
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Baran Sanaag Puntland: 1st July Celebrations: PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
BEAUTIFUL PICS -
Daawo Sawirada: Degmada Baran ee gobolka Sanaag si wanaagsan maanta looga xusay 1da Luuliyo ooku beegan 74 guuradii ka soo wareegtay madaxninmadii Somalia. BAdhan:- Degmada Baran ee gobolka Sanaag ayaa si wayn looga xusay maanta oo ahayd 1da Luuliyo oo qiime wayn ku fadhida dadka somaliyeed meelkastoo ay ku sugan yihiin isla mar ahaantaasina Mudan xusid iyo tixgelin u gaara Madaama ay tahay maalintii ay Mudnayd Somalidu. Hadaba waxaa maanta xuskan qayb wayn k qaatay shacabka reer Sanaag gaar ahaan meelaha Xaflad qiimo badan oo ay qiiro ka muuqatey ayaa maanta lagu qabtay xarunta ururka haweenka Alnasar ee gobolka Sanaag ee magaalada Badhan Halkaasi oo ay ka soo qayb galeen dadwayne aad u farabadan oo isugu jira wax garadka degmada dhahar iyo qaybaha kale ee bulshada degmadaasi baran Waxaana ka mid ahaa maanta Masuliyiinta dhankaa maamulka ka soo qaybgashay Munaasibadaasi Gudoomiyha Gobolka sanaag Maxamuud Siciid Nuurduqa degmada Badhan Maxamed Axmed Bulbul iyo Odayaahsa degaanka qaybohooda kala duwan waxaana dhamaan ay hanabalyo iyo u direen dadwaynah ku dhaqan gobolada dalka somaliaya waxaana ay xafladaasi ka soo jeediyeen masuuliyiintu khudbado kala gedisan iyo wacyigelino ay dadka ku wacyi gelilnayaan in la aqoonsada arimha danta iyo maslaxadu dadka ugu jirto waxaana sidoo kale ku soo xaadiray Munaasibadaasi shacabka Degmada dhahar oo maalintan qiimha Badan ka qayb qadanayey Meelaha kale ee laga xusay Gobolka sanaag waxaa ka mida Dhahar inkastoo Xafladii ugu qiimaga badnayd ay ka dhacaday degaanka Baran Xarunta Gobolka sidoo kale waxaa ka dhacay Dabaal degyo lugu xusayo qiimaha maalintani ay uleedahayUmada somaliyeed. Xuskii iyo Munasibadihii maanta lugu xusay 1luuliyo ayaa waxay ku soo dhamaaden jawi wanaagsan iaydoo dadka intiisa badini maanta ay dib u garowsadeen xaldihii hore ee dalka somala Maxamed axmed ciise Sawirada= Maxamuud CIyoon
-
President Yusuf: on stability, Kismayu and NRC
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^What hot air, Kismayu is no problemand will be dealt with in a time of the old man's cjoosing, jsut like how he dealt with the clan courts, and the looters Inc before them. As for Abdi2005 welcome back adeer, your new prediction is what? That the farts in Kismayu will turn into a flood? Mogadishu today is TFG command centre and the enemies of the Somali state are running for cover in Asmara. Keep talking people. -
Gen Ali Samatar welcoming the PM
-
PM Geedi in Washington DC [recieves a hero's welcome:] PICS
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Ranneberger: Asmara group lacks support from people
General Duke replied to Gordon Gekko's topic in Politics
^^^lol. hypotheticals aside, Yusuf has been to every major Somali city outside the secessionist enclave and was welcomed in Beledweyne, Jowhar, Baidoa, in all of PUNTLAND and now Mogadishu. He has a mandate and populisam was never his agenda. The man does not say what you want to hear but the truth -
The love is everywhere
-
-
Ranneberger: Asmara group lacks support from people
General Duke replied to Gordon Gekko's topic in Politics
^^^The election was fair and free the night before when many pundits predicted that A/Qasin or Adow would win. This changed when the Somali parliment gave their choice to Yusuf Yey, in a landslide. Consider that Yusuf's clan only had 12 out of 275 and that Jama Ali and Jini Boqor voted for Adow. This means that out 180 other votes camefrom outside his sub-clan, what a mandate? The elections were held ina neutral ground and the process was long and difficult, two years in fact. If it was all a ploy then why the pretence and the difficulty? The elections were scrutanised by the international community who funded the political reconciliation conference spending millions, housing feeding and transporting delegates. The valadity from certain clans specially Mogadishu came with the crushing victory of Yusuf A man from Puntland who in their opinion had no right competing. Well the Somali parliment had other ideas and priorities. -
“midnimada Soomaaliya waa muqadis ciddii ka hortimaadana foodaanu ku qaadaynaa” M/weyne Yuusuf
-
“midnimada Soomaaliya waa muqadis ciddii ka hortimaadana foodaanu ku qaadaynaa” M/weyne Yuusuf (WYNET)Muqdisho:-M/weyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo xalay ka hadalyey xaflada lagu maamusayey 1-da Luulyo (Julay) oo ah markii Soomaaliya xornimadeeda mustacmarkii ama gumaystihii ka qaadatay, ayaa sheegay sida ay midnimada Soomaaliya Muqdis u tahay. Khubada M/weyanaha oo meelo badan taabanaysay ayuu sigaar ah diirada ugu saaray inay muhiim tahay in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya aysana doonayn in la kala googooyo ay fooda ka qaadan doonaan ciddii arinta midnimada ka hortimaada. “midnimada Soomaaliya waa muqadis ciddii ka hortimaadana foodaanu ku qaadaynaa” ayuu yir M/weyne C/llaahi Yuusuf oo intaas raaciyey xornimada Soomaaliya laga soo maray howl adag dhiig badanimana uu u soo daatay. Mar uu iyana ka hadalay dhibaatada maanta Muqdisho taagan ayuu sheegay inaysan maanta jirin cid cid xoog ku haysan karta hase ahaatee loo baahan yahay in caqligu shqeeyo wixii qaldana wada hadal iyo nabad gelyo lagu dhameeyo. Dhowaan ayuu sheegay C/laahi Yuusuf inay loo gudbi doono nidaamka xisbiyada badan dadkuna ay dooran doonaan ciddii rabaan, waxaana taas lagu gaari karaa buu yiri in marka hore ammaanka aan sugno inaga oo wada jira. Waxaa iyana sidii caadadu ahaan jiray xalay saqdii dhexe laga sameeyey magaalada Muqdisho calansaarkii iyadoo ammaanka ay sugayeen ciidanka Booliiska Soomaalida oo ay weheliyeen kuwa midowga Africa. Xafladaan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay ayaa u ekayd mid lagu sasuuxan karay waayo waayo iyo waqtigii nabada la ahaa,waxaana guud ahaan muuqanaysay rajo laga qabo in dalku nabad ku soo laabto oo laga guuro nimaad la,aanta. Xarunta wararka Waayaha.net Waayahanet@hotmail.com
-
audio
-
midnimo
-
Munaasabadda 1-luuliyo oo xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa-Somalia. July -01-2007-HornAfrik, Mogadishu. Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaliya ayaa ugu baaqay kooxaha weerarada ka wada magaalada Muqdisho in ay joojiyaan falalkaasi isla markaana ay dowlada taageeraan Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa umuurtaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasabada 1-luuliyo ee xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada dowlada KMG ee Villa Somalia . Madaxweyne Yuusuf ayaa tibaaxay in dowladiisa ay wax waliba wadahadal ku dooneyso laakiin hadaan laga ogalaan in kooxaha weerarada geeysanaya joojiyaan ay dowladiisa gacmaha ka laaban doonin . Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliya ku booryay ka shaqeynta nabada dalka iyo midnimada Dalka . Waxa uuna sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xornimadii Soomaliya si fudud loo bur buriyo , waxa uuna shacabka Soomaaliya ugu hambalyeeyay munaasabada 1-luuliyo. Munaasabadaasi oo ay ka soo qeyb galeen xubno ka mid ah labada gole ee dowlada KMG ayaa waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka xarunta Villa Soomaaliya . Hadal uu halkaasi ka jeediyay duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Dheere) ayaa sheegay in muhiim ay tahay in kooxaha weerarada geeysanaya ay joojiyaan isla markaana ay door bidaan nabad iyo wadahadal . Waxa uuna sheegay in uu ka xun yahay in munaasabada 1-Luuliyo ay ku soo beeganto xilli magaalada uu saaran bandow, waxase uu sheegay in looga gonleeyahay sugida amaanka caasimada iyadoo uu intaa raaciyay in bandowga uu sii socondoono. Ka dib majaajilo iyo heeso halkaasi ay ku soo badhigeen kooxaha fanaaniinta ayuu Madaxweyne Yuusuf saqdii dhexe uu saaray calanka . Waxa ayna munaasabadaasi ku soo gabagaboowday jawi aad u qurxoon oo farxad ay ku dheehan tahay.
-
Madaxweynaha DFKMGS, oo sheegay inay Dowladiisa xukunka ku wareejin doono Nidaam Dimuqraadi ah oo waafaqsan Dastuurka Qaranka Mogadishu, Axad, Julaay 01, 2007 Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa hadalkaasi ka sheegay Munaasabadda 47-guuraddii ka soo wareegtay Is-raaca Goballadda Koonfurta iyo Waqqoyiga Somalia iyo Xornimadda dalka Somalia, oo xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ee Magaalladda Muqdishu. Madaxweyne Yuusuf, waxa uu ka hadlay Halgankii dheeraa ee lo osoo maray Xornimadda dalka, isagoo ammaan u jeediyey dhamaman Halgamayaasha kaalinta wanaagsan ka soo qaatay Halgankii lagala horjeeday Gumeystayaashii Reer Yurub ee dalkka Somalia guimeysan jirtay., Madaxweyne C/llaahi Yuussuf, waxaa kaloo ka hadlay Barnaamijka Siyaasadda ee DFKMGS, wuxuuna xusay inay Dowladdu tahay mid ku timid si Dimuqraadi ah, isla markaana aay xukunka ku wareejin doonaan Nidaam Dimuqraadi ah. Madaxweyne Yuusuf, waxa kaloo uu khudbadiisa ku aadanayd 47-guuraddii ka soo wareegtay Maalinta Xornimadda iyo Israaca Goballadda Koonfurta iyo Waqooyiga Somalia, waxa uu kaga hadlay kooxaha qaraxyaddaa iyo dilalka qorsheysan ka wada Magaalladda Muqdishu, wuxuuna sheegay inay ayaan-darro tahay in 67-saanno kadib inay jiraan dad Soomaali ah oo qaraxyo iyo dilal la beegsanayo Saraakiisha iyo dadka muhiimka u ah Ummadda Soomaal;iyeed. Madaxweynaha DFKMGS, waxa kaloo uu sheegay inay dowladda Federalka cagta marin doonto kooxaha doonaya inay carqalladeeyaan Nabadda iyo Midnimadda dalka Somalia, wuxuuna si gaar ah u sheegaay inaysan Taariikhda Somalia meelna uga bannaanayn shaqsiyaadka aan aaminsanayn Waddaanimadda, iyo Sharafta dadka iyo dalka Somalia. Munaasabadda 47-guuraddii ka soo wareegtay Israacii Goballadda Koonfurta iyo kuwa Waqooyiga Somalia ee xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee DFKMGS, Saraakiil ka tirsan Ciiddamadda Qaranka, Maamulka Gobalka Banaadir, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo marti Sharaf lagu casuumay Munaasabadaasi Qaran ee xalay lagu qatay Xarunta Villa Somalia ee Magaalladda Muqdishu. Waa markii ugu horreysay oo uu Madaxweyne Yuusuf kaga qeyb galo Munaasabadaasi Qaran Xarunta Villa Somalia, tan iyo markii xilka Madaxtinimadda loo magacabay sannadkii 2004-tii. Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho
-
-
Ranneberger: Asmara group lacks support from people
General Duke replied to Gordon Gekko's topic in Politics
Sharif has no support outside the clan media of Xasan Dahir. Indeed even his clan see him as no more than a puppet for Xasan Dahir and IndaCade. Yusuf hate him or not has the full support of his clan which is a major grouping in Somalia. The other Somali's also respect him for his no nonsence stance when it comes to unity and security. He alsoproved through two elections in Puntland and in Nairobi of his popularity with outside clan members. For example A/qasin who was lauded to be popular at the time got 14 votes while Yusuf gwon every round gaining 189 votes in the end. Hence the old man has proven in elections and military support that he has long standing support. -
Presdient Anwar, indeed its the firts time such an event was held in Villa Somalia since the war. Somalia is back and may Allah make the recovery fast and perminent.
-
-
Xuska Munaasabadda Xoriyadda ee 1-Luulyo Oo Xalay Si Weyn Looga Xusay Gudaha Dalka Iyo Dibadda (Madaxweyne Yuusuf Oo Khudbad Halaasi ah ka Jeediyey Villa Somalia). Posted to the Web Jul 01, 06:16 MOGADISHU (PO) - Sanad-guuradii 47aad ee kasoo wareegatay xilligii ay gumaysiga ka xuroobeen Gobalada koonfureed iyo israacii Gobalada Koonfur iyo Waqooyi sanadkii 1960-kii ayaa xalay laga xusay qeybo ka mid ah gudaha dalka Somalia iyo dibadaha. Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayo 1-Luulyo ayaa xalay ka dhacday xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ay kasoo qeybgaleen Mas'uuliyiinta Dowladda KMG oo uu ugu horeeyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed. Madaxweynaha Dowladda KMG oo halkaasi khudbad ballaaran ka jeediyey ayaa hambalyo u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, isagoo ugu hambalyeeyey xuska Maalinta 1-Luulyo, islamarkaana calanka Somalia uu halkaasi ku saaray Madaxweynaha. Madaxweyne Yuusuf waxa uu sheegay in ay nasiib darro tahay 16-sano ka dib in dalka Somalia wali ay ka jiraan is-ugaarsi iyo dhiig-daadin aan dhamaanayn. Isagoo soo hadal qaaday mushkiladaha ka oogan Caasimada ayaa waxa uu Madaxweyne Yuusuf yiri "Waxaa nasiib xumo ah in dad Islaam sheeganaya ay dad kale oo muslim ah dilaan oo ay ugaarsadaan, iyagoo dano gaar ah leh". Col. Yuusuf ayaa ugu dambeyn sheegay in Dowladiisa KMG ay waqti yar haysato ayna sii xoojin doonto xukunkeeda, si buu yiri loo helo amaan iyo sinaan horseedi karta in Dorashooyin xor ah ay ka dhacaan dalka Somalia. Sidoo kale Magaalada Baydhabo ayaa xalay waxaa laga xusay munaasabada 1-Luulyo, iyadoo mas'uuliyiinta ugu saraysa maamulka Gobalka Bay ay halkaasi khudbado ku aadan munaasabada ka jeediyeen. Dhinaca kale Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka qurbaha ayaa xalay xusay intooda badan maalinta qiimaha badan ee 1-Luulyo oo ku beegan xilligii ay gobanimada qaateen gobalada koonfureed, islamarkaana ay israaceen Waqooyi iyo koonfur. C/risaaq C/laahi Maxamed
-
Pakistan Yemen sends congratulations to the Somali people
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Suldan Qaboos of Oman sends his regards to the governemnt and people of Somalia. Uman -
Pakistan Yemen sends congratulations to the Somali people
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Gen.Musharaf oo Hambalyo u diray Dowlada Somaaliya Last Updated::2007-07-01 13:53:17 Islamabad:- Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha dalka Pakistaan ayaa si wadajir ah dhambaal hanbalyo usoo diray Dowlada Soomaaliya. President General Pervez Musharraf iyo Prime Minister Shaukat Aziz ayaa qoraal ay soo saareen ugu hanbalyeeyay dowlada iyo ummada Soomaaliya sanadguurada 47aad ee maalinta Xoriyada dalka Soomaaliya. Madaxweyne Musharaf oo qoraal u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed ayaa waxa uu ku sheegay in asagoo ku hadlaya magaca ummada Pakistaan uu ugu hanbalyeenayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed maalinta xoriyada dalka asagoo sheegay inuu illaahay uga baryayo horumar iyo nabad ummada Soomaaliyeed. Ra'iisul Wasaare Azizka dalka Pakistaan ayaa sidoo kale dhanbaal noocaan ah u diray dhigiisa dalka Soomaaliya, dowlada Pakistaan ayaa noqotay tii ugu horeysay oo dhanbaal noocaan ah u dirta dalka Soomaaliya tan iyo intii uu dhacay burburkii soomaaliya, ayadoo maanta oo ku aadan 1da Luulyo ay dalalka Islaamka, kuwa Carabta iyo dunnida kaleba dhanbaalo hanbalyo ah usoo dirayaan dowlada Soomaaliya. Khaliif M Xaashi HorseedNet.com -
audio
-
Madaxweynaha Soomaaliya C/llahi Yuusuf oo xalay ka qeyb galay munaasabadii lagu maamuuusayay 1-da July ee ka dhacday Villa Soomaliya (khudbad dheer oo uu halkaa ka jeediyay) xalay oo ku beegneyd gobanima qaadashadii koofurta Soomaaliya iyo Israacii waqooyiga iyo koofurta dalka ayaa waxaa xarunta madaxtooyada qaranka lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayay 1-da July.Qudbadii Madaxweynaha halkaan ka dhageyso. xalay oo ku beegneyd gobanima qaadashadii koofurta Soomaaliya iyo Israacii waqooyiga iyo koofurta dalka ayaa waxaa xarunta madaxtooyada qaranka lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayay 1-da July,waxaana munaasabaddaa kasoo qeyb galay madax aad u farabadan oo uu ugu horreeyay madaxweynaha Somaaliya, ku simaha ra'isul wasaaraha,wasiirro, ku xigeenno, mudanayaal baarlamaan,maamulka gobalka Banadir iyo dadweyne aad u farabadan. Munaasabaddan oo ahayd mid aad u qurxbadan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobalka Banaadir,waxaana marka laga soo tago masuuliyiinta Soomaalida ah munaasabadda ka qeyb galay marti sharaf ajaanib ah oo lagu casuumay,ayna ka mid ahaayeen taliye yaasha ciidamada nabad ilaalinta Afrikaanka ee Jooga dalka Soomaaliya,kuwaas oo u riyaaqay qaabkii munaasabaddu u dhacday hambalyana u diray shacabka Soomaaliyeed munaasabaddan awged. Munaasabadii xalay ayaa ku soo beegantay iyadoo magaalada Muddo in ka badan todobaad uu bandow saarnaa,hase ahaatee 1-da July awgeed jawigii magaaladu waa uu is badalay bandowgiina xalay oo keliya ayuu meesha ka baxay,iyadoo sidaasoo kalana bandowgii laga qaaday magaaloyin ay ka mid yihiin Baydhabo,Afgooye iyo Balcad oo munaasabado aad u ballaarani ay ka dheceen. Hobalalada waabari iyo Heegan ee dalka Soomaaliya ayaa xalay si weyn u madadaalinayay dhamaanba ka qeyb galayaashii munaasabaddii xalay,waxaana ay soo ban dhigeen heeso wadani ah iyo riwaayado ka tarjumaya qaranimada,waxaana hobalaldaa ka mid ahayd Seynab xaaji Cali baxsan oo madaxweynaha Soomaliya qudhiisu uu goobta ka sheegay in xalay oo kale calan saarkii 196-kii ay goob joog isla ahaayeen. Madaxweynaha Wadanka Soomaaliya C/llahi Yuusuf Axmed oo munaasabdii xalay khudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in gobanimada la heysto aanay dheel dheel ku imaanin,waxaana uu xusay in dhiig farabadani uu u daatay gobanimada dhalinteeda ,hase ahaatee waxaa uu wax laga xumaado iyo calool xumo ku tilmaamay in dad aan garanayn dhibtii xornimada loosoo maray ay wax waliba qaseen. Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,isagoo sheegay in farxad weyn ay tahay in mar kale shacabka Soomaaliyeed ay munaasabaddan xusaan iyadoo dalka dowladi ay ka jirto,waxaana madaxweynuhu uu u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed in munaasaabaddan munaasabadeeda ay bash bash iyo baraare ku gaaraan. "Gobanima buuxda iyo dowladnimo caalamka oo dhan laga ictiraafay Soomaalidu way heleen,laakin iyaga ayaa hadana gacmohooda ku bur buriyay guushii ay halgamayaasha Soomaaliyeed dhaliyeen"ayuu yiri madaxweynaha qaranka Soomaaliyeed Yuusuf oo sheegay in Soomaalida looga fadhiyo firkirka wax duminta in ay ka tagaan oo iminka wixii ka dambeeya ay wax dhisidda usoojeestaan. Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa sidoo kale khudbadiisa kaga hadlay arrimo faraabdan oo quseeya dalka Soomaaliya gaar ahaana rabshadha haatan ka jira magaalada Mqudisho,waxaana uu dhaleeceyn daran u jeediyay kuwa rabshadaha wada oo uu sheegay in danaha dalka iyo dadkaba aanay ka shaqeyneynin oo tooda uunay eeganayaan,laakin ay nasiib wanaag tahay in shacabku ay garteen oo ay iska qabanayaan. Waxaa madaxweynaha Soomaaliya uu nsadiibdarro ku tilmaamay in wali ay dalka Joogaan kuwo aan fahamsanayn waxa ay tahay Gobanimo oo taasina ay ku xanbareyso in ay fowdo u joog sii ahaadan. "Waxan jeclahay walaaleheen in aanu kula talino in ay fowdada ka haraan oo dowladoodana ay la shqeeyaan"ayuu yiri madaxweynaha qaranka Soomaaliyeed Yuusuf oo xalay markii uu hadlayay ay ka muuqatay farxad aad u weyn oo aan la qiyaasi karin. dad farabadan oo xalay ka qeyb galay munaasabadii madaxtooyada ka dahcday aya mujinayay iyaguna sid ay ugu faraxsan yihiin in markii ugu horeysay muddo 16 sano ka badan ay dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay xarunta Villa Soomaaliya ku qabato munaasabadan qaran ee 1-da July. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho
-
1-da Luulyo: Xuska Maalinta Qarannimada iyo Midnimada (guji-riix) SMC/Gburg Heesla: 1-da Luuliyo Calanka