
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
-
Puntland troops taken over by TFG defence ministry
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dawladda kmg ah oo la wareegtay ciidamada Darawiishta ee Puntland Garoowe, June 30, 2007 (WDN) - Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in Ciidamada Daraawiishta ee Maamul Goboleedka Puntland ay la wareegtay dawladda kmg ah ee Soomaaliya. Wararka ayaa intaas ku daraya in heshiiskaas la gaaray ka dib markii wadahadallo socday la beri ay ku dhexmareen magaalada Garoowe madaxda Puntland iyo wefdi uu horkacayay Wasiir ku Xigeenka Gaashaandhigga Md. Salaad Cali Jeelle oo maalmahanba booqasho ku joogay xarunta Puntland. Dhinaca Puntland waxa wadahadaladaas uga qayb galay Madaxeyne Cadde Muuse iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Daraawiishta. Taliye xigeenka ciidanka Daraawiishta G/Sare Cabdisamad Cali Shire oo heshiskaas faahfaahin ka bixiyay ayaa sheegay in dawladda kmg ahi ay la wareegi doonto kharajka, dhaqaalaha iyo qalabaynta ciidanka Daraawiishata. Waxa wararkau intaas ku darayaan in kharajka iyo miisaaniyadda ciidanka Daraawiishta laga dabari doono saamiga ay dawladda kmg ahi ku leedahay cashuurha ka soo xerooda gobolada maamul goboleedka Puntland. Ciidamada Daraawiishta ee maamul goboleedka Puntland ayaa la sheegay in dhaqaale xumo ay la soo deristay tan iyo intii ay hogaanka maamulka Puntland gacanta ku qabteen xukuumadda uu madaxda ka yahay Cadde Muuse. Dhaqaale xumadaas oo ay ka mid tahay mushaharooyinka oo aan si joogta loo siin ciidmada ayaa dhalisay in mooraalka ciidamadu uu hoos u dhaco. Dhaqaale xumadaas ayaa sababta ugu weyn loo aaneeyay musuqmaasaqa ragaadiyay maamulka Puntland dhowkii sano ee u dambeeyay. Dhinaca kale xukuumadda kmg ah ayaa iyana dadaal weyn ugu jirta sidii ay ciidamo militari oo xoog leh degdeg ugu dhisan lahayd. Taas oo sal u ah barnaamijkeeda ku aaddan hanashada nabadgelayada dalka. Ma cadda goobaha ay ciidamadaasu ka hawlgeli doonaan iyo xilliga uu heshiiskani dhaqangeli doono. WardheerNews -
-
President Yusuf: on stability, Kismayu and NRC
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Adeer we all know who the locals are and those who occupy every city they claim, for example Bardheere which you are a minority in You are stuck adeer, have you heard your JVA leaders in Kismayu cry? "We are part of the TFG" Its so not fair -
Nuune, I agree this is an imperferct government, a transitional one. The way I look at it is the foundation for the restoration of the state organs, specially the security. One also must not ignore, the bombers, foreign suicide terror tactics, looters, scrapmerchants, warlord groupings who all oppose this government through violence The opposition resort is violence, yet they blame the governemnt for devestating them by any means.
-
DF oo xustey 1-da Luulyo 30 Jun 30, 2007 - 4:57:32 PM Waxaa xarunta Madaxtoyada Villa Somalia xaley ka dhacdey xaflad lagu xusayo munaasabadii 1-da Luulyo. Xafladaan oo aad loo soo agaasimey ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banadir iyada oo ay ka soo qayb galen dhaman xubnaha DF ah ee ku sugan Muqdisho. Dhinaca kale xafladaan ayaa waxaa marti sharaftii ka soo qaybgashey maaweelinayay Fanaaniinta waaberi oo ay horkaceyso Baxsan. Xafladaan ayaa ku dhamaatey in markii ay saacadu ahyd la saarey calanka Somalia halkaas oo ay salaan sharaf ka qateen dhamaan madaxda dowlada oo uu hogaaminayo Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf. Magaalada Muqdisho ayaa xaley la khafiifiyay bandowgii saarnaa iyada oo goobo ka mid ah magaalada laga maqalayey qaraxyo ka djacey meelo kala duwan. Garowe Online,Muqdisho
-
Madaxweyne Yuusuf oo Munaasabadda 1-da Luulyo ka sheegay haddii aan isaga la dooranin inuu gurigiisa iska fariisin lahaa Mogadishu, Sabti, Juun 30, 2007 Madaxweynaha DFKMGS, Md. C'llaahi Yuusuf Axmed, Mas'uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee DFKMGS iyo marti sharaf aad u fara badan ayaa waxay saqdii dhexe ee caawa ka qeyb galeen Munaaasabad Qaran oo lagu maamusayey 47-guuradii ka soo wareegtay Maalinta Is-raaca Goballadda Koonfurta iyo kuwa Waqooyiga ee dalka Somalia, oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyadda ee Villa Somalia. Md. C'llaahi Yuusuf Axmed, oo ka hadlay Kulankaasi, waxa uu Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Sannad-guuraddii 47-aad ee ka soo wareegtay Is-raaca Goballadda Waqooyiga iyo Koonfurta Somalia iyo Xornimadda dalka Somalia. Madaxweynaha DFKMGS, Md. C'llaahi Yuusuf Axmed, waxa kaloo uu ammaanay Hoballadda Qaranka ee kaalinta hormuudka ka soo qaatay Halgankii Gobanimadoonka, wuxuuna si gaar ah ugu mahad-celiyey Hoballadda fanka ku gaamurtay ee Zeynab Xaaji Cali Siigaale "Baxsan", oo uu Madaxweynuhu xusay inay lafdhabar u ahayd Halgankii Fannaaniinta ee Gobanimo-doonkii Somalia. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, waxa uu sheegay inaysan Dowladda ka warwareegi doonin inay foodda ku qaado kooxaha ka soo horjeeda Sharafta, Qaranimadda iyo Gobanimadda dalka Somalia. Madaxweynaha, waxa uu sheegay inaysan Dowladiisu ahayn mid Xukunka boobtay, isla markaana uu Xilkaasi ku yimid Barlamaanka oo doortay, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu gurigiisa iska joogi lahaa haddii aan la doorteen, waa sida uu hadalka u yiri "Waxaan idiin sheegayaa qofkii aan aaminsanayn Wadadanimo, Qaran Somaliya oo mid ah oo xasillooni oo sharaf leh meel ugama bannaanayn Taariikhda Somalai ma jirto, taasi ha ********" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf, oo xusay inaysan Dowladiisa gacmaha ka laaban doonin dadka Qaran0dumiska ah. Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho
-
Mogadishu: Son of deposed court leader shott by police
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Nothing remarkable about his death, though it highlights that these trouble makers are getting justice for their actions. -
Mogadishu: Son of deposed court leader shott by police
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Son of Somalia's deposed Islamic Courts leader killed The elder son of Abdurrahman Janaqow, the deputy chairman of Somalia's deposed Supreme Islamic Courts Council, Abdelqawi Abdurrahman Janaqow, was shot dead Thursday by Somali police after he killed an official in the Somali capital, Mogadishu, the police said. "He was a leading member of the insurgency and carried out assassinations of government officials," Abdullahi Hassan Barise, deputy chief of Banadir region police, told Xinhua. "Although he is just one individual, his death marks a step forward in the stability of the capital." Barise said three other men carried out the assassination of Hin Dheere, deputy Commissioner of Daynile District of Mogadishu, with Janaqow, but they escaped and are being pursued by the police. "This will be a lesson for other trouble makers," Barise said. Analysts contend that the death of Janaqow, which has been confirmed by his relatives, represents major victory for the governments and a blow for insurgency as he is one of the highest ranking members of the insurgents, who the government believes are active in the capital in their thousands. Residents say the deputy commissioner was ambushed as he was back from work and was shot dead before Janaqow were killed by his bodyguards. Abdurrahman Janaqow and other leading members of the Supreme Islamic Courts Council are currently in exile in Asmara, the capital of Eritrea, which Ethiopia, Somali government accuse of supporting the Islamists. A recent upsurge of violence in the capital targeting Somali government officials since the Somali government announced the postponement of the national reconciliation conference which is now rescheduled to be held in mid July. Somalia has been without a central government since the overthrow of late ruler Mohamed Siyad Barre in 1991 when the country plunged into chaos until the formation of the current transitional federal government in Nairobi in 2004 as a result of the reconciliation conference there. -
Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysay toogasho Muqdisho loogu geystay Wiil uu dhalay Gudoomiye ku xigeenkii Golaha Fulinta Maxaakimta Sh.C/Raxmaan Janaqow 30, Jun 2007. Xassan Cali Geesey (Alqeys) Wiilkan shalay la toogtay oo ah curadkii Sheekh C/raxmaan Janaqow laguna magacaabo Abdelqawi Abdurrahman Janaqow ayaa waxa la sheegay in isaga iyo sadex kale ey soo weerareen dabadeedna dilee guddoomiyihii waaxda degmada Dayniile Xiin-Dheere, waxaana toogtay wiilkan ilaalada Xiin-Dheere. Mar ey boliska ka hadleen dilka wiilkan uu dhalay Sheekh Janaqow ayaa waxa ey yiraahdee - Waxa uu ka mid ahaa wiilka masuuliyiinta sar-sare ee kooxaha wax qaarajiya, waxaana ey wax weyn ka badaleysaa dilkiisa amaanka caasimadda", ayuu yiri C/laahi Xasan Bariise oo ah taliye xigeenka boliska g/Banaadir. Waxa kaluuna taliye Baraiise raaciyay intaa in arintan ey cashar u tahay kooxaha wax qaarajiya isla markaana amni darada ka wada caasimadda ee uu ka midka ahaa wiilka Janaqow. Rag xeeldheerayaal ah ayaa sidoo kale sheegay in dilka wiilka Janaqow oo ey xaqiijiyeen qaraabadiisa ey dowladdu u tahay guul weyn maadaama ey yiraahdeen uu ahaa ragga ugu cad-cadaa ee qalalaasaha, dilka, qarxinta ka waday magaalada Muqdisho. Aabaha wiilka C/raxmaan Janaqow ayaa isagu ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea halkaasoo ey sidoo kale Xassan Cali Geesey (Alqeys) alqeys34@hotmail.com
-
^^^Adeer everyone has his opinion, information and insight. While I dont mind people expressing their opinion, disturbing commnets warent correcting.
-
midnimo.com
-
Wadada Isku Xirta Jowhar iyo Mogdisho oo ay Ka Socdaan Howlo Dayactir ah 06/29/2007 Jowhar,Soomaalia Maamulka Degmada Jowhar ayaa howlo dayactir ah waxa ay ka wadaan Degmada Jowhar halkaasi oo ay dayactirayaan Wadooyinka u dhaxeeya Mogdisho iyo Jowhar oo iyagu bur buray waxaana lagu arkayaa Cagaf cagafyo iyagu si weyn uga qayb qaadanaya Howshaa dayactir ee ka socota halkaasi. Gudoomiyaha Gobolka Maxamed Cumar Deele ayaa Saxaafada uga warbixiyay waxaana uu sheegay mr. deele in ay howshaan ay ku dhalatay ka dib markii ay arkeen Burburka ka jira wadada isku xirta Jowhar iyo Caasimada Mogdisho waxaana uu intaa sii raaciyay Maxamed Cumar in ay kharashaka ay bixiyen shacabka Jowhar iyo Dowlada Dhexe ayna hay'adaha waxba aysan ka helin waxaana uu sheegay gudoomiyuhu in ay rajeynayaan in ay dhawaan soo afmeeri doonaan Howshaasi ay ka hayaan Wadada isku xirta Jowhar Iyo Mogdisho. Shacabka Gobolka ayaa si weyn u soo dhaweeyay Howsha uu maamulka Gobolku fulinayo waxayna ku tilmaameen in ay tahay mid lagu farxo. wadada isku xirta Jowhar iyo Mogdisho ayaa waayahan dame waxay ahayd mid la saaxiibtay Dayac baaxad leh oo soo food saaray wadadaasi waxaana jirtay in wadadaasi marar fara badan lagu dagaalamay haday ahaan lahayd Maxkamadihii Iyo Dowlada Somaliya. Mahamud Said Salaad askar75@hotmail.com
-
President Yusuf: on stability, Kismayu and NRC
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
(KP):-Madax wayne C/laahi Yuusuf ‘’Magaalada Kismaayo hadii waan waan wax lagu xalin waayo fursanmayso awood in lagu muquuniyo Nabad diidka’’ Madax waynaha DFKMG ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa markii ugu horaysay tan iyo 23 April war saxaafadeed ka soo saaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose xaalada ka tagan waxaaana uu sheegay in magaalada Kismaayo ay gacanta ugu jirto kooxo dowlad diid ah waxaana uu dhaliilay kooxaha falalka amaan darada ah ka wada magaalada Kismaayo. C/laahi Yuusuf Axmed madax waynaha soomaaliya ayaa waxaa uu yiri ‘’Magaalada Kismaayo hadii waan waan wax lagu xalin waayo fursanmayso awood in lagu muquuniyo Nabad diidka’’ oo uu ula jeeday kooxaha magalada kismaayo kula dagaalay maamulkii gobolka ay dowlada soomaaliya u soo magacawday iyo ciidabka dowlada soomaaliya. Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ka taagan tan iyo 23kii April falal amaan daro ah oo ay dadka deeganka ah kula kacayeen maleeshiyaadka Gobolka Gedo iyo Galguduud ka soo duulay ee dulmiga ku haya dadka deegaanka,iyadoo haayadaha xuquuda aadamaha ee ka hol gala gobolka ay ku eedeeyeen maleeshiyaadka halkaasi jooga in ay ka sameeyeen falal amaan daro iyo dhac hanti shakhsiyayeed ka gaysteen. Webmaster@kismaayopost.com ,Mogadishu Somalia -
^^^Adeer your attempt is obvious however the reality goes on. Somalia is coming back on its feet, those who hate that simple fact no matter how they make their noise matter not.
-
Pakistan Yemen sends congratulations to the Somali people
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Qaar ka mid ah Madaxda dalalka Caalamka oo Madaxweynaha DFKMGS ugu soo hambalyeeyey Maalinta Qaranimadda dalka Somalia. Somaliweyn Media Center(SMC) Mog.30/6/07 Iyadoo berrito 1-da Luulyo.loo dabaal degayo Munaasabadda 47-guuraddii ka soo wareegtay Maalinta Qaranimadda dalka Somalia, ayaa waxaa Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed soo gaarayo Dhambaallo loogu hambalyeynayo Munaasabadaasi Qaran. Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf Axmed, waxa uu dhambaallo ka kala helay dhigiisa dalalka Yeman iyo Pakistan, Cali Cabdalla Salaax iyo Jeneral Perves Musharaf, oo ay ugu hambalyeynayeen Maamlinta Madax-bannaanida dalka Somalia ee 1-da July. Wakaalladda Wakaalladda ee dalka Yeman “SABA”, ayaa qortay inuu Madaxweyne Cali Cabdalla Salax ugu tahniyadeeyey dhigiisa dalka Somalia, C/llaahi Yuusuf Axmed Munaasabadda 47–guuraddii ka soo wareegtay Maalinta Qaranimadda dalka Somalia, wuxuuna Madaxweynaha dalka Yeman u rajeeyey Ummadda Soomaaliyeed inay ku waaraan Nabad, Midnimo iyo Qarankooda oo ay dib u dhistaan. Dhinaca kale, Madaxweynaha DFKMGS, Md. V/llaahi Yuusuf Acmed, waxa uu dhambaal Hambalyo ah oo ku aadan Munaasabadda Maalinta Qaranimadda dalka Somalia ka helay dhigiisa dalka Pakistan, Jeneral Perves Musharaf. Wakaalladda Wararka ee Associated Pakistan Press “ APP”, ayaa sheegtay inuu Madaxweynaha dalka Pakistan, Jeneral Musharaf dhambaalkiisa ku yiri:- “Aad baan ugu faraxsanahay inaan Mudanne Madaxweyne kuu soo diro salaan diiraan oo aan kaaga wado Dowladda iyo Ummadda dalka Pakistan oo ku aadan Munaasabadda Maalinta Qaranimadda ee dalka Somalia. Jeneral Musharaf, waxa uu dhambaalkiisa ku xusay inuu aad u rajeynayo inuu sii xoogeysto xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Dowladaha Pakistan iyo Somalia. Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Pakistan, Showkat Casiis, waxa uu isagana dhambaal ku aadan Munaasabadda Maalinta Qaranimadda dalka Somalia u soo diray dhigiisa dalka Somalia, Prof. Cali Maxamed Geeddi. Dhambaalkiisa waxa uu ku xusay Showkat Casiis inuu rajeynayo inuu sii xoogeysto xiriirka Walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal, isagoo xusay inay diyaar u yihiin inay gacan siiyaan Dowladda Federalka Somalia si loo soo celiyo nabadda iyo deganaanshaha guud ee dalka Somalia. Somaliweyn Media Center "SMC" Mogadishu, Somalia -
Muqdisho: Munaasabad qaali ah oo caawa ka socoto xarunta Madaxtooyada 30. June 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo 1-da Luulyo ayaa caawa ka socota xarunta Madaxtooyadda taasoo soo bilaabatay 5-tii galabnimo iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo uu horkacayo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Golaha wasiirada, Golaha Baarlamaanka iyo maamulka gobolka Banaadir iyo fanaaniin ka socday hobolada qaranka. Munaasabadan ayaa lagu wadaa in caawa marka ay saacadu ku buuxsanto 12-ka saqda dhexe lagu taago calanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyadoo goobtaasi ay diyaar ku yihiin cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga iyo kooxda Baanbeyda Muusikada garaacda. Munaasabadan oo xiligan ka socota xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa halkaasi heeso qiiro leh ka qaadaya hobolada qaranka Waaberi oo ay ka dhex muuqato Fannaanada caanka ah ee Seynab Xaaji Cali Baxsan iyo kooxda Heegan ee ciidanka Booliska oo iyagu halkaasi ka qaadaya heesuihii caanka ahaa ee xiligii lixdameeyadii. Dhinaca kale kooxaha ciyaaraha hidaha dhaqanka ayaa iyaguna halkaasi ku soo bandhigay suugaan isugu jirta gabayo, guurow, shiribyo iyo ciyaaraha laga ciyaaro koonfurta Soomaaliya. Munaasadan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir ayaa la filayaa in ay ka hadlaan mas’uuliyiinta dowladda, marti sharaf iyo qaar ka tirsan halgamayaashii ururkii SYL, ayaa gabagabada xaflada wararkeena danbe kala socon doontaan wixii khudbado ah ee halkaasi laga jeediyo. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Muqdisho oo laga xusayo habeenka midnimada iyo madaxbannaanida Somalia Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaa caawa laga xusayaa habeenka midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya oo ku beegan 1-da bisha Luulyo taas oo ah 47 guurada ka soo wareegtey israaca gobollada koonfurta iyo waqooyiga iyo madax bannaanida koonfurta Soomaaliya. Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in si weyn caawa loo xusi doono munaasabadda 1-da Luulyo, isla markaasna la diyaariyey xaflado waaweyn oo ay ka qayb geli doonaan mas'uuliyiinta dawladda federaalka Soomaaliya. Munaasabaddan ayaa ka duwanaan doonta middii 26-kii Juun oo ahayd maalintii ugu horreysey ee calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah, inkasta oo aan inta badan gobollada dalka laga xusin munaasabaddaas. Maalinta berrito ah ee 1-da Luulyo waxaa soo afjarmaya toddobaadka loo yaqaan 'Toddobaadka Qaranimada Soomaaliyeed' kaas oo ah 26-ka Juun, 27-ka Juun iyo 1-da Luulyo. Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in munaasabaddan laga oogo iyadoo xafiisyada dawladda la xiri doono, taas oo ka dhigan in 1-da Luulyo ay tahay 'maalin fasax qaran'. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
-
Muqdisho: Madaxweyne Yuusuf oo dhambaal hambalyo ah ka helay madaxda dalalka Yeman iyo Pakistaan 30. June 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax ayaa maanta dhambaal tahniyad ah u diray dhigiisa Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed isagoo ugu hambalyeeyay munaasabada xuska sanad guuradii 47-aad ee ka soo wareegatay xiligii xornimada ay ka heshay umadda Soomaaliyeed gumeystihii Talyaaniga, wuxuuna Cali Cabdalla Saalax uu Madaxweyne Yuusuf ku yiri dhamaan shacabka iyo dowladda Yaman waxay hambalyo u direysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda oo u dabaal degaya 1-da Luulyo. Sidoo kale Madaxweynaha dalka Pakistaan Perves Musharaf ayaa dhambaal hambalyo ah u jeediyay Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed isagoo sheegay in shacabka iyo dowladda Pakistan ay shacabka Soomaaliyeed la qeybsaneyso farxada iyo u dabaal dega munaasabada 47-aad ee 1-da Luulyo. “Md. Madaxweyne waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan dhambaal tahniyad ah kuu soo diro anigoo ku hadlaya magaca dowladda Pakistaan iyo shacabkeeda” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Pakistaan oo intaa raaciyay in xiriirka labada dal ka dhaxeeyo uu yahay mid wanaagsan haadana uu ka codsaday Madaxweynaha Soomaaliya in uu sii xoojiyo. Waa markii ugu horeysay ee munaasabad qaali ah oo noocaan oo kale oo Madaxda dalalka saaxiibada ay hambalyo u diraan Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed inta la og yahay, iyadoo caawa magaalada Muqdisho looga dabaal degayo xuska 1-da Luulyo. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Ranneberger: Asmara group lacks support from people
General Duke replied to Gordon Gekko's topic in Politics
No love whatsoever past a few deranged individuals. -
Puntland troops taken over by TFG defence ministry
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Adeer stop with the insults those Puntland forces have humuliated your "Somaliland" army a number of times. Anyhow Puntland is part of Somalia and thus this step further highights the unity at the state and federal level. As for the demise of the state of Puntland, wishfull thinking I guess -
Puntland troops taken over by TFG defence ministry
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Thus goes yetanother falsehood. Puntlands army, weapons will come under the direct control of the Federal Governemnt of Somalia. -
Puntland troops taken over by TFG defence ministry
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
-
Dawlada FS oo la wareegtay ciidanka Daraawiishta Puntland (WYNET)Garoowe:-Dawlada Fs ayaa la wareegtay ciidanka daraawiishta Puntland, ka dib markii arintaan darteed halkaas uu tegay Salaad Cali Jeelle oo ah wasiir ku xigeenka wasaarada Gashaan dhiga dawlada FS. Maamulka Punland ayey Wafdiga Salaad Cali Jeelle Isku afgarteen inay ciidamadaas la wareegaan maamulka Puntland uu lahaado oo qur ah Ciidamo Booliis oo ammaanka iyo nabad gelyada sugga. Maamulka Puntland ayaa horay u lahaa ciidamo daraawiish ah oo aad u xooggan xilligii halkaas uu ka talin jiray Col.C/llaahi Yuusuf wallow hadda la sheegay inaysan sidii hore u xoog badanyn. Ciidankaan ayaa la sheegay inay ku mid noqon doonaan kuwa qaranka Soomaaliya ay ka hawl geli doonaan qaybo ka mid goboladda dalka Soomaaliya. Heshiiskaan laguma caddayn qaabka ciidamadani u shaqa geli doonaan iyo goorta ay howl geli doonaan, waxaase laga yaabaa in arintaan waqti dheer qaadato maadaama dawlada Fs ay u baahan tahay dhaqaale arinta ay ku fuliso. Xarunta wararka Waayaha.net waayahane@hotmail.com
-