
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Sheikh Aweys: Waa isugu keena mid ciidamada Ethiopia iyo kuwa Uganda
General Duke replied to BiLaaL's topic in Politics
Xasan Dahir and others kindly please keep making threatening statements. Now even the OLF as well as the ONLF are running away from these deranged individuals. -
Sheikh Aweys: Waa isugu keena mid ciidamada Ethiopia iyo kuwa Uganda
General Duke replied to BiLaaL's topic in Politics
^^^Aways compared the occupation of lower Shabbele by his clan as the same as the locally run admins of Somaliland and Puntland, what honour was there when his militia were killing and subjugating, looting and taxing fellow Muslim Somali's for their own selfish benefit? Xasan Dahir Aways is the man who promised to fight to the end and promised Janah then let the children die needlesly in the dirt streets of Burhakabo and Balidoogle , defending a shamm of a promise while he, his fellow thugs fled for their lives on a military plane to Asmara. Oh how precesious his life is compared to the children. Honour you say, anyhow he is a stoog of Asamar and the Egyptian secret service. None of which are "Islamic organs". Yey has never suffered from such complexes, he is a stright shooter who does not lie at every turn. -
Originally posted by Allamagan: balse game-ka Yeey lala cayaarayo ayaa ah in marnaba afkoodu ka soo bixin dowlada waanu ka soo horjeednaa Good call. Dont' ever say you are against the government. Or else you will face Yeey's wrath. The President has refused to intervene and has distanced himself from all the calls from Kismayo but all you do is keep insisting he is part of this. Shame, shame! If the President was interested in Kismayo's clan wars, he wouldn't bring back Gedo boys in dignity after the ICU humiliated Hiiraale and captured the highest reported technikal’s in the history of Somalia’s civil war. He gave your straving boys food in Baidoa, military uniforms, training and all the weapon you wanted. I don’t think he disserves this from your lot. Its a shame real shame.. The thousands of Puntland boys in Daynuunaay, Manaas and Balli-Doogle who are playing cards there are not interested in clan wars against Gedo people just like the President isn't. They see the pig picture of bring back a true government to this devastated nation, and Kismayo is left for the local Waamo boys to battle the few thugs there. If you ever say are against the TFG, Yeey's Dhafoorqiiq army will march in no time and that won't be a good news to the clan militias in Kismayo. For now, they must stay away from anything that can damage "good" relationship with Yeey. As for this latest battle, I am actually surprised. If few un-armed teenagers can capture Kismayo for a full day from the 1500 well-armed goverment trained Gedo clan militia, it really says something about your perceived military strength. Your group has been tested and the result is not promising. Expect big surprises in the future. The Waamo boys are still in the city and its surroundings. even in the airport today is in their hands They are emboldened more than ever my friend. Tonight they are not sad because Kismayo was never in their hands. They haven't faced heavy losses either. Tonight the worry is with the Gedo militias. They know they are using their full resources while the Waamo kinsmen are not. In the meantime, keep bragging about your chasing of Afgaduud (who is married to Hiiraale's cousin by the way, and who has refused president’s orders to come to Baidoa). Enjoy the celebration of killing 13 kids. Enjoy the moment.
-
LOOL. The small group are celebrating while they can not see the old man is still not even looking over at their silly activities. When Yey makes his move no doubt you will be the firts to demonstarte like your old JVA masters are doing now.
-
Bandowgii Xalay ka Hirgalay Muqdishow iyo Qaraxyadii ka dambeeyey. Somaliweyn Media Center(SMC) Mog.23/6/07 Waxaa Saakay Aroornimadii Hore laga Qaaday bandowgii lagu soo Rogay magaalada Muqdishow bandowgaas oo aan la xaddidin muddada uu socondoono .Hirgalinta bandowgaas waxaa iska kaashaday Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaalia iyo Kuwa Itoobiya . xalay oo ahayd habeeynkii ugu horreeyey oo bandoowgu bilaawdo waxaa dariiqyada waaweeyn oo xaafdaha magaalada Muqdishow ka kooban tahay Gaafwareegayey ciidamo si aad ah u hubaysan,waxaana laga bilaabo 7:dii fiidnomo Joogsaday Isku socodkii dadka iyo Gaadiidkaba . Bandowgii lagu soo Rogay Caasimadda waxaa barbar socday Qaraxyo talantaali ahaa oo ka dhacayey qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdishow Sida Hodan iyo Huriwaa,wali ma cadda khasaaraha dhabta ah oo qaraxyadaasi gaysteen iyo in aay ahaayeen iyo in kale kuwo lala beegsanayey ciidamada bandowga Hirgalinayey. Faahfaahinta Wararkaas waxaad helidoontaan marka aanu xog buuxa ka helno qaabka aay u dheceen iyo haddii dhimasho iyo dhaawac aay gaysteen Somaliweyn Media Center (SMC)Mogadishu /Somalia
-
Sheikh Aweys: Waa isugu keena mid ciidamada Ethiopia iyo kuwa Uganda
General Duke replied to BiLaaL's topic in Politics
Any further activities by Dahir Aways is most welcome and should be incouraged. Keep it up old man. -
Sheikh Aweys: Waa isugu keena mid ciidamada Ethiopia iyo kuwa Uganda
General Duke replied to BiLaaL's topic in Politics
Thus Xasan Dahir, his clan militia, other clan militia who support, the Eritrean and Arab agents, as well as his terror network and their supporters are legitimate target by the security forces. Any one who is caught in the plot to kill, maim any Somali official, civilian, place mortars to further the terror networksinterest will be brought to justice and executed. -
Abwan, yes a few hand grenades were launched and made some noise however due to the curfew no civilan was injured none killed. This is a success no? It will be easier to hunt down thugs, bandits and terror groups who hide behind the skirt of women and children.
-
Bandowgi Muqdisho Wuu Hirgalay -------------------------------------------------------------------------------- Muqdisho(Calanka.com) 23-Jun-2007 Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Max'ed Muxuyidiin Cali oo saakay ka hadlay bandowgii caasimadda Muqdisho lagu soo rogay habeenkii xalay ayaa waxa uu sheegay in uu dhaqan galay, wuxuuna intaa raaciyay in tiro dad ah oo jabiyay amarkan bandowga ey soo qabqabteen ciidamada boliska. Afhayeenka ayaa sheegay in xalay abaarihii todobada habeenimo uu bilowday bandowga dadka badankiisna ey guryohoodi ku jireen xiligaa, wuxuuna intaa raaciyay in dhamaan isgoysyada wadooyinka magaalada lasoo dhoobay ciidamo aad u tiro badan kuna hubeysan gawaarida gaashaaman. habeenkii xalay ayaa waxaa wadooyinka xaafadaha iyo jidadka waa weyn ee magaalada lagu arkayay ciidamo bolis ah oo koox-koox u socdo kuwaasoo kormeerayay in uu bandowga hirgalay. Xiligi bandowga ka hor ayaa waxaa laga maqlayay xaafadaha qaar ee Muqdisho qaraxyada bomb-gacmeedyada kuwaasoo aan haba yaraatee wax qasaare ah geysan. Waxaa dhinaca kale uu ka hadlay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Muxiyadiin Cali wargeys maanta kasoo baxay magaalada Muqdisho oo ku hadla afka maamulka gobolka Banaadir looguna magac daray CODKA BANAADIR kaasoo uu sidoo kale masuul ka yahay isla afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo in mudo ah kusoo jiray saxaafadda kana mid ahaa aasaasayaasha wargeyskii PANORAMA ee Muqdisho. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
-
Gaalkacyo: "Waxaanu wadnaa Walaaleynta ,Mideynta iyo nabad ku wada noolaashaha Umada gobalka Mudug" Kulan nabadeed dhexmaray waxgaradka Gobalka Mudug iyo Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya. 23. juni 2007 AGaalkacyo(AllPuntland)- Xarunta dawlada Hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa galabta ka dhacay shir looga hadlayay nabada gobalka Mudug. Kulankaasi waxaa ka qeybgalay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen.Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ,kuxigeenkiisa Gen.Bashiir Maxamed ,gudoomiyaha gobalka Mudug C/rishiid Cali Xaashi (Dhuubane),gudoomiyaha golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo ahna duqa Magaalada Gaalkacyo Muxuyadiin Cabdi Biixi,waxgaradka gobalka Mudug. Ugu horeyn kulankaasi waxaa ka hadlay duqa magaalada Gaalkacyo Muxuyadiin Cabdi Biixi wuxuu ka warbixiyey xaalada amaan ee magaalada Gaalkacyo iyo taariikho kala duwan oo ay soo martay. Mr.Muxuyadiin Cabdi Biixi wuxuu sheegay in xiligan aysan amaan daro baahsan ka jirin Magaalada Gaalkacyo,balse wuxuu carabka ku dhuftay in ay jiraan dad amaanka Magaalada khal khalgalinaya ,kuwaasna loo baahan yahay in wax laga qabto. Gudoomiyaha gobalka Mudug C/rishiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo isna ka hadlay shirkaasi ayaa wuxuu sheegay in amaanka gobalka Mudug yahay mid wanaagsan loona baahan yahay in qeybaha kala duwan ee magaalada Gaalkacyo,ay ka qeybqaataan sidii kor loogu qaadilahaa. C/rishiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo aan halkaasi hadal dheer ka soo jeedin ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ay dawlada Soomaaliya,wax ka qabato hawlaha ka socda magaalada Gaalkacyo,gacana ka geysato. Mid ka mid ah nabadoonada Magaalada Gaalkacyo ,oo ka hadlay shirkaasi nabadeed ayaa wuxuu ku dheeraaday arimaha kala duwan ee ka socda Magaaladan Gaalkacyo,wuxuuna sheegay in aysan haatan jirin amaan daro,balse wuxuu sheegay in ay jiraan taageerayaashii Maxkamadihii dalka laga saaray dad taageeraya ,doonaya in ay amaan daro ka abuuraan magaalada Gaalkacyo. Nabadoon Cabdi Qurux wuxuu sheegay in loo baahan yahay in uu Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo arimahaasi wax ka qabto ,maadaama uu yahay masuulkii Booliska Soomaaliya ugu sareeyey ,yahayna masuulka soo jeeda gobalka Mudug. Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya oo halkaasi ka soo jeediyey hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ayaa wuxuu ugu horeyn ka hadlay safarkiisii uu ku yimid gobalkan Mudug. Gen.Cabdi Xasan Cawaale ayaa wuxuu ku tilmaamay booqashadiisa sidii nabada lugu wada dagan yahay magaalada Gaalkayo ,kor loogu qaadilahaa lana dhameyn lahaa arimo ka jira gudaha Magaalada Gaalkacyo. Taliyaha oo guda galay hadalkiisa ayaa wuxuu sheegay in dhawaan ciidamo gaaraya 240 Askari loo tababarayo Magaalada Gaalkacyo amaankeeda ,maadaama ay ka duwan tahay magaalooyinka kale ee Soomaaliya. "Dawlada Soomaaliya waxa ay uqorsheysay Magaaladan Gaalkacyo ,in loo tababaro ciidamo ka kala socda dhamaan beelaha wada daga Magaalada "ayuu yiri taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya. Taliyaha Booliska ayaa wuxuu dadweynaha weydiiyay su'aal ah sababta Gaalkacyo uyeelatay tababarkaasi wuxuuna ku sheegay in ay tahay magaalo ay wadagaan beelo kala duwan oo ka kala yimid 18 gobalka ee Soomaaliya. "Gaalkacyo waxa ay ka mid tahay Magaalooyin faro ku tiris ah oo ay wada dagaan beelo Soomaaliyeed ,nasiibna Gaalkacyo waxa ay uyeelatay in loo tababaro ciidamo hoos taga dawlada FKMGS" ayuu yiri Gen.Cabdi Xasan Cawaale. Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen.Cabdi Xasan Cawaale ayaa wuxuu si weyn uga hadlay dagaaladii ka dhacay magaalada gaalkacyo,isagoo ugu baaqay dhamaan waxgaradka Magaalada in ay ilaaliyaan nabada. Wuxuu intaas raaciyey taliyuhu in loo baahan yahay in dadka magaaladu iska dhex qabtaan ,dad yar oo doonaya in ay amaanka magaalada khal khalgaliyaan. "Dhaqaalihii aan ku bixin jirney dagaalka ,dhimashada wiilasheena ,Reer Mudugoow aan ku bixino sidii nabada gobalka kor loogu qaadilahaa,oo looga bixi lahaa Gaalkacyo Koonfur iyo Waqooyi bay kala tahay,balse Gaalkacyo waa Gaalkacyo ayaan leenahay" ayuu yiri taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya. Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen.Cabdi Xasan Cawaale ayaa wuxuu ugu baaqay ugu danbeyntii dhamaan waxgaradka Magaalada Gaalkacyo in la tirtiro wax la yiraahdo "Koonfur iyo Waqooyi" oo inta badan ay isticmaalaan dadka ka soo horjeeda nabada Magaalada Gaalkacyo. Wuxuuna balan qaaday Genaraalku in ay dawlada Soomaaliya wax ka qabaneyso hawlaha kala duwan ee ka socda gobalka Mudug. Kulankaasi oo qaatay mudo saacado ah waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyay masuuliyiin kala duwan ,oo magaalada Gaalkacyo siweyn looga yaqaano. Kulankaasi wuxuu ku soo gabagaboobay jawi aad uwanaagsan ,ayadoo amaanka ay sugayeen ciidamo ka tirsan dawlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
-
Muqdisho: Maamulka gobolka Banaadir oo ka warbixiyay bandow xalay ka dhaqan galay magaalada Muqdisho. 23. June 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay qaabkii uu ugu dhaqan galay magaalada Muqdisho bandowgii xalay ka bilowday caasimada iyadoo uu maamulku sheegay in guud ahaan 16-ka degmo uu si rasmi ah uga hirgalay bandowgaasi. Afhayeenka gobolka Banaadir ahna agaasimaha warfaafinta gobolka Maxamed Muxiyaddiin Cali ayaa sheegay in 16-ka degmo ee gobolka uu si rasmi ah ugu dhaqan galay iyadoo ciidamada Booliskana ay qeyb weyn ku lahaayeen sugida amaanka. Maxamed Muxiyaddiin wuxuu intaa raaciyay in bandowgii xalay ka dhaqan galay gobolka Banaadir aysan ciidamadu wax dhibaato ah la kulmin balse waxaa uu qiray in dhowr qarax ay ka dhaceen degmooyinka qaar, qaraxyadaasi oo uu sheegay in aysan geysan wax dhibaato ah maadaama buu yiri ay ka dhaceen meel cidla ah oo ciidamadu ama dad rayid ah aysan ku sugneyn, wuxuuna ku tilmaamay weerar fuleynimo. Afhayeenka ayaa sheegay in tiro dad ah ciidamada Booliska ay xalay qabqabteen kuwaasi oo uusan cara baabin waxa ay yihiin hase ahaatee uu maamulka dhawaan shaacin doono. Dhinaca kale waxaa xalay magaalada ay aheyd caasimad haawaneysay inkastoo dhowr qarax uu barbar socday bandowga ay dowladda ku soo rogtay mana jiraan ilaa iyo weli khasaarooyin la sheegi karo oo qaraxyadaasi geysteen. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
-
Bandowgii ay DFKS ku soo rogtay Muqdisho oo xalay dhaqan galay Last Updated::2007-06-23 12:16:08 Muqdisho:-Bandowgii ay DFKMS horay shaaca uga qaaaday in dhaqan gelintisu bilaabmanayso habeenkii xalay ahaa --- Ayaa ka dhaqan galay xalay magaalada Muqdisho . iyada oo ciidamada boliska ee dawlada laga arki karay iyaga oo roondo ku samaynaya wadooyinka magaaladasi Waxase wax yar kadib markii uu dhaqan galay bandowgu laga maqlay degmooyin kala gedisna oo ka tirsan magaalada qaraxyo waaweyn kuwaas oo ilaa iminka aan la sheegin qasaaraha ay geysteen Masuuliyinta maamulka Banadir oo saaka la hadlayay saxaafada ayaa waxa ay sheegeen in xalay si rasmi ah uu bandowgu u dhaqan galay isla markasna qaraxyadii ka dhacay magaalada aysan wax qasaare ah geysan waxayna sheegeen in ay jiraan dad badan oo ay ciidamada boliska ay qabeen habeenimadi xalay Wakaalad@hotmail.com HorseedNet.com
-
Reer Gedo will go the way of their kinsmen from Galgaduud. No need to fret and no need to be overjoyd the battles have not started and the pretence of governemnt will not restrain the locals. Kismayu will be like Mogadishu a big prison for the JVA.
-
Mogadishu: curfew under way, a few bombs but the city locked
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
War deg deg ah: Qaraxyo caawa laga maqley Muqdisho, xili uu bandowgii.. Wararka ka imaanaya magaalada Muqcdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya ayaa sheegaya in caawa qaraxyo xoogan laga maqley qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Qaraxyadan oo ahaa kuwa xiriir ah ayaa tiradoodu waxay gaaraysaa ilaa iyo sideed waxaana la sheegay in si weyn looga maqley xaafadaha Muqdisho. Wariye ka tirsan Idaacada SBC oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in qaraxyada laga maqley deegaano ka tirsan xaafada Hodan, waxaana adag in si deg deg ah lagu ogaado qaraxyadan khasaaraha ay geysteen. Qaraxyadan oo sideed ahaa ayaa waxaa la sheegay in ay ku soo beegmeen xili caawa uu si buuxda magaalada Muqdisho uga dhaqan galey bandow ay DFKMG ah ee Soomaaliya ku soo rogtey xaafadaha Muqdisho. Warar faahfaahinsan oo dheeraad ah kala soco SBC SBC News Desk -
Mogadishu: curfew under way, a few bombs but the city locked
General Duke posted a topic in Politics
Muqdisho: Bandow caawa si rasmi ah ugu hirgalay magaalada Muqdisho. 22. June 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa gebi ahaanba albaabada loo laabay goobaha ganacsiga, waxbarashada, maqaayadaha iyo xarumaha kale kadib markii lixdii iyo barkii maqribnimo ay dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho iska wada xaadiriyeen guryahooda intii aan la gaarin 7-fiidnimo oo ka bilaabaneysay bandow ay dhawaan shaaciyeen guddiga amaanka qaranka. Gebi ahaanba magaalada Muqdisho ayaa ah goob haawaneysa marka laga reebo baabuurta dagaalka oo ay saran yihiin ciidamada dowladda oo taageerayaan kuwa Itoobiya oo iyagu gaaf wareegaya wadooyinka magaalada Muqdisho iyo jidadka gala xaafadaha Muqdisho. Bandowgan ayaa u muuqda mid u hirgalay sidii loogu talagalay sida ay qadka isgaarsiinta noogu sheegeen dadweyne kala duwan oo ku kala dhaqan daafaha magaalada Muqdisho oo aan la xiriirnay. Waa markii ugu horeysay ee bandow lagu soo rogo guud ahaan magaalada Muqdisho tan iyo intii ay dowladda Federaalka la wareegay gacan ku heynta magaalada Muqdisho, waxayna xaaladu u muuqataa mid dajineysa qaraxyadii iyo weerarada habeenkii ka dhacayey magaalada Muqdisho wallow aaney ilaa iyo hada wax war ah ka soo saarin dowladda Federaalka oo la filayo in beri ka hadasho bandowga dhaqan galay iyo waxyaabihii ka qabsoomay howlgalada ciidamada. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho -
TBFS.Cabdi Qeybdiid oo gaaray Garowe kulana la yeeshay Madaxda Puntland Last Updated::2007-06-22 18:13:49 Garowe:- Gen.Cabdi Qeybdiid Taliyaha Booliiska Somaaliya oo hada safar ku jooga Puntland ayaa magaalada Garowe kulamo kula yeeshay Madaxda sare ee Puntland. Madaxweynaha Puntland Gen.Cadde Musse ayaa xafiiskiisa shalay ku qaabilay wafdi uu horkacayo Gen.Cabdi Qeybdiid Taliyaha Booliiska Federaalka iyo Taliye kuxigeenka Booliiska Soomaaliya Gen.Axmed Taajir Cabdi Xaashi, Gen.Bashiir Maxamed Jaamac iyo Saraakiil kale oo katirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo uu kuweheliyey Kulankaas Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Mudane Xasan Daahir Maxamuud ayaa waxaa sidoo kale goob Joog ka ahaa Taliye Kuxigeenada Ciidanka Booliska Puntland, Taliyaha Kuliyadda Tababarka Booliska Qaranka Soomaliyeed ee Carmo iyo Masuuliyiin kale. Gen.Cabdi Qeybdiid ayaa Madaxda sare ee Puntland uga warbixiyey safarka uu hada ku joogo gobalada Puntland iyo waliba tababarka laga furay akademiyada Booliiska ee Carmo halkaasi oo ay hada ku xeroodeen racii Sadexaad ee Ciidamada Booliiska Federaalka iyo kuwa Puntland. Taliyaha Booliiska Federaalka Soomaaliya ayaa ku amaanay Dowlad Gobaleedka Puntland taageerada ay siiso Xukuumada Federaalka, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in si weyn la isaga kaashado sare u qaadida tayada ciidamada Booliiska ee gobalada Puntland iyo kuwa kale ee Federaalkaba. HorseedNet.com
-
Breaking news:Kismayu taken over by locals..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Adeer no worries have a good friday. -
Breaking news:Kismayu taken over by locals..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Adeer, calm down dont have a heart attack. The fact is the dust is yet to settle and your side claimed victory way too early. Hence the fake reports in one instance you had Col Koojar and the next it was the deaths of a total 7 men in the toughest fight in 7 years Adeer there is no raganimo from your side. -
Breaking news:Kismayu taken over by locals..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dagaalo Xoogan Oo Ka Socda Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo Posted to the MOL June 22, 2007, 10:39 am Dagaalo xoogan ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka jubadda Hoose halkaasi oo ay ku dagaalamayaan dhinacyadii isku hayay magaaladaasi. Dagaalkaani oo markii hore ka bilaawday deegaanka Goobweyn ayaa hadana warar haatan soo baxaya waxa ay sheegayaan in uu ka socda garoonka magaalada Kismaayo halkaasi oo ciidamo guramd ah ka soo galeen . Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha uu geeystay dagaalkii ka bilaawday Gobweyn ayaa hadana cisbitaalka Kismaayo waxaa la gaarsiiyay meydka ilaa sedex qof iyo dhaawaca afar qof Dagaalkaani ayaa saameyn ku yeeshay magaalada Kismaayo , iyadoo inta badan goobaha ganacsiga albaabada loo laabay. Ilaa iyo haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowlada KMG ah oo ku aadan dagaalka haatan socda Warkaani waxii ka soo kordha qeybaha dambe ayaan idinla soo socodsiineynaa haduu alla idmo Cismaan Xasan Cali(Fantastic) Xafiiska Mudugonline.com, Muqdisho -
Breaking news:Kismayu taken over by locals..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
A major war? In which the 7 men died. gedonet.com, is even confusing itself. Its The beggining of the end for the JVA junior members in Kismayu. -
Breaking news:Kismayu taken over by locals..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Warar kale oo ka soo baxaya dhanka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in rasaas laga maqlayo dhanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyadoo taasi u muuqanayso in ciidamo dhabar jabin oo dhankaasi ka soo galeen magaalada Kismaayo. SBC News Desk -
Breaking news:Kismayu taken over by locals..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dhinaca kale, dagaal kale ayaa si kedis ah uga qarxay nawaaxiga garoonka magaalada Kismaayo markii laga soo baxay salaadii Khudbada Jimcaha iyadoo halkaasina ay soo buurteen ciidamo gurmad ah iyo dhabar jebin isugu jiray oo iyagu markii hore ku diyaarsanaa duleedka garoonka Kismaayo, waxayna wararku sheegayaan in ciidankaasi ay soo jiireen kuwii gacanta ku hayay degmada Kismaayo, iyagoo la wareegay gacan ku heynta garoonka. Ciidamadii horey ugu sugnaa garoonka ee gacantana ku hayay Kismaayo ayaa la sheegay inay haatan dib ugu soo gurteen magaalada gudaheeda, gaar ahaana hotelka Kaah ee degmadaasi. dayniile.com -
Breaking news:Kismayu taken over by locals..
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Its the latest news saxib. -
War Deg Deg ah"Wararkii ugu danbeeyey iyo gacan ku haynta Kismaayo. (WYNET)Kismaayo:-Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaray ayaa waxay sheegayaan in dagaal kharaar ka dib ay Malayshiyaadkii deegaanku la wareegeen gacan ku haynta magaalada isla markaana laga xoog roonaaday Malayshiyadii horay u haysatay oo iyagu qabsaday bishii April ee aan soo dhaafnay. Dagaalkaan ay ciidamada deegaanku kula wareegeen gacan ku haynta magaalada ayaa yimi ka gadaal socday ilaa shalay galab. Wali wax faah faahin ah kama soo bixin arrinta dagaalka iyo sida ay arrintu tahay hadda,kala soco Shabakada Waayaha.net wixii kazoo kordha daqiiqad walba. Waayahanet@hotmail.com
-
Kismayu: on the brink. more troops arrive in Bulu Gaduud
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dagaal ka dhacey Kismayo 21 Jun 21, 2007 - 2:47:34 PM Dagaalkan oo ka dhacey suuqa arriga xaafada Calanley ayaa bilowdey kadib markii dhalinyaro ka tirsan beelaha daga gobolka Waamo ay weerar ku soo qaadeen Maleshiyadka beesha **** oo ka arimaya inta badan gudaha magaalada Kismayo. Wararkan ayaa sheegaya dagalkan uu qabsadey dhalinyaradan xilligaas ku wajahneyd ciidamo ka tirsan beeshooda oo ku sugan duleedka magaalada Kismayo halkaas oo maalmahaan uu ka jirey dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan beelaha ***** iyo ****** oo gobolka Jubbada Hoose daga. Dagaalkan oo bilowdey galabnimadii shaley 4:30pm ayaa socdey ilaa gabal gaabkii kaas oo marki dambe iskiis isaga istaagey kadib markii maleeshiyaadka weerarka ku soo qaadey xaafada Calanley ay dib u gurteen madaaama xaafadaas ay ku badanyihiin tageraayaasha ciidamada magaalada Kismayo dibadeeda ku sugan. Khasaaraha ayaa aad u cadeyn madaama xilli maqribnimaa uu dhacey, dhinaca kale dhaliyardii dagaalku qabsadey ayaa wararku sheegayaan in ay u ambabaxen goobihii ay ku socdeen. Sidoo kale dagaanka u dhexeeya tuulada Buulo-Guduud iyo Yoontooy ayaa waxaa ku sugan maamulkii Jubbada Hoose iyo ciidamo ay wataan kuwaas oo in mudo ah dibad joog ahaa kadib markii Maleshiyo beeleed ay la wareegen gacan ku haynta magaalada Kismayo. Dagaalkan ayaa u muuqada mid isu badali doono mid beeleed kadib markii DFKMG ah ay ku guuldareysatey xallinta dhibaatooyinka soo jireenka ah ee ka taagan gobolka Jubbada Hoose. Beelaha isku haya Jubbada Hoose ayaa kuligood sheegayaan in ay tageersan yihiin DFKMG ah balse aysan iyagu heshiis aheyn. Xiisadda ka jira gobolka Jubbada Hoose ayaa maalmahan cirka isku shareertay iyada oo laga cabsi qabo in halkaas ay ka dhacaan dagaalo faraha looga gubto. Kala soco Garowe Online wixii warar ah oo ka soo kordha xiisada ka taagan Kismayo Garowe Online, Kismayo