
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
1-da Luulyo: Xuska Maalinta Qarannimada iyo Midnimada (guji-riix) SMC/Gburg Heesla: 1-da Luuliyo Calanka
-
Baydhabo: Magaalada baydhabo oo maanta laga xusay 1-da Luulyo 1. July 2007 APL Baydhabo(AllPuntland)- Waxaa maanta ka dhacay garoonka K/cagta ee magaalada Baydhabo munaasabad weyn oo lagu maamuusayey 1-da Luulyo oo ku began markii Koonfurta Soomaaliya ay ka xorowday gumeystihii Talyaaniga isla markaana ay la midoobeen goboladii Waqooyi ee dalka . Munaasabadaas oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Bay ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Bay Md. Maxamed Maxamuud Aadan (Barbaar) kaasoo hambalyo u diray shacbiga Soomaaliyeed isla markaana ku dheeraaday Taariikhdii loo soo maray halganka ee lagu gaaray xornimada dalka isagoo ku faanay in dadka reer Bay ay ahaayeen horseedayaashii Leegada ee SYL. Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Baydhabo Axmed Mahdi ***** oo isaguna munaasabadaas ka hadlayey ayaa sheegay in maanta nasiib wanaag ay tahay in magaalada Baydhabo oo weli fariisin u ah golaha Baarlamaanka xalay iyo maantaba ay ka dhacaan munaasabadan qaaliga ah ee kowda Luulyo. Waxaa kaloo halkaasi hadal ka jeediyay Taliyaha Gaaska gobolka Bay G/Sare Faarax Cabdulle Gacal (Garam-Garam) ayaa isaguna dhankiisa ka sheegay in ay lagama maarmaan ay tahay in wax laga qabto sugida amniga intaa kadibna ay suurtagal tahay in shacbiga iyo mas’uuliyiintuba ku soo bandhigi karaan shucuurtooda wadaninimo, iyadoo halkaasina ay socod gaada ka cayaar ahi ka dhigayeen cutub ka tirsan dugsiga tababarka Daynuunaay. Gabagabadii munaasabadaas oo ay heeso ka qaadayeen Fannaaniinta reer Bay oo iyaguna halkaasi ku soo bandhigay suugaan ka turjumeysay halgankii Xornimada iyo dhaqdhaqaaqii Leegada taasoo soo jiidatay dadweynihii faraha badnaa ee isugu soo baxay Garoonka K/cagta ee Baydhabo. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Xaflada I-da Luulyo ayaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Dgpl ee Caasimada Garoowe. Sunday, 01-Jul 2007 Xafladda 1da-luulyo oo si weyn loo soo agaasimay ayaa maanta waxa ay ka dhacday hoolka shirarka ee Madaxtooyada DGPL ee magaalada Garowe. Xafladdan ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweynaha DGPl Mudane Maxmuud Muuse Xirsi, madaxweyne ku xigeenka Mudane Xasan Daahir Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DGPl Mudane Axmed Cali Xaashi iyo ku xigeenka golaha Wakiilada, golaha wasiirada marti sharafta DFKMG oo uu horkacayey wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhiga,isimo,abwaano iyo mas’uuliyiinta gobolka nugaal iyo dadweyne kale. Xafladdan ayaa waxa soo qabanqaabiyey DGPL, waxaana ugu horrayntiiba furay guddoomiyaha gobolka Nugaal, sidoo kale waxaana isna ka hadlay Garaad Cabdi salaam Xasan Maxmed oo ku hadlay magaca isimada ka soo qaybgalay Xafladaas, wuxuuna yidhi anigu halkan duco ayaan ku leeyahay waxaana ilaahay uga baryayaa ummadda Soomaliyeed midnimo iyo is afgarad, Waxaa sidoo kale gabayo iyo heeso qiiro leh ka soo jeediyey munaasibadaasi Abwaan shube oo hadaladiisii ay ka mid ahaayeen ‘Waa halis qabyaaladi ka mid ah hooga aadmiga’e’ Xaliimo Puntland ayaa iyaduna soo bandhigtay buraabur ku saabsan Somalinimada iyo gobonimada., intaasi ka dib ayaa waxa hadalkii qaatay wasiirka Maaliyada oo isagu ka soo sheekeeyey wixii uu u soo joogay ee laga soo maray xoriyada iyo meeshii uu ku sugnaa markii xorriyada la hantiyey,waxaana maanta 17sanno ka dib xafladdii 1da luulyo lagu qabtay Villa Soomaliya waana arrin farxad leh. Wasiirka ku xigeenka wasaaradda gaashaandhiga ee DFKM Salaad Cali Jeele ayaa isna halkaasi waxa uu ka soo jeediyey hadal dheer oo uu kaga hadalayo munaasibaddaasi, wuxuuna yidhi waxaan idinka codsanayaa in faataxada loo maro kuwii u soo halgamay xoriyadda ee u dhintay,wuxuuna hambalyo u diray dhammaan ummadda soomaaliyeed,waxaana aad ugu faraxsanahay buu yidhi in aan maanta aan joogo goboladdii xornimada helay,waxaan kaloo ku faraxsanahay soo dhoweynta ay na soo dhoweeyeen Puntland iyo shacabkeedu.Guddomiyaha golaha wakiilada ayaa isna hambalyo u diray ummadda soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaana rajeynayaa sannadka sannadkiisa inaad ku gaartaa bash bash iyo barwaaqo. Ugu dambayntii ayaa waxa uu guddoomiyuhu ku soo dhoweeyey Madaxweynaha DGPL Mudane Maxmuud Muuse Xirsi, wuxuuna yidhi waxaa farxad ii ah maanta in aan ka soo qayb galo xuska Munaasibada 1da luulyo, ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland meel kasta oo ay joogaan waxaan u dirayaa hambalyo ku aadan sannadguurada 47aad ee ka soo wareegtay heliddii xornimada Soomaliyeed iyo isku darkii labada gobol. Madaxweynaha ayaa waxa kale uu ka hadlay Ciidamada Puntland iyo kuwa federaalka oo ay dadku si qaldan u qaateen Ciiddanka Puntland waa sidiisii puntland ayaa maamulaysa,kuwana federaalka ayaa la siinayaa kuwaas oo ku salaysan 4.5 qaybtii naga aaday ayaan diraynaa maadaama laga rabo federal ciidan isku dhaf ee ma aha in aan ciiddankii wareejinay,ummadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay Hambalyo ku ciidan Caafimaad Bash bash iyo barwaaqo umaaddi kama dhamaato dhibaato hadana sidan la ahaanmaayo ee waa laga guddbi doonaa
-
Munaasabada 1da Luulyo oo Punt land Si weyn Looga Xusay (Punt land }1.7-7 Munaasabada 1da luulyo oo ahayd maalintii ay midoobeen waqooyiga iyo koonfurta somaliya ayna ka soo baxen guumeystihii ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa maanta si weyn looga xusay gobolada punt land siiba magaalooyinka Qardho Garowe Iyo Bosaso, Lascanod,Gaalkacyo, Ceerigaabo. Xaflad si weyn looga soo baaraandagay ayaa saakay waxay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Punt land ee Garowe waxaana ka soo qaybgalay Xafladaasi Madaxweynaha Pun tland Mahamud Muuse Hirsi Cadde Madaxweyne Ku Xigeenka Punt land Xasan Daahir Mahamud Gudoomiyaha Barlamaanka Punt land Axmed Cali Xaashi Golaha Wasiirada Punt land Golahja Barlamaanka iyo Wafdigii Ka Socday Dowlada Dhexe ee Somaliya oo u hogaaminayay Salaad Cali Jeele. waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal,Hogaamiyayaasha Ururada Bulshada rayid ka ah iyo Abwaano waxaana ay dhamaantood ay sheegeen sida ay ugu faraxsani yihiin Munaasabadan. Sidoo kale xafladaasi waxaa ka hadlay Wasiirku Xigeenka wasaarada Gaashaandhiga Somaliya Salaad Cali Jeele waxaana uu tilmaamay wasiirku in uu aad ugu faraxsana yahay munaasabadan qiimaha Badan u leh shacabka Soomaliyeed waxaana uu sidoo kale uu sheegay Salaad Cali Jeele in aad ugu faraxsan yahay in uu munaasabadan uu ku xuso Punt land oo ku tilmaamay meelaha ugu Amaanka Badan Somaliya. ugu dameyntii waxaa xafladaasi lagu maamuusayay Munaasabada 1luulyo lagu xusayay soo gabagabeeyay madaxweynaha Punt land Jen Mahamud muuse Hirsi Cadde waxaana uu sheegay Cadde in uu munaasabadan ay isaga u tahay Mid aad u qiimo badan maadaama uu taagnaa goobtii Calanka Somaliya lagu saarayay Sanadii 1960 kii waxana uu sidoo kale waxaa uu sheegay Madaxweynuhu ay Punt land ay tahay Meel had jeer u taagan sidii ay somaliya u midoobi lahayd ayna markale cagaheeda ugu istaagi lahayd waxaana uu dadka reer punt land ugu hambalyeeyay Munaasabadan 1da Luulyo. Sidoo kale Magaalada bosaso ayaa maanta waxaa laga xusay 1da luulyo iyada oo xaflad laga soo shaqeeyay ayaa ka dhacday Xarunta Dowlada hoose ee bosaso kaasi oo ay ka soo qaybgaleen Madaxda Dowlada hoose oo uu horkacayay Duqa Bosaso Khadar Cabdi Xaaji,gudoomiyaha Gobolka Bari Dr.Muse Geele Yuusuf Faroole wasiirk ku xigeenka wasaarada aminga Punt land iyo Madax kale sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qaybgalay Ururada bulshada rayid ka ah iyo fanaaniinta walaaha bari. ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay duqa Bosaso khadar Cabdi xaaji waxaana uu tilmaamay khadar sida uu ugu faraxsan yahay munaasabadan isaga oo dhamaan shacabka Punt land u rajeeyay Bash iyo Barwaaqo. Sidoo kale masuuliyiintii ka qaybgashay Xafladaasi ayaa dhamaantood waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin Munaasabadani waxaana ay dadka reer punt land ugu baaqeen in ay ilaashadaan Xasiloonidooda iyo Midnimadooda. Mahamud Said Salaad Puntland Radiowidhwidh
-
Carmo Oo Si Weyn Looga oogay Munaasabada 1da Luulyo {Carmo}1.7-7 Degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa xalay waxaa laga xusay Maalinta Qaranimada Somaliya ee 1da Luulyo taasi oo xalay ka dhacday xarunta Tababarka Carmo halkaasi oo ku sugan yihiin boqolaal ciidamo Booliis ah kuwaasi oo halkaasi tababar uga socdo waxaana ka soo qaybgalay xafladaasi lagu maamuusayay Maamilnata 1da Luulyo oo ah maalintii ay midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koonfurta ayna sameeysteen Dowlad ay ku mideeysan yihiin. Xafladan ayaa waxaa gaada ka ciyaar ku soo bandhigay Ciidamada Booliska ee halkaasi tababarka uga socdo waxaana ayna la saaray calanka Somaliya iyada oo ay ugu horeyn halkaasi uu ka hadlay Taliyaha tababarka Ciidamada Somaliya Mr Gaani waxaana uu gaani uu xusay muhiimada ay leedahay maalintani oo ku tilmaamay maalin ay umada soomaliyeed qiiimo balaaran u leh ayna mudan mudan tahay in la xuso waxaana uu sidoo kale uu sheegay in ay maanta farxad ay umada soomaliyeed ay u leedahay maadaama ay umada soomaliyed ay sanadkani ay xusayaan iyaga oo dowlad soomaliyeed leh waxaana uu dhamaan ciidamadaii booliska iyo Shacabkii reer carmo dhamaantood uu ugu hambalyeey Munaasabadan Qiimaha Leh. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Duqa Carmo Mr cawad oo isna shegay sida uu ugu faraxsan yahay maalintan qiimaha badan waxaana uu sheegay in uugu hambalyeeynayo dadweynha Soomaliyeed qiimaha Maalintan ay leedahay waxaana uu ku tilmaamay maalin ku suntan Qaluubta Dadka Soomaliyeed. Xafladan Lagu Maamuusayo maalinta 1da Luulyo ah ayaa sidoo waxaa ay ka dhacday magaalooyinka waaweyn Ee Punt land sida Bosaso Garowe Iyo Qardh. Mahamud Said Salad
-
-
-
Munaasabadii Xuska 1da Luulyo iyo Khudbadii Madaxweynaha DFKMG Last Updated::2007-07-01 14:30:37 Muqdisho:- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mas'uuliyiinta Dowlada Federaalka ayaa ka qeyb galaya xalay munaasabad balaaran oo ka dhacday Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Madaxweynaha DFKM C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa khudbad halkaasi kasoo jeediyey asagoo ka hadlay waxqabadka dowladiisa iyo waliba baaqyo uu u diray kooxaha shaqaaqooyinka ka wada caasimada Muqdisho in ay joojiyaan qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, isagoo sheegay in shacabka uu ka soo daalay dagaal iyo colaad, waxaana la soo gaaray buu yiri xilligii nabada iyo dib u heshiisiinta. Xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu xusayay 1da luulyo maalinta xoriyada gobollada koonfureed iyo israaca gobollada koonfureed iyo kuwa waqooyi ee Soomaaliya,waxaana xafladaasi ka soo qeyb galay madaxweyne Yuusuf, xubno ka tirsan labada gole, masuuliyiinta gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale. Madaxweyne Yuusuf ayaa kula talyay koooxaha ka soo horjeeda dawladdiisa in ay wadahadal wax ku raadiyaan isla markaana ay joojiyaan gacan ka hadalka, isagoo sheegay in dagaal aan xal lagu gaari karin, waxa uuna sheegay in ayaan darro ay tahay in la dilo aqoonyahanada iyo raga indhaha u ah dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in 47 sano kadib ay jiraan dad Soomaaliyeed oo weli ka shaqeenayo burbur iyo dagaalo. Wuxuuna xusay in ay jiraan kooxo muslimiin ah oo si bareer ah u dilaya dad kale oo muslimiin ah isla markaana dalka Soomaaliya aqoonyahanadeeda u dilaya si micno daro ah. Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in uu dadkaasi ugu baaqayo in ay arrimahaasi ka waantoobaan, hadii kale ay is arki doonaan Dowlada Soomaaliya. Madaxweyne C/laahi Yusuf Ahmed ayaa sheegay in dowladan ay tahay mid kumeel gaar ah oo ay hawshooda tahay in dalka u diyaariyaan in ay dhacaan Doorashooyin xor ah oo ay dadku wax doortaan. Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay in dawladiisa ay ka shaqeyneyso mudada yar ee u hartay sidii ay u soo celin lahayd nabada iyo kala danbeynta, isagoo ugu baaqay shacabka in ay ka shaqeeyaan sidii mar kale Soomaaliya ay u soo ceshan lahayd kaalintii ay ku lahayd caalamka. Waxaa sidoo kale ka hadlay xafladaasi ku simaha ra'iisal wasaaraha DFKM Saalim Caliyow Ibrow iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Dheere, waxaana xalay 12:00kii habeenimo la saaray calanka Soomaaliya, sidoo kale xuska 1da luulyo ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo iyo gobollada kale ee dalka Soomaaliya
-
-
Muqdisho: Munaasabada kowda Luulyo oo markii ugu horeysay ka dhacday Villa Somalia 1. Jule 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Munaasabad aan horay mudooyinkan loo arag ayaa xalay ka dhacday xarunta Madaxtooyadda ee villa Somala, markii ugu horeysay tan iyo ridistii xukuumaddii hore taasoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka kala socotay labada gole ee dowladda Federaalka, maamulka gobolka, qaar ka tirsan halgamayaashii Leegada, marti sharaf iyo Fannaaniinta Soomaaliyed. Munaasabada ayaa xalay saqdii dhexe 12-kii habeenimo gacantiisa ku saaray calamka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyadoo ciidamada bambeeyda Muusikada ay garaacayeen astaanrta calanka isla markaana uu halkaasi salaam sharaf kaga qaatay ciidamo gaar ah oo si habsami leh Madaxweynaha ugu bixiyay salaam sharaf. Munaasabadaas oo dadkii ka qeybgalay qaarkood oo qiiro wadaninimo dhulka kula dhaceen ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayen Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Prof. Saalim Caliyow Ibrow iyo guddoomiyaha gobolka Bnanaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayey qiimaha ay leedahay xornimada maanta lagu naaloonayo iyo dhibaatadii loo soo maray taasoo uu sheegay in dad badani ay naf iyo maalba u soo hureen helista xornimada. “Waa ayaan daro in 47 sano kadib xarnimadii intaa loo soo maray ay iminka noqoto mid dhalisay dhibaatootinka haatan jira, balse dowladda intii garaankeeda ah waxay ka qeyb qaadan doontaa wada hadal iyo dib u heshiisiin, hadiise laga dhega adeego lagama fursan doono in shacbiga iyo dowladda ay meel ugu soo wada jeestaan kooxaha qaran diidka ah” ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ugu baaqay kooxaha ka horjeeda dowladda ee falalka qaraxyada, dilalka iyo qarbudaada ka wada daglka gaar ahaan magaalada Muqdisho ay yimaadaan miiska wada hadalka ayna sheegtaan waxa ay tabanayaa. “Qof Muslim ah oo waxba kuu dhiman oo meeshaa iska jooga cidii macno daro u disha ma muslim baa, magacey doonaanba hala baxaan, waxaan ugu baaqeynaa iney u daneeyaan shacbiga 16 sano dhibaateysan ayna ka soo qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta oo dhawaan furmi doona” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay kaga hadlayey waxqabadka dowladda Federaalka oo uu sheegay in ay u harsan tahay mudo yar cidii tartarn hoggaamiye dooneysana ay iska sugto xiliga yare e dhiman, balse aaney xoog iyo qarxin wax ku raadin. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay munaaasabadan teeda xigta iney ku gaaraan nabad iyo horumar iyo dib u heshiisiin. Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) oo munasaabadaas ka hadlayey ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu wax weyn ka qaban doono ugu horeyn sugida amaanka iyo dib u dhiska goobaha adeegyada buslhada isagoo hoosta ka xariiqay in gacan bir ah lagu qaban doono kooxaha qas wadayaasha ah ee magaalada ka wada qaraxyada iyo dilalka qorsheysan. “Waxaan ugu baaqeynaa kuwa fidnada wada iney miiska wada hadalka yimaadaan oo horaa loo yiri maslaxad diid Madarkoow ku jabaa” ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in maamulka gobolka uu wax weyn ka badalay mudadii yareyd ee ay shaqeynayeen isagoo sheegay in caqabadaha hortagaan wax u qabasada shacbigana dhawaan laga gudbi doono. Gabagabadii munaasabadaas oo ay suugaan kala duwan ku soo bandhigayeen barbaarta gaashaaman, Hobolada waaberi, kooxda heegan iyo cidamada baambeyda muusikada ayaa ilaa waagu ka baryo halkaasi si xiiso leh ugu socotay iyadoo ay ku soo gabagabowday jawi farxadeed oo qofkii aan joogin qormo iyo hadal aan loogu soo koobi Karin. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
President Yusuf: on stability, Kismayu and NRC
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Madaxweynaha DFKMGS, oo sheegay inay Dowladiisa xukunka ku wareejin doono Nidaam Dimuqraadi ah oo waafaqsan Dastuurka Qaranka Mogadishu, Axad, Julaay 01, 2007 Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa hadalkaasi ka sheegay Munaasabadda 47-guuraddii ka soo wareegtay Is-raaca Goballadda Koonfurta iyo Waqqoyiga Somalia iyo Xornimadda dalka Somalia, oo xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ee Magaalladda Muqdishu. Madaxweyne Yuusuf, waxa uu ka hadlay Halgankii dheeraa ee lo osoo maray Xornimadda dalka, isagoo ammaan u jeediyey dhamaman Halgamayaasha kaalinta wanaagsan ka soo qaatay Halgankii lagala horjeeday Gumeystayaashii Reer Yurub ee dalkka Somalia guimeysan jirtay., Madaxweyne C/llaahi Yuussuf, waxaa kaloo ka hadlay Barnaamijka Siyaasadda ee DFKMGS, wuxuuna xusay inay Dowladdu tahay mid ku timid si Dimuqraadi ah, isla markaana aay xukunka ku wareejin doonaan Nidaam Dimuqraadi ah. Madaxweyne Yuusuf, waxa kaloo uu khudbadiisa ku aadanayd 47-guuraddii ka soo wareegtay Maalinta Xornimadda iyo Israaca Goballadda Koonfurta iyo Waqooyiga Somalia, waxa uu kaga hadlay kooxaha qaraxyaddaa iyo dilalka qorsheysan ka wada Magaalladda Muqdishu, wuxuuna sheegay inay ayaan-darro tahay in 67-saanno kadib inay jiraan dad Soomaali ah oo qaraxyo iyo dilal la beegsanayo Saraakiisha iyo dadka muhiimka u ah Ummadda Soomaal;iyeed. Madaxweynaha DFKMGS, waxa kaloo uu sheegay inay dowladda Federalka cagta marin doonto kooxaha doonaya inay carqalladeeyaan Nabadda iyo Midnimadda dalka Somalia, wuxuuna si gaar ah u sheegaay inaysan Taariikhda Somalia meelna uga bannaanayn shaqsiyaadka aan aaminsanayn Waddaanimadda, iyo Sharafta dadka iyo dalka Somalia. Munaasabadda 47-guuraddii ka soo wareegtay Israacii Goballadda Koonfurta iyo kuwa Waqooyiga Somalia ee xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee DFKMGS, Saraakiil ka tirsan Ciiddamadda Qaranka, Maamulka Gobalka Banaadir, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo marti Sharaf lagu casuumay Munaasabadaasi Qaran ee xalay lagu qatay Xarunta Villa Somalia ee Magaalladda Muqdishu. Waa markii ugu horreysay oo uu Madaxweyne Yuusuf kaga qeyb galo Munaasabadaasi Qaran Xarunta Villa Somalia, tan iyo markii xilka Madaxtinimadda loo magacabay sannadkii 2004-tii. Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho -
Xaflad lagu xusayay munaasabadda 1da Luliyo oo ka dhacday Muqdisho Mugadishu 01, July.07 ( Sh.M.Network) Xaflad Balaaran oo si weyn loo soo agaasimay oo lagu weyneynayo munaasabadda 1da Luuliyo oo qudbad uu ka jeediyay Madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf ayaa xalay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Munaasabaddaan oo bilaabatay abaarihii 7dii fiidnimo ee xalay ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas'uuliyiin ka socotey xubnaha labada gole ee dowladda KMG ah ee Somalia iyo xubno kale oo halkaasi lagu casuumay. Xafladdaan ayaa intii ay socotey waxaa lagu soo bandhigay heeso wadani ah oo ka turjumaya ahmiyadda gaarka ah ee shacbiga Somaliyeed ay u leedahay 1da Lulio oo ah maalintii ay israaceen gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ee Somalia. Madaxweynaha dowladda kMG ah oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in ay muqadas tahay soo celinta midnimadii Somalia oo uu sheegay in ay fooda ku qaadi doonaan cidii ishortaagta sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay in kooxaha qaska ka wada magaalada Muqdisho in ay joojiyaan isla markaana ay qaataan Somalinimada, isagoo tilmaamay in shacabka uu ka soo daalay burbur iyo dhibaatooyin, loona baahan yahay in wax walba wada hadal lagu dhameeyo. C/laahi Yuusuf waxa uu tilmaamay in aysan jirin cid xoog ku qabsan karta cid kale, isla markaana goordhow ay shacabku dooran doonaan cidda hogaamin laheyd 12 kii habeenimo ee xalay saqdii dhexe ayaa waxaa la suray calanka Somalia, iyadoo howlaha calan saarka ay ka qeybqaateen ciidamada booliska dowladda KMG ah, waxaana la garaacay muusika astaanta qaranka Somalia. Sidoo kale Waxaa halkaasi qudbado ka jeediyay mas'uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda KMG ah ee Somalia oo diiradda ku saaray qudbadahooda muhimadda ay leedahay 1da Luuliyo. Sidoo kale xaflad tan la mid ah ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ay ku sugan yihiin mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Somalia. Sawirada munaasabaddaaan goordhow kala soco halkaan
-
Pakistan Yemen sends congratulations to the Somali people
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Pakistan greets Somalia on independence day ISLAMABAD, June 30 (APP): Pakistan has greeted Somalia on its independence day falling on July 1.President General Pervez Musharraf and Prime Minister Shaukat Aziz sent felicitation messages to their counterparts and wished them on their country’s independence day. President Musharraf in his message to Abdullah Yusuf said, “It gives me great pleasure to convey to your excellency the warmest felicitation behalf of the Government and people of Pakistan on the national day of the Somali Republic.” Prime Minister Aziz conveyed best wishes to Prime Minister for his health, long life and prosperity and hoped that the excellent relations between Pakistan and Somalia would strengthen in the years ahead. Source: APP -
Puntland troops taken over by TFG defence ministry
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^The army will be unified and thus the troops will be posted as they are needed by the defence ministry. Puntland is Somalia and thus no problem if troops from other areas are stationed or work in the state. It will help the local economy no doubt. -
-
Puntland troops taken over by TFG defence ministry
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Why not? You forget that more than a thousand officers from across the country and notably the south are being trained right now in Carmo Police Acadamy. These new military brigades will be sent to the south at the behest of the TFG defence ministry. -
July 1st celebrations
-
President Yusuf: on stability, Kismayu and NRC
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
C/laahi Yuusuf oo fariin U Diray Kooxaha Qaraxyada iyo Dilalka Kawada Magaalada muqdisho. Madaxweynaha dolwlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay xaalada dalka maanta uu marayo ee dhinacyada amaanka qaraxyada ka dhacaya magaalada iyo dilalka qorshaysan oo uu tilmaamay inay yihiin lagu doonayo in lagu wiiqo xaalada ay dowlada ka wado Soomaaliya ee dhinaca nabad galyada la xiriira. Hadalkaan ayaa waxaa uu madaxweynaha uu ka jediyay xaflad xalay ka dhacday xarunta villa Soomaaliya ee lagu xusayay 1da Luulyo oo ku began israacii gobolada waqooyi iyo Koonfur iyo waliba markii ugu horaysay ee calan Soomaaliyeed laga saaro ciida Soomaaliya. Waxaana uu sidoo kale uu madaxweynaha uu ka hadlay mustaqbalka waxaa ay dowlada ku dhaqaaqayso marka ay dhamaato xilga la soo doortay waxaana uu sheegay in wareeji ndoonaan marka ay dhacdo doorsho isla markaan ay ku wareejin doonaan cidda xilkaa loo soo doortay. Madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed ayaa waxaa ku eedeeyay qaraxyada ka dhacaya magaalada muqdisho kooxo soomaali ah laakiin aan ahayn kuwa ajaaniib ah dilkana ay iyagu ka danbeeyaan uuna ugu baaqay inay ka waantoobaan qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya magaalada muqdisho. Intaa aany dowlada ku meel gaarka ah aanau talaabo qaadin ayuu yiri. Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha uu soo qaatay kooxaha qaska ka wada magaalada muqdisho inay doonayaan sidii ay uga hor imaan lahaayeen halgankii loo soo maray xurminada soomaaliya ay sheegeen inay wax ku xukumayaandiinta isla markaan ay ay iska tureen halgankaa laakin kama yeelaynio ayuu yiri Yuusuf. Madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi yuusuf axmed ayaa waxaa uu ugu baqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan dowlada ku meel gaarka ah isla markaan ay ka qayb qaataan sidii dalka soomlieen loogu soo celin lahaa kala danbayntii iyo dowlada nimadii. Gaba gabdii ayaa madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi yuusuf axmed ayaa waxaa uu halkaa ka saaray calankii Soomaaliya saacadu markau ahayd 16kii saq dhexe oo xilgaa oo kale muddoo haatan laga joogo 47 sano calan soomaaliyeed laga saarayciida soomaaliya. Xafladaa oo ay ka sooq ayb galkeen inta badan xubnaha dowlada kumeel gaarka ah iyo marto sharaf kale ayaa goobta ay xafladaa ka dhacaysay waxaa amaanka sugayay dhinaca gudaha ciidamada ka socda dalka Ugandha halka kuwa itoobiyanaka iyo Soomaalidana ay banaanka amaakeeda ka qayb qaadanayeen. Maxamed CaliJaaked Madaxa wararka dhahar Muqdisho_somalia -
Puntland troops taken over by TFG defence ministry
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Pardon? -
Warbixin:- Maxaad ka taqaan 26 juun iyo 1da luuliyo? by yusuf Guduudow Maalintii isniinta ahayd ee asbuucii aynu soo dhaafney ayay waxa ay ku beegnayd 26 juun sanadka 2007 oo ahayd maalin taariikh iyo xusuus dheer mudun 26 juun waa maalintii ugu horeysey ee ciida amase gayiga soomaaliya laga taago calanka quruxda badan ee uu alifey, alifihii caanka ahaa ee Maxamed Cawaale Liibaan eebe naxarisitii jano ha ka waraabiyee, Maalintii ay gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya ay ka xaroobeen gumaysgiii cadaa ayna iska qaadeen heeryadii gumaysiga ee ingiriiska maalintaasi ayaa waxaa hoos loo dhigey calankii gumaysigii ingiriiska waxaana hawada ka babadey calanka baluuga ah ee xidigta shanta geesood ah dhexda ku leh ee jamhuuriyada soomaaliya waxaana halkaasi gabey qiiraanyo leh calanka u tiriyay abwaanka caanka ah ee Cabdulaahi Suldaan Timacade waxaana ka mid aha maansaddii KAANA SIIB KANA SAAR oo uu ola jeedey in calankii gumaystaha meesha laga tuuro, waxaana farxad iyo reyn reyn ay u ahayd maalintaas dhamaanba bulsho weynta soomaaliyeed waxayna maalin muguro u ahayd gumaysigii meesha laga saarey ee ingiriiska. 26 juun oo ah maalin qiimo iyo qadarin iyo weynaynba ugu fadhida dhamaaba bah weynta soomaaliyeed ee ku hadasha afka soomaaliga meel walba oo ay joogaan waxana 26 juun laga xusey sanadkan gobolo iyo degmooyin aad u fara badan oo ka tirsan soomaaliya waxaana ka mid ahaa meelihii laga xusey magaalo madaxda Puntland ee Garowe iyo Magaalooyinka laascaanood, Ceerigaabo, iyo dhamaan gobolada ay ka kooban yihiin gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya sida Hargaysa,Burco,Boorama,iyo Berbera waxaa kaloo maalintaasi qiimaha iyo qaayaha leh laga xusey gobolkada koonfureed ee dalka soomaaliya inkastoo aan laga xusin sanadkan magaalo madaxda dalka soomaaliya ee moqdisho hadana waxaa laga xusey magaalooyinka kismaayo baladweyne iyo gobolka shabeelaha dhexe iyo degmooyinkiisa oo laga dhigey munaasabado lagu wayneenayo xuska 26 juun oo ah maalintii ay gobonimada qaateen gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya. 1da luuliyo waa maalin ayana qadarinteeda iyo xasuusteeda mudan aysana ilaawi doonin bulsha weynta soomaaliyeed ay ay ku dheehan tahay waxa la yiraahdo wadaniyada, waa maalintii ay ay xoroobeen gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waana isla maalintii iyo midowgii gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ay ka xoroobeen gumaysigii cadaa ee talyaaniga iyo ingriiska talyaanigu waxa uu gumaysan jirey gobolkada koonfureed ee dalka soomaaliya ingiriiskuna waxa uu gumayste ka ahaa gobolada waqooyiga soomaaliya waana maalintii ugu horeysey ee uu gumaysigii cadaa ee talyaanigu uu ka guuro gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waana israacii iyo midowgii somaliweyn. Isku soo wada duuboo xusus kala duwan oo lagu weyneenayo maalmahan aya waxa ay ka dhaceen gobolo iyo dagmooyin fara baadn oo ku yaala dalka soomaaliya iyadoo maanta ay qaban qaabo aad u xoogan ka socoto magaalada caasimada ah ee moqdisho caawana lagu xuso doono xarladaas lagu weyneynayo markii ay xornimada qaateen gobolkada koonfureed ee dalka soomaaliya ayna midoobeen labada gobol ee koonfure iyo waqooyi ayaa waxa ay ka dhacaysaa xurunta madaxtooyada ee villa soomaaliya halkaas oo lagu wado in uu cabdulaahi yuusuf kasoo jeediyo khudbad aad u xasaasi ah cabdulaahi yusuf waxa uu ka mid yahay raga ugu waa weyn ee ku jira siyaasada soomaaliya noolaana markii ay midoobeen gobolada waqooyi iyo kuwa koofureed ee dalka soomaaliya intaas ayayna faaladii iiga eg tahay.
-
Somali independence Day 1960 The 47th Anniversary Celebrations of the Somali Independence days (June 26 & July 1st, 1960). Maalintii Somalia "Maanta maanta maanta, Waa maalin weyne maanta The 47th Anniversary Celebrations of the Somali Independence days (June 26 & July 1st, 1960). Maalintii Somalia "Maanta maanta maanta, Waa maalin weyne maanta." Sidaad la wada socotaanba Somalia waxay midowday oo isku darsantay July 1st 1960. Halkan waxaan idiinku haynaa video aad muhiim u ah oo kutusinaya maalintaas iyo dadku siday ahaayeen iyo siday u faraxsanaayeen, masha allah waxay ahayd maalin qaali ah dadka wajiyadoodana waxaad ka arki kartaa siday u faraxsanaayeen, Xaaladda Somalia maantana waad arki kartaa laakiin aynu Ilaah ka barino siduu noo midayn lahaa Dhamaanteen Soomaali hadaan nahay.
-
Puntland troops taken over by TFG defence ministry
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
DFKMG ah oo ciidamo ka ururinaysa Gobolada dalka (Dhageyso wareysi Taliye xigeenka ciidanka Booliiska 29.6.07audio -
Puntland troops taken over by TFG defence ministry
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The salaries will be paid by the Federal Government and these troops are heading to the south. Many others are in training. -
Mogadishu: Son of deposed court leader shott by police
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The bombers, assasins are not getting it all their way. The fact that the deposed courts leadership in exile deny their involvement has also been proven to be false.