Suldaanka

Nomad
  • Content Count

    7,318
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    170

Everything posted by Suldaanka

  1. ^^Duke stop supporting what? say that again Bilaal Ina XuubXabashi waa ninka waagii Warlordka Mogadishu isku laynjireen markaa uu maqlo 100 qof ayaa ku nafwaayay, waa ninka fantasiyo dhiganjiray. Celeberating the death. Waa ninka 6dii bilood ee Mogadishu nabada ahayd murugo iyo ciil iyo caloolxumo awdeed maalmo dhan hurdo u imanjirin. Waa ninka maanta Xabashi qoriga ugu beegaya kolba meesha uu rabo inuu dumiyo (e.g. HornAfrik Radio, Shabelle News etc). Shameless.
  2. ^^But it shows the sort of person thats cheering for the Dawladda Fedarada ee adeerka Beerlaawe. Ilaahay gunimoda aad Soomali la rabtid ha ka koryeelo. Xaq udirirkana garab ha siiyo. Originally posted by BiLaaL: GD - Forget about the day dreams. Respond to the serious allegations levelled against you. On the same forum, a poster by the name of azep accuses you of talking too much " to defend your tribal chief ". Clearly this poster sees you as Somali; and having read many of your posts on SOL and being very familiar with the language with which you express yourself, you have alot of convincing to do. All of the above points to and builds a strong case for the likelihood that you're the poster on EthiopianReview that Suldaanka is referring to. Even if (remotely speaking) he is not the shameless counterpart of his here in SOL, what is the difference between the two? Maxay ku kala duwanyihiin?
  3. Originally posted by General Duke: Its suprising that even the secesiionists see Duke in their day dreams.. I meat no harm, an I apologise for any serious mental damage inflicted on your persons. Again accept my apologies dear lads.. This is ina ******* people. Ninka caqli badnaantiisa daya. [ April 01, 2007, 01:42 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
  4. This is Duke again. Hello, I didn`t know that Khat is that much strong.You are hallucinating my friend.The CLAEAN UP OPERATION started on Thursday and today is the last day.It was already known from the beginning that this BRILLIANT AND WONDERFUL OPERATION will last only three days. That is exactly the time we need to DESTROY THE INSURGENTS and for the first time after 16 years Mogadishu is to host the NATIONAL CONFERENCE in two weeks time.You should know that the EPRDF army is a very disciplined army.The 300 insuregents who surrendered are treated with dignity as pows.The insurgents are completely CRUSHED IN TO ASHES like we crushed Derg and CUD in 2005.As far as EPRDF is concerned the CUD/Derg and Somalia insurgents issues are CLOSED and our next issue is ASMARA. With love Thomas H source
  5. Taako Man What you and ina Xuubxabashi share is a common quality of utter shamelessness. Even the lowest of the low shy away from the depths of shame you folks swim in. Bal adiga iyo kaa Xabashiga ah maxaa ku kala duwantiin?
  6. If this is not Gen. Duke himself I seriously think its his other Xabashi clone talking. Hi Arat Kilo, Believe it or not,our heroes(members of the Ethiopian army) did a successful job.It was the BEST CLEAN UP OPERATION SO FAR DONE by any army in the war on Terrorism.Mogadishu is now free from ANY INSURGENTS.Those heroes who died in Somalia are BRAVE SOLDIERS because they died for what they believed.For you guys may be the burning of dead bodies make you happy,but in a battlefield it is JUST A NORMAL PROCEDURE to see dead bodies being burnt.Just for your information the HINDUS burn dead bodies and still it is a normal custom. 15 brave soldiers died from the Ethiopian army and one helicopter shot down,but the insurgents were totally DESTROYED.300 of fanatics who declared JIHAD on Ethiopia have surrendered.Now our mission is almost accomplished and our next DESTINATION is ASMARA.Make no mistake it is our responsibilty to make sure that the Horn of Africa is STABLE.By the way,I have heard that Kaliti Prison is going to issue PERMANENT RESIDENTS CARD for prisoners and all CUD officials are elligible to get the card and I would like to congratulate you guys for this fantastic news. With love Thomas H Source [ April 01, 2007, 01:37 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
  7. Latest reports from Mogadishu are saying: 1. The city is on fire. Dark smoke is raising from every part of the city. 2. Hhundreds of thousands of displaced refugees are stranded on the roads 3. Thousands of civilians women and kids and elderly are lying on the streets, many dead and many wounded.
  8. Warsaxaafdeed ay soo saareen Xisbiga UCID Justice and Welfare Party (UCID) PRESS RELEASE March. 31st, 2007 Hargeisa, Somaliland. Waxa xisbiga Caddaaladda iyo daryeelka UCID aad uga xun yahay sida fooshaxun ee ka baxsan dhammaan shuruucda jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa iyo xeerarka xuquuqal insaanka ee Geneva Convention ee lagu xasuuqayo dadweynaha aan waxba galabsan ee reer Muqdisho ee dalka Somaliya. Ma jirto sabab lagu qanci karo si loo adeegsado xasuuqa isirka ku salaysan ee ka socda maalmahan magaalada Muqdisho, waxaana ku tilmaami karnaa maamul dadkiisii dagaal kula jira oo na xasuusinaysa xasuuqii ka dhacay Somaliland ee ay u geysatay regime-kii Siyaad Barre oo sababay dhimasho iyo barabax laxaad leh ee ka dhacay Somaliland sannadihii siddeetanaadkii. Wuxuu na xasuusinayaa oo kale diyaaradihii ka kici jiray garoonka diyaaradaha Hargeisa ee lagu garaaci jiray dumarka iyo carruurta, looguna marmarsoon jiray la dagaalanka dad ka soo horjeeda dawladda. Markaas dadkan sida naxariis darrada ah loo laynayaa waxay keeni doontaa in dadka reer Muqdisho ka xanaaqaan magac Somalinimada, kuna kallifto inay ka goostaan Somaliya ugu dambaynta oo ahayd sidii Somalilandna ku kalliftay inay maamul madaxbannaan samaystaan. Waxa kaloo xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID uu cambaaraynayaa caqliyadda kornayl Cabdillaahi Yuusuf ee ku salaysan xoog iyo muquunin iyo in beeli xoog ku qabsato beel kale oo Somaliya ah iyadoo la iska indho tiraayo dhammaan shuruucda adduunka iyo xataa qawaaniinta asaasiga ah ee diinteena suubban. Waxa Xisbiga UCID ugu baaqayaa dhammaan ururada caalamka, jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa, AU-da, EU-da iyo Jaamacadda Carabta inay si degedeg ah u soo farageliyaan una joojiyaan xasuuqa ka socda magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya. Isla marrkaana lagala noqdo ictiraafka la siiyey maamulkii Mpgati lagu soo dhisay. Waxaannu kaloo ugu baaqaynaa dawladda Itoobiya inaanay marna daraf ka noqon qaybaha ku dagaalamaya Muqdisho, isla markaana ay si degdeg ah ciidamadeeda ugala baxdo Somaliya. Alla mahad leh. Ing. Naasir Xaaji Cali Shire Xooghayaha siyaasadda ee Xisbiga UCID.
  9. Axmed Siilaanyo Oo Ku Tilmaamay Dagaalka Muqdisho ka socda Kii Hargeysa Siyaad Barre Ku Qaaday Sannadkii 1988-kii Hargeysa (Harowo.com) March 30 -07- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa si weyn u dhaleeceeyey ciidamada Ethiopianka iyo Maamulka Cabdilahi Yuusuf dagaalada ay ku hayaan beelaha magaalada Muqdisho wuxuuna ku tilmaamay Axmed Siilaanyo weeradadaasi lagu hayo Muqdisho kuwa la mid ah duqayntii ay dawladdii Siyaad barre ku qaaday Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Sannadkii 1988-kii. "waxaa muqdisho ka dhacaya waa xasuuq loo badheedhay oo Cabdilaahi Yuusuf ninkaa la yidhaahdo iyo kuwa uu keenay ay ku hayaan beelaha Muqdisho, waan ka xumahay, waa ayaan darro weyn dawlad sheeganaysa inay shacabka u taliso oo haddana xasuuq ilaa heerkaasi ah ku haysa, waxaan dareemaya maanta ta muqdisho ka jirta inay la mid tahay tii hargeysa ka dhacday sannadkii 1988-kii oo diyaaradii hargeysa ka kacday ay dib u garaacayso, waxaa ku dhimanaya waa hooyooyin, waxaa ku dhimanaya waa dumar iyo caruur waxaa ku dhimanaya waa maati, waxaan hubaa in qof caqli leh oo maskax ku jirto uu maanta taasi samaynaayo, waan ka xumahay dhiigga qubanaya waan ka jidhidhicoonaya waxaan ilaahay uga beryayaa in uu ku guuleeyo halganka ay ku jiraan". Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye wuxuu sidoo kale ku tilmaamay Cabdilaahi Yuusuf kaligii taliye ka sii xun Siyaad Barre " Siyaad barre saleelo ayuu noqonayaa, weli dunida aynu joogno maanta lama arag nin yidhahada kaalayo shacabka aan ka dhashay ila laaya, laakiin cabdilaahi yuusuf wuxuu wadaa waa raad qabiil isagaana qoomamayn " ayuu yidhi Axmed Siilaanyo. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayey aqoon badan isku leeyahiin Cabdilaahi Yuusuf iyo wakhtigii halgankii ururkii SNM wuxuuna dhawr jeer xukuumadda somaliland usoo jeediyey in kuna cel celinayey in cadawga Somaliland ay leedahay uu yahay Cabdilaahi Yuusuf, waa hadalkii ugu kulula ee ka soo baxa siyaasi somalilander ah oo lagu canbaraynaayo falalka Cabdilaahi Yuusuf iyo Ciidamada Ethiopianku ay ku hayaan dadka dega magaalada Muqdisho. dhinaca kalana magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dagaaladii ugu cusla ee abid ka dhaca magaalada Muqdisho sida ay xaqiijisay Ururka Laanqayrta Cas ee dunida waxaana la sheegaya in 200 oo qof ay ku dhaawacmeen halka 80 kalana ay ku dhinteen, dagaalada ayaa weli caawa ka sii socda magaalada Muqdisho.
  10. Wararka dhinaca telephoneka ah ee laga soo sheegayo Magaalada Mogadishu ayaa sheegaya in Dagaalkii maanta si wayn Xabashidii loogu jabiyey. Guul Mujaahidiinta xaq udirirka ah.
  11. Siyad Barre used to say "cagta waa marinayna laba usbuuc gudahood waan ku soo afjarayna". The only thing they usually accomplished were to uproot the civilians and the nomads and in the process bolster the insergency with more determined fresh recruits. Xoog dadka laguma maquunin karo.
  12. ^^ Who knows maybe its General Duke Hayle Gebresalaase. Where is he btw? He and his idamaale.com were off air for few weeks now.
  13. Somaliland needs a leader who takes care of her. Someone that helps her walk while she is at the tender age and guides her through the maze. She needs someone that fixes the loop-holes in our constitution, impoves the system and the institutinos for the betterment of the country. It always difficult to find that perfect leader that people are striving for. For instance people really thought Dahir Riyaale, seemingly qunyar-socod political-wise, was such a leader who will improve the system while he is in office.
  14. ^^ He killed 70 or so from the occupying forces Dhaqashada iyo marbuu kaa yahay Dheragu XAARAAN
  15. Originally posted by xox ogaal: who is in control Cerigaabo Her elected leaders do.
  16. ^Is this the village ********* reincarnated as 3.142~? [ March 27, 2007, 11:55 PM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
  17. ^^Anigu very much waa ka helay how you mix Af Somaliga and the English language. Edna Adan was doing very well when she was leading our Foreign Affairs department. She is a very diplomatic lady.
  18. Originally posted by Northerner: quote: otherwise alot of people will read the silence as an agreement LoL,,,,,and where have you been over the last 3 months? That was the crest of the message from our ultra-Sophisticated nomad.
  19. Safarkaygii iyo Ceerigaabo: Magaalo ka aradan Waxqabadka Maamulka Somaliland Magaalada Ceerigaabo waa magaalo istaraatijiya oo dhacda dhinaca bari ee Jamhuuriyadda Somaliland, waana magaalo madaxda gobolka Sanaag, Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxay xuduud la wadaagtaa gobolada Bari, Sool, Togdheer iyo Saaxil. Xaaladda guud ee magaalada Ceerigaabo aad bay u deggan tahay, wax dhibaato ah oo ka jirtaana ma jirto, xagga ammaanka ma jirto magaalada ceerigaabo waxay kaga duwan tahay magaalada Hargeisa, waxaad dareemay muddada aad dhex socoto magaalada ceerigaabo inay leedahay dawlad hoose oo ka wax qabad badan dhammaan dawladaha hoose ee Somaliland, wax qashina oo magaalada dhexyaal oo indhahaagu qabanayaan ma jiraan. Dawladda hoose ee magaalada ceerigaabo waa isha qudha ee laga dheehan karo xukuumadda Somaliland iyada oo dhistay muddooyinkan dambe Musqulo ama (Public Toilets), timajarayaal loogu talo galay dadka danyarta ah oo casri ah, dib u dayactirka gegida ciyaaraha ee Daalo, maaha waxqabadka dawladda hoose intaa oo qudha, laakiin intaasi waa hordhac ay qabteen sannaddan 2007. Magaalada Waxaa ka jira dugsiyo waxbarasho oo aad u tiro badan oo gaadhay illaa 10 iskuul, waxaana wax ka barta arday ka badan 5000 oo arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho, sida ay noo sheegeen qaar ka mida masuuliyiinta wasaaradda Waxbarashada ee gobolka Sanaag mar ay shabakadda Sanaagweb.com wax ka waydiisay inay wasaaraddoodu ka hawlgasho bariga Sanaag iyo inkale waxay noo sheegeen inay dhawaan ka soo laabteen Badhan iyo bariga Sanaag ayna si toos ah u tagaan, lana socdaan xaaladdooda waxbarasho. La soco warbixinaha dambe ee ku saabsan magaalada Ceerigaabo
  20. Magaalada Biyo Guduud Xarunta tababarka ciidamada Somaliland Magaalada Biyo guduud waxay in ka badan 55KM dhinaca bari ka xigtaa magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxaa goobtaas ku yaal mid ka mida xeryaha tababarada Somaliland ugu waaweyn, waxay ahayd 26/03/2007 markii aan safar ku tegey Biyo-guduud si aan ugu kuur galo xaaladda goobtaas ka jirta. Waxaan Biyoguduud ku sugnaa muddo ka badan 6 Saacadood, dadka goobtas ku dhaqani waa dad soo dhoweyn leh, waxaa tuulada biyo guduud ka socda ganacsi u badan meelo cunto, ganacsigaas oo ay sababtay ciidanka ag deggan aaggaas, gebi ahaan goobtu waa meel Somaliland ah, waxaadna dareemay in hadal haynta ugu badani ay tahay siyaasadda Somaliland, waxa qudha ee dadka markaad la sheekaysato aad ka dareemaysid waa iyaga oo aad uga xun waddo la'aanta aadna ugu canaanta xukuumadda Somaliland oo doorashada uun ku gasha. Waxaa xerada tababarada ee Biyo guduud la keenay ciidan laba casho ka hor iyada oo ay horena tababar uga furnaayeen oo ay ku xeraysnaayeen ciidamo kale, waxaan la sheekaystan qaar ka mida ciidamada xeradaas ku xeraysan oo markaas ku sugnaa tuulada Biyo Guduud, waxay ii sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin goobtan ayna aad ugu mahadnaqayaan macalimiintooda wanaagsan, waxay ii sheegeen oo aad u xiiso badnayd in goobtaas loogu diyaariyey waxbarasho ciddii doonaysa, iyada oo loo qabtay macalimiin. Waxay aad uga cabanayeen ciidankaasi iyaga oo ku guda jiray markaas hagaajinta waddo togga biyo guduud ka gudubta, waxay ii sheegeen in aanay haba yaraatee haysan wax qalaba oo ay wadadan ku hagaajiyaan, ayna gacmohooda ku hagaajin doonaan, ayna jeclaan lahaayeen haddii ay helayaan qalab inay iyagu bixin lahaayeen xooggooda inay hagaajiyaan waddooyinka u dhowdhow tuulada. Maamulaha Sanaagweb.com Ismail Hussein Mohammed Erigabo Somaliland
  21. Sanaag Web: Wefti EU-da ah oo Gaadhay Ceerigaabo iyo Kulan ay la yeesheen Madaxda... Waxaa Maanta duhurnimaddii ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo wefti ka EU-da iyo Hay'adda German Agro Action (GAA), weftigan oo si heersare ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo wuxuu ka koobnaa laba xubnood oo kala ah Mrs. Irris Krebber (GAA East Africa regional Director) iyo Mr. Luciano Mosele (EC Technical ***. And Agriculture), waxaa magaalada Ceerigaabo kaga soo horreeyey weftigan qaar mida saraakiisha hay'adda GAA oo ay ka mid ahaayeen Mr. Daniel oo ah GAA Erigavo Project Manager iyo Abdirizak Mohammed oo ah isna Erigavo Project Coordinator. Waxay 3:00 galabnimo kulan la yeesheen kulan madaxda gobolka Sanaag oo ay ku jireen Madaxda degmada iyo kuwa Gobolkuba, waxaana goobtaas ka hadlay Maayarka, Badhasaabka iyo qaar ka mida xubnaha weftigan, waxaana ugu horrayn kulankaas ka hadlay Guddoomiyaha degmada Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur isaga oo aad ugaga mahadnaqay hay'adda GAA sida wacan ee ay ugu heellan tahay caawinta gobolka Sanaag, wuxuu guddoomiyuhu u sheegay weftigan in magaalada Ceerigaabo ay ka fogtahay caasimadda hay'adaha dalkuna ay jecel yihiin oo qudha inay wax u qabtaan goobaha u dhow dhow caasimadda laakiin waxaanu rajaynaynaa inaydin ka duwanaan doontaan oo aad tixgelin siin doontaan gobolkan. Mr. Luciano ayaa wuxuu u mahad celiyey madaxda gobolka Sanaag kuwa degmada Ceerigaabo isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaatinkiisan, wuxuu sheegay inay halkan u yimaaddaan si ay wax uga ogaadaan baahida meesha ka jirta, gobolkiinanina maaha inuu aamuso ee waa inuu u qayliyaa hay'adaha oo baahida ku baraarujiyaa" ayuu yidhi. Waxa kale oo goobtaas ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo sheegay inay ku soo dhoweynayaan EU-da iyo hay'adda GAA gobolka Sanaag, wuxuuna sheegay inuu kala qayb qaadan doono waxqabadkooda, ammaanka hay'ada GAA iyo EU-da ama hay'adaha kale ee caalamiga ahiba annaga ayay noo fiican tahay, laakiin waa inay dhaqdhaqaaqooda nala soo socodsiiyaan si aanu u sugi karno ammaankooda, markay meel u baxayaan waa inay nala soo socodsiiyaan, mana jeclin waxaanay GAA diyaar u ahayn inaanu ku khasabno" ayuu ku soo gebogebeeyey Guddoomiyuhu. Maamulaha Shabakadda Sanaagweb.com Ismail Hussein "Buluke" Ceerigaabo