General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^Adeer you seem to know "clan hymns" thus its an issue you must overcome yourself before addressing others. As for the outlook its rossy, the armed groups are now staging mortar attacks on children no longer can they capture cities and towns and they sing from Asmara when ever the TFG makes a move forward. Thus in eight more months expect them to be even weaker.
  2. Halkuu marayaa shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya? By Falastin A. Iman 30-July-2007 Shirweynaha dib u heshiisiinta Qaran ee ka socda Muqdisho ayaa Isniintii (30kii July07) galey maalintiisii 15aad oo ergooyinka ka wakiilka ah beelaha hirka jooga ay gudbiyeen cabashooyin ay kala tabanayeeaan. Waxyaabaa sida weyn looga doodey maalmihii u dambeeyey waxa ka mid ah qeybsiga loo baxshey ‘point five’ ama beelaha loogu yeero ‘others’ oo beelahaasi ay ku doodeen in qeybsigaas iyaga nuska ka dhigaya la baab’iyo. Shir guddoonka shirweynuhu waxa ay ku celcelsheen in shirkani uu noqon doono mid siyaasadeed waxana ay kuwa shirka ka maqan ugu baaqeen in ay ak soo qeyb galaan. Waxase shir guddoonku sheegey in marka hore dadku is-cafinayo oo la isku qalbi xaaray beelaha wax kala tirsanay. Shirkan oo la filayo inuu socdo laba bilood ayaa beesha caalmku u qoondeysey lacag gaareysa $8.5 malyuun. Waxyaabaha la filayo in shirka lagu falaaqeeyo waxa ka mid ah arimo khuseeya midnimada qaranka iyo wanaajinta is-xukunka wanaagsan.
  3. ^^^Thats what Horn usually says after a defeat, its expected adeer. Just make sure reason prevails stop with the land grabs it failed adeer Siyad and Hiiraale and will fail now.
  4. ^^^Adeer the freeway analogy means getting to the destination, which is peace.
  5. ^^^loool. Now this clan lives in Jilib probably makes up 90% of the popultion. Adeer you seem confused. The clashes was not as you reported a security event. Just stop with the lootings adeer it wont get you far From Beerxani, to Bardheere, Kismayu to Jilib? Too many events with the same signiture.
  6. ^^^We have two years and three months left. So it will continue. This is not a fake media type event liek the courts, this is huilding adminstartion for every region, setting up Federal states, building the army and police as well as developing national institutions.
  7. ^^^Adeer Somalia is not Iraq and "Somaliland" is not the UAE. Adeer even your "Mother" Ezabels country recognises Puntland's progress. Dont be jelous now adeer.
  8. ^^^That was Hussain Aydeed who is a member of the Asmara group, no one else made anything cloose to what you suggest.
  9. ^^^Adeer, Somali's have not been living a dream these past 17 years. A million lost their lives and many more fled their homes which are still occupied. Those who assasinate, kill and bomb children will not get any respite in their homes, in the bushes in the hospitals they will be hunted down. Thats the truth adeer. Crocodile tears for the likes of the Sharif Ahmed and others wont get you any advantage.
  10. ^^^Oh I get ya, you was not against the clan fight just who won? Come on Onkod will not admit their sub-clan lost just like Gedonet never reported the defeats of Hiiraale. Also my beloved Allpuntland as above reported these JVA millitias looted the city, just like Onkod.
  11. An anti courts site Allpuntland reports that militias looted the city.. As have Onkod and others reported. Jilib: Bililiqo xoogan oo loo geystay guriga Guddoomiyaha degmada Jilib 5. August 2007 Jilib(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya degmada Jilib ee gobolka J/Dhexe ayaa sheegaya in saakay dagaalo kulul oo dhex maray labo maliishiyooyinka beeleed sababay dhimashada shan qof iyo dhaawaca sagaal kale oo ah kooxihii dagaalamayey. Maliishiyooyinka dagaalamayey ayaa mid ka mid ah ay u suuragashay iney gacanta ku dhigaan degmada Jilib ayna ka awood roonaadeen kuwii kale ee ka soo horjeeday iyagoo maliishiyooyinka qabsaday degmada Jilib ay bililiqo xoogan u geysteen guriga Guddoomiyaha degmada Jilib Axmed Yuusuf (Axmed Dooro) kuwaasoo gebi ahaanba qaatay wixii agab iyo gaadiid ahaa ee yaalay gurigiisa. Maliishiyooyinka la wareegay gacan ku heynta degmada Jilib ayaa lagu waramayaa iney yihiin kuwo ka soo jeeda maliishiyada gacanta ku heysa magaalada Kismaayo kuwaasoo dhac iyo boob u geystay ganacsatadii iyo dadkii magaca lahaa ee ku heybta ah maliishiyada laga awooda roonaaday ee degmada Jilib taasoo keeni karta xiisad hor leh oo cirka isku sii shareerta. Gebi ahaanba waxaa istaagay isu socodka gaadiidka isticmaala wadada isku xerta Muqdisho iyo Jubbooyinka iyadoo deegaanadaasina laga dareemayo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan maliishiyooyinkii laga saaray degmada Jilib. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  12. Another pro court website Dayniile reports the same clan clashes. dayniile
  13. Another very pro courts and anti-TFG site. Dalkanews reports that clan militias attacked from Kismayu and the local clan fought them. source
  14. Adeer Onkod is not only a pro courts because of the clan. It is even more pro the interest of their clan in Jilib and Ocadenia. Hence this report. No hypocracy adeer just the Other side of the storty.. Here is your beloved JVA master Radio Shabbele report, is it not close to the Onkod one? 5 ruux oo ku geeriyootey dagaallo ka dhacey degmada Jilib Mogadishu 05, August 07 ( Sh.M.Network) 5 ruux ayaa ku geeriyooday labo kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray dagaalo xalay iyo saakay ka dhacay degmada Jilib ee gobolka J/dhexe ee koonfurta Somalia. Dagaalkaan oo dhex maray labo maleeshiyo beeleed ayaa waxa uu si goos goos ah ku bilowday xalay, iyadoo saakayna dagaalka uu sii xoogeystay. Guddoomiyaha degmada Jilib Daahir Dooro oo shabelle u waramay ayaa waxa uu xaqiijiyay dhimashada labo ruux iyo dhaawaca labo kale oo soo gaaray dhinac ka mid ah kooxahii ishayay, iyadoo warar kale oo laga heley sarkaal hogaaminayey dhinac ka mid ah ciidamadii dagaalamey uu xaqiijiyey dhimashada 5 ruux oo labada dhinac ah. Guddoomiyah degmada Jilib ayaa ku sheegey in ciidamo ka soo dulley degmada Kismaayo ay boob u geysteen xafiiskiisa magaalada Jilib. Col Cabdul Xiirey oo isna hogaaminayey ciidamadii ka yimid dhanka magaalada Kismaayo ee dagaalka laga galey ciidamadii joogey degmada Jilib ayaa beeniyey sheegashada guddoomiyaha degmada Jilib isagoo sheegey in ay tagistooda degmada Jilib ay salka ku heyso sida uu hadalka u dhigey amar ka soo baxey wasaaradda Gaashaandhiga. Dagaalkaan ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa labo maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda beelaha ....................., oo ugu dambeyn keentey in labadan mas'uul ee dowladda ka tirsan ay kala sheegtaan dagaalkaasi. Xaaladda degmada Jilib ayaa haatan degan, waxaana soconaya waan waan ay wadaan odayaal labada beelood ka soo kala jeeda. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
  15. ^^The TFG has nothing to do with Ocaden region nor have all this feeling towards these people any suprise. The defeated groups who use religion and clan fascisam at the same time. Who defend the looters and killers while pretending to be defending the faith. These groups will use any excuse any story and hence the new found love for the Ormo and the Somali's in Ethiopia. Consider that a million or more Somali's have been made refugees by these groups in Ethiopia and KENYA through out the war. The TFG is lasting anything else is a daydream.
  16. ^^^He seemed kind of confused, his words were along the lines "both groups made a mistake, I was part of the TFG but now I am part of the courts" He is flip flopping and I doubt the courts would have him, there are more capable men even from his sub-clan to bring on board.
  17. Some sites are reporting that the JVA clan has invaded Jilib but have been chased out. source
  18. ^^^Adeer he mentioned it a few week back. I have read the article myself on a Somali site.
  19. ^^^Adeer I know its horribel for you. This will continue untill all guns and millitais are disarmed. The clan courts are no more.
  20. Its sad people are making up stories about the late Abu Ammar. There is a Muslim world and we are part of it. As for black people, what does that mean? Are we more black than those who live in southern India or more so than the Sudanese? We are Muslim, African, Arab and part of the world community.
  21. Muqdisho: "Hawlgalladan waxa ay ay ahaayeen kuwa amaanka lugu xaqiijinayo"Taliska Ciidanka Booliska G/Banaadir. 5. august 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Hawlgallo balaaran oo ay maanta Magaalada Muqdisho ka fuliyeen ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa waxaa ka warbixiyay Taliye Kuxigeenka qeybta booliska gobolka Banadir G/dhexe C/laahi Xasan Bariise. Wuxuu sheegay Taliye kuxigeenku in ay sii socon doonan hawlgallada uu ugu yeeray in ay yihiin kuwa looga soo horjeedo amaan darada ,isagoo sidoo kale sheegay in hawlgallada looga gol leeyahay sugida amniga caasumada Soomaaliya ee Muqdisho. Taliye K/xigeenka Booliska gobolka Banadir G/dhexe C/laahi Xasan Bariise oo la weydiiyay cida lugu qabtay ayaa wuxuu sheegay in la qabtay dad badan oo lugu tuhunsan yahay in ay ka danbeeyaan qaraxyada ka dhaca inta badan Magaalada Muqdisho ,isla markaana wuxuu ku celiyay in loo baahan yahay in nabada laga shaqeeyo. G/Dhexe C/laahi Xasan wuxuu intaasi raaciyay in ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya bilaabayaan waqti aan fogeyn hubka dhigis lugu sameynayo Shacabka Soomaaliyeed ee hubka Sharci daraa ku heysta gudaha Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. "Waxaa hawlgalladan hordhac u yihiin hubka dhigis laga sameeyo Muqdisho ,ciidamaduna udiyaargaroobayaan" Ayuu yiri Taliyekuxigeenka Qeybka Booliska gobalka Banaadir oo Saxaafada la hadlayay. Dadka reer Muqdisho ayaa waxa ay hawlgalladii maanta ku soo xusuusteen ,markii ay dowlada Soomaaliya waday baacsiga Haraadigii Maxkamadaha ee lugu dagaalamayay sagaalka Maalmood Magaalo Madaxda dhexdeeda. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  22. Baaritaano ka socda Muqdisho Ciidamada dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Itoobiya ayaa saakay howlgalo balaaran ka bilaabay qeybo ka tirsan Muqdisho iyadoo hub fara badan iyo shaqsiyaad gaar ah ay howlgalkooda ku soo qabqabteen kuwaasi oo loo gudbiyay xasbiyada magaalada Muqdisho. Dadka Muqdisho ayaa saakay ku waabiriistay ciidamo baaritaano adag ka wada xaafadaha Albaraka, KPP, Isbitaalka Digfeer, Tarabuunka, Xero Ruushka, Warshadda Caanaha, Kuliyadii Jaalle Siyaad, Baar Ubax qeybo ka mid suuqa Bakaaraha waxayna ciidamadanu ay dadka ku amrayaan in aysan isticmaalin wadooyinkaas ay ka sameynayaan howlgalka. Col. Yuusuf Cusmaan Dhuumaal oo ah Afhayeenka ciidamada howlgaladaan wada ayaa sheegay in ciidamada dowladda aysan wax dhibaato ah u geysaneyn dadka rayidka balse howshooda ay gudanayaan si nabadgelyo ah, isagoo intaa raaciyay in marka uu howlgalka dhamaado ay soo bandhigi doonaan wixii ay ku soo qabqabteen. Howlgallada ay ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia ka wadaan Muqdisho ayaa ah kuwa joogta ah inkasta oo ay weli jiraan weeraro joogta ah oo lala begsadao ciidamada dowlada kuwaas oo dhibaato xoogan ka soo gaarto shacabka rayidka ah. Garowe Online, Muqdisho
  23. In ka badan 50 qaran diid oo lagu soo qab qabtay howlgallo ka soconaya qeybo ka mida magaalada Muqdisho. Iyadoo xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho ay ciidanka xoogga dalku maanta howlgallo ka wadaan ayaa xaafada warshadda caanaha waxaa howgalka ka soconaya ay ciidanku ilaa iyo haatan kusoo qabqabteen in ka badan 50 ka mida maliishiyooyinka qaran diidka ah . Maliishiyooyinka ayaa ciidanku ay ugu galeen guryo ay ku sugnaayeen oo xilliyada habenkii ay weeraradooda kasoo qaadi jireen,waxaana gacan ku dhigidda maliishiyooyinkan qarandiidka ah loo kaashaday dadweynaha deegaanka oo ciidanka soo siiyay faafaahinno dheraada oo ku aadan waxa ay maliishiyooyinkaasi qabtaan iyo guryaha ay ku sugnaayeen. Sidoo kale waxaa ciidanku ay gacanta kusoo dhigeen hub iyo wax yaabo kale oo ay qaran diidku guryaha loogu galay ku heysteen,iyadoo sidoo kalana gacanta lagusoo dhigay haween raashinka ukarinayay . Waxaa xiran wadooyinka warshadaha iyo 30-ka oo howlgallada ugu ballaarani ay maanta ka soconayaan,waxaana ay ciidanku galayaan guryaha oo mid mid ay baaritaanno ugu sameynayaan. Sidoo kale waxaa xiran isgoysyada Taribuunka,Casa Popolare iyadoo wadooyinka soo gala suuqa bakaruhuna ay xiran yihiin wadooyinka soo gala suuqa bakaaraha ee magaalda Muqdisho Wixii kusoo kordha howlgalladan ay ciidanku wadaan dib ayaanu aqristalaa idinkalasoo socod siin doonaa hadii eebe idmo. Xafiiska war qabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho contact:carmooyin@hotmail.com