Liqaye

Nomads
  • Content Count

    1,954
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liqaye

  1. Although we must be realistic and recognize that this war has entered another dangerous phase...
  2. Alhamdullilah now I.A the rats must be kicked out of the rest of the motherland.
  3. burahadeer;738790 wrote: Somalia has the largest oil deposits in Africa.The largest lake of oil is a 3oo sq mile from near burao to Qardho which encompasses N to red sea & S to ethiopian border...This is called the "Nugal uplift". 2nd largest lake is lower juba at border with ethiopia( in the middle of that belly shaped area that intrudes to ethiopia).3rd largest is puntland from cape to hobyo(is along the coast).There r many wells from near Erigavo to Zeila.The red sea is full especially from Berbera toward the east.Don't forget natural gas & coal north of Burao. This is unacceptable oil must be found using 4.5 formula or we have to refer to Antarnashional community!!
  4. ^^Oodweyne the man was asking for an opinion and he got one, not everything is open to debate, that Abdi-rahman Tuur declared indepence and then U-turned to share a meal with Mr.Qanyare as his guest in Hamar as they both editioned to be Aideed's lackeys in cheif is also not open to debate. So let us see what Ngonge or others are driving at, indeed I think this topic has nothing to do with somaliland or independence, but Silanyo the man and the PR either present or historical that leads to people [on this boards adding al-somal to his name...], hold your horses, as to all this humility clap trap you are on about....21 years of clan based delusion from some members of your clan and premature asnine declerations of recognition from yourself on this boards would have intimated that your use of the word humility is risible at best charlie.
  5. Loool this is what we deserve as a nation, our piddling mentality has lead to this and watch it be proved in the next few posts
  6. Lool are you absolutely sure you are not creating the aura that you describe? Personally having met and watched this man on various fora he just seems the typical somali old man, with the compliment of lifestyle diseases such as diabetes and gargantuan pot belly....and also the reminiscing is mandatory. To be honest I think some people may be convinced about the idea that Silanyo might have the neccesary gravitas and standing to disabuse the triangle clan from the dreams, more so than an ex-NSS agent and torturer ever could. Why exactly and when exactly this meme started I have no idea, there are usually vague rumblings about his having been a longstnading memeber of the somali goverment as well as not having been the head of the SNM when the self serving Abdi-Rahman Tuur declared independence... But in the end I would also like to know how this whole idea started, maybe Xiin and others would like to enlighten us??
  7. In our head long rush to westernization, women are starting to get the short end of the stick, I actually saw a 2010's kind of girl [waweeynta] being asked to sign a prenuptial agreement by her betrothed. *shock*consternation* the lady who's conversation used to consist on the quality of her later model RAV4 and how her masters is such an advantage in her workplace did a 360 turn in a matter of minutes, right now the guys family home is being enveloped, beseeched by all manner of delegations, demanding that this requirement be removed from discussion. Wallahi all the ladies here are just perplexed by the present turn of events"when did the rain start beating down on us" , I think if this continues there shall be beating of breasts and tearing of clothes [and no ina-jaad I can not send you pictures]. [some context, the divorce law in Kenya was recently amended to automatic 50-50 split of income/property e.t.c on divorce even if they are married for only 24 hrs] Will keep you guys posted....
  8. June 08, 2011 - QOL - Maanta taariikhdu waa June 8, 2011 kuna beegan maalintii uu ifka ka tagay Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan, taariikhda oo aheed June 8, 2007. Asagoo ugu geeriyooday si dabiici ah isbitaal ku yaal magaalda Nairobi ee dalka Kenya. Waa maalin murugo ku reebtay dadka iyo dalka soomaaliyeed. Madaxweynaha oo dhintay, maalin uu dalka marayey marxalad kala qobqobnaan, goboleysi, iyo burbur saameyn ku yeeshay dhamaan Jamahuuriddii Soomaaliya. Maalin ay yareed Hogaan la midda, kuna sifoobay halyeeynimo, wadani ah, akhlaaq leh, ixtiraam iyo qadarin ay shacabka u hayaan. Madaxweynihii hore wuxuu ku sifoobay Timaamaha uu leeyahay hogaanka fiican ee haga, una hogaamiya dal badbaado iyo horumar. Tilmaamahan oo intooda badani uu alle ku galadeystay Madaxweynihii hore ee Aadan Cadde. Sifooyinkaas oo kala ahaa: 1- Wuxuu ahaa hogaan alle siiyey aragti fog, ayna u cadeed meesha uu rabo in uu gaarsiiyo dalka iyo dadka, dajiyey wadadii lagu gaari lahaa himiladda la hiigsanayey. 2- Wuxuu ku fikiri jiray oo kaliya midnimadda iyo horumarka dadka iyo dalka. Wuxuuna ka qeybqaadan jiray isu soo dhowaanshaha iyo wada shaqaynta bulshada. 3- Wuxuu aad u jeclaay taladda iyo wadatashiga, wuxuuna waqtigiisa uu galinjiray inta badan talo isweedaarsi kadibna uu qaadan jiray midda ugu haboon ee xalka uu ku jiro. 4- Wuxuu ahaa Hogaamiye ku sifooba hawl karnimo dheeraad ah. Waxuu ahaa mid aan gacmaha ka laaban shaqo uu faraha kuhayo iyada oo aan dhammaan. 5- Wuxuu alle siiyey awood uu ku quuro ama uu u huro in uu qofku waxa uu u qalmo ee wanaag ah siiyo, isaga oo aanan eegeyn haddiiba ay jirto meelo lagu kala fikrado duwan yahay. 6- Wuxuu ahaa mid u dhaqma si hufnaan ah oo wuxuu ku dadaali jiray in ay is-waafaqsantahay ficilkiisa muuqda iyo dadnimadiisa hoose. Wuxuu ahaa qof la aamini karo oon is-dabamarin iyo leexleex agtiisa oolin, muujiyana fikradiisa dhabta ah haddii aan xitaa dan gaar ahaaneed ugu jirin. 7- Mudaxweyne aadan waxa uu dhaqan ka dhigtay in uu dadka si dhex-dhexaadnimo ah ula dhaqmo. Waxuu ahaa shakhsi dadka isu dhegaysta marka khilaaf yimaado, oo aan cid ka duldhicin isaga oo ku sababaynaya warbixin aan dhamaystirneyn ama eex ah. Markay bulshadii arkeen madaxweynahoodii oo ah xaqsoore iyo dhexdhexaadiye waxay ugu abaalgudaan ixtiraam, taageero, dabacsanaan joogto ah. 8- Madaxweynaha allaha u raxmadee wuxuu sameyn jiray dabacsanaan. Wuxuu aaminsanaan jiray in aanu cidna ka fiicnayn ama ka liidan ee uu bulshada ka mid yahay. 9- Wixii guul ah ee la gaaro ammaanteeda iskuma koobi jirin ee wuu qaybin jiray, wixii xumaadana isagaa canaanteeda dusha u ridan jiray. 10- Waxaa lagu tilmaami jiray aadan cadde inuu ahaa mid si fiican dadka u dhagaysta, ra’yiyada kala duwan tixgeliya, wixii dani ku jirto ayuu qaadan jiray. Xukunka iyo go’aanadana si fiiro ku jirto ayuu ku gaari jiray kuna meel marin jiray, Si ay la socoto furfuraan. 11- Wuxuu ahaa shaqsi hal-abuur leh wuxuuna iskudayey in uu wax cusub hindiso; marar badan ayaa waxaa u muuqday waxaan dadka kale weli u muuqan. 12- Wuxuu ahaa mid ku kalsoon naftiisa iyo asaxaabtiisa iyo inta ay shaqo wadaagyihiin iyo dhamaan bulsho weynta soomaaliyeed. 13- Waxuu ahaa qof qaata go’aan wadareedka aqbala hadii laga adkaado, waxaa uu ahaa madaxweyne lagu doortay si cod ah, maamulay dalka 7 sano, kadibna xilka kuwaraajiyey maalinkii looga adkaaday doorashadii 1967kii, asagoo u hambalyeeyey, kuna wareejiyey xilkii uu u hayey dalka iyo dadka madaxweynihii la doortay ee Abdirashiid. Sifooyinkaas oo iskaashaday ayuu dalka ku soo hogaamin jiray. Laakiin tilmaamaha aynu inta badan ku aragno siyaasiyiinta maanta ee qabyaaladu ugu horayso, waxba laguma hogaamiyo; dhib iyo mushkilad raagta mooyee waxa kale lagama dhaxlin. Waxaa haboon in aan tusaale uu kuu noqdo qofka ku guuleystay sifooyinka hogaanka fiican. Cali Axmed axmedcali1@gmail.com
  9. James 3:12 "My brothers, can a fig tree bear olives, or a grapevine bear figs? Neither can a salt spring produce fresh water." New International Version ©1984 by Biblica What are we expecting from this parliament of rat's? Everyday we on SOL and as somalis in general get caught up in the comedy of the day, with out an overarching awareness that there are 550 xoolo who individually and in comity causing and prepetuating the greatest crime against the somali people and nationhood for the past 6 - 7 years. What ever happened to the UN plan for a leaner slimmer parliament of a maximum of 180 members with atleast a bachelors degree or equivalent appointed not by warlords but by elders and civil society? Perhaps with such a parliament would a Farmajoo or other technocrat be elected president! P.S Most probably if Farmajoo was to insist on elections in August he would get the support of parliament, simply because the parliamentarians are banking on that payday....
  10. Heshiiska ay maanta ku saxiixeen Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan magaalada Kampala wuxuu dhaawac weyn u geystay hey’adaha dowladda, wuxuu ku xadgudbayaa Axdiga Qaranka, wuxuuna dhib weyn ku yahay maslaxadda ummada Soomaaliyeed. Sidaa daraadeed, waxaa lama huraan ah in dadweynaha Soomaaliyeed ay u guntadaan sidii waxyeellooyinka heshiiska ku jira looga hortagi lahaa. Tan hore heshiiska Kampala waxaa uu dhaawacayaa hey’adaha dowladda ku meel-gaarka ah. Run ahaan, dadka ka shaqeeyey heshiiskan waxa iskaga qaldamay hey’adaha dalka iyo shaqsiyaadka madaxda ka ah. Taasina waxa ay keentay inay ka soo baxaan go’aanno aan wax shaqo ah ku lahayn wixii la isku hayay. Dhaawaca ugu weyn waxa uu soo gaaray baarlamaanka iyo xukuumadda. Go’aankii xubnaha baarlamaanku wada lahaayeen waxaa la siiyay Af-hayeenka, xukuumaddiina waaba lagu burburiyey. Malaha si qodobkan loo fahmo waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo waxa la isku hayay. Waxaa dhamaanayay xilligii KMG ahaa oo dowladda loo qabtay oo ku ekaa August 2011. Hey’adaha Soomaalida iyo shaqsiyaadka madaxda ka ah waa ku kala aragti duwanaayeen habka loo wajahayo xilliga kalaguurka ah. Baarlamaanku wuxuu qabay in saddex sano loo kordhiyo xubnaha baarlamaanka laakiin la doorto madaxweynaha iyo Af-hayeenka. Xukuumadda iyo madaxweynuhu waxay qabeen in hal sano loo kordhiyo hey’adaha dhammaantood iyadoon wax doorasho ah la samayn. Sida Soomaalidu ugu qeybsantay arrinkan ayay qolyaha bulshada caalamka loogu yeero iskugu khilaafeen habka loo abaarayo xilliga kalaguurka. Dalalka Afrikaanka oo ay Uganda iyo Burundi ay hoggaaminayaan waxay waafaqeen xukuumadda. Laakiin, waxaa ka aragti duwanaa dowladaha reer Galbeedka iyo Itoobiya oo iyagu qabay in hal sano loo kordhiyo hey’adaha Soomaalida, madaxdana la doorto. Kadib markii uu ku hanjabay Madaxweyn Yuweri Museveni inuu ciidankiisa la baxayo ayay reer-Galbeedku waxay soo jeediyeen in loo kordhiyo hal sano, islamarkaasna doorashada dib loo dhigo waase haddii ay isku soo raacaan madaxda Soomaalidu. Markii halkaas arrinku marayay waxaa qumanayd in Golaha Wasiirrada iyo Golaha Baarlamaanka go’aanka loo celiyo. Nasiib darro, Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Augustine Mahiga iyo Yuweri Museveni ayaa masiirkii Soomaalida iyo arrimo aanba meesha oolin go’aan aysan xaq u lahayn ka gaaray. Waxay isla go’aansadeen qodobbo badan oo dhib weyn ka dhalanayo. Waxaa ugu daran saddex qodob. Kow, waxaa meesha ka baxay dhammaan hey’adihii dowladda. Labo, waxaa si bareer ah loo jabiyey Axdi-Qarameedkii. Saddex, waxaa go’aanka ugu danbeeya ee siyaasadda la siiyey madaxweynayaasha Bariga Afrika. Dhibka labaad ee uu heshiiskani wato waa inuu meesha ka saarayo Axdi-Qarameedka jacburka ah. Go’aamo farabadan oo uu axdigu siinayo baarlamaanka ayaa waxaa ka muuqda inay saxiixayaasha heshiisku qaateen. Mana jirto cid u wakiilatay. Waxaa taas ka daran, heshiiska Kampala wuxuu dhaawacayaa maslaxada Soomaalida. Heshiiskan waxa uu qorayaa in ra’iisul-wasaaraha iyo golaha wasiirrada meesha laga saaro. Anigu waxaan qabaa, horeyna aan u qoray, xilliyadii ugu danbeeyey waxyaalihii ugu wanaagsanaa ee u soo kordha dowladnimada Soomaalida waxa ugu horreeya Golaha Wasiirrada ee uu Farmaajo hoggaaminayo. Intii ay jireen, tabartu iyadoo ay yar tahay, Golaha wasiirradu waxay muujiyeen niyad wanaag iyo dadaal. Waxay horumar ka sameeyeen dhinaca amniga iyo maamulka. Waxay yareeyeen musuqmaasuqii, waxayna markii ugu horreysay si joogta ah u bixinayeen mushaaradaha shaqaalaha iyo ciidamada. Dadka waxaa soo galay yididiilo weyn, waxaana runtii ay ka qabeen xukuumaddan rajo wanaagsan. Wax badan oo gaabis ah oo ay xukuumaddu qabto waxaa lagu illoobayay horumarka wanaagsan ee ay samaysay. Heshiiska Kampala nuxurkiisu wuxuu leeyahay horumarkaas looma baahna ee sidii hore iyo boobkii iyo musuqmaasuqii dib ha loogu noqdo. Waxaa xiiso leh in sababta halka sano lagu kordhinayo hey’adaha dowladda ay tahay horumarka ay samaysay xukuumaddu. Marka iyadoo horumarkaas la qirayo ayaa haddana lagu abaal-marinayaa in la baabi’iyo. Marka shaqsiyaadka loo soo dago, Shariif Xasan xaq uma lahayn inuu ku adkaysto in la baabi’iyo xukuumadda, baarlamaankuna uma wakiilan arrinkaas. Augustine Mahiga oo laftiisu rumeysnaa in Farmaajo iyo xukuumaddiisu aysan aad ugu dhaga-nuglayn laftirkiisu waxa uu qeyb weyn ka qaatay in heshiiskan la saxiixo. Sidoo kale, waxaan qabaa in Shariif Sheekh Axmed uu ku qaldanaa inuu saxiixo heshiiskan. Runtiina kuma uusan qasbanayn. Waxaa jiray khiyaaraad kale oo fara badan. Doorasho wuu aadi karay. Waxaa kale oo uu celin karay go’aanka hey’adaha dowladda. In hal sano oo asaga loo kordhinayo madaxtinnimada darteed uu u aqbalo go’aankan cidna ka garawsan mayso. Caddaaladda dadweynaha ayaa go’aankan ridday. Dadweynaha faraha badan ee Soomaaliyeed ee maanta ka mudaahadaraadaya Xamar waxay arkeen dulmiga iyo dhibaatada ku aasan heshiiskan. Taas ayaa ku filan inay dadka heshiiskan wata la noqdaan. Maanta caalamku wuxuu marayaa inay shucuubtii soo jeesteen oo ay kacdoonno sameeyeen, ayna is-baddal keeneen. Haddii ay go’aanka baadilka ah la noqon waayaan waayaan ha ******** in shacabka Soomaaliyeed waayo-aragnimo u leeyihiin sida kacdoon loo sameeeyo. Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan haddii ay arrin ayaga u gaar ah ku heshiinayaan ama ku dirirayaan iyaga ayay u taal. Laakiin, maslaxadda ummadda Soomaaliyeed waxay ula siman yihiin dadka ee iyagu kaligood ma laha. War iyo dhammaantiis, heshiiska Kampala laguma dhisin maslaxaddeena, waxaana qasab ah inaan u sheegno xoogagga wata inuusan danteenna u khidmeyneyn. Usbuuc ka hor waxaan ka qeyb galay shir ay ilaa 30 qof oo Soomaali kala duwan ah ay iskugu yimaaddeen dalka Koonfur Afrika. Dadkaas oo meelo kala duwan ka yimid, una badna dad waaya-arag ah waxay intooda badan qabeen in ay adag tahay in laga shaqaysiiyo hey’adaha dowladda KMG ah iyo Axdiga hadda jira. Waxay u bateen dadku in loo baahan yahay in shirweyne Soomaaliyeed lagu qabto dalka, islamarkaasna la dhiso hannaan shaqayn kara. Ra’yigaa waan qabaa laftaydu. Haddiise hey’adaha hadda jira mid uun ay tahay inay sii shaqayso waa Golaha Wasiirrada. Waayo waxaa lagu qiimaynayaa wax-qabadkooda. Ugu danbeyntii, dadku weli kuma baraarugsana dhibka ka imaan kara go’aankan la siiyay madaxda Bariga Afrika. Waa arrin halisteeda leh runtii. Malaha Aqal Guurti iyadoo la sameeyo oo aqalkaas talada loo celiyo ayaa ka habbooneyd. Waxaan ku soo koobayaa tuduc ku jirta maansadii Sirta Nolosha ee uu tiriyey Hadraawi oo laheyd “Salalkaba hurdaa keenta, haba seexan goor baas leh.” Macnuhu waa soo jeed oo maslaxadaada ha uga harin siyaasiyiin ee la ogow oo la xisaabtan. Maanta halkaas ayay maraysaa arrintu ee la xisaabtan siyaasiyiinta. Afyare Cabdi Cilmi waa macallin maaddada siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Qadar. afyare.elmi@googlemail.com
  11. I doubt that Farmajoo would bother with all that nonsense, he will leave as he came with the least amount of fuss, he knows if he actually points to his record and to the despicable way he has been handled, and digs his heels in, all and sundry of pigs waiting at the trough of the TFG money pit will paint him as all that is evil with the world!!! He might have a chance to garner the presidency a year from now after all he is the only one with a record to speak of!! As Churchill said no political defeat is permanent....
  12. Wallahi the people of Hamar have made me proud, they recognized who actually did something for them and inspite and despite of qabiil have come out in favour of himtrust me they will not be even a whimper when Sharif Hassan bows out even from the people on the street he was born in.
  13. Just as an observation and opinion.. There are many educated, young Somalis in the Diaspora who want to come to Somalia and take part in the politics of the nation, they come with noble purpose and sometimes a touch of arrogance as they regale you with stories of best practices in the organisations they work/used to work for, they have come to save the day.... Little do they realize who they will be dealing with, a mass of uneducated, tribalist, clannist, poor, and full of cuuqdad nation, lead by venal, corrupt, tribalist, remotely unpatriotic criminals, who are there to cheat, steal, and murder any attempt at the rise of our Somali people's anyway they can!! Three things are probably going to happen to you if you are one of the aforementioned [And I have seen this to happen to some close people since the TFG was created in 2004]: - People smile in your face and allow you your wet dreams and pie charts, your blueprints and action plans, whilst they laugh behind your backs, and intepret every fart you might let go of as support of one or the other clan position, maybe you might if you are lucky get a chance to do something like Farmajoo, but be under no illusions at the very first opportunity, you will be told in no unclear terms to cut the nonsense and bounce, there is some one more amenable and lee high falutin to take your place. [Case in point Mohamed Abdullahi "Farmajoo"] - You might try your best running around for a couple of years in Hamar, Nairobi, Kampala e.t.c maybe get a couple of quotes on reauters even a guest position on Universal as you try to explain basic common sense to a snaggle toothed ******** who was either a deputy assistant District commissioner in Siad Barre's regime, or a minster during salbaalar, finally when you realize what sort of comprimises need to be made to actually affect things [from choosing a foreign patron, to beating the qabiil drum, to being the most obstructionist creation of God on earth] either because you are too proud, too religious, to depressive you will start pulling out of the whole political show, and return to your little Foreign enclave and watch as your life counts down to its end as a refugee and an immigrant [and as such irrelevant]. - Or you might get tired of it all, watching fools and people you despise get the jobs, the money, the respect, the fawning that Somali's reserve for the niin belayo of the tolka, and you will make the decision to "never ever sleep hungry again", so you put on the rouge and the fish net stockings and go prostitute your self to the foreign patron, to the unreasonable stances of the cuuqdad filled qabiil, you flow to where ever the center of power is and maybe one day if you are lucky enough you will be the hard headed obstructionist that people respect, who is ever more dangerous because this group are more educated and made a decision to die on the good side of their foreign tuulo along time ago. [Case in point Prof.Gandhi, Mustaf Duxulow e.t.c]. You are just better off starting an NGO...who would argue that the TNG/TFG has done more than those lady doctors in Ceelasha Biyaha???
  14. Today was truly a pathetic sad day...
  15. Waar niyoow zack maxa ku haaya? Meeshu ma gorgortan uun baad ka rabta? In my view ultimately no one is satisfied with this agreement except those that want the present status quo to continue... People such as Zack were supporting sharif sakiin because they wanted an election held and he sold all of them down the river for 4 ministerial positions!! People who were supporting an extension of the mandate so as to continue with the offensive against al-shabaab for one year, as well as to give a chance for the Government led by the PM farmajoo such as myself, are bitterly disappointed by the fact that he is the one to be sacrificed for an increase in Sharif Hassan's tenure in office for 12 months. Simply we wanted more farmajoo and less sheik Dalxiis he was the only correct decision that the President made and now he has un-made it so as to survive for a futher 12 months. Let us be honest with ourselves this shows how venal and pathetic our so called leaders are!! If the speaker was a democrat as he claimed when trying his illiterate utmost to damage every TFG initiative, he would have agreed or disagreed to an extension period instead he agreed after some of his supporters are to be added to the cabinet. If the President was sincere in seeking to consolidate his gains as president for the 1 year he was requesting, he would not have sacrificed the man who brought about the little evident improvements as well as the man who could have actually done so, namely PM farmajoo. And do not for a moment expect an improvement and an end to TFG infighting, instead expect a repeat of the Ali Gedi administration, only with the roles reversed, were as previously The speaker was being used by a certain political grouping to undermine the President, this time the speaker will be using a certain political grouping to undermine the President. Expect divisions in cabinet as some will be beholden to other than the President/compromise PM, an increase in corruption et.al In the meantime puntland is demanding the TFG apologizes to Faroole for shooting himself in the Foot.
  16. Just wondering what happened to the af-somali in those banners-adverts. Its English then Arabic...
  17. Nope every single candidate so far and those positioning themselves are compromised and pathetic. More so for the second generation of leaders that so much was expected from...
  18. OdaySomali;726708 wrote: I remembered seeing these pics so I did a little digging... loool @ this pic: LMAO I see some right dirty looks lol. Loool look at the guy walking around with the studied artificiality of a cat...hahha love that pic somebody should caption it.....indeed I will pay 3 yemeni shekels to who ever provides the best caption.
  19. They represent all somali's who are not from your clan.
  20. June 05, 2011 - QOL - Guddoomiyaha UCID waxa uu xukuumadda Siilaanyo ku dhalliilay inay u kala eexatay gobolada Somaliland , inkastoo uu ku ammaanay dawladu inay gaartay xuduudaha dalka iyo bedelladii lacagta gobollada bari "Gobolada dalku ma sina, Boorama iyo Sool waa laga soo qaylinayaa, waxa aanu leenahay waa in si cadaalad ah wax walba loo maamulaa oo ay xukuumadu xuduudaha dalka oo dhan gaartaa, taas ayaanu u aragnaa in ay horumar tahay. Waxaan soo dhaweynayaa in ay xukuumaddu lacagtii ka bedeshay gobolka Togdheer, waanan ku hambalyeynayaa ayuu yiri.Guddoomiye Faysal. Guddoomiye Faysal waxa uu ka soo horjeestay furashada ururada siyaasadeed oo uu sheegay inuu u arko mid dhibaato keeni karta, "Waxa weeyaan inaynu ka tashano ururada la furayo, waad ogeydeen markii aanu ururada fureynay dhibaatadii naga qabsatay waa laga soo wada horjeeday oo shir-beeleed ayaa la doonayey, shir beeleedkaasina wadkii Somaliland ayuu noqon lahaa, maantana ururada waxaanu u aragnaa inay dhibaato keenayaan wayna ina furfurayaan oo jees jees ayey inaga dhigayaan oo cirka iyo dhulka ayaa la kala sheegan doonaa." Ayuu yiri Mr. Waraabe waxa uu taageeray in xisbiyada hadda jira la xoojiyo oo laga wada qeybgalo,islamarkaana uu diyaar u yahay inuu kursiga u baneeyo cidkasta oo wax qabanaysa, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yiri, "Saddex xisbi ayaynu leenahay, anaga nooma afduubna xisbiyadu, laakiin xisbigu waxa uu u baahan yahay in tacab la gashado, in la dhiso oo lagu jiro oo laga shaqeeyo, laakiin baarashuud ayaan ku soo degayaa ma soconayso, markaa waxa aanu anagu u jeednaa axsaabta soo galla oo tacabka aanu galinay oo kale galiya, 19-sanadood ayaanu Somaliland geed kasta u seexanay, toban sanadood ayaanu xisbiga mooyaane aanan wax kale ka shaqayn." Ayuu yiri waxaanu intaa ku daray "Waxaanu ugu baaqaynaa ragga axsaabta doonaya ninkii leh aniga ayaa Madaxwayne wanaagsan noqonaya kaalay anaga ayaa ku dooraneyna oo kuu baneynaynee, laakiin khalkhal wadanka ha galinina, waxaanu shirka golaha dhexe keeni doonaa in aanu musharaxa xisbiga iyo musharaxa kala saarno, laakiin waxaanu leenahay kii wax isla hayow kaalay walaal oo imika soo gal xisbiga oo marka aad saddex bilood joogto ha cararine adkayso." Guddoomiyaha UCID waxa uu meesha ka saaray inuu wax khilaaf ahi ka dhex taaganyahay xisbigiisa dhexdiisa, isagoo qiray inuu fikir ahaan soo jeediyay in la kala saaro Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga, isagoo ku hanjabay in ninkii wax isla hayaa uu goobta soo dhigo, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yiri, "Maalmihii ugu dambeeyay warbaahintu waxa ay qoraysay warar sheegaya in uu khilaaf ka dhex taagan yahay xisbiga UCID, waxa aan leeyahay ma jiro wax khilaaf ah oo dhex yaala xisbiga, waxa aan hore u soo jeediyay in la kala saaro guddoomiyaha iyo murashaxa, taasina fekerkayga ayey ahayd, way jiraan in uu hadal ka yimid, laakiin waxa aan leeyahay ninkii wax isla hayoow goobta soo dhig."
  21. June 05, 2011 - QOL - Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo} uu qorsheynayo inuu dhawaan isku shaandheyn xoog leh ku sameeyo golihiisa wasiirada oo hadda shaqeynayey muddo ku dhow 6-bilood, iyadoo si weyn loo hadlahayo in xubno miisan culus golahaasi ku leh ay dhici karto inay xilalka waayaan. Sida laga soo xigtay ilo wargal ah oo ku dhowdhow madaxtooyada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in wsaaradaha qaar la kala qeybin doono, kuwo kalena la isku dari-doono sidoo kalena ay wasiiro badani xilalkooda waayi doonan, halka kuwo kale la isku bedeli doono, iyadoo ay dhinaca kale ay jiri doonaan wasiiro xilalkooda loo deyn doono. Sida ay daabeceen qaar ka mid Wargeysyada ka soo baxa maamulka Somaliland ragga laga cabsi qabo inay xilalka waayaan ayaa waxaa ka mid wasiirka maaliyadda iyo xubno kale, halka wasaaradda arrimaha gudaha la sheegay in loo qeybin doono labo wasaaradood oo ay mid noqoneyso wasaaradda amniga, lamana oga in wasiirka hadda shaqada haya uu soo noqon doono iyo in kale Sida warku sheegayo wasaaradda gaashaandhigga maamulka Somaliland ayaa la sheegay in loo magacaabi doono siyaasi ka soo jeeda gobolka Sool, kaas oo ay wararka qaar sheegayaan in laga dhigi doono Maxamed Cabdi Xaabsade oo hadda ah wasiirka warfaafinta ee maamulka Somaaliland. Waxaa kale oo wararkani sheegayaan inay xilalkooda waayi doonaan wasiirada Ganacsiga, Boosaha iyo isgaarsiinta, Macdanta iyo Biyaha, Cadaaladda, Shaqada iyo arrimaha Bulshada, sidoo kale, waxaa xilalkoodu waayi doona 8-Agaasime guud iyo 5 Guddoomiye gobol, iyo maareyayaal iyo wasiiro ku xigeeno. Golahan cusub ayaa la sheegay inay ka mid noqon doonaan wajiyaal cusub oo aan hore ugu jirin siyaasadda, taas oo muhiimada ugu weyn ee laga leeyahay magacaabista xubnaha cusub ee lagu soo daridoono Golaha wasiirada, lagu tilmaamay difaacada qorshe siyaasadeed cusub oo dhawaan ka soo yeeri doonaa Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo xubnaha cusub ee xukuumaddiisa la sheegay inay ku jiridoonaan l-xubno firfircoon oo la jaanqaadi kara isbedelka siyaasadeed ee ka socda geeska Afrika iyo Qaramada Midoobay.