-
Content Count
29,724 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
269
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Che -Guevara
-
Salaam Duke, I thought you retired.
-
.Dhanka kale ciyaartaas kadib ayaa waxaa bilaabatay ciyaar kale oo katirsan ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ee shalay madaxweynaha uu furay oo dhex martay kooxaha Shibis iyo Hurwaa, waxaana 90-ki daqiiqo ay isku mari waayeen 0-0. Intaa kadib ayaa waxaa garsoorihii kulankaasi uu goostay in lagu kala reebo kooxahan Gool ku laad ama Rigoore waxaana guushu ku raacday 4-3. Degmada Shibis
-
Tartankii Kubadda Cagta Degmooyinka Oo Si Habsami Leh U Socda Iyo Wardhiigleey Oo Ku Guuleysatay Koobka Xuska Munaasabadda Booliiska.SAWIRRO Published on December 19, 2011 by Jayte · 8 Comments · 1,689 views Kadib markii uu shalay furay ciyaaraha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa garoonka Stadiom Koonis ka socda hardanka kooxaha degmooyinka gobolka Banaadir. Xafladdii furtaanka shalay kadib ayaa waxaa foodda is daray kooxaha degmooyinka Dharkiinleey iyo Dayniile waxaana guushu ku raacday kooxda degmada Dharkiinleey oo 3-0 ugu awood sheegatay dagmada Dayniile. Maanta ayaa waxaa sidoo kale wada ciyaaray kooxaha degmooyinka Wardhiigleey iyo Xamar JaJabab kuwasoo soo bandhigay ciyaar aad loo jecleystay, waxaana ciyaarti maanta sidoo kale yaallay koob lagu maamuusayay sanadguurada 68-aad ee aas aaska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed kaasoo lasoo dhex dhigay kooxihii maanta ku balansanaa ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir. Markii labada koox ee degmooyinka Wardhiigleey iyo Xamar JaJab ay isku mari waayeen 0-0 waqtigii loogu talagay ayaa garsoorihii kulankaasi waxa uu dhigay gool ku laabdyo ama Rigooroyin, waxaana 5-4 guushu ku raacday kooxa kubadda cagta degmada Wardhiigleey. Koobkii lagu maamuusayay sanadguurada 68-aad ee aas aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa la carraabay kooxda degmada Wardhiigleey, waxaana gaba gabadii kulankaasi koobka guddoonsiiyay guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ahna kusimaha guddoomiyaha gobolka mudane Cali Axmed Guure. Munaasabaddasi koobka lagu guddoonsiinayay kooxda degmada Wardhiigleey ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya mudane Siciid Maxamed Nuur (Siciid Mugaambe), taliyaha Akadeemiyada Jeneral Kaahiye mudane Axmed Dayib Axmed Dhagacaleen iyo masuuliyiin kale oo katirsan ciidanka Booliska Soomaliyeed. Dhanka kale ciyaartaas kadib ayaa waxaa bilaabatay ciyaar kale oo katirsan ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ee shalay madaxweynaha uu furay oo dhex martay kooxaha Shibis iyo Hurwaa, waxaana 90-ki daqiiqo ay isku mari waayeen 0-0. Intaa kadib ayaa waxaa garsoorihii kulankaasi uu goostay in lagu kala reebo kooxahan Gool ku laad ama Rigoore waxaana guushu ku raacday 4-3. Degmada Shibis. Ciyaartii ay soo bandhigeen kooxaha degmooyinka Shibis iyo Hurwaa ayaa aheyd mid jilbaha la isaga murxay oo dhowr jeer Rigoorayaashii xitaa la isku agdhacay, oo barbaro ay wada galeen, waxana dad weynihii kasoo qeyb galay daawashada ciyaartaasi ay ku tilmaameen kulan darbi ah. Taageerayaasha kooxaha maanta ciyaaray ee Wardhiigleey Vs Xamar Jajab iyo Shibis Vs Hurwaa, ayaa buuxdhaafshay garoonka kubadda cagta ee Stadiom Koonis ee degmada C/Casiis kuwasoo watay astaamaha calamada degmooyinka iyo gurbaano ay ku dhiiri galinayeen kooxaha ay kala taagersan yihiin. Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa soo qaban qaabiyay ciyaaraha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, iyadoona kooxdi mar qura laga badiyo ay gabi ahaanba isaga hareyso tartanka. Tartankan ciyaaraha degmooyinka oo lagu wado inuu socdo muddo 10-maalmood ah ayaa waxaa maalinta bari ah lagu wadaa iney foodda is daraan kooxaha degmooyinka Yaaqshiid Vs Kaaraan iyo ciyaarta dambe oo ay isku arki doonaan kooxaha degmooyinka Waabar Vs Hodan. Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si xoogan usoo dhoweeyay ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir iyagoona uga mahad celiyay masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed qaban qaabada iyo qabashada ciyaaraha degmooyinka. Updates
-
Go Shibis..............
-
^Yeah Yeah...... MMA.....Hotel Guuleed Hiliwaa ma,aha ee yeelyeelka iskadaa. I was born in Shibis lived in Yaaqshiid, my support goes to both:-) Where's ciyaal Waaberi....?
-
Christopher Hitchens, signs his book that denies the existence of God
Che -Guevara replied to Jacaylbaro's topic in General
I think we are failing to see bigger picture-the man was mouthpiece neacons who are responsible for the deaths of hundreds thousands of people. He went out of his way to advance this cause. That should be his legacy. Whether he believes is beside the point and matters little now. -
^I'm not sure what's upsetting you?
-
Narrowing the political space for any group is always a mistake.
-
Newsnight: Oppression reach Shocking levels in Ethiopia
Che -Guevara replied to Abu-Salman's topic in Politics
I met one of the women in the report. Her story is simple heart-breaking. Rape is just of part of life in the region! -
This man is not ready for politics and if the rest of his party shares his sentiment, they will cause uncesseary choas.
-
Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminay oo gaaray Magaalada Garoowe ee Puntland Isniin, December 19, 2011 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, si uu uga qaybgalo shirka lagu wado inuu ka furmo maalinta berri ah. Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda gaaraan Garoowe, iyadoo ay halkaas ka socoto qabanqaabada soo dhaweynta wafdiga ka socda DKMG ah ee ka qaybgalaya shirka wadatashiga ah ee Garoowe. Kulankan oo ay soo qabqaabisay Qarammada Midoobay ayaa lagu wadaa in looga hadlo meel marinta qodobbadii lagu gaaray wajigii koowaad ee shirkan oo ka dhacay Muqdisho bishii September ee sannadkan. Ammaanka magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa aad loo adkeeyay iyadoo dadweyne badan oo loogu loogu talogalay inay soo dhaweeyaan madaxweyne Sheekh Shariif ay dhooban yihiin hareeraha waddooyinka Puntland. Sidoo kale, mas'uuliyiin ka tirsan Villa Soomaaliya oo ku sugan Garoowe ayaa waxay u sheegeen warbaahinta in ammaanka aad loo adkeeyay, iyadoo madaxweynaha Puntland uu shacabka ugu baaqay inay qayb ka qaataan adkeynta ammaanka inta uu shirku socdo. Maamulada Ahlusunna, Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb ayaa lagu wadaa inay shirkan ka qaybgalaan, iyadoo shirka diiradda lagu saari doono sameynta dastuurka iyo sida looga gudbi karo xilliga KMG ah ee ay dowladda Soomaaliya ku shaqeyso. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Madaxweyne Sharif oo daqiiqadaha soo aadan ka dagayo magaalada Garoowe Madaxweynaha Dowlada FKMG Soomaliya Shariif Shiiq Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa daqiiqadaha soo aadan la filayaa in ay ka dagaan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Madaxweynaha ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ah wasiiro iyo xildhibaano ka mid ah kuwa baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ay ka amba baxeen maanta garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho. Ujeedada socdaalka madaxweynaha ee Garoowe ayaa ah sidi ay uga qeybgali lahaayeen wajiga labaad ee shirka wadatashiga Soomaaliya oo la filayo in uu ka furmo magaalada Garoowe. Waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka magaalada Garoowe iyadoo dadweynahana lagu diyaariyey wadada dhexmarto magaalada si ay usoo dhaweeyaan madaxweynaha oo amaankiisa gaarka ah ay sugayaan ilaaladiisa qaaska ah oo isugu jira Soomaali iyo AMISOM. Madax uu ku jiro madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa hada ku sugan garoonka diyaaradaha si ay usoo dhaweeyaan madaxweyne Shariif. Horseed Media
-
^Not in the time being but I'm hoping to go to Xamar next year. Funny people condemning Kim yet not questioning the hundreds of thousands of Iraqis killed by Yankees. I guess morality is framed and decided by the powerful.
-
^We had good run and it suppose to be mild winter compared to last year-we can tolerate few cold days.
-
Hi Juxa, Hello Habo, Finally Winter has arrived in Boston.
-
Salaam, Last night, I watched the most gory Japenese movie yet.
-
Seriously MMA...?
-
Yaa isxoreynaayo, oo isa sharaxaayo
Che -Guevara replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
If that works for them, great! -
source