Suldaanka

Nomad
  • Content Count

    7,318
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    170

Everything posted by Suldaanka

  1. Fatah, It isn't about whether Lascaanood is 50% or 100% anti Somaliland or pro Somaliland. It is about, where LA falls on the international border. Lascaanood falls inside Somaliland borders as was drawn by colonialism.
  2. ^^I am affraid to say that is an inherent misinformation about Somaliland's restoration of soveriegnty. The SNM never decided anything on its own. Somaliland came about because of a communal consensus. Wixii lagu saxeexay 1991kii ee lagu dhaartay ayay Somaliland ka dhalatay. It isn't only some in Lascaanood that oppose Somaliland. You can find indivituals who oppose Somaliland in every region. Eventhough these people may predominate in certain districts or region, yet we collectively see them as "anti Somaliland" and as far as these are concerned they make a minority in Somaliland. It isn't unique to Somaliland to have people of different opinions and point of views, we respect their position but this country can't afford to be divided into mini-me-lands.
  3. ^ Sxb, Somaliland has borders, it never wanted anything more nor less than its internationally known borders. Besides, if my memory serves me correctly, it was a prominent Puntland official who once discribed these regions as "useless barren hills, worthy of no ones' blood". If that is how Puntland sees these regions, they can volunteerly quit claiming it and leave to those who value it.
  4. Mansa, It is interesting how you and our other nomad Sophist have to recite verses from the clanish poems of Gubba chain. Since there is no clan warfare in Sool region and to my knowledge people from that region of different clan backgrounds happen to get along pretty very well and are at peace with each, I don't see why you or anyone would even evoke the Gubba memories to incite clanism between brotherly peoples. As far as the Somaliland state and its machinery is concerned, it isn't clanish. I can even go as far as saying that the predominant clan of Somaliland is unfairly being treated when its politicians and its clan elders being thrown behind bars for no apparent reason. Somaliland is open to any clan and the people of Lascaanood have every right to lead this nation to become peaceful and prosperous for all of us.
  5. foreign journalists cover the story about the defeat of the Puntland melitia locals listen to SL officials give speech
  6. In a long interview with local media, the former Minister of Interior of Puntland talks about a lot of things including his desire to run for the presidential elections of Somaliland. Xaabsade was asked where he stands in the Somaliland political divide, the opposition or the governing party. This is his reply to that question: “Anigu horta marka hore xisbi ma ihi, haddase dawladaan la shaqeeyaa, oo ciidan wanaagsan oo berigii iigu dambaysay aanay hore ulahayn, Puntland-na aanay lahayn, dawladdii hore ee Somalia-na waqtiyadii dambe aanay lahayn ayay leedahay, taasi oo la moodo inay tahay waxoogaa ilbaxnimo ah oo la gaadhay, isla markaana la odhan karo waa guul lagu faani karo ”. Xaabsade ayaa u eeg nin ka soo gun-gaadhay Qabyaalada daciifka ah ee Garoowe ku beerlaxawsanjirtay dadka reer Lascaanood. waraysigii oodhan
  7. somalidiideey Somalidiid? Who are you refering to as Somalidiid? Magaca dalka ayaaba la dhahaa "Dhulkii Somalida" SOMALIA-diid (the country that existed between 1960-1991), yes. Somalidiid, no.
  8. ^^ It is natural that theives and violence-perpetrators and former loyalists try to take advantage of the lawlessness during the change-over period, in any situation. This is no different. And its a good first step to work together with the local elders and bring back the law and order, inorder for businesses and normal day to day work to resume.
  9. Shir looga hadlayay amaanka oo maanta ka dhacay Guriga Gobolka ee magaalada Laascaanood . Waxaa maanta ka dhacay guriga Gobolka ee magaalada Laascaanood shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen maamulka Somaliland masuuliyiintooda hadda ku sugan gudaha magaalada Laascaanood iyo shacabka magaalada oo ay la kulmeen. Shirkan ayaa waxaa looga wada hadlayay xaalada Gobolka iyo sidii xalaadeeda nabad galyo si rasmi ah dib loogu soo celin lahaa iyada oo aysan dhicin wax rabshado ah oo ka dhaca magalaada kuwaas oo ay sameeyaan dadwaynuhu ciidamaduna aysan waxba ugaysan. Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud (Cali Sandule) oo shirkaasi gudoominayay ayaa waxa uu halkaasi ku furay shirkii shirkaas oo ay kasoo qayb galeen Odayaal kala matalayay Beelaha Gobolka ayna u hadleen beesha iyo sida Gobolka nabad looga dhalin lahaa. Waxaa goobtaasi ka hadlaya Gudoomiyahay Gobolka Cali Sandule,Axmed Cabdi Xaabsade,Ibraahin Caydiid Dhadhable Abaanduulaha ciidamada Somaliland Xuseen Taarwale taliyaha qaybta Police-ka Gobolka iyo qaar kale oo ka mid ah masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka hadda ku sugan iyo waliba Odayaal dhaqameed u hadlayay shacabka. Qodobada ugu muhiimsan ee laga hadlayay:- Nabada Galyada Gobolka siday ku soo noqon lahayd. Gudi Saddex iyo Sodon ah oo Gobolku yeelanayo si ay uwadaan hawlaha Gobolka. Sidii loo dhaqaajin lahaa maamulka Gobolka. In ay shacabka Gobolka ay isugu yimaadeen wada tashiyo ay kaga wada hadlayaan nabada Gobolka. Wacyi galin lagu sameeyo dhinaca nabada. Shirkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan masuuliyiinta maamulka Somaliland ee la wareegay gacan ku haynta magalaada Laascaanood iyo shacabka magaalada oo qaar kamid ahi ay ka hor yimaadeen maamulka Somaliland in ay ka taliyaan Gobolka. Hadaba shirkii maanta ayaa ahaa mid u muuqday in ay si wayn isugu afgarteen masuuliyiinta Somaliland iyo shacabkii halkaasi isugu yimi ee samaynayay wada tashiyada iyadoo lagu heshiiyay dhamaanba qodobada kor ku xusan maamulka Somaliland hadda u muuqdo mid doonaya inuu kasbado shacabka. Isku soo wada duuboo maamulka Somaliland ayaa waxa ay muddo saddex casho ah u qabteen odayaal dhaqameedkii inay soo af jaraan mudaharaadayaasha ka socda gudaha magalaada oo ay la sameeyaan wada tashiyo dheeri ah haddi kale wixii saddex daa ka danbeeya ay soo galin doonaan ciidan ka Somaliland si uu wax uga qabto.
  10. Documents found on a captured Colnel from the Puntland side. Troops stationed at the Eastern checkpoint local residents come to greet the troops The troops in formation (salaan qaadasho) to welcome SL leaders for a breifing. Somaliland Leaders in session armed vehicles patrolling nearby more pictures
  11. ^ Duq Gaboobey wax u roon afkii inu dabooshaaye Marse hadduu duleeddada ka ciyo waa Darxumo weyn Markii dhirbaaxo kulul lagu dhufto ayaa waxkale oo cumaamado xidhan u sawirmaan.
  12. Duke, Maxaa dhacay, awoowe? I expected you guys to put up a little more firework. Sidii xoolaha ayuunba go'a la idiin riday deedna Garoowe ayaad ka soo jeedsateenba. :eek: Maxaa ka jira ninkii beloda ahaa ee Xiif Cali Taar dhaawac halis ah ayuu Garoowe u yaala?
  13. Warkan lagu farxo in badan ayaa la sugaayey ee maanta ma soo dhacay. Now that the Puntland melitia have been decisively defeated, Somaliland army should withdraw from the city center to the outskirts leaving local administration to use locals to police the streets. Great news.
  14. ******, I hate these clan militias were ever they be. People of Burco dont need this type of incident. I bet you meant: ******, I love these clan militias were ever they be. People of Burco do need this type of incident. what is the latest news?
  15. Suldaanka

    LasAnod

    Originally posted by Hunguri: Suldaan, Goormaa Laascaanood noqotay meel aan reerka dagaa lahayn? Mark my words. Wallee meel fog ayaa laga dooni doonaa nabada maanta la haysto. Geed ayay ku laalmaysaa hadii sidaa wax u socdaan wax ka badalmi waayaan. Hunguri, Lascaanood reerka iskaleh laiskuma hayo. Waxa la iskuhayaa waa xadka halkee Lascaanood kaga taala? Tan kale, nabadda waatii mar hore hore Puntland gabi ka tuurtay. Marwalba cidda dagaalka bilaabtaa waa dhinaca Puntland. Qabiilada wada degaa gobolka isma hayaan, waa dad walaalo ah oo nabad ku wada nool. Umalayn maayo in reerahaas dani ugu jirto dagaal qabiili ah inay midkoodna ula kac u bilaabo. Maamulka Somalilandna sida taariikhda lagu hayo wuxu ka shaqeeya wada noolanshaha iyo wada jirka dadka rer Somaliland.
  16. Gudoomiyihii ergadii dhexdhexaadlnta Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa soo saaray warbixin dheer oo qoraal ah oo xanbaarsan talooyin culus oo si toos ah ugu socda Madaxweyne Rayaale iyo hoga tusaalayn guud oo ka dar-daar warinaysa xaaladda dhinacyada kala duwan ee dalku maanta ku suganyahay, oo u baahan ka hor tegid wax ka qabasho iyo toosin. Qoraalka Abwaan Hadraawi soo saaray oo aad u dheeri waxa uu u dhignaa sidan: "Sida laga warqabo waxaa dhawaan magaalada Hargeysa laga aloosay abaabul ku wajahan dhexdhexaadinta dhinacyadii isku maandhaafay talada dalka. Gaar ahaan golayaasha, mucaaradka iyo muxaafidka ama axsaabta siyaasiga ah iyo madaxtooyada, Waxaa laysku deyey in dhinacyada is haya ee isu iman kari waayey ama iyagu heshiin kari waayee la isu soo jiido, khilaafka iyo waxay isku hayaana loo kuurgalo ama lala ogaado, si yuhuun, niyadsami wada shaqayni ka dhalato loo helo, taasoo maslaxad u noqon lahayd dalka iyo dadka. Dhexdhexaadintaas rag baa iyagu isu xilsaaray, umadduna way ku garab taagnayd.. Guddida dhexaadintu waxay ku dheeraatay dhabbadhabbayn iyo inay dhinac walba kol ama laba ama saddex goor gooni ula kulanto si ay u ogaato dareenka dhinac walba ka jira iyo waxa dhinac walba xal u arko. Dhinacyadii is hayey waxay muujiyeen dareen xanbaarsan yididiilo, waxay balan qaadeen in dhinac waliba fuliyo waxa guddida dhexdhexaadintu soo garato. Ka dibna waxaa suuragashay in madaxtooyada, golaha wakiilada, golaha guurtida, labada xisbi siyaasi (UCID iyo KULMIYE) laysa soo hor fadhiisiyo, hawshaa iyada ah qaybtii macnaha weyn yeelan lahayd laguma guulaysan. Anigoo ka mid ahaa Guddida isu xil saartay waawaan raadinta waan ka warqabay in qalad meelo badan iyo siyaabo badan u jiro. Laakiin waxaan muddadii dhexdhexaadinta ku baraarugay in khaladka ugu weyni ka jiro madaxtooyada, madaxtooyaduna waxay ahayd inay noqoto wado xaadhan oo loo sii maro sixida khaladada jira. sidaan filayo khaladka madaxtooyada ka jiraa kulligii salka kuma hayo badheedh iyo qab-qab dhaafay, waxaa ii baxay in madaxtooyada aqoon la'aani ka jirto oo aanay kaba warqabin hannaanka dawladnimo iyo macnaha ay xanbaarsan yihiin ereyada dawladnimo iyo madaxtooyo. Waxaan ogaaday in aragtidada madaxtooyada ka jirtaa aanay dhaafsiisnayn, tuducan gabayga ah: Garashadu hadday ruux latahay, Suu u garanaayo, Garaadkiisu suu qabo, Haddii loola garan waayo, Gardarruu u qaataa ninkii yidhi gaaraadkiis. Labada magac, dawladnimo iyo madaxtooyo waxaa haboon in si xeeldheer loo faaqido, ka dibna iyadoo qoraal ah lagu dhejiyo kursiga madaxweynaha hortiisa, balse iminka aan isku koobo dhawrkan qodob ee hoga tusaalaha ah. -Madaxtooyadu waa huga, hoyga iyo haybadda umadda. -Waxay astaan u tahay macnaha iyo milgaha dawladnimo -Waa halbowlaha iyo xididada dhiigga is dhaafdhaafiya ee marba dhan u talowsha. -Madaxtooyadu waa barta laga ilaasho, lagana saxo khaladka soo dhexgala hay'adaha dawladda -Waa majaraha iyo majiiraha geeddi socodka qaranimo lagu jiheeyo, -Waa muraayad gudaha iyo dibaddaba ku wajahan oo ummad qaranimadeeda laga daawado, wufuuda caalamka debeda ka timaada mar walba socodkoodu wuxuu ku salaysan yahay war doon. War raadintooda waxay ku horeeyaan madaxtooyada sida la wada ogyahay, marka horeba waxay indhaha ku dhuftaan Madaxweynaha iyo xafiiskiisa. Inta aan arimaha rasmiga ah loo daadegin haasaawaha hordhaca ah ayey fekrad kaga qaataan madaweynaha. Marka rasimaga la gudo galo waxay u fiirsadaan abaarta madaxweynaha, arinta uu ka hadlayo iyo habka iyo hanaanka uu uga hadlayo. Haddii madaxweynahaas kalsoonidu ka lunto su'aalo iska soo hor jeeday ku weeraraan markaasay marba si u hor cararaan. Haday gawaan raac, marin hababin ama buunbuunin ka dareemaan waxaa u caado ah inay buruud shiilaan oo ay duur-xul dhaliilihiisa ugu sheegaan. Runta ay qiimayntooda ku salaynayaan waxay kala soo dhex baxaan beenta uu ku gabado hadba waxay madaxtooyada kala kulanto ayaa dadka iyo dalka faa'iido ama khasaare u ah. -Marin habaabinta, buunbuuninta iyo beenta madaxtooyo sheegto ayey kala soo dhex baxaan runta iyo xaqiiqda dalkaas ka jirta -Sida lagu yaqaano madaxtinimadu waxay leedahay milgo, asluub iyo astaan ilaalisa haybada kursiga iyo xilkaas madhaafaanka ah. -Waxaa madaxtinimada lagu yaqaan is dhawrid iyo afgobaadsi iyo had iyo jeer abbaar sugan oo qorqoran. -Erey kasta oo ninka umada u caleemasaarani yidhaahdaa waa rasmi, kefed iyo miisaan buu saaran yahay, wixii qadafa ama meel kadhaca lagama aqbalo. -Ninka madaxda ah Hadalkiisu waa in aanu ku miimin hasaasaha iyo haloosiga suuqa dhex qaadaya. -Madaxtinlmadu inta badan kama jawaabto wax kasta oo iyada wax ka sheegaya, haddii ay ka jawaabtana waxay kaga jawaabtaa hab iyo hanaan aan madax banaanayn lyo weliba hubsiimo si degan loo yidhaahdo. -Madaxtinimadu ma beeniso mana dadafayso, muran ma geliso wixii gar ku ah. Hadii sidaas lagu barto waa dhaliil wayn oo lafa jab ah dhinaca kalena garashadu waxa ay ina bartay in aan run mutuxan xadhko caabiyaa jirin. -Madaxtinimada erey kasta oo lagu yidhaahdaa kama hadliyo oo dareenkeeda ma shido. -Jawaabta Madaxweyne bixiyaa ma haboona inay marwalba noqoto maya iyo ma jirto. -Madaxtooyada iyo kursiga madhaafaanka ah nuxurka iyo dhadhankaa ka luma haday wax walba ka jawaabto, ama arimaha si fudayd ku jiro u gasho. -Marwalba qofka Madaxtooyada wax ka sheegaa ma khaldana, canbaarayn iyo caardumina uma jeedo dhaliilaha runta ahna laguma horjoogsan karo ereyo afdhabaandhab ah iyo weliba dardaar werin aan cidna lagu didinkarayn. -Madaxtooyadu iska mooska dhaliilaha loo soo jeediyo waxay u yeelataa Wasiiro, kuxigeeno iyo af-hayeeno iyo cid Madaxweynaha uga fara dhuudhuuban oo arimahaas ka hadasha. -Ma aha in marin laga dhigto in qofkasta oo hadla Madaxtooyadu boodhka ku liqdo si ay iyadu gar iyo gardaro u guulaysato. -Macne kuma jiro in Madaxweynuhu noqdo keeb la yuurur runta ka indha qarsada. -Qaranimadu halis bay ku jirtaa hadii ninka u bokhrani caado ka dhigto, anafo iyo aar goosi ama qaado cudurka la yidhaahdo kal-didsan oo uu arin kasta laalo si mar walba loo sii kala fogaado. Sidaan marar badan u idhi madaxtinimadu: tooghayn iyo feejignaan bay leedahay, odoros iyo awaal-deyis bay leedahay, samir iyo dulqaad bay leedahay, tasaamux iyo tanaasul bay leedahay, Isla day-dayid iyo maxay dantu ku jirtaa bay leedahay, Siday nolol iyo nabad gelyo ku jiri kartaa bay leedahay, In lafaha laguro xaragana aan laga tegin bay leedahay, Dugsi iyo daar gobanimo bay leedahay Xishmo iyo is xaqdhawr bay leedahay Xirib iyo xeer ilaalin bay leedahay Cadaalad iyo garsoor la dugsaday leedahay Erey la dhaafiyo dib u dhigashay leedahay Dugaal iyo damal la hadhsaday leedahay Digtoonaan iyo daymo fog bay leedahay Intaas iyo in ka badan bay leedahay. Hadal sal buu leeyahay, biyo gororka sheekada iyo ujeeddada aan maqaalkan uga gol leeyahay, waa in madaxtooyada digtooni iyo aqoon siyaasi ahi ka jirto oo aanay indhaha shacabka iyo indhaha caalamka maro xuub caaro ah (khafiif ah) ka hagoogan. Waxaan madaxweynaha mar kale ka codsanayaa in raga miisaanka leh ee Qaran si niyadsamiyi ku jirto uu u sii daayo, waxaan ogahay in madaxweynuhu sidaa yeeli karo isagoo aan geed ku xoqosho iyo cudur daarro keenin, mar haddii hannaanka dalku ku socdaa yahay qarba-boosh, xeer jajab, gola ka fuul, la jiifiyaa iyo la joojiyaana banaan. Waxaan mar kale madaxweynaha u soo jeedinayaa in ragaas si xushmad leh loo sii daayo oo aan xorriyaddooda lagu sii dhegin, xaquuqda siyaasiga ahna aan waxba lagu gudbin. Madaxweyne, waxaan kugu baraarujinayaa inaad qodabadan hoga tusaalaha ah dhinaca wanaagsan iska taagto si aad u ogaato inaan adiga kula jiro oo aanan kaa soo horjeedin. Madaxweyne aniga hay Jawaabin ee qaranimada kuu yeedhaysa u jawaab. Qof kasta oo dareeen wadaniya leh waxaa kashiisa lulaya werwer ku saabsan xaalada dalka iyo dadku ku sugan yihiin, haddii culayskaas dadka saarani sii foondhaafo waxaa la filaaba waa in xaajaba faraha ka baxdo, waana masuuliyad aan berito laga baxsanayn ama aan si fudud lays kaga leexin karayn. Nin kasta oo masuul ah waxa uu isu min guuriyey iyo malihiisu waa been hadii masuuliyada uu hayaa ay lunto. Masuuliyada ugu weyn ee dalka iyo dadku waxay saaran tahay Madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada xaajo cad iyo xisaabtana way danbeeyaan haddii la noolaado. Dhiilada aan guud ahaan umadda ku baraarujinayaa waxa weeye, sida ay u sii gurmayso iyo sida ay u baraad la'dahay waa kaaf iyo kala dheeri, arintu halka ay ka fadhidaa waa kaalinta hogaaminta iyo shacabka oo aan meel laba ka soo gelin talada dalka. Qofba wuxuu ku dagan yahay Halkuu daacad kaga hadho Nin kastoo dardaro kulul Dabar lagu ceshaa jira Diin kastuu la soo shiro Dacwad baa ka furan kale Dunta Bili nin lagu xidhay Dabin loogu yimi bahal Haddii aano loo dilo Doqoniimo ugu filan Cirka sare nin degeshaday Dayixiyo marmarijirey Xiddigaha la deriska ah Markuu hoos u soo dego Dhulku wuu dirsoocaa. U danbayn, maansadan waafaqsan dulucda ujeedada iyo xaalada jirta, waxay ka hadlaysaa xeerka nolosha iyo waajib gudashada Bani'aadamka korkiisa la saaray iyo haddii waajibkaa la gudan waayo guul-darrada imanaysa, maansadan soo socota magaceeda waxaa la yidhaahdaa: Maansadan soo socota magaceeda waxaa la yidhaahdaa: SARDHO KULUL Marka hore salaantii Socotada u meel tiil Marka xiga sideedii Duni iyo su’aasheed Labadeeda sooyaal Sidig nirig wadaagtiyo Isa saaran maahee Samo xumo hor joogiyo Laba kala sokeeyoo Kala seeran weeyaan, Haddaan suubban loo deyn Sumaddeeda dhalashada Kala sooca labadaas Duni lagula saayirin Sinji doorinteedaan Runta laga sal gaadheyn Haddii fool sawaabkiyo Lagu wado far iyo suul Waxa Aadmi soli kara In siyaasad lagu furo in sabaansab lagu furo Nin ku seexday waa yaab Xaqu waa sunniyo faral Marna waa sir iyo caad Misna waa sal iyo baar Camalkaa sed lagu xidhay Qofba saami mudan yahay, In sinnaanta laga dhigo Kala soof in gudashada Qofba dhinac ku sare kaco Rabbi waa Samaalee In samaan u xilashada Samihiisa lagu helo Samo samo la dhaafishiyo Sare iyo tu hoosiyo Isa sudhan ha noqotaa Sababuhu u dhacayaan Noloshuna ka samirkiyo Ha sabbayso maahee Sifo lagu daryeeliyo Suxul lagu ilaashiyo Sacab lagu horjoogiyo Suntan malab ka luliddaa Hiyi lagu sarbeebaa Sebennada xujeynta ah Wakhtiyada saboolka ah Qofku inu sarriigtiyo Inu saanta raransado Sabirkaw dhexeeyoo Sado waxay macaantahay Marka loo sid tiriyoo Qofba saakadiisaa Ku sargo’an runtiisee Waxan suuro geli Karin In yaqiinta lagu sugo Marba xadhig la soohiyo Haddaan seeto loo hayn Naftu way sawaxantaa Hadday saar ku nool tahay Marka saabku madhan yahay Saxarkay ka gubataa Subaxday gurracantahay Haddba surin qalloociyo Salawgay ku dhacantaa Marba suun in lagu xidho Laga jiro su’aalaha Sal fudaydku weheshado Cishadeeda lagu simo Sooryaadeedu waa taas Duni iyo sureerkeed Iyo sawrac guurkeed Sabo lagu negaadiyo Sumbbo aan dab lagu shidan Hadba kay ku sugan tahay Innagaa ka sahanoo Dabinkiyo sursuuraha Ha ku socoto maahee Haddii suurka loo tumo Saymaheeda meel yaal Innagaa ku Soconoo Qof sansaanka muuqdiyo Sadarada akhriyayaa Belo saadin maayee Sanqadh buu ka digayaa Selel lagu dareemee Hadba taan la sidan Karin Sahal lagama yeeshee Ku saliya Rasuulkii. Run-saluugga fara badan Suruc baa ka beermoo Kol hadday ku sabayaan Col sariirta diidiyo Saqda dhexe fal-gunudadu Talo kuuma sarinsana Siduu doono yeeloow Kol haddaanad suurayn Sababaha lurkaaga ah Runi kuuma saafnee, Sannadaha cimrigu galo God sagaal jir lagu dedo In siddeetan lagu qodo Ka sadqayso weeyee Kol hadday ku seegeen Saddexdii ammaanood Sayidnimadu sheekiyo Iska sidasho maahee Sidaad doonto yeelkaa Sixir baa hor kacayee Kol haddii mugdigu simay Sumuc loogu mala deyey Soddonkeeda maalmood Sahwi iyo xanuun tahay Ninka lihi ka saahiday Culimada safkeediyo Weliyada sancayntiyo Nin siraata yeelkii.
  17. very sad walaahi. These people had everything just over a year ago when the ICU was in control. Their future was bright and they were rebuilding mosques, opening up roads which were blockaded by warlords for over a decade. Mogadishu's markets were bustling with life and economy was booming. Look at it now? its horrendous. And its the international community that is to blame because they sanctioned the illegal Xabashi invasion and bankrolled the former warlords now under the socalled TFG coalition. There will come a time when those responsible for this carnage is brought to justice. Insha allah
  18. Suldaanka

    LasAnod

    ^^Habar fadhida legdin wax uga fudud Meesha qabaailo isma hayaan, waxa meesha ku hardamaaya waa maamulo. So my dear Mansa Munsa, the question is; goorma Daahir Afqudhac Garoowe ka soo caraaraya?
  19. On top of the holy black stone - Kacbadda Going up the ladders to the top. They entered from the side door. Yes, there is another door, covered by the black veil. The door you see, the gold one (Yes, GOLD not just golden) leads to the main atrium of the Kabba. This one is sealed and the key is with a certain family living in Mecca. They have had this key since history. Muhammed PBUH didnt take it from them and he said that holding the Kabaa's key will be the responsibility of this family forever. Till now, when they need to enter the main atruim, they call for this family's big guy who has the key. My father entered through the side door. It leads to a staircase that leads directly to the roof without entering the Kabaas main hall, which is empty except for some inscriptions on the wall as I heared. Nobody is allowed in there. On the Kabaa's door is where the Quraishis put the agreement to boycott Beni Hashem, Muhammed's family. Later when they opened it to see the parchment, they found it has been eaten by bugs except for the word "Bismika Allahoma" Reached the roof. Praying. You will notice these white veils going down to cover the Kabaa, this is because this was the time of the year they clean it and install the new black veil. (a new one each year, made from the best silk, the golden verses on it is sewed with pure gold threads) Sitting on the new black veil. It is rolled and covered in protective clothing untill the kabaa is ready for its new outfit. On the left is my dad, ont the right is the guy who is responsible for the cleaning process. A final moment of meditation and though before leaving. Making use of an ipportunity that comes once in a lifetime, and that will leave millions willing to experience it.
  20. source S: Waa maxay mowqifka dawladda Maraykanku ka taagan tahay arrimaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland? J: Somaliland rasmi ahaan uma aqoonsanin, laakiin waxaannu goob-joogayaal u dirnay doorashooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay dalkooda, waxaanuna xidhiidh la leenahay saraakiisha reer Somaliland sida aannu xidhiidh ula leenahay waddamo kale oo badan. Waa dawlad aanaan si rasmi ah u aqoonsanayn inay dawlad madaxbannaan tahay, laakiin hubaal ahaantii waannu la hadalnaa saraakiishooda. Waxaannu la hadalnaa Madaxweynaha Somaliland oo waannu la shaqaynaa sababtuna waxay tahay xasillooni ayey ka dhaliyeen Somaliland. Waxa kale oo jirta arrin ku saabsan argagixisada oo aannu kala xidhiidhno Somaliland, waana in aannu dawladdaas kala shaqaynaa sidii aannu xididdada ugu siibi lahayn argagixisadaas, kuwaas oo sii mara Somaliland, kadibna uga sii gudba ********iya, una sii dhaafa Muqdisho Kismaayo oo jidkaas isticmaala, taasina annaga ayey dhibaato nagu tahay, markaa waannu la shaqaynayaa saraakiisha Somaliland. S: Somaliland waxay ku doodaysaa in jiritaankoodu sax yahay oo ay hoos tagi jireen maxmiyaddii Ingiriiska, halka koonfurtuna ka hoos tagi jireen Talyaaniga ayna qabsadeen saddex doorasho dalkoodana ay xasillooni ka sameeyeen, nabadna ahaayeen 16-kii sannadood ee tegay, markaa maxay u baahan yihiin si ay helaan fiiro ka weyn ta hadda caalamku ka aaminsan yahay? J: Annagu waannu ka war-haynaa horumarka ay sameeyeen, waxaanay tusaale u yihiin Soomaaliya inteeda kale inay eegaan horumarka Somaliland samaysay iyo sida ay dawlad u samaysteen, marka taas la eegana waxay nala tahay in arrinta ugu muhiimsani tahay inay la hadlaan Midowga Afrika. Waxaannu u sheegnay in aannu raaci doono wixii ay Midowga Afrika sameeyaan, waana inay la hadlaan Midowga Afrika oo la shaqeeyaan, markaa waxaannu eegi doonaa wixii ay la yimaaddaan.
  21. Ciidamada Ethiopia iskama soo galin ee waxa u yeedhay dadka deegaankaas oo raba ina kalsooni ka helaan Ethiopia. Nimanka la qabtayna waa niman usiday saanad military jabhada ONLF, hubka wuxu soo dhexmaray jiida beesha Sanaag Bari iyo Sool. Waana wax aad loola yaabo in rer Buuhoodleh kalsooni ku raadsadaan qabashada nimankan.
  22. <img src=" "]http://www.sdwo.com/images/Mudaharad7.JPG" alt="" /> Hargeisa ma toostay; Hogaanka xun ma diiday!!!