Suldaanka

Nomad
  • Content Count

    7,318
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    170

Everything posted by Suldaanka

  1. Some ministers who finished their work in Dhahar along with a number of armed security vehicles have returned to Ceerigabo. As usual, vehicles that are carrying Government Ministers drive at high speeds and do not stop over at villages. The SL armed forces are still stationed in their positions in Dhahar.
  2. Wararkii Ugu Danbeeyey: Wasiiradii Somaliland Oo Ka Soo Baxay Magaalada Dhahar Iyo Ciidan Xoogleh Oo Somaliland Ah Oo Soo Gaadhay Deegaanka Yufle Hargeysa (Harowo.com) April 16 -07- Shabakadda Wararka Harowo.com oo caawa iyo saaka oo dhan heegan ugu ahayd akhristayaashayada si aanu ula socodsiino xaaladda deegaanka Dhahar oo shallay dagaal ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Maamulka Puntland ayaa waxaanu khadka telefoonka gacanta goor dhawayd kula xidhiidhnay Weriye Mustafe Maxamed Ciise oo ku sugan magaaladda Dhahar waxaananu ka waraysanay xaaladdu sida tahay. Ugu horayn waxaanu weydiinay Weriye Mustafe Sida ay xaaladda Deegaanka Dhahar saaka ku waabariisatay wuxuuna ku jawaabay "walaal xaaladda magaalada Dhahar way degentahay saaka wax dagaalo ah oo dhacay ma jirto, laakiin ciidanka Somaliland iyo kuwa ******teeniya waxay isku hor fadhiyaan meel koonfur beri ka xigta magaalada Dhahar waxaanay isku jiraan masaafad dhan 30 Km, magaaladana waxaa gacanta ku haya ciidanka qarranka Somaliland". Weriye Mustafe waxaa kale oo uu noo xaqiijiyey in Wasiiraddii xukuumadda Somaliland Waa wasiirkii arrimaha dibadda Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Cayaaraha Maxamuud Siciid Maxamed iyo Wasiirka Gaashandhiga Mudane Aadan Maxamed Mire Waqaf ay ka soo baxeen magaalada Dhahar iyagoo imika ku sugan magaalada Xingalool ee duleedka galbeed ee magaalada Dhahar, weriye Mustafe oo aanu weydiinay sababta keentay in wasiiraddu ay wakhtigani ka soo baxaan magaalada Dhahar wuxuu sheegay in ay wasiiraddu u sheegeen isaga innay hawshoodii soo dhamaysteen haadana ay dib ugu soo laabanayaan magaalada Ceerigaabo, balse ay hadda ku suganyahiin magaalada Dhahar ciidankii Qaranka Somaliland oo uu horkacaayo abaandulaha guud ee Ciidaanka qarranka Somaliland. Dhinaca Kalana Weriye Mustafe oo aanu wax ka weydiinay ciidanka Qarranka Somaliland ee gurmadka ahaa wuxuu noo sheegay in ciidan xoogleh oo ka yimid dhinaca magaalada Burco ay xallay soo gaadheen Deegaanka Yufle oo galbeed kaga beegan magaalada Dhahar "Waxaa soo gaadhay Deegaanka Yufle ciidan xoogleh oo gaadhaya ilaa 30 tikniko ah oo somaliland leedahay isla markaana waxaa dabada ku soo haya ciidamo kale oo gurmad ah oo xad dhaaf ah oo ku qallabaysan tiknikadooda iyo taangiyada dagaalka" ayuu noo sheegay weriye Mustafe. Waxaanu sidoo kale Weriye Mustafe wax ka weydiinay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca wuxuuna noo sheegay in ciidamada Somaliland ay ka dhinteen 2 askari laba kalana ay kaga dhaawacmeen dagaaladii shallay dhacay, wuxuu sheegay in ciidanka Qarranka somaliland ay gacanta ku dhigeen 2 gaadhi oo tiknikadii ay maleeshiyaadka Puntland ka carareen ah kaasi oo uu mid yahay qoriga Suuga loo yaqaano oo loo soo jiiday hadda dhinaca magaalada Xingalool, halka ka kalana uu yahay qoriga Jiibka loo yaqaano oo ah qoriga lidka taagiyada. Waxaa sidoo kale Shabakadda Harowo.com ay markii ugu horaysay heshay sawiro muujinaya maydadka maleeshiyaadkii Puntland oo wadhan duleedka beri ee magaalada Dhahar halkii uu dagaalku ka dhacay. Mar aanu saaka abaaro 8:00 subaxnimo isku daynay inaanu la xidhiidhno Wasiiradda Arrimaha dibadda iyo gaashandhiga ee Somaliland ayaanay noo suurtagelin iyadoo wakhtigaasi ay labada wasiirba telefoonadooda gacantu ay xidhnaayeen balse waxaanu isku dayeynaa inaanu sida ugu dhakhsaha badanleh ula xidhiidhno haddii alla idmo isla markaana waxaanu idiin soo gudbin doona wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda ku geedaaman magaalada Dhahar iyo guud ahaan Beriga Gobolka Sanaag. La Soco Harowo.com oo ah Horyaalka warbaahinta geeska afrika.
  3. ^^Biliteral relations between Somaliland and Ethiopia is something of great importance to both sides. But when it comes to Somaliland's internal affairs, there is no role open for Ethiopia to play. The best Ethiopia can do in this issue is to play the role of an external mediator.
  4. Make no mistake Sxb, the battle between Puntland and SL will draw much attention for Ethiopia because it will change and influence the situation in the South. Today Ethiopia have no where to go back, they are supporting one entity and with their men openly fighting inside Somalia alongside the TFG, don't listed to AFmaacida every sane person can see where their real loyalty lies. Any trouble that SL makes at this stage of the game is to be seen and measured greatly by the Big bro The role Ethiopia can play is to mediate between the two but I don't think it'll choose sides between the two. Let me remind you one thing, it is not Ethiopia that needs Puntland, its Puntland that needs Ethiopia. Somaliland doesn't care what Ethiopia says.
  5. Wasiirka Qorshaynta oo Shir-jaraa’id ku qabtay Ceerigaabo Isaga oo ka soo laabtay.. Ceerigaabo (Qarannews) Wasiirka qorshaynta qaranka Cali Ibraahin (Sanyare) shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Ceerigaabo wuxu saxaafadda ugaga warramay nuxurka socdaalka wefti ballaadhan oo isugu jira wasiirro gaadhaya sida uu sheegay 19 iyo hay’adaha caalammiga iyo waddanigaba isugu jira weftigan oo socdaalkooda kusoo maray inta badan gobollada Saaxil Sool, Togdheer iyo Sanaag. isagoo nuxurka socdaalka weftigiisaanna ku sheegay wasiirka qorshayntu inay tahay dib u dhiska iyo horumarinta Somaliland oo ay ugu weyn tahay sidii deeqaha dalkeenna soo gala loogu sinnaan lahaa. "Muddo 8 casho ah ayaa imminka lagu jirey socdaal aan la nasanayn waxana lasoo maray in ku dhow 91 goobood oo meel kastana weftigu la hadleen bulshada ku nool soona tiro koobeen baahiyaadka ka jira annagoo ku dedaali doonna baahiyaadka jira in la diiwaan geliyo kaddibna warbixin qoraal ah laga sameeyo kaddibna ay jawaab naga heli doonaasn deegaannada iyo degmooyinkuba waxana hawshan si toos ah iyo si dadbanba uga qayb qaatay 21 wasiir iyo shaqaale kale oo badan iyo weliba hay’adaha caalammiga kuwa mixilliga iyo ururro samafba isugu jira waxa kale oo iyaguna ka qayb qaatay xildhibaanno dhammaantoodna waan u mahad celinayaa waxan kale oo u mahad celinayaa dhaaammaanba bulshadii ku noolayd degaannadii la soo maray kuwaas oo aad nalooku soo dhoweeyey". Sidaas waxa hadalkisa ku bi.laabay wasiirka qorshaynta qaranka isagoo hadalkiisa sii watana wasiirku wuxu intaas kusii daray "Tuulooyinka aannu soo marnay ee xagga badda qaarkood sida Shalcaw Xiis iyo Maydh waxa ka dhacay bad-gariir geystey khasaare oo uu burburiyey hanti fara badan arrintaas iyado hay’adaha nala socdana aannu ka codsannay waxannu caalamka u sheegaynaa si deg deg ah in loo gaadho degaannadaas dab-gariirku haleelay waxa kale oo jirta meelaha qaarkood muddo dheer in aan la tegin oo aannu ka aragnay shucuur soodhoweyn iyo firfircooni waxanna odhan karaa safarkayagani wuxu ahaa mid aad loogu baahnaa oo bulshada yididdiilo iyo rajo geliyey amigo rajaynaya in aanu noqon kii ugu horreeyey ee uguna danbeeyey". Waxa kale oo wasiirku intaas raaciyey socdaalkooda in ay muhiim ka tahay sidii deeqaha dalka soo gala loogu sinnaan lahaa oo meel kastana intii awooddu n noqoto loo gaadhsiin lahaa isagoo arrintaas ka hadlayana wuxu yidhi "Dhawr jeer ayaan idin tusay deeqda hay’aduhu sida ay u kala badan tahay meelaha qaarkood oo aan hay’aduhu jooginna waad soo marteen taas ayaa keentay in laysu dheelli tiro oo meel kastana deeqdaas la gaadhsiiyo heshiisna sidaas dawladda iyo hay’adahaba waa lagu yahay waxase muhiim ah in la fahmo horumarku in uu yahay mid bulshada dhexdeeda ka dhasha loogana baahan yahay cid kasta horumarkeeda in ay iyadu la timaaddo ee hay’ad iyo cid kale toonna aanay horumarkeeda ka sugin". Intaas kaddib oo su’aalo kooban saxaafaddu weydiisey isagoo ka jawaabaya wasiirku su’aal kusaabsanayd degaanno ka tirsan degmooyinka bariga Sanaag oo aan weftigani tegin in la tegayo iyo in kalena wuxu yidhi wwasiirku "Degaannada Laasqoray iyo Dhahar waa la tegi doonaa si degdeg ah haseyeeshee manta ma aha waayo maalintii qorshahaasi ahaa in la tago waxa dhacday shaqaaqo annagoo tixgelianyna qaanuunka caalammiga ah ee hay’adaha iyo wada tashiga xukuumadda ayaannu arrintaas wada tashi ka yeelannay waannuna idinla soo socodsiin doonnaa waqtiga la tegayo degaannadaas". Isagoo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd waxka qabashada kalluumaysiga ajnebiga ee baddeennana wuxu yidh "Waqderya markii aynu tagnay waad arkayseen nimankii Carbeed ee kalluumaysatada ahaa ee ciidanku soo qabteen markaa arrintaas wax ka qabashadeeda iyo sidii loo xoojin lahaa wasiirkana waannu kala hadalnay waxana muhiim ah tayaynta ciidanka taasna waa la wadaa". Isagoo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd xagga tamarta dhaqaale iyo beddelista lacagta Somaliga wuxu yidhi wasiirku "Lacagtaas in la beddelo oo laga bilaabo Togdheer qorshaha miisaaniyadda ayay ku jirtaa waase muhiim in waddanku isku xidhnaado taasna waa lagu talo jiraa laakiin Sanaag duruufo u gaar ahi way jiraan waxana lagama maarmaan ah dhaqaalaynta iyo in laysku xidhnaado waana in adadku xeebahooda cammirtaan oo wax kala soo degaan". Ugu danbayn wasiirka qorshayntu isagoo ka jawaabayey socdaalkoodani in uu yahay mid siyaasad ku lug lehna wuxu yidhi "Dadku xaq ayay u leeyihiin wixii ay doonaan in ay yidhaahdaan laakiin waxanleeyahay bal na suga inta aannu wax idinsoo gaadhsiin doonno ama xataa ugu yaraan dib laydiinku soo noqon doono". C/laahi Xuseen Darwiish Qarannews
  6. Dahir Riyaale waa sakhsi, sakhsi waa tagaa, waa joogaa, waa is bedali karaa. Wax walba waa ku dhici karaan qofka sakhsiga ah. Somalilandse waa Qaran, way jiraysa, way joogaysa. Marka kala garo oo kala baro.
  7. Qofka waxaas soo qoray, do you really believe inay dhab ka tahay, that finally decided to believe the dismemberment of Soomaaliya and not ku xumeys of Stoogeka madaxweyne ku sheega ah and his few clanish supporters? I think you are asking that Q the wrong person. But if you are the one querying its authenticity, please do take the necessary steps to verify this. You can start by asking Suldaan Salaad Ducaale Kaahiye if he actually said that or not. And do report back. Dowladda shisheeye maka dambeyn karaan, oo dabadda kama riixayaan goosashadda ay goosanayaan walaalaheen dega Waqooyi, laakiin ogoow dowladda ugu horeyso ku faraxsan inay taas dhacdo, lambar wan, inay tahay Itoobiya? Runteey miyaa, haa mise maya? Dadka rer Somaliland wax kama gelin kii ku farxaya iyo kii ka xumaanaya goaankooda. Waxa wax ka galeen dadkooda wixii u dan ah. Markaa hadii Ethiopia ku faraxsantay, maxaa anaga naga galay? Waxaan kuu sheegaya laakin in Somaliland hiil iyo hooba la garabtaagantay walaalahooda Somaliyeed. Hadii maanta la aqoonsadona Somaliland noqondoonta ta ugu horeysa ee gacanta ugu wayn ka gaysata nabadaynta Somalia. Waana aragtaa, oo ku cashar qaado, haddii Soomaaliyala la kala gooygooyo inay iska dhicin karin Itoobiya. Filinka maanta shidan qof walbaa u jeedo, oo gees ka gees inay Xabashadda xukunto arrimaheena. Been mise maya? Sababtu waxa weeye Somali oon wax isku ogolayn. Hadii Somali wax isku ogoshay waxaas lama arkeen. aa u jeedaa maalinba siyaasiin ku sheega, hogaamiye ku sheega inay Adisababa u siyaartaan, oo amar meeshaas kasoo yeerin ama la socon inay gacan qaadi karin. Waana ogtahay, surely, dagaaladda ka dhacaaya Sanaag inay la xiriirto a final go-ahead from Sanaawi? Haa mise maya? Waad ku khaldantay. Somaliland dagaal dani uguma jiro. Sababta ay wax walba nabad ugu hor mariso ayaa taa daliil u ah. Puntland ayaa weerar kadiso ah ku soo qaaday Somaliland xili dadkii deegaanka u dhashay wada hadal leeyihiin.
  8. The reason why Riyaale sacked Edna Adan Ismail was said to be due to her strong work ethic and organisational skills. In the weekly ministerial meeting she would present her work very neatly and hand every minister papers about the work she's done during the week. She was sacked after she suggested every minister should do like her and present their work in written form.
  9. MMA, Marka hore Soomaalinimo maha wax ku xidhan Somalia oo midda. Mana aha wax ku baaba'aysa hadii Somaliland gooni u goosatay. Laakin waa shay ku jira dhiiga iyo dhuuxa. Marka xigta, hadii dadka rer Mogadishu taageeraan Qadiyadda Somaliland, waxay taageerayaan waa go'aanka ummadda Somaliland. Go'aanka ummadda Somaliland wax kasta waa noqon karaa, haday doonaan midnimo ayay ku go'aansan karaan, hadii kale gooni isu taag. That doesn't mean in rer Mogadishu ayagu aaminsanyihiin Somaliland gooni isu taagto. That is a different story. Marka xigta, Somaliland maha wax ay ka danbeeyaan Dawladdo shisheeye mana aha wax ku xidhan Dawladdo shisheeye oo dan gaara ka leh inay burburiyaan Somalia. Laakin Somaliland waxa weeye rabitaanka shacbiga dega ee ku nool Somaliland. Waa go'aan ku yimid wada tashi badan oo umaddi gaadhay.
  10. Beesha ****** oo beesha caalamka ugu baaqday in la aqoonsado Jamhuuriyada Somaliland. Muqdisho, 12 April 2007 (HawiyeNews.com) - Golaha guurtiga beesha ****** ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay sida ay raali ugu yihiin aqoonsiga in Somaliland ay noqoto Dowlad madax banaan oo lamid ah Jabuuti , Kenya iyo Ethiopian. Golaha guurtidu waxey beesha caalamka ugu baaqeen in si deg deg ah Somaliland aqoonsi buuxa loo siiyo si loo helo cadaalad ka hirgasha geeska Afrika. “Somaliland waxey dhameystiratay dhamaan maamulkii Dowladnimo sidaas darteed beel weynta ****** waxey raali ka tahay in Somaliland loo aqoonsado Dowlad madax banaan” sidaas waxaa yiri Suldaan Salaad Ducaale Kaahiye oo kamid ah hogaanka golaha guurtida ******. In ka badan 300 oo Email oo ay soo kala direen Jaaliyadaha beel weynta ****** ayay sidoo kale ku taageereen hindisaha golaha guurtida ****** ee ku aadan baaqooda aqoonsi ay Somaliland hesho 17 sanno kadib. Qaar ka tirsan Jaaliyada Somaliland iyo kuwa beel weynta ****** ayaa kulan gaar ah ku yeeshay dalka Canada iyagoo ka wada hadlay sida loo sameysan lahaa iskaashi dhinaca bulshada ah, waxeyna Jaaliyada Somaliland oo casuumaada sameysay u muuqatay mid ka danqaneysa xasuuqa lagu hayo shacabka ****** ee Muqdisho. Arintaan ayaa ku began xili xaafadaha Muqdisho laga taagay calanka Somalilland sidoo kalena goobaha ganacsiga qaarkood lagu arkayo sawirka Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, waxaana muuqata in beesha ****** xiligaan garwaaqsatay walaaltinimada ay beelaha Somaliland u hayaan beesha ****** iyo sida lagama maarmaanka u tahay in la aqoonsado.
  11. [Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud oo kulan maanta la yeeshay odayaasha Buhoodleh] Wefdi Uu Hog. Wasiir Ku Xigeenka Hawlaha Guud Ee Somaliland Ayaa Ku Sugan Magaalada Buhoodleh Ee Gobolka Togdhee Hargeysa (Harowo.com) April 12 -07- Wefdi uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka hawlaha guud iyo guryaynta ee Somaliland Md. Cabdirashiid Ducaale Qanbi ayaa maanta gelinkii hore gaadhay magaalada Buhoodleh ee gobolka Togdheer waxaana halkaasi si heer sare ah ugu soo dhaweeyey dadweynaha reer Buhoodleh. Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buhoodleh ayaa sheegaya in Wasiir ku xigeenka iyo wefdiga uu hogaaminaayo ay kula hadleen dadweynaha reer Buhoodleh fagaaraha magaalada Buhdooleh iyagoo halkaasi uga akhriyey farriin uga timid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, wefdiga uu hogaaminaayo Wasiir ku xigeenku ayaa maanta waxay kulano is daba joog ah la yeesheen odayaasha iyo waxgaradka reer Buhoodleh, waxaana maalinta berri ah ay booqanayaan kaabayaasha magaalada Buhoodleh oo ay qiimayn ku soo samaynayaan baahiyaha deegaanka Buhoodleh. dhinaca kalana Waxaa magaalada Buhoodleh dibadda uga baxay maleeshiyaad taabacsana Maamulka ******teeniya ee Puntland iyadoo halkii ay ka baxeena ay soo gaadheen ciidamada Qarranka Somaliland kuwaasi oo gebi ahaanba la wareegay xarumahii dawladda iyo Saldhigii dhexe ee magaalada Buhoodleh, ma jiraan wax xiisad ahi dadweynaha buhoodleh ayaa si diiran usoo dhaweeyey iyadoo xallayna magaalada ay dhex gooshayeen ciidamada booliiska oo kaashanaya kuwa qarranka somaliland iyagoo soo celiyey ammaankii iyo kala danbayntii magaalada Buhoodleh oo muddo dheer aan lahayn maamul adag oo hoos yimaadda Somaliland dhinaca kalana waxaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer lagu wadaa inuu soo gaadho Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefdi ka tirsan xukuumadda oo uu horkacaayo iyadoo lagu wado inuu usii baqoolo dhinaca xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo oo ay sii jogaan raxan ka tirsan golaha Wasiiradda Somaliland oo maalmahii ugu danbeeyeyba ay xarun u ahayd magaaalada Ceerigaabo.
  12. Somaliland to observe Nigerian elections with SPLM, key Africans & international observers International Republican Institute (Washington, DC) PRESS RELEASE April 11, 2007 Posted to the web April 11, 2007 Washington, D.C. The International Republican Institute (IRI) today announced it will send an international delegation to monitor Nigeria's April 21 presidential and parliamentary elections. Representatives from China, Democratic Republic of Congo, Ghana, Hungary, Kenya, Liberia, Mali, Namibia, Poland, Somaliland, Sudan, Uganda and the United States will travel to Nigeria to monitor voting and ballot counting throughout the country. Following the voting, IRI will issue a statement on the findings of the delegation. IRI's delegation will be led by Ambassador Pierre-Richard Prosper, former U.S. Ambassador-at-Large for War Crimes; The Honorable Andras Gyurk, of Hungary, Member of the European Parliament; and Abbe Apollinaire Muholongu Malumalu, President of the Independent Electoral Commission of Democratic Republic of Congo. Other delegates are Israel Akinsanya, National Chairman of Liberia's Liberty Party; Rasheed Ali, aide to the Secretary-General of the Sudan People's Liberation Movement; The Honorable Pagan Amum, Secretary-General, Sudan People's Liberation Movement ; Michael Davis, Executive Director of the Universal Human Rights Network; Dr. Sulley Gariba, of Ghana, Director of the Institute for Policy Alternatives; The Honorable Pawel Gras, Member of the Polish Parliament; The Honorable Carole Hillard, former Lieutenant Governor of South Dakota; Minister Edna Adan Ismail, former Foreign Minister of Somaliland; Ping Jia, of China, human rights lawyer and civil society activist; Christopher Khisa, aide to Member of the Kenyan Parliament, The Honorable Noah Wekesa; Rachael Leman, Policy Coordinator for U.S. Congressman David Dreier; Fan Li, of China, President of the World and China Institute; Dr. Robert Lloyd, Professor of International Relations at Pepperdine University; The Honorable Raila Odinga, Member of the Kenyan Parliament ; Scott Palmer, former Chief of Staff to U.S. Congressman Dennis Hastert; Dr. Peter Pham, Director of the Nelson Institute for International and Public Affairs at James Madison University; The Honorable Manuel Pinto, former Member of the Ugandan Parliament; Dr. Jessica Piombo, Professor and Regional Coordinator for Sub-Saharan Africa at the U.S. Naval Postgraduate School; Ambassador John Price, former U.S. Ambassador to Mauritius; Tommy Ross, Legislative Assistant to U.S. Congressman David Price; Ambassador Lange Schermerhorn, former U.S. Ambassador to Djibouti; Sylvestre Somo, aide to the President of the Democratic Republic of Congo's Independent Electoral Commission; Marc Traoré, of Mali, Vice-Secretary of Programming for the Community of Democracies; Ambassador Charles Twining, former U.S. Ambassador to Cameroon; The Honorable Benjamin Ulenga, former Member of the Namibian Parliament; Beau Walker, Legislative Assistant to U.S. Congressman John Boozman; The Honorable Noah Wekesa, Member of the Kenyan Parliament; Chris Wyrod, Africa Program Officer at the National Endowment for Democracy. IRI staff will also serve as observers and assist in the mission. IRI staff will be led by Lorne Craner, President; Elizabeth Dugan, Vice President for Programs; Stephanie Blanton, Regional Director for Africa programs; and Matthias Naab, Country Director for Nigeria. Delegates will travel to Abuja, the capital of Nigeria, on April 14. Once there, delegates will be briefed by representatives from the U.S. Embassy, Nigeria's National Elections Commission, international and Nigerian nongovernmental organizations, political parties, and representatives of the media. They will also be briefed on the rights and responsibilities of international observers and Nigerian election law. Delegates will then be deployed throughout the country where they will monitor polling stations and identify and evaluate strengths and weaknesses in Nigeria's election system, including campaign regulations, the balloting process, vote tabulation and reporting. IRI will also field a group of 13 Nigerian civil society activists and academics to observe the gubernatorial and state assembly elections on April 14. Since 1998, IRI has played a role promoting Nigeria's democratic transition and has worked to strengthen the political process in Nigeria. Since the 2003 elections, IRI has focused on strengthening Nigerian political parties in the pivotal years between elections. Presently, IRI's efforts are assisting political parties prepare for the 2007 elections. In November 2006, an IRI delegation traveled to Nigeria to assess the countries preparations for the April elections. The report, Nigeria's 2007 National Elections Pre-Election Assessment, was issued in February 2007. IRI has monitored more than 130 elections in more than 40 countries. IRI monitored Nigeria's 2003 and 1999 presidential and parliamentary elections, 1999 state elections and the 1998 local elections.
  13. Maakhir My dear friend, Somaliland meesha xoog kuma tegin. Dadka rer Dhahar ayaa gacanweyn ka siiyey sidii Somaliland maamulkeeda deegaankooda usoo gaadhi lahaa. Ciidamadda Somalilandna waxa ku kaliftay inay u dhaqaaqan Dhahar waa Puntland oo faragalin ku samaysa dadkii deegaanka u dhashay ee Somaliland markii hore u dirtay. Somaliland mar walba waxay u dhaga nugushay rabitaanka shacabka rer Dhahar iyo dhamaan rer Sanaag Bari.
  14. Dhaharians welcome Somaliland Defence Minister and Minister of Sports to their city with excitement. ------------ Wardegdeg ah: Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo Dhahar Gaadhay Sida ay noo xaqjijiyeen Maamulka Gobolka Sanaag waxaa caawa saacaddu markay ahayd 6:50 daqiiqo gaadhay magaalada Dhahar wefti ka socda Somaliland oo ay horkacayeen Wasiirka Gaashaandhigga ee Somaliland Mudane Aadan Mire Waqaf iyo Wasiirka Cayaaraha Somaliland. Waxaa weftigan halkaas ku soo dhoweeyey dadweynaha ku dhaqan magaalada Dhahar iyada oo ay ka muuqato raynrayn iyo farxad. Wixii wara ee ka soo kordha kala soco Sanaagweb.com
  15. ^^That will also be reported here. That is why they call it "news". It changes like the weather.
  16. ^^ if there was a firefight that would be the word to use. But they made the right choice. It's good that it ended peacefully.
  17. As reported by the BBC 1100 service. Dhahar has peacefully changed hands after Puntland retreated overnight. ----------- Xukuumadda Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Ciidamadii Maamul Goboleedka ******teeniya Ee Puntland Xallay Saqdii Dhexe Ka Baxeen Magaalada Dhahar Hargeysa (Harowo.com) April 12 -07- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in habeenkii xallay abaaro 1:00 habeenimo ay ciidamadii Maleeshiyaadka Puntland ay ka baxeen magaalada Dhahar ee beriga gobolka Sanaag, Warsaxafadeed maanta laga soo saaray xarunta Wasaaradda Warfaafinta isla markaana uu ku saxeexanyahay Wasiirka Warfaafinta ahna afhayeenka Xukuumadda Axmed Xaaji Daahir Cilmi ayaa lagu sheegay in ay ogolaadeen in ciidamada Somaliland iyo shacbigoodaba ay ka go'antahay inay gaadhaan xuduudahooda. Haddaba Warsaxafadeed arrintaasi lagu faah faahinayo oo naga soo gaadhay xarunta Wasaaradda Warfaafinta isla markaana uu ku saxeexanyahay Wasiirka Warfaafintu ayaa isagoo dhamaystiran u dhigna sidani: Mar xalay abaaro 1:00 habeenimo ahayd ayay Maleeshiyada ******teeniya ee deganayd agagaarka Dhahar ay ka baxeen iyaga oo u sii qul qulaya dhinaca xadkooda markii ay ogolaadeen inay si kama dambays ah ay ciidanka Qaranka JSL iyo shacbiga gobolka Sanaag ay ka go'an tahay inaanay ka fara laabanayn, welibana ciidanka Somaliland u sii qul qulayo ilaa hadda Jiida hore ee xadka u dhexeeya Somaliland iyo ******teeniya, halkaas oo ay ku qanceen inay iska caabiyi Karin Awooda ka hor timid, ********a in ay Somaliland ka soo dhamaaday dulqaadkii gardarooyinkii badnaa ee maleeshiyada Puntland ku soo geli jirtay xuduudaha Somaliland Mohamed Abdi Hassan (diridhaba) Harowo.com, Hargeisa, Somaliland
  18. ^^Little do they know that Rer Somaliland have already discussed about these issues when it were fresh and still vivid in the minds of all concerned. They met in Burco and then in Borama. It bared the fruits that every Somalilander is enjoying today in peace and prosperiety. The supporters of the Criminal Warlords should worry about the crimes that their uncle is spearheading at this very moment.
  19. Xaaladda oo Deggan iyo Sansaan colaadeen oo la dareemayo Xaaladda Gobolka Sanaag ayaa deggan ayaamahan, iyada oo la dareemayo dhaqdhaqaaq milateri oo ka socda Gobolka Sanaag. Sida ay noo soo tebinayaan weriyayaasha Sanaagweb.com ee ku sugan gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in dhaqdhaqaaq milateri laga dareemayo agagaarka Magaalada Dhahar, iyada oo cabsi laga dareemayo guud ahaan magaaladaas. Saacad kasta waxa la fili karaa inay xaaladdu faraha ka baxdo, uuna bilaabmo dagaal. Waxaa jira khilaaf ballaadhan oo kala dhex galay wax garadka iyo odayaasha Dhahar oo si xooggan uga soo horjeestay maamul la sheegay in ay maaleeshiyaddii Puntland khalkhal ku gelinayeen magaalada dhahar oo ay magcaabeen, haba yaraatee maamulkaas ayay waxba ka socon waayeen ka dib markii golihii deegaanka ee degmada dhahar ee Somaliland uu si kulul u cambaareeyey. Sanaagweb.com Ceerigaabo
  20. Mayor of Dhahar Mr. Ali Kilwe Osman spoke to Ogaal Newspaper over the phone while he was in Dhahar. ------------- Cali Kilwe Cismaan, oo sheegay in uu yahay Maayarka Degmada Dhahar ayaa waraysi aanu khadka isgaadhsiinta kula yeelanay shalay kaga hadlay arrimo la xidhiidha dagaalkii Isniintii ka dhacay Dhahar iyo sida imika xaaladu tahay Waraysigaas aanu khadka telfoonka kula yeelanayna wuxuu u dhacay sidan. S.maayar bal nooga waran sidii ay wax u dheceen,? J. Isniintii ayay nagu soo duuleen, xoog ayaana lagu qabsaday shacabka, dhibaatooyin fara badanbaa loo gaystay, dhinac dhaqaale, dhinac karaamo iyo dhinac sharafeed intaba waa lagaga ciyaaray, dadweynaha meesha dagan waxgaradkiisa iyo guud ahaantiiba waa dad reer Somaliland ah dalkuna waa Somaliland. Nimankaasna deris ayaan la nahay, waayo, xuduudkaa nagu dhow, markaa, waa nagu soo duuleen walina waa na haystaan oo nagama foga, S. Adiga, maayarnimada Somaliland ayaa kuu magacowday miyaa,? J. Anigu, waxaan ka soo baxay golaha deegaanka, Degmada ayaana I dooratay. S.Khasaaraha Dagaalku gaystay waa intee in leeg.? J. dhimasho iyo dhaawac wuxuu kala gaadhay ciidamada, hase yeeshee dhimasho iyo dhaawac shacabka ah imika kuuma sheegi karro laakiin, hadday naxdin tahay, hadii ay baqdin hada jirta tahay iyo hadii ay suuqyada dhaqdhaqaaqooda tahayba, saamayntiisu way badantahay. S.Ciidankii Somaliland ee meesha ka dagaalamay hadda xaguu ku suganyahay,? J. Ciidankii nagama foga. S.waxa la sheegayaa in ciidankii Somaliland ee dagaalamay Ceerigaabo ku soo noqday, taasi ma jirtaa? J. Ma iman ciidankaasi Ceerigaabo, mana tagin, howlihiisii ayuu wataa ciidanku, howgal ayuu ku jiraa, kamana foga Dhahar. S. Markaa miyaa laga itaal roonaaday ciidanka Somaliland? J. Wallaahi ciidankani ciidan dagaal ku talo galay ma ahayn, wuxuu ahaa ciidan meesha kormeer u yimi, isagoo ciidanku wax-badan ilaalinaya nabadgalyada, masiirka umada iyo si aan magaaladu u burburin ayay dib u gurasho sameeyeen oo ceebina kama raacin. S.Halkay joogaan imika? J.Nagama foga oo degmada gudeheedana way joogaan shacabkuna wuu sugayaa. S.Wasiirkii ciyaaraha iyo qoladii halkaa idiinku timi waxa la sheegay in markii dagaalku dhacay ay Ceerigaabo dib ugu soo noqdeen, bal ka waran taa? J. Waa runtaa oo way naga tageen, imikana Ceerigaabo ayay ku suganyihiin, talo ahaana way ku tageen oo Odayaasha, Cuqaasha iyo waxgaradka degmada ayaa go’aan gaadhay oo yidhi naga baxa labadiina qoloba, si aan shacbiga dhibaato u gaadhin, Somaliland-na way yeeshay. S. Gudoomiyaha Baarlamanka maamul goboleedka Puntland wuxuu sheegay in ay maamul u sameeyeen Dhahar ma jirtaa taasi? J.waxba kama jiraan, dadka wax garadkiisa iyo cuqaasha iyo ururada bulshada degmadu may ogayn, iyadoo shir lagu jiro, xaalada dhacdayna ay ka shirayaan dadka wax ka ah wadanku, ayay dad qaadlayaal ah iyo kuwo aan macno lahayni meelahaa wax ka taagtaageen, arintaana waxba kama jiraan, arin iska taagtaag ah oo aan macno lahayn ayay ahayd. S. Ciidanka Puntland ayaa haysta magaalada miyaa imika? J.qayb ayaa joogta. S.Markaa hadii odayaasha magaaladu yidhaahdeen labada dhinacba hanaga bexeen ma dhinaca Puntaland ayaa iska dhaga maray? J. Halkii qolada Somaliland ay go’aanka ka qaadatay, iyagu dagaal ayay ku keceen, Caalamkuna waa ogyahay saxaafaduna waa ogtahay, waxaanu leenahay xuduudaha Somaliland ha ka bexeen. S. Caawa (Xalay) wax shaqaaqooyin ahi ma dheceen? J. Anigu inta aan ka warhayo kolay ciidamo ayaa is hor fadhiya, warka aan hayana ilaa imika waxba ma dhicin, laakiin, goor kasta dagaal wuu dhici karaa waayo, dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa jira. S. Wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiiro kale oo badan ayaa ku sugan Ceerigaabo adigu wax xidhiidh ah mala samaysay? J. Haa, waan la xidhiidhay oo wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka gaashaandhiga, badhasaabka iyo sirdoonka qarankaba waan la xidhiidhay. S.Maxaad is tidhaahdeen markii aad ka wada hadasheen arrintan? J.Arrintan waxa loo arkaa in lanagu soo duulay, waxa weeye waajibka kaliya ee jiraa oo dastuurka qaranka qodobkiisa 9-aadna sheegayaa, in la difaaco dalka oo cadowga laga difaaco, qodobkaas ayaa la qaatay, oo taladu tahay oo aanu yeelaynaa. S. Sowdigan ii sheegaya in codsigii ay aqbashay Somaliland iyo in aanay halkaa tagin.? J. Dadkaasi waxay ahaayeen dad yar oo baaq nabadgalyo jeediyay, waxaanay lahaayeen magaaladu yaanay burburin dadkana yaan wax gaadhin. S.Markaa taasi waxay ka dhigantahay in dagaal loo diyaargaroobayo dhinaca Somaliland, miyaa? J.hadii aanay ka biixin oo ay ku dhiiradaan wadanka in ay ku sii jiraan. S. Hadda adigu ma degmadii aad maayarka ka ahayd ee Dhahar ayaad igala hadlaysaa? J. Haa dhahar ayaan joogaa degmada meel ka tirsan ayaan joogaa. S. Ciidan intee leeg weeye maleeshiyada Puntland ee meesha joogtaa.? J. Anigu tiradooda ma garanayo. S.markii aad dhinaca xukuumada la soo xidhiidhay talada kaaga timid waa in dagmada la difaaco sow maaha,? J. waa qodob distooriya, hadii dalka la soo weeraro. Ogaal
  21. Wasiirka A/ gudaha Sland oo dhismayaal cusub xadhiga ka jaray asiirka arimaha gudaha Mr Claahi Cirro oo ay weheliyo wasiirka cayaaraha iyo sport-ga Mr Maxamud Siciid iyo xildhibaanadii gobolka laga soo doortay’ maamulka degmada iyo madax kale oo badan ayaa maanta xadhiga ka jaray, dhismayaal cusub oo ay hay’ada UNDP u dhistay maxkamada gobolka iyo saldhiga booliiska ee daalo. Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen dadweyne faradan iyo maamulka degmada, iyo gudoomiyaha maxkamada Gobolka iyo ka degmaduba. Ayaa manta lagu qabtay magaalada ceergaabo. Waxa shirkaa furay maayarka degmada Mud: Ismaaciil X Nuur isaga oo u mahad naqay,hay’adii dhistay. Waxa kale oo iyana ka hadashay wakiilka hay’ada Marwo Faadumo Siciid oo hadalo kooban ka jeedisay. waxa soo gebagebeeyey Wasiirka isaga oo mahad naq u soo jeediyey Hay’ada UNDP wuxuu kale oo ku booriyey garsoorka maxkamaduhu inay ku dedaalaan sidii ay caddaalada u sugi lahaayeen isaga oo ugu maahmaahay: hadhkaa qobow ee aynu joogno kulayl haw bedelina isaga oo u jeedey caddaalada ilaasha. Waxaa kale oo wasiirku uga si gudbey saldhiga Daalo oo isna dhisme kale oo ay hay’adu dhistay xadhiga ka jaray .
  22. Wafdi balaadhan oo SL ah oo kusugan Buuhoodle iyo banaanbaxyo kadhan ah oo ka dhacay. Warkii 11-Apr-2007 iyo Qormadii: afnugaalnews Waxaa magaalada Buuhoodle soo gaadhay wafdi balaadhan oo kasocda Somaliland oo u dhashay Gobolka Cayn oo xilal looga soo magacaabay Hargeisa wafdidaas ayaa waxa ay kusugan yihiin magaalada Buuhoodle ilaa maalintii shalay ee lasoo dhaafay iyaga oo markii hore aan wax cilad ah la kulmin. Wafdidan ku sugan Buuhoodle oo xilal sarsare kahaya SL oo ka mid ah kuwa ciidanka iyo ka Gobolka loo soo magacaabay ayaa waxaa kamid ah C/rashiid Raaf, Xamse gaadaweyne, C/raxman Caydiid & Cumar Jubuq oo hada dhamaantood ay kusugan Degmada buuhoodle. Wafdidan ayaa markii ay yimaadeen waxa ay shirar kala gedisan la yeesheen qaar katirsan bulsshada gobolka Cayn oo ay si gooni gooni ah ula kulmeen iyaga oo aan wax dhib ah aysan kaga imaan Bulshawaynta Gobolka Cayn. Hadaba maanta ayaa waxa ay wafdidani la kulmeen mudaharaad balaadhan oo lagaga soo horjeedo iyaga oo ay dadkii halkaa ku mudaharaadayay ay ku dhawaaqayeen haka baxeen magaalada iyo ereyo lamid ah inkastoo ay joogitaankooda ay Buuhoodle joogaan kaliya ku macneeyeen haddii ay iscasilaan. Mudaharaadkan ayaa ahaa mid si wayn looga dareemay Degmada buuhoodle iyada oo ay dhamaan kasoo qayb galeen masuuliyiinta Puntland ee kusugan Gobolkaasi oo si wayn uga soo horjeeda joogitaankooda ay joogaan Buuhoodle rag Somaliland ah. Ugu danbayntii ayaa wararka naga soo gaadhayaa sheegayaan Buuhoodle in ay hada socdaan waanwaan ladoonayo in ay nimankaasi kaga baxaan magaalada waanwaantaas oo ay wadaan odayaasha dhaqanka ee Buuhoodle oo doonayn in wax dhib ahi ay kayimaadaan hawlahan hada taagan.
  23. Banaanbax Lagaga Soo Horjeedo Ciidamada M/Goboleedka Puntland Oo Ka Dhacay Magaalada Dhahar Gallabta Hargeysa (Harowo.com) April 11 -07- Dadweynaha ku dhaqan magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa banaanbax kala hor yimid ciidamo tikniko u badan oo xallay soo gallay magaaladaasi kuwaasi oo ka soo gallay dhinaca magaalada Garoowe. Khadka telefoonka gacanta oo aanu goor dhawayd fiidkii kula xidhiidhnay Weriye Mustafe Maxamed oo ka tirsan Telefishanka Madaxa bannaan ee HCTV kuna sugan deegaanka Xingalool ayaa noo sheegay in maanta gelinkii danbe ay dadweynaha reer dhahahar oo ay horkacayaan odayaasha dhaqanka ee deegaanka Dhahar ay banaanbax kala hor tageen ciidamo halkaasi soo gallay kuwaasi oo uu hor kacaayo Wasiir ku xigeenka Gaashandhiga Maamulka Puntland waxaana ay Ciidamada ******teeniya ee halkaasi ku sugani ay ku fureen rasaas nool, waxaana ku dhaawacmay halkaasi wiil yar oo 16 sanno jir ah xaaladda ayaa qasan caawa iyagoo ciidamada ******teeniya ee halkaasi soo gallayna ay diideen inay dib uga baxaan. dhinaca kalana Ciidamada Qarranka Somaliland oo xallay fiidkii dib uga soo baxay deegaanka Dhahar isla markaana qaatay hadal ka soo baxay odayaasha deegaanka Dhahahar ayaa la sheegaya in caawa fiidkii ay dib ugu ruqaansadeen dhinaca dhulka keynta ah ee ku dhereren deegaanka Dhahar. Dhinaca kalana Sida wararka naga soo gaadhaya magaalada Ceerigaabo tibaaxayaan waxaa halkaasi gaadhay ugu yaraan 15 Wasiir oo ka tirsan golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Somaliland waxaana wararku ay noo xaqiijiyeen in maanta gelinkii danbe ay gaadheen 10 wasiir oo uu horkacaayo wasiirka arrimaha Deegaanka Somaliland Mudane Fu'aad Aadan Cadde, waxaana wararku tibaaxayaan in maalinta berri ah ay wasiiradaasi booqan doonaan deegaano ku teedsan gobolada Sool iyo Sanaag iyadoo sidoo kalana laga cabsi qabo in dagaal horleh marlabaad uu ka qarxo aagagaaasi ay wasiiraddu booqanayaan oo aan maamulka Somaliland si adag u hoos imanin. Qaybta 26-aad ee Ciidanka Qarranka Somaliland ayaa sida warar xogogaal ahi tibaaxayaan waxaa xallay hore loogu rarary aagga beriga iyo waqooyi Beri ee gobolada Sool iyo Sanaag iyadoo lagu xoojiyey cutubyo ciidamada Qarranka Somaliland ah oo hore halkaasi u joogay. Wararka caawa naga soo gaadhaya dhinaca magaalada ceerigaabo ayaa sheegaya in xubnaha golaha Wasiiradda somaliland ee halkaasi ku sugani ay caawa fiidkii lahaayeen kulan albaabadu u xidhnaayeen kaasi oo saxaafadda gebi ahaanba loo diiday, iyadoo ilo xogogaal ahina u xaqiijiyeen Shabakadda Harowo.com in wasiiradda Somaliland ay ku soo kordhiyeen qorshahoodii socdaalada ay ku tagayaan deegaanada hoos yimaadda gobolada Sool iyo Sanaag tuulooyin cusub oo aan hore qorshaha ugu jirin. Xaaladda Saansaanta dagaal iyo xiisadaha ayaa laga dareemaya tuulooyin badan oo ku teedsan beriga gobolka Sanaag sida Xingalool, Xadhka lagu xidh, Laasqoray iyo kuwa kale oo ku teedsan. wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladdaha wefdiyada wasiiradda Somaliland kala soco Shabakadda Harowo.com Mohamed Abdi Hassan (diridhaba) Harowo.com, Hargeisa, Somaliland Email: diridhaba@gmail.com
  24. Ciidamada Qarrank S/Land Ayaa Gallabta Isku Wareejiyey Magaalada Dhahar Iyo Wefdigii W/Cayaaraha Oo xingaloo Lagu Soo Dhaweeyey Hargeysa (Harowo.com) April 12 -07- Wasiirka wasaaradda gaashandhiga Somaliland Mudane Aadan Maxamed Mire Waqaf iyo saraakiil ka tirsan taliska guud ee ciidanka Qarranka Somaliland oo ay horkacayaan guutooyin ka tirsan Ciidanka Qarranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la sheegaya inay gallabta gaadheen deegaanka Shimbiraale oo 12 Km Waqooyi galbeed kaga beegan Deegaanka Dhahar ee beriga gobolka Sanaag. Dhaqdhaqaaqa Ciidanka Qarranka Somaliland Oo Kululaya Deegaanka Dhahar Weriye Mustafe Maxamed Ciise oo ka tirsan Telefishanka Madaxa bannaan ee HCTV oo aanu goor dhawayd khadka telefoonka gacanta kula xidhiidhnay isagoo la socda cutubyada ciidanka Qarranka somaliland ee hadda ku sugan deegaanka Shimbiraale ayaa noo xaqiijiyey in ciidanka Qarranka Somaliland ay go'doomiyeen cidhifyada koonfureed, waqooyi iyo galbeed ee magaalada Dhahar isla markaana laga yaabo inay caawa goor danbe kululaan badhtamaha magaalada Dhahar oo ay dorraad dib uga soo laabteen, weli aagaasi lagama soo sheegin wax iska hor imaadyo ah balse gudaha magaalada Dhahar ayaa laga dareemaya cabsi weyn oo laga qabo dagaalo qadhaadh oo ka dhex qarxa iyagoo dadweynaha iyo odayaasha magaalada Dhahar-na ka dalbanaya maleeshiyaadka Maamul goboleedka ******teeniya ee halkaasi ku sugan inay iskaga baxaan magaalada. Dhinaca kalana Wasiirka wasaaradda Cayaaraha Somaliland Mudane Maxamuud Siciid Maxamed iyo wefdi uu hogaaminaayo oo iskugu jira xildhibaano iyo golaha guurtida ayaa ku sugan deegaanka Xingalool oo waqooyi beri kaga beegan magaalada Dhahar iyagoo halkaasina kula hadlay shacabka reer xingalool duhurnimadii maanta wefdiga wasiirka ayaa waxaa la socda guddi qiimayn ah oo xallaytoole lagu magacaabay shir albaabadu u xidhnaayeen oo ay golaha wasiiradda somaliland ku yeesheen magaalada Ceerigaabo. Wasiirka Cayaaraha Somaliland Md. Maxamuud Siciid Maxamed ayaa u sheegay dadweynaha reer Xingalool inay Dawladda Somaliland ka go'antahay sidii gargaar dhinac walba leh looga gaysan lahaa deegaanka xingalool iyadoo ayuu yidhi la dhisi doono kaabayaashii dhaqaalaha iyo bulshada sida iskuulada, xarumaha caafimaadka, waddooyinka iyo in xigalool lagu xidhi doono dhammaanba degmooyinka kale ee somaliland gaar ahaana deegaanada gobolka Sool. Boqolaal qof oo reer xingalool ah ayaa iskugu soo baxay isla markaana si weyn usoo dhaweeyey wefdiga uu hogaaminaayo Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Somaliland Mudane Maxamuud Siciid Maxamed waxaana la sheegaya inay wefdigu u ambabaxaxyaan deegaano kale maalinta berritoole ah. Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa u noqotay xarun ugu yaraan 29 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo weliba 30-meeyo mudane oo iskugu jira xildhibaanada golayaasha guurtida iyo wakiiladda iyagoo kulano is daba joog ah ku yeesha xarunta madaxtooyada ee magaalada Ceerigaabo, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali Ciro ayaa kulanadii xallay ay golaha xukuumadda ee ku sugan magaalada Ceerigaabo iskugu yimaadeen guddoominaayey. Wixii ku soo kordha xaaladda Deegaanka Dhahar iyo weliba wufuudda wasiiradda iyo masuuliyiinta somaliland kala soco shabakadda Harowo.com oo heegan kuugu ah .