Suldaanka

Nomad
  • Content Count

    7,318
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    170

Everything posted by Suldaanka

  1. Wafti ka socda EU & Hay'adda soo gaadhay Ceerigaabo Ceerigaabo (Qarannews) Xubnahan weftiga ah oo ka kala socda EU-da iyo hay’adda German Agro Action (GAA) islamarkaasna ka kooban laba xubnood oo kala ah Mrs. Irris Krebber (GAA East Africa regional Director) iyo Mr. Luciano Mosele (EC Technical ***. And Agriculture) ayaa duhurnimadii maalinta Isniinta ee 26/3/2007 gaadhey magaalada Ceerigaabo, waxayna xubnahan oo ay weheliyaan Mr. Daniel Bromkal (GAA Erigavo Project Manager) iyo Mr. Abdirizak Mohamed Warsame ( GAA Erigavo Project Coordinator) oo iyagu in muddo ahba ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ay isla gelinkii danbe maalintaas xafiiska maayorka degmada Ceerigaabo kulan kula yeesheen madaxda dawladda (Heer gobol iyo Degmoba), halkaas oo xubnahan weftiga iyo madaxda xukuumaddu isku dhaafsadeen xog waraysi kusaabsan socdaalka weftigan iyo waxqabadkoodaba iyagoo xubnahan weftiga ahi sheegay in ay halkaas joogi doonaan muddo saddex maalmood ah, iyagoo madaxda xukuumadduna dhinacooda weftigan uga mahad naqay safarkoodan ay ku yimaaddeen Ceerigaabo, islamarkaasna sheegay socdaalka weftigan in ay ka filayaan midho-dhal wax ka tari doona horumarka gobolka Sanaag. Ugu horrayn Maayorka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo kulankaas ka hadlay ayaa yidhi "Waannu ku faraxsan nahay in aad noo timaaddeen, waxannuna rajaynaynaa imaatinkiinnani in ay wax weyn noo kordhin doonto iyadoo hay’addan GAA in muddo ahba nala joogtey oo samaysay qiimayntii wax qabadkeeda, imminkana diyaar u ah in ay wax noo qabato, idinkana waxannu idinka filaynaa wixii dhiniciinna kaga xidhan hay’addan in aad u fududayn doontaan". Isagoo hadalkiisa sii watana maayorku wuxu intaas kusii daray " Meeshani waa ka fogtahay caasimadda Somaliland ee hargeysa hay’aduhuna waxay jecel yihiin meelaha caasimadda u dhow in ay wax ka qabtaan, taas waxannu rajaynaynaa in aad noo tixgelisaan, hay’adaha kalena noo gaadhsiisaan". Mr. Luciano (EC Tech. ***. & Agricul.) oo hadalkiisa la turjumayey ayaa isaguna yidhi "Waxan jecelahay in aan idiinka mahad celiyo sida wanaagsan ee aad noo soo dhoweyseen, imaatinkayagauna wuxu ka marag kacayaa baahida meeshan ka jirta in aannu idinla aragno iyadoo ka fog caasimadda, waxanna idiinballan qaadayaa qiimayntayada iyo caawimadayaduba in ay idiin sii socon doonto, idinkana dhiniciinna waxa laydinka filayaa in aad dedaal samaysaan oo had iyo jeer u qaylisaan in meeshii la yimaaddo oo dadka tustaan inta ay le’eg tahay dhibaatada idin haysata iyo wixii aad soo saari karaysaan iyo weliba waxa loo baahan yahay intaba". Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi "Ngo-yada debedda intooda badani ma oga dhibaatada Ceerigaabo ka jirta laakiin baahidiinna in aad diyaarisaan oo u gudbisaan hay’adaha wax qabanaya ayaa loo baahan yahay, maammul ahaanna waa in ay idinka go’an tahay horumarintu". "Waxan sidoo kale idiinka mahad celinayaa gacanta aad siiseen hay’addan GAA waadna wanaagsan tihiin haddii aad la socotaan sidii wax laydiinku qabanayo waayo annagu mashruucan waa bixinaynaa laakiin mashruuca idinka ayaa iska leh". Ugu danbayn Mr.Luciano wuxu yidhi "dhinaca kalena garoonka diyaaradaha ee Ceerigaabo ayaannu codsanaynaa in maammulku xoogga saaro sidii loo hagaajin lahaa iyadoo ay dhib tahay in waddada dhulka laydiin soo maro halkanina fogtahay oo aan baabuur lagu iman karin, annagoo weliba hay’ad ahaan ka qayb qaadanayna hagaajinta garoonka haseyeeshee gacanta ugu weyn idinka ayaa laydinka filayaa in ay idinka timaaddo". Mrs. Irris (GAA East Afr. Regional Director) ayaa iyaduna dhinaceeda hadal kooban ka jeedisey kulankaas iyadoo tidhi " Lagasoo bilaabo 1990 hay’adda GAA waa kazoo shaqaynaysey Somaliland haseyeeshee annaga haddii aannu nahay waannu ku cusub nahay halkan (Ceerigaabo), marhaddii ay nagu tahay bilawna waxannu jecelnahay in aannu marba wax ka baranno meeshii sida wax looga qabanayey". Iyadoo hadalkeeda sii wadatana waxay intaas raacisay "Siyaasadda GAA waa in ay caawiyaan dadkii u baahan in la caawiyo, waxa kale oo muhiim u ah nabadgelyada waxayna ka shaqaysaa hay’addani GAA waddammo badan oo kuwa kale aanay rabin in ay tagaan sida Afganistan, Congo, Liberian, World tong countries iyo Somalilan, haddii nabadgelyo la helo gaar ahaanna Deniel-team (GAA Erigavo) waxa naga go’an in aannu idin caawinno oo wax idinla qabanno laakiin tallaabada ugu horraysaa waa nabadgelyada annaguna inta aannu joogno meelihii wax laga qaban lahaa ayaannu soo arkaynaa waadna mahadsan tihiin". Guddoomiyaha maammulka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo kulankaas ka hadlay ayaa isaguna yidhi " Anigoo u mahad celinaya xubnihiinnan ka socda EU-da iyo hay’adda GAA waannu idin soo dhowaynaynaa diyaarna waannu u nahay in aannu idinkala qayb qaadanno waxqabadkiinna". Dhinaca nabadgelyada isagoo ka hadlayana guddoomiyuhu wuxu yidhi "Ilaalinta nabadgelyada ee hay’adda GAA annaga ayay noo fiican tahay iyadoo meel kastana wax ka dhici karaan laakiinse gobolkani waa ka nabad qabaa hay’adaha in lagu waxyeelleeyo, waxana muhiim ah madaxda hay’addan GAA ee halkan joogtaa in aaannu isla fahamno nabadgelyada iyo in aannu ognahay marka ay meel u baxayaan oo ay nasoo ogaysiiyaan kahor inta aanay bixin, gaar ahaan Project Manager-ka (Mr.Daniel), mana doonayno wax aan GAA diyaar u ahayn in aannu ku qasabno laakiin wada shaqayntu waa muhiim". Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu intaas raaciyey "Dhinaca garoonka dareenka aad ka aragteen iyo gacanta aad ka geysanaysaanba waannu idiinku mahad celinaynaa annaguna dhinacayaga waannu ka qayb qaadanaynaa". Qarannews Ceerigaabo
  2. Qoraalka C/qaadir Yacquub Faarax waa qoraal ubaahan in beesha Mogadishu si fiican u akhrisato. He presents some good points.
  3. ^^No one rushes to commit suicide. DynCorp is a sub-contractor not a transportation company.
  4. MMA What are your sources that Waaga Cusub staged the whole play?
  5. Bashir Gooth should and must apologise to the people of Mogadishu.
  6. ^ you can find the source in the first paragraph Hargeysa (Harowo.com)— its a rer Awdal website.
  7. Dad Qaxoonti Ah Oo Ka Soo Cararay Dagaalada Ka Dhacaya Magaalada Muqdisho Ayaa Soo Gaadhay Magaalooyinka Somaliland Hargeysa (Harowo.com)— tobaneeyo qof oo ka mid ah raxan dad ah oo ka soo cararay dagaalada ka dhacaya magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa soo gaadhaya magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyagoo qaarkoodna ku imanaya dhinaca diyaaradaha qaarkoodna ka soo gudbay xuduudka labada dal u dhexeeya. Dadkani ayaa iyagoo wajigooda ay ka muuqato argagax ay ka qaadeen dagaalada ka dhacaya soomaaliya waxay soo gaadheen caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyadoo dhinaca kalana maanta qoraal ka soo baxay wasaaradda duulista iyo gaadiidka Somaliland lagu sheegay in la dabciyey cunaqabatayntii ay Somaliland ku soo rogtay Soomaaliya sababaha qaxoontiga awgood. Xukuumadda Somaliland waxay sheegtay inay magangalyo siinayso dadka rayidka ah ee soomaalida ah waxaana ay sheegtay in somaliland ay ka mamnuuc yahiin labada dhinac ee dagaalamaya cid ka socota inay cagaha soo dhigaan Somaliland. dadka iyagu ka soo gudbay xuduudka labada dal ayaa la sheegaya qaarkood inay dhoobanyahiin faras magaalaha magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyagoo si raxan raxan ah usoo gallay magaaladaasi Burco, maamulka gobolka Togdheer ayaa sheegaya inay qorshaynayaan barnaamijyo ay goobo ku dejinayaan dadkaasi qaxoontiga u ah iyagoo la kaashanaya haayadaha qaramada Midoobay ee dalka ku sugan. Dhinaca caasimadda Hargeysa ayaa dadka soo gaadhay waxay yahiin dad iyagu dhaqaale iska haysta waxaanay badanka ku soo degayaan hotelada magaalada Hargeysa iyagoo qaarkoodna aad arkayso iyagoo si caadi ah u dhex socda magaalada, waxaana dadka reer somaliland ay usoo dhaweeyeen dadkaasi si diiran. Maalmaha soo socda ayaa laga cabsi qabaa in dad barakacaya oo intani ka badan ay soo gaadhaan magaalooyinka Somaliland
  8. ^^General Duke Gebraselaase thinks the Xabashi favours his clan over other Somali clans. Xabashi nin ay kala jeceshay meeshan ma jiro. Waxay maanta ugu jeceshay waxa weeye from Somaliland to the Kismaio, Somali oo is dilaysa. But I think, rer Mogadishu have a right to threaten Puntland if the Puntland people do not pressure their leaders to bring their sons out of Mogadishu. At the end of the day Aqal la dumiyo aqal la dumiyo ayuu leeyey, dad la barakiciyo dad la barakiciyo ayuu leeyay.
  9. source Goboladda dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa la soo warinayaa in lagu diyaariyay lix kun oo Maleeshiyooyin ****** ah kuwaas oo la qorsheeynayo inay weeraraan goboladda Barri ee Puntland ,iyadoo gulufkii ugu dambeeyay loogu jiro sidii Maleeshiyooyinka Beesha Sacad ee goboladda Mudug iyo Galgaduud loo ogoleeysiin lahaa dagaalkaas inay qayb ka noqdaan. Ujeedka duulaanka ku wajahan Puntland ee ay qaadayaan dagaalyahanadda ****** ayaa la sheegay inuu gundhigiisu yahay sidii colaadda u saameeyn lahayd goboladda barri ee ay ka soo jeedaan maleeshiyooyinka Muqdisho dagaalka ka wada. Cismaan Xasan Cali Caato iyo Xuseen Maxamed Caydiid ayaa la sheegayaa inay Muqdisho ku soo fool leeyihiin iyadoo aan la ogeeyn ujeedka socdaalkoodda waxa uu khuseeyo laakiin warar madaxbanaan oo Waagacusub soo gaaray ayaa tibaaxaya inay ka faa-iideeysanayaan fursadaha isbarkan ee lagu mideeynayo Beelweynta ******. Maleeshiyooyinka Beesha Sacad ee ku sugan Muqdisho waxay qayb wayn ka Ciyaareen duulaankii lagu qaaday Wasaaradda Gaashaandhigga iyadoo dagaalkaas ay ka dhex muuqdeen horjoogayasha maleeshiyooyinka beesha Sacad. Afhayeenka beelaha ****** Axmed Diiriye oo aan wax ka waydiinay qorshahaan dagaal ee la sheegayo inay ugu jiraan diyaar garoow,wuxuu sheegay in arrimahaas ay ka hadli doonaan waqtigooda. Shalay waxaa Cadaado lagu laayay Askar reer Puntland ah iyadoo hubkiina laga furtay. Saakayto Muqdisho dib ayuu uga biloowday dagaalkii waxaana burburay Xabad joojintii KMG ahayd ee ay wada gaareen hogaamiyaasha dhaqanka ****** iyo Saraakiisha sare ee Ciidamadda Itoobiya,iyadoo Afhayeenka Beelaha ****** Nabadoon Axmed Diiriye oo arrintaas ku eedeeyay dhinaca Ciidamadda dowladda federalka.
  10. The teenager is currently staying at Waagacusub Reporter Dahir Alasaw's residence. Dahir took part in the youngister's release.
  11. Ninkii dhoof ku yimi ayay geeridu dhibaysa. Wakhtigii dhamaayo wuu Dhaqaaqi doona
  12. Suldaanka

    300

    The movie is based on a Comic book version of the historic incident that was first published in the late 1990s. It is fiction and you should watch the movie from that perspective.
  13. The path to one-man-show rule always ends in utter failure and shameful ouster. I know most people in Somaliland gave Dahir Riyaale the benefit of the doubt and even sided with him against Ahmed Mohamed Siilaanyo. But this is the result and the fruits of such support. Somehow he thinks he is Mr. know it all and Mr. Above the law. Whoever told him that must have gave the worse advice. He is a total failure. He needs to step down ASAP before the wave for better change and freedom topples him and takes him to the landfills of history. An old dog never learns new tricks. The only thing he knows is to put people behind bars because that is what he has been thaught during his service to Afwayne's dictatorship.
  14. Madaxdeena maxaa saqajaanka ka wada dhigay? Absolutely disgraceful. They never learn from the mistakes of their predecessors. Yet another failure. We really need to think of a Constitution and A Set of rules designed to keep these leaders in check. They need to be dictated to of what their role should be not the other way round.
  15. They are in an assembly and what did u expect in a military assembly? Only an occupational force raises their flag on another soveriegn soil. E.g. Americans in Iraq. The Nigerian and South African forces in Sudan can not raise their national flag in Sudanese territory. They must instead have the AU flag. This is clearly an occupational force.
  16. As they say Dirxigu dantiisa ayuu qudhunka ugu jiraa.
  17. $1,000,000,000.00 is a billion dollars in the English speaking world and is the standard international currency format. $1.000.000.000,00 is a billion dollars in Germany and some other EU members $1 000 000 000,00 is a billion dollars in France and some other EU members How do I know? Click on Control Panel>> Regional & Language option icon.
  18. All in all, the issue as it stand is not a “Legal impediment” per se, which is what his analysis could be distilled down into, but, it is a "political road-block" that others have put it in front of Somaliland Indeed. One thorn bush at a time; is how we should approach the problem. In the end, Somaliland will get its rightful recognition. I have no doubts about that, because the alternative is very ugly.
  19. Originally posted by Tone: This Obsessesion with Somaliland needs to stop lol...The people over there are living life. They don't want you....LET MY PEOPLE GO "African Union Shuts the Door of Recognition to "Somaliland" " The nobodies spend the time to write a title and an article like the one posted, but they will still be on their usual "calaal" the times to come. We will all be waiting what their next calaacal looks like in the next few months when our nomad Caamir restlessly posts it on SOL.
  20. I consider rather pity on my part that my Somali is not that great to write such a lyrical and rhyme-balance poetic stanzas, which you were generous enough to write for us(or perhaps someone else have written it); which could, in turn, do justice to the enormity of the tragic situation we face today between these brotherly communities. Odwayne inadeer, I wish I could too. But that poem was Mohamed Yawle's. The great Poet read out this poem upon hearing the sad news that two brotherly families collided in the same area in the first half of the 20th century. He was in Cadan at that time. Its a moving poem. -------- nin walaalkii Geed ugu jira Geesi noqon waa dheh