Che -Guevara

Nomad
  • Content Count

    29,724
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    269

Everything posted by Che -Guevara

  1. FAARAX MACALLIN: "Zenawi wuxuu ahaa nin lixaad weyn ku leh dhibaatada ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya, Faarax Macallin oo ka hadlay geerida ra'iisul wasaarihii dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa wuxuu ku eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa dhibaatada ka taagan Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya. Faarax Macallin oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Zenawi uu isagu abuuray Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta uu ku fikirayay in halista Soomaaliya oo uu abuuro uu dalkiisu ku kobci karo. "Geerida ku dhacday xag ilaahay ayay ka timid ee ma ahan mid bani'aadam gacanta ku hayo - Laakiin laabaatankii sano ee lasoo dhaafay Malas wuxuu qayb lixaad leh ku lahaa dhibaatada ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, waxaana uu arrimahaas oo dhan u sameynayay isagoo ku xisaabtamaya waxyaabo taariikhi ah oo uu iska dhaadhiciyay," ayu yiri Faarax Macallin. Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya, ayaa wuxuu sheegay in caalamku uu u haysto inuu la dagaalamayay kooxo argagaxiso ah, laakiin anigu waxaan u arkaa in Al-shabaab ay ku abuurantay markii uu xoog ku galay Soomaaliya oo uu dadkii ku noolaa uu baabi'iyay. "Dad badan ayaa yiri wuxuu ahaa nin la dagalaamayay argagaxiso laakiinse anigu waxaan u arkaa inuu mas'uul ka yahay dhibaatada ka tagaan Geeska Afrika uuna rumeysnaa inaan lagula xisaabtamayn dhibaatada uu geysanyo inta dagaalka kula jirto Al-shabaab," ayuu yiri Faarax Macallin. Sidoo kale, Faarax wuxuu ku eedeeyay Zenawi inuu ahaa nin ku dhaqmaya qabiil, isla markaana aan ogoleyn nabad Soomaaliya, balse wuxuu rajo ka muujiyay inuu geeridiisu ay wax badan ka bedeli doonto xaaladda geeska Afrika. Ugu dambeyn, guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya wuxuu sheegay inay Soomaaliya hadda joogto xilli ay kala garan karto cadowgeeda iyo saaxiibkeed ayna iyaga go'aan ka gaarayaan sida ay kula noolaanayaan Itoobiya, balse wuxuu xusay in dadkii moodayay in Meles Zenawi uu Soomaaliya wanaag u horseedayo ay ku jiraan baroor. Faarax Macallin wuxuu ka mid ahaa mas'uuliyiinta Kenya ee sida aadka ah uga soo horjeestay inay ciidamada Itoobiya soo galaan Somaaliya sannadkii 2006, isagoo howgalkaas ku tilmaamay mid faragelin lagu sameeyay dalka Soomaaliya. Iyadoo Macallin uusan Itoobiya booqasho ku tegin intii uu Zenawi ra'iisul wasaaraha ahaa. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  2. Conqueror;859719 wrote: Looks like a Mafia meeting. Mismatching suits. Cheap 50 dollar sunglasses. Illegitimate kid walking around, probably named "Michael". Old broken down home in the background on a dirt road. These guys have the nerve to call themselves "Dawlad" for 21 years? :confused: lol lool Amxaar you got jokes.
  3. Raamsade;859603 wrote: Walaahi I used to respect Somaliland leaders because they only took shower twice in their lives (at birth and at death) and drank camel pi.ss, the best distillation of Somalinimo. But all this grotesque outpouring of grief and sorrow for a lice-ridden, Albanian communist midget is calling into question the respect I had for them. Your mistake is thinking there's any variation among Somalis and their nature.
  4. Three day mourning has been in Somaliland and Puntland
  5. Xaaji Xunjuf;859248 wrote: Shameful and very disappointed LOL I don't know how I miss the picture.
  6. ^I think nobody denies he was shrewd and very capable. His abilities as leader can not and should not discount the crimes he committed!
  7. ^Wouldn't they have to compete with Somalia then? I am assuming you think in this situation, you imagine Hargeysa coming under Xamar?
  8. The Death of Meles Zenawi can be an opportunity for a new beginning August 21, 2012 | Filed under: News | Posted by: maamule ONLF Statement 21-08-2012 The death of the Ethiopian dictator may usher a new era of stability and peace in Ethiopia and in the Horn as a whole. Meles Zenawi’s administration has caused unimaginable suffering to the Ocaden people, far beyond any of his predecessors. He has also played great role in creating conflicts and instability in the Horn of Africa in order to perpetuate his regime’s dominance and hegemony of the region. The Ocaden National Liberation Front may consider this as an opportunity for the succeeding Ethiopian regime to initiate a new era of peace, stability, freedom and justice for the people of Ocaden and not to pursue the failed policies of the past. ONLF will continue to struggle for the rights of the Ocaden people to exercise their inalienable right to self-determination. ONLF will also work with any progressive open-minded opposition forces who are ready to recognize the rights for self-determination for all nations and nationalities. Finally, ONLF calls upon the international community to promote democracy and freedom in Ethiopia rather than backing a dictatorship. Ocaden National Liberation Front.
  9. Hambalyo and best wishes.
  10. lol@Lander.....say what's on your mind, no need for qoutes. Duke and co hypocrisy does not discount this defense of Zenaw. I wonder if you reserve the same outrage for your tribal entity that hands over poor old ladies to Woyanes.
  11. Lander... You are defending Conquerer silly just to make point about Duke?
  12. Zenawi was never relic. In any case, his Siilaanyo and the rest will miss sitting on that famous seat. When it comes to Zenawi, they are all praises. Siilaanyo is hardly unique in this instance.
  13. Old man....you are too impressed with this relic and the entity he leads.
  14. Madaxweyne Shariif Sheekh oo kulan la leh wakiilada beesha caalamka iyagoo ka hadlaya dhamaystirka Roadmapka Kulan ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen wakiilo ka socda qaramada midoobay iyo beesha caalamka iyo Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ayaa waxa uu ka soconayaa garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho. Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen wakiilo ka socda wadamada waaweyn iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Maraykanka,Midowga Yurub,Turkiga iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa loogaga hadlayaa sidii loo soo dhamaystiri lahaa doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo kan madaxweynaha maadaama la dhaariyey inta badan mudanayaasha baarlamaanka. Kulankan oo ka dhacaya garoonka dayuradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa xooga lagu saarayaa sidii guud ahaan dhamaystirka dowlada cusub aysan uga dib dhici lahayn bishan August ee aynu ku jirno. Shirkan ayaa la sheegay in uu ka mid yahay dadka ka qeybgalaya R/wasaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Maxamed Cali oo haatan ah mudane ka tirsan baarlamaanka federalka Soomaaliyeed. Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in shirkan uu Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanayo uu ku doonayo sidii loogu oggolaan lahaa mudanayaasha baarlamaanka ee la soo celiyey in ay ku biiraan baarlamaanka cusub isla markaana loo dhaarin lahaa. Shalay ayaa illaa iyo 211 mudanayaasha baarlamaanka ah lagu dhaariyey gudaha garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in illaa lixdan mudane oo ah kuwa ka soo jeedo beesha uu ka dhashay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed la soo celiyey iyagoo lagu eedeynayo in ay isugu jiraan kuwo hogaamiye kooxeedyo ah,qaar maxkamadihii ka tirsanaa iyo kuwo dambiyo galay. Dadaalkan uu ku doonayo Madaxweyne Shiikh Shariif in la xalliyo sidii loogu dari lahaa siyaasiyiinta xildhibaanada ayaa ah mid guux weyn uu ka jiro iyadoo guddiga farsamada hore u cadeeyeen inaysanoggolaanayn in siyaasiyiintaas ay ka mid noqdaan mudanayaasha Baarlamaanka.
  15. ^My own cousin is Abdikarim's cousin. And this joker wants to pull one over us. Reminds of the story while back of Abdikarim and Sharif being from the same city...lool
  16. ^I think you just said it. Jacpher....Nagadaa dee rag badan oo SOL jooga were clapping for Zenawi when their warlord or tribal land was in Zenawi's grace,
  17. ^Don't take him seriously, muran iyo nacnac waaye