General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed. 30. June 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa hambalyo ku aadan xuska munaasabada 47 guuradii ka soo wareegatay maalintii xornimada laga qaatay gumeystihii Talyaaniga u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan bashbash iyo barwaaqo, wuxuuna Madaxweynaha uu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay iska daayaan shidada iyo dhibaatada ayna u istaagaan ka shaqeynta nabadgelyada. “Waxaan shacabka ugu baaqayaa iney iska daayaan shidada, oo ay ka soo qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta ee la qabanayo maalmo kadib, qof kastana wuxuu qabo uu halkaasi ka caddeeyo” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo munaasabadan awgeed shacabka ugu duceeyay iney noqdaan kuwo isku dhegan oo hal mowqif ku mideysan. Munaasabada 1-da Lulyo oo ah maalin Soomaalida ay qiimo weyn u leh ayaa waxaa la filayaa in xaflado kala duwan ay ka dhacaan guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo sanadkan ay ku soo beegantay xili dalka oo dhan dowladda KMG maashusho. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  2. Happy Birthday to my lovely Lady Somalia again it’s your day The first of the seventh month The seventh year of the first decade Of the century of progress May Allah (SWT) bless you and your people May they next generation be like the kings of old Unite each other and tightly hold The hope of a better day Freedom long lost, is now returning Let’s move forward and heal these wounds Let’s forgive each other for the collective abuse. But today is yours and may it be blessed
  3. Happy Birthday to my lovely Lady Somalia again it’s your day The first day of the seventh month The seventh year of the first decade Of the century of progress May Allah (SWT) bless you and your people May, they the next generation be like the kings of old Unite each other and tightly hold The hope of a better day Freedom long lost, is now returning Let’s move forward and heal these wounds Let’s forgive each other for the collective abuse. But today is yours and may it be blessed
  4. MADAXWEYNE YUUSUF: “Dowladdani waqtigeeda waa kooban yahay, mana sii jireyso, sidaas darteed waxaan Shacabka ugu baaqayaa in ay Shidada iska daayaan oo ay Danahooda iyo Mustaqbalkooda gartaan” “Haddii Dadka qaarkiis is-leeyahay Dowladda Federaalka Shanta Sano ka dhameeya, taasi ma dhaceyso, annaguna meesha ka tegi meyno iyadoo aan xal loo helin Soomaaliya”Sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed Sabti, June 30, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay shidada iska daayaan oo ay gartaan danahooda iyo Mustaqbalkooda, isagoo carrabka ku dhuftay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed uu waqtigeeda kooban yahay, isla markaana aysan meesha iska joogi doonin. “Dowladdani waqtigeeda waa kooban yahay, mana sii jireyso, sidaas darteed waxaan Shacabka ugu baaqayaa in ay Shidada iska daayaan oo ay Danahooda iyo Mustaqbalkooda gartaan” ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in haddii fowdada iyo shidada ay sii socoto aysan jiri doonin doorashooyin dhaca iyo Xisbiyo la sameeyo. “Haddii Dadka qaarkiis is-leeyahay Dowladda Federaalka shanta sano ka dhameeya, taasi ma dhaceyso, annaguna meesha ka tegi meyno iyadoo aan xal loo helin Soomaaliya”ayuu mar kale madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho. Arrimaha Amni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay in ay amni darrada jirta ka dambeeyaan kooxo sida uu yiri magacyo kala duwan la baxay sida Muqaawamo iyo Ansaar, wuxuuna sheegay in ay Dowladda horay arrimaha Amniga wax uga qabtay, haatanna ay ka qaban doonto. Wuxuu ka hadlay Madaxweyne Yuusuf Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho lagu qaban doono, wuxuuna si cad u sheegay in shirkaasi uu yahay mid lagu heshiisiinayo Beelaha Soomaaliyeed ee colaadaha dhexmareen,”Siyaasiyiinta iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Shirkii Kenya ayay ku soo heshiiyeen, shirkanna waa mid loo qabanayo Beelaha Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed. Madaxweynaha waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay shirkaasi ka qeybgeleyso cid kasta oo ay beesheeda soo dirsato, wuxuuse diiday in ay shirka ka qeybgeli karaan Dad uu sheegay in ay ku jiraan Liiska Argagixisada. Madaxweynaha waxaa uu laalay oo uu diiday in dalka Soomaaliya ay heystaan Ciidamada Itoobiya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya jooga ay ku yimaadeen si sharci ah iyo rabitaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in marka laga maarmo ay bixi doonaan.Dhanka kalena, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo, isagoo ugu hambalyeeyay munaasabadda 47 guuradii ka soo wareegtay markii ay Soomaaliya xornimadeeda ka qaadatay Gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, wuxuuna u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed in ay munaasabaddan teeda kale ku gaaraan Nabad, Horumar iyo Baraare. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan wuxuu cafis u fidiyay xubno ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka iyo kuwo ka soo horjeeday Dowladda Federaalka oo xabsiyo ugu jiray, iyadoo cafiskaasna ay si weyn u soo dhaweysay Beesha Caalamka oo ku tilmaantay tallaabo loo baahnaa. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  5. The love for the PM was deep. The welcome was warm. The anti-TFG voices were quite timid.
  6. Muqdisho: MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF : “Shirweynaha Qaran ee dib u heshiisiinta lagama yaabo inay ka soo qeyb galaan kooxo sheegta Maxaakiim iyo ururo siyaasadeed” 29. June 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ka warbixiyay shirweynaha dib u heshiisiinta ee la filayo in 15-ka Lulyo uu ka dhaco magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in shirkaasi uu yahay mid beeleed oo ay ka soo qeyb gelayaan dhammaan beelaha Soomaaliyeed, kuwaasoo la filayo inay ku gaaraan heshiis buuxa. “Shirku waa mid beeleed, beelaha Soomaaliyeedna way ka soo qeyb gelayaan, balse ma aha mid ay ka soo qeyb gelayaan ururro ama xisbiyo siyaasadeed iyo kooxihii Maxaakiimta amaba kuwo xiriir la leh argagixisada” ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in aan weli la gaarin xilliga xisbiyada iyo ururrada siyaasadeed ay la xaajoon lahaayeen dowladda Federaalka. Md. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dhinaca kale sheegay inay dowladda Federaalka tallaabo adag ka qaadi doonto sugidda amniga isla markaana ay wax ka qaban doonto falalka xasilooni darrida ah ee ka jira gobolada dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in dowladdu tahay mid dib u heshiisiin isla markaana ay diyaar u tahay inay la hadasho dhinacyada ay siyaasadda isku hayaan marka laga reebo kooxo uu ku tilmaamay inay xiriir la leeyihiin argagixisada, kuwaasoo aan ogoleyn in wax walba lagu dhameeyo wadahadal. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  7. “Waa aynu ognahay waxa ka jira Kismaayo kooxo diidan dowlada ayaa doonaya in ay haystaan , dowlada arintaasi wadahadal ayay ku dajineysaa laakiin haddii dhankaasi wax lagu keeni waayo dowlada gacanta kama laaban doonto”ayuu yiri C/lahi Yuusuf Axmed
  8. Wareyso Dheer Oo Lala Yeeshay Madaxweynaha Dowlada KM G aAh Ee Soomaaliya Posted to the MOL June 30, 2007, 8:41 am Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa daboolka ka qaaday in shirka dib u heshsiinta qaran uu u furan yahay cid waliba oo soomaali ah isla markaana aan ku jirin liiska argagixisada caalamka . Wareeysi gaar ah oo uu siiyay idaacada Horn Afric ayuu madaxweyne Yuusuf ku muujiyay rajada uu ka qabo in uu qabsoomo kulanka dib u heshiisiinta qaran oo uu sheegay in ay tahay fursada muhiim ah . Waxa uuna madaxweynaha uu sheegay in dowlada KMG aysan diidaneyn in maxaakimtii islaamka ay ka soo qeyb galaan shirkaasi laakiin ay ka imaanayaan dhanka beelahooda . Mar la weeydiiyay doorka dowlada ee socodsiinta shirka ayuu sheegay in gudiga dib u heshiisiinta qaran ee uu hogaamiyo Cali Mahdi Maxamed u madax banaan yihiin howlaha shirka . Wareysigaasi dhinacyda badan taabanayay ee lala yeeshay Madaxweyne Yuusuf ayuu sheegay in dagaalkii ka dhacay Muqdisho lagu qasbay dowlada KMG isla markaana ay dowladiisu wax ku raadineysay wadahadal iyo deganaasho . Waxa uuna intaa raaciyay in lala garan waayay dowlada KMG wanaaga wadahadalada iyo nabada taasina ay keentay dagaalkii xooganaa ee magaalada looga saaray maxaakimtii islaamka . Madaxweyne Yuusuf mar wax laga weydiiyay goorta ay ciidamada Itoobiya dalka ka baxayaan ayuu si deg deg ah ugu jaaabay oo uu yiri waxa ay baxayaan marka xalka Muqdisho wax iska badalaan . “Goorma ayaad jeclaan laheyd in ay baxaan , waxaan kuu sheegayaa in dalka inta uu sidaan yahay in aysan baxeyn ciidamada Itoobiya , anaga ayaa u yeeranay marka howsha nabad soo celinta u dhamaato ayay baxayaan”sidaa waxaa yiri maadxweyne Yuusuf. Xiisadaha ka aloosan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayuu madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay Kismaayo waxa ka jira in ay yihiin dowlad diidnimo isla markaana aan loo sii dul qaadan doonin . “Waa aynu ognahay waxa ka jira Kismaayo kooxo diidan dowlada ayaa doonaya in ay haystaan , dowlada arintaasi wadahadal ayay ku dajineysaa laakiin haddii dhankaasi wax lagu keeni waayo dowlada gacanta kama laaban doonto”ayuu yiri C/lahi Yuusuf Axmed. Madaxweyanaha oo wax laga weydiiyay waxa dowladiisa uga hir galay qodobada dastuurka dalka ayaa sheegay in aan la dhihi karin wax baa ka hir galay isaga oo arintaasi dusha eedeeda ka saaray shacabka oo uu sheegay in ay dowlada la shaqeyn. “Dad ayaa aaminsan oo is leh dowlada mudada yar ee u hartay carqalad ugu dhameeya , taasi ma dhaceyso xittaa haddii waqtiga uu u dhamaado iyada ayaa dalka sii xukumeysa”ayuu yiri madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya . Madaxweyne Yuusuf ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliya in ay la shaqeeyaan dowlada kMG ah ee Soomaaliya si ay uu guuleysato dhameeystirka howlaha hor yaal Waxa uuna tibaxay in dowladiisa ay ka go`an tahay xasilinta dalka Soomaaliya , isaga oo yiri iminka dowlada wax ay xareeyneysa ciidamo si ay u noqdaan ciidanka xooga kuwaasi oo la doonayo in nabad ay xoojiyaan . Ugu dambeeyntii madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa Ummada Soomaaliya meel waliba oo ay joogto ugu hambalyeeyay munaasabada kowda Luuliyo oo ah markii dalka uu xornimada qaatay . Wexa uuna ummada Soomaaliya ku adkeyay xoojinta midnimada shacbaka Soomaaliya si cadaw walia looga hor tago. Cismaan Xasan Cali
  9. Dadka siyaasada Somaliya falanqeeya ayaa sheegay sababta Barre Hiiraale uu qaraxa qolyaha maxkamaduhu la beegsadeen ugu eedeynayo dawlada KMG ah inay la xiriirto baqdin uu ka qabo inay qaarajiyaan qolyaha wax qarxiya. Isagoo rajo ka qaba hadduu dawlada ka horyimaado inay naftiisu badbaadi doonto. A coward dies a thousand times.
  10. DF Soomaaliya oo si kulul uga jawaabtey eedeyn ka soo yeertey Col.Hiiraale Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabtey eedeyn ka timid wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Col.Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) taasi oo uu ku sheegay in weerarkii qarax ee shaley lala maaganaa ay ka dambeeyeen masuuliyiinta dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya. Afhayeenka xukuumada KMG ah Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Col.Barre Hiiraale ee ku aadanaa in weerarkii lagu khaarajin lahaa ay ka dambeeyeen madaxda sar sar ee Dawlada Federaalka KMG ah ee eSoomaaliya, uu yahay hadal gef ah oo aan loo hayn wax qiil ah, waxaana uu ka dalbadey Xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) in uu ka bixiyo cudur daar cad. Cabdi Xaaji Goobdoon wuxuu sheegay in golayaasha dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay yihiin kuwa isku mid ah oo ay leeyihiin hal cadow, sidaasi darteed ay tahay hadalka ka soo baxay Col.Barre Hiiraale mid aan laga fiirsan. Hadalkan ka soo baxay afhayeenka xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo shaley magaalada Baardheere weerar lagu dhaawacay Col.Barre Hiiraale oo ku tilmaamay qaraxaasi waa sida hadalka uu u yiriy'e mid ay ka dambeeyeen madaxda sar sare ee dawlada KMG ah ee Soomaaliya, walow Xildhibaanku aanu muujin wax cadeymo ah marka laga reebo eedeynta arintaasi uu ka muujiyey. SBC News Desk
  11. DFKMG ah oo ka jawaabtey eedeyntii Barre Hiraale 28 Jun 28, 2007 - 7:25:03 AM Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo sheegay in qaraxii lala beegsaday gaarigiisa shalay in ay ka danbeeyeen Madaxda sare ee dowladda KMG gaar ahaan Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Afhayeenka dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-Doon ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyntaasi isagoo ugu baaqay Barre Hiiraale in hadalkaasi meel ka dhaca ku ah dowladda Federaalka uu raali galin ka bixiyo. “Waa wax laga xumaado in xildhibaan ka tirsan dowladda uu ku eedeeyo qarax lala beegsaday gaarigiisa madaxda dowladda” ayuu yiri Afhayeenka dowladda KMG Cabdi Xaaji Goob-Doon oo hadalkiisa sii raaciyay in qaraxyo la mid ah kii lala beegsaday ay ka dhacaan magaalada Muqdisho oo sababa dhimasho iyo dhaawac. Afhayeenka dowladda KMG ayaa sheegay in guriga ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi qof ismiidaamiyay qarax la beegsadey ayna tahay in xildhibaanku isweydiiyo sababta uu eedeynta ugu jeedinayo madaxda dowladda xilli qaraxyo lala beegsanayo. Barre Hiraale ayaa horey looga xayuubiyay xilka wasiirka gashaandhiga kadib markii lagu soo eedeeyay xill gudasho la'aan. Akhri eedeyntii Hiraale
  12. MORE PICS OF THE WARM RECEPTION OF THE SOMALI'S TO THEIR PM
  13. Xasan Dahir's war against "Ethiopia" has come down to this, disgusting.
  14. Adeer, its my point to highlgiht certain points. For example when one sees the nation, those who figth admins of governance and cause mortars, bombs and so on are from a specefic region. The Galgaduud twins = the JVA= occupiers of Kismayu, Lower Shabbele and by extension Gedo. In order for the TFG and the Somali's to reclaim their peace, their calm thier national soverignty something must be done. Yes empower the locals of the Gedo region and Lower Shabbele. Not for any reason other than to get their rights and undermine these groups. Why should the likes of Hiiraale govern Kismayu let alone Gedo? Duke
  15. The TFG is wasting time dealing with and trying to gain an agreement with the former leaders of the JVA, such as Hiiraale, A/Qasin and the Galgaduud twins. It should reevaluate its tactics by empowering the other clans of these two regions. For example in Gedo we know the locals who are even said to be the majority are under the thumb of the JVA, from Ceel Waaq to Bardheere. The locals should be empowered to gain their rights. Thus true justic will return to Somalia. Thus the governemnt should arm, train and take into the police, army all the clans of Gedo, Lower Shabbele so they can be part of the security apparatus
  16. Adeer, dont lie, I never applaud any negetive action by anyone against civilians. Even those against the young combatants of the clan courts filled me with anguish as these brainwashed children are our Somali's loss. You on the other hand by your own words celebrated the deaths of innocents even making jokes about a Tacsi thread. What a shame, a weak man rejoices in the killing of the innocents. Like those who once joyed over the raped of young girls in Kenyan refugee camps. Such groups and individuals will forever live in infamy.
  17. Juje, must mistaken him for A/Qasin Salad. Pardon adeer the old man is cleaning up Mogadishu with the aid of officers, Qaybdeed, Dheere and Darwish.
  18. The Boy Who Cried Wolf (by Abdiqasim Salat) There once was a shepherd boy who was bored as he sat on the hillside watching the village sheep. To amuse himself he took a great breath and sang out, "Yeey! Yeey! Yeey is chasing the sheep!" The villagers came running up the hill to help the boy drive Cabdullahi Yusuf away. But when they arrived at the top of the hill, they found no Yeey. The boy laughed at the sight of their angry faces. "Don't cry 'Yeey', shepherd boy," said the villagers, "when there's no Yeey!" They went grumbling back down the hill. Later, he saw a REAL Cabdullahi Yusuf prowling about his flock. Alarmed, he leaped to his feet and sang out as loudly as he could, "Yeey! Yeey!" But the villagers thought he was trying to fool them again, and so they didn't come. At sunset, everyone wondered why the shepherd boy hadn't returned to the village with their sheep. They went up the hill to find the boy. They found him weeping: Wadankii waa la haystaa! -------------------- Priceless
  19. ^^^Juje, what a shame, a weak man rejoices in the killing of the innocents. Like those who once joyed over the raped of young girls in Kenyan refugee camps. Such groups and individuals will forever live in infamy. As for our enemies wether clan or governemnt, they know no were is safe, hence Hiiraale will be touched, like his fellow friends Goobanle, Seeraar and Cirfo. Che, Hiiraale is a minor figure, a stooge who the TFG rearmed and who will pay a price for the actions of his militia. To the Duke he is a disapointment thats all.