Suldaanka

Nomad
  • Content Count

    7,318
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    170

Everything posted by Suldaanka

  1. Poor fella, he only had a cuppa milk for his last meal according to Dead Man Eating website.
  2. ^^The occupier is the one who crossed the border and had the audacity to call the region a "useless lifeless desert worthy of no one's blood", that is the one that needs to pack his bags and leave. Qudhac, No doubts sxb, they are feeling the heat. By maintaining the status qou, Somaliland is doing an indirect damage. They are broke sxb and they sure will not be able to sustain a continued stand off. According to this website Dhahar.com, The whole Puntland Budget for year 2006 is said to be 25 Billion Shillings. Yes it sounds big, too big, but in dollar terms according to FEWS is just above 1.3 million dollars. Even if the said website made a typo and the number was meant to be 250 Billion Somalia shillings, then that still is lower than the 2005 budget for Somaliland's Armed Forces which stood at 15 million dollars. And with the current projections of Somaliland Port revenue posed to increase at least 3 folds due to the increase in traffic at Berbera Port, Puntland will be no much for Somaliland economically and militarily.
  3. ^^Sxb are you sure you are awake yourself?? Qudhac I don't know man, but I think 257,258 and 259 are possible vacant regional country codes.
  4. ^^ Sxb threadkan waa wararkii Somaliland. So obviously you will find Somaliland News in here.
  5. The president Dahir Rayaale Kahin in a recent speech aimed at the new Parliament's opening session, mentioned that Somaliland will soon get its very own Telephone "Country Code" seperate and different from Somalia's 252 country code. This was again confirmed by the minister of Communications Mr. Xasan Cabdi Khayre who told journalists at a meeting held today for Somaliland's communications companies in Maansoor hotel, Hargeisa. ------ XUKUUMADA SOMALILAND IYO SHIRKADAHA ISGAADHSIINTA OO ISKU MAANDHAAFAY HIRGELINTA XARUN XIDHIIDHISA TELEFOONADA DALKA Har(HRG)- – Xukuumada Somaliland iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta ee wadaniga ah ayaa isku maandhaafay hirgelinta xarun Central ah oo xidhiidhisa Telefoonada dalka. Kulan shalay lagu qabtay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ay wada jir u soo qaban-qaabiyeen Shirkada Ajaanib ah oo ay xukuumaddu siisay qandaraaska hawshaa iyo wasaaradda Boosta iyo Isgaadhsiintu ayaa Wakiiladda ka socday shirkaduhu ka biyo diideen, inay ka qayb galaan.... waxaanay xubnihii ka socday shirkaduhu dibada uga boodeen kulankaa. Hase yeeshee kooxo weriyayayaal ah oo ka socday warbaahinta dalka ayaa arrinta khilaafka wax ka weydiiyey xubnaha ka socday shirkadaha isgaadhsiinta iyo wasiirka wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta, waxayna weriyayaashu wasiirka Xasan Cabdi Khayre weydiiyeen sababta keentay muranka iyo inay shirkaduhu ka biyo diidaan kulankaa, wuxuuna isagoo arintaa ka yidhi “Kulankani waxa uu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa isgaadhsiinta, waananu ku amaanaynaa shirkadahan ka soo bilaabay wakhtigii wadanku burburka ahaa. 14kaa sannadood waxay soo gaadhsiiyeen meel fiican, iyadoo ay jirtay wakhti lagu hadlayay radio telephone, isla markaana ay qiimaha telefoonadu ahaayeen kuwo qaali ah. dawladuna xaq ayay u leedahay inay ka faa’iidaysato xaga dakhliga hawada iyo nabadgelyada oo ay kaantaroolosho maadaama aanay wasaaradu 14-kaa sannadood wax qaban oo ay iska fadhiday, waxaana muhiim ah in kor loo qaado wasaaradda heerkeedii oo boosihiina dib loo furo, taas oo aan qabo in ay ictiraafka qayb weyn ka tahay tan aanu imika wadnaa oo ah in dalku yeesho fure gaar ah (Country Code) oo aynu ka mid noqono umadaha aduunka, waana nasiib wanaag in aanu soo helnay sidii madaxweynuhu sheegay furaha isgaadhsiinta Somaliland oo aanu ka sheegi doono Number-kiisa xarunta Central-ka ah ee aanu wadno xafladeeda. Maanta wuxuu ahaa kulanku in aanu shirkadaha kaga wada hadalno qorshaha hawshaa welina wuu noo socdaaâ€. Wasiirku waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan sameeyeen saddex sharci oo dhinaca isgaadhsiinta ah oo uu ka ansixiyey golaha wasiirada, balse ay weli yaaliin Baarlamaanka, isla markaana waxa uu xusay inuu shirkadaha uga balan-qaaday inuu siiyo nuqulo ka mid ah shuruucdaa oo ay xaq u leeyihiin inay ka hadlaan, hadii ay ku arkaan in qodobo ka mid ah ay ugu muuqdaan kuwo ka hor-imanaya sharciyada caalamiga ah ee Isgaadhsiinta lagu hago iyo ganacsigoodaba, laakiin waxa uu xusay inuu sharcigaasi yahay mid ay kala soo dhex-baxeen sharciga caalamiga ah (International Telecommunication Union) iyo dawladaha jaarka ah, sida Uganda, Kenya iyo Tansania. Wasiirku waxa uu sheegay in ay shirkada hawshaa isku xidhka Central-ka wadaa oo magaceeda la yidhaahdo Transcom Digital Inc (TDI) ay ka mid tahay wasaarada Isgaadhsiinta Somaliland, wuxuna yidhi “Shirkadanu waa ta aanu la miciinsanay inay heerka caalamiga ah gaadhsiiso isgaadhsiintayada, waana shirkad Maraykan ah, hawsha ay wadana waxaanu doonaynaa in aanu shacbiga u bandhigo shirkaduhuna ma diidayaan inaanu hogaamino, mana soconayso in shirkad walba gaarkeedka u socoto, si aanu u helno hogaankii aanu xukuumad ahaan xaqa u lahayn, iyagana aanu ilaalino, isla markaana kala ilaalino, cashuurtii aanu xaqa u lahayna aanu u helno, nabadgelyadii dalkuna gacanta noogu jirtoâ€. Mar la weydiiyey wasiirka inay shirkaduhu ka cabsi qabaan inay xukuumaddu dhexda ku duubato marka ay qalabkaa samaysato iyo sababta keentay shakigaa ay ka muujiyeen hawshaa shirkadaha isgaadhsiintu, waxa uu sheegay inaanay xukuumaddu ahayn nidaam shuuciya, isla markaana ay xaq u leeyihiin shirkaduhu inay wixii ay khalad u arkaan ee waxyeelaya dakhligooda iyo nabadgelyadooda ay ka hadlaan oo xukuumadda kala hadlaan, isla markaana aanay marnaba ka suurtoobayn xukuumadda inay ku dhaqanto, ama ku kacdo wax waxyeelaya shirkadahooda ama dhibaato u geysanaya, laakiin aanu wakhtigan garanayn waxa ay ka shakiyeen, balse ay soo bixi doonaan, wuxuuna intaa ku daray shirkada hawsha wada ee maal-gelinaysa xarunta Central-ka ay tahay shirkad caalami ah oo heshiis la gashay xukuumadda, markay hawsheeda dhamaysatana ay iska tegayso, isla markaana ay gacanta ku hayn doonto maamulka xaruntaa wasaaraddu oo ay jiraan 35 dhalinyaro oo ka kooban gobollada dalka oo loo tababaray hawshaa. Wasiirku isagoo ka hadlaya arrintaa waxa uu yidhi “Hawshii dawlada oo dhulka taalay iyo shantaa shirkadood ee isbarbar yaacayay iyo shanta telefoon ee aad ku garaadsateen iyagoo xafiisyada yaala ayaanu kaalintii ay dawladu hore uga qaban wayday doonaynaa inaanu ka qabano oo isku xidhno oo kaantaroolno furihii dalka, mana dhacayso in nin waliba meesha uu doono bad iyo bari iyo hawo ka hadlo, waxaana gacanta ku qabanaysa xukuumadda, wixii hore uga baaqday meel aan kasta aan ka bixinee inaanu awooddaa aanu u helnay gacanta ku qabano nidaamka isgaadhsiinta dalka, waxaanay gacan buuxda naga siisay shirkadaa TDI sidii ay noogu heli lahayd Country Code fure gaar ah, kaas oo aanu la sugayno dhamaystirka hawshaâ€. Mar la weydiiyey sida aanay shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland iyo kuwa Somaliya u kala soocnayn waxa uu sheegay inay taasi la mid tahay ganacsiga gobolada bariga ee ku xidhan suuqyada Somaliya, iyadoo goboladaa lagu qaato lacagta Somaliya, wuxuuna xusay inayna taasi soconaynin oo ay xukuumadu u soo jeedsatay wakhtigan sidii lacagtaa meesha looga saari lahaa, ee loogu socodsiin lahaa lacagta Somaliland gobolladaa. Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ee ka qayb-galay kulankaa Mr. Jaamac X. Maxamed ayaa u sheegay saxaafada in shirkadaha isgaadhsiintu labadii sannadood ee u dambeeyey ku hawlanaayeen sidii ay u hirgelin lahaayeen inay wada hadlaan shirkaduhu, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid ay ku jirto danta shacbiga, dalka iyo ta shirkaduhuba, laakiin waxa uu xusay inay shirkadaha qaarkood dawlada ka codsadeen inay keenaan qalab u sahlaya isku xidhka shirkadaha iyo xidhiidhkooda, balse ay dawladu diiday hawsha shirkadahaasi wadeen, taas oo uu sheegay inay ku keliftay shirkadaha inay maraan dariiq ka duwan kii ay markaa hore mari lahaayeen, balse ay wakhtigan xaadirka ah jiraan shirkado wada hadla, iyadoo hanti badan iyo kharash badan kaga baxay dariiqaa, iyadoo ay taa ku jiraan shirkaduhuna mudooyinkii u dambeeyey iyo sidii ay u horumarin lahaayeen oo ay ka wada hadlayeen sidii loo dhimi lahaa lacagta xidhiidhka telefoonada ee ku kordhaysa dadweynaha ay xukuumadu ku wargelisay inay wasaarada yimaadaan, wuxuna yidhi “Annagoo hawshii wadna ayay dawladuu noo yeedhay, waxaanay wasaaradu nagu wargelisay inay heshiis la gashay shirkad ajaanib ah oo ay siisay inay ka ganacsato isku xidhka shirkadaha, oo ay qalabkaa keento shirkadaha oo dhamina ku soo xidhmaan, telefoonaduna soo maraan gudaha iyo dibadaba, ka dibna waxaanu dawlada ka codsanay inay dhowr arrimood noo cadayso in mudadii afar iyo tobanka sannadood ah aanay shirkaduhu ka helin dawlada wax sharci isgaadhsiineed ah, inay wasaaradu soo gudbiso sharciga isku xidhka, maadaama aanay wixii dhaqaaqi karin hadii aanu sharci jirin oo qeexaya lacagta la kala qaadanayo iyo sida loogu adeegayo bulshada, mar hadii aanu sharcigaasi jirina isku xidh samaysmayaa ma jiro, shirkaduhuna iyagaa iskood heshiis u galay ee ma jiro sharci ay dawladu soo saartay. Dawlada waxanu ka codsanay in sharcigii isgaadhsiinta, sharcigii isku xidhka iyo sharcigii ay kula heshiisay shirkadan inay keento, sababtoo ah waxaanu u arkaynay shaqada loo diiday shirkadaha muwaadiniinta ah sida ay noqoto sharcigeedu shirkad ajaanib ah marka la siiyo, mana jiro qandaraas lagu bixiyey hawshaa iyo tartan loo galay, ama wax lagu diiday shirkadaha muwaadiniinta, waxaana ku jira heshiiskaa madmadaw xoog leh. Sidaas darteed, waxaanu ka codsanay xukuumada in hadii la shirkadaasi hawshaa qabanayso oo dawlada ku khasbay inay u hogaansamaan shirkaduhu amarkaa in la eego hantida intaa le’eg ee ay leeyihiin muwaadiniintuâ€. Mr. Jaamac, waxa uu sheegay inay shirkaduhu ka soo bilaabin wakhtigii dalku burbursanaa oo ay faa’iido weyn u qabteen dalka iyo dadkaba, isla markaana ay sameeyeen shaqo abuuris iyo waliba inay ka qayb qaataan adeegyadii bulshada ee ay ahayd inay dawladu wax ka qabato, mar walbana ay diyaar u yihiin shirkadaha wadaniga ah wixii looga baahdo ee wax loogu qabanayo bulshada, laakiin isagoo ka hadlaya sababta ay uga shakiyeen shirkadaa, waxa uu yidhi “Hadii dawladu leedahay waa amare ku xidhta waxa loo baahan yahay kalsoonideeda iyo meesha ay ka timid iyo inay tahay shirkadihii caalamiga ahaa ee la yaqaanay, mar hadii aan faylkeedii lagu tusina madmadow ayaa ka iman kara, anagoo aan ceebaynayn shirkadaa ilaa hada ma hayno wax garante ah oo cadaynaya shirkadaasi inay jirto, dawladana waxaanu ka codsanay inay noo soo gudbiyaan faylka shirkadaa, welina noomay soo gudbin dhowr goor ayay shirkadu nala balantay, waxaanu dhowrkaa maalmood ka hadlaynay waxyaabaha aanu u baahannahay ee shirkadaa, dawladuna waxay nagala hadlaysay oo noo sheegaysay “shirkadii ayaa idiin sheegaysa qaabkii aad isugu xidhmi lahaydeen ee kaalayaâ€, maantana waxaanu dawlada u balansanayn inay noo keento shuruucdii isku xidhka, kii shirkada iyo taariikhdeedii, laakiin waxaanu kala kulanay waxaanaan ka filayn oo aan ahayn wixii aanu isku ogeyn, balse waxaanu diidnay inaanu dawlada halkaa kaga dhaqaaqno, waxaanu la kulanay ragii islahaa bilado dahab ah ayaad leedihiin dhaliilo farabadan, haday dawladayadu na dhaliilayso waxba ma ahaateen, ee waxa na dhaliishay oo lahayd dawladaa sidaa ku tihiin iyo hadalo laaqi ah shirkad ajaanib ah, arintaa ayaanu meesha kala kulanayâ€. Afhayeenka shirkadaha isgaadhsiinta u hadlay oo la weydiiyey waxyaabaha ay shirkaduhu diidan yihiin waxa uu sheegay in aanay diidanayn isku xidhka iyo horumarinta telefoonada oo ay tahay hawl ay markii horeba waydeen iyagu, balse ay diideen shirkada aanay garanayn oo ah shirkad ajaanib ah oo gacanta loo gelinayo hawshoodii iyo iyadoo ay u arkaan in la baabiinayo xidhiidhkii ay sameeyeen shirkadaha telefoonadu oo dedaalkoodii cidlo lagaga tago. Source: Jamhuuriya...
  6. ^^ Af Soomaali is not good enough for him (maybe). ------------ Wararkii Somaliland ------------ Somaliland President in Addis Abeba held talks with various high officials from the AU, UK Embassy, and the Ethiopian officials. The President also met with Shiekh Mohamoud Hussien Al Camuudi, the Ethiopian born Saudi billionaire. Sheekh Al Camoudi's MIDROC Ethiopia has recently decided to import all of its goods through Berbera. [Dahir Rayaale with Amb. Bob Dewar] Madaxweyne Daahir Rayaale oo la kulmay midawga Afrika iyo Maalqabeenka Al-Camuudi Hargeysa(Jam)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo hadda booqasho ku jooga Magaalada Addis Ababa ee Casimada wadanka Itoobiya ayaa shalay Axadii la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Ururka Midowga Afrika (AU), oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiye-ku-xigeenka Midowga Afrika,Mudane Patrick Mazamhika oo iyo Xoghayaha guud ee Midawga Afrika Mr. Alfa Cumar Kanore, kuwaas oo ku booqday Madaxweynaha iyo weftigiisa hoteelka ay degenyihiin ee Sheraton. Sidaas waxa Jamhuuriya Telefoon ugu sheegay Mr. Cabdirisaaq Maxamed Suufi oo ah Xoghayaha koowaad ee Qunsuliyadda Somaliland ku leedahay Addisba Ababa. Madaxweyne Rayaale iyo Mr. Cumar Kanore, arrimaha ay ka wada hadleen faahfaahin dheeraad ah lagmaa bixin, balse waxa la sheegay inuu wada hadalkoodu la xidhiidhsanaa xog isweydaarsi ku saabsan Marxaladda Somaliland ee xilligan, gaar ahaan guusha doorashadii Baarlamaanka ee dhammaystirtay hanaanka Dimuqraadiyadda Somaliland iyo qaddiyadda Somaliland uga baahantahay Miiska ururka Ururka Midawga Afrika. [somaliland President and Sheekh Al Amoudi discuss SL investment opportunities] Madaxweyne Rayaale iyo xubnaha waftigiisu waxa kale oo ay isla shalay la kulmeen Guddoomiyaha Shirkadda weyn ee MIDROC Ethiopia, Sheikh Mohamoud Hussein Al Amoudi iyo la taliyayaashiisa u qaabilsan dhinaca maalgashiga. Sida uu warsaxaafadeed ku sheegay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soamaliland, Cabdulaahi Maxamed Ducaale, oo ka mid ah weftiga Maadaxweynaha waxa kulanka Mudane Rayaale iyo Sheikh Amoudi uu la ku xidhiidhsanaa kulamo iyo wadahadallo hore, oo in muddo ahba u socday labada dhinac, waxa la isla qaatay in si deg deg ah loo galo iskaashigii dhinaca maalgashiga ee Shirkadda MIDROC ay ku samayn lahayd Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa la isla qaatay in guddi farsamo oo labada dhinaca si dhakhso ah ay u hawlgasho, iyada oo diiradda la saarayo maalgashiga Dekedda Berbera, dhinacyada Kalluumaysiga iyo soo saarka Tamarta (Energy Power). Maanta Isniinta ayaa la filayaa inuu Madaxweyne Rayaale kulamo iyo wadahadalo la yeesho madaxda dowladda Itoobiya oo uu ka mid yahay Raysalwasaare Meles Zenewi iyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta Itoobiya u fadhiya dalalka Caalamka. Madaxweyne Rayaale oo Socdaalkiisa ay ku weheliyeen laba Wasiir oo ka tirsan xukuumadiisa [Wasiirada Warfaafinta, Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Qaasim Sheekh] oo sabtidii doraad ka ambabaxay Magaalada Hargeysa, waxa Addis Ababa uga bilaabantay lugtii koowaad ee Socdaalkiisa oo qaadan doona muddo laba toddobaad ah oo uu ku marayo dalal ay ka mid yihiin; Itoobiya, Jarmalka iyo Norway. Sida u qorshaysan Madaxweyne Rayaale iyo weftigisu waxa ay Magaalada Addisba Ababa ka ambabixi doonaan maalinta Arbacada ee 14 December, markaas oo ay lugtii labaad ee safarkooda ku tegi doonaan dalka Jarmalka, oo uu Madaxweyne Rayaale ka helay martiqaad rasmi ah, waxaana uu uga sii gudbi donaa dalka Norway. Jamhuuriya Online
  7. VP Xasan Dahir did, however, mention that Puntland and Somaliland militias will be removed from Adhicadeeye village, to Gumaays and Oog , respectively. another classic When Col. Cadhays labelled the region in question as a "lifeless useless baren desert hills worthy of no one's blood", I wonder if that was how he really felt or was he being sinister and trying to dissuade Somaliland? Either way, Somaliland was and is not in the mood. And that goes to AfQudhac as well. What the VP of Puntland uttered is nothing more than wishful thinking.
  8. ^^Whenever I here the word Beledweyn, that song exactly comes to mind. Beledweyn Alahayow ka dhig beertii raaxadda. I have yet to see how Beledwiene looks like, does anyone has any pictures of it? good luck to the HU, it sure looks nice on paper.
  9. Some people might entertain the wild thoughts that Somaliland might have been behind the pirates that operate in South seas, after they hear this new development. The WFP (World Food Programme) has chosen Berbera port to become its port of choice for all aid food destined for Somaliland, Ethiopia and Somalia (Central and Eastern parts of Somalia). This is a great development and would increase traffic in Berbera both land and sea. ----- Hay'adda WFP Oo Dekedda Berbera Marin Uga Dhigaysa Kaalmada Raashinka Ee Bariga Iyo Badhtamaha Somalia Iyo Itoobiya Hargeysa, December 9, 2005 ( Haatuf ) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmada raashinka ee WFP ayaa sheegtay inay dekeda Berbera u isticmaali doonto marinka kaalmada raashinka ah ee ay gaadhsiinayso dadyawga ku tabaalaysan bariga iyo badhtamaha Somalia iyo weliba Itoobiya, iyadoo laga soo dejin doono dekeda Berbera in ka badan 20 kun mitir tan. Sidaana waxa sheegay madaxa xafiiska Hargeysa u jooga (WFP-Somalia) ee Isku duwaha hawlaha Somaliland iyo Puntland Mr. Jean-Pierre Mambounou oo Salaasadii xafiiskiisa ugu waramayey Haatuf. Mr. Mambounou waxa uu faah-faahin ka bixiyey inay talaabadani ka dambaysay ka dib markii budhcad badeed halis ahi ka dilaacday xeebaha Somalia ee badweynta Hindiya. Bilihii June ilaa September waxay budhcad badeedani qafaalatay laba markab oo u rarnaa WFP, iyadoo weliba muddo ku siman todobaad ay budhcad-badeedu sii daysay markab, mid kalena ku afduubtay, taas oo sababtay in shirkadaha leh maraakiibtu ay xayiraad ku soo rogeen dekeda Somalia. Arrintaas oo WFP ku keliftay inay shixnado raashin ah ka soo dejiso dekeda Mombasa ee dalka Kenya, iyadoo ugu talo gashay raashinkaasi in ay gaadhsiiso Waajid Koonfurta Somalia oo u jirta dekedaasi ilaa 1200km. Hawl-galkan ayaa wuxuu ku kacayaa kharash fara badan, hase ahaatee ma jirto si kale oo kaalmo lagu gaadhsiin karo dadka tabaalaysan ee Koonfurta Somalia. Mr. Mambounou waxa kale oo uu sheegay inuu Isniintii ka dhoofay Hargeysa sarkaal WFP u qaabilsan saadka oo qiimayn ku samaynayey in dekeda Berberi hawshaa qaban karto, waxaanu intaasi raaciyey, inay arrintan wada hadalo kala yeesheen wasiirka qorshaynta Axmed X. Daahir iyo maareeyaha Dekeda Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-Xoor), iyaga oo ka wada hadlay sidii ay dekeda Berberi u noqon lahayd xarun lagu kaydiyo raashinka gar-gaarka ah ee hay’adda WFP ugu deeqayso dadyawga tabaalaysan ee ku nool gobolada bariga iyo badhtamaha Somalia, Somaliland iyo Itoobiya oo ay markii hore u marin jirtay Djibouti, iyada oo fogaanta u dhaxaysa Addis Ababa iyo dekeda Berbera aanay ka badnayn 40km oo keliya inta ay Addis Ababa u jirto Djibouti, isla markaana ay isticmaalka dekeda Berberi u madhxin doonto kharash fara badan oo awal kaga bixi jiray adeegyada dekeda Djibouti.
  10. Indeed Mr. Tolstoy, Somaliland' own homegrown system combines the best of both worlds. On the one hand, we have our democratic political parties that compete for the executive and legislative branches of our government, and on the other hand we have our traditional leadership that act like the Guardian Angles for our infant democracy. We also have our house of clan leaders (Suldans, Aqils, Boqors etc), which act as a backup and safity net in the extreme case that all else fail. This is, in my opinion, a rock solid system, thanks to genius brains of Mr. Egal (Ilaahay ha u naxariisto isaga iyo dhamaan Muslimiinta). Below is an excerpt from an interesting paper prepared by John Drysdale, who was one of President Egal's advisers in the 1960s and then in the early 1990s. In a conversation with me in the Hargeisa presidency in 1994, Egal referred to the then newly formed Council of Elders that constituted the upper house of the parliament in Hargeisa. He commented that the greatest mistake that he and his colleagues had made when he was Prime Minister in Mogadishu was that they had ignored clan elders. A Study of the Somali Hybrid Insurance System and the Consequences of its Rejection by Southern Somalia’s Political Leadership Mr. Tolstoy, if anything can be drawn from the recent brouhaha at the opening session of our new parliament, it will not be that something is wrong with our System of governmenance, rather its that our Constitution has some serious loopholes in it. There is no specific clause that explicitly or impilicitly defines the powers of the temporary speaker for instance, neither is there an article which sets limits. Its from this that, and I have to agree with Mr. Suleiman Nuur on this, that the new Parliamenterians need to work on and improve the Constitution so as to avoid any more ugly scenes like the one we had witnessed a couple of weeks ago.
  11. Indeed Mr. Tolstoy, Somaliland' own homegrown system combines the best of both worlds. On the one hand, we have our democratic political parties that compete for the executive and legislative branches of our government, and on the other hand we have our traditional leadership that act like the Guardian Angles for our infant democracy. We also have our house of clan leaders (Suldans, Aqils, Boqors etc), which act as a backup and safity net in the extreme case that all else fail. This is, in my opinion, a rock solid system, thanks to genius brains of Mr. Egal (Ilaahay ha u naxariisto isaga iyo dhamaan Muslimiinta). Below is an excerpt from an interesting paper prepared by John Drysdale, who was one of President Egal's advisers in the 1960s and then in the early 1990s. In a conversation with me in the Hargeisa presidency in 1994, Egal referred to the then newly formed Council of Elders that constituted the upper house of the parliament in Hargeisa. He commented that the greatest mistake that he and his colleagues had made when he was Prime Minister in Mogadishu was that they had ignored clan elders. A Study of the Somali Hybrid Insurance System and the Consequences of its Rejection by Southern Somalia’s Political Leadership Mr. Tolstoy, if anything can be drawn from the recent brouhaha at the opening session of our new parliament, it will not be that something is wrong with our System of governmenance, rather its that our Constitution has some serious loopholes in it. There is no specific clause that explicitly or impilicitly defines the powers of the temporary speaker for instance, neither is there an article which sets limits. Its from this that, and I have to agree with Mr. Suleiman Nuur on this, that the new Parliamenterians need to work on and improve the Constitution so as to avoid any more ugly scenes like the one we had witnessed a couple of weeks ago.
  12. ^^ I ate it once while I was in Addis Abeba. It was bitter in taste (Qaayis dhanaan xiga - like a expired thing) and almost chucked up. But I liked the Amhara Dooro-Wad, it is a spicy Chicken stir fry or soup. You can eat it with practically anything like bread, laxoox, baasto. I just recently heard in Mogadishu they call "Chickens" "Dooro" too. In Hargeisa, that word is a big No No No... CEEB.
  13. ^^LOL Well, the Laxoox is small in size, just a bit bigger then a typical pancake but thinner and its made out of white flour. You eat it in serve of fours one on top of the other like pancakes. Whereas the Amhara's Canjeero is a huge the size of "basketball ring" made of a special flour named "Teff". It is brown in colour. They serve it one big Canjeero per serve. So, which Laxoox are you referring to?
  14. ^^about time someone puts it staight For me, I am disappointed with Rakiya, not that she is doing a splendid job in the humanrights department, far from it, but the fact that she was one of "the" first Somalilanders to come back from overseas and had witnessed how much Somaliland has changed over the years before her own eyes. I would have expected a little "gorowshiyo" from her side, that although I recognise where shei s coming from, but someone really needs to tell her that Rome wasn't built in a day. I mean, it took centuries for the Western world to reach where they are today, can't she just atleast be patient that Somaliland is trying its best to do it in decades instead of centuries? But, as a fella Somalilander, I know she is only being "Faraska waxa usha loogu dhufta, waa ha ka badiyo orodka". So in that regard, I say Kudos to her and her job welldone in her department. We need more idealists like her that would push Somaliland that extra 10%.
  15. Ethiopia's national dish is called "Canjeero", if I am not mistaken. Is it the same Canjeero or a different one?
  16. Comparing Somaliland and Puntland are like comparing Oranges to Apples. One is a multi clan democracy, the other is a single-clan hegemony. Perhaps Puntland can be compared to Mohamed Dheere's Jowhar administration, among other similarities, both are the brainchild of two powerhungary men that share a lot in common. just a few days ago when the much-hyped democratic mechanism almost brought brawling parties to a gridlock, the Gurte and their tribal system was the gene that saved the day one last time You are mixing Golaha Salaadiinta with Golaha Guurtida - the two are very different and have two different functions. One is a constitutional institution (Golaha Guurtida) while the other is an informal traditional instititution. In the long run, the Golaha Guurtida will be elected into the office as Golaha Wakiilada is today. Since Somaliland moved away from "Shirbeeled" and into "Democratic" process, the House of Suldans was put on the backburner and is not as important at national level as it was previously. Currently, their main function is to mediate between clan differences over land ownership, camels, revenge killings between different clans and all the little localised problems etc. Had the Golaha Guurtida failed (god forbid) its recent mediation efforts, then Somaliland would have become under the mercy of the old "shirbeeled" where the old the "Golaha Salaadiinta" would have come under the limelight. That would have become a huge set back in Somaliland's democractisation process. Somaliland's current system of mixing traditional style of rulership with modern democratic ideals, has proved to be working the way expected and designed to work, since Golaha Guurtida is part and partcel of this great democratisation framework.
  17. Muslim leaders open Mecca summit What an oxymoron.
  18. Hees from Radio Maqaloocshe (Haatuf Satire section) Shankaroon macaaneey Shirguddoon la moodyeey Shuqulkaad samayseen Shalay qurux badnaayee Shaaruba libaaxii Sheekhii Saleebaan Guurtida Shirkeediyo Arrintay shakaashiyo Shuqulkay dhameeyeen Alla sharaf badnaayee. Sheekadii Rayaaliyo Ragganimadii Sheelayd Sida shaaca uga rogay Shirabaada hadalada Shaamareer badnaydaa. Runta lama shareeroo Hadal lama shaxaadee Wuxuu shubay ma yaabteen. Mudanihii Shirkii xidhay Shansho dheerihii Udub Goortuu shidhka u galay Shafku dhogorlihii yidhi Aayar baan shirkii xidhay Alla Sheekhsanaayaa Muxuu shuqul yaqaanuu Soo shubay amuuraha. Shalow laga dhacaayiyo Shuushkii doraad yimi Shakigii na soo maray Golihii shukulayiyo Sharaf guurtibay iska le. Shebbedaan caruustaay Shacnidaan jeclaadaay Kalgacaylkii shaan tegay Imikuu shinkii galay Aqalbaan shellaad dhigay Shankaroon dhexdeediyo Shacabkii Hargeysaan Shaal iyo xariir dhigay Shaacir guursadaan ee Waxaad shaahid u ahaan Shicibkii gobta ahaa Ilamaa shantii mayl Ubax shucuba luul iyo Shalmadaa I saaraan Shabbad yahay waxaad garan Guurti shuurinaysoo Shaashlihii Saleebaan Odaygeenii sheegnaa Sheekhii Cabdi ahaa Shir waanaajiyaashii Nabadda u shaqayn jiray Intay duub shareertaan Shacnigooda gaarka li Gelbis kuu shalaadan Shabbadeey waxaan ogay Calankoo shalwanayoo Xidigtii shanta ahayd Shaabadii xornimadii Sheedaha ka muuqdaan Shilla aan dhulkeenoo Shufeerkii hogaanshuhu Shicibkii u sara kacay Shakigii ku oognaa Qudbad shaafiyaysiyo Sheegaya aayaha Sida loogu shawree Loogu shagax yidhaahdaan Anna kuu shifaystaa Dalkaa shuurinaayaa Shanta inuu ka weyn yahay Shicib iyo dhul leeyahay Shillin noodha leeyahay Shakad xeera leeyahay Shuftadana ka adag yahay Sharci baa burburayiyo Sharka kii filaayow Shaadh baan ka leeyahay Shookad lagu qabtaan ogay Shankaroon dalkaygaa Ummad baa ku shurugtoo Wixii sharaf dilkeenaba Shebeg lagu dabbaaliyo Shaan-dhaan u leeyahay Shookaanta taladana Hadba kii shidhka u gala Xilliguu shinkii go'o Shardi uu ku dhiibiyo Shax ridaanu leenahay.
  19. Hees from Radio Maqaloocshe (Haatuf Satire section) Shankaroon macaaneey Shirguddoon la moodyeey Shuqulkaad samayseen Shalay qurux badnaayee Shaaruba libaaxii Sheekhii Saleebaan Guurtida Shirkeediyo Arrintay shakaashiyo Shuqulkay dhameeyeen Alla sharaf badnaayee. Sheekadii Rayaaliyo Ragganimadii Sheelayd Sida shaaca uga rogay Shirabaada hadalada Shaamareer badnaydaa. Runta lama shareeroo Hadal lama shaxaadee Wuxuu shubay ma yaabteen. Mudanihii Shirkii xidhay Shansho dheerihii Udub Goortuu shidhka u galay Shafku dhogorlihii yidhi Aayar baan shirkii xidhay Alla Sheekhsanaayaa Muxuu shuqul yaqaanuu Soo shubay amuuraha. Shalow laga dhacaayiyo Shuushkii doraad yimi Shakigii na soo maray Golihii shukulayiyo Sharaf guurtibay iska le. Shebbedaan caruustaay Shacnidaan jeclaadaay Kalgacaylkii shaan tegay Imikuu shinkii galay Aqalbaan shellaad dhigay Shankaroon dhexdeediyo Shacabkii Hargeysaan Shaal iyo xariir dhigay Shaacir guursadaan ee Waxaad shaahid u ahaan Shicibkii gobta ahaa Ilamaa shantii mayl Ubax shucuba luul iyo Shalmadaa I saaraan Shabbad yahay waxaad garan Guurti shuurinaysoo Shaashlihii Saleebaan Odaygeenii sheegnaa Sheekhii Cabdi ahaa Shir waanaajiyaashii Nabadda u shaqayn jiray Intay duub shareertaan Shacnigooda gaarka li Gelbis kuu shalaadan Shabbadeey waxaan ogay Calankoo shalwanayoo Xidigtii shanta ahayd Shaabadii xornimadii Sheedaha ka muuqdaan Shilla aan dhulkeenoo Shufeerkii hogaanshuhu Shicibkii u sara kacay Shakigii ku oognaa Qudbad shaafiyaysiyo Sheegaya aayaha Sida loogu shawree Loogu shagax yidhaahdaan Anna kuu shifaystaa Dalkaa shuurinaayaa Shanta inuu ka weyn yahay Shicib iyo dhul leeyahay Shillin noodha leeyahay Shakad xeera leeyahay Shuftadana ka adag yahay Sharci baa burburayiyo Sharka kii filaayow Shaadh baan ka leeyahay Shookad lagu qabtaan ogay Shankaroon dalkaygaa Ummad baa ku shurugtoo Wixii sharaf dilkeenaba Shebeg lagu dabbaaliyo Shaan-dhaan u leeyahay Shookaanta taladana Hadba kii shidhka u gala Xilliguu shinkii go'o Shardi uu ku dhiibiyo Shax ridaanu leenahay.
  20. ^^Salaan sare Tolstoy. "....Hadduu Oday Jiro, Uu U Ood Rogo, Abaaroodkana Way Orgootaa...." --------- Sheekada Suuqa ee Hargeisa Haddaan ahay weriyaha u qaabilsan dhinaca marfashyada iyo maqaaxiyaha siyaasada lagu lafaguro shabakada Somalilandfuture, maanta waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa wararkii suuqa, idin odhan mayo mid kastaa ayaa run ah ee caqligiina la xisaabtama, kaftankiina kama madhna iyo gujintii guurtidu wixii aad ka qabtaana ka faalooda marka aad tagtaan qudhiinu marfashyada aad camirtaan ee lagu lafagurayo siyaasada , waxayna yihiin: Si Ina Rayaale Xukunka u dhammaystirto mudada uga hadhsan, bacdamaa uu aqbalay in mucaaridku baarlamaankii qabsadaan, dawladda uu dhawaan dhisayona waxa uu ka siinayaa dhawr wasiir xisbiyada mucaardka ah, weliba cadbursiinyo ayuu siinayaa mucaaradka, dabadeed wasiiradiisii way baqeen in xilka laga qaado, qayladu waa badatay xabada rida ayaa ka dhacday sida uu amray kalfadhigii ugu horeeyey ee baarlamaanka Ismaaciil Yare, warsaxaafadeed ka dhamaa ninkii ninku dhalay ee Ina Dhoolayare, Adna Aadan iyo Cabdilaahi Dareewal ka daayayaay maciinsade, xaaladu waa lugna baqo ugu joog lugna faras dhinaca wasiirada mar haddii ismaaciil Yare baqay, Madaxweynihiina guuxay waa falaadh cirka loo ganay nin waloowba filo. Saleebaana waxaa laga sheegaayaa inuu yidhi “ anigu mucaaridka uma daneynayn ee waxaan u daneynaayey saaxiibkay Rayaale, waase haddii uu garto †waxaase jirta in si buuxda looga hadal hayo go,aankiisa geesinimada leh dhamaan dalka oo dhan, waxaa dhalinyaro banaanbaxaysay lahayd “ Gadhcade nin weyn dheh, go,aan qaadasho leh dheh, geesi aan hamran dheh, wixii u qarsoona yeelkeed dheh â€. Cabdi Waraabena waxaa laga sheegaayey, inuu yidhi “ Raq libaax laba jeer lagama wada kiciyo, oo tii madaxtooyada ayaanu ka hiilinay mucaardka waana liidnimo in ninku mar walba hiil kaaga fadhiyo siyaasada casriyowday â€. Ismaaciil Yarena iyo Daahir Riyaalena waxaa laga soo sheegayaa beryahan sidii uu ciidanka booliiska ugu amray ku fura rasaasta fadhigii koowaad ee Golaha maalintii lays khilaafay muu iman shaqadiisii Ismaaciil, oo Daahir Rayaale ayaa ka caqli wanaagsanaaday oo ku yidhi, waar maxaad ujeeday markii aad lahayd ku fura rasaasta , ma in meeshaba lagu kala yaaco ayaad rabtay, ma waxa aad laynaysay ragii dalkani iska soo xuleen inay yihiin intii ugu wanaagsanayd, waar naga bax oo naga tag, Huda Barkhad Marwada koowaad ee Madaxweynaha ayaa iyaduna si weyn u difaacday Ismaaciil Yare oo tidhi la,aantii lama ladayne Daahir Inaga daa wiilka . Dalkoo dhan dabaaldegyo iyo casuumado ayaa ka socda oo ragii la doortay ayaa ku kala bixi la’ ilaa shalay Ambassador, Mansoor, Xaraf, Araweelo iyo iyo iyo....... Dhinaca Qurbaha doodaha ka socda bal noo soo gudbiya. Somalilandfuture Online Hargeysa
  21. ^^Salaan sare Tolstoy. "....Hadduu Oday Jiro, Uu U Ood Rogo, Abaaroodkana Way Orgootaa...." --------- Sheekada Suuqa ee Hargeisa Haddaan ahay weriyaha u qaabilsan dhinaca marfashyada iyo maqaaxiyaha siyaasada lagu lafaguro shabakada Somalilandfuture, maanta waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa wararkii suuqa, idin odhan mayo mid kastaa ayaa run ah ee caqligiina la xisaabtama, kaftankiina kama madhna iyo gujintii guurtidu wixii aad ka qabtaana ka faalooda marka aad tagtaan qudhiinu marfashyada aad camirtaan ee lagu lafagurayo siyaasada , waxayna yihiin: Si Ina Rayaale Xukunka u dhammaystirto mudada uga hadhsan, bacdamaa uu aqbalay in mucaaridku baarlamaankii qabsadaan, dawladda uu dhawaan dhisayona waxa uu ka siinayaa dhawr wasiir xisbiyada mucaardka ah, weliba cadbursiinyo ayuu siinayaa mucaaradka, dabadeed wasiiradiisii way baqeen in xilka laga qaado, qayladu waa badatay xabada rida ayaa ka dhacday sida uu amray kalfadhigii ugu horeeyey ee baarlamaanka Ismaaciil Yare, warsaxaafadeed ka dhamaa ninkii ninku dhalay ee Ina Dhoolayare, Adna Aadan iyo Cabdilaahi Dareewal ka daayayaay maciinsade, xaaladu waa lugna baqo ugu joog lugna faras dhinaca wasiirada mar haddii ismaaciil Yare baqay, Madaxweynihiina guuxay waa falaadh cirka loo ganay nin waloowba filo. Saleebaana waxaa laga sheegaayaa inuu yidhi “ anigu mucaaridka uma daneynayn ee waxaan u daneynaayey saaxiibkay Rayaale, waase haddii uu garto †waxaase jirta in si buuxda looga hadal hayo go,aankiisa geesinimada leh dhamaan dalka oo dhan, waxaa dhalinyaro banaanbaxaysay lahayd “ Gadhcade nin weyn dheh, go,aan qaadasho leh dheh, geesi aan hamran dheh, wixii u qarsoona yeelkeed dheh â€. Cabdi Waraabena waxaa laga sheegaayey, inuu yidhi “ Raq libaax laba jeer lagama wada kiciyo, oo tii madaxtooyada ayaanu ka hiilinay mucaardka waana liidnimo in ninku mar walba hiil kaaga fadhiyo siyaasada casriyowday â€. Ismaaciil Yarena iyo Daahir Riyaalena waxaa laga soo sheegayaa beryahan sidii uu ciidanka booliiska ugu amray ku fura rasaasta fadhigii koowaad ee Golaha maalintii lays khilaafay muu iman shaqadiisii Ismaaciil, oo Daahir Rayaale ayaa ka caqli wanaagsanaaday oo ku yidhi, waar maxaad ujeeday markii aad lahayd ku fura rasaasta , ma in meeshaba lagu kala yaaco ayaad rabtay, ma waxa aad laynaysay ragii dalkani iska soo xuleen inay yihiin intii ugu wanaagsanayd, waar naga bax oo naga tag, Huda Barkhad Marwada koowaad ee Madaxweynaha ayaa iyaduna si weyn u difaacday Ismaaciil Yare oo tidhi la,aantii lama ladayne Daahir Inaga daa wiilka . Dalkoo dhan dabaaldegyo iyo casuumado ayaa ka socda oo ragii la doortay ayaa ku kala bixi la’ ilaa shalay Ambassador, Mansoor, Xaraf, Araweelo iyo iyo iyo....... Dhinaca Qurbaha doodaha ka socda bal noo soo gudbiya. Somalilandfuture Online Hargeysa
  22. One observes the imbalance ‘ween the two sides. On the Puntland side, it is a civilian matter even with Col Cadays of the Dervishes dressed in civilian clothing whereas on the Somaliland corner the mood is of hostile nature and of tense facade. Wonder what that says about the two sides. Relevant officials were in tune with the goings on and they are satisfied with how the event took place. Another observation is of the stark difference in appearance of the detainees. One the Puntland side, the detainees (from Somaliland) seem well fed, well dressed and well treated in custody whilst on the Somaliland side the case of the reverse. Again, one wonders? From where did you get that? Sxb, the important thing is not about how much one put on weigh but it is the psychological wellbeing and general physical healthyness that is important. And as far as how the prisoners were treated is concerned, both sides have said they were well looked after. Suldaanka – that statement epitomises the futility of the whole Somali saga. You do not seem to appreciate the depth of the statement, thusly go for the obvious. Rather predictable, would not you say?. He is not living up to what he is preaching sxb. That is the irony.
  23. "Buurahakan xunxunka ah ee abaaruhu hayaan maxaa hoosyaala oo aynu isugu haysannaa" Col. Cadhays " Why are we fighting over these useless baren desert hills " says cheif of the Puntland forces. One wonders what he is doing there, if that is how he feels about the place? :confused:
  24. A new Borama based website Arliyanews.com skins another plagiarist!! Yes, another plagiarist from allPropagandaland.com's pool of aspiring favourites. ah!!! Ilaahow si xun ha noo galin.