Liqaye

Nomads
  • Content Count

    1,954
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liqaye

  1. Madaxweyn Shariif, Reysal Wasaare Farmaajo, Faroole iyo Caalin oo dhamaantood Nairobi soo gaaray iyo Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Nairobi. Wafdi Ballaaran oo ay kala hogaaminaayeen Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland C/Raxmaan Faroole iyo Kan Galmudug Max’ed Axmed Caalin ayaa galabta kasoo degay Garoonka Wilson Airport ee Magaalada Nairobi. Madaxweynayaashaan ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Jaaliyadaha Labada Maamul ee Magaalada Nairobi iyo Waliba Wakiilada u qaabilsan Nairobi labada Maamul. Ujeedada ay u yimaadeen Nairobi ayaa ah in ay ka qeyb galaan Shir looga hadlaayo Waqtiga Kala Guurka ah ee DKMG ah oo Maalinta Berri ah ka Furmi doona Magaalada Nairobi, kaas oo ay garwadeen ka tahay Qaramada Midoobe. Hadalo kooban oo ay Saxaafadda ku siiyeen Gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ayay ku sheegeen Labada Madaxweyne in ay u yimaadeen Nairobi ka qeyb galka Shirkaas looga hadlaayo arimaha Soomaaliya, isla markaana waxa ay Caddeeyeen inay Casumaad ka heleen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe. Dhanka kale waxaa Caawa kasoo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Joma Kenyata ee Magaalada Nairobi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sh Axmed iyo Reysal Wasaarahiisa Max’ed C/llaahi Farmaajo. Safarka Labadaan Masuul ayaa waxaa ku wehliya Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Golaha Baarlamaanka. Waxa ay ka mid yihiin Madaxda Lagu Casumay Shirkaan oo looga hadlaayo Arimaha Soomaaliya. Reysal Wasaaraha Soomaaliya Max’ed C/llaahi Farmaajo oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay in ay ka qeyb gali doonaan Shirka Qaramada Midoobe ay soo qaban qaabisay oo Berri ka furmi doona Magaaladan Nairobi. Goor sii horeesay oo shalay aheyd ayaa waxaa soo gaaray Halkaan Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamanka Mudane Shariif Xasan, kaas oo qilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Madaxweyne Shariif iyo Reysal Wasaare Farmajo. Waa Markii ugu horeesay oo ay Hal Meel isugu yimaadaan 3-da Masuul ee ugu sareesa Dowladda KMG ah tan iyo Markii ay soo baxeen Qilaafyada u dhaxeeya Masuuliyiintaan oo salka ku haaya Waqti Kororsiga ay ku sameeyeen Hey’adahooda Labada Dhinacba. Maalinta Berri ah oo ku began 25-ka May ayaa lagu wadaa in uu si Rasmi ah u furmo Shirkaan oo la rajeenaayo in ay kasoo baxaan Go’aamo Rasmi ah oo ku aadan sida laga yeelaayo Waqtiga Kala Guurka ah ee Dowldda KMG ah oo ku began Dhamaadka bisha August ee Sanadkaan. Wixii Warar ah ee kusoo Kordha Dib ayan idin kala socodsiin doonaa hadii Rabbi uu ka Raali noqdo. Mr: Ibrahim gedow Cawale ( biibbo ) Madaxa Xafiiska Dayniile ee Nairobi_Kenya +2547-21-944591 injineerka3@hotmail.com
  2. Arbaco, May 25, 2011 (HOL) – Waxaa maanta ka dhacaya Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya shir ay ka qaybgalayaan dhammaan maamullada ka jira dalka Soomaaliya iyo madaxda DKMG ah, kaasoo la sheegay in loo hadlayo ammaanka guud ee dalka, inkastoo danjire Augustine Mahinga uu ka gaabsaday inuu ka hadlo ajandayaasha shirka looga hadlayo. Shirkan oo golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay uu soo qabanqaabiyay ayuu sheegay dajire Mahiga inuu yahay mid xasaasi ah oo diiradda arrimaha ammaanka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya. Waana mid ka badalan shirkii wadatashiga ahaa ee bishii Abriil ee sannadkan lagu qabtay Nariobi. "Waa markii ugu horreysay oo ay xubnaha golaha amaanka oo dhan yimaadaan Nairobi si looga hadlo arrimaha dalka Soomaaliya," ayuu yiri danjire Mahiga oo ka gaabsaday inuu ka hadlo ajandayaasha shirka lagu soo qaadayo. Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalaya madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra'iisul wasaaraha Maxamed C/llaahi Farmaajo, afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland iyo weliba wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland. Warar hoose oo saxaafaddu ay helayso ayaa sheegaya in sihrka laga yaabo in xubnaha ka socda Qarrammada Midoobay ay kusoo bandhigaan qodobbo ku saabsan arrimaha dalka Soomaaliya oo ay soo diyaariyeen. Xubnaha shirkan ka qaybgalaya qaarkood ayaa caddeeyay inaan weli lagu wargelin inta badan qodobbada looga hadlayo shirka, balse waxay sheegeen in shirku uu yahay mid looga hadlayo arrimaha Soomaaliya. Shirka ayaa lagu soo qaadayaa sida ay wararka hoose sheegayaan khliaafka aan weli xalka laga gaarin ee u dhexeeyay hay'adaha DKMG ah Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka. Waxaa barbar socon doona shirkan shir kale oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay yeelanayan xubnaha ka socda golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay iyo mas'uuliyiinta dalka Kenya. Ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed qaarkood ayaa shirkan lagu casuumay iyadoo uu noqonayo shirkii ugu horreeyay oo ay kawada qaybgalaan madaxda maamullada Soomaaliya ka jira oo ay ku jirto Somaliland iyo dowladda Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  3. Waa nin ceynkee ah ninka loo magacaabay Taliyaha Nabadsugida qaranka !!!!!! Ahmed Moallim Fiqi wuxuu ku dhashay sanadka marka uu ahaan 1971, magaalada Mogadishu , intaa kadib Ahmed wuxuu u guda galay waxbarashadiisa dugsiga hoose iyo dhexe, heerkiisa dugsiga sare wuxuu ku soo qaatay gugsiga sare ee kaasabalbalaare sanadka marka uu ahaan 1988kii Ahmed Moallim Fiqi intaa kadib wuxuu usii guda galay waxbarasho heer jaamacadeed wuxuuna Arday ka noqday Jaamacadda Umadda gaar ahaan “Kuliyadda Qaanuunka”sanadka marka uu ahaa 1990kii Ahmed Fiqi xiligaasi uma aynan suura gelin in uu sii wato waxbarashadiisa Jaamacadda Umadda, balse sanadka marka uu ahaa 1991kii wuxuu deeq waxbarasho ka helay Dalka sudan Jaamacadda Khartoum gaar ahaan “Kuliyadda Beeraha” wuxuu ka qalin jabiyay sanadka marka uu ahaa 1998kii . Marka uu ka qalin jabiyay jaamacadda Khartoum wuxuu u ruqaan-saday Aaday wadanka soomaaliya isagoo qeyb ka noqday mid kamid ah iskuulada ku yaala xamar iyo Ururada bulshada, muddo gaaban kadib wuxuu xubin ka noqday Maxkamadihii islaamiga, isbaheysiga dib u xureynta Dhowr sanno kadib Ahmed Moalim Fiqi wuxuu aaday wadanka Malaysia isaga oo durbadiiba biloway in uu u guda galo waxbarashada Majesteerka ah , Takhasus master Of Management. Ahmed Fiqi marka uu Qaatay darajada majesterka wuxuu biloway in uu waqtigiisa ka faa’iideysto wuxuuna u guda galay in uu dhigto daraaso kala duwan sida “Business administration,warfaafinta,diplomaasiyadda iyo intaasi in kabadan” Ugu danbeyntii Ahmed Moalim Fiqi wuxuu noqday mid kamid ah la taliyayaasha iyo Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Shariif, dabayaaqadii 2010 Ahmed Fiqi waxaa loo magacaabay Danjiraha dowladda midnimada qaran ee soomaaliya u fadhiyo wadanka Sudan, maanta oo ay talaado tahay kuna beegan 24/05/2011 loo magacaabay taliyaha nabadsugida qaranka Wariye: Anwar Bakhiit Madaxa warbixinada dayniile.com Ee qaarada Africa & Asia Sudan-Khartoum Tel:+249-925293622 Email:- wararka@live.se
  4. Warsaxaafadeed: Shirka golaha wasiirada waxaa looga hadlay safarkii Farmaajo, dhacdo ka dhacday Airporka iyo dagaalo beeleedka Talaado, 24 May 2011----- Shir ay maanta Golaha Wasiirada yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha uu ku tegey New York iyo Washington, magacaabis agaasimaha hay’ada nabadsugidda qaranka, dhacdo ka dhacday airportka Muqdisho iyo dagaalo beeleed ka dhacay gobolka Mudug. Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha wasirada siiyey warbixin la xiriirta safarkii uu dhowaan ku tegey magaalooyinka New York iyo Washington oo uu ka qeybgalay shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee 11kii May 2011 oo looga hadlayey arrimaha Somalia. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu waxuu ka warbixiyey kulamadii uu la qaatay mas’uuliyiin ka socota aqalada Senate ka iyo Congressman ka iyo kulamo uu la qaatay jaaliyadda soomaalida ee dalka Mareykanka. Ka dib markii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane Abdishakur Sh. Hassan Farah uu soo gudbiyey musharaxii agaasimaha hay’adda Nabad suggida Qaranka ayaa golahu ka doodeen, isla markaana isku raaceen in Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed uu noqdo Danjire Ahmed Mo’allim Fiqi Ahmed. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Difaaca mudane Abdihakim Haji Mohamud Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Abdishakur Sh. Hassan Farah ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta dhacda saakay ka dhacday airportka Muqdisho oo ay labo dayuuradood oo aan sumad laheyn ay soo cagadhigteen garoonka, ka dibna ay is weydaarsadeen xamuul. Ka dib baariteen ay ku sameeyeen hay’adda Nabad Sugidda Qaranka iyo Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu helay inay wadeen lacag gaareysa 3 million iyo 600 kun oo dollar. Booliiska ayaa gacanta ku dhigay shaqsiyaadkii ka danbeeyey arrinkan waxaana socda baaritaan ay boolika soomaaliyeed ku waddaan falkan. Golahu waxey si aad ah ugu ammaaneen wasaaradda arrimaha gudaha sidii ay falkaan uga hortageen, isla markaana ay gacanta ugu dhigeen dadkii ka danbeeyey falkaan. Ugu danbeyntii golaha wasiirada waxey u soo jeediyeen baaq nabadeed beelaha ku dagaalamay baacad weyn ee gobolka Mudug, uguna baaqay inay joojiyaan dagaalka oo ay wada hadlaan. Golahu waxey isla garteen in wafdi heer wasiir iyo xildhibaano loo diro goobaha ay beelaha wallaalaha ah ku dagaalameen. - DHAMAAD - -- Garad Salad Hersi Press Officer office of the Prime Minister Mobile: +252-615536608 +252-6-2536608 Mogadishu, Somalia
  5. Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay inay Maxkamad soo taagi doonaa Raggi la socday diyaaradii lacag siday Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay inay Maxkamad soo taagi doonaa Raggi la socday diyaarad lacag u siday burcad badeeda Soomaaliyeed ama u siday Al-Shabaabka. Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan ilaa saddex nin oo sida uu sheegay cadaan ah, balse heysta dhalashooyin kala duwan iyo waliba lacag dhan 3.600,000 Dollarka Mareykanka ah. Iyadoo maalinimadii shalay ciidamada ammaanka Dowladda KMG ah ay qabteen diyaarad lacag u siday burcad badeeda oo ka soo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa waxaa arrintaasi ka warbixiyay Afhayeenka ciidamada Booliska Dowladda KMG ah Col. C/llaahi Bariise, wuxuuna sheegay inay socdaan baaritaano la xariira kooxaha lacagta faraha badan u siday burcad badeeda. "Marka ay dhammaadaan baaritaanada ku socda kooxaha ka dambeeyay lacagtaasi ayaan idiin soo bandhigi doonaa" ayuu yiri C/llaahi Bariise oo sheegay dhinaca kale in duuliyayaashii diyaarada ay xabsiga t xaabeen, isla markaana maxkamad ay soo taagi doonaan. Sida uu sheegay afhayeenka Booliska Dowladda KMG ah diyaarada siday lacagta ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay afhayeenka in diyaaradaasi lacagta saaran lagu wareejiyo diyaarad kale oo horay ugu sugneyd garoonka, balse ka timid magaalada Gaalkacyo si ay lacagtaasi ugu sii gudbiso burcad badeed afduub ku heysta markab madax furasho ahaan loogu siiyo. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  6. Maamulka degmada Wadajir oo sheegay inay wadaan Qorshayaal ay ku adkaynayaan ammaanka Deegaanada Hoos yimaada Degmadooda Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) Gudoomiyaha Degmada Wadajir ayaa shaaca ka qaaday in u howlgalayaan sidii deeganada Degmadooda la dheresan ay u noqon lahaayeen meelo nabad ah oo la isku halayn karo. “Deegaano badan oo ka tirsan degmada iyo kuwa ku yaala gobolka Sh/Hoose waxaan ka qaadi doonaa qorshayaal lagu xaqiijinaayo ammaanka Deeganadaasi” ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Wadajir oo shalay galinkii danbe kormeer ku tagay deegaanadaasi. Gudoomiyaha oo la hadlaayay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sugida deegaanada ay ka taliyaan, wuxuuna sheegay inay geli doonaan Feejignaan aad u saraysa si loo adkeeyo ammaanka deegaanada ay ka taliyaan. Axmed Daaci ayaa sheegay in deegaanka jasiira aysan ka tirsaneen degamada Wadajir, balse ammaan ahaan ay gacanta ku hayaan maamulkooda hadana ay wadaan qorshe ay ku gaarayaan goobo hor leh oo ka tirsan gobolka Shebeelada Hoose. Waxaa isna halkaasiKa hadlay taliyaha Saldhiga degmada Wadajir Dhamme C/raxmaan Cusmaan Koronto sheegay in uu maamulka masuul ka yahay dhul badan, wuxuuna shaaca ka qaaday inay ka difaacaan cadowga gudaha iyo kan dibada. Taliyaha ayaa si weyn u soo dhaweeyay sida Madaxda Dowladda isaga xilqaamayn daryeelka Ciidamada, wuxuuna sidoo kale Ciidamada Xoogga ugu hambalyeeyay dadaalkooda ku aadan sida Al-Shabaab uga saarayaan dalka oo idil. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  7. Xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumada Somalia oo Dhoobley ka wada abaabulka dagaal lagu qabsanayo gobolada Jubooyinka Iyadoo mudooyinkanba ay xiisado dagaal ay ka jireen deegaano ka tirsan gobolada Gedo iyo jubooyinka ayaa waxaa maanta degmada Dhoobley ka dhacay kulan balaaran oo ay wada qaateen wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia oo qaarkood maanta halkaasi gaaray iyo saraakiisha ciidamada ee degmadaas ku sugan. Kulankan oo looga hadlayey sidii loo dar dar gelin lahaa howlgalada ka dhanka ah ciidamada Al-shabaab ee gacanta ku haya inta badan gobolada jubooyinka ayaa waxaa ka mid ahaa xubnaha ka qeyb galay wasiirka maaliyada ee dowlada Somalia Xuseen Cabdi Xalane oo maanta gaaray degmadaasi iyo wasiir ku-xigeenka gaashaandhiga C/rashiid Maxamed Xiddig oo horey u joogay halkaasi. Xuseen Cabdi Xalane wasiirka Maaliyada oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxaa ku booriyey saraakiisha hogaaminysa ciidamada dowlada Somalia iney si deg deg ah uga saaraan gobolada Jubooyinka ciidamada Xarakada Al-shabaab si loogu baahiyo maamulada hoos tagaya dowlada Somalia. Wasiirka ayaa sidoo kale soo kormeeray xeryo lagu tababaro ciidamada dowlada Somalia oo ku yaala gudaha iyo hareeraha degmadaasi, wuxuuna ciidamada dowlada ee jooga xeryahaasi u sheegay iney dhowaan qaadan doonaan mushaharooyinkooda wuxuuna ku booriyey iney u diyaar garoobaan dagaal looga xoreynayo jubooyinka ciidamada Al shabaab sida uu yiri.
  8. Michael Onyiego | Nairobi Wednesday, May 25, 2011 Photo: AP Somali government soldiers in the bush take position during clashes between insurgents and Somali government soldiers with AU peacekeeping forces in southern Mogadishu's Bakara market As international troops close in on Mogadishu's Bakara market, a stronghold of the militant group al-Shabab, an analyst from the International Crisis Group is warning that seizing the critical position could prove to be complicated and costly. Much of the military campaign in Somalia's war-torn capital, Mogadishu, has been a battle for Bakara market. Sitting on top of a hill in the city's main business district, Bakara is a nerve center for much of southern Somalia, and has served as a stronghold for the al-Qaida-linked insurgent group al-Shabab for the past half decade. For the African Union Mission in Somalia (AMISOM) moving towards the market has been a key goal for the past year. During the September "Ramadan Offensive" the government and international troops touted significant gains made in nearby neighborhoods such as El Hindi. A Somalia analyst for the Brussels-based International Crisis Group (ICG), Rashid Abdi, explains the importance of Bakara to the AMISOM mission. "Strategically, of course, it really denies al-Shabab a place they have been using for the last five or six years to launch mortar attacks and basically to recruit and also to extort money from traders," said Abdi. "So if AMISOM is about to take control of Bakara market then that will be a very significant victory and a big blow for al-Shabab." According to recent reports, AMISOM and forces of Somalia's Transitional Federal Government (TFG) have closed in and appear to be tightening their grip on the position that has eluded them for so long. AMISOM says two soldiers and 20 insurgents were killed in fighting around the market in the past few days. The insurgents have reportedly begun to dig trenches to prevent tanks and vehicles from entering, and civilians are beginning to flee in advance of the fighting. African Union and Somali government forces have promised not to bomb or even enter the market, but rather to cut off critical al-Shabab supply lines and squeeze the insurgents out. But ICG's Abdi warns that any major fight will be difficult for government and AMISOM troops. "The problem is that Bakara is a very difficult place," added Abdi. "It is a maze of tightly packed kiosks or stalls. It is teeming with humanity, traders, shoppers. It is a very difficult place to control and al-Shabab have used Bakara market to launch mortar attacks on TFG positions." The other problem is civilians. Bakara is the busiest, most populated part of Mogadishu, and perhaps the largest legitimate component of southern Somalia's economy remaining after two decades of chaos and war. With al-Shabab hiding behind it, Abdi fears the worst. "They use the civilian cover there and so it has been very difficult for many of the past TFG government to move in because of the fear that that will cause massive civilian casualties," added Abdi. "If AMISOM is closing in and about to take it, then the question is: "at what cost?" Al-Shabab still controls parts of Mogadishu and much of central and southern Somalia, though AU and government forces have been gaining ground. On March 22, just 60 days ago, Somali Prime Minister Mohammed Abdullahi Mohammed pledged to remove al-Shabab within 90 days. With a month left, the world will be watching to see if Somali and international forces can make good on his promise. Source: VOA
  9. Well S*S, I think its not so much a case of hatred but either a skewered view of things or a very poor grasp of what is acceptable debating tactics. We all, including my self are guilty of being too vigorous or indeed down right abusive in the way we debate with each other in particular on the politics forum, there is a certain meme going on where debate is confined to personal attacks, where even positive social-economic developments in certain areas of Somalia, that in either wise sane minds would be applauded by all Somalis is vilified on SOL and immediately rubbished in the most asinine and unproductive way! Many productive discussions degenerate into a a shouting match of increasingly ill temper and obnoxious reposite's by many on SOL, this obviously can not lead to any sort of amity by the avatar's on this website. Obviously there are clear divisions of opinion on SOL and this in the end is a debating forum, but I often feel that the line dividing positions are often as thin as a line drawn on the ground, even where the debate highlights glaring difference's, sane debate would have come up with a middle ground or indeed a respectful agreement to disagree. Some times I think that perhaps part of the reason is that so many contributors are quurba-joog, not to gainsay the fantastic contributions to Somalia in thought and practice by the Somali diaspora, I think a certain age group might not have out grown or been exposed to anything other than the unfortunate foibles and opinions of their parents in the diaspora. Living in Africa one sees how Somali's of all walks of life pull together be it in donations for countrywide efforts or in any and all issues facing Somali's, this puts paid to the vehemence of denunciations and starry eyed support of positions with out facing the reality on the ground in Africa. SOL of course is a cut above the rest of all the other qabilist trash talking Somali "websites & Forums" out there due to the individual and collective efforts of the admin and moderators, of which I know we are ALL truly grateful for,, but in the end perhaps it might take a generation or two for Somali's to discuss issues in such a malevolent/evangelistic way! Perhaps if we all gave each other the benefit of the doubt we would be less strident in our denunciations and admiring the sound of our own posts so much. But in the end S*S there will not be a cumbaya moment but a little more civility in our opinions and discussions will be most appropriate. P.S but as serious suggestions to administration may be they should increase the remit of what is considered an "offence" against forum rules beyond just using qabiil names e.t.c, to include the use of derogatory arguments/nicknames, or obvious and I mean OBVIOUS trolling activities by the flood of new members in particular on the politics forum. Also I think the QC on new members has got alot to be desired, they all sound to be the same 3 or 4 people, for me that is a suspicion but it would cost nothing to check the I.P address of previously banned members against the new members who sound so much like them.
  10. Somali government forces have seized the Kudhaa Island, a strategic militant hideout in southern Somalia following a fierce battle that lasted for nearly an hour on Friday afternoon clearpxl Somali government army officer, Mohamed Hassan Bule, told the media in Kudhaa on Saturday morning said that the Island is currently under the control of Somali government, adding that the militants retreated toward Kismayo, the provincial capital of the Lower Jubba region. “We have killed 8 militants and seized armed vehicles and ammunitions from them—now the Island is secure and we are calling on those who fled from here to return to their homes” the Somali army official told the media on Saturday. The island of Kudhaa, located about 130 kilometers south of the key port town of Kismayo was the main Islamist hideout in Somalia where most of the foreign fighters in the country were landed. The Island was also the biggest training base for Al-Qaeda fighters in Somalia. Since mid February this year, Somali forces have been victorious in combat operations in the capital and southern regions where they seizing more cities and town form the militants Read more: http://www.allheadlinenews.com/articles/90049159?Somali%20Forces%20seize%20strategic%20militant%20hideout%20in%20southern%20Somalia#ixzz1MzEqbCBD
  11. Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibbadda dalka Kenya Richard Onyonka ayaa sheegay in dawlada Kenya ay u aqoonsanayso maamulka Soomaaliland ee waqooyiga Soomaaliya dal madax banana Richard Onyonka oo ka hadlay kulan ay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku yeesheen odoyaal ka soo jeeda Soomaaliland ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay taageerayso in Soomaaliland ay noqoto dawlad Soomaaliya ka madax banaan isla markaana aydhinacooda aqoonsan doonaan. Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibbadda Kenya waxaa uu xusay in Kenya ay dadaal u galayso sidii ay aqoonsi ugu raadin laheyd waxaana uu ugu baaqay wadamada kale eek u jira ururka Midawga Africa inay aqoonsadaan Soomaaliland waxaana uu intaa ku daray heer nabad galyo ee Soomaaliland ka jira darted ay mudan tahay in la aqoosado. Mas’uulkaan dawlada Kenya waxaa uu sheegay in doorashooyinkii ka dhacay Soomaaliland ay muujinayso in dimoqraadiyadu si weyn uga hir gashay goboladaas waxaana uu sidoo kale tilmaaamay in Soomaaliland ka bad qabto burcad badeeda iyo wax uu ugu yeeray argagixisada. Dawlada Kenya ayaa noqonaysa dawlada kaliya ee African ah ee ku dhawaaqda inay dawlad gaar ah u aqoonsanayso Soomaaliland oo muddo 20 sano ah raadinaysa aqoosi caalami ah. Maalin ka hor xubno ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa ku baaqay in Soomaaliland la aqoonsado waxayna Soomaaliland ka mid tahay meelaha Soomaaliya ugu nabdoon .. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  12. Ciidamada Dowladda KMG ah oo la geliyay Diyaargarow sare iyo qaarkood oo uu sii Ruqaansanaaya Jiidaha Dagaalka Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa bilaabay inay qaarkood buuxiyaan jiidaha hore ee dgaalka, iyadoo maalintii shalay Wadooyinka Muqdisho lagu arkaayay Ciidamada Dowladda KMG ah oo raxan raxan u socda. Waxaa la arkaayay ciidamada oo ku socda amar iyo kala dambayn, iyadoo dadka Muqdisho ay daawanaayeen ciidamadaasi oo ku sii jeeda furamaha dagaalka, gaar ahaan Degmooyinka Hodan iyo H/wadaag. Saraakiisha Ciidamada Dowladda Qaarkood oo u waramaayay webstetkaan ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Dowladda ay ku jiraan heegan buuxa, islamarkaana ay u diyaar garoobayan sidii ay dagaal xooggan ugu qaadi lahaayeen Xoogagga Al-Shabaab. Ciidamadaan ayaa ahaa kuwo lugaynaaya, waxayna ku hubaysnaayeen Hubka noociisa Cul culus, iyadoo ciidamada Dowladda la sheegayo inay galayaan dagaal ay ku qaadaan fariisimada Al-Shabaab ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho. Dhanka kale Ciidamadaasi ayaa ahaa kuwo markoodii hore tababar ku soo qaatay dalka Uganda, waxayna ahaayeen kuwo ay ka muuqatay kala dambayn iyo kala amar qaadasho. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  13. Madaxweyanaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynahii hore ee Soomaaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa wado qorsh xoogan oo gobolka Owdal looga jaraayo Soomaaliland gobolkaas oo la doonayo in maamul goboleed leh madaxweyne looga dhawaaqo. Maalgalinta maamul goboleedkaasi iyo taageerida beesha caalamka ayaa waxaa wado Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweyanhii hore ee Soomaliland kuwaa oo ku taagerayo dhaqaalo xoogan waxaase xusid mudan in sanadkaan damashaadkii 20sano jirsady ee 18 may aysan ak soo qeyb galin beesha dagto gobolka oday iyadoona xusid mudan tahay in caawa magaalada Qaahira ee dalka Masar ay ka dhici doonto xafalad lagu taageeray mamaul goboleedka cusub ee Owdal yeelan doono iyadoona taa sida muuqata ay u keeni doonto Soomaaliland kala qub qubnaata beelahii ku mideysanayeen Soomaaliland halkii hore Sool iyo Sanaag muran xogan ka tagnayeen ka mid naashaha Soomaaliland Soomaaliland oo 20sano ku nooleed nabad ayaa xiligaan waxaa moodaa in la kala fur furayo lana doonaayo in dib loogu celiyo foowdo iyadoona Soomaliland xiligaan hadii ay sidaan ku sii socoto ay keeni karto in qabiil waliba sameysto madaxwene u gaar ah sida hada ka taagan koonfurta Soomaliya waxaase la arki doonaa halkay ku danbeyso kala fur furka beelaha Soomaalinad oo mudo 20sano ku noolaa nabad iyo kala danbeen. www.dayniile.com
  14. This is a fantastic development, congrats to all the Somali's who made this happen!
  15. She is absolutely a non-political appointment, and is her self apolitical.
  16. Quote un-quote Waxaa la arkaayay ciidamada oo ku socda amar iyo kala dambayn, iyadoo dadka Muqdisho ay daawanaayeen ciidamadaasi oo ku sii jeeda furamaha dagaalka, gaar ahaan Degmooyinka Hodan iyo H/wadaag.
  17. Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa bilaabay inay qaarkood buuxiyaan jiidaha hore ee dgaalka, iyadoo maalintii shalay Wadooyinka Muqdisho lagu arkaayay Ciidamada Dowladda KMG ah oo raxan raxan u socda. Waxaa la arkaayay ciidamada oo ku socda amar iyo kala dambayn, iyadoo dadka Muqdisho ay daawanaayeen ciidamadaasi oo ku sii jeeda furamaha dagaalka, gaar ahaan Degmooyinka Hodan iyo H/wadaag. Saraakiisha Ciidamada Dowladda Qaarkood oo u waramaayay webstetkaan ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Dowladda ay ku jiraan heegan buuxa, islamarkaana ay u diyaar garoobayan sidii ay dagaal xooggan ugu qaadi lahaayeen Xoogagga Al-Shabaab. Ciidamadaan ayaa ahaa kuwo lugaynaaya, waxayna ku hubaysnaayeen Hubka noociisa Cul culus, iyadoo ciidamada Dowladda la sheegayo inay galayaan dagaal ay ku qaadaan fariisimada Al-Shabaab ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho. Dhanka kale Ciidamadaasi ayaa ahaa kuwo markoodii hore tababar ku soo qaatay dalka Uganda, waxayna ahaayeen kuwo ay ka muuqatay kala dambayn iyo kala amar qaadasho. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  18. Wararka ka imaanaya Deegaanka gal-gala Buntland ayaa sheegaya in shalay galab dagaal culus oo halkaasi ka dhacay ay u surta gashay inay si buuxda ula wareegaan gacantana ugu dhigaan buuraha galgala isla markaana ay halkaasi ka sameystaan difaacyo adag. Af-hayeen u hadlay Maleeshiyada uu hoggaamiyo Wadaadka sheeq Atam ayaa qiray in ay dib ula wareegeen buuraha galgala kadib dagaal qaraar oo ay la galeen waxa uu ugu yeeray Ciidamadda Ashahaaddo la diririka C/raxmaan faroole isla markaana ay u geysteen Qasaare adag. “Markii ay waan-waan iyo wadahadal diideen Kooxaha u adeega cadawga ayaan ku qasbanaanay inaan dagaal galno oo laga fursan waayay waayo dhibaatoyinkii iyo beerihii ay gubeen ayaa qasaare ugu filam dadka deegaanka “ayuu yiri afhayeenka oo u waramayay qaar ka tirsan warbaahinta. Horay ayuu maamulka Buntland u beeniyay in deegaanadaasi ay dib ula wareegeen ciidanada wadaadla Atam inkastoo ay jiraan fariimo ka imaanaya Ciidamadda Caalamiga ah oo ku hanjabaya inay weeraro dhinaca circa ah ay ku qaadi doonaan kooxaha argagaxisada aha eek u sugan Gudaha Soomaaliya. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
  19. Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta maamulka Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo u dhaxeeyay khilaaf ayaa shalay heshiis hordhac ah ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ka dib kulamo ay todobaad ku lahaayeen magaaladaasi. Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan oo ah Guddoomiyaha garab ka mid ah labadan garab ee heshiiska kala saxiixday oo la hadlayey Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in heshiiska ay u gaareen si ay midnimadooda u ilaaliyaan, wuxuuna xusay inay isku afgarteen dhowr qodob. “Qodobada aan isku afgaranay waxaa ka mid ah inaan shir degdeg ah ku qabsano dalka gudihiisa marka la gaaro 1-da July ee sanadkan, mudadaasi inta ka horeysana lagu ixtiraamo mas'uul walba xilkiisa” ayuu yiri Sheekh Ibraahim oo intaas ku daray in marka uu shirku dhaco la qabanayo doorasho guud oo Ahlu Sunna ay ku soo dooraneyso ruuxii hogaamin lahaa. Sheekh Ibraahim wuxuu sheegay in heshiiska ay saxiixeen isaga iyo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo kala matelayey labada garab ee Ahlu Sunna Waljamaaca, isla markaasna waxa uu diiday inay wax ka jiraan warar sheegayey inay halkaasi u tageen sidii loo sixi lahaa khilaaf soo kala dhexgelay iyaga iyo dowladda Itoobiya, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Itoobiya uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo. Khilaafka u dhexeeya Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka dhashay markii hogaamiyaha sare ee kooxdaasi loo magacaabay Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, waxaana taasi ay keentay in qeyb ka mid ah Ahlu Sunna ay maamul cusub oo maamulka guud ka madaxbanaan kaga dhawaaqaan degmada Caabudwaaq bishii hore, waxaana xusid mudan in xubin sare oo ka tirsan Ahlu Sunna, kaas oo ah Guddoomiyaha talada ee Ahlu Sunna Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir uu isna sheegay inuusan ka warqabin shir Ahlu Sunna ku leedahay dalka Itoobiya, isla markaasna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan uusan aheyn Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Walajaamaca. Wadahadal labada garab ee Ahlusunna ayaa waxaa soo abaabushay dowladda Itoobiya oo xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo, iyadoo labada wafdi ay siyaabo kala duwan uga dhoofeen magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Caabduwaaq oo ka tirsan Gobolka Gal-guduud markii ay u socdeen Itoobiya mana cadda waxa uu heshiiskani ka bedeli karo khilaafaadkii hareeyey dhinacyada Ahlu Sunna waljamaaca ee gobolada dhexe.
  20. War-saxaafadeed ku saabsan socdaalka ra’isul wasaare Farmaajo iyo wafdigiisa ee dalka Maraykanka oo la soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa warbixin kooban ka bixiyey socdaalkiisa iyo waxii u qabsoomay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeybgalay shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee 11kii May 2011. Shirkaas oo muhiim u ahaa shacabka soomaaliyeed ayaa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka jeediyey khudbad taariikhi ah oo taabaneysey dhinacyo badan, oo ay ka mid ahaayeen sida xilliga kala guurka ah looga gudbi karo oo uu sheegay inay khasab tahay in Somalida ay mowqif mideysan ka wada qaataan sidii looga gudbi lahaa marxalladan kala guurka ah taasoo ay ku jirto danta dalka, diinta iyo shacabka soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha khudbadiisa wuxuu ku xusan inaysan sharci ahayn in barlamaanka hadda jira uu doorto guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha mustaqbalka, bacdamaa uu waqtigiisa ku eg-yahay August 2011, loona baahanyahay in baarlamaanka dib-u-habeyn lagu sameeyo doorashooyinka ka hor, si loo helo sharciyadii iyo kalsoonidii loo baahnaa. Ra’iisul Wasaaruhu waxuu u sheegay Golaha Ammaanka ee QM inay khasab tahay in dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah ay ka wada tashadaan oo ay si wadajir ah u wada gaaraan xalka ugu habboon. Waxuu kaloo sheegay in mudnaanta koowaad la siiyo soo celinta amniga, iyo kala danbeynta, la dagaalanka kooxaha xagjirka ah iyo dhameystirka dastuurka qabyada ah. Sidaas daraadeed, ay habboontahay haddii aan la fulin Karin dhammaan waxa suurta galin karta in doorashooyin sharciyeysan in mudo 12 bilood ah loo wada kordhiyo dhammaan hay’adaha dastuuriga ah, si ay u wada dhameystiraan howlaha baaxadda leh ee horumarka laga sameeyey. Guddoomiyaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa warbixintii uu ka soo saaray dhamaadkii shirka ku sheegay in loo baahanyahay dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah inay si deg-deg ah go’aan mideysan uga wada gaaraan arrimaha doorashooyinka Madaxda Qaranka. Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa soo dhoweeyey go’aankan sheegayna in loo baahanyahay in Somalida ay go’aamiyaan mustaqbalkooda, kana codsaday dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah inay ka wada hadlaan arrinkan si go’aan mideysan loo gaaro. Ra’iisul Wasaaraha aya kulamo gaar gaar ah la yeeshay ergada joogtada ah ee QM ee dalalka xubin ka ah Golaha Ammaanka ee QM. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankii Qaramada Midoobey ka dib gaaray Washington DC oo uu halkaas kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Senatarada iyo Congressman ka dalka Mareykanka oo uu kala hadlay arrimaha Somaliya. Ra’iisul Waaaraha ayaa ka qeybgalay kulan ay soo abaabuleen Machadka Nabadda ee US (US Institute of Peace) oo uu ka jeediyey khudbad, isla markaana ka jawaabay su’aalo halkaas lagu weydiiyey. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeybgalay kulan ay soo abaabuleen jaaliyadda soomaaliyeed oo lagu qabtay Virginia, halkaas oo uu khudbad ka jeediyey, laguna soo bandhigay Documentary muujinayey waxqabadka Dowladda. Ugu danbeyntiina Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu ka jawaabey su’aalo ay jaaliyadda Soomaaliyeed weydiiyeen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo muhiim ah la qaatay Senateradan iyo Congressman nadan: Senator Joe Lieberman oo sanadkii 2000 ahaa musharaxa Madaxweyne ku-xigeen ee Mareykanka, ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga ee Senate-ka Senator Richard G. Lugar oo ah Madaxa arrimaha dibedda ee xisbiga Republican ka. Senator Charles E. Schumer oo laga soo doorto New York State. Schumer ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu xafiiskiisa u furanyahay waqti walbana uu la soo xiriiri karo, kuna ammaanay RW sida uu ula dagaalayo kooxaha argagixisada ah. Congressman Peter King, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Amniga ee Congress-ka. Congressman Donald Payne oo xubin sare ka ah Guddiga Congreska ee arrimaha dibedda. Dhammaan mas’uuliyiintii uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay u ballan-qaadeen inay ka shaqeyn doonaan sidii dowladda Mareykanka ay u labo jibaari laheyd taageerada dowladda FKMG ah. Ma’uuliyiintan ayaa ku ammaanay RW horumarka ay Xukuumaddiisa sameysey muddadii yareyd ee ay jirtay, kuna dhiiri geliyey inuu sii wado howlaha muhiimka ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhammaan mas’uuliyiintii uu la kulmay waqtigooda una ballanqaaday in dhankiisa uu sameyn doono dadaal kasta oo looga hortagayo argagixisada iyo burcadbadeeda, si waddanka Somalia loogu soo celiyo amnigii iyo kala danbeyntii. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumada KMG Somalia Ayarisow@opm.gov.so
  21. Taliyaha Hoogaanka Socdaalka DFKMG Soomaaliya oo soo saarey digniin la xiriirta Pasporka-ka. DHAMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED. KU.MAAMUL GOBOLEEYADA SOOMAALIYA. KU.XUKUMADA KMG SOOMAALIYA. Anigo ah Taliye Xigeenkii Hoogaanka Socdaalka DFKMG Soomaaliya Waxaan uga digayaa shacabka soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan in ay ka foogadaan kana digtoonadaan basaboorka cusub ee Noocisu yahay E-Pasaborti maxaa yeelay adduunku wuxuu uu aqoonsaday basaboor shaqsi leeyahay,oo ayna jirin dawlad mamusha wax shaqsi leeyahayna adduunku uma aqoonsana basaboor caalami ah dawladaha adduunku waxay u arkeen in basaboorkaan uu yahay duukaan ganacsi. Haddaba waxaan DFKMG Soomaaliya ugu baaqayaa in ay wax ka qabtaan E Pasaboorti oo Xaaladiisi marayso meeshii ugu xumayd maxaa yeelay Dafaha Adduunka oo dhan waxaa ka furan xafiisyo lagu sameeyo isla markaasna ay qataan cidkasta oo ah Madow iyo Cadaan waxaan kale oo ku wargalinayaa Maamul Goboleedyadu in ay ka feejignadaan khatarta uu leeyahay basaboorkaas waxaana maanta Gacanta ku dhigay Argigixiisada caalamka waad la socotaan in dhawaan dalka Masar lagu qabtay (26) Lix iyo labaatan Basaboor oo Noocisu yahay E Basaboorti. Hadaba malagu tilmaami karaa in uu yahay basaboor soomaaliyeed waxaa halakaas ka cad in shaqsi kasta oo ka tirsan Xukuumada hada jirta uu san ku howlaneyn danta guud ee uu ka fikarayo oo kaliya sidee dhaqaalo uga samaysaa danta guud, sidaas darteed waxaan shacabka soomaaliyeed ugu baqayaa inta la heelayo maamul fiican iyo hoogaan wanaagsan oo wadaddii wanagsanayd ee uu lahaa basaboorku ku soo celiya lana heelayo masuul ka foog khayaanada iyo isdaba marinta iyo dawlad caadil ah in aan lagu khaldin dadka oo lagu kabsoomin basaboorka been abuurka ah lacag danbana looga cunin. Waxaana ciidkasta u cadaynayaa in uusan meel ka mid ah adduunka uusan ka shaqaynayn loona aqoon san yahay basaboorka Argagixiisada, waxaan rajeynayaa in Digniintaas dhagta loo hayo. Sidoo kale waxaan Dawlada FKMG iyo Maamul Goboledyada ugu baqayaa in Talaabo adag laga qaado kuwa u horseeday in basaboorkii sharafta lahaa halkaas la garsiiyo, maxkamadna la soo saaro kuwa ka masuul ah sharaf dhacaas, shacabka soomaaliyeedna waxaan marlabaad uga digayaa in ay ka fogadaan E-Pasaboorti ilaa lagu samaynayo dib u habayn guud. Sidoo kalena shacabka ha ******** basaboorda hada lagu qabtay dalka Masar iney isagu jiraan Diplomatic iyo Servic, arintaasina waxay dhabar jab ku tahay Dawlada FKMG iyo shacabka Soomaaliyeed, waana arimaha cadeenta u ah fashilka ku dhacay magacii DFKMG oo ay umada ka dhursugeysay. F.G.Waxaan si gaar ah uga digayaa ardayda wax ka barata dalka Sudan iyo Jaaliyadaha Somaliyeed ee kala joogo wadamada afrika,Carabta iyo khaliijka sida kuweyd, sacuudiga, imaaraadka.qadar,masqat in ay feejinaadaan si aan lagu khaldiin laguna khasbiin basaboorkaas Foojariga ah isla markaasna cidii hadda qaadatey ay wargelisaa dowlada ay la joogaan oo ay u sheegan in lagu qasbey isla markaasna ay bixinayaan Dad diplomaasiyiin ah oo ka raadinaya dhaqaale ay iyagu jeebkooda ku shubtaan cid la ogna aysan jirin iyaga ay soo suubsadeen waana basaboorka noocisu yahay E Pasaboorti. Abdi Yusuf Jibriil immigrationtfgs@gmail.com
  22. AMISOM oo sheegtay in dagaaladii beryahan ka dhacayey Muqdisho ay ku dileen saraakiil ka tirsan xarakada Al Shabaab Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalo culus oo 3-dii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayna ku dileen saraakiil isugu jira Soomaali iyo ajaaniib ka barbar dagaalamayey Xarakada Al Shabaab. Qoraal ay ka soo saareen magaalada Muqdisho oo ku saxiixnaa taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Nathan Mugisha ayaa ciidamada AMISOM waxay sheegeen in dagaalada ka socday degmooyinka hodan iyo H/wadaag ay ku dileen laba dagaal-yahan oo u dhashay dalka Bakistaan kuwasoo magacyadoda ay ku kala sheegeen Xuseen Cabbaas iyo C/llaahi Yalb, waxayna sheegeen in lagu aasay meel ku dhow isbitaalka Dayniile. Sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa qoraalkooda ku sheegay in saraaakiisha ay ka dileen Al shabaab uu ka mid ahaa taliyihii ciidamada Al shabaab ee suuqa Bakaaraha oo magaciisa ay ku sheegeen C/fitaax Maxamed, waxaana sidoo kale lagu dilay dagaaladaas sida ay AMISOM sheegtay dhowr sarkaal oo uu ka mid ahaa C/wahaab Shiikh Doole. Ciidamada AMISOM ayaa qoraalkooda ku sheegay in dagaalka looga dilay dhinacooda labo sarkaal oo mid ka mid ah meydkiisa ay Al shabaab qaateen kuna soo bandhigeen magaalada Muqdisho, waxayna xuseen iney horumar la taaban karo ka gaareen dagaalada ayna ku dhow yihiin Suuqa Bakaaraha, iyagoo ka codsaday shacabka soomaalida iney ka fogaadaan goobaha ay al shabaab kala wareegeen Qatar soo food saari karta awgeed.
  23. Ciidamada Dowladda KMG ah oo isku hareereeyay Suuqa Bakaaraha iyo fariisimo hor leh oo ay ciidamada Dowladda la wareegeen Waxaa saakay Dagaallo xooggan ka dhaceen magaalada Muqdisho, iyadoo Ciidamada Dowladda KMG ah, kuwa Ahlu Sunna oo garabsanaaya Ciidamada AMISOM ay la wareegeen deegaano hor leh oo magaalada Muqdisho ah. Deegaanada ay Ciidamada Dowladda KMG ah ay la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah hareeraha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna dagaalku galay maalintii afaraad waxaana dagaalladaas ay saameyn ku yeesheen ganacsiga suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo dadku ay awoodi waayeen inay tagaan suuqaasi. Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho oo soo cusboonaaday kaddib markii ciidamada Dowladda ay weerareen fariisimo ciidamada Al-Shabaab ay ka degenaayeen saddexdaasi degmo. Dagaaladii saakay ka bilowday xafadahaasi ayaa waxaa la sheegayaa in ciidamada huwanta Dowladda KMG ah ay qabsadeen fariisimooyin dhowr ah oo xarakada Al-Shabaab horay u joogeen, iyadoo ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay haatan ku sugan yihiin suuqa caanaha oo ka tirsan nawaaxiga suuqa Bakaaraha. Magaalada Muqdisho ayaa saakay laga maqlayay daryanka madaafiic aan waayadaan la ridin oo ay heystaan ciidamada AMISOM, waxaana madaafiicdaasi oo dadku ay u yaqaanaan Fooriyaha la sheegay inay ku dhacayeen goobo aad uga fog halka ay dagaaladu ka socdeen. Al-shabaab ayaa saakay dagaallada billowday, inkastoo maalmihii ka horreeyay uu dagaalku ahaa mid ay weerarkiisa lahaayeen ciidamada DKMG ah oo gacan ka helaya ciidamada AMISOM, waxayna Ciidamada Dowladda KMG ah oo garabsanaaya kuwa Ahlu Sunna iyo kuwa AMISOM ay yihiin kuwo ku hareeraysan Suuqa Bakaaraha. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088