Ex-Xisbiga

Nomads
  • Content Count

    102
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Ex-Xisbiga

  1. Easy with the hallucinations, Reer Hargeyso dadka oo dhan maaha , the locals were fighting on the Somaliland side and welcomed our leaders in their homes while Puntland was hiding in bush waiting for the right moment to ambush like cowards. Now speaking of Bossaso , Radio Hargeysa reported your leader Cade Musa fleed Puntland altogether. Did he get scared? Please elaborate sxb.
  2. Hit-and-run attacks were the last option for Puntland I guess. A clear sign who is in control.
  3. WAR DEG DEG: Ciidamada Qaranka Somaliland oo qarka u saarnaa qabsashada Magaalada Boosaaso!!!!! Saaka ayey Ciidamada Somaliland ka gudbeen xuduuda somaliya iyo Somaliland iyagoo ku sii jeeda dhinacaa iyo boosaaso haseyeeshe markay wax aan sidaa u badnayn sii maqnaayeen ayaa dib loogu soo celiyey xuduuda somaliland. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland codsadayse inaan la magaacabin ayaa sheegay in ay ka go'nayd inay socdaan ilaa Boosaaso iyo Garoowe, laakiinse buu yidhi sarkaalku ay markii danbe amar xaga hargeysa awgeed dib ugu soo noqdeen xuduudii somaliland. Sarkaalka mar aan waydiinay waxa ku kelifay inay ciidanku xuuduuda Somaliland dhinaca kale udhaafaan waxa uu ku jawaabay " Sidaad la socotaanba afar maleeyshiyo oo ******teeniya ka soo jeeda ayaa mudaba rabshado ka waday dhulka somaliland, mantoo u danbaysayna weerar dhumalaysiya ku soo qaaday shacabka somaliland ee ku nool degaanka iyagoo habkii argagixisada u soo hujuumay. Markaa qorshahayagu wuxuu ahaa qorshe aanu damacsanayn inaanu ku soo qabqabano aragagixisada maleeyshiyada ******teeniya oo uguba tagno gododka ay ku dhuumanayaane Boosaaso, Goroowe ilaa Gaalkacayo. laakiin markaanu sii maraynay Magaalada Shimba oo 15km gudaha ugu jirta degaanada ********** ayaan dib uga soo noqonay amar xaga Dowlada ka yimid awgiis. Waxaan halkan mahad gaara uga soo jeedinayaa shacabka reer somaliland ee ku dhaqan degmada Dhahar iyo guud ahaanba degaanka, sida wanaagsan wadaninimaduna ku dheehantahay ee ay u soo dhoweeyen Ciidankooda Qaranka waxna ula qabteen. " ayuu kusoo afjaray hadalkiisii sarkaalkaas ka tirsan ciidanka qaranka somaliland. Xukuumada Somaliland ayaa iyana mahad taa la mid ah u naqaysa shacabka reer somaliland ee ku dhaqan Dhahar iyo Buuhoodle sida qiimaha iyo qaayaha leh ee ay usoo dhoweeyeen Ciidamada Jamhuuriyada Somaliland ee marwalba heeganka ugu jira Difaaca iyo Daryeelka dadkooda, maantana axdiga ku maray inay ka buufiyaan hadhaaga argagixisada maleeyshiyada ******teeniya dhamaanba dhulka Somaliland. Isku soo wada duuboo, sida laga sheegayo jawiga dadka ku dhaqan degaanka ayaad moodaa in maanta aanay jirin maalin ay uga dhowdahay xidhida xuduudaha somaliland. News Posted By: Somalilandembassy.com on April 15, 2007
  4. Wareegto kaaso baxaay Xafiiska Madaxweynahaa ayaa amraay in dhamman wasiiraada, ku-xigeenaada iyo agaasimaayaasha inaay uu baxaan gobolaada Bari sidaay xaalaadaha tuulo min tuulo wax kaa qabtaan. Waxaa loogu magac daray "Ololaaha Horumaarinta Shacbiiweynaha" courtesy of Xisbiga UDUB
  5. Is Somaliland ready for anti-independence characters like Buuba running for public office? I don't think the masses should be worried, its clear only a minority of Somalilanders want unity with Somalia or their would be blue flags everywhere. Las Anod is the only deegaan where less than half the population were opposed to the last referendum on independence. He might get some support there!
  6. Warar aanu ka helay ilo ku dhowdhow Ra'iisal Wasaare ku xigeenka/Wasiirka Arrimaha Dibada Dowlada ku meel gaadhka ah ee Somaliya Mr Ismaacill Hurre Bubaa ayaa noo xaqiijiyey inuu ku talo jiro siduu ugu soo noqon lahaa Somaliland ugana samayn lahaa xisbi cusub oo ka mid noqda xisbiyada Somaliland. Xisbigan cusub oo loo bixiyey URURKA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOOMALIYA, loona soo gaabiyey(WADANI), ayaa lagu wadaa in sida ugu dhakhsaha badan lagaga dhawaaqo Magaalada Hargaysa. Siyaasi ka mid ah gudida qabanqabinaysa xisbigan Mr Buuhaa ee WADANI, haseyeeshee codsaday inaan la magacaabin ayaa xaqiijiyey ina Wasiirku quus ka yahay dowladan cabdulaahi yusuf. Madaamoo ay Dowlada Cabdulaahi Yusuf ku kacday ayuu yidhi siyaasigaasi falal aad iyo aad u xun kana baxsan bini'aadanimada sida: xasuuqa iyo waxyeelaynta shacabka ******, taasoo iyadu si gaara u taabatay buubaa oo ka mid ahaa halgamayaashii SNM ee ka dhiidhiyey in shacab loo xasuuqo si gaar ahaaneed, ayaa ku keliftay Mr Buubaa inuu dib ugu noqdo Hargaysa iyo degaanaduu u dhashay kana furo xisbi u olaleeya Somaliwayn. Xisbigan WADANI ayaa sida la sheegayo waxaa ku jira siyaasiyiin farabadan oo magac wayn ku leh Somaliland iyo Somaliya dhexdeedaba. Siyaasigan mar aanu wax ka waydiinay sababta Buubaa uu u doorbiday Somaliland dhexdeeda inuu xisbigan Somaliwayn ka dhex furo waxa u ku jawaabay: "Horta waa marka horee Buubaa waa nin siyaasi ah jecelna somalinimada wax walbana u hura siduu isugu keeni laha umada somaliyeed, waata labaade Hargaysi waa magaaladiisii waana halka uu ka so jeedo, waata sadexaade maanta waxaa ku yimi isbedel wayn siyaasadii Somaliland dhexdeeda taasoo u sahlaysa in uu ka hirgalo xisbigan Somaliwayn magalada hargaysa. Sidad la socotaan xisbiyo farabadan oo isdaba jooga ayaa lagu wadaa in lagaga dhawaaqo inta ka horeysa doorashooyinka somaliland ee inagu soo socda. Kuwaasoo ay ka mid yihiin xisbigan Qaran ee cusub, waxa kaloo isna hore uga sii dhawaajiyey lagana sugayaa inuu xisbi ku dhawaaqo Cabdilaahi Jawaan. markaa waxaan odhan karaa Buubaa markuu arkay Fursadaa qaaliga ah ayuunbuu ka faaidaystay. Umana arko in sharciga u ogolaaday xisbiyada kalee cusubi uu ka hor imankaro xisbiga Buubaa, waayo waa muwaadin somaliland ah sida dastuurka ku qoran." ayuu ku soo afjaray hadalkiisii Siyaasigaasi. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sugaaba waa Xukuumada Rayaale, Kulmiye, iyo Ucid, maalmaha soo socda marka ay ka dhiibtaan aragtidooda ku aadan xisbiyadan qaarna lagu dhawaaqay qaarna inagu soo socdaan. Somalilandembassy.com
  7. Alot of people consider him the Al Gore of Somaliland because he lost by a small margin to President Riyaale. I don't have anything against him personally, I just think his organization is really backward and uses alot of "ku-xumee" tactics to get support meanwhile undermining the government. But whats up with the SL news portals lately. Qaran News isn't the only site reporting false stories so is Harowo and Soyaal.
  8. You can't keep secrets on Somalia Online. now spill it out or you will be banned!
  9. Someone said Ikran Xaji, the MP from Awdal .... this woman is probably the most favourable member in all of parliament in the eyes of the public. Infact, alot of the male MPs envy her because of the support she gets outside parliament. In the span of 96 hours she flew to the States, met with woman leaders and NGOs in Washington, had a luncheon with President Bush , briefed Parliament about her trip and was home in Boramaay before nights end to cook supper for her seven children. Talk about wonder woman!
  10. Just for the record Ibrahim Meygag Samatar is affiliated with the ruling party UDUB. The President of SOPRI is widely speculated to run as the VP candidate in 2008. He is also very close to President Riyaale and has alot of supporters both at home and abroad. Kulmiye is doing its own shuffling , bring some heavyweights like the independent Ina Xaashi into the fold. The Somaliland websites are mirred with rumours these days. One site even reported Faysal Cali Waraabe quit his party to campaign for UDUB :confused:
  11. Silaanyo oo Istiqaald u gudbiyay xisbiga Kulmiye!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! Sida ay noo xaqiijiyeen ilo mihiim ah oo ku dhaw dhaw madaxda sar sare ee xisbiga Kulmiye ayaa noo xaqiijiyay in gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Ahmed Maxaed Maxmuud Siilaanyo uu isla xisbigiisa u soo bandhigay in uu iska casilaayo jagada xisbiga gudoomiyanimada, ilahaasi waxa ay noo xaqiijiyeen in aan goobtaasi oo ahayd xarunta xisbiga ee magaalda Hargaysa aan xisbigu xiligaasi ayna soo dhawaynin arinkaasi hase ahaatee kulamo kale loo balansanyahay. Lama garanaayo ilaa hada waxa ku kalifay is casilaadaasi dahsoon ee uu Siilaanyo u soo gudbiyay madaxada sar sare ee xisbigiisa, hase ahaatee waxa baryahanba isi soo taraaya, qaab xumida siyaasdeed ee la soo gudboonaatay xisbiga Kulmiye, marka laga eego xaga horumarkiisa siyaasadeed,dhaqaale iyo dhaqan ahaaneedba oo aad meel kastaba ka dareemayso buuq iyo kala qaybsanaan caadifad ku dhisan oo ay had iyo jeeraale ku dhaqmaan madaxdiisa kala duwani, taasi oo aan hore looga baran taasi oo waliba gaadhay ama u gudubtay qaar badan oo ka tirsan xisbiga Kulmiye meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba. Sida aynu ogsoonahay waxa albaabada loo laabay Idaacadii ku hadli jirtay afka Xisbiga ee la odhan jiray Horyaal Radio, taasi oo ay sababtay xidhitaankeedu markii ay qurba jooga bixin jiray kharashka idaacdaasi ay ku qanci waayeen siyaasada xisbiga isla markaasna loo baahanyahay in aan wakhti danbe iyo maal danbe la iskaga luminin kharashgalinta idaacdaasi ilaa inta la saxaayo qaldaadada iyo soo celinta sumcadii xisbiga isla markaasna aanu sidani ku gali kari doonin doorashooyin. Sida ay doontaba ha haatee gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Siilaanyo ayaa doraad booqosho ku kala bixiyay xabsiga madheera ee ay ku xidhanyihiin suxufiyiinta wargayska Haatuf, halkaasi oo uu muujiyay sida uu uga xunyahay xadhigooda xaq darda ah waa sida uu hadalka u dhigaye, dhanka kalena Siilaanyo waxa uu ka gaabsaday in uu ka dhaleeceeyo shirkii xisbiga Kulmiye ku qabsaday magaalda London xadhiga suxufiyiinta Haatuf, taasi oo ka xanaajisay tageerayaal iyagu ka tirsan xisbiga Kulmiye oo ka qayb qaadanaayay shirkii Kulmiye ee magaalda London oo aan haba yaraatee qodobadii saxaafda loo qaybiyay ee shirkaasi ka soo baxay aan lagu dhaleecaynin xadhiga suxufiyiinta Haatuf ee hada la hor boodaayo. Xaaladu sida ay doontaba ha ahaatee Siilaanyo waxa joog iyo jiifba u diiday shirweynaha xisbiga oo afarbilood oo qudhaatii ay naga xigaan taasi oo rag xisbiga ka tirsani ay dhagaha u sareen Gudoomiye waa xiligayagii, taasi oo iyada lafteedu ah mid ka baxsan anshaxa tartanka ee doorashooyinka xisbiga gudahiisa. Qarannews Hargaysa Date:2007-03-26
  12. How many of ya'l did Edna bring into this world :eek: I got mad respect for the lady. Building that maternity hospitol in Hargeisa all by herself was incredible!
  13. The story is fake. This is what a Somaliland website had to say about the incident. Muqdisho(HormoodNews)-Ilmo yar oo qiyaas ahaan aan ku qiyaasay inta u dhaxaysa 14 ilaa 15 jir oo ay xabad jeeraaro ahi ay suuqa ka heshay ayey koox inta ay suuqa ka soo qabteen ku qasbeen inuu sheegto inuu dagaalka ku jirey kana soo jeedo beelaha ********...... [ March 26, 2007, 12:47 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
  14. Red Sea. The achievements of Dahir Riyaale Kahin during his short tenure as President are immeasurable and like him or not he is the best man for the job. Your whole out look on Somaliland politics is shrowded with "wax laa yidhi" and blatantt lies. You might have forgoten Dahir Riyaale was serving as VP from 1997 to 2002. Or that he the chief negotiator in the civil war talks of 95' who brought a lasting peace betwen the gov't and SNM rebels. But suddenly he assumes the post of president and he is automatically evil. A "mujrim" as u would call him. What exactly makes him a mujrim.... like urself the opposition have called him every name in the book, but he still hasnt budged. He is a die-hard Somaliland nationalist and has a great rep among everyday citizens. Fact of the matter is Riyaale possess better qualities and leadership abilities then any of his contenders so its fair to say he will win hands down.
  15. Red Sea.. Somemtimes its sounds like u are on the payroll of Kulmiye with ur anti-Riyaale rhetoric. Madaxweyne Riyaale waa nin dacaad ah oo nadiif ah oo horumaar laa jecel dadka iyo dalka Somaliland... waqtiigaan xaadiirkaana cid kale oo daamaana maa jiro. Ana kalsooni boqolkibaa b100%% baan qaba inuu kuuso baaxaayo 2008 elections.
  16. This conflict is get uglier by the day, as the occupation forces from the puntland clan are commiting atrocities in mogadishu , local militias from the south are re-grouping and planning to strike towns in puntland in response. Bringing the war to the homes of abdillahi yusuf and his tribesman. March 25-2007 Cismaan Caato iyo Ciidamadda Xaq-Udirirka-Beelaha-****** ee Gobolada dhexe oo wada qorshe ay doonayaan inay ku qabsadaan degaanada maamul goboleedka Puntland. Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in kacdoon wayn oo ku xidhan ka kasocda Muqdisho uu ka bilaabmay Hiiraan ilaa Gobolada dhexe, kaasoo lagu damacsanyahay in lagu qabsado Gobolka la baxay Puntland lase odhan jiray Bari, ee ay ka soo jeedaan Cabdulaahi Yuusuf iyo Maleeyshiyadiisa Xamar ku soo duulay iyagoo ku hoos jira kaaraha Xabashida. Cade Muuse oo ah Gudoomiyaha Puntland, ayaa dhowr maalmood ka hor u qaylo doon tegay Itoobiya markuu dareemay dhaqdhaqaaqa milateri ee ku soo socda. Dhinaca kale warar laga soo xigtay dad ku dhowdhow cabdulaahi yuusuf ayaa sheegaya in isna uu dhinaciisa ka wado qorshe uu ku damacsanyahay inuu kala furfuro xoogaga isbahaystay ee uu Cismaan Caato hogaaminayo, isagoo isticmaalaya lacag farabadan oo uu soo samaystay iyo balanqaadyo jagooyin sarsare. Si kastaba ha noqotee, arintan ayaa noqotay mid warwar iyo walbahaar cusub ku sii abuurtay cabdulaahi yuusuf iyo maleeyshiyadiisa ku soo duulay degaanada beelaha ******. Waxay ku noqotay lama filaan iyagoo aan qorshaha ku darsan maatada iyo caruurta inta aad ku laynaysaan Muqdisho kuwiinii Boosaaso iyo Garoowe yaa idiin ilaalin. Sooyaal.com
  17. UDUB's ticket to Power has always been unity just as it stands for the United Peoples Democratic Alliance in english. President Dahir Riyaale Kahin invited dozens of opponents from the last set of elections into his government ASAD, SAHAN, HORMOD all merged separately with ruling party after loosing humiliating deafeats. Many of them are serving important posts as Ministers and D.G.s today. Somaliland's first pres. Abdirahman Tuur returned to Somaliland when the country was at the height of election fever and encouraged people to vote UDUB. So did Suleiban Gaal, a man who was the runner up in 1997 election with Egal and former chairperson of asad. They were all absorbed into the UDUB megamachine. Gabose if anything is damaging Kulmiye, its supporters will look elsewhere when they find out this guy could be replacing Silaanyo. Same with Musa Bihi......who wants to see the faces from somalilands civil war again.. The old man Silaanyo must be freaking out now.....party rule no. 1 divide & some more divide must be hitting home.
  18. Muuse Biixi iyo Dr. M .A Gaboose, oo dadaal Mataanaysan ugu jira qabashada Hogaminta Xisbiga Kulmiye Waxa mudooyinkan danbaba socday loolan loogu jiro madaxnimada iyo hogaaminta xisbig kulmiye, kaasi oo imika u kala miirmaya laba dhinac.waxaana sida aanu ka xaqiijinay dad kala duwan dadaal iyo firfircooni dheeriyihi ka muuqataa dhinac ay hormood u yihiin Muse Biixiiyo Dr Gaboosi oo aad ugu fadalcad dhinac ay horjoogaha u yihiin gudoomiyaha xisbiga ee waqtigan iyo ku xigeenkiisa Fagadhe. Ololahan ay wadaan Muuse Biixi Dr Mohamed Abdi Gaboose iyo dad badan oo kale waxa uu sida ay wararku tibaaxayaan bilawday muddo bilo ka hor ah, kaasi dardar iyo xawlina kordhiyey xilliyadii uu socday shirkii xisbiga kulmiye ku qabsaday magaalada London dhamaadkii bishii January ee tagtey. Shirkaasi oo xisbiga gudihiisa ka abuurey kala shaki badan Ololaha kooxdan oo sida muuqata aad looga dareensan yahay gudaha dalka iyo debedaba yeeshana wadatashi iyo shirar googoosa ku oo u dhaca hab aan kaashif ahayn, iyagoo yaalaaba ka dhaca meelo cayiman oo ay ka mid yihiin Ambanssador Hutel, guryo gaar ah iyo sidoo kale dhulbeereed u Muse Biixi ku leeyahay agagaaraha Geed-deeble. Kooxdan oo aad ugu dhiiran in hello isbadal lagu sameeyo hogaaminta xisbiga si looga soo kabto guuldarooyinkii xisbigu kala kulmay doorashooyinkii wadanka ka dhacay, loogana samatabaxo bay yidhaahdeen ididiilo xumadda ka muuqata saadaasha kuwa soo socda. Sida la xasuusanyahayna waxa xisbiga aad loogu jabiyey doorashooyinkii dawladaha hoose, iyadoo xisbigu ku guulaysan wayey degmo kaliya ka hello tiro macno leh si uu dhiso maamul degaan. Sidoo kale doorashadii Madextooyada, inkastoo xisbigu waqtigii ololaha doorashada adeegsadey halkudhegyo caadifi ah oo aad xasaasi u ah(clannationalism election propaganda) kuwaasi oo ka reeban hanaanka, tartanka doorashooyinka demoqraadiga ah iyo siyaasadaha casriga ah(modern politics), haddana waxay noqotay doorashadaasi mid lagaga adkaaday. Guuldarada seddexaad ee soo gaadhay oo ahayd waxay ahayd tii Golaha Wakiilda, taasi oo xisbigu filayey qoondeystayna in uu ku guuleysandoonaa inta u dhaxaysa 50 ilaa 60 kursi, xaasilkii wuxuu noqday in uu ku guuleysto 28 kursi oo kaliya 82 kursi ee Golaha. Kooxdani ay horseed u yihiin Muuse Biixi iyo Dr Gaboose iyagoo cuskanaysa guuldarooyinkaa isdaba yaaley, waxay ku adkeysanayaan in la gaadhay waqtigii xisbiga lagu sameyn lahaa hogaan bedel (change of Leadership), dib u habayn iyo dib u qaabeyn siyaasadeed. Sida ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah guddiga ee fulinta ee xisbigu waxa jirta teegeero la isku haleyn karo oo lagu taabacsan yahay ololahan Muuse iyo Gaboose. Dadka xisbiga miisaanweyn ku leh ee taageersan arintana waxa ka mid ah; Dr Cabdi Aw daahir, Dr Ahmed Ibrahim( Obolos), M Ahmed Hirsi, Mohamoud Haashi, Ciise Curaagte iyo Abdirahman Aw Cali oo isagu markii ka cagotaaleeyey taageerida kooxdan haseyeeshee Muuse ugu baanay abaalkii u geystay waqtigii u socday shirkii Boorama ee uu C/rahmaan uu tartamayey jagada madexweyne ku xigeenka una sheegay in abaalkaa gudistiisa maanta looga fadhiyo, taasi oo bedeshay mawqifkii hore ee C/rahmaan Aw Cali. Sidoo kale waxa jira Xubno ku jira G/Wakiilada sida; C/Casiis M Samaale oo isagu markii hore ku taamayey in uu tartanka madaxnimada xisbiga ka qaybgali doono haseyeeshee ay doonistiisii xagaldaacisay xaalada cakiran ee guddiga doorashooyinka qaranka oo majarohabaabinteeda dadku ku eedeeyo gudoonka golaha wakiilada si gaarana farta loogu fiiqo Mr Samaale, taasi oo ku noqotay dhaawac siyaasadeed oo hakisey hamigiisii(a spectacular political own goal). Xubnaha kale ee ku jira golaha waxa ka mid ah xildhibaan Ikraan X.Daa’uud, Yussuf Mohamed(Tuke), Axmedweyne, Ibrahim Ahmed (Kacaan),Dr Cali Yuusuf, C/rahman Yussuf Cartan, Mohamed X. Yussuf(Waabeeyo), Axmed Cilmi Rooble, Mohamed Xuseen X. Ciise ,Bulqaas iyo xubno kale. Waxa iyaguna jira shakhsiyaad kale oo hore ugu soo bixi waayey doorashadii Golaha wakiilada oo imika kaalin firfircoon kaga jira ololahan hogaan xisbiga lagu bedelayo kuwaasi oo ay ka mid yihiin Cabdillahi Black, Yussuf Nuur (Guruusje) iyo qaar kale. Xisbiga oo ay raggaadisay ku naaloodka iyo guul isku waabida la xidhiidha tagtada taariikhda ku xusan iyo waajibaad guurtiisii wadar lagu gutay (pre-Somaliland era existing matters and circumstances) imikana aan geyin galina karin wax lagu goolaaftamo ama lagu dhigto gabaad siyaasadeed oo ciddi gaar u wadato(dadkuna u macnaystaan anaaninimo iyo awrokacsi) iyo xisbiga oo u baahan kasmo iyo fogaan arag la falgasha jirtadda waayaha taagan iyo dunida maanta(contemporary Somaliland political, economic and social issues). Ta labaad mawqifka iyo majaraha qalafsan ee ay ka maqantahay u nuglaanshaha iyo xeerinta danta dadka iyo dalka, suuldaaradana ku ah geedisocodka iyo nidaamka guud. Ta seddexaad sensaanqaybeedka xisbiga ku sidkan ee gaabisey in dalaalimada iyo dabaysha xisbigu gaadho degaamada, darifyada iyo dacalada dalka oo dhan. Waqtigan xaadirka ah waxa la sheegayaa in kooxdan ay hogaaminayaan Muuse iyo Gaboose haysato taageero badan oo ah xisbiga gudihiisa dal iyo debedba. Sidoo kale waxa jira maalqabeeno caan ah oo u muujiyey in ay taageero u hayaan kooxdan sida; Khadar Abaansader, Mohamed Indhodeero iyo mid ka mid ah tujaarta caanka ah ee reer Jabuuti oo aan magaciisa la sheegin iyo waliba qaar badan oo ka mid ah ganacsatada heer dhexe ee Somaliland.Sidoo kale waxa jira qaar ka mid ah odey dhaqameedyada iyo salaadiin ka soo jeeda galbeedka Burco iyo waqooyiga hargeysa oo muujiyey in ay taageero u hayaan xisbiga haseyeeshee ku xidhay shuruuda ah in marka hore lahelo bedelaad lagu sameeyo hogaanka xisbiga. Hormoodada kooxdan loolanka ugu jirta hanashada hogaanka xisbiga ee Muuse Biixi iyo Gaboose waxay sida laga warqabo kawada tirsanaan jireen xisbigii la odhan jirey Sahan intii aanu ku hadhin tartankii dawladaha hoose, arinta kale ee ay wadaagaan labada masuul waxa weeyi sida la xasuusan yahay waxay labadooduba soo qabteen xilka wasiirka Arimaha gudaha waqtigii dawladihii marxuum Cigaal. Muxjisada Seddexaad ee ay wadaagaan waxa weeyi sida dad badani ogyihiin Dr Gaboose wuxuu ahaa shir gudoonkii Shirweynihii Somaliland ee Hargeysa !997 kii halka Muuse Biixi ahaa shir gudoonkii Shirweynihii SNM ee Beleygubadle. Haddaba iyada oo la leeyahay Labadan xubneed ee Muuse iyo Dr.Gaboose, waxay leeyihiin waayo aragnimo ku filan oo ay ku hogaamin karaan xisbiga, haddana sida muuqata cid kasta oo ku guulaysata hogaaminta Kulmiye waxa ka horeysay hawl laxaadle ku saabsan dib u qaabaynta xisbiga. Arrintu si kastaba ha ku danbeysee, waxay dadka siyaasadaha ka faaloodaa aaminsan yihiin in xisbigu u baahan yahay dib u habayn dhameystiran oo dhanwalba ah (from a philosophical thinking up to the opinion manipulation, public sentitivity awarness and political strategy) ka libkeenida iyo gofeynta qabyadan daldalloolka badanina waxay u baahan tahay geesnimo, guurtinimo,go’aan qaadasho dhiiran iyo gadhwadeenimo runta iyo danta ummaddu daadahayso taasi oo garab u noqon doonta gayiga gobonimadda iyo guusha Somaaliland ee facyowga danbe. Waxaase marwalba la isku raacsan yahay in gabagabada loolankan ee madexnimda ee xisbiga kulmiye ay doorweyn iyo saameyn ku yeelan doonto cidda uu taageero buuxda siiyo gudoomiyaha kulmiye ee waqtigan Siilaanyo.
  19. Are you sure it wasn't an imaginary brother mr. president, what a ridiculous question. Boramaay is the 3rd capital of somaliland and the region as a whole is administered by our government with the full backing of its people. I think I would know my family is from there.
  20. Faysal Cali Waraabe spoke the truth for once. None of the 3 major parties are endorsing impeaching the President yet MPs from every gobol and xisbi are all for it? Makes people wonder who these guys are really representing. If they are succesful it could really damage Somalilands institutions and democratic process.
  21. Alot of people consider this justice for the slain girl and boy caught in the cross-fire and the 3 dead police officers. Indhacadde being the ring-leader of the plot to destablize the region got the death sentence, even though I think its a bit harsh but he did open fire and murder innocent bystanders in his exchage with police back in 2005. The families of the victims might get some closure.
  22. nuune An NGO conducted a public poll last year in the South (Central and Southern regions) and found 83% of the people surveyed supported an independent Republic of Somaliland. Ofcourse if the survey asked the same question to people in Puntland I'm pretty sure the results would be very different, in light of the dispute over Sool region. I hope one day all our Somali brothers will come around and support Somalilands right to self-determination or I'm afraid we will be doomed the same ugly fate as Ethiopia-Eritrea relations today.
  23. The only people holding anyone hostage are the corrupt NEC and the hate-mongering MPs who are only looking for trouble. In other countries, when a public servant refuses to step-down from office it means jail time. Both UCID and UDUB have signed-off on the old electoral commision and are awaiting on Kulmiye to pick its candidate. No one has the jurisdiction to extend the current NEC for another two years......their time is up simple as that!!
  24. Gaboose should be careful with his words. He is in the same boat as the President......the 1991 Amnesty was extended to all parties in the conflict civilian and military. If anyone should be accused of collaberating with the Fakaash regime it would certainly be gabose who sat and watched in Villa Somalia as the plans to annhiliate the Northern population was hatched. Such an irony now that he shamelessly takes credit for the SNM struggle when he was clearly on the other side of the fence.
  25. 'Ma Jirto Geesinimo Ka Weyn Halgankii Rafaadka Badnaa Ee Loo Soo Galay Somaliland Wakhtigii SNM-ta' Dr Gaboose Hargeysa, Somaliland — 4 March, 2007 -------------------------------------------------- Dr. Mohamed Cabdi gaboose oo ka mid ah Siyaasiyiinta Madaxa banaan ee Somaliland, isla markaana aan ka tirsanayn Xisbiyadda Qaranka midkoodna, ayaa jawaab kulul ka bixiyey eryadii Madaxweyne Rayaale ku weeraray Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo. Dr. Gaboose, waxa uu xasuusiyey Madaxweyne Rayaale in aysan jirin Geesinimo ka weyn tii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ku ogolaaday inuu madaxcweyne Rayaale kaga guulaysto 80-cod, iyada oo buu yidhi uusan jirin Siyaasi africaan ah oo ogolaaday doorasho lagaga helay 80-cod. Dr, Gaboose, waxa kale oo uu intaas ku daray inaysan jirin Geesinimo ka weyn Halgankii rafaadka badnaa ee loo soo galay Somaliland wakhtigii SNM-ta, isla markaana uu maanta aqbalay inuu Daahir Rayaale midhihiisa goosto. Dhakhtarku waxa uu sidaas ku sheegay qoraal uu xalay u qaybiyey war-baahinta oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhayna waxa uu u dhignaa sidan: “in kasta oo aanay dhaqan ii ahayn in aan dhakhso uga hadlo ama uga jawaabo arrimaha qaar, hadana waxaigu kelifay in aan qalinka qaato luuqadii Madaxweyne Rayaale maanta {shalay} war-baahinta kaga hadlay, gaar ahaan waxa aad ii soo jiidatay erayadii iyo weedhihii uu sida khaaska ah ugu weeraray Ahmed Siilaanyo. Waa daruuri is-dhaliilku waana milgaha siyaasada lagu yaqaan, hase yeeshee odhaahdii Daahir Rayaale ku weeraray Ahmed Siilaanyo, mid dhaqanka isdhaliilka waayeelka aan ku qumanayn, isla markaana aan laga fili Karin Afka Madaxweyne garanaya Kursiga uu ku fadhiyo. Runtii, waxaan odhan karaa, ma jirto geesinimo ka weyn talaabadii uu Siilaanyo ku ogolaaday 80-kii cod ee Rayaale Fursada u siiyey in uu Madaxweyne noqdo. Ma jirto Geesi-nimo ka weyn halgankii rafaadka badnaa ee uu u soo maray dib-u-xoraynta Somaliland, kaas oo uu aqbalay inuu Daahir Rayaale midhihiisa goosto oo mas’uulka ugu sareeya noqdo, isaga oo aan habeena u soo dhibtoon. Maan arag mana maqal Siyaasi Africaan ah oo ogolaaday, in Doorashadii lagaga helay sideetankaa cod, ee Siilaanyo liqay go’aankeeda. Taasi waxay muujinaysaa in sababta uu u aqbalay ay ahayd lexejeclo uu u qabo Dalkiisa iyo Dadkiisa, ilaa hadana uu ugu dhabar adaygayo qadiyadda iyo gefafka tirada badan ee inta badan kaga socota dhinaca Madaxtooyadda. Madaxweyne ma tihid Kuray yar oo la ficiltamaya dhigii, ee waxaan moodaayey in aad tahay Madaxweyne garanaya milgaha luuqada Kursigu uu ku fadhiyo. Haatan waxa cad in aad shacbiga tustay in aad gaadhay maqaam ku geesnimo geliyey, ficilkaaguna maanta wuxuu ka dhigan yahay, hadaanan annigu joogayn Dal iyo Dad midna la iga dhaxli maayo, waxaad samaysay tijaabooyin guracan, Dadkuna maaha qaar deman oo aan ku fahmayn, balse, Ishaa ayey leeyihiin waa ka dulqaad, waan hubaa inay ku cajabisay awooda Dadku kuu dhiibtay, Somaliduna waxay ku maahmaahdaa “Beenaale ma hubsadaa ka liita” anniguna waxaan ku khatimayaa laaca aragtaye, laaga ma ogtahay”. Xigasho: Somaliland Future