
Som@li
Nomads-
Content Count
5,922 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Som@li
-
^will Dahabshiil stop advertising on Universal now?
-
“Markaanu codsano wixii Qarankayaga wax Yeelaya waa inay ka jawaabaan (Universal Tv), Maxaannu u Sugaynaa ma Lacag Bay Nagu Leeyihiin” Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdillaahi Geeljire oo faahfaahin ka bixiyey sababta loo Xidhay Telefishanka Universal “Maaha dimuqraadiyad Universal ha idin caydee u dulqaata, dimuqraadiyad maaha taasi ee malaha buugaagta ayey wax kale idiinku qoran yihiin” Hargeysa (Jam)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geeljire), ayaa ku eedeeyey telefishanka Universal Tv inuu ka dhigtay wararka Somaliland uu ka diyaariyo qaar barobagaandho ah oo lagu burburinayo qaranimada iyo jiritaanka Somaliland. Md. Geeljire oo waraysi siiyey Idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga, waxa uu sheegay in telefishankaasi sifo ka baxsan anshaxa warbaahinta warar uga diro Somaliland, isla markaana madaxdiisu diideen inay ka jawaabaan sababta arrintaasi ay u samaynayaan, sidaa daraadeedna khasab noqotay in la joojiyo shaqadii uu ka yahay Somaliland. Waraysigaas lala yeeshay wasiirka, waxa ugu horreyn lagu waydiiyey sababta ay u cuskadeen joojinta shaqadii telefishanka ee Somaliland, isna waxa uu ku jawaabay, “Waxaannu u cuskanay siday uga waramaan Somaliland oo aannu wax ka diidnay barmaamujyada ay ka duubaan, waxaanay ka jawaabi waayeen dalabkii aannu doonaynay in aannu kula kulano [masuuliyiinta telefishanka]. Waxyaabaha ay duubaan oo aannu u aragno inay barobogaadho yihiin oo aanay ahayn war sugan, waayo waxa ka maqan isu miisaankii, waxa ka maqan dad ka jawaabaya waxyaabaha ay duubaan oo dhinacayaga ah ma soo daayaan, waa waxaannu doonayno inay ka jawaabaan oo aannu waydiino.” Wasiirka oo la waydiiyey sida uu u arko haddii telefishanku wararka u gudbiyo ay iyaga ula muuqato inay dhexdhexaad yihiin oo aanay waxba falin, waxa uu ku jawaabay, “Markaanu jawaab codsano sow inay nagala hadlaan maaha, oo aannu nidhaa sidaasaanu u aragnaa ee maxay ku dhacday arrintaasi ama aad sidaa u yeesheen? Markaa illeyn qancin baa meesha taala.” Md. Geeljire oo la waydiiyey in wararka telefishankaasi sii daayo loo diyaariyo qaabka xukuumaddu doonayso mise inay kaba soo horjeedaan wararka Somaliland laga sii daayo, waxa uu yidhi, “Horta annagu sidaanu doonayno waanu u caddayn doonaa, waanu daawanaa oo ummaddayadu way daawataa, sidaanu u aragnaa barobagaadho ayuu u badan yahay ka soo horjeeda Somaliland iyo midnimadeeda, waxa ka mid ah siday u buunbuuniyaan nabad-diidka Somaliland oo ka jira gobollada Togdheer iyo kuwa SSC la yidhaa siday uga soo waramaan, laakiin waxaa waxa isku fuuqsaday waxaannu doonaynay inay ka jawaabaan waxay sidaa u yeelayaan waxay u sii dayn la’yihiin jawaabihii aannu ka bixinay waxyaabaha qaar ee ay hoosta u dhigayaan. Warka si bay u duubanayaan annaguna si baanu u aragnaa, warku waa in dhinacyada uu khuseeyo wax laga waydiiyo xattaa haba waayaane. Markaa hawl baa naga dhaxaysa ee maaha inay telefoonada xidhaan. Dawlad baanu nahaye wixii wadankayaga aannu ka waydiino waa inay ka jawaabaan. Mar la waydiiyey Wasiirka su’aal ahayd ‘in laga yaabo in dhinacooda wararka wax laga waydiiyo oo ay sugiwaayeen ama ka degdegeen,’ waxa uu kaga jawaabay, “Lagama yaabo ee markaanu codsano waa inay ka jawaabaan, maxaannu u sugaynaa ma lacag bay nagu leeyihiin. Markaanu waydiino wixii qarankayaga waxyeelaya cidna u daba fadhiisan mayno, kelidood lama macaamilno ee umado badan xataa idinka (VOA) ayaanu idinla macaamilnaa, wixii aannu codsano waa in nalooga soo jawaabaa, annaguna dad macquul ah baanu nahay oo jawaabta wixii na qanciya qaadan kara wixii kalena ka doodi kara.” Waxa kale oo oo la waydiiyey wasiirka inay ula muuqato inuu ku kacay fal cabudhin ah isagoo og qadarin warbaahinta madaxbannaan oo awood ay adeegsadeen, waxaannu yidhi, “Horta cabudhin adiga ayaa ugu yeedhay ee maaha, annagu cabudhin mayno ee waddankan xil baa naga saaran wixii ka dhacana dawlad baanu u leenahay, keliya waxaannu codsanay in aannu waxan (wararka telefishanku Somaliland ka baahiyo) ka wadahadalno, iminka haddii ay Wasaaradda Warfaafinta noogu yimaadaan oo aannu ka wadahadalno arrimaha naga dhexeeya cabudhinmaynee markaanu heshiino waanu u sii dayn doonaa. Horta awoodda aannu leenahay wadankayaga ayaanu ku difaacaynaa, laakiin madaxdoodu markay wadahadal diideen, kama cabanayno xafiisyada gudaha, markaa awoodda aanu leenahay haddii aanaan dalkayaga ku difaacin maxaannu ku falaynaa? Sow maaha in annu ku joojino wixii aanaan raali kala ahayn dalkayaga iyo dadkayaga, taas ayuu xil naga saaran yahay ee Universal (telefishanka) nagama saarna.” Weriyaha Idaacadda ee waraysanayey Wasiirka oo su’aalay in arrintani meesha ka saarayso dimuqraadiyadii Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Dimuqraadiyaddu waataanu doorashada ku qabsanay, waataanu ku codaynay ee safafka u galnay, waataanu ku kala nabadgalnay, waataanu dawlad, Baarlaman, Guurti iyo xisbiyo u leenahay, maaha dimuqraadiyad Universal ha idin caydee u dulqaata, dimuqraadiyad maaha taasi ee malaha buugaagta ayey wax kale idiinku qoran yihiin. Jamhuuriya Online
-
No, they cover news on SSC, markaas bay ka caroodeen. The seccesionists are in deep Sh1t
-
Originally posted by NinaNC: ^Oo meeshaas maxa qoday? Thanks guys, Masha allah, beautiful pics.
-
^ kabaha caaga ahna waa maxay? miyaa loo waayey kuwii askarta.
-
SSC is a real threat to the seccesionists.
-
Somaliland Information minister shuts down Universal tv
Som@li replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
hadana maxaa lagu qabsadey? -
they look like child soldiers.
-
I think This dude has what it takes, He is more Prime Ministrial in short period than Fatty Sharmaake.
-
Abwaan and Gabbal, With all this, External forces having the final say, and dictating the Somali affairs, what are the chances this TFG will have a real dialogue with oppossing forces? and are'nt the Alshabaab/His-Islam have a legitimate concern when they say this is foreign entity?
-
How many posts for Muslims?
-
Originally posted by Abu-S: Also, the list given to the Americans today (according to the interpreter of the Preseident) were: Abdikarim Jama Abdiqadir Jangeli Khalif Mudan Xalane And why the list were given to the Americans? Are we a sovereign nation? :eek:
-
;“ONLF waa Urur xaq u dirir ah, waa in naf & maalba lagu taageero” Sheikh Cumar Faruuq oo Muxaadaro khadka Telefoonka ah laga waydiiyay Su’aalo ku saabsan Jabhadda ONLF & Halganka ********ya Sheekh Cumar Faaruuq ayaa Muxaadaro dhinacyo badan taabanaysa maanta khadka Telefoonka ugu jeediyay Jaaliyada Soomaalida ********ya ee ku dhaqan Magaaladda Perth ee Galbeedka Australia, Maxaadarada diiniga ah ee uu Sheikhu u jeediyay umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Perth ayay ahayd mid dareenka dadka kicisay waxaa goob joog ahaa wariye ka tirsan Shabkada Wararka ee Qorahay Online oo sahashay isku dubaridka & soo bandhigida Muxaarada uu sheekhu kaga hadlayay dadka Soomaaliyeed in ay dhaqankooda & diintoobada ku taagnadaan oo ay wali ka dhigtaan Allaah (SW) oo kali ah. Sheikh Cumar Faruuq waa Caalim Soomaaliyeed oo mudo dheer ku soo jiray fidinta diinta Islaamka isaga oo caan ka ah dhamaan gayiga Soomaaliyeed inbadana ay umadda Soomaaliyeed ka faa’iidaysteen, wuxuu Sheikhu in badan Maxaadarooyin & nadwo diina ah u soo jeediyay dhamaan umadda Soomaaliyeed wuxuuna kamid yahay Culimada sida weyn loo qadariyo. Wuxuu Sheikh Cumaf Faruuq wakhtigiiisa in badan u huray fidinta diinta Islaamka isaga oo kutub badan Akhriyay oo dad badan oo Soomaaliyeed ka faa’iidysteen sida Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah oo dad badan ka faa’iidaysteen. Maxaadaradii uu maanta umadda Soomaaliyeed Sheekhu u jeediyay kadib ayaa la waydiiyay Su’aalo ku saabsan Halganka ********ya ka socda ee ay maanta majaraha u hayso Jabhadda Waddaniga Xoreynta ********ya, Halgankaas oo lagu tilmaamo in uu yahay kuwa ugu taariikhda dheer Afrika. Waa kuwan su’aalihii Sheikha la weydiiyay Su’aal: Ururka ONLF ee Dagaalka kula jira Itoobiya ma banaan tahay in lagu taageero naf, maal, & Maskaxba? Jawaab: “Bismilahi Raxmaani Raxiim Wabacdu Ururkaasi waa Urur wanaagsan oo xaq u dirir ah oo la dulmay oo ay gaalo dul dagtay oo dadkoodii & dalkoodiiba adoonsatay duunyadoodiina dhacday iyaguna u dul qaadan waayay oo ka dhiidhigay, sidaas darteedna u dagaalamaya. Hadaba Ururkaas waa in naf & maalba lagu taageero oo la ayido oo la gar-gaaro siduu Allaah (SW) wuxuu yidhi wa in istansaruukum fiddini facalaykumu alnasru, Haday diinta idinka gar-gaar dalbaan u gar-gaara oo aad hiil & hooba lagarab istaagtaan oo wixii aad heli kartaan ama aad haaban kartaan aydaan ka hagranin. Marka Ururkaasi (ONLF) Waa urur xaq udirir ah, gaalana la dagaalamaya, Dalkodiina gobanimo u doonaya mudo badana soo halgamaayay hadana halgankii ku jira marka ururkaas waa in lataagero. Wabilahi Tuwfiiq”. Su’aal: Dad Soomali ah oo Muslim sheeganaya ayaa la safan Itoobiya oo la dagaalamaya dadka Xoreynaya dalkaas xukunkoodu muxuu yahay ? Jawaab: “Bismilahi Raxmaani Raxiim Wabacdu “Gaalo wixii soo raaca oo gaalo gacansada iyagii buu la xugum noqonayaa kolka waa la waanin oo waa loo caqli celin haday waansabaan ooy wacdigii & waanadii qataan oo ay gaaladii ka hadhaan oy hagaa-gaan waa sidaynu doonaynay lakiin haday gaaladii ku mar-maan kana hadi wayaan oona hogaamiyaan raacaana waa la-layn sida kuwa gaalada ah loo laayay ayaa iyagana loo layn Wabilahi Tuwfiiq”. Su’aal: Talis gaalo ah oo haysta dad & dal Muslim ah xoogna ku haysta dagaalna ka dhexeeyo, Heshiis noocee ah ayaa dhexmari kara? Jawaab: “Bismilahi Raxmaani Raxiim Wabacdu “Dadkaas Muslimka haysta oo dad, dal & duunyo muslim leeyihiin haysta, quwad & xoogna ku haysta in ay inaga adkaadaan ama aynu ka adkaano ma ahee heshiil lala gali karaa ma jirto, oo in ay Muslimiintii dulaystaan dad & dalbana gumaystaan duunyadoodiina ka dhacaan loona dulqaato taas suurta gal maha kolkaas waa lala dagaalami, waana layska dhicin sidaasayna diintu ina faraysaa Wabilahi Tuwfiiq”. Su’aal: Umadda Soomaaliyeed ee allaah ku abuuray Geeska Afrika & Dhamaan uamadda Muslimiinta ah maxaa xil ah oo ka saarayn garabsiinta walaalahooda la gumaysto ee u dagaalamaya in ay duliga saaran iska dulqadaan? Jawaab: “Allaah (SW) wuxuu yidhi wa in istansaruukum fiddini facalaykumu alnasru, Hadii dal Muslim ah oo la dulmay oo la dul-dagay oo la gumaystay oo dad & duunyaba la dulaystay oo intay ka dhii-dhiyaan kacaan in ay waxaas iska dulqadaana u kacaan in allaale inta Muslimiinta ah idaylkood waxaa ku waajib ah in ay u gar-gaaraan oo ay hiil & hooba la garab istaagan ilaa ay dadkaas Muslimiinta ah ay duliga iska dulqadaan sidaasaana waajib ku ah Wabilahi Tuwfiiq”. Su’aalaha Halkan ka dhagayso | Muxaadaradana Halkan ka dhagayso La xiriir: qorahay99@yahoo.com Sheikh Cumar Faruuq: “Heshiil lala gali karaa ma jirto Dadka haysta dad, dal iyo duunyo muslim leeyihiin… “
-
^Shabaabs are here on SOL, I am not sure if Sophist will disclose national security matters here. Who ever gets the PM, best of luck. It is not an easy task, and is not matter of who will get it, but will will do the job.
-
A memorial site should be built for him, A Legend!
-
Hoping too much from 80 year old, who can NOT think beyong qabiil, is waste of time.
-
Let the dead rest in peace.
-
Somaliland president Axmed Siilaanyo receives a delegation From Britain
Som@li replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^Just point out of your ignorance, There is nothing called Somaliland and Somalia. -
In Memory of Dr. Mohamed Aden Sheikh By Ahmed Abdi Hashi (Hashara) Oct 03, 2010 I met the late Dr Mohamed Aden Sheikh in August 2010 in Helsinki. He at the time told me of his illness and its nature. As sick as he was, he actively participated in the conference on Somalia which we attended. At a more personal note together we reminisced about the old days, friends and the sad plight of the Somali people. As sad as his death is, I ask all decent Somalis to join me in celebrating his achievements, his life. As of his close friend for 40 years, I came to know Dr. Mohamed Aden very closely and intimately. He was a decent human being who cared about others and in most cases more than he cared about himself. His mantra was always “what about the others”. I remember many instances when he helped people in difficulties or in difficult situations. He was a modest person. And while he could wear like his peers if he so wished the 1000.00$ silk suits, he dressed humbly like a shabby professor. The late Dr. Mohamed was known as Mr clean. He was never corrupt in contrast to some of his contemporaries who looted the treasury with impunity. In fact, he never built or owned a house of his own. Dr. Mohamed Aden advocated for justice for all Somalis. For example, he stood for the rights of the people in North-West region (currently Somaliland) and continued to speak against the injustices meted out to the people of that region. For his strong stand against the atrocities that were being committed at the time, the late Dr. Mohamed Aden Sheikh paid the high price of long periods of incarceration in the 1980s. This adversely affected his heath as he was denied access to medical treatment. The late Dr. Mohamed Aden Sheikh was a man of principle. He never wavered from his own beliefs and principles, never compromising on what he believed in. For example, he was one of those very few people who strongly advised against and objected to the rupture of relations with the Soviet bloc in 1977 and after the ****** war. For this he paid the price of being relieved of all Government positions followed by imprisonment which again affected his health. While in Government in the early 1970s, his achievements were stellar. As Minister of Higher Education and Culture, the late Dr. Mohamed Aden Sheikh played a pivotal role in the selection of the current script for the Somali language. He established the Academy of Somali Studies which brought together and for the first time Somali poets, plight rights, historians, academicians and other others. The first ever Somali- Somali dictionary and the collections of poetry of famous poets were published under his auspices. He laid down the plans for reorganizing the National Museum and creation of a National Library. He sponsored the first Somali Studies Meeting on Somali soil as well the first Pan African Film Festival. And equally important, He fought very hard against vested interests to establish a truly Somali National University which flourished later as a credible institution. It was my pleasure and duty to work with Dr. Mohamed Aden Sheikh during those years. Dr. Mohamed is not only a loss to his immediate family and friends. The Somali nation lost one of its best sons, a visionary, true patriot and a humble decent human being. For me, his loss is greater as he was my friend, confidant and role model. My heartfelt condolences to Chi Chi his wife, Idil, Kaha , Koshin, Abdulkader Aden (Jengeli) the rest of the AW Mohamoud family as well as his long time friend Petro Petrucci and the Somali people. Amb. Ahmed Abdi Hashi (Hashara) Email: Xasharo@gmail.com
-
Thanks JB.
-
Congrats Juxa
-
Somaliland president Axmed Siilaanyo receives a delegation From Britain
Som@li replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
ergayga gaarka ah ee dawladda Britain u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Mudane Matt Baugh