General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Ciidamadii ka haray Booliiska ee magaalada ku sugnaa oo ayagu intooda badan kasoo jeeda isla beesha.. ayaa ayagu labo todobaad kahor sheegay in aysan waxna ka qaban karin arrimaha amni xumada ay faraha kula jiraan maleeshiyooyinka magaalada gacanta ku haya. HorseedNet.com
  2. GG: The security was provided by the US admin as they did for President Yusuf's last visit to New York.
  3. Adeer, people have traveled from Minnesota, Canada, California and the Eastern board to see the man who is the firts genuine PM since the days of Egal, Abdirashid and A/Rizaq. Look at the PICS its packed and at a very short notice. Or are you trying to deceaive our own eyes?
  4. Maamulka G/Banaadir oo maanta si rasmi ah ula wareegay dhismaha bacadlihii hore ee X/weyne Ku-xigeenka duqa magaalada Muqdisho ee dhinaca arimaha bulshada Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay dhismaha Bacadlihii hore ee ku yiilay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho kaasoo ay gacanta ku hayeen shaqsiyaad Soomaaliyeed, iyadoo munaasabad arintaasi la xiriirtana ay saaka ka dhacday isla bacadlahaasi. Cismaan Maxamed Cawaale (Beynoos) oo ahaa shaqsigii gacanta ku hayey bacadlahaasi mudadii 16-ka sano aheyd ee dalka ay ka jireen burburka iyo Fowdada oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in bacadlahaasi uu yahay mid qalabkiisu ay u dhan yihiin, isla markaana intiisa badan ka badbaaday burburka madaafiicda, wuxuuna tilmaamay Beynoos in dhibaato aad u far badan ay ka soo mareen sidii ay bacadlahaasi uga badbaadin lahaayeen burcada iyo tuugada, isagoo sheegay in ay ILAAHAY mahadii ay tahay haddii maanta dowlad Soomaaliyeed ay kala wareegeyso xilkiisa. Ku-xigeenka duqa magaalada ee dhinaca arimaha bulshada Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) oo hadalo ka jeediyey munaasabadaasi ayaa uga mahad celiyey dadkii bacadlaha gacanta ku hayey mudada 16-ka sano aheyd ee la soo dhaafay, wuxuuna sheegay iney yihiin geesiyaal taariikhda ka galay meel wanaagsan, wuxuuna tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir uu howl gelin doono bacadlahaasi dhowaan, dibna loo furi doono Suuqii X/weyne ee magaalada Muqdisho. Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia dayniilecom@hotmail.com
  5. Maamulka Gobalka Banaadir oo ka shanqariyey in dib loo hawl-gelin doono Bacadlihii weynaa ee Xamar Weyne Mogadishu, Isniin, Juun 25, 2007 Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka codsaday Ganacsatada Gobolka Banaadir in ay dayactir ku sameeyaan Xarunta Bacaadlaha Degmada Xamar weyne si Ganacsatada ay halkaasi uga hawlbilaabaan. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta kormeer ku tegay dhismaha Bacaadlihii hore ee Degmada Xamar weyne ayaa ka shanqariyay in Bacaadlahaasi uu u hawlgeli doono sida ugu dhaqsiyaha badan. Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna kuxigeenka Duqa Magaalada Muqdisho Dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali “Dhagax-tuur” oo Xarunta Bacaadlaha kula hadlay ayaa ka shanqariyay inuu Bacaadlahaasi loo hawlgeli doono sida ugu shaqsiyaha badan, wuxuuna u mahadceliyey dadkii gacanta ku hayey 16-kii sannadood ee la soo dhaafay. Md. Dhagaxtuur, waxa uu ka codsaday Ganacsatada Gobolka Banaadir in ay ka qeyb qaataan Dayactirka uu u baahan yahay Bacaadlaha, isaga oo intaasi raaciyay in ganasatada ay keeni doonaan xarunta Bacaadlaha si ay u wada qiimeeyaan waxa uu u baahan yahay oo dayactir ah. Dhinaca kale, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, waxa uu warbixin ka dhegeystay Cusmaan Maxamed Cawaale (Beynoos), oo ku hadlayey magaca dadkii gacanta ku hayey dhismaha Bacadlihii hore, wuxuuna Baynoos faahfaahin ka bixiyey sida ay ugu soo dhabar-adeegeen ilaalinta dhismahii Bacadlaha, isagoo sheegay inay jiraan qeybo ay ku dhaceen madaafiic, oo aad u burbursan. Dowladdii Kacaanka, ayaa dhistay dhismahaasi, oo qaab ahaan u dhisan Suuq Casri ah oo lagu iibiyo badeecadaha kala duwan. inkastoo aan Dhismahaasi la hawl-gelinin tan iyo markii la dhamaystiray dhismahaasi Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho
  6. Maamulka Gobolka Banaadir oo u digay dadka ku xadgudba Bandowga lagu soo rogay Magaalada Muqdisho Isniin, June 25, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa digniin kama dambeys ah u jeediyay dadka aan weli u hoggaansamin bandowga lagu soo rogay Magaalada Muqdisho ee waddooyinka lagu arko xiliyada Bandowga. Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Siyaasadda C/llaahi Xasan Ganey Firimbi ayaa sheegay in qofkii la qabto isagoo socda xiliga bandowga la qaban doono, kadibna uu bixin doono lacag dhan 200,000 Sh. So, taasi oo haddii uu bixin waayo uu muteysanayo xabsi hal bil ah. Amarkan ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa yimid kadib markii xaafado ka mid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho looga hoggaansami waayay bandowga, isla markaana ay dadka xaafadaas ku dhaqan qaarkood ay Idaacadaha ka sheegeen in aysan arkin wax ciidamo ah oo fulinaya amarka bandowga ah ee ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Arrintaas waxaa u xil saaran Waaxaha Xaafadaha oo xiriir la sameyn doona Degmooyinka oo ay diyaar ku yihiin Gaadiidkii lagu qaadi lahaa Dadka ay Xaaladda deg degta ah ku timaado”ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) oo ka jawaabayay weydiin ahayd sida uu maamulkooda ka yeelayo dadka dhaawacyada soo gaari karaan iyo Haweenka ay Foosha qabato inta xiliga Bandowga lagu jiro. Iyadoo Bandowgan uu ka jiro Magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa habeen kasta dhaca qaraxyo iyo weerarro lala beegsanayo fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo weliba Ciidamada Booliska ah ee howlgallada ku jira, ilaa iyo haatanna ma jirto cid loo qabtay in ay qaraxyadaas ka dambeyso. Si kastaba arintu ha ahaatee, Guddiga Ammaanka Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dabayaaqadii todobaadkii hore waxaa uu soo saaray amar bandow lagu gelinayo Magaalada Muqdisho, iyadoo bandowgana lagu sheegay mid lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  7. ^^^Of course they are saxib. Anyhow we have not seen the opposition againt him. Just allot of love.
  8. Ilaahay ha u naxariisto. Death is a right on every soul. May Allah forgive all the Muslims.
  9. Muqdisho: Isbadal ku yimid 48-kii saac ee la soo dhaafay xaalada magaalada Muqdisho 24. June 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Kaddib markii habeenimadii Jimcaha ee la soo dhaafay uu si rasmi ah dhammaan qeybaha magaalada Muqdisho uu uga dhaqan galay bandowgii ay soo rogeen guddiga nabadgelyada Qaranka ayaa waxaa la tilmaamayaa in dhammaan degmooyinka G/Banaadir laga dareemay dhaqdhaqaaq ciidan iyo howlgalo nabad sugid ah oo ay ka qeyb qaadanayeen qeybaha ciidamada Qaranka. Inkastoo ay dhaceen falal qaraxyo aan waxyeelo geysan, kuwaasoo qaarkood fashilmay ayaa hadana waxaa la xaqiijinayaa in xaaladda nabadgelyada ee magaalada Muqdisho ay wax weyn iska bedeleen. Wararku waxay intaa ku darayaan in marka la eego qaraxyada dhacay ay ahaayeen kuwo ka duwan qaraxyadii hore, iyadoo sida ay Saraakiisha ciidamada xaqiijinayaan walxaha qarxa ee la riday ay ahaayeen Bam gacmeedyo sida Bambada F1. Waxaa intaa dheer iyadoo qasaarooyinka iyo waxyeelada qaraxyadaasi ay ahaayeen kuwo si gaar ah u waxyeeleeyay dadka rayidka ah, sida dhacdadii barqanimadii maanta Isgoyska Howlwadaag ka dhacday kaasoo ilaa saddex ruux oo rayid ah ay ku waxyeeloobeen. Maamulka gobolka Banaadir ayaa sharciyo adag uu maanta shaaciyay waxaa uu sii adkeynayaa bandowga saaran magaalada Muqdisho oo galay habeenkii sadaxad. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  10. Sharciyo adag oo ku aadan bandowga 24 Jun 24, 2007 - 7:43:06 PM Ku simaha duqa magaalada Muqdisho Md. C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) isla markaana ka mid ah ku xigeenada duqa magaalada oo maanta shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kulan ay yeesheen guddiga nabadgelyada Qaranka, kaasoo looga hadlayay waxyaabaha ku soo kordhay xaaladaha magaalada Muqdisho. Md. Firimbi waxa uu sheegay in bandowga saaran Muqdisho ay si wadajir ah u soo rogeen go'aankiisa guddiga nabadgelyada Qaranka, hase yeeshee fulintiisa waxa uu hoosta ka hariiqay in maamulka G/banaadir uu si gaar ah ugu xilsaaran yahay. Md. Firimbi waxa uu intaasi ku daray in kulankaasi sidoo kale la soo hadal qa-aday qodobo sharci ah oo xadidaya ku xadgudubka bandowga, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay dhallinyarada Muqdisho oo uu tilmaamay suurtagalnimada burinta go'aanka bandowga inay sabab ka dhigtaan ayaa waxa uu si rasmi ah u shaaciyay in la ganaaxayo cidii ku xadgudubta wakhtiga bandowga, isla markaana la ganaaxayo lacag dhan 200,000 Sh.So., iyadoo cidii kharashka-asi bixin weysa muddo hal bil oo xabsi ah loogu bedeli doono, halka sidoo kalena uu sheegay in qofkii dembi lagu soo qabto loo gudbin doono dembi barista. Ku simaha duqa Md. C/llaahi Xasan Ganey Firimbi waxa uu mar kale ugu baaqay qeybaha magaalada Muqdisho inay guryahooda ku ekaadaan isla mark-ana dhowraan awaamiirta dowladda ee ku aadan bandowga. Shirka Jaraa'id ee Md. Firimbi ayaa ku soo aaday xilli magaalada Muqdisho ay bandow tahay muddo saddex habeen ah, kaasoo u muuqda inay dadweynaha u hoggaansameen isla markaana u arkeen mid qeyb weyn ka qaadanaya nabad ku soo dabaalida G/Banaadir. Cali Muxiyaddiin, GO
  11. Adeer, I know the majority of the locals are with the admin, no such thing as one subclan. The boys from Afmadow, those who fought the JVA militia in Beerxani and the rest of the Waamo clans are with the locals and the admin. No one wants the JVA, what did they ever do for Kismayu apart from loot and sell charcoal. Anyhow those days are over and with one call the TFG will snuff any resistance against it. Though HE President Yusuf has yet to give that order.
  12. A great welcome for the PM of Somalia. I like the security given to him by the US admin. Great stuff.
  13. Ra'iisal wasaare Geedi oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka magaalada Washington DC Posted to the MOL June 25, 2007, 8:27 am Waxaa galabtii axada ka soo digay garoonka caalamiga ah ee Washinton DC ra'iisal wasaaraha Somaliya iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo. Ra'iisal wasaare Geedi ayaa magaalada washington ku yimid booqasho rasmi ah oo uu wada hadali kula yeelan doono madaxda wadanka Maraykanka. Ra'iisal wasaare Geedi ayaa waxaa markii uu soo degay ka horyimid qaar ka mida Jaaliyada Somalida oo ay ka muuqatay farxad iyo rayn rayn inay markii ugu horeysay 17 sanno ay indhahooda ku arkaan hogaamiye Somaliyeed oo helaya sharaftii soo daweynta iyadoo la arkayay ra'iisal wasaaraha oo ay waardiyaynayaan muqaabaraadka dalka maraykanka. Ra'iisal wasaaraha ayaa la filayaa inuu isla caawaba kulan balaaran la yeelan doona jaaliyada Somalida ee Maraykanka ka dib markay isarkaan madaxda Maraykanka.
  14. Adeer killing, maiming, raping and looting other Somali's seems to be the trait of this group. No worries mate, locals will regain their land, it has yet to begin.
  15. Kismaayo:-bililiqadii ugu badneed oo xalay ka dhacday Kismaayo oo ay gaysteen isbahaysigii dooxada juba ,Nabadoon Cabdiwali Biixi oo canbaareeyay arintaas fooshaxun Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa xalay waxaa ka dhacay dhacii ugu badnaa ee halkaasi ka dhaca sadexdii maalmood ee aanu soo dhaafnay sida uu ku soo waramayo wariyaha Kismaayopost.com ee magaallada Kismaayo. Fallkii xalay ka dhacay magaaladan Kismaayo ayaa waxaa uu saamayn ku yeeshay dhamaan xaafada kala duwan ee magaallada Kismaayo oo ay dagan yihiin dadka deegaanka u ah marka laga reebo dhawr guri oo ay dagan yihiin dadka ka soo barakacay abaarihii ka dhacay sanadkii hore Gobolka Gedo ee magaalada iska soo dagay,waxaana falkaan dhaca iyo boobka ah gaystay maleeshiyaadka Gobolka Gedo ka yimid iyo waliba rag ka mid ahaan jiray islaamiyiimtii laga awooda roonaday ee ka soo jeeda Beesha Yuusuf Indhacade oo ay isku xulufu yihiin beesha Bare Hiiraale,waxayna gaysteen falal naxariis daro ah oo ay ku dheehan tahay aargoosi qabiileed iyo waliba barakicin dumarka iyo caruurta. Dhacaan ayaa waxaa uu saameeyay dumarka guryaha jooga oo xitaa laga dhacay raashinkii guryaha u yaalay iyo waliba bakhaaro ka duwan oo ku yaala magaallada Kismaayo. Gawaari aad badan oo laga dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu raray Biliqadii ay dhaceen maleeshiyaadka Gobolka Gedo ka soo qaxay abaarihii halkaasi ka dhacay kal hore awgeed waxaana biliqidaan loo qaaday dhanka Baardheere oo ay haayadaha Gargaarku ka wacdeen in dhawaale. Afhayeen u hadlay Beesha....... oo lagu magacaabo Nabadoon Cabdilwali Jaamac Biixi kana soo jeeda Magaalada Kismaayo oo ay la xiriirtay Kismaayopost.com ayaa waxaa uu canbaareeyay falalka ay gaysteen Burcada biliqada magaallada Ka wada ee ka soo duulay dhanka Gedo '' Waa burcad maxaa yeelay dhac iyo bililiqo ayay sameeyeen cidii falalkaa ku kacdana meel kasta ha ka yimaadaane waxaa qaanoonka caalamiga ah u yaqaan Burcad Criminals ah '' Magaalada Kismaayo ayaa xalay waxaa laga maqlayay rasaas goos goos ah oo ay dadka ku argagaxinayeen maleeshiyaadka Indhacade iyo Bare Hiiraale walina xafiiska Kismaayopost.com ee Kismaayo ma soo gaarin faahfaahin dheeraad ah oo ku saban rasaastaasi . La soco Kismaayopost.com mar kasta Kismaayo wararka ka yimaada. Xafiiska wararka ee Kismaayopost.com Webmaster@kismaayopost.com
  16. Bililaqo xoogan iyo falal xasuuq ah oo si baaxad le uga socda magaalada Kismaayo Posted to the MOL June 24, 2007, 12:25 pm Wararka ka imaanaya magaala madaxda gobolka J/Hoose ee Kismaayo ayaa sheegaya in xalay illaa maanta ay magaalada ka socdeen bililaqo iyo xasuuq loo gaysanayo beelaha ku Abtirsada Kablalax. Bililiqadaan iyo xasuuqaan oo ay wadaan maleeshiyada beesha **** oo maalintii shalay ahaa dagaal ba’an dhexmaray ciidamada guutada 1-aad ee xooga dalka Somaliyeed ayaa waxay magaalada ka wadaan xasuuq ba'an. Dagaalkii shalay ayaa inkastoo labada dhinacba qasaarooyin ka soo gaareen ayaan haddana wax dhul ah lagu kala qabsan. Arintaas oo ka caraysiisay Meleeshiyada weererka ku qaaday Buulo Gaduud oo ay ku sugnaayeen ciidamada dawlada KMG ah. Wararka ayaa sheegaya in illaa xalay illaa maanta magaalada gudaheeda ay dilal ka fuliyeen maleeshiyadii beesha **** ee guul darada kala kulantay dagaalkii ay qaadeen. Waxaa lagu dilay gudaha Kismaayo rag ganacsato ah oo beel ahaan loo gumaaday. Maleeshiyada beesha **** ayaa waxay bililiaqaysteen goobihii ganacsiga iyagoo sidoo kale la wareegay gawaari kor u dhaaftay illaa iyo 10 oo ay lahaayeen ganacsatada magaalada Kismaayo. Falalka ka socda Kismaayo iminka ayaa waxay yihiin kuwo aad u fool xun, iyagoo dad shacab ah guryagooda waqti habeenimo ah lagala baxay ka dibna qaarna la dilay qaar kalena jirdil xun loo gaystay kuwaas oo aan la ogayn meesha ay ku dambeeyeen. Waxgaradka reer Waamo ee qurbaha ku nool oo qaarkood la soo xiriireen Mudugonline.com ayaa ka muujiyay cabsi weyn qatarta la soo gudboonaatay qaraabadooda ku nool magaalada Kismaayo oo qabiil ahaan lagu ugaarsanayo. Waxgaradkaas ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in maanta oo dawlad Somaliyeed dhalatay wadankana laga wado dib u heshiisiin in dib beelaha qaar ugu noqdaan foolxumadii horey loo soo maray ee xasuuqa iyo barakicinta dadka shacabka ah. Dhinaca kale dawlada Somaliya ayaa iminka u muuqata mid fadhiid ah oo howlaheeda ku koobtay magaala madaxda Muqdishu indhahana ka daawanaysa xasuuqa ka socda gobolada Sh. Hoose iyo J/Hoose. Waxaa iyaguna sidaas si la mida aan wax dhaqaaq ah sameyn maamul goboleedka Puntland oo dadka lagu xasuuqay Kismaayo isir ahaan ah deegaan ay ka soo jeedaan.
  17. ^^^Of course its getting out of hand its every clan for itself. Though the locals are supporting the admin hence it aint over.
  18. Dagaal qarar oo ka dhacay tuulada Canjeel oo ka tirsan gobolka jubbada hoose kana xigta magaalada kismaayo dhinaca koonfured Coll Qoojaar oo ah taliyaha ciidamada gobolka jubbada hoose iyo malayshiyo beeledka gacanta ku haya magaalada kismayo ayaa dagaal xoogan ku dhex maray deegankaasi. Weerar ay qaaden malaysiyada ku sugan magaalada kismayo iyaga oo ku hamiyaya bililiqo ay u geestaan dadka ka soo jeeda deegan afmadoow iyo nawaaxigiisa,ayaa dagaal qaraar ay isaga hor yimaaden ciidanka dowlada kmg ah oo ay baryahaan dagaal kula jireen oo iyaga ku sugan tuulada canjeel oo kismayo u jirta 40 km Dagaalka ayaa la sheegayaa in looga soo awood roonaaday malayshiya beeledka sida indho la’aanta ah ku doonaya dhulbalaarsiga kana duulay magaalada kismayo waxay wararka sheegayan in laga gubay 2 gaari 3 kalena gacanta looga dhagay wali ma cada qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee labada dhinac Sidoo kale saakay waxeey magaalada kismaayo ku waabariisatay diyaarado dul heebaabaya hawada magaalada kismaayo, aanan heybtooduna la garanen, malaysiyada gacanta ku haysa magaalada kismayo ayaa markii danbe diyaarada ku riday rasaasta ka dhacda qoriga loo yaqaan zuuga. Sidoo kale wali waxaa magaalada kismayo ka soconaya dhaca loo gaysanaayo hantida sida gaarka ah loo leeyahay sida gawaarida iyo waliba guryaha oo la baaranaayo Arimahaas oo ay go,aan ka soo saaren odoyaasha beesha **** ee gacanta ku haya magaalada kismayo ayaa ilaa hada wax ka hirgalay aysan jirin, ayadoo loo arkey qawda maqashii oo waxbana ha qaban. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Nuqdisho Somalia Contact Carmooyin@hotmail.com
  19. Horn, Puntland post report is supported by Gedoweb the second Gedo clan web portal. Also the fighting has restarted. It continues, the Waamo locals are fighting.
  20. War Deg Deg ah"Dagaal xoogan oo ka dhacay Jannay Cabdalle. (WYNET)Kismaayo:-War deg deg ah oo hadda naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa wuxuu sheegayaa in dagaal xoogani uu ka ka dhacay meesha lagu magacaabo Jannay Cabdalle oo dhanka afmadow ka xigta magaalada Kismaayo,isla markaana u jirta qiyaastii 40Km. Warkan ayaa wuxuu intaas ku darayaa in Malayshiyada gacanta ku haysa Kismaayo ay weerar ku qaadeen Ciidamadii uu hogaaminayey Col.Afguduud ee dhawaan uu dagaalku ku dhex maray Kismaayo gudaheeda. Ilo goob joog ah ayaa waxay Shabakada Waayaha.net u xaqiijiyeen in dagaalku uu ahaa mid culus,isla markaana isbitaalka guud ee magaalada lasoo gaarsiiyey dhaawac iyo dhimasho fara badan. Wararka dagaalka oo faah faahsan Dhawaan ayey Shabakada Waayaha.net idiin soo gudbin doontaa idanka alle ee haka fogaan. Xarunta Shabakada Waayaha.net
  21. PRESS RELEASE: Somali Prime Minister to Visit Washington, D.C 24. june 2007 The Somali American Community of Metropolitan Washington Tool Washington, D.C. June 24, 2007, The Somali American Community in the Greater Metropolitan Washington is proud to welcome the Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, the Honorable Ali Mohamed Gedi to Washington, D.C. The Prime Minister is visiting the United States to meet with American officials, members of both houses of congress and senior staff at key non governmental institutions. The Prime Minister will also meet with the Somali community during his stay. This historic visit represents a great opportunity for the legions of Somali Americans, Somali Canadians and Somali citizens in the Diaspora, who support the Somali Transitional Federal Government to welcome the Prime Minister and his delegation. The TFG is doing a tremendous job in bringing about much needed stability to Somalia after more than 15 years of lawlessness and religious fanaticism. It is succeeding against great odds, including well-financed opposition of religio-clan groups that are willing to sacrifice national unity and stability to achieve their narrow, radical political ends. So, it’s with great pleasure and the source of immense pride that we in the Somali American community welcomes Prime Minister Ali Mohamed Gedi and his delegation to Washington, D.C, and the United States. The Somali American Community of Metropolitan Washington Coordinating Committee amakhiri@aol.com kmhamud@verizon.net
  22. Washington: Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo Raysul Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya Mudane Prof. Cali Maxamed Geedi oo booqasho ku yimi dalka mareeykanka magaalada Washington.. 25. june 2007 APL Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Raysul Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya Mudane Prof. Cali Maxamed Geedi habeenimadii axada 24 june saacadu Markey 9 habeenimo waqtiga Washington DC Garoonka loogu magacdaray madaxweynihii hore ee mareeykanka (Reagon International Airport). Prof. Geeddi ayaa ka warbixiyey Safarkiisa markii uu ka soo dhoofayey dalka Soomaaliya waxaana uu yiri waxaan ku sii jeedaa Magaalladda New York, si uu uga qeybgalo Kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM bishan 28-da ka yeelan doonaan Xaalladda dalka Somalia. Ra'isul-wasaare Geeddi, waxaa uu sheegay inuu xubnaha Golaha Amamanka ee QM uga warbixin doono Xaalladihii ugu dambeeyey ee dalka Somaliya, qorshaha DFKMGS ee ku aadan arrimaha Nabadda, Dib-u-heshiisiinta, Samafalka, iyo doorlka QM ee kaga aadan Hawlgalladda Nabad-ilaalinta ee dalka Somaliya. Waxaa la socday mudanayaal ka mid ah golaha wasiirada, oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Wasiirka dhisida iyo dib udejinta , wasiirul dowlaha Wasaarada Arimaha Dibada iyo Cali Faysal Director General Permenent Secretaray, iyo xildhibaano, Safiirka Soomaaliya ufadhiya dalka Ugandha. Waxaa halkaa ku soo dhaweeyey dhamaan Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku kala nool Cariga mareeykanka Jaaliyaddahaas oo ka kala yimi gobolada ay ku dheqan yihiin dadka soomaaliyeed siiba meelaha ay ugu badan yihiin oo ay ugu weyn tahay Gobolada waa gobolka Minnesota. Waxaa meeshaasi isugu yimi oo ka qeyb qaatay oo kale Saxaafada Soomaalida ee ka jira cariga Mareeykanka kuwa ugu weyn oo ka yimi gobolka Minnesota. Abdikarim Isse Somali American media ***. (SAMA) Abdikarim@somaliamericanmedia.org waxaanu idin soo siin doonaa warar ku saabsan Raysule Geedi iyo wafdiga uu horkacayo iyo masawiradii shortly