Alla-Maxaan-Kulayaabay

Nomads
  • Content Count

    46
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Alla-Maxaan-Kulayaabay

  1. Maana Soodaanta keenay, dee warka akhri dee, headlines-koo dhan bay ku jirtaa. Middeeda kale hadalka ha kala goyn, waxaagau waa :: Waylun lil musalliina ninkii yidhi ee inta dambe ka jaray oo kale.....anigu ninbaan lahaa Wasiirkana iska daayoo, caruurihiina la layanayo ka hadal waanan leeyahay imika. Is daji attack ma jiree, kaftankuu reer magaalku runta isugu sheegaaye:)
  2. Somalis searching for their history written by whitemen. War heedhe dadku way is yaqaanaane, kuwii raacay ayyuu geela ka qaaday, kuwuu ka dhashay ayyuu ka qaaday, Allaa og niyadiisii hore, laakiin tuug unbuu ku dambeeyey, taariikhdii xamar lagu sameeyey ee naloo dhigi jiray ayyaad noola imanaysaa. Fact written in bold will change nothing. Orodoo odayaashaada soo warayso intaad Google gaarayso:) War bahashan la idinku sheego illeen waxbaa ka jira:)
  3. Ethiopianku meel Soomali ku kaftamayso in dagaal ka dhacuu moodaa! Threadkii Ina Igarre jawaabtiisi waad ka gambisay miyaa, no problem. Godaydaa aad soo qorataan ku xasuustee, Xamar markaanu ka soo qaxaynay ayyaa adeeradaa Goday is yidhaahdeen wallee nimankaad waligiinba maalka ku ogaydeen ayyaa idin dhex marayee dhaca! Bal Caqli xumada, haddaa waa isla raggii bilo ka hor SNM tu intay cafisay, dhar u xidhay, gawaadhi soo saartay ee mid walba lagu yidhi adeer guryihiinii iskaga noqdo Hargeisa waa la idinku soo waalee! Gobonimada waa loo dhashaa. 40 Kolanyo ayyaanu ahayn, qoryo ayaa noo saarnaa, bal carr iyo wir ayyaa ka dhacaday wayna iska hulleeleen, Inkastoo qoladii naga dambaysay ay illaa kabaha iyo dharka ay kala baxeen! War inkii Cali Dhuux muxuu yidhi.
  4. {مِنَ الْمُؤْمِنِينَ رِجَالٌ صَدَقُوا مَا عَاهَدُوا اللَّهَ عَلَيْهِ فَمِنْهُم مَّن قَضَى نَحْبَهُ وَمِنْهُم مَّن يَنتَظِرُ وَمَا بَدَّلُوا تَبْدِيلاً }الأحزاب23 Stuff of the legends, Godka lagu jannee geesi naga baxoo guul dhashuu ahaa. Raggu markan oo kale ayay kala baxaan at War times not Peace times. They were and are at the right side of History.
  5. Ina Cabdille Xasan was welcomed in the first place by the same people who fought him and chased him all the way to his Oromo Land. In the begining he had a good nationalist intention, laakiin markii dambee budhcad geela qaada unbuu isku badalay, oo xattaa askartiisa xaasaskooda ka qaadi jiray!. Taasaa keentay inay qabaa'ilkii la dagaalamaan, haa Ingiiriis ayyaa caawinayay, so what Enemy of my enemy is my friend, isba Turkugaa caawinayay. Ina Cabdalle Xasan caddaaladii markuu ka baxay ayyuu jabay, simple. Victory is always relative to how just your intention and cause is. Why we sided with British will lead you to why the Saxaabah sided with the Romans against the Persians. It is that simple politics. Historic revionsim haddaad is tidhaa bilaw adunbaa ku daali oo marka dambe ay kula tagi halkii Cali Dhuux idiinka waramay!
  6. War nobody is avoiding nothing. Meesha rag soomali ah ayyaa caawimo u wada doontay, adduunkoo dhan ayyaa og in Somaliland aan la ictiraafin oo rasmiyan ay wali Somalia loo yaqaan. Waxaad ogaydeen ma idiin sheegaa! uun weeya waxaagu. Rag Soomali ah oo dawadii iyo tallaalkii doontay ayyaa meel wada fadhiya wax dhibaato ah kuma jirto. Tan iska illoowoo, caruurtiinii iyo dumarkiinii ayyaa badhan qaxoonti ku jooga oo caawadaas qax ku jira oo beerahoodii iyo guryahoodii la gubay markaasaad ka warwaraysaa wasiir Somaliland ah oo Vaccincation u doontay Geneva. Adcaful iimaan iska baadhbaadh oo iska aamus.
  7. War heeryadii ninkii idinka qaaday ee Atam maxaad ku haystataa Thankful, adeer waxa la idinkula kafami jiray Maakhir dumar baa ka dhashay rag malaha, markuu mujaahid Atam idiin soo baxay ayyaad burush xaar leh la daba taagantahay, what a disgrace. Meesha la isku haystaa waa dhulkiinii, somaliland iyo puntland iska illow adeer, dumarkiinii iyo caruurtiinii ayyaa qaxaysa. Saracen ayyaa laguu soo kiraystay markaasaad keyboard iyo screen intaad soo fadhiisato walib raggii idiin kacay la hadlaysaa. Waxay ahayd intaad tigidh goosata inaad gobonimadaada u dagaalanto, tani igama aha qabiil kicin ee waa xaqa iyo taariikhda oo xaga saxsan la ag istaago, history will never forget, I am wondering, most of the maakhiri diapsora I know are fierce supporters of atom and repeat he is Freedom fighter.
  8. Bilan, iyo cid kastoon Xaaji Cabdikariim (Xafidahullaah) aan garanayn, horta waxaan idin leeyhaay afka ka duwa Xaajigu yaan afku idin qalloocsamine,,,,ta kale horta intaanad iska hadlin waxbaa loo hubsadaa, dhaqan xumada qurbaha laga qaaday ayyay ka mid tahay nin dhan oo awawgaa noqon kara in aad forum ka caydo, waana ayyaan darro, xattaa hadduu khaldanyahay qofka kaa weyni dee adeer sidan ha ula hadlin illeen adba awaw ayyaa ku dhalaye. Wax dhaliil laakiin si gobanimo iyo sharaf leh u hadal. Inyara haddaan kaaga sheego, Xaaji Cabdiwaraabe isagoo 14 jir ah ayyaa aabbihii la dilay oo Odayaashas hargeisa ugu weyn ahaa, waxana dilay nin beesha baligubadle kasoo jeeda, Xaajiga oo yar ayyaa sidi caadadu ahayd, loo dhiibay qori, waxaana la yidhi usoo aar aabbahaa, xaaji cabdi waraabe ninkii aabbihii dilay ayyuu qorigii la dul tagay, wuxuuna ku yidhi ''inaan ku soo dilo ayyaa la isoo diray oo aan aabahay kuu aaro, laakiin waan ku saamaxay''. Ninkii sidii ayuu inantiisii xaajiga ugu dhashay (waxay ka soo jeedda beesha Ar*b) caruurtiisa waaweyn oo rag masuuliyiin ahi ku jiraan ayayna u dhashay, waana sheeko caan ah oo cid kasta ayyaa kuu sheegi karta. Xaajigu isagoo 15 jir ah ayyuu geedka garta soo fadhiistay. Illaa ingiiriiiskii wuxuu ka midyahay haldoorka Somaliland ku dhaadato. Sool iyo beesha degtana intiinan halkan ku jirta isaga cid idinka ka taqaana ma jirto. Xaaji Cabdikariim odayaashii beeshaas heshiisinasay ayuu ku jiray, Garoowena loogama gurman (illeem isma dhaqan yaqaanaane) meel kalena loogama tagina, beelaha Sool raggii muddo ku maqnaa laascaanood ee soo dhexdheexadiyay ayyuu ahaa bilawgii 2000''nadii. Markaa adeerayaal, dadka ha ku degdegina, runna wuu sheegay oo nimankan Garaadada ee taarikhda leh hadduu yidhi war dibad wareeggan iyo dibjirnimo Ilaahay wuu idinka sharfee kaalaya oo dadkiina iskuulo, wadooyin, biyo iyo horumar ka hadla muxuu dhimay'!!! Wabilaahi Tawfiiq
  9. Waar raggu miyaanay beenta ka xishoonayan...war hadday SSC dhimanaysana calyada inay iska du'day ahayd dee, mar ay keenaan Daarfuur iyo maray cheap software codka ku badalaan. يأيها الذين آمنوا إن جاءكم فاسق بنبأ فتبينوا أن تصيبوا قوما بجهالة فتصبحوا على ما فعلتم نادمين Sadaqallahul Cathiim فإن كنت لا تدرى فتلك مصيبة *** وإن كنت تدرى فالمصيبة أعظم Ibn Qayyim Halkan ka akhri maqaalka Maxamed Baashe: http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=5991 Sirta SSC Heshay: Been Casriyaysan! Qalinkii: Maxamed Baashe X. Xasan “Beeni raad ma leh, lug keliyey leedahoo marka la qabtay kuftaa”! Beryahan dambe waxa isa soo tarayey oo ku soo badanayey baraha internetka ee taageera kacdoonka SSC dacaayado wada been abuur ah iyo dhacdooyin aan sal iyo raad midkoodna lahayn. Been abuurkaas sida aadka ah loo fidiyay waxa ugu horreeya xasuuq, dad kaarayaal iyo taangiyo la jiidhsiiyey, hablo maadh doonasho ah iyo haween rasaas la mariyey, caydi gacmaha iyo lugaha xidhig xaskul ah lagaga laba dibleeyey oo geed laga soo laalaadiyey iyo dhinaca kale ciidamo cartamaya oo dhirta jejebinaya oo tobanaan baabuur oo gaashaaman wata oo halgaamaa SSC ah lagu sheegay, oo haddana ka dagaalama Darfur (xadka u dhexeeya Suudaan iyo Chad)! Intan iyo qaar kale oo beennimadooda laga xishoon jireyba, waynu u soo joogney, dhawrkii bilood ee u dambeeyey, gaar ahaan wixii ku sinnaa dhacdadii foosha xumayd ee Kalshaale ee dhowaan xabaalaha lagu ridey. Hadafku waa in la kiciyo dadka goboladaas ku dhaqan, gude iyo dibadba. Waxa se ugu daran tan u dambaysey ee hadda uu raadkeedu sii qoyan yahay ee ku saabsan waxa loogu yeedhay SIRTA laga helay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland. Sirtaas oo ah waraysiyo khadka teleefanka ah oo talantaalli ah sida ay ina leeyihiin oo lagula kala yeeshay madax ay ka mid yihiin Maxadaweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, Chief of Cabinet-kiisa Xirsi X. Xasan, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed X. Cali Cadami, Taliyaha Ciidamada General Nuux Taani iyo Maxamed Kaahin Axmed. Dad badan bay arrintani yaab ku keentay markii hore, hase yeeshee yaabkaasi waxa uu hoos u sii dhacayey mar kasta oo tirada mas’uuliyiinta la waraysanayaa sii bataan. Waxa kala oo dadka qaar markiiba ka wayiigeen sida ay u suurta geli karayso in qof mas’uul ahi isaga warramo teleefan ahaan qof aanu garanayn, isla markaana uu uga oggolaado inuu la yeesho waraysi u dhigma kii BBC ama VOA iwm. Waxa kale oo iyana dad badan macquul ugu muuqan waydey in mas’uulkaasi uu wuxuu ka doono isaga sheego qofkaas aan horjoogin, isla markaana aanu xaqiijin karin ka uu yahay. Illaa hadda dad badan ayaa, dhinaca kale, weli si xooggan u rumaysan in waraysiyadaasi ay run biyo-kama-dhibcaan ah yihiin oo si dhegweyni iyo hebednimo ah mas’uuliyiintaas loogu wanjalay khadadkaas teleefan. Dadkaasi xujada ay magansanayaan waa isu ekaanta codadka la duubay iyo kuwa mas’uuliyiinta la tilmaamayo in la waraystay. Waa dhab oo codadka duubani waxa ay muujinayaan kuwoodii oo car iyo bey la’! Teeda kale mas’uul waliba waxa tooyashadiisu inta badan ku dacal dhebaysaa hirarkii uu inta badan ka hadli jirey dabuub iyo dooc ahaanba. Haddaa maxaa SSC lagu haystaa! Hibooyinka dadka aadmiga ah waxa ka mid ah jilidda iyo canjilaadda. Dadka qaar, dhif iyo naadir ah’ ayaa awood u yeesha in ay canjili karaan qof kasta codkiisa ama dadka qaar codkooda, jilina karaan qof kasta dabeecadaha hab dhaqankiisa. Taas oo jirta haddana waxa maanta tan looga maarmaa adeegsiga technologiyada casriga ah oo suurta gelisa canjilaadda inta badan dhammaan wixii aadanuhu samayn jirey, af iyo addinba. Waa halkan meesha laga raadin karaa macnaynta beenta mala-awaalan ee waraysiyadan. Waxa jira aalad afka qalaad lagu yidhaahdo “AV Voice Changer Software”. Qalabkani waxa uu awood u leeyahay inuu cod kasta u bedeli karo codka kale ee lala maaggan yahay isla doonasho ahaan. Tusaale ahaan waxa aad soo qaadanaysaa cod hore looga duubay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo cod kale oo kuu diyaar ah oo aad adigu leedahay, dabadeedna waxa aad ku amraysaa qalabku inuu codkaaga kala mid dhigo canjilaad ahaan kii Axmed Siilaanyo ee kuu diyaarka ahaa. Halkaas ayaa waxa soo baxaya codkaagii oo beddelan oo la moodo kii Axmed Siilaanyo oo aan biyo-is-marin. Qalabkani qaali maaha oo waxa uu suuqa hadda ka joogaa £42.91 oo dhigma $68.66. Aaladdan ayaa u muuqata haddaba in ay tahay hal-alooseenka casriga ah ee lagu haloosiyey been abuurkan ugu dambeeyey ee la magac baxay Sirta SSC-du heshay. Wixii faahfaahin dheeraad ah ee aaladdan ku saabsan, fadlan,xagga hoose booqo: “Change your voice into someone famous” http://av-voice-changer-software.en.softonic.com/ Qalinkii: Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com
  10. UK PM Gordon Brown welcomes Somaliland President Rayale during todays PM Question Time. what do you think? http://www.bbc.co.uk/somali/news/story/2008/01/080109_somaliland.shtml
  11. Ngonge: ....... باشل حبك معي بالقيه زادي ومرافقي في السفر وباتلذذ بذكرك في بلادي في مقيلي والسمر <img src="
  12. After 3 days out of top league, we're back. What a thrilling comeback that was against Everton and that brillinat Croazilian Eduardo was the man of the match, he levelled the game and gave us the lead. Top of league in 2007 and 2008.
  13. After 3 days out of top league, we're back. What a thrilling comeback that was against Everton and that brillinat Croazilian Eduardo was the man of the match, he levelled the game and gave us the lead. Top of league in 2007 and 2008.
  14. AYOUB Immigration Officer: Full name please Interpreter : Magacaa? Sujui Man: Abdi Farah Immigration Officer: Where did he travel from? Interpreter: Xagee baad ka.. Sujui Man: Ma-ga-ra-na-yo af soomaali Interpreter: From Somalia Immigration Officer: How did he get here? Interpreter: Suurad Faataxa akhri Sujui Man: Alxamdu lillaahi rabii.....wala daalin aamin. Interpreter: He praised God for making it here. He says he travelled from... Immigration officer: What about his family? Interpreter: Suurad kale akhi.. Sujui Man: Qul accuudu bi rabbi nnaas... Interpreter: He says he lost contact with them when they got displaced ... Inuu Quraanku mucjiso yahay cid diidaysaa jirin. looooool
  15. Skipper A bit disappointed with Arsenal loosing top of the league. Other than that no balaayo. L_X Thanks bro....al miidaanu miidaanii
  16. Emperor goorahnabaa waan fadhiyay skipper sow nabad maaha JB yaab-baro la bax
  17. Ngonge u remind me of that black guy in "The Grumpy Oldmen" on bbc2
  18. Waad maraqsantihiin dhammaantiin Geedkan SOL waan soo hadhsan jiray from time to time, laakiin haddaan dooyaysanayaa. Baashi lol ...haddaan libaaxa la fara ka cayaaro, ma kii la lagdamayaad ahayd MMA thanks bro. Adduunyadu waa wada yaab these days. Kool_Kat Thanks sis. Nice wisdom I agree. Adiguna maad la baxdid ''Yaabban'' EM Thanks bro chubacka Thanks sis, qaxwaha habluhuu miyay cabaan mase waa Starbucks age. -Lily- Thanks sis, for me it was sort of wakeup wisdom.
  19. Salaamu Calaykum Solers, My first post. I read this on Reddit a while ago and wanted to share it with you. For me it was really inspiring and reinforeced my belief in Islamic ideals about what is important in life. What do u think? _______________________________________________ A professor stood before his philosophy class and had some items in front of him.When the class began, wordlessly, he picked up a very large and empty mayonnaise jar and proceeded to fill it with golf balls. He asked the students if the jar was full.They agreed that it was. The professor then picked up a box of pebbles and poured them into the jar. He shook the jar lightly, and the pebbles rolled into the open areas between the golf balls. He then asked the students again if the jar was full; they agreed it was. The professor next picked up a box of sand and poured it into the jar. Of course, the sand filled up everything else. He asked once more if the jar was full. The students responded with a unanimous “yes.” The professor then produced two cups of coffee from under the table and poured the entire contents into the jar, effectively filling the empty space between the sand. The students laughed. “Now,” said the professor, as the laughter subsided, “I want you to recognise that this jar represents your life. The golf balls are the important things: your family, your children, your health, your friends, and your favourite passions, things that if everything else was lost and only they remained, your life would still be full. The pebbles are the other things that matter–like your job, your house, and your car. The sand is everything else: The small stuff.” “If you put the sand into the jar first,” he continued, “there is no room for the pebbles or the golf balls. The same goes for life. If you spend all your time and energy on the small stuff, you will never have room for the things that are important to you. Pay attention to the things that are critical to your happiness. Play with your children. Take time to get medical checkups. Take your partner out to dinner. Play another 18. There will always be time to clean the house and fix the disposal. Take care of the golf balls first, the things that really matter. Set your priorities. The rest is just filler.” One of the students raised his hand and enquired what the coffee represented. The professor smiled. “I’m glad you asked. It just goes to show you that no matter how full your life may seem, there’s always room for a couple of cups of coffee with a friend.” ____________________