hubanti la’aan ayaa maanta ka jirta qabsoomida doorashada, kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha uu faray ciiddanka Midowga Africa ee ATMIS in ay la wareegaan amniga Teendhada Afisiyoone, balse uu ka horyimid madaxweyne Farmaajo. Tan iyo xalay waxaa soo baxayay warar su’aalo badan gelinaya in doorashada ay qabsoomi karto maanta, maadaama caqabad ay ka taaganyahay sida xildhibaannada ay ku geli karaan goobta doorashada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka uu liiska xildhibaannada galaya goobta doorashada uu usoo gudbin doono xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Kaddib xafiiska Ra'iisul Wasaaraha marka uu hubiyo ayuu liiska u sii gudbin doonaa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo leh amarka ugu dambeeyay ee lagu gelayo madasha doorashada. Balse madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Guddiga Amniga doorashada oo uu guddoomiye ka yahay taliyaha ciidanka booliska ay masuul ka yihiin sugida amniga doorashooyinka dalka. Dhinaca kale beesha caalamka ayaa ku baaqday in geeddi-socodka doorashada lagu soo gabo-bageeyo si nabdoon, iyagoona soo dhoweeyay doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022. Beesha caalamka waxay ku boorrisay madaxda Soomaaliya inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta oo waxyeelayn karta dhameystirka geeddi socodka doorashada.
  18. They think they have the 'powerful' constitution committee, though. Just see Cabdi Qeybdiid rush to be its chairman once more and Faroole as a member. Axdi aanan meel u socon another four years sii wadi doonaan.
  19. I am surprised the candidate that was said closest to Farmaajo got 24 votes from Aqalka Sare to odey Xaashi's 28 votes. Aqalka Sare is dominated by anti-Farmaajo mucaarad since hoggaamiyaasha maamul goboleedyada directly selected them, not even malxiisyo was needed during selections.